|
BOGGA 1AAD |
|
|
Waxaa qoray: Hersi M. Labagarre Idaacadda BBC-du waa idaacad caalami ah, soomaaliduna si aad ah ayay u dhegaysataa gaar ahaan laanta afka soomaaliga. Idaacaddaas qaybteeda afka soomaaliga waxaa ka shaqeeya weriyayaal aad u khibrad badan oo aan qaarkood garanayno oo ka shaqayn jiray idaacaddii Muqdisho waagii ay soomaaliya dowladda ahayd. Anigu waxaan ka mid ahay dadka jecel in ay idaacaddaas dhegaystaan maxaa wacay waxaan xiiseeyaa wararka guud ahaan, gaar ahaanna wararka soomaalida. Hasee ahaatee, waxaan arkay marar badan in weriyayaashaasi ay adeegsanayaan afsoomaali aan fiicnayn oo jajab ah. Tusaale ahaan waxaan dhegaystay warkii jimcihii la soo dhaafay idaacaddu sii daysay, markaas baa mid weriyayaasha ka mid ah yiri "Saacaddu waa Sagaalkii habeennimo oo buuro ah" waxaan ka yaqyaqsaday hadalkiisa uu yiri "oo buuro ah", erayadaas dadka suuqleyda ah ayaa adeegsada ee qoraaga kuma habboona, waxaa badanaa la yiraahdaaa "sagaalkii oo gaw ah" ama "sagaalkii oo buuxa" iwm. ee erayga "buuro ah" ma qumana maxaa yeelay waxaa adeegsada suuqjoogta. Tusaale kale nin aqrinayay warka oo aanan doonayn in aan magaciisa sheego ayaa asiguna yiri mar uu ka hadlaayay Kashmiir dagaalka ka taagan "mintidiinta" ka dagaalamaya kashmiir, erayga "mintid" waa eray soomaali ah oo sax ah, laakiin wadartiisu "mintidiin" ma aha, maxaa yeelay, haddii aan raacno xeerarkii guddiga afsoomaaligu qoreen sanadkii 1972kii kolkii afka la qorayay waxaa "iin" wadar looga dhigaa erayada diinta xaggeeda inaga soo galay ee erayada afsoomaaliga ah "iin" wadar loogama dhigo. Tusaale ahaan "Muslim-iin" "Muumin-iin" iwm ayaa guddigu jideeyay, ee "mintid" "mintid" ama "mintidyo" ama "mintidyaal" ama "mintidyow"iwm ayaa wadar looga dhigaa. Marka "mintidiin" waa eray asiguna afsuuq ah ee eray ku habboon weriye caan baxay ma aha. Labadaa tusaale waa wixii aan kala kulmay idaacaddii jimcaha laakiin mar kasta oo aan dhegaysto qalad afsoomaali ah ayaan ka maqlaa idaacaddaas, tusaale kale, nin weriye ah ayaa ka hadlay maalin afka soomaaliga, idaacaddan lafteeda, kolkaas buu yiri "afka soomaaliga kuma jiro eray u dhigma erayga "blue" ee ingiriisiga ah! waxaan la yaabay sida uu hadalkaas ugu dhiiraday, maxaa yeelay afka soomaaliga dhammaantiis lama qorin lamana oga erayadiisu inta ay yihiin iyo waxa uu leeyahay iyo waxa uusan lahayn. Hadalkii oo kooban waxaan duqayda weriyayaasha ah ee BBCda inooga sheega warka ka codsanayaa in ay ku dadaalaan in ay ilaaliyaan xeerarka afka soomaaliga maxaa yeelay carruur badan oo qurbaha ku dhalatay oo aan afka aad u aqoon ayaa idaacadda dhegaysanaya, tan kale marnaba haddii aad tahay nin weriye ruug caddaaya ah hafyada iyo af-suuqu kuguma habboona ee waa in warkaagu miid ahaado. |
|
|
|
|
BOGGA 2AAD |
|
