Site hosted by Angelfire.com: Build your free website today!
S o m a l i    E l e c t r o n i c    J o u r n a l
A Destination for Somali News, Business and Culture
SEJ Logo
  • Somali Studies
  • Somali Culture
  • Business
  • Communication
  • Computers
  • Education
  • Entertainment
  • Hobbies
  • Internet
  • Jobs
  • Libraries
  • Music
  • S.E.Journal
  • Newspapers
  • Organisations
  • Search Engines
  • Shopping
  • Sports
  • Travel
  • Women
  • Gundhigga Wargayska
    Akhriso B. Martida
    Taariikh: 5.3.2000
    Saxiix B. Martida
    FREE DOWNLOADS - LASOO DEG QORAALLO BILAASH AH
  • Wararkii toddobaadkan oo af ingiriis ah
  • Buug cusub oo afsoomaali ku qoran
  • BOGGA 1AAD ARARTA WARGAYSKA
    Maxaa ku cusub Somali Electronic Journal?
    Sidii caadada inoo ahaydba, bil kasta wixii joornaalka ku cusub ayaan si warbixin ahaan ah ugu soo gudbinnaa akhristayaasha sharafta leh iyo xubnaha ku tixan wargayska, sidaa darteed waxaan toddobaadkan akhristayaasha u soo bandhigaynaa dhowr qodob oo ay lagama maarmaan tahay in fiiro gaar ah loo yeesho, maadaama ay saamaynayaan wax tarka iyo qaayaha wargayska.

  • Logo-da Cusub ee Wargayska Somali Electronic Journal?
    Sida laga arki karo caaradda sare ee wargayska dhinaca bidix, waxaan toddobaadkan soo gelinay Logo ama sumad cusub oo aanan horey loo adeegsan jirin, summaads waa mid aan ugu tala galnay in wargayska lagu aqoonsado kana turjumaysa xaaladda taagan ee maanta soomaaliya ku sugantahay, midabka cas wuxuu u taaganyahay colaadda iyo xaaladda dagaal ee dalka qarisay, kan bulugga ahna waa calankeennii oo dhiig lagu dhaqay, xarafka "s" ee midabka cad lehna waa rejada nabadeed ee ummadda Soomaaliyeed sugayso. Guud ahaan midabadu macnahaas bay u taagan yihiin, qaababkuna ujeeddooyin kale oo kala duwan bay leeyihiin, laakiin inta aan soo sheegnay ayaa ugu muhiimsan.

  • Liiska Automatigga ah ee Somali Electronic Journal
    Alle mahaddiis, waxaan ugu dambaystii ku guulaysannay in aan dhammaan emailladii akhristayaasha wargayska SEJ ku darno liis cusub oo automatic ah, kaas oo inoo saamaxaya in aan qabano howlo badan oo wax wayn u taraya akhristayaasha wargayska, tusaale ahaan, liiskani wuxuu inoo suurta gelinayaa in aan, qabano sheekaysi furan oo akhristayaasha oo dhan ka qayb qaadan karaan ayada oo qof kasta ra'yigiisa u gudbin karo akhristayaasha intooda kale, waxaa kale oo aan furi karnaa is dhaafsiga salaamaha iyo tahniyadaha siiba munaasabadaha sida ciidda iyo rabadaanka iyo xajka iwm, waxaanna ku billaabi doonnaa munaasabadda xajka ee soo socota inshaa allaahu, taas oo aan dhammaan akhristayaasha u fasixi doonno in ay ciidda carrafo isu diraan salaamo iyo tahniyado ayaga oo adeegsanaya liiska (SEJ@topica.com)

  • Akhristayaasha Wargayska Somali Electronic Journal
    Akhristayaasha wargaysku waa kuwa sida tooska ah u rukuntay, wargayska SEJ lagama akhrin karo internetka mar walba, ee waxaa si joogto ah loogu soo diraa kaliya dadka rukuntay, mararka qaar xayaysiin ahaan ayaan u gelinaa soc.culture.somalia iyo www, intaba. Hase ahaatee taas macnaheedu maaha in uu si joogto ah u soo gelayo mar walba, sidaa darteed, ciddii xiisaynaysa wargayska waa in ay rukumato.

  • Buugga Martida ee Bogga Somali Electronic Journal
    Maalmahan dambe waxaa soo kordhay dhibaatooyin ay keeneen dad aan xilkas ahayn ama aan ku tilmaami karno maangaab, kuwaas oo dhowr jeer cay iyo aflagaaddo iyo hendedaad u soo jeedshay qoraayaasha wargayska iyo wargayska laftiisa, ayaga oo ka faa'iidaysanaya xorriyadda iyo madaxbannaanida aan xadka lahayn ee bahda SEJ siisay dadka soo booqda buugga martida.

    Arrinkaas wuxuu keenay in aan dib uga fiirsanno falalka qaabka daran ee ay ku kacayaan dadkaas maangaabka ah, kadib markii aan dhowr jeer waano iyo wax dhihid kala daalnay, waxaan go'aan ku gaarnay in aan xakamayno buugga martida, oo aan ilaalinno waxyaabaha soo gelaya.

