Site hosted by Angelfire.com: Build your free website today!
Bogga Codka Somalida Cusub
Gundhigga wargayska Codka Somalida Cusub
Waa wargays Electronic ah oo Toddobaadle ah Wuxuu ku soo baxaa afka Soomaaliga Maalin kasta oo Axad ah
Taariikh: 4-10.1.1999
Aqarso B. Martida
Best Viewed:
Netscape Communicator 4.0
Saxiix B. Martida
FADLAN   TAAGEER   WARGAYSKA   CODKA   SOMALIDA    CUSUB
BOGGA 1AAD Somali Students Association in Malaysia
ARARTA WARGAYSKA
United Nations Consolidated Inter-Agency Appeal for Somalia

    calan somali
Waxaa Somaaliyeeyay:
Xersi M. Labagarre

Qaybtii 3aad

Xafiiska ay warqaddu ka soo baxday: Xafiiska UN ka u qaabilsan Daryeelka Aadanaha.
Taariikhda: January - December 1999
Yaboohii Hay'adaha UN ku u sameeyeen Somaliya
Xafiiska Qaabilsan Arrimaha Daryeelka Aadanaha (OCHA)

James Gustave Speth
Administrator
United Nations Development Programme

Warbixintii Howlwadeenka
Qaybta 2aad, kala horraynta waxqabadka, waxaa loo soo bandhigay. Mudnaanta saddex gobol oo la soo koobay, Waqooyi Galbeed, Waqooyi Bari, iyo Bartamaha iyo Koofurta.

Sikastaba ha ahaatee, xoogga waxaa la saaray, caddaynta iyo faahfaahinta mudnaanta ay leeyihiin, mid kasta oo ka mid ah, shan gobal iyo laba xuduud-gobaleed.
Si loo fududeeyo iskaashiga farsamo ee ka dhexeeya hay'adaha, shanta gobol ee ugu waawayn, aasaas ahaan waxay la mid yihiin, kuwaa hadda lagu adeegsado guddiyada shanta gobal ee xiriirka ururka gargaarka somalia(SACB).

Waxay metelayaan gundhigga mashaariicda iyo howlaha wakaaladaha UN-ka ee 1999ka, kuwaas oo ka qaybqaadan doona fulinta danaha goorta gaaban in lagu gaaro la doonayo ee qaybta 1aad lagu soo sheegay.

  • Sugidda jidiinka iyo kobcinta nolosha;
  • Caafimaadka iyo nafaqada;
  • Biyaha iyo nadaafadda;
  • Waxbarashada;
  • Maamulka bulshada;
  • Xuduud-gobaleedka: Xuquuqda aadanaha; qorshaynta iyo xiriirinta.
    •     Waa socotaa ...

BOGGA 2AAD Somali Forum Free Email Free Guest Book Free Home Page
WARARKA SOOMAALIDA
Qalinjebinta Booliiska Muqdishu
booliis
Mogadishu, Dec 29, 1998, Xaflad Qalin jebin oo loo sameeyay ciidanka cusub ee booliiska magaalada ayaa dhawaan lagu qabtay Muqdishu, ciidankaas wuxuu gaarayaa in ka badan 2000 oo askeri, waxaana loogu talagalay in ay nabadda magaalada sugaan.
Xafladdaas oo lagu qabtay meel gegi ah waxaa isugu soo baxay dad aad u farabadan, oo halkaa ku daawanayay dhoollatusadka ay askartaasi samaynayaan.

Taliyaha ciidanka booliiska magaalada Muqdishu Abdi Xasan Qaybdiid wuxuu sheegay in ciidankaas la siiyay tababar fiican, howshiisa ugu horraysana ay noqon doonto ilaalinta nabadgelyada magaalada, taas oo loogu gogol xaarayo furitaanka dekedda magaalada iyo gegida diyaaradaha.

Ciidankaas waxaa maalgelinaya madaxda mashruuca maamulka magaalada Muqdisgu , Xuseen Caydiid iyo Cali Mahdi iyo Qanyare, oo bishii Agosto ee la soo dhaafay saxiixay heshiis maamulkaas lagu soo dhisayo.

Maamulkaa waxaa ka soo horjeestay abaandullayaal kale oo deggan magaalada oo ay ka mid yihiin Ismaan Caato iyo Ina Xaaji Bood.

Qaxooti Soomaaliyeed oo Ethiopia u Qaxay
ADDIS ABABA, Dec 28 (Reuters), Qaxooti Soomaaliyeed oo tiradiisu gaarayso 10,000 ayaa u qaxay xudduudka Ethiopia toddobaadkii la soo dhaafay, ayaga oo ka soo cararaya dhibaatooyinka ay keeneen abaarta iyo daadadka ka dhacay koofurta somalia, sidaa waxaa sheegay isniintii madaxda Ethiopia.

Dadkaa qaxootiga ah waxaa la dejiyay agagaarka Wardeer iyo Afdeer oo ku yaalla dhulka soomaalidu degto ee Ethiopia, dhulkaas oo la sheegay in uu yahay dhul abaar ah ama abaar xigeen, oo dadka deggan hadda ay ku dhibaataysan yihiin.

