Site hosted by Angelfire.com: Build your free website today!

S o m a l i    E l e c t r o n i c    J o u r n a l

A Destination for Somali News, Business and Culture
S.E.J
Main
Page
  • Somali Studies
  • Somali Calture
  • Business
  • Communication
  • Computers
  • Education
  • Entertainment
  • Hobbies
  • Internet
  • Jobs
  • Libraries
  • Music
  • S.E.Journal
  • Newspapers
  • Organisations
  • Search Engines
  • Shopping
  • Sports
  • Travel
  • Women
  • som~map
    Gundhigga Wargayska
    Aqarso B. Martida
    Taariikh: 9.1.2000
    Saxiix B. Martida
    BOGGA 1AAD ARARTA WARGAYSKA
    Maxaa qorshahaagu yahay, sanadka cusub?!
    Waa su'aal wayn oo qof kasta in uu iswaydiiyo loo baahanyahay, haddii aan Soomaali ahay, maxaa qorshahaygu yahay sanadkan cusub? maxaa ila gudboon in aan ku dhaqaaqo?

    Tobankii sano ee ina soo dhaafay carar iyo qax baan ku dhamaysannay, maanta qaar badan oo bulshadeenna ka mid ah waxay degeen waddamo nabad iyo nolol fiican ka jirto, waxayna qaateen dhalashada wadamadaas ay degeen.

    Way jirtaa in wali qaar kale qaxayaan oo meel ay u ciirsadaan la'yihiin, laakiin inta degtay iyo inta wali qaxaysa waxaa badan inta degtay. Waa hagaag, waxaan anigu hadda ka hadlayaa inta degtay, ma suurta galbaa qof walba oo inaka mid ah, haddii aan soomaalida qurbaha nahay, in uu degsado qorshe uu ku howlgalo sanadka cusub ee billowday?

    Qorshahaasi maaha mid aad u degsanayso cuntadaada iyo dharkaaga iyo carruurtaada iwm, ee mid waddaninimo, tusaale ahaan, laba qof oo qaraabada ah shaqo la raadi ama maalgelin ku samee, arday yar oo xigtadaada ah ama aad taqaan ama soomaali baahan ah oo aad wax tari karto caawi oo mac-had, jaamicad, iskuul iwm la raadi iwm.

    Qorshayaal bani'aadannimo oo jaadkaas ah ayaan ka hadlayaa, ee ka hadli maayo qorshaynta noloshaada gaarka ah iyo tan xaaskaaga, maxaa wacay taas qof walba wuu samayn karaa, qof kasta wuu qorshaysan karaa noloshiisa, laakiin ma qorshayn kartaa nolosha qof kale? su'aashu waa taa!

    Bulshadeenna soomaaliyeed way ku fiicantahay is caawinta, laakiin is caawinteedu ma habaysan badanaa waana waxyaabo shakhsi ah, waan hubaa in badankeennu ku mushquulsanyahay howsha caawinta, laakiin waxaan doonayaa in aan sanadkan u gudubno marxalad sare oo ah is ururinta iyo in aan u howlgalno koox-koox iyo urur-urur!

    Somali Forum
    Free Email
    Free Guest Book
    Free Home Page
    BOGGA 2AAD WARARKA SOOMAALIDA
    Faallada warka:
    Ururka Al-Itixad al-Islami iyo Doorka uu ku leeyahay dagaalka sokeeye iyo siyaasadda soomaaliya
    W.Q: Xersi M. Labagarre
    Dagaalka sokeeye iyo siyaasadda soomaaliya ee gurracantay way adagtahay in si qayaxan loo falaanqeeyo ama looga faalloodo, taasna waxaa badanaa ugu wacan, dalka oo go'doon ah oo aan macluumaad tifatiran mar walba laga heli karin iyo adiga oo haddii aad macluumaadkaas hesho uu badanaa ahaanayo mid hal dhinac oo kaliya ka turjumaya, marka annaga oo intsaas oo dhan og ayaan haddana aragnay in aan maanta isku dayno in aan arrinkan xoogoo iftiin ah ku shidno.

    Billowgii Balaayada!
    Dabayaaqadii maamulkii Siyaad Barre (allaha u naxariistee) ayaa Qabyaaladda iyo kooxaha Islaamiga ah sida Itixaadka iyo Islaaxu xoogaysteen, waxaana xoogaysigooda ka dambeeyay arrimo badan oo aanan halkan lagu soo koobi karin ayna ugu mudnaayeen siyaasadda Siyaad Barre oo xumaatay iyo guud ahaan dhibaatada dhaqaale iyo nabadgelya xumada dalka ka dhalatay.

    Kooxahaas qaarka qabyaaladda ku salaysan ayaa hubaysnaa waagaas, laakiin kuwa diinta ku salaysan ma hubaysnayn, wayna ka soo horjeedeen in ay siyaasadda fara gelshaan, laakiin xaaladdii markaas dalka ka jirtay ee cabsida ahayd labada qolaba midba si gaar ah ayay uga faa'iidaysatay.

    Kooxda hore ee qabyaaladda isku urursaday waxay isku dayeen in ay ku abuuraan bulshada danaano qabyaaladeed oo aad u qaabdaran, wayna ku guulaysteen 100%. Kooxda labaad ee ku salaysneed diinta waxay ayaguna isku dayeen in ay bulshada ku abuuraan dareen diimeed oo aad u xoog badan ayaguna runtii guul aan baas lahayn ayay soo hooyeen.

