S o m a l i E l e c t r o n i c J o u r n a l | A Destination for Somali News, Business and Culture |
BOGGA 1AAD | ARARTA WARGAYSKA |
|
|
|
|
|
|
BOGGA 2AAD | WARARKA SOOMAALIDA |
|
Sanadka 2000: Faallo gaaban Nin baa la yiri: war sanadka cusub ka warran? kolkaas buu yiri, wuu fiicanyahay, waa sidii 99kii oo kale!! Dad badan waxay moodayeen in adduunku gaddoomi doono oo la duubi doono, ama balaayo kale dhici doonto, laakiin wax dhibaato ah ma dhicin waxaadba mooddaa in uu sanadihii ina soo maray qaarkood ka fiicanyahay sanadkani, maxa wacay boqolkii sano ee la soo dhaafay waxay ahayd mid aad u dhib badan oo dagaallo iyo colaado dunida ekeeyeen. Laakiin si kastaba arrinku ha ahaadee, waa in aan ogaanno in aaney wax xiriir ah ka dhexeyn sanadaha aan tirsanno iyo dhibaatooyinka dhaca sanadahaas dhexdooda, macna sanadku dhibaatada asigu ma keenin. Sanaduhu waa tiro ay aadanuhu sameeyeen ee ma aha wax dabiici ah, tirinta maalmaha usbuuca iyo tirinta bilaha iyo sanadaha dhammaan waa wax aannu annagu sameynay oo dhulka oo kaliya laga adeegsado, haddii ay jiri lahaayeen umado kale oo DDayaxa deggan waxaa hubaal ah in ay lahaan lahaayeen bilo iyo sanado kuweenna ka duwan. Ayada oo aad mooddo in dadka badankoodu arrinkaas la socdaan ayaad misana maqlaysaa qaar ku leh adduunka ayaa la duubayaa ama qiyaamihii ayaa imaanaya sanadka 2000, haddii aad kuwaas ku tiraahdo, war quraafaadka inaga daaya, qaar kale ayaa kugu dhegaya oo ku leh maxaad uga jeeddaa warkaas!! Hadal iyo dhammaantiis, sanadkii cusbaa wuu billowday, qiyaamana ma dhicin, waxna ma dhicin, sida ninku yiri, sanadkani wuu fiicanyahay waa sidii 1999kii oo kale. Australia: Laba wiil oo Soomaali ah oo ku dhintay shil baabuur Sadiq Xaaji Xaashi (Sydney, Australia): Shil baabuur oo ka dhacay wadada loo aado Brisbane ee new England ayaa waxaa ku dhintay laba wiil oo soomaaliya oo lakala yiraahdo Jaamac samatar iyo deeq xasan Qaawane oo da`doodu ay ahayd 22 iyo 25 jir, alaha u naxariistee wiilashaas waxa ay ka baxeen magaalada sydney ayagoo watay baabuur ah tiyoto camri oo ay soo ijaarteen 3 galabnimo maalintii talaadada ahayd 5saac ka dibna waa ay dhinteen markii baabuurka ay wateen oo isbeed ku socday waa sida ay sheegayaan dad arkayay uu u gudbay wadada geeskeeda kuna dhacayna baabuur noociisu yahay southbound Subaro. Laba boolisa oo laka yiraahdo Scot mathews iyo scott craig ayaa daqiiqad kadib yimid marka uu shilka dhacay waxayna isku dayeen inay wiilasha ay ka soo bixayaan baabuurka nasiib daro waxa ay mari waayeen holaca baabuurka oo aad u xooganaa meeshaas oo isla markiiba ay ku geeriyoodeen deeq iyo samatar. Baabuurka ay ku dheceen Baabuurkii kale oo ku dhacayna waxaa saarnaa nin, naag iyo ilma yar waxaana meeshaas dhaawac halisa soogaaray naagta waa sida uu sheegayo warka aan ka soo xiganay daili telegraph. Warku intaa waxa uu ku darayaa in labada wiil ay daganaayeen kuna cusboonaayeen xaafada Auburn Samatar waxa uu ka yimid wadanka Newzealand halkaas oo uu ilaa sanad uu joogay Australia, Deeqna waxa uu ka yimid oo uu haystay dhalasho wadanka maraykanka halkaas oo uu booliiska ay cadeeyeen in uu watay