Qaxootigii somaliya oo wali ku xaniban Mombasa
Nairobi, December 27, 1998, Qaxooti tiradoodu kor u dhaafayso 400 oo qof ayaa wali ku xaniban magaalada Mambasa ee dalkaasi Kenya, kuwaas oo doonayay in ay dalkii dib ugu laabtaan, waxaa la sheegayaa doontii qaadilahayd in aanan rarkeedii wali la dhamaystirin.

Markab wayn oo la yiraahdo Safina al-Hindi ayaa halkaa ku xiran, kaas oo loo malaynayo in uu xaabin doono dhammaan inta ka hartay qaxootigii soomaaliya ee meeshaa joogay iyo cuntada loogu deeqay.

Waxaa kale oo nin madaxda Mambasa ka mid ahi beenshay warar sheegayay in 79 qof oo raacay doonnidii Tawfiiq la la'yahay meel ay mareen ama qatar ku jiraan badda kacsan awgeed.

Ninkaasi wuxuu sheegay in uusan xaqeejin karin halka ay doonnidaasi jirto, maxaa wacay doonnidu malaha qalab isgaarsiin oo ay kula xiriirto maraakiibta kale.
Waxaa kale ee uu intaa ku deray, in doonnidaasi ka baxday Kalifi maalintii jimcaha loona malaynayay in ay somaliya gaarto 26 ama 27kii bishii December.

Toddobaadkii la soo dhaafay horraantiisii ayaa saddex doomood ka baxday Mambasa kuwaas oo siday qaxooti gaaraya 363 qof, labad doomood oo saddexdaa ka mida ayaa la sheegayaa in ay Kismaayo ku xirteen, middii saddexaadna wax war ah lagama hayo.

Dadkaa qaxootiga ah waxay ahaayeen dadkii diiday in loo raro xeryaha ku yaalla Kakuma iyo Dadaab, ee doortay in ay dalkoodii dib ugu laabtaan.

Wararku waxay sheegayaan in dadkaasi aad u dhibaataysanyihiin dowladda Kenyana ay tarxiilkooda ku madax adaygtay, dhibaatadu waxay u sii badantahay carruurta iyo duqayda oo la sheegay in ay nafaqadarro iyo caafimaad xumo hayso.

Kalluumaysato Reer Ukraniya ah oo la qabtay
Monday, December 28, 1998, Xeebaha Magaalada Caluula ayaa waxaa lagu qabtay niman kalluumaysato ah oo u dhashay dalkaasi Ukrania, sida uu sheegay weriyaha BBCdu, nimankaasi wax cunto ah ma wadan, waxa kaliya ee ay hesteen raadiye ay kula hadlaan maraakiibta joogta xeebaha Cadan.

Xeebaha soomaaliya siiba kuwa soo xiga dhanka bari, waxay maalmahan dambe noqdeen meel loo kalluumaysi tago, bishii la soo dhaafay waxaa la qabtay markab kale oo ay wateen 33 kalluumaysato oo isugu jiray, somali, talyani, kenyati iyo romani, kuwaas oo ay maxkamad Eyl ku taalla ku xukuntay ganaax gaaraya 500 kun oo doolaar.

Abaanduulayaasha Soomaaliya oo sheegay
in ay dowlad soo dhisi doonaan

Tripoli (AFP), Abaanduule Xuseen Caydiid ayaa wuxuu sabtidii la soo dhaafay sheegay in jabhadaha soomaalidu soo dhisi doonaan dowlad midaysan, warkaa waxaa laga soo xigtay telefishinka Liibiya.

Waxaa Caydiid intaa ku deray, in howsha dib u midaynta jabhadaha soomaalida uu ka dambeeyay hoggaamiyaha dalkaasi Liibiya Mocamar al-Qaddaafi.

Toddobaadkii la soo dhaafay horraantiisii ayaa Ina caydiid iyo Cali Mahdi la kulmeen korayl Qaddaafi, waxayna u muuqataa in go'aanka cusubi kulankaas salka ku hayo.

Wakaaladda wararka ee Liibiya (JANA) ayaa sheegtay isniintii in guddi ka socda somaliya oo ay hoggaaminayaan Cali Mahdi iyo Ina caydiid la kulmeen Qaddaafi, waxaana wakaaladdu intaa ku dartay in wafdigaa soomaaliya ka socda Liibiya u yimideen si ay ugu mahad celshaan madaxwaynaha dalkaa horumarinta uu ka qabtay Somalia!
SOOMAALIDA QURBAHA JOOGTA
Ma Is-Qabaan, Mise Way Is-Fureen?

Ibrahim Moallim Mursal
Esdoornstraat 207151 ZA Eibergen, The Nederlands
Tele/Fax +31 -545 -476 -473

somalinet logo

Diintu ma Ragga keliya ayay u hiilisaa?
Diinta Islaamka waa caddaalad Rabbi Samada ka soo dejiyay, isaga oo ugu naxriisanaya khalqiga dhulka ku nool. Marka Diinta ma noqon karto, warqad "turub" ah oo markii adigu rabtid miiska aad soo saaratid. Diinta Alle ayaa soo dejiyay, lama khayaami karo, lamana basaraysan karo sida "gemeente" da.

