Site hosted by Angelfire.com: Build your free website today!

A Destination for Somali News, Business and Culture

Puntland

Somaliland

WesternSomalia

Djibouti

Awdal
Gundhigga wargayska Somali Electronic Journal

Subscribe SEJ

SEJ Old Website

SEJGuest Book(Sign)

SEJGuest Book(View)

Somali Forum

Editor's Page

SEJ Terms

SomaliPages

Somali Organisations
Somali Chat Room
Somali Community
Somali Students Association in Malaysia
Somali Students & Academics Ass. Sweden
Somali Students Association in The Netherlands
The global voice of Western-Somali People
Somalinet Website
Somali Inter
Somali Newspapers
Sahanpress(London)
Somali Sydney Weekly News
WadajirNewspaper(Danmark)
Somalipress online(Toronto)
Dhambal Newspaper
Somali Related Sites

  • BBC Somali News

  • BBC News-Arbic(live)
    BBC News-English
    Capital FM-London(live)
  • Reuters(Somali News)
  • Africa News Online (Somalia)
  • BBC Somali News
  • ICRC Operations in Somalia
  • Relief Web: Home Page
  • Addis Tribune
  • Minnesota Star Tribune
  • AP News
  • NBCNews Page(Somali News)
  • ABC News Page
  • CNN News Page(Somali News)
  • Arabia Online
  • Arab Net
  • Middle East Internet Directory

  • Somali & Arabic Music
    Somali Songs
    Sudanese Songs
    The top ten Arabic Songs
    Somali Business
    Somalay SND. BHD.
    Idco Carpet & Furnishing
    Somalinet
    Dahabshiil
  • Arabic Newspapers

  • al-hayat (London)
    al-dustur (Jordan)
    al-rayi al-am (Sudan)
    as-sharq al-awsat
    al-Itihad Newspaper (UAE)
    al-Qabas Newspaper (Kuait)
    More Arab News Papers
    Gundhigga Wargayska Codka Somalida Cusub
    A. Taariikh Gaaban
    (1). Waxaa la aasaasay 1.1.1998kii, Markiisi hore waxaa loogu talagalay in ay wararka isku dhaafsadaan ardayda soomaaliyeed ee wax ka barata South East Asia.
    (2). 1.6.1998kii ayuu noqday wargays electronic ah oo afsoomaali kaliya ku soo baxa looguna diro email qof kasta oo soo codsada.

    Wargayskan waxaa abaabulay oo xagga qoraalka sixidda iyo farsamada intaba iska xilsaaray Hersi Mohamed Labagarre.

    (3). Qoraallada ku soo baxa wargayska waxaa soo qora dhallinyaro kala duwan oo ugu deeqa qoraalladaas dadwaynaha soomaaliyeed ee wargayska aqrista.

    B. Ujeeddooyinka Wargayskan loo abuuray.
    (1). In la helo hab wax tar leh oo ay ku xariiri karaan soomaalida dunida ku firirsan, kuna salaysan farsamada cusub ee dunidu maanta gaartay.

    (2). In la taabsiiyo dadwaynaha soomaalieed qiimaha ay leedahay, isku xirnaashada iyo aqoon iswaydaarsiga joogtada ah.

    (3). In la helo qaab soomaalidu meel kastaba ha joogaane, ay figraddooda si madaxbannaani buuxda leh ugu soo jeedin karaan, ayaga oo aan wax shuruud ah lagu xirin.

    (4). In afsoomaaligu ahaado, qalabka loo adeegsanayo isku xiridda soomaalida dunida dacalladeeda ku firirsan.

    (5). In lagu dhiirri gelsho aqoonyahannada iyo ardayda soomaaliyeed, ladagaallanka aqoondarrada iyo figradaha duugga ah ee qabiilku ka mid yahay, ee ku duugan maskaxda umadda soomaaliyeed.

    C. Qodobada uu wargayskani ku howlgelayo.
    (1). In mudnaanta la siiyo xurriyadda ra'yiga iyo madaxbannaanida qoraaga soomaaliyeed, ayaga oo la rejaynayo in arrintaasi soomaalida ku dhiirri geliso, wax qoridda iyo wax aqriska.

    (2). Si arrinta "xurriyadda ra'yiga" loo hirgelsho, waa in la fidsho qoraal kasta oo wargayska loo soo diro, aanna lagu xirin wax aan ahayn shardiga farsamo, ee ah in qoraalku ahaado war isku toosan oo ujeeddadiisa la fahmi karo.

    (3). In isku dubbarida yaasha wargaysku ka fogaadaan, wax alla iyo wixii nacayb ka dhalinaya ummadda soomaaliyeed dhexdeeda, sida Qabyaaladda, mad-habadaha diimeed, iwm.