    Sidaa darteed, buugga martida ee SEJ hadda kadib looma ogolaan doono maqaaladaha sida tooska ah u waxyeellaynaya shakhsiyaad gaar ah ama hanti gaar ah ayaga oo aanan waxba galabsan. Taas macnaheedu waa in aanan joojin doonin maqaaladaha kaftanka ah ama caytanka ah laakiin aanan cidna si gaar ah loogu danlahayn ama aanan lagu magacaabin.

    Soomaalidu way kaftantaa, wayna xifaalootantaa, laakiin waa in aanan shakhsi gaar ah si gaar ah wax loo dhihin, waana in aanan hanti gaar ah si gaar ah wax loo gaarsiin. Wixii intaa ka soo hara ee ama dhaliil ah ama ra'yi ah ama canaan ah, ama xifaalootan ah, ama xataa caytan ah, ee aanan qof gaar ah loogu dan lahayn oo aan lagu magacaabin, wali buuggu wuu u furanyahay, maxaa yeelay waxaan doonaynaa in aanan marnaba xorriyadda qoraaga soomaaliyeed wax loo dhimin.

  • Buug iyo qoraallo iyo warar "free" ah!
    Wargayska Somali Electronic Journal wuxuu akhristayaasha u soo bandhigayaa buug iyo qoraallo iyo warar bilaash ah oo ay kala soo degi karaan joornaalka dhexdiisa toddobaad kasta buug ama qoraal "free" ah ayaa soo geli doona, sidoo kale, toddobaad kasta waxaa soo geli doona wararkii doddobaadka oo la soo ururshay oo af ingiriis ah, qofkii doona markaa wuu la soo degi karaa oo akhrisan karaa. Dhammaan qoraalladaas waxay u gaar yihiin dadka wargayska rukuntay oo kaliya, dadka aanan rukuman wargayska looma ogola in ay wargayska akhristaan ama la soo degaan qoraallada "free"-ga ah ee wargayskan.
  • Somali Forum
    Free Email
    Free Guest Book
    Free Home Page
    BOGGA 2AAD WARARKA SOOMAALIDA
    War xiiso leh oo Xamar ka yimid !!
    Waxaa Qoray: Maxamad M. Caddaawe "Geeddow"
    Bernard de Wildostraat 430, 4827 EH Breda Netherlands
    E-Mail: geddow@hotmail.com - Websites www.goplay.com/Geeddow2 & www.goplay.com/Cadale1
  • War Saxaafadeed la soo saaray
    War saxaafadeed ow soo saaray Xisbiga layiraaho Somali Liberal Parti (SLP) oo Xamar ka furan aa waxow ku sheegay inuw bulshada Soomaalida guud ahaan iyo gaar ahaan kuwa deggan Xamar iyo agagaarkeda ku baraarujihaayo in sidegdeg ah looga hortago wax lataabankarana laga qabto xaalufinta daran ee lagu haayo degaanka Soomaalida, gaar ahaan dhuxusha sida xad dhaafka ah loogu raraayo dalka Emiraadka Carabta.

    Xisbigu waxow ku baaqay in la abuuro Guddi u howlgalo badbaadinta deegaanka lana suubiyo ciidamo u gaar ah ilaalinta degaanka iyo ka hortegidda raridda dhuxusha, waxowna islamarkaas ku yaboohay inow xisbigu wax ka bixidoono kharashka ku baxaayo howgaladaas, waxow sidookale hayadaha wadaniga ah ka codsaday iney furaan sanduuq dhaqaale oo arrintaas samatabixinta deegaanka gaar u ah.

    Xisbigu waxow digniin u soo jeediyay dadka geedaha gooyo kedibna dhuxusha ka dhigo, kuwa ganacsatada ah ee dhoofiyo dhuxusha, maraakiibta lagu raro iyo dalalka loo iibgeyaba ugana digay ciribxumada ey arrintaas keeni doonto haddi aan la dhaafin ku dhaqankeeda, gaar ahaan xisbigu waxow dowladda Emmiraadka u soo jeediyay in aduunka lagu dacweyndoono dhibaatada ey degaanka Soomaalida u geysaheyso darteed.

    Waxaa sidoo kale warsaxaafadeed arrimaha deegaanka ku saabsan soo saaray urur lamagac baxay Golaha Wadatashiga Soomaaliyeed oo Dr. Bood madax u yahay waxowna goluhu ku baaqay in si degdeg ah looga hortago ku daadinta dalka Soomaalia sunta iyo haraaga warshadaha nukleyeerka iyo xaalufinta lagu haayo degaanka, xoolaha ladhaqdo iyo kuwa duurkaba, waxowna goluhu soo jeediyay usugana in la abuuro guddi badbaadiyo deegaanka iyo bee'ada oo ah heer degmo iyo mid gobolba waxowna heyada caalamka ee ku shuqlan horuumarinta deegaanka ka codsaday iney Soomaalida gacan ku siiyaan badbaadinta degaankooda, waxaa kale oo ow goluhu farta ku fiiqay in cadaadis xoogleh lasaaro dalalka loo suuqgeeyo waxyaabaha lagu xaalufihaayo deegaankeena.