    Kooxaha Diimeed iyo Dagaalka qabyaaladeed
    Kooxihii diimeed ee dalka ka jiray kolkii dowladdii dhacday mowqif adag ayaa soo fool saaray, waxayna hardan isaga horyimideen kooxihii qabyaaladda u daacadda ahaa oo markaas xamaasad adag ka haystay taageerayaashooda, taasina waxay keentay in wadaaddadii kooxahaa diimeed ku jiray qaar badan oo ka mid ah qabiilkoodii dib ugu laabteen oo dagaalkii qabiilkoodu weday dhinac ka raaceen ayaga oo kolkaa u arka dagaalka qabiilkoodu wado jihaad loo baahanyahay in aan marnaba laga harin, waxaana wadaaddadaan tusaale u ah, lataliyayaashii xagga diinta ee Maxamad Faarax Caydiid, kuwaas oo runtii dagaalkii sokeeya siiba kii koofurta ka dhacay iyo kii Muqdisho ka dhacay labadaba kaalin lama illoobaan ah ka qaatay ayaga oo ku guubaabinayay dhallinyarada jihaadka, oo ciidanka la socday, waxayna wadaaddadaasu ka qaybqaateen qabsashadii gobalka bay iyo Kismaayo uu Maxamad Faarax Caydiid Qabsaday.

    Wadaaddadii Islaaxu waxay ku lumeen bulshada dhexdeeda, mid qabiilkiisii raacay iyo mid dalka ka dhoofay bay noqdeen, mana laha maanta jiritaan urur oo micne wayn leh, haddii uu jirana waa mid ruuxi ah ee mid bulsho ama siyaasadeed maaha.

    Marka waxaa Inoo soo haray Itixaad al-Islaami, oo runtii kaalin wayn ka ciyaaray syaasadda dagaal ee soomaaliya ka jirtay 10kii sano ee la soo dhaafay, sida aan sheegayna laba kooxood ayay noqdeen, koox qabiilkoodii ku biirtay oo la dagaal gashay iyo koox gaar u istaagtay.

    Itixaadka ka yimid Qabiilooyinka Daaroodka sida kuwa Majeerteenka iyo Mareexaanka iyo Ugaadeenku gaar bay u istaageen waxayna noqdeen kooxo hubaysan oo doonaya in ay la wereegaan maamulka goballada ay ka dhasheen.

    Itixaadka qabaailka hawiyaha siiba habargidirta iyo Isaaqu waxay ku jaan go'een qabiilooyinkoodii waxayna la garab istaageen taageero aan dhammaad lahayn, tusaale ahaan Itixaadka iyo abgaal dagaalka si fiican bay u galeen oo qabaa'ilkooda ayay la safteen, Itixaadka Isaaqa iyo Murusadaha iyo qaarkale oo yaryar ayaa ayaguna kaalin fiican ka ciyaaray kobcinta dhaqaalaha qabaa'ilkooda oo ilo dhaqaale oo xoog leh abuuray.

    Itixaadka Daaroodka
    Ittixaadka qabaailka daaroodka waxay foodda darteen dagaal aan dhammaad lahayn oo aan cidna ku guulaysan, dagaalkaasi wuxuu ka billowday goballada bari ee Majeerteenku dego wuxuuna soo maray dhulka ugaadeenku dego ee ku yaalla Ethiopia dhexdeeda wuxuuna u soo gudbay Gedo iyo dhulka Mareexaanka.

    Dagaalladaasi waxay ku dhammaadeen, Majeerteen oo Itixaadkii dhinac uga soo wada jeestay oo isku raacay in siyaasadda gobalka laga baxsho kooxahaas, iyo Ogaadeenya oo madaxdii magaalooyinku gacan saar la yeesheen dowladda dabadeedna Itixaadki loo arkay jabhad argagixiso ah oo qaanuunka ka baxsan, iyo Mareexaan oo dagaal ba'an kadib lagu heshiisiiyay ayaga iyo SNF in aanan Itixaadku siyaasadda mar dambe soo fara gelin, maamulka gobalka iyo difaaciisana loo daayo SNF.

    Qabyaaladdii iyo Diintii keebaa dagaalka ku guulaysaty?
    Maamulka Puntland wuxuu metelayaa taliska qabiil ee Majeerteenka, kooxaha Caydiid iyo Cali mahditaageerana waxay matalayaan awoodda qabiil ee dhulkaas ka jirta, sidoo kale, kooxaha isku haysta gobalka gedo sida SNF waxay u taaganyihiin siyaasadda qabiil ee gobalka.

    Dhinaca kale, Itixaadka mareexaanka ee wali xooggiisii joogo iyo kuwa habargidirta ee hadda qabsaday dhulka u dhexeeya Marka iyo Muqdisho kadib markii siyaasaddii Ina Caydiid xumaatay xooggii siina yaraaday iyo kooxaha isku sheega "wadaaddada maxkamadaha" ee muqdisho meelo ka mid ah awoodda wayn ku leh, ganacsataduna taageerto waxay hadda u taaganyihiin jabhad kale oo ka soo horjeedda siyaasadda iyo xoogagga qabyaaladeed ee hadda waddanka gacanta ku haya.

    Ilaa iyo hadda lama sheegi karo qolada dagaalka dahsoon ku guulaysatay, maxaa yeelay xoogagga qabiil ee hadda waddanka ka jira waxaa haysta dhibaatooyin aad u badan oo laga yaabo in ay haddii ay aad u raagaan, ay keenaan xoogaggii diimeed oo dib u soo noolaada.

    Cabdullaahi Yuusuf maalin dhawayd wuxuu afka ku dhuftay in ay jiraan kooxo doonaya in ay waddanka inqilaab ku dhuftaan oo soo nooleeyaan xooggii Itixaadka ee gobalka ka jirijiray, sidoo kale waxaa hadda dhibaato ka haysataa mareexaanka sidii ay isu haleeshiin lahaayeen siyaasadda xoogagga qabyaaladeed iyo shuruudaha Itixaadku dalbayo.