Saddex Joornaaliiste oo Puntland lagu xiray Aug 6, 1999 Hayad u dooddda madaxbannaanidda warbaahinta oo saldiggeedu yahay dalkaasi Canada ayaa waxay warqad u qortay madaxwaynaha dalakaasi Puntland, ayada oo kaga cabanaysa xiritaankii la xiray saddex joornaaliiste oo joogay dhulka dowladdaasi ka taliso. Warku wuxuu intaa ku daray in nimankaas oo kala ahaa Cabdulqaadir Cali iyo Maxamad Deeq oo ka socday wargayska Sahan, iyo Axmad Maxamad Cali oo ka socday wargayska Riyaaq, nimankaas dhammaan waxay ku caan bexeen naqdiga kulul ee ay u soo jeedshaan dowladda Puntland. Waxaa la sheegayaa in ay dowladda uu ka talsho Abdullaahi Yuusuf amartay in saddexdaaa jornaliste la soo xiro, nin u hadlay hayaddaasna wuxuu sheegay in aysan ogayn wax qalad ah oo nimankaasi gaysteen, waxayse fulinayeen oo kaliye howshooda la xiriirta xurriyadda warbaahinta. Hayaddu waxay madaxwayne Cabdulaahi Yuusuf xusuusisay in xeerarka dowladdiisu dhigayaan in la dhowro xuriyadda warbaahinta, sidaa datreed ay lagama maarmaan tahay in nimankaa si degdeg ah xabsiga looga sii daayo. Kenya oo sheegtay in ay celinayso qaxootiga Soomaaliya Aug 6, 1999 Muqdisho, warar ka imaanaya dalaka Kenya ayaa sheegaya in ay dowladda keenya doonayso in ay dib ugu soo celiso Somaaliya dad qaxooti soomaaliyeed ah oo tiradoodu gaarayso ilaa 2000 oo qof, dadkaas oo la sheegay in ay si qarsoodi ah u joogeen dalkaasi Kenya dhexdiisa, waxaa la sheegayaa in ay ahaayeen dad horey uga tirsanaa jabhadaha dagaalka ka wada soomaaliya dhexdeeda. Dadkaasi dooni maayaan in ay soomaaliya ku laabtaan, waxayna doorbidayaa in loo raro xerada Kakuma ee ku taalla xuduudka Kenya iyo Sudan. Oday u hadlay dadkaas qaxootiga ah wuxuu yiri, "Somaliya u naqashadeedu waa is deldelid oo kale" maxaa yeelay dadka qaxootiga ah badankoodu waa dad jabhadaha dagaallamayay ka tirsanaa. Warar ku saabsan dagaalka Awdheegle Aug 6, 1999 Wararka inaga soo gaaraya dagaalka ka socday degmada Awdheegle ee ay isaga horyimideen Kooxda isku magacawda Jabhadda Badbaadada Digil iyo Jabhadda Ina Caydiid ayaa la sheegayaa in uu Axaddii la soo dhaafay aad u xoogaystay taasina keentay in ay ciidamada Jabhadda Digil magaalada qabsadaan. Warar kale oo ayaguna isla degmadaas ka soo fulay ayaa waxay sheegayaan in ciidanka Caydiid magaaladaa dib u qabsaday toddobaadkan horraantiisii, nin u hadlay jabhadda digilna wuxuu sheegtay in ciidankiisu xeelad dagaal awgeed degmada dib uga gurteen. Ugu yaraan siddeed qofood ayaa lagu dilay dagaalkaas, walina waxaa laga baqsanyahay in dagaalkaasi soo cusboonaado, maxaa yeelay qolyaha meeshaa isku haysta wali way is hortaaganyihiin oo degmadaas kuma kala bixin. Somali laga raafay Kenya Aug 5 1999, Naairobi Booliiska Kenya ayaa waxay qafaaleen dad tiradoodu gaarayso 130 qofood oo isugu jira Soomaali