  • Aniga Waxay ila tahay!
    Arrimaha ku saabsan warsaxaafyada aan kor ku soo tilmaamay aniga waxey iila muuqdaan kuwo farax leh oon muddooyinkaan dambe ka soo yeerin geesaha Soomaaliya. Waxaan wada ogsoonahay muddadii dalkeenu dowlad la'aanta ahaay in xoolahii dadka ka dhexeeyay lakala boobay, boobkaas oo ilaa hadda ka socdo dalka oo dhan berri iyo badba lana caadeystay in laboobo hantidaas iyadoo loo kala aabayeelin, waxaa weliba muddadan dambe sii bateen dad ganacsato isku sheegaayo iyo kuwo masuuliyiin aan nahayba leh iney shirkado iyo shaqsiyaadba heshiisyo ku sheeg lagalaan si kheyraadka dalka loo xaalufiyo oo wixii ka soo baxo si toos ah jeebkooda ugu shubtaan welibana ku baabi'iyaan shacbiga ayagoo awoodooda muujihaayo.

    Ugudambeystii waxaan dadka Soomaaliyeed ee weli wadaninimadu ku jirto dalka gudihiisa iyo dibbadiisaba ka codsahaa iney taageeraan soojeedinta aan kor ku soo sheegay, laguna dhiirigeliyo nimanka bilaabay arrintaan oo ah mid muhim ah sida ey aniga iilamuuqato, laguna taageero muruq, maal iyo maskaxba qofwalbo tabarteeda.

  • Qoys wada socda oo lagu qabtay qaad iyo maandooriye kale
    Ikraam Naasir, Sweden
    Malmö, Sweden Waxaa poliska wadankan gacanta ay ku dhigeen labo carruur soomaaliyeed ah oo ay da'doodu aheyd 7 iyo 11 jir maalintii talaadadii aynu soo dhaafnay, waana markii ugu horeysay ee baaritaan noocan ah sameeyaan ragga waardiyeya meelaha laga soo galo wdankan ee sida xeebaha iyo xuduudyada.

    Caruurtan oo ay lasocdeen labo qof oo waxgarad ah ama dad waaweyn waxaa ay ka soo dageen magaalada dekeda ah ee Malm iyagoo kayimid dhinaca kopenhegan ee wadanaka Denmark.
    Waxaa qoyskaasi wada socday u muuqdeen qoys isqaba oo shoping kasameysanaya doonta gudaheeda, hase ahaatee sida ay polisku kuwarameen ma aysan aheyn qoys isqaba, marka lagareebo haweeneydii dhashay labadaasi caruur oo noqtay hooyo iyo carruteeda.

    Markii ay qoyskii wada socaday ka soo dageen doonyaha yar yar ee laiskaga goosho Malm iyo Kopenhegan oo ay soo galeen qeyba baaritaanka lagu baarro rakaabka ayaa laga shakiyey maadama ay kamuqatay cabsi xoogleh iyo dhangaxsanaan, waayo dalkan waa ka mamnuuc in lasoogaliyo qaad, qofkii lagu qabtana waxaa uu muteysanaayo xarig. Shakigii laga shakiyey dadkaasi waxaa uu kalifay in qoyskaasi lagu sameeyo baaritaan, markii labaaray dhamaan alaabtii ay wateen ayaa caruurtii boorsooyinkoodii dhabarka u saarnaa laga helay 6 kilo oo qaad ah iyo maandooriyayaal kale ee uu kamid yahay Anfateminka.

    Waxaase wax lala fajaco noqotay markii la arkay carrutan yaryar ee boorsooyinkoodu ka buuxay qaad, su'aasha la isweysiiyse ay aheyd caruurtu miyey wax ka ogaayeen mise qabar daar ayey ka ahaayeen arintan?

  • Markii hore way inkireen!
    Markii hore wey inkireen in ay iyagu leeyihiin alaabtan isla mrkaana aysan garaneyn meesha ay katimid. Hase ahaatee markii loo wareejiyey saldhiga poliska si loo dhageysto dacwadooda ayey baqeen markaana sheegeen in iyagu aysan lahayn alaabtan balse tahay wax loo soo dhiibtay, oo ay u wadeen waxa ay ugu yeereen"saaxiibo".

    Waxaase ceeb iyo yaxyax noqotay hooyadii dhashay labaadi gabdhood in damiirkeedii siiyey in caruurteedii ay iyadu dhashay ay u soo dhiibto maandoodoorye iyada oo aan ka fakarin mustaqbalka caruurteeda, maadama wadankan uu yahay mid kamid ah kuwa sida aadka ah ugu dag-daga ceebaha soomaalida iyo kasheegsheegga waxa aysan aheyn, haddii aanuba ugu horeyn.

  • Qaadku ma maandooriye baa?
    Qaadku sida aanu lasocono qaaradda Afrika waxa uu kayahay caadi mana ahan mamnuc oo wadamada qaar ayuu kabaxaa, dalka soomaaliyana maalin walba si joogto ah ayaa loo keena iyada oo uu kubaxdo qarash badan oo kor u dhaafaya boqolaal kun, waxaa hubaal ah haddi laheli lahaa dad iyagu fekara in qarashaka qaadka kubaxa maalinwalba haddi meel ladhigi lahaa uu ahaan lahay mid waxtarka ummadda soomaaliyeed ee iadu u baahan kaalmo bani'aadam. Sidaasi waxaa yiri ninka la yiraahdo Gert Fyhr oo ah mid kamid ah ilaalada xuduudka wadankan ay la leedahay Denmark.

