|
|
![]() | Ararta wargayska maanta waxaan ku soo qaadanaynaa maqaal taageero ah oo inooga yimid Dubai! kuna socda Madaxwaynaha Dowladda Jibouti Modane Md. Ismaaciil Cumar Geelle. Madaxwayne Geelle dadaalka uu wado soomaali badan ayaa aad u taageersan, qoraaga maqaalkanina wuxuu ka mid yahay dadkaa taageerayaasha ah sida maqaalka ka muuqata. |
BOGGA 1AAD | ARARTA WARGAYSKA |
|
![]() |
Ujeeddo: Taageero iyo Talobixin: Hindisihii Arrimaha Somaaliya ARAR: Waxaan jeclahay inaan kuu soo gudbiyo taageero iyo bogaadin sida Ilaah tawfiiqda kuu waafajiyey iyo niyadsamida aad u muujisay ummadda Somaaliyeed. Ararta iyo tallooyinkayga waxaan saldhig uga dhigayaa sida soo socota: 1. Waxaa xaqiiq ah in xalka arrimaha Soomaaliya ay kama dambaynta ku xiran tahay doonista iyo dadaalka shacbiga Soomaaliyeed. 2. Dhibaato weyn oo dhextaal beelaha Soomaaliyeed ma jirto. Wixii turxaanbixin u baahan waxa ku filan guurtida sida dhaqanku ahaan jiray. 3. Silica iyo saxariirta ay Soomaaliya ku jirto waxa dhaliyey ama sabab u ah koox isku magacawda hoggaamiyeyaal, laakin bulshoweyntu ay u taqaan qabqablayaal, aniguse aan u aqaan burcad ama afduubayaal-qaran. 4. Qabqablayaasha ama kooxda burcadda ah oo astaan u noqday burburka iyo kala- gaynta bulshada, waa in aan sina loogu oggolaan inay ka soo qayb galaan shirweynaha nabadaynta iyo dib u dhiska qaranka. Sababtoo ah burcadda waxay dantoodu ku jirtaa nabad la'an iyo maamul la'an. Maxaa wacay, waxay ku dadaalayaan in shirku uusan hirgelin sidii horay u dhici jirtay. Sidaa darteed, waxaan soo jeedinayaa talooyinka soo socda oo ah tillaabooyin gogol-xaar ah oo loo baahan yahay in la qaado muddo 12 bilood ka hor inta aan shirweyne la qaban: TALOOYIN: 1. Arrimaha Soomaaliya in loo xilsaaro guddi ka kooban saddex dal oo ah Djibouti,U.A.E, iyo Kenya. Guddoomiyaha guddigu inuu noqdo dalka Djibouti. Sababo dhawr ah ayaan u doortay dalalka aan soo xusay sida : iyagoo dhexdhexaad ah; waxay qaadi karaan tillaabooyin wax ku ool ah iyo gaar ahaan dalka Imaaraadka oo qayb weyn ka qaadan kara dib u dhiska qaranka. 2. Mujrimiinta dagaallada sokeeye ama qabqablayaasha oo loo aqoonsado denbiile- yaal dagaal ( War criminal) oo aan loo oggolaan ka qayb-galka shirweynaha. Sidaa oo kale in la takooro saraakiishii iyo wasiirradii maamulki Mohamed Siyaad iyo maamulladdii ka horreeyey ilaa 1960kii, haddii dembi ama gaboodfal ku caddaado. 3. Qabqablayaasha ama burcadda oo loo fidiyo cafis dhan muddo saddex bilood ah si ay dalka uga baxaan. Dalka oo ay joogaan waxay carqalad ku tahay dadaalka loo hayo nabadaynta iyo dib u dhiska qaranka. Guddigu waa inuu u raadiyo magangelyo siyaasadeed (political asylum). 4. Haddii muddada cafisku dhammaato, qab-qablaha sii jooga dalka waa in, (a) loo aqoonsado dembiile-dagaal (War criminal) oo an cafis lahayn ; (b) in laga mamnuuco dal kale inuu u dhoofo ama uu dulmaro,iyo (c) in hantidiisa xaraanta ah Qaranku la wareego fursadda ugu horraysa. 