Ilaahay qalbigaaga ayuu daalacanayaa, ammaanadii uu kuu dhiibayna marna kuu oggolaan mayo inaad cid ku dulmisid. Marka haddii reerkaaga adigu gacantaada ku burburisay, sida kuwa lagu tilmaamay "Gacnahooda ayay gurigooda ku burburinayaan", haddaba oraahda ah: "Furitaan Samadda ayuu kuu jiraa" maxaa keenay, ma Rabbi baad noqotay oo samaddaad xukunka ka soo ridaysaa?

Shalayto adiga oo aan cidna ku khasbin soo tii aad u tagtay Dowladda kuna aad tiri xaaskayga waynu kala tagnay ee diiwaanka inaga saara (Islaanka qabitaan iyo furitaan keliya ayaa ka jira), markhaati ahaan soo gacantaada kuma aad soo saxeexen.

Ka dibna nafaqadii maad goosan. Arintu marka waa Cinaad. Allane raali ka noqon maayo. Waxay ila tahay "xarrigaad hayso inaysan xoolo ku jirin". Haddaba, haddii ay weli rajo jirto, arintana wax ka qabasho leedahay, hala Towbad keeno "rag iyo haweenba", reerkane dib ha loo wada dego, wixii Alla idinku arzuqane ha la iimaansado oo markaas ayay barakoowayaan. Towfiiqdana Allah hana waafajiyo.     Waa socotaa..

Rabadaanka Barakaysan
waqtiyada salaadda
Rabadaanka iyo Caadooyinka Soomaalida
Rabadaanku, sida Ilaahay iyo Rasuulkiisuba u sheegeen, waa bil barakaysan, waxaana qofka soomaya la gudboon in uu wixii xumaan ah oo dhan ka dhowrsado, wixii wanaag ahna falo hadba intii uu karayo.

Arrintaasi waa mid la isku raacsanyahay dhammaan, hase ahaatee bal aan toddobaadkan wax ka taabanno, caadooyinka soomaalida iyo sida ay rabadaanka ula dhaqmaan badankoodu.

1. Arrinta koobaad ee aan xasuusto ee caado guud u ahayd soomaalida intii soomaaliya la joogay, waxay ahayd in qofka soomani ku fikiro sidii uu maalinta isu dhaafin lahaa.

Taasina badanaa waxay keeni ama in turub la ciyaaro ama la hurdo maalinta oo dhan ama badankeeda.

2. Arrinta labaad ee aan caadooyinkii soomaalida badankeedu ku kici jirtay rabadaanka ka xasuusto, waa ayada oo habeenkii oo dhan ama badankiisa la dhafro si berrito loo hurdo, dhafarkaas oo badanaa keena ayada oo habeenka lagu dhameeyo sheekaysi ama shaleema aadid iwm.

3. Arrinta saddexaad oo aan ka xasuusto waxyaabihii ay soomaalida badankeedu ku kici jirtay rabadaanka, waa dadka saxuurta dadka u toosiya, oo marka waqtiga saxuurta la gaaro durbaan ama tanag garaaca si ay dadka hurdada uga toosiyaan.

4. Arrinta afaraad ee aan ka xasuusto waxyaabihii soomaalidu ku kici jirtay, waa ayaga oo maalinta ciidda ah ganacsi xoog leh gala, maalinta ciidda ah, dhammaan caalamka islaamka ah waa feesto, oo wax lama kala gato, ganacsina ma socdo, soomaaliya waxaan wax gadan jirnay subaxda ciidda ah.

Bal hadde aqristow, u fiirso ee maxaa kale oo aan illoobay!, waxyaabihii xiisaha lahaa ee badanaa soomaalidu rabadaanka ku kici jirtay.


BOGGA 3AAD xayaysiin Anglefire Free Email
BOGGA QUBANAHA
Dowladaha Reer Yurub oo lacagtoodii mideeyay
Kow iyo toban dal oo Yurub ku taalla oo bulshadoodu gaarayso 290 Milyan oo qof ayaa waxay sanadka cusub billaabeen in ay mideeyaan lacagahooda.

Lacagta cusub oo ay waddamadaasi adeegsan doonaan waxaa la yiraahdaa (euro), waxaana halkii euro qiimihiisu noqon doonaa kolka loo eego lacagihii hore ee reer yurub adeegsan jireen sidatan:

40.3399 Belgian franc 1.95583 German marks 166.386 Spanish pesetas 6.55957 Franch franc 0.787564 Irish pound 1936.27 Italian lire 40.3399 Luxembourg franc 2.20371 Dutch guilders 13.7603 Austrian shillings 200.482 Portuguese escudos 5.94573 Finnish markha. Ingriiska, Denmark iyo Sweden kuma jiraan.

Madaxwaynaha Nigeria oo ka digay xasillooni darrada
Abuja (Reuters) Madaxwaynaha dalkaasi Naigeria General Abdulsalami Abubakar ayaa dadwaynaha reer Naigeria uga digay xasillooni darrada ka jirta dalka meelo kamid ah.