iyo Ethiopian, kadib markii ay habeennimo fatash ugu dhaqaaqeen aqalladii ay dadkaasi degganaayeen. Madaxda booliiska Kenya waxay sheegeen in ay raadinayeen dadka sharcidarrada dalka ku jooga iyo hub, qofkii ay helaan asiga oo aan sharci haysan ama hub laga helana maxkamad loo gudbin doono. Intii fatashkaasi socday booliisku waxay heleen laba bustoolo iyo 130 xabbo oo rasaas ah, fatashkaas oo socday shan saacadood waxaa ka qayb qaatay ciidan booliis ah oo aad u badan kuna hubaysnaa qoryaha AK-47 iyo G3 loo yaqaanno. Maalmahan waxaa dalka Kenya ku soo batay hubka taasina waxay keentay xasillooni darro iyo nabadgelyo xumo dalkaas ka dhacda. Dagaallo Muqdishu ka dhacay Aug 3.1999 Muqdisho, 15 qof ayaa lagu dilay 25 kalena waa lagu dhaawacay kadib markii ay tacshiirad is dhaafasadeen koox daacad u ahah Muuse Suudi iyo qolo ilaalinaysay baabuur xamaali ah, kadib markii jabhadda Muuse Suudi joojiyeen gaarigaas, dabadeedna isku dayeen in ay canshuur ka qaadaan. Kooxda baabuurkaas wadatay oo la sheegaayo in ay ka tirsanaayeen jabhadda Xuseen Xaaji Bood ayaa la sheegayaa in ay dabadeed dagaalkii ku ballaarsheen xaafadda uu degganyahay Muuse Suudi oo ay xagga iyo aqalkiisii u sii wadeen. Tacshiiraddii xoogga lahayd ee ay is dhaafsanayeen qolyahaa dagaallamaya dad badan baa ku dhaawacmay ilaa 10 qofoodna waa ku dhinteen sida la sheegay, dad kalena waxay ku qasabtay dantu in ay ka cararaan aqalladoodii. Odayaasha beelaha ayaa la sheegayaa in ay soo kala dhexgaleen qolyahaas dagaalka wada, dabadeedna joojiyeen xabbadii laakiin waxaa wararku sheegayaan in ay xaaladda xaafadda kaaraan oo ah meesha dagaalku ka socdo ay ilaa maalintii talaadada ee la soo dhaafay xaaladdeedu xumayd. |
BOGGA 3AAD |
|
Daynta Africa lagu leeyahay oo 11% kor u kacday Warbixin dhaqaale oo laga soo saaray daymaha dibadeed ee lagu leeyahay dowladaha Africa ayaa waxay sheegaysaa in ay daymahaasi sanadkii la soo dhaafay kor u keceen 11%, taas oo markii hore ahayd 210.5 bilyoon oo doolaar, haddana noqotay 233.5 bilyoon oo doolaar. Dayntaasina waxay u dhigantaa 18.5% ganacda ay dhoofiso qaaraddaasi. Waxaa kale oo warbixintaasi sheegtay in faaiidada dayntaas la saartay ay noqotay 25.7 bilyoon dhamaadkii sanadkii 1998kii, taas oo ahayd 21 bilyoon sanadkii 1997kii. Waxaa kale oo la sheegayaa in inkasta oo dowladaha Africa qaar badan oo ka mid ahi ku sugan yihiin xaalad aad u adag oo dagaal iyo xasilooni darri ku dheehantahay, ay u suurta gashay in ay hoo u dhigaan sicrbararka, kaas oo hoos u soo dhacay sanadkii la soo dhaafay 8.5% kaas oo ahaa 11% sanadkii 1997kii. |
Sarrifka lacagaha dalalka badanaa soomaalidu deggantahay. Taariikhda sarrifka 1.8.1999ka. |
|
|
|
|
|
BOGGA 4AAD |
|