    Waxaa ayada dhibaato ka taagantahay sidii laysu haleeshiin lahaa siyaasad Ina Caydiid iyo danaha Itixaadka qabsaday Marka iyo dhulka la xiriira, in kasta oo aaney hadda si cad isaga hor imaan iayaga iyo xoogagga qabiil ee hadda ka jira xamar, laakiin xoogoo khilaaf hoose ah ayaa jira oo aan ognahay, oo uu tusaale u yahay khilaafkii qabaa'ilka abgaal qaar kood ku dhexmaray daanta bari-galbeed ee magaalada muqdisho kana dhashay maxkamadaha iyo awoodda Cali Mahdi sidii laysugu keeni lahaa, kuna dhamaaday dagaal hubaysan oo keenay in la dunshay dhismihii maxkamadda.

    Ilaa iyo hadda dhulka reer waqooyiga Itixaadka ku dhaqan qaylo lagama maqal, maxaa wacay iyagu judhii horeba siyaasadda ma fara gelin ee waxay u jeesteen dhaqaalaha, waxaa Itixaadkaas u dhaw kuwa Murusadaha laakiin waxay ku daydeen Itixaadka abgaal oo kula talshay in ay maxkamado furaan laakiin ilaa iyo hadda iyaga iyo xoogagga qabiil sida kooxda qanyare wax khilaaf ah oo dhex maray ma maqal.

    Waxaa inoo soo haray Itixaadka Ogaadeen, waxaadna mooddaa in ay markan dabar go' joogaan maxaa wacay, dalka dibaddiisa ayay dagaalka ka wadeen siiba Gedo iyo Bakool, bakool Ethiopia ayaa dowlad ka dhistay, Gedana mareexaankii wuxuu isku afgartay in aanan gedo noqon meel Ethiopia looga duulo, oo macnaheedu yahay, in aanan marnaba loo ogolaan Itixaadka ama ha ahaadeen Itixaad mareexaan ama ha ahaadeen qaar kale e, in ay halkan kaga duulaan Ethiopia.

    Mustaqbalka Itixaadka Soomaaliya
    Haddaba tobankii sano ee aan soo dhaafnay xoogagga Itixaadka ah waxaa dadaalkoodii wiiqay xoogagga qabiil ee ay dagaalka tooska ah la galeen, waxaa kale ee aan aragnay guulaha daqaale iyo kuwa idoloojiyo ee ay soo hooyeen Itixaadka aan dagaalka la gelin qabiilooyinkooda, sida Itixaadka hawiyaha iyo isaaqa, halkaas waxaa inooga muuqda in xoogagga Itixaadka ahi runtii yihiin xoogag ku dul nool xoogagga qabiilka ah, macnaha xoogagga Itixaadka ahi ma jiri karaan haddii aysan ku tiirsanayn qabiil, meelna kaligood ma istaagi karaan.

    Taasina waxay keenaysaa in waxtarkooda iyo dhibaatadooda labadaba laga arko qabiilka dhexdiisa, maadaama aaney wax qabiilka ka baxsan jirin marka laga hadlayo bulshada soomaaliya.

    Hadda iyo dan, ayada oo xaqeeqooyinkaas oo dhan kaashanayna, ayaan dhihi karnaa mustaqbalka Itixaadka soomaaliya wuxuu ku xiranyahay hadba sida ay isu afgartaan xoogagga qabiil ee meesha ka jira, haddii hoggaamiyayaasha Itixaadku indhaha furaan oo ay xaqqeqada qabiilka arkaan oo fahmaan waxaa laga yaabaa in kooxohoodu mustaqbalka kaalin fiican ka ciyaaraan dalka dhismihiisa xag dhaqaale iyo xag tacliimeed intaba.

    Haddiise ay iska indha tiraan xoogga qabiil ee runtii aan ku matali karo "libaax dad qaad ah" kaas oo dowladdii siimaalya jilbaha u laabay, walina doonaya in uu dhashooda cuno oo dhiiggooda ku noolaado ilaa ninka ugu dambeeya ka dhinto, waxaan leeyahay, haddii Itixaadku xaqeeqadaas iska indha tiro, waxaa hubaal ah in uu u dhiman doono sidii ay u dhinteen xoogaggii iydoloojiyada ee qaaradda Africa soo maray.

    Nin Hay'adaha gargaarka u shaqaynayay oo la dilay
    January 6, 2000 Nairobi, Injineer soomaali ah oo magaciisa la yiraahdo Shucayb Maxamad Xuseen ayaa axaddii la soo dhaafay lagu dilay Balcad asiga oo u socday si uu u soo qiimeeyo baahdida ka jirta gobalka shabeellada dhexe.

    Ninkaas oo u shaqaynayay hay'adda CARE waxaa la sheegayaa in xabbad lagu dhuftay laakiin aanada ka dambaysa lama garanayo. Madaxda CARE u hadashay waxay sheegeen in arrinkaasi nasiib darro ku dhacay uuna yahay luggooyo cusub oo u soo hoyatay gargaarka soomaaliya ka socda, laakiin waxay intaa ku dareen in aanan arrinkaas CARE loogu danlahayn.

    Warar kale waxay sheegayaan in niman hubaysan soo weerareen kolonyo gargaar wadda oo ay lahayd hay'adda Red Cross, oo maraysay agagaarka Baardheere.

    Burcaddaas waxaa loo maleeyay in ay ka tirsanaayeen qabiilka Geledle, waxaana la sheegayaa in weerarkaa laba baabuur lagu furtay 15 qofna lagu dhaawacay ama la dilay, baabuurtaa la furtay waxaa dib loo soo dhacshay kadib markii uu maamulka Baardheere taakulayn soo diray.

    Gargaarkaas oo siday cunto gaaraysa 300 oo tan kana koobnaa ilaa 30 baabuur, wuxuu ka mid ahaa barnaamijka cuntada degdegga ah ee ay laanqayrta cas ka waddo koofurta soomaaliya oo la sheegayo in ay gaajo ba'ani faro ku hayso.