    Qiimaha uu ku fadhiyo qaadakan lagu qabtay reerkan soomaalida ah ayaa waxaa uu ahaa mid aan sidaasi u buurneyn, waxaase kaliya oo lahubaa in uu u soo jiiday ceeb, fadeexo iyo hal bil oo xarig ah oo ay muteysteen, islamrkaasina ay warbaahinta wadankan iyo dadkiisu si aan caadi aheyn hadal hayeen falka ay ku kaceen dadkan madow ee loo fidiyey kaalmada bini'aadnimo, in iyaguna ay abaal kadhigeen in ay soo galiyaan maandooriyaal.
  • Gabar reer Danmark ah: Niman Soomaali ah ayaa i kufsaday!!
    Gabar u dhalatay dalkan Danmark isla markaana degan magaalada Odense ee dalkan ayaa qiratay in aynan waxna ka jirin eedeyntii ku saabsanayd in ay kufsadeen gabadha labo nin oo Soomaali u muuqaal ekaa. Qirashadan waxa ay ka danbeesay ka dib markii ay gabadhu u gudbisay booliiska magaalada Odense dacwadan aan xaqiiqda ku saleysnayn.

    Waxay gabadhu intaa ku dartay in nimankaas ay wejiga dhaawacyo ka soo gaarsiiyeen, hase yeeshee markii uu booliiska baadhis ku sameeyay arrintaas waxay ogaadeen inaynan waxba ka jirin, sidoo kalena dhakhaatiirta baaritaanka ku sameeyay ayaa iyaguna sheegay in dhaawaca soo gaaray gabadhu ay iyada is gaarsiisay.

    Warkan oo aan ka soo xiganay idaacadda dalka ee Danmark qaybteeda af soomaaliga ayaa sidoo kale daboolka ka qaaday in ku xigeenka qaybta denbi baadhista ee booliiska magaalada Odense uu sheegay inaynan jirin Soomaali ku dhaqaaqday kufsi iyo fara xumeyn kale. Dhinaca kale gabadhii waxaa lagu soo eedeeyay masabishado been ah, taasoo ah denbi kale.

    Aayaha Soomaalida Sweeden oo soo iftiimaya!!
    (From Somali Talk News room):
    Waxaa sooturjumey: Liiban M Shariif
    Metro Isniin 28 feb. Wuxuu joornaalku ku bilaabey maqaalkiisa sidan:
    Sawirada ay jaraaidku iyo idaacaduhu ka bixiyeen Soomaalidu wey badanyihiin, waxaana ka mid ah in ay yihiin "dad aan shaqeysan dhexgalka bulshaduna ay ku adagtahay." Hase ahaatee waxaa muuqta in mustaqbalka Som_sweden uu aad u soo ifayo.
    Soomaalidu waxay yimaadeen dalkan intii u dhexeysey 1989-1995, wakhtigaas oo dhaqalaha wadanku uu aad u hooseeyey, shaqo la´aantuna ay cirka isku shareertey, taasina waxay wax ka oraneysaa amase sharax ka bixineysaa waxa ay Soomaalidu ugu guuleysanweydey in ay markiiba helaan shaqooyin, lana qabsadaan dalkan cusub ee ay soo doorbideen.

    Isaga oo hadalkiisa sii wata wuxuu qoray joornaalku in boqolkiiba 72 ay soomaalidu ahaayeen kuwo bilaa camal ah horaantii 1997. Waxaaba intaa kasii darnaa in inkudhow 31% ay shaqo raadis ahaayeen. Taasina waxay keentay in 9% ay shaqo helaan. Waxaana taa sababay in badanka Soomaalidu xooga saareen in ay bartaan luqada dalka lagaga hadlo.

    Tirada maanta shaqeeysa weli tirakoobkeeda (statistik_eeda) ma soo bixin. Balse sidda uu xaqiijiyey xafiiska dhexe ee qaabilsan uruurinta stastistika in ay tirada Soomaalida iska xaadirisa xafiiska shaqada ay hoos ugu dhacday 60.3% ilaa 43%. Ururka middowga Soomaalida Sweden oo wax laga weydiiyey xaalada Soomaalidu, wuxuu isna qiray in ay soomaalidu ku jiraan wakhti dhabtii lagu farxo mustaqbalkooduna uu aad u soo iftiimayo. Ururku wuxuuse carabaabey in isbedelkani saameeyo kuwa ku dhaqan magaalooyinka waaweeyn ee dalka.

    Baahi shaqaale iyo dhaqaalaha dalka oo si xawli ah u soo kabanaya ayaa keenay amase sabab u noqonkara isbedelkan ku yimi reer Soomalia. Tirada ardeyda wax ka barata jaamacadaha dalka ayaa lagu qiyasaa ilaa in ku dhow 2000 oo ardey siddaana waxaa yiri heyada isdexgalka (integration verket)
    BOGGA 3AAD BOGGA GANACSIGA IYO DHAQAALAHA
    Sarrifka Lacagaha dalalka ay badanaa Soomaalidu deggantahay.
    Dalka Lacag US$1 =
    Qatar Rial 3.639
    Bahrain Dinner 0.3769
    Kuwait Diner 0.3047
    Switzerland Frank 1.501
    Malaysia Ringit 3.800
    Dalka Lacag US$1 =
    Somalia Shilling 9620
    Djibouti Frank 177.72
    Syria Lire 45
    Sudan Diner 247.10
    Yemen Riyal 148.15
    Dalka Lacag US$1 =
    Australia Dollar 1.5349
    Thailand Bahat 37.95
    Canada Dollar 1.4823
    England Pound 0.6207
    Europe EURO 0.9374
    Dalka Lacag US$1 =
    Saudi Riyal 3.750
    U.A.E Durham 3.672
    Oman Riyal 0.3849
    Egypt Pound 3.409
    Iraq Diner 0.3107
    Anglefire Free Email
    BOGGA 4AAD BOGGA QUBANAHA