5. Ganacsatada ay ku caddaato inay gacansaar la leeyihiin kooxda burcadda ah in laga qaado tillaabo adag oo iyagana loo aqoonsado dembiileyaal-dagaal (War criminal) marka ay dhammaato muddada cafiska ah. 6. Gobolkii uu ka sii taliyo qabqable dagaal in cunaqabatayn buuxda (cir,dhul,bad iyo isgaarsiin) lagu soo rogo (wixii aan ka ahayn cunto iyo daawo). 7. In ururrada bulshada,Raadiyeyaasha iyo wargeysyada lagu taageero wacyi-gelinta dadweynaha iyo ka hortagga qabqablayaasha. 8. In laga codsado dawladaha ama shirkadaha daabaca lacagaha been-abuurka ah inay joojiyaan dembiga ay ka galayaan ummadda Soomaaliyeed; lacagahaas oo saldhig u ah burburka dhaqaale ee dalka iyo awoodda qabqablayaasha. 9. Dalalka daneeya Soomaaliya iyo hay'adahooda sirdoonka oo faraha kala baxa arrimaha Soomaaliya, kuwaas oo dagaal qabow ka wada geeska Afrika isla markaasna si toos ah u maalgeliya kooxda burcadda ah. 10. Shirweynaha oo lagu martiqaado ergo xul ah oo ehel u ah nabadeynta, badbaa- dinta iyo dib-u-dhiska qaranka Soomaaliyeed. WA BILLAAHI TAWFIIQ |
|
|
|
|
BOGGA 2AAD | WARARKA SOOMAALIDA |
![]() ![]() |
Madaxwaynaha Djimouti oo soo jeedshay dowlad ku meelgaar ah January 15, 2000 ADDIS ABABA, Ethiopia (PANA), Madaxwaynaha Djibourti Mudane Maxamad Ismaaciil Cumar Geelle ayaa soo jeedshay in soomaaliya loo sameeyo dowlad ku meergaar ah oo matalaysa dhammaan qaybaha bulshada soomaaliyeed. Warkaas waxaa laga soo xigtay madaxwaynaha mar uu la kulmayay madaxda dalka Ethiopia maalintii jimcaha ee la soo dhaafay, asiga oo kulamo kala geddisan la yeeshay madaxdaas oo ay ka mid ahaa yeen Ra'iisal wasaaraha Ethiopia iyo Madaxwaynaha dalkaas intaba. Madaxwaynahu wuxuu hore ugala soo faqay arrinkaas madaxwaynaha daalka Kenya Mudane Danial Arab Moi, dabadeedna wuxuu u soo gudbay dalal kale oo ay ka mid ahayd Ethiopia si uu ula socodsiiyo hadba xaaladda wadahadalladaas halka ay marayso, waxaa kale oo uu madaxwaynuhu la kulmi doonaa madaxda dalka Yemen iyo Sudan iyo qaar kale. Warar kale ayaa ayaguna sheegaya in Madaxwayne Geelle ugu baaqay bulsha reer Djibouti in ay taageero aan hagarasho lahayn la garab istaagaan ummadda soomaaliyeed ee dhibaataysan ee dowlad la'aanta ah muddo 10 sano kor u dhaafaysa. Madaxwaynuhu wuxuu baaqaas ugu dhawaaqay ummaddiisa maalintii sabtida ahayd asiga oo booqasho ku maraya dalka Yemen. Madaxwayne Geelle, mar uu u warramayay laanta afsoomaaliga ee BBCda, wuxuu sheegay in uu xiriir toos ah la leeyahay dadka ay ka go'do talada soomaalidu ee duqayda iyo cuqaasha soomaalida ah, uuna rejaynayo in arrinka uu wado si deggan u hirgalo. Arday Soomaaliyeed oo Xaflad Xiritaan Rabadaanka u sameeyay Saturday, January 15, 2000 , Arday Soomaaliyeed oo reer Minneapolis ayaa xaflad aad u wacan oo ay ugu tala galeen xiritaanka bisha soon ku qabtay dugsi sare oo ku yaalla magaaladaas Minneapolis ee ku taalla dalka maraykanka oo soomaalidu si aad ah u deggantahay. Xafladdaas waxay dhallinyaradu ku qabteen Iskuul sare oo la yiraahdo