    Lix qof oo lagu dilay bariga Muqdisho
    Lix qof ayaa lagu dilay 10 kalena waa la dhaawacay kadib markii ay niman burcad ah soo weerareen gaari ay saaraayeen dad badankoodu ahaa ganacsatada caanooleyda ah ee baadiyaha Muqdisho bariga ka xiga caanaha ka keena.

    Dadkaas waxaa burcaddu soo weerartay ayaga oo tuulooyinkoodii dib ugu socday, wuxuuna weerarku dhacay Sabtidii la soo dhaafay. Cid weerarkaa ka dambaysay iyo sababta weerarku u dhacay midna lama sheegin.

    Dowladda Puntland oo soo celisay Shaqaalihii UN-ka
    Maamulka Puntland ayaa dib u ogolaaday in uu soo celsho saddex nin oo shaqaalaha UN-ta ka mid ahaa oo ay horey dalka uga tarxiileen, arrinkaasi wuxuu ka dambeeyay kadib markii waan waani dhexmartay UN-ta iyo dowladda Puntland.

    Shaqaalahaas waxaa dowladda Puntland tarxiishay bishii December ee la soo dhaafay kadib markii uu wasiirka arrimaha gudaha Puntland Mudane Xasan Abshir ku eedeeyay in aaney shaqadoodu ahaynmid lagu qanci karo.

    Shaqaalahaas waxay kala ahaayeen Eddie Johns oo ka socday UNDP/UNCTAD, iyo Remmelt Hummeyn oo ka mid ah shaqaalaha UNDP iyo Said Al-Naimari oo ka socday UNICEF. Dowladda Puntland waxay UN-ta horey u waydiisatay in ay shaqaalahaas bedelkoodii soo diraan laakiin madaxdu toddobaad kadib ayay ra'yigoodii bedeleen oo shaqaalahaa mid ka mid ah soo celsheen, dabadeedna waxay ogolaadeen inta kale.

    Qabqablayaasha Muqdisho oo isku afgaran waayay ciddii madax u noqon lahayd
    Wararka ka imaanaya Muqdisho ayaa sheegaya in qabqablayaasha kooxaha Muqdisho isku haysta oo maalmahanba isku deyayay in ay maamul cusub soo dhisaan ay isku afgaran waayeen magacaabidda ciddii maamulkaas maxad ka noqon lahayd.

    21kii bishii december ee ina soo dhaafay ayaa shan abaanduule, oo kala ah Ina Caydiid, Xuseen Xaaji Bood, Osman Caato, Maxamad Qanyare Afrax iyo Cali Mahdi heshiis ku gaareen in ay maamul midaysan u sameeyaan magaalada muqdisho.

    Laakiin waxay isku afgaran waayeen ilaa iyo hadda ciddii maamulkaas cusub madax ka noqon lahayd, waxaana la sheegayaa in ay go'aansheen in qofba mar madax noqdo, kadib marka guddiga maamulaya la magacaabo.

    Waxaa kale oo wararku sheegeen, in Muuse Suudi Yalaxow diiday in uu ku soo biiro kooxdaas heshiiska wadda, asiga oo ku andacooday in ay maamulkaas ku jiraan dad aan degaanka Muqdisho u dhalan, waxaa kale oo la sheegayaa in ay maamulkaas mucaaradeen qaar ka mid ah hogaamiyayaasha jabhadda Xuseen Caydiid.

    Dekeddii Muqdisho ma la furay?!
    Warar kale ayaa ayaguna sheegaya in Abdulkarim Mohamed Farabadne iyo ninka ay xulafada yihiin Mohamed Jama Furhuh, ay sheegteen in ay dekedda Muqdisho hadda furantahay, waxayna ganacsatada ugu baaqeen in ay adeegsadaan dekedda intii ay badeecadooda ka soo dejin lahaayeen xeebaha aan dekedda lahayn.

    Labadaa nin oo hadda ciidan xoogleh in ay hastaan la sheegay waxay ka mid ahaayeen saraakiishii ciidanka Ina Caydiid, laakiin hadda waxaad mooddaa in ay ka madax bannaanaadeen, waxayna sheegeen in ay dantu ku khasabtay in ay kaligood shaqeeyaan kadib markii ay arkeen in aanan wax horukac ah la hayn.

    Maamulka cusub ee la sheegay in Muqdisho laga dhisay mid lagu qaboobi doono uma eka, in kasta oo ay ragga abaabulay sheegeen in maamulkaasi xukumi doono Muqdisho iyo agagaarkeeda iyo koofurta soomaaliya, "Koofurta soomaaliya" wax looga jeedo lama yaqaan laakiin waxaa loo malaynayaa in ay "Kismaayo" ka wadaan.

    Kornayl Shaar-Guduud oo dunida gargaar waydiistay
    Kornayl Xasan Maxamad Nuur oo loo yaqaan Shaar-Guduud ayaa dunida waydiistay in ay kaalmo iyo gargaar la soo gaaraan dadka reer Bay iyo Bakool oo dhibaatooyin ka soo gaareen gaajada ba'an ee dhulkaas ku habsatay.

    Waxaa wararku sheegayaan in roobabkii dayrtu ay sanadkan soo daaheen, kuwaas oo la filayay in laga helo waxsoosaar gaaraya ilaa 25% cuntada beeraha ka soo go'da sanadka oo dhan, laakiin aan hadda rejo fiican laga lahayn wax soo saarkeeda.

    Shaarguduud wuxuu maamul hoosaad ka sameeyay Bay iyo Bakool asiga oo kaashanaya Ethiopia laakiin wali ma cadda maamulkiisu qaabka uu u shaqaynayo iyo waxa yididiiladiisu tahay.