Diinta Shaydaan Caabudka oo Kenya ku sii fidaysa Nairobi Kenya, 1995kii ayaa wadaadda kaniisadaha qaarkood daraaso ku sameeyeen diinta cusub ee Kenya ka abuurantay ee loo yaqaan shaydaan-caabudka, hase ahaatee, natiijooinkii daraasadaas ka soo baxay si qarsoodi ah ayaa loo hayay ilaa iyo maanta. Toddobaadkii ina soo dhaafay ayaa jornaal Kenya ka soo baxa oo loo yaqaan Nation maqaalado iyo xigasho ka soo qoray, daraasooyinka ku saabsan arrinkaas. Wargayskaasi wuxuu sheegay in diintaasi aad ugu fidday dalka Kenya siiba Dugsiyada iyo dhallinyarada ardayda ah dhexdooda. Dhiintaas dadka raacsan waxay u badanyihiin dad hodon ah waxayna tukadaan habeenkii, waxayna caabudaan ilaah loo yaqaan "Joh" ama shaydaan. Dhallinyarada dugsiyada dhigta waxaa lagu arkay qaar badan oo ka mid ah in ay si cad u dheen "Joh" ayaan caabudnaa, ardayda badanaa hodonka ah iyo gabdhaha quruxsan iyo wiilasha filka san ee dhigta fasalka afaraad iyo kan saddexaad ee dugsiga sare ayaa la sheegayaa in ay u badanyihiin dadka qora dhallinyarada kuna qalqaalsha in ay ka qayb qaataan diintaas. Diintaas dadka raacsan waxay adeegsadaan calaamado u gaar ah iyo astaamo ay isku yaqaanaan iyo lambaro ay ku saacsadaan, waxaa ka mid ah lambarka 666 iyo istillaab masku duuban yahay, ama xiddig geesfiiqan, ama bil ama gacan salaan ah oo caarad dhuuban iwm. Iskuullada qaarkood waxaa lagu arkay galaasyo ay u baxsheen "mowlaca joh" waxayna ku falaan waxyaabo qaab xun, sida istunka iyo falal kale oo bulshada ka soo horjeeda. Guddoonka waxbarashadu wuxuu sheegay in mushkiladdu ka taagantahay barayaasha iyo maamulayaasha oo aan arrinkaas fahansanayn ama sahlanaya, qaarkoodna ayba u haystaan in arrinku yahay anshax xumo oo kaliya ee uusan intaaba dhaafsiisnayn. Guddoonku waxay sheegeen in ay adagtahay sidii arrinkaas looga hortegi lahaa maxaa yeelay waa diin qarsoodi ku dhisan, waxayna adeegsadaan calaamado qaab daran oo aan badanaa lagu baraarugayn, sidoo kale waxaa diintan wada dadka hodonka ah ee awoodda u leh in ay iibsadaan waxyaabaha ay doonayaa sidoo kale waxay adeegsanayaan masawirro qaawan iyo qaar kale oo dhallinyarada soo jiidanaya. |
BOGGA 5AAD |
|
|
BOGGA 6AAD |
|
Tartanka quruxda haweenka iyo ardayda dugsiyada Dalkaasi Malaysia sanadkii la soo dhaafay xiisad ayaa ka aloosantay, xiisaddaas oo ka dhalatay laba gabdhood oo muslim ah oo ka qayb qaatay tartan quruxeed lagu qabtay magaalada Kuala Lumpur oo ah caasimadda dalkaas, xiisaddaas waxaa soo dhex galay maxkamadda shareecada dabadeedna gabdhihii waxaa lagu xukumay ganaax. Si kastaba arrinku ha ahaadee toddobaadkii la soo dhaafay ayaa waxaa xiisad kale oo taas la mid ah ka kacday goballo ka mid ah dalka Malaysia kadib markii ay dhallinyaro haween ah oo aad u yaryar dooneen in ay ka qayb qaataan tartamo quruxeed oo dalka gudihiisa lagu qabanayay. Ninka gudddoomiyaha ka ah gobalka Sabo oo ah gobal xukun daakhiliyah leh kana mid ah midawga Malaysia yaa ka digay toddobaadkii la soo dhaafay dhibaatada ka imaankarta haddii loo ogolaado gabdhaha aad u yaryar in ay ka qayb qaataan tartamada jaadkaas ah. Waxaana dowladdu amar ku bixisay in aan ardayda dugsiyada marnaba loo ogolaan in ay ka qayb qaataan tartamada quruxeed jaadkii ay doonaan ha ahaadeene. |