Wuxuu generalku arrintaa farta ku fiiqay mar lagu jiray shir looga hadlayay qorshaha sanadka cusub ee 1999ka.

Naigeria meelo ka mid ah oo ay ka mid yihiin Delta ayaa xasillooni darro ka jirtay maalmahan, taas ayaana keentay in digniin kama dambays ah madaxwaynaha dalku siiyo qolyaha ka dambeeya qalalaasahaas.

Dalkaasi Nigeria waxaa soo food saaray dhibaatooyin dhaqaale, oo ay keeneen qiimaha saliidda oo hoos u dhacay iyo waxyaabo kale oo ay ka mid yihiin dhaqaalaha adduun waynaha oo xumaaday.

Sanadkii 1998-kii wuxuu Africa u ahaa
Sanad gaajo iyo dagaal

ADDIS ABABA, Dec 28 (Reuters) Xoghayaha Guud ee Ururka Midowga Afrika ayaa Isniintii la soo dhaafay sheegay in sanadkii la soo dhaafay ee 1998 kii uu africa u ahaa sanad dhibaato, wuxuuna ku baaqay in sanadka 1999 ku ahaado sanad nabadeed.

Salim Axmad Salim wuxuu sheegay in dagaaladaasi ka dheceen dalal badan oo afrikaan ah oo ay ka mid yihiin Congo, Sommalia, Burundi, Saxaraha Galbeed, Sudan, Comoros, Ethopia , Eritrea, Guinea Bissau, Lesotho iyo Congada dimuquraadiga ah.

Xoghayugu wuxuu warkaa ka sheegay dalkaasi Ethiopia asiga oo ka jeedinayay qudbaddii sanadka cusub golaha ururuku ku leeyahay dalkaas. Xoghayuhu wuxuu intaa ku deray in dhaqaalaha qaaraddu sanadkii la soo dhaafay xoogoo soo kabtay oo ay shaqikadaha gaarka ahi ka qayb qaateen kobcinta dalalkooda, wuxuuna afrikaanka ugu baaqay in dadaalka kor loo sii qaado si horumar loo gaaro.

Brunei waxay lacag ka dhigtay Barnaamijyadii TV-yada
Dalkaasi Brunei oo runtii ku caan baxay hodonnimo, waxaa dadwaynihiisa 300 oo kun ahi ku raaxaysan jireen barnaamijyo ay u soo duwaan TV caalamiga ah, barnaamijyadaas dhammaantood waxaa lagu daawan jiray bilaash.

Dhowr toddobaad ka hor ayaa waxaa la gooyay kanaalkii Indooniisiya, kadibna waxaa jornaallada dalkaas dadwaynaha lagu ogaysiiyay in la goyndoono MTV (Music TV) iyo V-TV oo asiguna ah kannaal musikada iyo heesaha laga daawado.

Intaa kadib waxaa soo xigtay in dhammaan dadwaynaha la ogaysiiyay in wixii bishan ka dambeeya ay lacag noqon doonaan borogamyada ay sii daayaan (CNN, BBC, Discavery, National Geography, UK-TV, dhammaan borogamyada uu sii daayo Srat TV, HBO, ESPN iyo qaar kale oo badan sida Cartoon Network).

Waxaa sidoo kale la gooyay kannaal uu ka soo geli jiray barnaamij shiinaha Hong Kong laga soo daayo, iyo mid Zee la yiraahdo oo filimada hindiga si joogto ah looga soo dayn jiray.

Wixii bishan ka dambeeya qofkii doonaya in uu daawado barnaamijyadaas waa in uu baxshaa 300 oo dolarka Brunei ah sanadkiiba ama 190 lixdii biloodba.
BOGGA 4AAD xayaysiin
BOGGA DOODDA IYO CILMI BAARISTA
SOMALIDA MAANTA IYO AFSOMALIGA

Waa daraaso cusub oo uu qoraagu ku falaanqaynayo, "habka ay soomaalidu -ha ahaato midda soomaaliya ku nool ama midda qurbaha ku noole- ay afafka somaliga & Ingiriiska) u adeegsato, iyo sida arrintaasi u saamaysay fikirka soomaalida maanta.
Waxaa inoo soo qoray daraasadan:

Ibraahim Yusuf
Skogsrundan 34A, 691 43 Karlskoga, Sweden.
Tel. 586 393 74

Qaybtii 4aad:
Qoraalka Afsoomaaliga
Waxaan ku arkay buug uu qoray nin soomaaliyeed, kaas oo ku andacoonaya, halyeyadii far soomaalida dejiyeyna ku eedaynaya, in ay ka tageen oo ay ka ilduufeen wax uu ku magacaabay xarafka ”Th” iyo xarfo kale.

Wuxuuna ninkaasi soo jeedinayaa in la qaato xarafka ”Z” oo loo isticmaalo ”Th”-ahaan. Su’aasha isweyddiinta lihi haddaba waxay tahay, af soomaaliga ma ku jiraan dhawaaqyada ”Th”, ”Z”, ”P” iyo ”V” ee ingiriisida ku jiraa?