    Waxaa soo habeeyay: Ikraam Naasir

    Xafiisyaddii BBCda oo u soo guuray Singapore sababo dhaqaale awgeed
    Xafiisyada wakaalda wararka ee BBCda ay ku laheyd jasiiradda Honkong ee Asia ayaa waxaa loo soo raray dalka Singapore, sabatuna waxaa ay tahay dhaqaalaha kubaxa xafiisyadaas wararka soo tabiyaa ayaa waxaa ay noqdeen mid aad u qaali ah oo ay bixin kari waayeen.

    Mark Perrow oo ah madaxa hey''adaasi ayaa sidaasi yiri mar uu u waramaayey warfidiyeenka, sabtuna waxaa weeye Hong Kong iminka waxaa ay noqotay meel ay wax alle iyo wixii yiilay marqura cirka isku shareereen, isagoo warbixintiisa sii wata waxaa uu yiri: Singapore waa dal aad u wanaagsan maciishadiisuna ay jabantahay, howlaheena kala duwan ee warfaafintyadu waanu ku qabsankarnaa qarashakana waanu iska bixin karnaa.

    Jasiiradda Hong Kong waxaa ay ka mid aheyd wadamada horey u maray dalxiiskuna aad ayuu u ficanaa intaanu gacanta u soo galin maamulka shuuciga ah ee Bikiin, waxaa intaa la jira dhibaatooyin dhaqale ee qaaradaasi si gooniya u heysta.

    Hilibkii aduunka ugu dheeraa oo jabiyey rikoorka aduunka
    Hilibkii addunnka ugu dheeraa islamrkaasna jabiyey rikooorka adduunka, kaasoo ah nooca loo yaqaano "Sausage" ayaa laga helay tuulada layriaahdo Tuja ee xagga waqooyi ka xigta magaaladda Serbiya ee dalka Yugoslaafiya.
    Xaflad halkaasi lagu soo bandhigay ee Foot festival, ayaa hilabkaasi waxaa uu jabiyey rikoordka addunka ee cuntada.

    Hilabkan oo aan noocisa wali lagu sheegin dunida ayaa waxaa uu miterkiisa ahaa 2006 mitir, waxaana u kasameysnaa waxyaabo ka yaabiyey dadkii goobtaasi isugu yimd. Waxaan kamid ah waxyaabahaas, 2 ton oo hilib shiidan ah 50 kilo milix ama cusbo qofba siduu uyaqaano, 26 kilo oo barbarooni ah (paprika), 5 kilo oo toon (tuun) ah iyo ugu danbeyntii 6.5 kilo o ah filfil madow.

    Talow hilibkaasi ma loo helayaa qaboojiye qaada, mise hada kadib ayaa laga yaaabaa in loo sameeyo, koley waxaa ay ilatahay in ay ka munaaqashoon doonaan wadamada horumaray arintan!

    Danjirah dalka Polan oo Yamen lagu afduubay
    Danjirihii dalka Polen u fadhiyey Yamen ayaa la afduubay isaga oo siigalaayey gaarigiisii oo yiilay bartamaha magaaladda Sancaa ee xarunta wadankaas, kadib markii uu ka soo laabtay dhaqtarka ilkaha oo uu u waday gabdhiisa.

    Afduub loogeysto dadka shisheeyaha ah gaar ahaan reer galbeedka ayaa waxaaa ay maalmahn danbe noqotay mid ku soo badaneysa dalka Yamen, waxaana afduubkaasi noday mid dhaqaale looga qaato shisheeyaha dalkaasi jooga, waxaana mararka qaar uu ku dhamaadaa in lasoo furto dadkii maxbuus ahaanta loo heystay.

    Sanadkii 1998dii ayaa afduub noocan kale loo geystay dad tiradoodu gaareysay 16 qof, 4 ka mid ahna waa ladilay kadib markii ay isku dayeen cidamad wadankaas iney soo furtaan raggaasi madax furashada looheystay.
    Diplomaasiyiin badan oo reer galbeed ah ayey dhibaatooyin kuwan oo kale ah la soo gudboonaatay dhowrkii sano ee ugu danbeeyey, balse tani waa ay ka duwantahay kuwii horey u dhicijiray oo waxaa markaan shabaqa soo galay danjire dal dhan u fadhiya dalkale, waana markii ugu horeysay ee taariiqda dalka Yamen la afduubo danjire shisheeye ah.

    Waxaa isweydiin mudan muxuu noqon doonaa mustaqbalka dalka Yamen haddii aysan talaabo kaqadin raggan afduubayaalka ah ee lacag doonka ah? Inkastoo xirriirka Yamenta iyo reer gakbeedku uusan aheyn mid sidaasi u sii fiican, taasoo loo aaneynayo maamulka madaxwene Cali Cabdalla Saalix oo isagu maamulkiisa taageero buuxda siiyey dalka Ciraaq.