leesan maraykan ah waxaana uu Australia joogay ilaa in ka yar 4 bilood. Ayaga oo aan afurin bay geeryoodeen Warku intaa waxa uu ku darayaa in wiilashaas oo soomanaa geeriyoodayna daqiiqado ka hor waqtigii la afuri lahaa waxaana daqiiqado kahor la hadlay cali mahdi oo ay isku guri deganaayeen oo ay u sheegeen in ay marayaan meel sydney u jirta 370 kilomitir walina ayna afurin xaal kooduna safarka uu fiicanyahay, nasiib daro saacadu markay ahayd 8:10 habeenimo waa daqiiqado ka dibe markii ay wada hadleen cali mahdi ayuu shilka uu ku yimid halkaas oo ay ku nafwaayeen Samatar iyo deeqba, ilaahayna ayaan uga baryaynaa in bishan barakaysan ay dhinteen uu ka waraabiyo janadii fardawsa samir iyo iimaana ka siiyo qooskii iyo eheladii ay ka geeriyoodeen. Qabanqaabada Aaska dhallinyarada Hadba aqristayaal qofkii raba in uu qayb ka gaysto asitaanka marxuumadaas hala soo xiriiraan cali mahdi ama Soomaalida ku nool Auburn waxaana meedka marxuumadaas uu hada gacanta ugu jiraa booliiska oo baaritaan ku haya waxaana lasoo wareejindoonaa ilaa afar maal mood ku dhawaad, wixii tabarucaada iyo abaabulkii sidii loo aasi lahaa wiilashaas waxay u taalaa soomaalida ku naal Sydney. Dekeddii Muqdisho oo in dagaal ka billowdo laga baqayo Jabhad hubaysan oo raacsan nin la yiraahdo Jaamac Maxamad kana mid ahaa hoggaamiyayaasha ciidanka Ina Caydiid ayaa Arbacadii isku xaydaamay asiga iyo ciidankiisa dekedda magaalada Muqdishu. Jaamac oo la sheegay in uu ahaa madaxii nabadgelyada dekedda intii aan la xirin 1995kii, kadib kolkii laysku afgaran waayay sidii loo qaybsanlahaa cashuurteeda, ayaa la sheegayaa in uu ka soo horjeedu heshiiska ay dhawaan isla gaareen madaxda kooxaha muqdisho isku haysta qaarkood. Go'aan ay isla gaareen 5 ka mid ah madaxda kooxaha muqdisho isku haysta ayaa toddobaadkii la soo dhaafay isla gaaray go'aan leh in la furo dekedda iyo gegida diyaaradaha magaaladana loo sameeyo maamul midaysan. Laakiin wararku waxay sheegayaan, in Jaamac iyo nin kale oo la yiraahdo Farabadane, oo ka mid ahaa qabqablayaasha kooxda Ina Caydiid ay diideen go'aankaas, uguna baaqeen Ina Caydiid in uu is casilo, ayaga oo ku eedeeyay in uusan la tashan madaxda kale ee (USC/SNA) inta uusan heshiiskaas saxiixin. Wararku waxay intaa ku dareen in dadkii degganaa agagaarka dekedda Muqdisho ka qaxeen, ayaga oo ka cabsi qaba in dagaal ba'ani halkaa ka dhici doono, kaas oo ay isaga horyimaadaan kooxaha ku loollamaya sidii loo maamuli lahaa dekedda. Heshiis ay gaareen duqayda dagaalka Muqdisho Shan abaanduule, oo kala ah Ina Caydiid, Xuseen Xaaji Bood, Osman Caato, Maxamad Qanyare Afrax iyo Cali Mahdi ayaa 21kii bishii december ee la soo dhaafay heshiis ku gaaray in ay maamul midaysan u sameeyaan magaalada muqdisho. Maamulkaa cusub, sida ay sheegeen, wuxuu hordac u ahaan doonaa dowlad midaysa dalka oo loo wada dhanyahay, wuxuuna furi doonaa dekedda muqdisho iyo gegida diyaaradaha. Madaxdu waxay sheegeen in ay dalka dowlad u soo dhisi doonaan ayaga oo u sii maraya la heshiinta kooxaha kale ee ka talsha goballada kale, waxaase la sheegayaa in Muuse Suudi Yalaxow diiday in uu ku soo biiro kooxdaas heshiiska