Jawaabtu waa maya. Haddaba sidee ayey suurto gal u tahay, maxaase laga faa’iidayaa, in far soomaalida lagu daro xuruuf aan dhawaaqoodu af soomaaligaba ku jirin? Maxaa looga baahanyahay xarfo loogu talo galay dhawaaqyo af kale?

Miyey carabtu u baahantahay in ay soo qaadato, tusaale ahaan, xarfaha ”P” iyo ”V” ee aan afkooda ku jirin in uu afafka yurub ku jiraan darteed?     Waa socotaa...
Dhibaatooyinka Somaaliya Maxaa xal u ah?
Waxaa Qoray:
Ibrahim Moallim Mursal
[Allah Ummad kama baddalo waxa ay ku sugan tahay; Ilaa ay wax ka baddasho nafteeda waxa ku sugan]
Awood Maroorsi
Nidaamka markuu sidaasi u kalkhalay, siyaasaddiine jahawareertay ayaa ismaqalkii iyo kala dambayntii Sharciga ahaydna luntay. Ugu dambayntii Ciidamada Qalabka sida ayaa Xukunkii gacanta u galay.

Halkaasi waxaa ku baxay habkii iyo qaabkii la yiqiin ee iskala wareegidda xukunka Dalka "The traditional way of power alternance".

Markiiba militariga wuxuu baabi'iyay wixii sharci haraa ahaa ee Dalka ku dambeyay, wuxuuna ku beddelay wax loogu magac daray Warqadda Kowaad iyo Warqadda Labaad ee Kacaanka "La Prima Carta" iyo "La Seconda Carta della Rivoluzione" oo u qaab ekaa nooc jadwal shaqo "job description".

Oraahda ah "Dastuurka iyo Sharciyada kale ee aan la socon karaynin Mabaadiida kacanka waa la baabi'iyay oo ka soo qaad malaha" ayaa lagu soo gunaanaday, laguna masaxay himilooyinkii Ummadda Soomaliyeed muddada dheer u soo halgamaysay.

Halkaas ayaa lagu dhabarjebiyay laguna dhabarweeraray Shacbi dhan guulihii uu ka soo hoyay kifaaxa noloshiisa. Wax loo yaqaan Wareegto (circulars: Presidential, Ministerial, Departemental,etc,) ha ahaato mid madaxweyne, mid waziir, mid madaxda xafiiska, tu bakhaar hayaha, tu horjoogaha gaadiidka iyo wax la mid ah ayaa loo samaystay.

Sharciyadii iyo xeerarkii Dalka lagu kala hagayay, oo ay soo saari jiren Barlamaanka iyo Hey'adaha kale ee Dastuuriga. Wareegtada ayaa noqotay mid wax walba lagu bannaysto oo wixii sharci adag ka yiilay looga tallaabsado.    [Waa socotaa...]  
FOOLXUMOOYINKII KHARAARAA EE WAAYADII DAGAALLADA

    Faahfaahin ku saabsan kitaabkan
    Cinwaanka: Horta Yaa Dunida Fasahaadiya?
    Mowduuca: Waa kitaab afsoomaali ku qoran oo ka hadlaya fasahaaddii iyo hooggii ka dhashay dagaalkii sokeeye ee soomaaliya iyo siyaabaha laga yaabo in loo xalliyo.
    Qoraaga: Qaasim Hersi Farah(Duullaanjecel)
Keenee gar daran?
Si kastaba arintu ha ahaatee anoo garta soo aruurinaya ayaan qola walba doodoodii ku soo gaabiyey sidatan soo socota, haddaba gargoynta xaajadani waxay u taallaa ummadda Soomaaliyeed ee dhibanaha ah, sidaa darteed akhristow garo keennee gar leh keenneese gardaran?.

Isaaq: waxaanu nahay dadkii Soomaalidaba u horseeday ilbaxnimada, calankii iyo xorriyaddii ugu horaysayna inagaa helnay, daacadnimo iyo soomaalinimo nagu jirta awgeedna intaan calankeennii la soo orodnay ayaan koonfurey idiin keenay idinkuna darsanay oo weliba idin siinay Madaxweynenimadii, magaala madaxdii, maamulkii, iyo wax kastoo dawladi lahaan jirtayba idinkoo weliba nagaga dambeeyey gumaysi.

waxaase naxdin iyo muruga leh in taa naloo kaga abaal guday xabbad, xasuuq, dhac, boob, kufsi iyo kala cayrin, tiiyoo aysan Koonfuri noola kala harin, waar miyeynan ahayn in maanta nala ku maslexeeyo madaxweynenimo.

Ogaadeen: waddankani la guban maayo waxaan ahayn xaq darrada iyo inkaarta nala ka galay, waxaannu nahay dadka mar walba u heellan difaaca iyo waardiyaha dalka, maadaama aan ku hareersanahay dalkoo dhan oon dacallada ku hayno waddamada deriska nala ah ee ay cilaaqda aan go'ini na dhex taal, waxaa lagama maarmaan ah inay xabbad kastaa inaga na soo ballayso.