BOGGA 7AAD |
|
|
CASHARKA 46-47AAD ISKU MAGACAABIDDA QAALIGA QAALIYAASHA IWM Waxaa Saxiixa Abuu Hurayra looga soo weriyay, Allaha ka raalli noqdee, in Nabigu naxariisi korkiisa ha ahaatee, yiri:"Magac kan ugu liita Eebbe agtiis waa nin isku magacaabay, Boqorkii Boqorrada, Boqor aan Eebbe ahaynna ma jiro". Sufyaan wuxuu yiri:"Waa sidi Ugaaskii Ugaasyada". Riwaadyad kalena waxaa ku soo arooray:"Ninka Ilaah ugu caroon ogyahay maalinta qiyaamaha uguna xun ..". MAS'ALOOYINKA CASHARKA Tan 1aad: Waa in la isu diiday in la isku magacaabo Boqorkii Boqorrada. Tan 2aad: Waa in ay la mid yihiin wixii ku macne ah, sida sufyaan sheegay. Tan 3aad: Waa in loo fiirsado in la adkeeyay arrintan iwm, ayadoo isla markaa la hubo in qofka sidaa leh uusan ujeeddadeeda dhabta ah uga danlahayn. Tan 4aad: Waa in loo fiirsado in ay taasi tahay mid Eebbe nasahnaayee, dartiis loo yeelayo. IXTIRAAMIDDA MAGACYADA EEBBE KOR AHAAYEE, IYO IN TAA DARTEED MAGACA LOO BEDESHO Abii shurayx waxaa laga soo weriyay:"In lagu naynaasi jiray 'Aabbihii Garsoorka', kolkaas baa Nabigu naxariisi korkiisa ha ahatee ku yiri: Eebbe ayaa Garsoore ah, asiga ayaana Gartu u noqonaysaa. Wuxuu yiri (Abii Shurayx) Qoladaydu haddii ay arrin isku afgaran waayaan way ii yimaadaan kolkaas baan u garqaadaa, kolkaas bay ku raalli noqdaan. Kolkaas buu yiri (Nabigi):Taasi aad bay u wanaagsan tahay!. Ee maxaad rag leedahay. Wuxuu yiri: Shurayx, Muslim iyo Cabdullaahi. Wuxuu yiri (Nabigi): Kumaa ugu wayn. Waxaan iri: Shurayx. Wuxuu yiri (Nabigi): Haddaba adigu Abuu Shurayx baad tahay"[Abuu Daa'uud}. MAS'ALOOYINKA CASHARKA Tan 1aad: Waa in la ixtiraamayo Magacyada Eebbe iyo Sifooyinkiisa, haddii la dano yaan loola jeedin macnahooda runta ahe. Tan 2aad: Waa in taa awgeed magaca loo beddelayo. Tan 3aad: Waa in wiilasha kan ugu wayn magaciisa loo dooranayo Naynaas ahaan. |
BOGGA 8AAD |
|
|
Qaybtii: 39aad Baaristii Arrintii Dimna Hase ahaatee waxaa run sheegay midkii yiri; qofka u barta falxumada in uu ku dhaqaaqo taasi waa la fududahay dhibaatadiisuba ha ku jirtee. Garsoorihii: waxaannu buugtii hore ku aragnay, in ay la gudboontahay garsooraha wanaagsan in uu ogaado falka wanaagsanaha iyo kan ninka xunba, si uu uga abaal mariyo wanaag falaha wanaaggiisa, xumi falahana xumaantiisa, haddii uu sidaa yeelo waxay kororsadaan sama falayaashu ku dadaalidda sama falka, xumi falayaalkuna waxay ku dadaalaan sidii ay