    BOGGA 3AAD BOGGA GANACSIGA IYO DHAQAALAHA
    Sarrifka Lacagaha dalalka ay badanaa Soomaalidu deggantahay.
    Dalka Lacag US$1 =
    Qatar Rial 3.639
    Bahrain Dinner 0.3769
    Kuwait Diner 0.3047
    Switzerland Frank 1.501
    Malaysia Ringit 3.800
    Dalka Lacag US$1 =
    Somalia Shilling 9620
    Djibouti Frank 177.72
    Syria Lire 45
    Sudan Diner 247.10
    Yemen Riyal 148.15
    Dalka Lacag US$1 =
    Australia Dollar 1.5349
    Thailand Bahat 37.95
    Canada Dollar 1.4823
    England Pound 0.6207
    Europe EURO 0.9374
    Dalka Lacag US$1 =
    Saudi Riyal 3.750
    U.A.E Durham 3.672
    Oman Riyal 0.3849
    Egypt Pound 3.409
    Iraq Diner 0.3107
    Anglefire Free Email
    BOGGA 4AAD BOGGA QUBANAHA
    Mudduloodku Muxuu damacsanyahay?
    W.Q: Cabdiraxman sh.xasan (Timadheere)
    Breda, Holland
    Marka ugu horeyso waxaan mahad u celinayaa maamulka Somali Electronic Journal oo ii ogolaaday in aan fikradeyda halkaan ka dhiibto. Teeda kale waxaan leeyahay ummada somaaliyeed meel kasto ay joogto ciid wanaagsan ku ciida kuwa weli murugada iyo dhibaatada dalka gudihiisa ku heysatana ilaah ayaan idin baryeynaa.aammiin.

    Rayiga aan qabo waxey tahay weli waxaan ii kala caddaan qabiilka mudullood waxa uu ka damac sanyahay loolanka siyaasadeed ee gobolka banaadir maxeyse qabqablayaasha u horseeda u soo hooyeen kaalin la taaban karo ummada mudullood ee gobolkaas ku nool iyo gobolada kale ,laga bilaabo maalintii uu dhacay xukunkii maxamed siyaad ilaa iyo hadda wax wanaag ah ay u soo hooyeen majiraa waxaan dhihi lahaa maya marka ragga isku sheegayo hogaamiye yaad hogaamisaa adiga.

    Ma isweydiisay maalintii ay dowlad timaado koleeba waa la xisaabtamaa ogow xaqa aad ka gasheen ummadaas dulman caruurtoodii aad baabiiseen guyahoodii aad gubteen xoolahoodii aad dhacdeen welina aad soo taagan Tihiin aadna sheeganeysaan in ay idin soo doorteen maxaa loo waayey dowlad goboleed in aad u sameysaan ummadiina si aad ula tartantaan gobolada kale ee maamul hoosaadka ka jiro maxaase siyaasadda muddulood kala jebiyey oo meel kaliya looga xakumi waayey .

    Fadlan anigoo ku hadlayo magaca inta dulman waxaan soo jeedinayaa muddulood waa in uu hurdada katoosaa uuna wax la qeybsadaa ummadaha horey uga tegey meel ayaana looga dhacay sharaftii uu lahaa mudullood Taasna waxaa u sabab ah doqomada hogaanka u hayo waxaana leeyahay intii ay goori goor tahay isaga taga maamulka aad ku ciyaarteen koleeba xisaabtan wuu dambeeyaa.

    Mudullood dhaqan nabadeed ayaa lagu yiqiiqn oo horey ayaa loo yiri daris waa abgaal maaantase waxey isu bedeshey qorey, iyo dhac, kufsi, isbaaro, boob, iwm. waxaan rajeyn doonaa qof kasto oo muddullood ah oo rayigeyga aqristo in uu fikrad ka dhiiban doono dood furanna ay noqon doonto.

    BOGGA 5AAD BOGGA DOODDA IYO CILMI BAARISTA
    HABNOLOLEEDKII SAXAABADA RASUULKA "CABDULLAAHI BINU XUDAAFA AL-SAHMIYI"
    Waxaa Qoray: Ibrahim Salah Adan
    Email: ibra88@hotmail.com
    Odense, Denmark

    Markii uu boqorkii ka quustay Cabdullaahi, ayaa wuxuu amar ku bixiyay in isna lagu rido dherigii lagu riday labadiisa saaxiib. Markii loo qaaday xaggii dheriga ayaa Cabdullaahi ilmeeyay (ooyay). Raggii Qaysar ayaa ku yiri boqorka "wuu oonayaa". Boqorkii ayaa wuxuu u maleeyay inuu cabsaday oo argagaxay, markaasuu yiri igu soo celiya. Kolkii, Cabdullaahi la soo istaajiyay boqorka hortiisa, ayaa wuxuu boqorkii haddana u soo jeediyay kiristaanimadii, laakiinse Cabdullaahi wuu diiday.

    Boqorkii ayaa yiri, war haddaba maxaa kaa oohiyay? Cabdullaahi ayaa yiri, waxaan naftaydii u sheegay in hadda la igu tuuri doono dherigan oo aan hal jeer shahiidoobayo, anna waxaana jeclaa in aan lahaado inta jirkayga timo ku taallo oo naf ah inaan lahaado, oo markaas lagu rido dhammaantood dherigan. Wuxuu ka wadaa inuu dhowr jeer shahiido. Markuu boqorkii ka quustay Cabdullaahi, ayaa wuxuu ku yiri cabdullaahi "Ma doonaysaa inaad madaxa iga dhunkatid, markaasna aan ku siidaayo?