    Albright ma noqon doontaa madaxweynaha dalka Tjeckis?
    Haweeneyda wasiirka arimaha dibadda u ah dalka Mareykanka Madeliene Albbright, ayaa waxaa lasheegay in uu madaxweynaha wadankaasi ka codsaday in ay noqoto madaxweynaha wadankaas, maadama ay iminka dhawdahay xiligii ay wareejin laheyd jagada wasiirnimo ee ay heyso mardhowna ay dhacayaan doorashooyinka madxtinimada wadanka Mareykanka.

    Madeliene oo sheegatay in ay kasoo fakareyso arintan ayaa loo maleynayaa in ay noqon doonto madaxwenaha wadanka Tjeckis, mar haddi uu ka codsaday madaxweyne Vacklav Haral, muddo iminka laga joogo sanad iyo bar, waxaa kaloo uu sheegay in xitaa ay isku soo sharaxdo jegada madaxtinimada wadanka, muhiimna ay tahay in ay noqto madaxweynaha wadanaasi.

    Su'aashuse waxaa ay tahay mar haddi Mrs: Albright ay noqoneyso shaqalaawe oo uuna soo dhawyahay waqtigii iyada iyo madaxweyne Bill Clinton ka degi lahaayeen shaqadooda, malaga yaabaa in ay noqoto madaxweynaha dalkaasi iyadoo udaneyneysa dalkeeda? waayo wadankan waxaa uu iminka doondoonayaa in uu ku soo biiro suuqa dhaqalaha ee reer Yurub EUda, si uu u helo dhaqaale maadama uu yahay wadan shuuci ah waliba labo wadan u kala go'ay. Mrs Albrightna aytahay haweeney ruug cadaa u ah siyaasada caalamka door fiicana kasoo ciyaartay siyaasada arimaha dibbada Mreykanka, ayna horey u soo aheyd safiirkii Mareykanka u fadhiyey golaha amaanka ee qaramada midoobay.

    Mrs Albright waxaa uu asalkeeda yahay Yahuudii ka soo cararay gumaadkii Hitler ugeystay yahuudii dageneyd qaarada Yurub. Waxaa iyadoo yar iyo familkeeda soo galeen Mareykanka aabaheedna waxaa u ahaan jiray ragga katoliga ah, marna waxaa uu noqday danjire. Waxaase lasugi marka ay haweendaasi xilka ay heyso dhiibto, xaalkeeduna markaas buu isbadali doonaa.

    la xiriir Ibraahim Salah (for free copy)
    BOGGA 6AADBOGGA HAWEENKA
    Qasim's photo
    Qasim Hirsi
    Waxaa Qoray: Qaasim Xirsi Faarax
    International Islamic University
    Gombak, Kuala Lumpur, Malaysia
    Email: qasim55@hotmail.com
    Soo booqo bogga
    ururka Almanhal
    almanhal
    SINAANTA RAGGA IYO DUMARKA
  • Maxay ku doodaan dadka dumarka nus ka diga?
    Tusaalaha labaad ee ahaa "maxaa ninka loogu kallifay in uu xaaskiisa biilo"? Waxaa dhawaan la gaaray in la ogaado in ilmuhu ay ka samaysmaan shahwada ragga oo keliya, halka ay shahwada dumarku ku qaybsan tahay sii diyaarinta iyo sallixidda halkii ay shahwadaasi ku dhici lahayd ee hadana ceshan lahayd ama qaadan lahayd. Sidaas darteed in asal ahaan ay ilmuhu ka samaysmaan biyaha aabaha oo helaya dheeha biyaha hooyada.

    Haddaba tani waxa maanta inoo caddaaysay macnaha aayadda Quraanka ee ah:
    " Kii loo dhalayna waxaa dushiisa ah nafaqadeeda- masruufkeeda iyo marashadeeda, si wanaag samayn ah. Nafna lagu dhibi mahayo wax aysan awoodin. mid wax dhashay lagu dhibi maayo ilmeheeda, midkii wax loo dhalayna ilmihiisa (sidoo kale lagu dhibi maayo). Kii wax dhaxlayeyna sidoo kale. Hadday doonaan in ay kala tagaan -is furaan iyaga oo labadoodu isaga raalli ah oo ku soo tashaday, wax dambi ihi dushooda ma saarna. Hadaad doontaan in aad caruurtiina u nuujis dalabtaan dambi korkiina maahan, mar hadaad bixinaysaan wixii aad siinaysaan (ijaarkii aad ku heshiiseen) si wanaag ku dhisan. War Ilaahay ka baqa oo ogaada in uu Ilaahay yahay mid arkaya waxa aad samaynaysaan".