gafafka uga fogaan lahaayeen, arrintuna Dimnow adiga bay kuu taallaa, in aad eegto wixii aad galabsatay oo aad gafkaaga ogolaato oo aad garwaaqsato kana soo noqoto. Dimna baa u war celshay: garsoorayaasha wanaagsani malo wax kuma gooyaan, kumana howl galaan gaar ahaan iyo guud ahaanba, maxaa yeelay waxay ogyihiin in aanay maladu runta waxba ka tarayn, adinkuna haddii aad u malyseen wixii aan falay in aan gacan ku dhiigle ku ahay, aniguna aniga ayaa xogtayda idinka og, aqoontaasina waa run aan malo ku jirin, aqoonta aad ii leedihiinna waa mala awaal, waxaana arrintaydu idiinla xumaatay, aniga ayaa naftayda been ka sheegay oo dil iyo luggooyo u ogolaaday, aniga oo og suubanaantayda iyo nabadgelyadayda aan ka nabad qabo waxa la igu eedaynayo. Naftayduna nafaf oo dhan way u mudantahay dhawritaan, xaqna way uga gar leedahay in aan taas ku sameeyo kan idiinkugu wayn iyo kan idiinkugu yar diintaydu taas iima ogolaateen dadnimadayduna kuma wanaagsanaateen, naftayda in aan ku sameeyana daw uma lihi. Haddaba garsoore arrintan ka joog, maxaa yeelay haddii ay waano kaa ahayd meesheedii baad la gaftay, haddii ay dhagar ahaydna, dhagar waxaa ugu xun tii aad ku aragto reer aadan ka filanay, in kasta oo dhagarta iyo beentu aney ahayn wax garsoorayaasha wanaagsani ku dhaqaaqaan iyo mamulayaasha lagu kalsoonyahayba, waxaadna ogaataa in hadalkaaga aqoonlaawayaasha iyo reera dhib ay dhabbe ka dhiganayaan oo ay ku dayanayaan, maxaa yeelay arrimaha garsoorka reera rumeed runteeda bay qaataan, reera gafna beenlowyaal iyo kuwa aan dhowrsanna, waxay qaataan gafkeeda. Aniguna garsoorayahow, waxaan kaaga baqayaa in oraahdaadani dhibaato iyo hoog kuu keento, waxaana taas ka daran oo ka hoog badan in ay boqorka, ciidanka, dadka gaar ahaan iyo guud ahaanba kuu haystaan garyaqaan, oo aad qanciday garsoorkaaga, maamulkaaga, dhowrsanaantaada, iyo dheeraadkaaga, waxaase la yaab ah sida laguu illowsiiyay tilmaamahaas marka aad arrintayda gelaysay, iyo waxa aad ka maqashay aqoonyahanada in ay yirahdeen: qofkii sheegata in uu ogyahay wax uusan ogayn, wax uusan aragna ka marqaati kaca, waxaa ku dhaca wixii ku dhacay Gallayrkoriyihii u gafay naagtii ugaaskiisa. [Waa socotaa..] |
BOGGA 9AAD |
|
|
Qaybtii 26aad 1. Geelaba, qodaxdu dharaartuu lugta ku riixay bay ku roortay. 2. Gacantii gumudkeeda subkatay, ayadaa isu gargaartay. 3. Guud la qabsado, gabar iyo geenyaa leh. 4. Fardo la isugu joogo laysuguma faano. | 5. Fallaari gilgilasho kaagama fuqdo. 6. Fari tog dheer bay kula xushaa. 7. Far kali ahi fool ma dhaqdo,"far kaligeed fool ma dhaqdo", "Fari fool ma dhaqdo" . 8. Faryartaa xumaatay filfiliq kaagama harto. 9. Farsamo gobal dhiman gabar lama tuso. 10. Faq, fagaaraha buu yimaadaa. |
BOGGA 10AAD |
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|