wadda. Mr Suudi, wuxuu ku andacooday in maamulka cusub ee banaadir ku jiraan dad aan u dhalan gobalka oo xoog ku soo galay, wuxuuna uga jeedaa qabiilooyinka habargidir ee magaalada muqdisho dhinac ka deggan, asalkoodiina ka yimid goballada dhexe Heshiis dhex maray Jabuuti iyo Somaliland Heshiis ayaa dhexmaray labada dhinac ee Jabuuti iyo Somaliland, kaas oo ku saabsanaa dib u furidda xuduudka u dhexeeya labada dal, waxaana heshiiskaas la gaaray kadib markii uu dhamaaday shir ay labada dhinac isugu yimideen oo lagu qabtay Jabuuti socdayna 2 maalmood. Labada dhinac waxay ku heshiiyeen in xiriirkii dib loo soo celsho, lana furo xudduudka, sidaa waxaa laga soo xigtay ninka u jooga somaliland Jabuuti Cumar Dheere. Dhinaca kale, shirka ay qabanqaabinayso Jabuuti ee loogu gogolxaarayo wadahadallada kooxaha soomaalida si dowlad loo soo dhiso, ayaa la sheegay in ay madaxda somaliland ka qaybqaadan doonin laakiin ay taageersanyihiin. Golaha ammaanka oo cambaareeyay hub u dhoofinta soomaaliya War ka soo baxay golaha ammaanka ee qarumada midoobay ayaa wuxuu sheegayaa in ay cambaarayn u soo jeedsheen dadka ka hubka u raraya soomaaliya, waxayna sheegeen in ay taasi jebinayso go'aankii qarumada midoobay ee ahaa xayiridda hubka. Goluhu waxay cambaarayntaas soo jeedsheen, kadib markii ay shir aan caadi ahayn isugu yimideen bishii December 30keedii 1999kii, ayna arkeen in ay wali jiraan kooxo soomaaliya hubka si qarsoodi ah u geliya. Cambaarayntaas waxaa shaaca ka qaaday nin safiir u ahaa golaha ammaanka oo la yiraahdo Jeremy Greenstock, wuxuuna in loo baahanyahay in arrinkaas ay joojiyaan kuwa masuulka ka ahi, waxaa kale oo uu safiirku sheegay in goluhu dhegaysteen warbixin ku saabsanayd dadaalka loogu jiro sidii nabad loogu soo dabbaali lahaa soomaaliya ayada oo la raacayo qalqaaladii madaxwaynha Jabuuti. Soomaalida Reer Canada oo dagaal ba'an ku qaaday midabtakoorka ay dowladdu ku hayso! Qareenno matalaya kumanyaal soomaali ah oo ku nool dalka Canada ayaa waxay isku deyayaan in ay maxkamadda Fedaraalka ka caddeeyaan, in qaanuunka qaxootiga ee ku xiraya soomaalida in ay aqoonsi la yimaadaan si ay u helaan dhalasho uu yahay mid midabtakoor ah. Loolanka maxkamadda waxaa lagu billaabay magaca in ka badan 8000 oo soomaali ah oo lagu xiray in ay sugaan sanaddo badan si loo aqoonsado, inkasta oo waliba loo ogolaaday in ay qaxooti run ah yihiin. Qaanuun Ottawa laga soo saaray 1993kii ayaa wuxuu ku xirayaa dadka loo aqbalay qaxooti ahaanta in ay aqoonsi la yimaadaan si ay dhalasho u helaan. Qaxootiga aan aqoonsiga wadan waa in ay sugaan shan sano si ay u helaan dhalasho, bishan horreeanteedii ayaa waxaa ballan qaaday wasiirka immigrationka Elinor Caplan in ay hoos u dhigto sanadahaas shanta ah oo saddex laga dhigo, si loo dhameeyo dhibaatooyinka qaanuun ee dadka aan aqoonsiga haysan. Indheergaradka Soomaalida: Haweenka iyo Carruurtu ma gacankudhiiglayaal baa?! Laakiin indheergaradka soomaalidu waxay dheheen bedelidaasi dhaamimayso dhaqankii xayiray nolosha dad badan oo soomaali ah. Dhalasha ama (Landed status) waxay qofka u ogolaanaysaa in uu kafiisho qaraabadiisii si ay u soo