Tan kale waxaan nahay qabiilka ugu faraha weyn qabiilada marka la isku kaaya daro sidaa darteed tiradeenu waxay leedahay tayo wacan oo dhan walbaan dalka ka dhisnaa.

Taa keliya maahee waxaanba nahay dadkii Soomaaliba aabbaha u ahaaye ee soo saaray, Sayid Maxa'd buu ahaa ninkii ugu horeey ee laga maqlo magac Soomaali weyn, nasiib darrase waxay noqotay in kolkii la gaaray mira dhalkii jihaadkiisii loo weeciyey faa'iidadii reer kale oon shaqaysan.

Eegga waxa keliya ee meejatani ku degi kartaa iyadoo inaga nala ku xaal mariyo madaxweynenimada.     Waa socotaa...
BOGGA 5AAD xayaysiin
DIINTA ISLAAMKA
KITAABKA TAWXIIDKA

    Faahfaahin ku saabsan Kitaabkan:
    1.Cinwaanka: Kitaabka Towxiidka(121 Bog)
    2. Mowduuca: Tawxiidka.
    3. Qoraaga: Sheekh Maxamad bin Cabdil wahhab.
    4. Waxaa soomaaliyeeyay: Hersi M. Labagarre
    5. Qiimaha: (US$ 10.00) oo aan boostadu ku jirin.

CASHARKA 26AAD
WAXYAABIHII KU SOO AROORAY FALALLOWYAASHA IWM

Muslim ayaa saxiixiisa kaga soo weriyay qaar haweentii Nabiga ka mid ah, in Nabigu nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee, yiri:"Qofkii faalshow u yimaada ee wax waydiiya oo rumaysta, afartan maalmood salaad lagama aqbalo".

Abuu Hurayrana Allaha ka raalli noqdee, wuxuu Nabiga naxariisi korkiisa ha ahaatee ka soo weriyay in uu yiri:" Qofkii u yimaada falallow ee waxa uu leeyahay rumaysta, wuxuu ku kufriyay waxii muxamad nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee lagu soo dejiyay"{Abuu Daa'uud}.

Cimraan Bin Xisiinna Allaha ka raalli noqdee wuxuu Nabiga ka sheegay in uu yiri:"Naga mid ma aha qofkii shimbiro ku saacsada ama loogu saacsho, ama faalsada ama loo faalsho, ama wax sixra ama loo sixro, qofkii falallow u yimaada ee rumaysta waxa uu leeyahayna wuu ku kufriyay wixii Muxamad, nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee, lagu soo dejiyay"{Al-bisaar, At-Tabaraani}.

Waxaa Baqawi yiri: Falalllowgu waa midka sheeganaya in uu amuuraha ku yaqaanno hordhacyo uu raadraacayo si uu u ogaado waxyaabaha la xaday iyo meesha baadidu jirto iwm. Waxaa kale oo la yiri: Falallowgu waa Kaahinka laftiisa waana midka ka warrama waxyaabaha aan wali dhicin ee soo socda. Waxaa kale oo la yiri: waa midka waxyaabaha laabta ku jira ka warramaya.

Abul Cabbaasna (Ibn Taymiyah), Falallowgu waa magac loo yaqaanno kaahinka iyo xiddigiyaha iyo faalshowga iwm, kuwaas oo sheegta in ay aqoon u leeyihiin amuuraha ayagoo hababkaas adeegsanaya.

Ibn Cabbaasna wuxuu ka yiri, qaar qoraaya (AB, JD) oo xiddigaha eegaya "U malayn maayo qofkii waxyaabahaa sameeya in uu Eebbe agtiisa wax nasiib ah ku leeyahay".

MAS'ALOOYINKA CASHARKA
Tan 1aad: Waa in aysan kulmayn in falallow la rumaysto iyo in quraanka la aamino.
Tan 2aad: Waa in la caddeeyay in (rumaysashada waxyaabahaas) ay kufri yihiin.

Tan 3aad: Waa in la sheegay qofka loo faalsho.
Tan 4aad: Waa in la sheegay qofka loo saacsho.
Tan 5aad: Waa in la sheegay qofka wax loo sixro.
Tan 6aad: Waa in la sheegay qofka barta (AB,JD).
Tan 7aad: Waa in la sheegay waxa u dhexeeya Falallowga iyo saacshowga.
BOGGA 6AAD xayaysiin
BOGGA DHALLINYARADA
SHEEKADII KALIILA IYO DIMNA
Faahfaahin ku saabsan Kitaabkan:
1.Cinwaanka: Kaliila iyo Dimna(119 Bog).
2. Mowduuca: Murti facwayn iyo sheekooyin qosol badan.
3. Qoraaga: Cabdullaahi bin al-Muqafac.
4.Waxaa soomaaliyeeyay: Hersi M. Labagarre
5. Qiimaha: (US$ 10.00) oo aan boostadu ku jirin.
Qaybtii: 21aad
LIBAAXII IYO DIBIGII
Shitriba: anigu libaax la dagaali maayo, dabin nacayb si qarsoon iyo si cad toona ugu qooli maayo, sidii aan u ahaana iska geddin maayo intii wax aan ka cabsanayo xaggisa iiga imanayaan oo aan uga hortago.