Roosevelt High School, halkaas oo ay ku casuumeen maamulka iyo macalliniinta iskuulka iyo dhammaan saaxiibadooda kale ee halkaa wax ka barta. Xafladdaas oo lagu qabtay makhaayadda wayn ee iskuulkaas waxaa dhallinyarada soomaaliyeed iyo qaar kale oo ka mid ah ardayda iskuulkaas u soo bandhigeen martida cunto aad loola dhacay oo ay badankeeda soo karsheen ardayda soomaalida ah. Waxaa warku intaa ku deray in ardayda qaarkood ay fasax iskuulka ka qaateen maalintii jimcada ee la soo dhaafay si ay waqti ku filan ugu helaan karinta iyo habaynta cuntadaas loogu talka galay xafladdaas xiritaanka bisha rabadaan ee barakaysan. Guddiga Cunaqabataynta Hubka oo waydiistay ilaalayn Guddiga u qaabilsan UN-ka ilaalinta xeerka cunaqabataynta hubka soomaaliya laga cunaqabatayeeyay ayaa isku deyaya in ay dadaalkooda kor u yara qaadaan si ay u taageeraan howlaha loogu socda ee UN-ku wadaan laguna doonayo in soomaaliya nabaddii dib loogu soo dabbaalo. Guddigaas si ay arrinkaas kaalin uga qaataan waxay ka codsadeen dowladaha iyo hay'adaha og macluumaadka ku lug leh ku xadgudubka xeerka cunaqabataynta hubka in ay la soo socodsiiyaan guddigaas, sidaa waxaa sheegay madaxa guddigaas Mr. Jassim Mohammed. Dhibaatada guddigaa haysata waa in aysan lahayn wax awood ah oo u gaar ah u saamaxaya in ay ayaga laftoodu hubiyaan howlgalka howsha cunaqabataynta ee ay ku tiirsanyihiin hay'ado iyo dowlado awood u leh in ay ogaadaan ama wax ka qabtaan arrinkaas. Dagaal Muqdisho ka dhacay oo toddoba lagu dilay MOGADISHU, Jan 12 (Reuters), Dagaal qabyaaladeed oo ay isaga horyimideen kooxo ka tirsan beelaha qabiilka Abgaal ayaa la sheegayaa in ay ku dhinteen ugu yaraan toddoba qaof qaar kalena lagu dhaawacay iska horimaadyadaas. Wararku waxay sheegayaan in beelahaas degaankoodu yahay daanta galbeedka-bari ee Magaalada Muqdisho iyo Degmada Mahadday iyo agagaarkeeda ay dhowr qof iska dileen, dadkaas badankoodana loo dilay aarsasho, dagaalladaas waxay ka dhasheen baa la leeyahay biyaxireen ay dowladda Jarmalku dhistay oo laysku khilaafay qoladii maamuli lahayd. Deked Cusub oo Muqdisho laga furay MOGADISHU, Jan 10 (Reuters) Deked Cusub ayaa laga furay xeebta Jasiira ee dhanka koofureed ka xigta magaalada Muqdisho, waxaana wararku sheegayaan in abaanduule Muuse Suudi Yalaxow, iyo Kornayl Cabdi Xasan Qaybdiid ay dekedda cusub maamulaan. Dekeddaas oo adeegsigeeda isla markiiba la billaabay waxaa la sheegayaa in laga qaadi doono maraakiibta waawayn ilaa US$6,000, qaarka yaryarna laga qaadi doono US$3,000, sidaa waxaa sheegay maamulka cusub ee dekedda. Labada abaanduule waxay qaadan doonaan qarashka dekedda ka soo baxa 50%, si ay u sugaan nabadda dekedda, lacagta inteeda kalena waxaa qaadanaya niman ganacsato ah oo dekedda dhismaheeda maalgeliyay. Abaanduulayaasha Muqdisho sida Xuseen Caydiid iyo Bood waxay sheegeen in furitaanka dekeddaasi uu dib u dhigayo furidda dekeddii wayneed ee Muqdisho, taas oo xirayd laga soo billaabo 1992kii. Bambo lagu