haajiraan, ardayda jaamicadahana waxay xaq u yeelanayaan lacagta daraasada oo laga dhimo iyo ammaahyo ay qaataan, sidoo kale shaqooyinka qaarkood waxay u furanyihiin kaliya dadka haysta (Landed status). Dowladda Federaalka ah ee Canada waxay ku andacootay in ay u baahantahay in ay hubiso aqoonsiga dadka qaxootiga ah si aaney ugu soo gabban soomaalida dad burcad ah ama gacanku dhiiglayaal ah. Laakiin madaxda soomaalidu waxay sheegeen in dhibaatadu ka taagantahay, sidii looga heli lahaa aqoonsi dal aan wax dowlad ah lahayn 10 sano. Waxayna sheegeen in dadka dhibaatadu ka soo gaartay qaanuunkan ay yihiin dad haween iyo carruur ah, kuwaasina gacankudhiiglayaal ahayn. Loolannakan maxkamadda federaalka lagula jiro wuxuu isku deyaa in la burriyo xeerkaas, maxaa yeelay waa xeer midabtakoor ah, sidaa darteedna dastuurka ma haleelsana. Maxkamaddu waxay dhegaysan doontaa doodda arrinkan Jannaayada soo socota, waxaana la filayaa in guga soo socda arrinka maxkamaddiisa la qaado. Mid ka mid ah qareennada soomaalida Ottawa ayaa yiri: Mucaamalada soomaalida waa in loo eegaa midda sida tan qaxootiga Kosovar sanadkan horraantiisii. Mrs. Tie: Dadka Reer Kosovo iyo Soomaalidu Maxay ku kala duwanyihiin? Dad badan oo reer Kosovo ah ma haysan aqoosi, laakiin si dhaqsi leh ayaa dowladdu u soo qaadday, dabadeedna dhalasho la siiyay. Maxaa u dhexeeya dadka reer Kosovo iyo soomaalida, waxa u dhexeeya waa in dowladda Canada ay samaysay wax kasta oo tabar ah si ay u hubiso in aanan soomaalidu dalka soo gelin!. sidaa waxaa yiri Chantal Tie. Tie waxay intaa ku dartay in ay caddayn doonto in xeerka qaxootiga aan dukumintiga wadan uu yahay mid midabtakootaya soomaalida ayada oo loo eegayo jinsiyadooda iyo dalkooda. Xeerkaas dadka uu dhibaatada u gaystay badankoodu waa madow, waxaana la sameeyay markii qaxooti badan la aqbalay qaxootiguna ka yimid soomaaliya. Xaaladaha shaqsiga ah ee maxkamadda lagula loollamay waxaa ka mid ahaa nin soomaali ah oo ciyaarihii Olympiga metelayay Canada oo aan dhalasho haysan! Mid kale asigana waxaa loo diiday dhalashadii, laakiin toddoba dhashiisa ka mid ah ayaa dhalasho haysata. Waa lagama maarmaan in aan ogaanno waa ayo dadku, laakiin taasi halkan ma taallo, waxaa yiri Tie, arrinku hadda wuxuu taaganyahay "ma haystaa aqoonsi gaar ah, mise maya"!! |
BOGGA 3AAD | BOGGA GANACSIGA IYO DHAQAALAHA |
|
|
|
|
|
BOGGA 4AAD | BOGGA QUBANAHA |
Timir lafaa ku jirto Qaddaafi, Xuseen Caydiid iyo C/laahi Yuusuf! maxay u danleeyihiin Maxamad Maxamuud Caddaawe "Geeddow" Bernard de wildestraat 430, 4827 EH Breda Netherlands E-Mail geddow@hotmail.com, HomePage www.goplay.com/Geeddow2 Waxaan rabaa inaan ra'yigeyga ku cabiro waxa ey ilatahay soo jeedintii kooxaha Soomaalida qaarkood ey soo jeediyeen in korneil Qadaafi oday looga dhigo dib u heshiisiinta dadka Soomaalida ah. Waxey aniga ilatahay in taasu ey tahay waa socuweynayee aan orodno.Waxaa aniga yaab ila ah in hadda oo Soomaalida iyo aduunyadaba ey soo dhaweeyeen baaqii ama soojeedintii Madaxweynaha Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle loona arkay inow yahay xal munaasab u ah xallinta dhibaatooyinka