Kolkaas baa dimna nacbaystay hadalkiisa, oo ogaaday in haddii uusan libaax ku arag dibiga astaamihii uu u sheegay uu eedaynayo oo uu xumaato u malaynayo.

Dimna: orod oo libaaxa u tag adiga ayaa marka uu kusoo eego garandoona waxa uu kaa doonayo e'.

Shitriba: oo sidee baan ku garanayaa?.
Dimna: waxaad arkidoontaa marka aad libaaxa u gasho asiga oo kadankooda, shafkiisana xaggaaga u soo taagaya indhahana xaggaaga u soo fayiigaya, dhegahana niibay afkana taagay bootinna u qaabsamaystay.

Shitriba: haddii aan libaaxa astaamahaas ku arko waxaan ogaaday in aad run sheegtay.
Kadib markii Dimna ka baxay isku dirkii libaaxa iyo dibiga ayuu Kaliila aaday, markii ay kulmeen ayaa Kaliila yiri: hawshii aad ku jirtay xaggee baay ku dhamaatay?.

Dimna: si aan jecelahay adiguna aad jeceshahay in ay ku dhamaato bay ku dhawdahay.     (Waa socotaa...)

BOGGA 7AAD xayaysiin
HIDDAHA, DHAQANKA, SUUGAANTA IYO AFKA SOMALIDA
Khalif's Photo Khaliif Sh. Maxamuud Siciid (1951-1982)
GABAYGII JAWAABTA AHAA EE CALI CILMI (Afyare)
Gabaygan waxaa tiriyey Cali Cilmi “Afyare”(Allaha u naxariistee) isgoo ka jawaabaya gabaygii Khaliif Shiikh Maxamud ee Hurgumo. Gabaygu wuxuu ka kooban yahay 109 (Boqol iyo sagaal) tixod, waxaana loogu magacdaray “MASHIIQSI”.

Maasadan waxaa inoo soo habeeyay:
Maxamad Ciise Axmad (Ciise Carab)
Qaybtii 4aad:
Mas qaniinyo kama daalo iyo
micida dhiigeeye
Moxog nimaad u diirtiyo marduuf
midad ku ceebeyso
Manaabaysay aadmiga kurtii
meel u joogaba’e
Raggii sharafka weyn kaa mudnaa
mooddey cadawgaa e
Gobannimo Isaaq muujiyoo
waa markab adaage
Maandeeq raggii dhaaliyey iyo
miidu waa yaga’e
Muxubbiga kalgaclkaan u qabo
waa mid igu dheere
Ingiriiska nimankii miraye
moodharada saaray
Mufsadka iyo gaalada raggii
mariyey gaaleefta
Maqruum kuma sifeyseen haddaan
maanku kaa tegine
Maskaxdii nin yari cayda way
saga muraadaaye
Ogaadeenka aad maagtay iyo
midabtakoorkaaga
Ma oggoli Dhulbahantaa ku diley
oo ku mowtiyaye
Mutukhnaanta iyo waa nebcahay
keli maqiiqnoowe
Inkastoo milxiis iyo nin xumi
nagu dhex meeraayo
Muslimka haygu dirin wadajirkaa
lagu macayshaaye
Masallaha dhulkiyo ciiddu waa
mahudhadaadiiye
Meermeerka iyo guuldarrada
kugu madoobaatey
Waxba muujinmeyside cidlaa
malandahysaaye
Mar haddaad Amxaar mirirle iyo
mooriflaha raacday
Mingistiyo dirkiisaad tahaye
hay maxooliyine
Magacaa ba’yaye ma adigaa
ila Majeerteena
    (Waa socotaa...)
MACMACAANKA MURTIDA SOOMAALIYEED

Faahfaahin ku saabsan Kitaabkan:
1. Cinwaanka: Macmacaanka Murtida Soomaaliyeed.
2. Mowduuca: Murti iyo Maahmaahyo Soomaaliyeed.
3. Qoraaga: Hersi M. Labagarre
4. Qiimaha: (US$10.00) oo aan boostadu ku jirin.

Qaybtii 10aad
91. Doqoni dib bay isu canaanataa.
92. Dantaada adigaa ku nool ee ayadu kuguma noola.
93. Dad nin u taliyay iyo nin tuugay baa yaqaan.
94. Daad inta uusan kugu imaan baa la iska moosaa.
95. Deb iyo dowladba loo ma dhawaado.
96. Dameer hadduu soonqaad soomo waa dameer saalix ah, laakiin asigu waa uun dameer.
97. Doonni buuxdaba bad lagaga teg.
98. Doqoni hoosiis bay hadh moodaa.
99. Doqoni haddii la xifaalootamayo in la kala tegayo bay mooddaa.
100. Doqoni xarkaha lagu xirayo xusuladay ku sidataa.