    Waxaa daliil weyn oo arintaas garab siinaysa ah; sida uu Eebbe ku caddeeyey aayado kale o isla mawduuca la xiriira. Tusaale ahaan, marka uu Eebbe leeyahay "Dejiya halka aad degantihiin ee aad heli kartaan, hana dhibinina si aad nafta ugu ciriirisaan. Hadday uur leeyihiin waa in aad ku nafaqaysaan –masruuftaan ilaa iyo inta ay ka dhalayaan. Hadday idiin nuujinayaana siiya ujuuradooda, hana ahaado markaste dhexdiina wanaag (wada shaqayn wanaagsan). Haddii aad dhibsataan (ay socon weydo in ay hooyadii ilmihii nuujiso) ha u nuujiso mid kale (oo ujuuro lagu siiyo, si ayanan marnab ilmuhu nuujis la'aan udhicin). Waa in u nafaqeeyaa midkii xoolo badani si ka go'da xoolihiisa. Midkii lagu ciriiriyey risqigiisana, ha ka biilo wax alle wixii Ilaahay siiyo. Laguma dhibayo naf, wax aan la siinin. Ilaah waxa uu dhibka ka dib ka dhigi doonaa fudayd"     [Waa socotaa..]
  • BOGGA 7AAD DIINTA ISLAAMKA
    Habnololeedkii Saxaabada Rasuulka
    Waxaa Qoray: Ibrahim Salah Adan
    Email: ibra88@hotmail.com - Odense, Denmark
  • CABDULLAAHI BINU CABBAAS
    Wuxuu Cabdullaahi weydiiyay kooxdii su'aashan ah: "Ilaah baa idinku dhaariye ma waxaa fadli badan xukunka ninka iyo afadiisa iyo addoonka mise xukunka ummad dhiiggeeda la badbaadinayo, dhaawaceedana la dhayayo? Waxay yiraahdeen khawaarijtii haa oo waxaa fadli badan xukunka ummadda. Arrinta kale ee la xiriirta inuu Cali la dagaalamay Mucaawiya iyo Caa'isha, laakiinse uusan addoonsan dumarkooda isla markaana qaniimaysan maalkooda.

    Cabdullaahi wuxuu weydiiyay su'aashan ah: " Ma waxaad banaysan lahaydeen hooyidiin Caa'isha iyo wixii aad dumarka kale ka banneysateen, haddaad tiraahdaan "haa" waad gaalowdeen, sidoo kalena haddaad tiraahdaan ma aha hooyadeen iyadana waad gaaloowdeen oo waxaad ku kufriseen aayadda uu Alle ku oronayo: "Nebiga ayaa uga roon (turid badan) Mu'miniinta naftooda, haweenkiisuna waa hooyooyinkood".

    Faa'iidadii iyo midhihii ka soo baxay kulankii Cabdullaahi Binu Cabbaas uu la yeeshay khawaarijta ayaa waxaa ka mid ahayd in tiro aad u badan oo ka mid ah khawaarijta ay ka soo laabteen khilaafkoodii iyo madax taagoodii ay ka madax taagayeen amarka Cali (rc), kuwaasoo tiradooda gaarayay ilaa labaatan kun (20.000) oo qof, halka kuwa kale ee ku adkeystay khilaafka Cali ay gaarayeen tiradooda 4 kun oo keliya.

    Cabdullaahi Binu Cabbaas wuxuu ahaa kii aad u qaddariya oo u weyneeya ku dadaalidda barashada waddada cilmiga. Intii uu Rasuulka (scw) ifka saarnaa wuxuu Cabdullaahi cilmiga ka biyo cabbi jiray Rasuulka (scw), hase ahaatee kolkii uu Rasuulka (scw) haleelay saaxiibkii sareeyay waa Alle'e wuxuu u jiheestay xagga saxaabada culumadeeda isagoo ka baranayay aqoonta iyo barashada diinta Islaamka.     [Waa socotaa..]
  • BOGGA 8AAD xayaysiin
    BOGGA DHALLINYARADA
    SHEEKADII KALIILA IYO DIMNA
    Qaybtii: 43aad
    Waxaa qoray: Cabdullaahi Ibn al-Muqafac
    Waxaa soomaaliyeeyay: Xersi Labahagarre
    Bandar Seri Begawan, Brunei Darussalam
    T U K I H I I -- I Y O -- G U U M A Y S K I I
    Boqorkii: oo taasi sidee bay ahayd?
    Tukihii: waxaa la yiri: xayn boolaboola ah oo aan boqor lahayn ayaa waxay isku raaceen in ay boqorka guumaysyada boqor ka dhigtaan, ayaga oo sidaa ah ayaa tuke soo maray, markaas bay dheheen haddii uu inoo imaan lahaa tukahani waan la tashan lahayn, wax yar ka dibna tukihii ayaa u yimid oo way la tashadeen, wuxuuna ku yiri: haddii shimbir oo dhan gobalada ka dhammaan lahayd, oo daa'uus, cagaballaar, goroyo, iyo qoollay dunida laga wayn lahaa, uma dhibaatooteen in aad guumays boqor ka dhiga taan, kaas oo shimbir oo dhan ugu fil daran, uguna anshax xun, uguna garaad yar, uguna caro badan, naxariis oo dhanna uga fog, ha kuula jirto in uu arag la'yahay, oo uu maalintii humaawsanayo, waxaa in taas ka daran oo kasii xun dabbaalnimadiisa iyo anshax darradiisa, aniguse mooyi in aad boqor ka dhiganaysaan, dhugtiinna iyo garaadkiinana aad ku maamulaysaan arrimihiinna, sidii uu yeelay bakaylihii yiri, dayaxa ayaa boqor ii ah, dabadeedna garaadkiisa ku howlgalay.