dalkeyna iyo dadkeynaba heesto laguna jiro sidii loosii lafagurilahaay si owna u fashilmin, in Xuseen M.Caaydiid iyo Cabdullaahi Yuusuf soo jeediyaan in Liibiya looraro xallinta dhibaatooyinka Soomaalida. Qadaafi sida aan lasocono waxow hadda kahor xoogga saaray sidii ow u dhismilahay Gobalka Banaadir dibna ugu heshiisiilahay kooxaha isku heysto tasoo ow ku fashilmay marka sidee gacanta loogu gelikaraa dib u heshiisiinta Soomaalida oo dhan? Waa inaan isweydiinaa maxaa kadambeeyo soo jeedintaas? waxey aniga ilatahay in danta lagaleeyahay soo jeedintaas ey tahay oo kaliya in lagu demiya iftiinka yar ee hadda u soo muuqdo dadka Soomaalida ah. Waxaa kale oo aniga ii muuqdo in Xuseen iyo Cabdullaahi marna isku u jeedo yihiin marna kala ujeedo yihiin, mar isku u jeedo yihiin oo labaduba eyna rabin in dowlad ey ka suubsanto Soomaaliya tasso wax u dhimikarto danahooda gaar ahaaneed iyaga iyo kuwa raacsanbo, Cabdullaahi waxow suubsaday Gobol ow asga ku amar ku taakleeyo cid kahor ama kadaba waramikartana eynajirin, xuseena dadkisu waxey kor degganyihii dadkale oo Soomaali ah oo weliba ey xoog ku heystaan taasoo dhamaadoonto markii dowlad loo dhanyahay wadanka ka dhalato. Xuseen Caaydiid waxaa intaas u dheer oo ujeedo kale ah waxow rabaa inow soo ceshado sumcaddii ayaamahaan dambe ka dhuntay dalka gudahiisa iyo dibbaddiisaba. Waxow kale ow rabaa inow ka carro gedisto Dowlada waanwaanta wado oo eyna isku fiicneyn.Waxaan ku soo gunaanadi lahay in Xuseen iyo Cabdullaahi iyo ciddii kale ee laqabto ra'yigooda haddii ey haayaan soo jeedin waxtar u leh dib u heshiinta dadka Soomaaliyeed ee muddada tobanka sano kor u dhaaftay qaska iyo wareerka kujiray ey uga bixikaraan waa lasoo dhawehaa hase ahaatee Tripoli ha la aado oo qalalan layska yeelimaayo. |
BOGGA 5AAD | BOGGA DOODDA IYO CILMI BAARISTA |
HABNOLOLEEDKII SAXAABADA RASUULKA "CABDULLAAHI BINU XUDAAFA AL-SAHMIYI" Waxaa Qoray: Ibrahim Salah Adan Email: ibra88@hotmail.com Odense, Denmark Boqorka Qaysar wuxuu si aad ah u eegay Cabdullaahi, dabadeedna wuxuu ku yiri "Waxaan kuu bandhigayaa arrin". Cabdullaahi ayaa ku iri "waa maxay!?". Boqorka Qaysar: "In aad noqoto kirishtaan, haddii aad yeesho faraha ayaan kaa qaadayaa oo ku dili maayo, dhinaca kale waan ku wanaajinayaa". Cabdullaahi Binu Xudaafa ayaa si geesinimo ku jirta u yiri " Lagama yaabo! geerida ayaa kun jeer ka jeclahay inaan kirishtaan noqdo". Boqorka Qaysar ayaa haddana yiri " Haddii aad yeesho waxa aan kuugu yeerayo ee galnimada ah waxaan qayb kaa siinayaa boqortooyadayda". Cabdullaahi ayaa muusooday isagoo weliba ku xir-xiran silsilad, wuxuuna yiri "Wallaahi, haddii aad iigu deeqdid dhammaan wixii hanti ah ee aad leedahay, iyo waxa ay boqorrada carabta haystaan oo maal ah si markaas diinta uga laabto il-biriqsi ma aan sameeyeen". Boqorkii ayaa wuxuu yiri "Haddaba, waan ku dilayaa". Cabdullaahi ayaa yiri "waxaad doonto samee". Intaa ka dib, boqorka Qaysar wuxuu amar ciidamadiisa ku siiyay in la daldalo Cabdullaahi, isagoo amar siiyay nimankiisa wax toogta/shiisha, isagoo kula hadlay afka laatiinka ee ay ku hadli jireen Roomaanka, wuxuuna ku yiri toogta meel u dhow