    Cabdullaahi ayaa wuxuu yiri, ma siidaynaysaa maxaabiista Muslimiintana. Boqorka ayaa yiri "Haa, oo waan sii daynayaa dhammaan maxaabiista muslimiinta". Cabdullaahi, wuxuu naftiisa ku yiri maxay ku yeelaysaa inaad dhunkato madax ka mid cadowga Muslimiinta oo markaas aan ku badbaado anniga iyo maxaabiista Muslimiinta.

    Cabdullaahi, wuxuu u soo dhowaaday boqorkii, ka dibna wuxuu dhunkaday madaxiisa. Boqorkii ayaa soo daayay Cabdullaahi iyo dhammaan maxaabiista Muslimiinta. Markii uu Cabdullaahi u soo galay Cumar Binu Khaddaab (rc), ayaa wuxuu uga waramay wixii uu la kulmay. Cumar (rc) aad iyo aad ayuu ugu farxay arrinkaas, wuxuuna u jileecay maxaabiistii la socotay isagoo ku yiri "Waxaa waajib ku ah qof kasta oo Muslim ah inuu dhunkado madaxa Cabdullaahi Binu Xudaafa, annigaana bilaabaya. Cumar ayaa istaagay, ka dibna wuxuu dhunkaday madaxa Cabdullaahi. Illaah ha ka raalli noqdo Cabdullaahi, waayo wuxuu ahaa tusaale looga deydo geesinimo iyo in loo huro diinta Islaamka.     [Dhammaad]

    MAXAYNU KA BARAN KARNAA GUULDARADEENNA?
    W.Q: CUSMAAN AMIIN AXMED (LONDON)
    Halgankii Gobanima doonka iyo Halyeeyadiisii!
    Xaaji Maxamed Xuseen oo ka mid ahaa 13kii halyay ee dhidibada u aasay SYL ee u horseeday gobanimada Gobollada Koonfureed ayaa 1947kii Talyaaniga ku xiray xabnsi ku yiil goballada Soomaalida ku nool ee Itoobiya, isagoo markaa loo aaneynayey inuu ababulay kacdoon ka dhan ahaa shirkaddii SINGLER oo markaa soo gashay tuulada Cagaar weyn si ay halkaa batrol uga baarto.

    Xaaji Maxamed socdaalkiisa wuxuu ka dambeeyey go'aan uu gaaro Xisbigii SYL si loo ogaado heerka ay gaarsiisneyd danihii shikadda SINGLER ka lahayd Soomaaliya. Halgan kasta oo gobanimadoo ah waxay ummaddu ku bixisaa qiimo sare, dad baa u dhinta, kuwo kalena way ku dhaawacmaan, qaar kalena xabsiyada ayaa lagu jir dilaa.

    Ujeeddada ka dambeysay xiritaanka geesiyaasha Soomaaliyeed, sida Xaaji Maxamed Xuseen o inta badan hoggaaminayey dhaqdhaqaaqyadii SYL iyo Xaaji Faarax Oomaar oo aragti dheer lahaa waxay ahayd cimri dheereynta maamulkii gumeysiga iyo wiiqinta midowga Soomaalida ee ay SNL iyo SYL horseedka u ahaayeen.

    Maxamed Ibraahim Cigaal oo ka mid ahaa siyaasiyiintii dowrka ka qaatay xaqiijinta midowga labada gobol ee gayiga Soomaaliyeed ayaa tan iyo 1994 kii ku hawlanaa inuu mar labaad markhaati ka noqdo suurtogalnimada dib u heshiisiinta Soomaalida.

    Cigaal waa siyaasi rug caddaa ah, lana fili karo inuu xal u helo xaalad murugsan ee Soomaaliya oo aan sahlaneyn ahna waddo ka dhib badan tii SNL iyo SYL ay ku xaqiijiyeen midowgaasi. Waxay u baahan tahay arrimaha Soomaaliya in dhexdhexaad laga noqdo si loo helo kalsoonida kooxaha iyadoo xiriir fiican lagala yeelanayo shakhsiyaadka Soomaaliyeed ee haybadda Siyaasadeed leh, lagalana fogaanayo damac siyaasadeed ee qof ama koox gooni ahi lahaan karto.

    Waa inaynu oggolaano inaynu waxba ka beddeli karin wixii dhacay 10kii sano ee la soo dhaafay…laakiin waxaan aamin sanahay inaynu dib isu abaabulno si nabad caddaalad, amni iyo baraare ugu noolaano mustaqbalkla. Guuldarradii naga soo gaartay shirarkii dib u heshiisiinta Soomaaliyeed waxay noo tahay darsi iyo waayo aragnimo aynu uga faa'iideysan karno kuwa kale ee soo socda.

    Waa dhab inay jiraan khilaafaad siyaasadeed, laakiin taasi maaha kuwo is hortaagi kara mabda'a asaasiga ah ee adkeynta iyo difaaca midnimadeena iyo qaranimadeena, dhowrista muwaadinka iyo tixgelinta ra'yiga dadka kale, haddiise aynaan oggolaan khilaafadka noo dhexeeya, isla markaana la ixtiraamin ra'yiga dadka waxaa nagu cuslaanaya inaan is fahamno iyo inaynu ka faa'iideysanno guuldaradeena.     [Waa socotaa..]


    la xiriir Ibraahim Salah (for free copy)
    BOGGA 6AADBOGGA HAWEENKA
    Waxaa Qoray: Qaasim Xirsi Faarax
    International Islamic University
    Gombak, Kuala Lumpur, Malaysia
    Email: qasim55@hotmail.com
    Qasim's photo
    SINAANTA RAGGA IYO DUMARKA
    Midda aynu maanta arkaynaa waxa ay tahay in caqliga, garaadka, xusuusta, kartida, ilbaxnimada, iwm ay tahay qofba intuu Alle geliyo. Ilaahna ma yaqaan eex ku dhisan midab ama jinsi takoor ee waa caadil, wax walba oge, wax walba awoode ah. Wuuna iskala weyn yahay in uu ukala eexdo nafaf uu isaga qudhiisu isku si u wada abuuray ama uu xirfad iyo nooc ahaan kukala duway. Sidaa darteed waxaa iska caadi ah in uu ninku naagta ka caqli badnaado, iyo in ay naagtu ninka ka caqli badnaato labadaba.