    (4). In kolka wax la fidinayo, mudnaanta la siiyo, wararka ku saabsan soomaalida meel kasta ha joogeene, dabadeedna, lagu xejiyo wararka muslimiinta, kadibna qoraallada ku saabsan culuunta casriga ah, diinta iyo suugaanta.

    D. Magaca Wargayskan
    Wargayskan Magaciisa Rasmiga ah waxaa la yiraahdaa:
    (Codka Somalida Cusub) Waxaan ku qornay billawga bogga here weer af ingiriis ah oo ah (Somali Electronic Journal), taas macnaheedu ma aha in uu magac yahay ee waxaan ugu tala galnay in dadka ajnabiga ah ee wargayska arka gartaan ujeeddada wargayska iyo waxa uu ku saabsanyahay.
    Sidaa darteed waxaan weedhan gelinay billawga wargayska.

    E. Fidinta Qoraallada, Wararka iwm.
    Dhammaan dhallinyarada soomaaliyeed meel ay joogaanba waxaan ogaysiinaynaa in wargayska Codka Soomaalida Cusubi ku soo dhawaynayo gacmo iyo laab furan wixii warar ah ama qoraal ah ee ay doonayaan in ay ku fidshaan wargayskan, ha usoo direen:
    hersi@brunet.bn

    Wararkaas iyo qoraalladdaas, waxaa lagama maarmaan ah in ay laba shardi la yimaaddaan:
    1. Waa in aysan ahayn kuwo hadda ka hor la fidshay.
    2. Waa in ay ku magacawnaadaan qofkii qoray, ee aaney ahayn qaar la soo xaday.
    Wargayskani ma fidin doono maqaalado, figrado ama cilmi baarisyo, gabayo, murti iwm, hadddii aanay ku socon magacii qoraagii runta ahaa ee figradda iska lahaa.
    ********

    F. Fidinta Ogaysiisyadda iyo Xayaysiinta
    Waxaan xasuusinaynaa dhammaan aqristayaasha ku tixan wargayskan, in ay wixii ogaysiis ah ama baafin ah ee ay doonayaan in ay fidshaan u soo diri karaan wargayska looguna fidin doono bilaash.
    Dadka aan xubin ka ahayn aqristayaasha wargayskan bilaash looguma fidin doono ogaysiisyada iyo baafinta.
    Sikastaba arrintu ha ahaatee, wargayskani bilaash kuma fidin doono ogaysiisyada iyo xayaysiisyada la xiriira ganacsiga iyo kuwa ururradu leeyihiin, qofka fidinayaa xubin haka ahaado aqristayaasha ama yuusan xubin ka ahaane.

    G. Codsashada Wargayskan
    Wargayskan bilaash (Free) baa lagu qaybshaa, cid aan soo codsanna looma diro.
    Hadaba, qofkii doonaya in loo soo diro email ha soo diro asiga oo leh:
    (ii soo dir codka soomaalida cusub), ama ha saxiixo, buugga martida ee ku yaalla halkan:
    https://www.angelfire.com/ms/sej/
    qofkii aan doonayn in loo soo dirana, ha soo qoro email, asiga oo leh (ha ii soo dirin codka somalida cusub).

    H. Dhowritaanka Xuquuqda Qoraallada
    (1). Dadka wargayskan in loo soo diro sida rasmiga ah u soo codsaday, way daabacan karaan wayna aqrisan karaan, wayna masawiran karaan marka loo soo diro jornaalkan, waxaase reebban in dib loo sii qaybsho ama laga ganacsado ama dano kale oo gaar ah lagu fushado.

    (2). Dadka aan soo codsan wargayskan in loo soo diro, uma bannaana in ay wargayskan masawirtaan ama daabacaan, haddiise ay doonayaan in ay aqarsadaan waxay soo booqan karaan Home page-ka Codka Somalida Cusub ee kor ku xusan.

    (3). Wargayskan waxaa hanti gaar ah, sidaa darteed, xuquuqdiisu guud ahaan iyo gaar ahaanba waxay u dhowrantahay abaabulaha wargayska Hersi M. Labagarre, ciddii doonaysa in ay si gaar ah uga faa'iidaysato qoraallada wargayskan ku soo baxa, ha la xiriirto abaabulaha wargayskan.

    (4). Dhammaan qoraallada wargayskan ku soo baxa ama buug ha ahaadeen ama maqaallo ama warare', waxay xuquuqdoodu u dhowrantahay qoraaga soo qoray.
    Waxaa Qoray:
    Hersi M. Labagarre

    C/o. No. 21 Spg 484 jln Jerudong,
    Brunei Darussalam.
    Tel: 02-612774

    [Yahoo! News Search] [Yahoo! Yellow Pages] [Yahoo! Quotes]
    Copyright 1999 - Labagarre - All rights reserved.
    Feedback SEJ NetGuide
    Subscribe SEJ
    Contact Us