labadiisa gacmood, laakiin isaga ha ku dhufanina". Isla mar ahaantaana wuxuu u bandhigayay inuu gaaloobo. Cabdullaahi, haddana wuu diiday. Boqorka, ayaa haddana yiri toogta meel u dhow labadiisa lugood. Intaa ka dib, wuxuu boqorka amar ku bixiyay in laga soo dejiyo tiirkii uu ku xirnaa, ka dibna wuxuu codsaday in loo keeno dheri. Dherigii ayaa waxaa lagu shubay saliid, dabadeedna dherigii ayaa dabka la saaray ilaa ay saliiddii ka karkarto. Wuxuu yiri boqorkii, ha la ii keeno labo ka mid ah maxaabiistii Muslimiinta. Midkood ayaa lagu riday dherigii karkayay, wax yar ka dibna hilibkiisa ayaa kala tagay oo cad-cad u gogo'ay, lafihiisana way muuqdeen. Kii kalena, sidaasoo kale ayaa lagu sameeyay. Intaasoo dhan Cabdullaahi wuu arkayaa, waxaana la doonayay inuu cabsado. Boqorka Qaysar, ayaa wuxuu deymooday Cabdullaahi isagoo ugu yeeray gaalnimo. Hase ahaatee, Cabdullaahi sidii si ka sii daran ayuu u diiday inuu ka laabto diinta Islaamka. [Waa socotaa..] |
|
Halgankii Gobanima doonka iyo Halyeeyadiisii! Xaaji Oomaar iyo geesiyaal kale oo u halgamay gobanimadii goballada Waqooyi ayaa ka mid ahaa raggii Ingariisku ku xiray xabsi ku yiil Jasiiradda Siishilis, waxayna xabsiga kuwada jireen muwaadiniin Masaari ahaa oo uu ka mid aha Sacad Saqluul Baasha oo hoggaaminayey xisbigii al-Wafdi, kolkii dambena dalkaasi ka noqday Wa'iisul Wasaare. Safiya Haani, xaaskii Sacad Saqluul markii lo diiday inay saygeeda u raacdo Siishilis, waxay gurigeeda ka bilowday dhaqdhaqaaq siyaasi ah ilaa ay ku soo hirtaan asxaabtii Sacad Saqluul. Lord Allenby oo ahaa wakiilkii Ingariiska ee Masar wuxuu u arkay halganka siyaasiga ah ee Safiya inuu ka raad culus yahay kii Sacad, wuxuuna si degdeg ah u go'aansaday in SafiyaHaani uu u ooggolaado inay ninkeeda ka daba tagto. Haddaba, maxay Safiya ku jawaabtay? "Saygeggu waan sagootiyey wuxuuna ku jiraa amaanada Rabbigiis, anigusa waxaan goostay inaan dalkeyga Masar ku haro si aan u guto waajibaadka iga saaran dalkeyga". Safiya waxay goosatay inay dhammeys tirto halgankii uu billaabay ninkeeda Sacad Saqluul. Mowqifka Safiya Haani wuxuu la mid ahaa kuwii haweenkii Soomaaliyeed ee u halgamay dalkooda oo qaarkood u geeriyoodeen sida Xaawo Cusmaan Taako ama xabsida ku umulay sida Timiro Cukaash oo iminka ku nool dalka Kanada ama Faadumo Cabbane oo si joogto ahloogu taxaabi jirayxabsiyada Hargeysa. Xarakadii ka jirtay Masar, waxay raad ku sii yeelaneysa xarakadii gumeysi-diidka Afrika, gaar ahaan tii Soomaaliya iyo dalalka la isku yiraahdo Magrib ee Waqooyiga Afrika, gaa r ahaan tii Aljeeiya ee uu asaaskeedu lahaa Cabdulqaadir Al-jasaa'iri, oo markii dambe ku geeriyooday dalka Suuriya isagoo musaafuris ah, iyo tii Maxamed Shanaad ee dalka Marooko oo loo musaafuriyey Jasiiradda Madagaskar. [Waa socotaa..] |
|