    Taasina wax ay meesha ka saaraysaa fikrada habawsan ee dhahaysa in guud ahaanba ragu ay kaga horeeyaan dumarka dhan walba oo laga eego siiba xagga caqliga iyo wax tarka. Waxay dad ku andacoonayaan in ayba caddaaladda Eebbe ku jirto in uu kala saraysiiyo inta uu abuuray. Waxay tusaale usoo qaadanayaan sida ay dadku ugu kala horeeyaan meeqaanada iyo martabadaha ay ka joogaan dunida ama tan ay kukala helayaan aakhiro, iyaga oo leh "maxaa naag Nebi looga dhigi waayey haddii ay nin iyo naag siman yihiin"?

    Run ahaantii waxay ila tahay ceeb laga xishoodo iyo xad gudub intaba iyada oo qof uu ogyahay sida uu ruux walbaa u mutaysanayo wixii uu samo ama xumo geystay laga dhigo caddaaladda Eebbe mid lala dhasho ama ku xiran hadba nooca uu qofku noqdo. Haddaan tusaale ahaan ku bayaaniyo arinta; waxa uu qof walba oo taariikhda iyo dhacdooyinka adduunka ka jira la socdaa arki karaa in qofka la dhalanaya ama weligiis ku dhex jiraya wanaag iyo barwaaqo iyo sharaf uu yahay mid dhalashadiisiiba lagu ababiyey dariiqadaas iyada ah ee aan meel cidla ah lagala doonanin.

    Xataa Nebiyada waxa ay wada ahaayeen kuwo yaraantoodii ku soo koray tarbiyad wanaagsan iyo samo ka talisnimo oo ay weligood samaantu lafaha iyo dhuuxa kaga jirtay. Haddiise lagu sii doodayo maxay naagi Nebi u noqon weyday? Waxay ila tahay in su'aashaas jawaabteedu ay tahay mid laga sugo Allihii nebiyaasha soo dirsaday ee aan lagula doodi karin qof la abuuray oo isba la kallifay. Su'aashaas mid garab socotaase waxa ay noqon kartaa haddii aad muranlow sidaas u macangagsan tahay ma is weydiin kartaa "maxaa Nebi Afrikaan ah ama Shiinays ah loo maqli waayey"? Waxaas oo dhami waa cilmiga iyo qorshaha Ilaahay mana baciidsan karno jiritaankooda iyo jiritaan la'aantooda.

    Hadday ku sii adkaysanayaan in ragga iyo dumarku ay kala duwan yihiin, waxaannu ugu jawaabaynaa: Waa runtiin oo waa kala nooc labka iyo dhaddigu, laakiin ragga qudhiisu waa intaas oo nooc. Sida ay dumarkuba ugu qaybsan yihiin intaas oo nooc ee kala duwanaanshahooda wata. Waxa ay aadanuhu ku kala duwan yihiin muuqaalka, dhaqanka, dabeecadda, caqliga, caadada, tamarta, kartida, fahamka iwm. Haddaba taasi ma waxa ay xiriir la leedahay kala nooc ahaanta jinsiyeed. Alleylehe jawaabtu waa maya.     [Waa socotaa..]
    BOGGA 7AAD DIINTA ISLAAMKA
    KITAABKA TAWXIIDKA
    Waxaa Qoray: Sheekh Maxamad Bin Cabdil Wahhab
    Waxaa Turjumay: Hersi M. Labagarre
    No. 21 Spg 484 Jln Jerudong, Brunei Daarussalam
    CASHARKA 64AAD
    WIXII KU SOO AROORAY DHAWRISTA NABIGA NABADGELYO IYO NAXARIISI KORKIISA HA AHAATEE, XERADA TAWXIIDKA, IYO SIDUU U XIRAY IRDAHA SHIRKIGA
    Cabdullaahi Bin Shikhiir Allaha ka raalli noqdee, waxaa laga soo weriyay, in uu yiri:"Waxaan wafdigii Banii Caamir, u raacay Nabiga naxariisi korkiisa ha ahaatee, kolkaas baan dhahnay: Adiga ayaa sarreeyeheenna ah. Wuxuu yiri: Eebbe ayaa sarreeye ah, waynaayee, oo kor ahaayee. Kolkaas baan dhahnay: Adigaana inoogu fadli badan, Adiga ayaana inoogu sharaf badan. Wuxuu yiri: warkiina sheega, ama warkiinna qaarkiis, Shaydaanna yuusan idin jiidannin"{Abuu Daa'uud}.

    Anas Allaha ka raalli noqdee, waxaa laga soo weriyay: in dad yiri: Kii inoogu khayrka badnaayow, Inankii kii inoogu khayr badnaayow, iyo Sarreeyaheennow, iyo Inankii sarreeyaheennow. Kolkaas buu yiri: Dadyahaw, waxaad dhihi rabteen dhaha, shaydaanna yuusan idin saban, anigu Muxamad, addoonkii Ilaah iyo Rasuulkiisii baan ahay, mana jecli in aad iga kor marisaan jagadayda taas oo uu Eebbe i dejiyay waynaayee oo kor ahaayee" {Nasaa'i}