BOGGA 8AAD xayaysiin
IIDHEH IYO OGAYSIIS
TARJAMADA LUQADAHA
Waxaan aqristayaasha qaayaha leh ugu bishaaraynaynaa in idaarada wargayska Somali Electronic Journal hayso waqtiga xaadirka ah dhallinyaro mutacalimiin ah oo aqoon dheeraad ah u leh luqadaha (Ingriiska, Carabiga, Soomaaliga iyo Isbaanishka iyo luqado kale oo muhiim ah), awoodna u leeyihiin in ay turjumaan kutubta iyo maqaaladaha cilmiga ah iyo qoraallada kale ee la midka ah.
Hadaba ciddii doonaysa in loo turjumo qoraal noocii uu doono ha ahaadee, ha la soo xiriireen maamulka wargayska, qiimaha shaqadda tarjamadu waxay ku salaysan tahay nooca shaqada tiro iyo tayo intaba iyo heshiiska labada dhinac wada gaaraan.
Buug iyo Cajalado iib ah
1.Cajalado iib ah
(a). Aasaaska Barashada Afka Carabiga: Waa duruus kuugu kaal maynaysa sidii aad u xoojin lahayd afka carabiga, oo ku duuban shan cajaladood.
Qiimaha: (hal cajalad = US$10.00) oo aan qarashka boostadu ku jirin.
(b). Cajalado Dikri iyo Nabi ammaan ah: Waa nabi ammaan cod aad u qurux badan lagu qaadayo, oo ku xasuusin doona habkii wadaaddadii hore ee soomaalidu diinta u fahmeen.
Qiimaha: Halkii xabbo (US$10.00) oo aan boostadu ku jirin.
2. Buugaag iib ah (a).Cinwaanka: as-salafiyah al-wahhabiya, bayna mu'ayidiha wa muntaqidiha(187 bog).
Mowduuca: Waa kitaab af carabi ku qoran oo ka sheekaynaya taariikhda xarakadii Sheekh Maxamad Bin Cabdil wahhab.
Qoraaga: Hersi M. Labagarre
Madbacadda: Bruneio Printers 1996.
Qiimaha: (US$ 15.00) oo aan boostadu ku jirin.
(b). Al-caqidah al taxawiyah (tarjamada afsomaliga)
Qiimaha:US$ 5.00 oo aan boostadu ku jirin.

MA U BAAHANTAHAY IN LAGAA CAAWIYO SAMAYNTA HOME PAGE ADIGA KUU GAAR AH?
Haddii jawaabtu (haaaaaaa) tahay fadlan nala soo xiriir, idaarada wargayskan waxay heegan u tahay in ay kaa caawiso qoridda (home page-kaaga gaarka kuu ah) iyo sidii aad u fidin lahayd figradahaaga qiimaha leh.
Sidoo kale waxaan heegan u nahay in aan kaa caawinno xayaysiinta Ururkaaga, Sharikaddaada, Home Page-kaaga, badeecadaada iyo khadamaadkaaga intaba.

B  A  A  F  I  N

Waxaa warkiisa la doonayaa, CABDIWAHAAB SHIRE CISMAAN "GAALA ERI", oo la la'yahay muddo 13 sano ah, markii ugu wardambaysana joogay dalkaasi Maraykanka magaalada Oklahoma.

Cabdiwahaab, waxaa warkiisa doonaya Siad Abshir, hadaba ciddii wax war ah ka haysa waxaan ka codsanaynaa in ay inala soo xiriirto ama si toos ah ula xiriirto Siad Abshir oo laga helo (adan2001@hotmail.com)

Madaxwayne Ha layga dhigo!
Faahfaahin ku saabsan kitaabkan
Cinwaanka: Madaxwayne Ha layga dhigo.
Mowduuca: Waa buug afsoomaali ku qoran, oo si qoto dheer u falaanqaynaya, hardankii qabiilooyinka soomaalida ku dhexmaray madaxwayne-nimo-doonka, iyo xujooyinkii qolo kasta ku andacootay.
Qoraaga: Qaasim Hersi Farah

XISAABTA MA KU LIIDATAA?
Ma u baahantahay qof kaa caawiya maaddada xisaabta? si aad u yeelato aqoon xagga xisaabta ah oo kalsooni buuxda kaa siida, xisaabta aad u baahantahay maalin kasta.
Tusaale ahaan: (Everyday Mathematics, an introduction to geometry, an introduction to statistics, averages, introduction to algebra iyo qaar kale), haddii aad xiisaynayso mowduucan waxaad qaadan kartaa toddobaad kasta duruus lagugu siiyo af ingriis (by email) laguuguna sharxo af soomaali, haddaba fadlan la soo xiriir idaarada wargayskan.
Please support Somali Electronic Journal
Programmed, Developed and Written by Hersi M. Labagarre
"DHAMMAAN MAQAALADAHA WARGAYSKAN KU SOO BAXA WAXAY U TAAGANYIHIIN ARAGTIDA QORAAGA EE UMA TAAGNA UJEEDDADA WARGAYSKA"

DHAMMAAN XUQUUQDA DAABACAADDU WAY DHOWRANTAHAY

Copyright 1998 - Labagarre - All rights reserved.
Nala soo xiriir
booqo csc H. page
Saxiix B. Martida
Codso wargayska sej
Dhiibo Aragtidaada
Aqarso B. Martida
Xayaysiin
Bogaadin
Somali Forum
Free Email
Free Guest Book
Free Home Page