Ibraahim Saalax (Danmark) Shuruudda Soonka Soonku, wuxuu leeyahay shuruudo, oo haddii aanan lala imaanin uu burayo soonku, waxaana ka mid ah: 1) "Islaamnimo" Qofka Soonka laga doonayo waa inuu Muslim yahay. 2) "Miyir qab" Qofka waalan waajib kuma aha soonka. 3) "Qaangaar" Ilmo caruur ah lagama doonayo soon (way fiican tahay haddii ay ku taba baranayaan). 4) "Awoodid" Soonku waxaa loo banneeyay inay afuraan ciddii aan awood u lahayn oo ay haysato dhibaato caafimaad iyo arrimo kaleba. 5). "Negitaan", oo qofka musaafirka ah waajib kuma aha inuu soomo. Dadkaasi aan awoodi karin waxaa loo qaybiyaa ilaa saddex qaybood oo kala ah sida: 1). Kuwo loo banneeyay inay afuraan, hase ahaatee laga rabo inay quudiyaan miskiin. 2) Qaar sidoo kale iyagana loo banneeyay inay afuraan, ka dibna ay soonka qalleeyaan (gudaan), laakiinse aan quudinayn cidna. 3) Iyo ugu danbeyntii kuwo ay waajib ku tahay inay afuraan, dabadeedna ay soonka gudaan. Qaybta hore waa dadka da'da ah oo aan awoodda u lahayn inay soomaan, kuwaasi waajib kuma aha inay soomaan oo waxaa loo fasaxay inay afuraan, laakiin waxaa laga doonayaa inay quudiyaan miskiin (qof baahan) maalin kasta oo Ramadaanka ka mid ah. "Kuwii Soonku dhibiyay waxay bixin quudin miskiin" Suuradda Al-baqara 184 Sidoo kale waxaa qabytan soo hoos galaya qofka xanuunsan ee aan rajada laga qabin inuu bogsado. Waxaa kaloo ku jira hooyada uurka leh iyo tan ilmaha nuujinaysa, waa haddii ay ula baqdo nafteeda iyo tan cunuga inay quudaantaasi la timaaddo oo ay afurto. Qaybta labaad oo ah kuwa loo baneeyay inay afuraan, isla markaana markii ay awood u helaanna soonkii soo gudaan oo qalleeyaan, waxaa ka mid ah qofka xanuunsan ee rajeynaya inuu bogsoodo, qofka safarka ku jiro ee aan deganayn. Illaah kor ahaayee wuxuu yiri " Qofkii idinka mid ahi oo xanuunsan, ama safar ku jira waxaa korkiisa ah inuu soomo maalmo soonkood" Suuradda Al-baqara. Qaybta ugu danbeysa ee ay waajib ku tahay inay afuraan, isla markaana ay soonka dib u gudaan waa: Haweeney inta ay ku jirta wakhtiga caadada iyo kan dhalmada, waa Xaaraan in ay xilligaas soonto, waxaana laga doonayaa in ay soonto marka ay daahirto. [Casharkan oo dhamaystiran waxaad ka heli kartaa alkan ee riix] |
|
BOGGA 6AAD | BOGGA HAWEENKA |
Waxaa Qoray: Qaasim Xirsi Faarax International Islamic University Gombak, Kuala Lumpur, Malaysia Email: qasim55@hotmail.com |
SINAANTA RAGGA IYO DUMARKA Waxaana lama huraan ah in la ogaado in macnaha aayaddaan (aayadda qawaamada) aan lagu wada xambaari karin guud ahaanba nolosha iyo dhaqanka rag iyo dumar oo idil, ee waxa lala hadlayaa ay tahay labada is qabta oo keliya. Sidaasina waa sida ay culima fara badani ku fasireen aayadda (hoos ayey inoogu imaan doontaa). Intaa marka laga baxo waxaa laga yaabaa in dadka qaarkood ay ka dhigtaan dood la cuskado su'aasha ah; "maxaa ninka loo saaray mas'uuliyadda xaaskiisa?". Taas jawaabteeduna waxa ay ku kooban tahay in ay haweenaydu hayso shaqo marka uu ninkuna hayo shaqo. Taasina waxa ay tahay in kolka, tusaale ahaan, ay iyaduu uur la jiifto aysan shaqo awoodin ayna dantu keenayso in saygeedu uu ku qaybo hawshii nolol maalmeedka. Hadana taas macneheedu maahan in aan loo ogolayn in dumarku ay shaqeeyaan ee waxa ay tahay in maadaama ay wajihayso hawlahaas lama huraanka ah aan mar walba lagu tiirsanaan karin shaqada ay banaanka ka soo qabanayso ee laga sii tabaabushaysto oo lagu ogaado midka aan isagu haysan wax kale ee uu ku marmarsiyoodo. Haddaba runtii aad ayey uga fog