    Boolaboolo: oo taasi sidee bay u dhacday?
    Tuke: waxaa la yiri, dhul uu maroodi ku dhaqnaa ayaa abaarsady, oo biyihii ka yaraadeen, ilihiisiina gureen, cawskiisiina dheray, dhirtiisiina qallashay, kolkaas baa maroodigii harraad xumi qabsaday, kadibna boqorkoodii ayay arrintaas uga eed sheegteen, boqorkiina sahan buu meel walba u diray, si ay biya u raadshaan, qaar sahankii ka mid ah ayaa soo noqday oo u sheegay in meel hebla ilu ku taallo, loona yaqaan ishii dayaxa. taas oo biya badan leh, boqorkii maroodiga iyo ciidankiisii isla markiiba ishii bay aadeen, si bay uga soo cabaan, hase ahaatee ishu waxay ku tiil dhul bakayle ku dhaqanyahay, markaas bay ku joogjoogsadeen godadkoodii oo qaar badan ka laayeen, kolkaas baa bakaylihii boqorkoodii la kulmeen, waxayna ku dheheen waad aragtaa waxa maroodi nagu dhigay.     [Waa socotaa..]

    BOGGA 9AAD!Register-It! -
 Promote Your Web Site!
    HIDDAHA, DHAQANKA, SUUGAANTA IYO AFKA SOMALIDA
    MACMACAANKA MURTIDA SOOMAALIYEED
    1. Waad baahantahay looma bahala cuno.
    2. Wax rag kaa galay rake kaa gale.
    3. Wixii dooxa daad ha qaado wixii debeddaana dabayli ha qaaddo.
    4. Waxaadan hurayn horaa loo yeelaa.
    5. Wax aanad heli karayn wax aanad u baahnayn baa laga dhigaa.
    6. Wax aan gacantaada ku jirin iyo afkaagu way kala raagaan.
    7. War jiraaba cakaaruu iman.
    8. Waran kugu soo noqondoona lama rido.
    9. Wan wayni jeeroo la gawraco indhihiisu cirka ma arkaan.
    10. Waraabe ul lala gaari waa afna waxba lagaga guri waa.
    BOGGA 9AAD xayaysiin
    IIDHEH IYO OGAYSIIS
    Soodhawaynta Isku dubbaridaha Wargayska!

    Xurriyadda Ra'yiga
    Walaal aqriste, ma dhacday hadda ka hor in lagu cadaadshay ama aad cadaadis la kulantahy?!
    Madhacday hadda ka hor in xaqaaqa aad u leedahay in aad ra'yigaaga dhiibato lagaa inkiray?!
    Ma dhacday hadda ka hor in aad intaad hadal maagtay, aamus lagu yiri, oo hendedaad iyo cabsiin laguugu deray?!
    Ma dhacday hadda ka hor in kuwa jahli iyo cadaawo isku gaashaan buursaday ay kugu jujuubeen in aad ra'yigooda raacdo?!

    Haddii aad la kulantay waxyaabahaas kowo kale oo la mid ah, maanta waa laga baxay waqtigii lays jujuubi jiray, oo jaahilku caalimka afqabanjiray.

    Adiga oo ku bishaaraysanaya horumarka warbaahinta casriga ahi gaartay ha illoobin in aad cadkaaga goosato, oo aad ra'yigaaga si madaxbannaani leh u dhiibato, adiga oo aanan cidna ka baqin!!

    Wargayska Somali Electronic Journal waa wargayska kaliya ee xurnimo buuxda kuu siinaya in aad fidiso figradahaaga, asiga oo aanan kugu xirin, qabiil, mad-hab diimeed, aydoloojiyo gaar ah iyo siyaasad dowladeed toona.

    Meesha joornaallada kale ee soomaalida badankoodu ay u adeegayaan kooxo gaar ah iyo xoogag qabiil iyo kuwo diimeed, SEJ wuxuu kaa ballan qaadayaa in uu fidsho maqaal kasta oo loo soo diro, uusanna ku xirin wax aan ahayn shardiga (farsamada) qoraalka.

    Programmed, Developed and Written by Hersi M. Labagarre
    Codka Somalida Cusub, Waa wargays Electronic ah oo Toddobaadle ah, wuxuu ku soo baxaa afka Soomaaliga Maalin kasta oo Axad ah
    WARGAYSKAN MAQAALADAHA LAGU FIDSHO, WAX AAN SHARDIGA FARSAMO AHAYN LAGUMA XIRO, KAAS OO AH IN MAQAALKU AHAADO "WAR ISKU TOOSAN OO UJEEDDO LEH"

    "DHAMMAAN MAQAALADAHA WARGAYSKAN KU SOO BAXA WAXAY U TAAGANYIHIIN ARAGTIDA QORAAGA ASIGA AYAANA U QOOLAN, EE UMA TAAGNA UJEEDDADA WARGAYSKA, ISKUDUBBARIDAHANA WAX XIL AH KAMA SAARRA"

    DHAMMAAN XUQUUQDA DAABACAADDU WAY DHOWRANTAHAY

    Copyright 1998 - Labagarre - All rights reserved.
    Nala soo xiriir
    booqo csc H. page
    Saxiix B. Martida
    Codso wargayska sej
    Dhiibo Aragtidaada
    Akhriso B. Martida
    Xayaysiin
    Bogaadin
    Somali Forum
    Free Email
    Free Guest Book
    Free Home Page