    Ma'alooyinka Casharka
    Tan 1aad: Waa in dadka looga digay buunbuuninta. Tan 2aad: Waxa ku habboon in uu yiraahdo qofkii lagu yiraahdo, adiga ayaa sarreeyaheennii ah. Tan 3aad: Waa weedhiisa "Yuusan shaydaan idin jiidan" in kasta oo aysan wax aan xaq ahayn dhihin. Tan 4aad: Waa weedhiisa "Ma jecli in aad iga kor marisaan jagadayda".
    BOGGA 8AAD xayaysiin
    BOGGA DHALLINYARADA
    SHEEKADII KALIILA IYO DIMNA
    Qaybtii: 43aad
    Waxaa qoray: Cabdullaahi Ibn al-Muqafac
    Waxaa soomaaliyeeyay: Xersi Labahagarre
    Bandar Seri Begawan, Brunei Darussalam
    J I I R K I I --IYO-- D I I N K I I
    Tukihii markii uu maqlay hadalkii diindiinku ku yiri jiirka iyo warcelintiisii iyo sida uu u madadaaliyay jiirka, wuu u bogay, wuxuna yiri: waad iga farxisay oo ii roonaatay, waxaadna mudantahy in aad naftaada uga farxiso wixii aad iiga farxisay, reer adduunyana waxaa farax u mudan qofkii golaha walaalihiis iyo kan wadayaalkiisa wanaagsani wali buuxo, oo uu ag joogo qaar ayaga ka mid ah oo uu ka farxinayo ayaguna ka farxinayaan, arrimahooda iyo danahoodana uu ayaga ka dib ilaalinayo, maxaa yeelay ninka deeqsiga ah haddii uu taraanturoodo, deeqsiyaalka kale mooyee cidkale ma garab qabato, waa sidii maroodi dhiiqo ku dhegtay maroodiyaal kale mooyee cidkale ma bixiso.

    Tukihii oo wali hadlaya saddexdoodiina ay is weheshanayaan baa cawlo u timid markaas baa diindiinkii intuu cabsaday biyihii hoos u yumbaday, jiirkiina godkiisii galay, tukihiina wuu duulay oo geed buu ku degtay, in yar ka dibna tukihii baa cirka ku duulay si uu u eego haddii uu jiro qof cawsha eryanaya, waxna ma arag, kolkaas buu jiirkii iyo diindiinkii u yeeray wayna soo bexeen, diindiinkii baa cawshii ku yiri: kadib markii uu arkay ayada oo eegaysa biyihii; haddii oon ku hayo cab, hana baqin, cabsi ma jirto e', cawshii baa soo dhawaatay diindiinkiina wuu soodhaweeyay oo nabdeeyay, wuxuuna ku yiri: xaggee baad ka timid?

    Waxay tiri: gooftan baan daaqi jiray, ganayda baana hadba dhinac ii eryanaysay, maantana qofbaan arkay markaas baan ugaarsade mooday.    [Waa socotaa..]

    BOGGA 9AAD!Register-It! -
 Promote Your Web Site!
    HIDDAHA, DHAQANKA, SUUGAANTA IYO AFKA SOMALIDA
    MACMACAANKA MURTIDA SOOMAALIYEED
    Qaybtii 37aad
    1. Nin kilyo daran baa kaadiyi dhibtaa.
    2. Nin fiicanba nin baa ka sii fiican.
    3. Nin is waalaba waabiyaa hela.
    4. Nin xooggiisu hadduu xur noqdo, nin uu laba xur yahay buu u geeyaa.
    5. Nin fadhiya soor buu kaa sugayaa, nin socdana war.
    6. Nin farsama xumi gacmahiisuu canaantaa.
    7. Nimaad taqaan yaad tahay lama yiraahdo.
    9. Nin sabraa sedkiis ma waayo.
    10. Nin aad taqaan waad la joogtaa.
    BOGGA 9AAD xayaysiin
    IIDHEH IYO OGAYSIIS
    Aragtida Aqristayaasha
      Walaal aqriste, dareen madaxbannaani buuxda, haddii aad doonayso in aad figradaada dhiibato ama aad talo iyo tusaale inagu soo kordhiso, ama aad dhaliil ka cabanayso, buuxi formkan, dabadeedna inoo soodir.

      1. Magacaaga oo dhan (Name)

      2. Email-kaaga (Email)

      3. Dalka aad ku nooshahay (Country)

      4. Ra'yigaaga dhiibo (Your Opinion)

       5. Bogaadin, Mahadnaq, Codsi (Thank You)
       6. Talo, Tusaale, Sixid (Correction)
       7. Dhaliil iyo Cabasho (Complain)
      Fadlan mar kaliya riix (Please Click Once only)

    Programmed, Developed and Written by Hersi M. Labagarre
    Codka Somalida Cusub, Waa wargays Electronic ah oo Toddobaadle ah, wuxuu ku soo baxaa afka Soomaaliga Maalin kasta oo Axad ah
    WARGAYSKAN MAQAALADAHA LAGU FIDSHO, WAX AAN SHARDIGA FARSAMO AHAYN LAGUMA XIRO, KAAS OO AH IN MAQAALKU AHAADO "WAR ISKU TOOSAN OO UJEEDDO LEH"

    "DHAMMAAN MAQAALADAHA WARGAYSKAN KU SOO BAXA WAXAY U TAAGANYIHIIN ARAGTIDA QORAAGA ASIGA AYAANA U QOOLAN, EE UMA TAAGNA UJEEDDADA WARGAYSKA, ISKUDUBBARIDAHANA WAX XIL AH KAMA SAARRA"

    DHAMMAAN XUQUUQDA DAABACAADDU WAY DHOWRANTAHAY

    Copyright 1998 - Labagarre - All rights reserved.
    Nala soo xiriir
    booqo csc H. page
    Saxiix B. Martida
    Codso wargayska sej
    Dhiibo Aragtidaada
    Aqarso B. Martida
    Xayaysiin
    Bogaadin
    Somali Forum
    Free Email
    Free Guest Book
    Free Home Page