tahay aayaddu mid loo daliilsado kala sarayn rag iyo dumar. Kala saraynta in la cirib tirana waaba sababtii ay u soo dageen aayadaha quraanka oo idili. Waxaa laga yaabaa in uu midi kugula doodo; in ragga iyo dumarku ay xuquuqaha qaarkoodna ku siman yihiin, qaarna kukala sareeyaan. Laakiin taas jawaabteedu waxa ay ku filaan tahay; maxay daawaynaysaa kala sarayntaas iyada ihi hadayba jirto. Ma suurta galbaa in uu Alle weyne ummadda intaa la eg (dumarka)ee uu abuurtay uu ka dhigo naaqus, hoosna dhigo ragga. Waxaase is weydiin leh halka ay dadka arimahaas ku andacoonayaa ka soo min guuriyeen fikradahaas. Midda aynu maanta arkaynaa waxa ay tahay in caqliga, garaadka, xusuusta, kartida, ilbaxnimada, iwm ay tahay qofba intuu Alle geliyo. Ilaahna ma yaqaan eex ku dhisan midab ama jinsi takoor ee waa caadil, wax walba oge, wax walba awoode ah. Wuuna iskala weyn yahay in uu ukala eexdo nafaf uu isaga qudhiisu isku si u wada abuuray ama uu xirfad iyo nooc ahaan kukala duway. Sidaa darteed waxaa iska caadi ah in uu ninku naagta ka caqli badnaado, iyo in ay naagtu ninka ka caqli badnaato labadaba. [Waa socotaa..] |
BOGGA 7AAD | DIINTA ISLAAMKA |
|
CASHARKA 64AAD EEBBE SHAFEECO LOOGAMA DOONO UUNKIISA Jubayr Bin Madcam Allaha ka raalli noqdee, wuxuu yiri:"Nin reer miyi ah ahaa Nabiga naxariisi korkiisa ha ahaatee u yimid, oo ku yiri: Nabigii Eebbow, Dadkii way daaleen, oo carruurtii way gaajoodeen, oo xoolihii way baaba'een, ee Eebbahaa inooga roob doon, annagu Eebbe ayaan kaaga shafeeco doonaynaaye, adiga ayaanna Eebbe kuu maraynaaye. Kolkaas Baa Nabigii naxariisi korkiisa ha ahaatee, yiri: Eebbaa Nasahnaaday!, Eebbaa nasahnaaday!, mana ka tegin nasihiddii Eebbe intii taas laga gartay asaxaabtiisa wajigooda. Kolkaas buu yiri: baraka beele, ma garanaysaa waxa Eebbe yahay?, Eebbe xaalkiisu taas wuu ka wayn yahay. Eebbana cidna loogama shafeeco doono" xaddiiskana wuu sheegay {Abuu Daa'uud}. Mas'alooyinka Casharka Tan 1aad: Waa in uu inkiray (Nabigu) qofkii yiraahda " Eebbe ayaan kaaga shafeeco doonaynaa". Tan 2aad: Waa in Nabigu is beddelay (caro awgeed) weedhaa darteed, intii taas laga gartay asaxaabtiisa wajigooda. Tan 3aad: Waa in uusan Nabigu ku inkirin (ninka reer miyiga ah) weedhiisa "Eebbe ayaan kuu maraynaa". Tan 4aad: Waa in la isku baraarujiyay tafsiirka "Eebbe baa nasahan". Tan 5aad: Waa in Muslimiintu ay waydiisanayeen nabiga naxariisi korkiisa ha ahaatee, roobdoonka. |
BOGGA 8AAD |
|
|
Qaybtii: 43aad
Waxaa qoray: Cabdullaahi Ibn al-Muqafac
Waxaa soomaaliyeeyay: Xersi Labahagarre
Bandar Seri Begawan, Brunei Darussalam
|
BOGGA 9AAD |
|
Qaybtii 37aad 1. Nin rag ah looma duur xulo. 2. Niman kun gaaray kumanyaalo looguma faano. 3. Nin kaa sii socda hal waan kuu qali lahaana waa lagu yiraahdaa. 4. Ninkaas ma aqaan qaaxadiisa ayaanse ku jiraa. 5. Nin iyo qabkiis. | 6. Nin hadduu is waalo waa laysla waalaa. 7. Nin waalan jiray waalli loogama sheekeeyo. 8. Nin geed idin dhex maray geeriyuna u dhaw. 9. Nin qosol badan iyo nin qoonsimaad badan way is qab dhaafaan. 10. Nin kilyo daran baa kaadiyi dhibtaa. |
BOGGA 9AAD |
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|