qarxiyay aqal ku yaalla Wardhiigley Muqdisho (Wardhiigley), War inaga soo gaaray degmada Wardhiigley ayaa sheegaya in bamboo lagu qarxiyay habeenkii sabtida aqal ay qoys degganaayeen, halkaana ay ku dhimatay naag ka mid ahayd dadkii aqalkaa degganaa laba kalena ay ku dhaawacmeen. Cidda qaraxsaas ka dambaysay lama garanayo, laakiin waxaa la sheegayaa in aqalkaasi ahaa aqal laysku haystay oo dadkii lahaa ay waa hore Muqdisho ka carareen, labada qolo ee hadda isku haystana ay mid waliba ku andacoonayso in ayada lagu ammaanaystay. |
BOGGA 3AAD | BOGGA GANACSIGA IYO DHAQAALAHA |
|
|
|
|
![]() ![]() |
BOGGA 4AAD | BOGGA QUBANAHA |
Boqor Fahad oo cafiyay dad gaaraya 4637 [Ar-Riyaadh] Boqorka dalkaasi Sacuudiga Carabta Boqor Fahad bin Cabdil Casiis ayaa cafis guud u fidshay dad tiradoodu gaarayso 4637 qof oo ku xirnaa xabsiyada dalkaas. Dadkaas waxaa la sheegayaa in ay u xirnaayeen arrimo yaryar oo ah sida xukun xabsi canaan ah iyo ganaaxyo. Xogogaal loo idmay oo jooga wasaaradda arrimaha gudaya ayaa caddeeyay in cafiskaasi koobayo dad sacuudiyiin ah oo dalka u dhashay oo tiradoodu gaarayso 2830 qof, waxaana uu intaa ku deeray in cafiskaasi yahay mid la xiriira munaasabadda bisha Rabadaan ee barakaysan. Waxaa kale oo uu intaa ku deray in sidoo kale cafisku la xiriiro caadadii qoyska reer boqor ee ahayd in dadka xukuman qaarkood la cafiyo munaasabadaha tan oo kale ah. |
|
![]() |
Nin dhaqtar ah ayaa sheegay in dadka halkaa ku dhaawacmay ee saddexda ahaa labo xagatinyo yaryari soo gaaareen midna isbitaalka loo qaaday. Booliiska ayaa ayaguna sheegay in bambadaas lagu qariyay mooto la dhigay illinka wayn ee maxkamadda laga soo galo. Ragga wararka indhaindheeya wayaa sheegaya in qaraxa bambadaasi uu dibudhac ku yahay dadaalkii ay ciidanka nabadgelyada dalkaas South Africa ugu jireen dabargoynta argagixisada iyo burcadda maalmahan dambe ku soo badanayay dalkaas. |
BOGGA 5AAD | BOGGA DOODDA IYO CILMI BAARISTA |
Somalia iyo Kalaguurka Labada Kun!! Waxaa Qoray: Ibrahim M. Mursal Dunida waxay isu diyaarinaysaa dabbaaldegga lagu soo dhawaynayo Qarniga 21aad iyo ka gudubka kii 20aad. Kalaguurka labadaasi Qarni innaga, haddii aynu Somali nahay, xaggee kaga aaddan-nahay? Dorraad Jarmalka waxaa laga dabbaaldegay 10 guuradii burburinta derbigii Barliin ee kala qaybinayay iyo midayntii labada dhinac ee Jarmalka iyo midaynta labadii shacbi Jarmal. Innaga ma waxaan u dabbaaldegi doonnaa kala qoqobka Dadka iyo Dalka Soomaaliyeed, mise, naxariista Rabbi lagama quustee, dhaqdhaqaaqa Siyaasadeed ee Geeska Afrika ayaa Allah wax inoogu dari doonaa oo ay Qarannimadii Somaalia Qarni-ga Cusub, la kowsan doona. Dhaqdhaqaaqa socdo haddaba muxuu yahay? Warbixin Xoghayaha Guud uu Qaramada Midoobay hordhigay ayaa ka soo shaac baxay war sheegaya in Madaxweynaha Djibuuti uu hordhigay IGAD mashruuc nabad ka dhalin Geyiga Somalia. IGAD (Dowladaha Geeska Afrika ee ku bahoobay Horumarinta Deegaanka iyo Ka Hor-tagga Xaalufka) ayaa arrimahaasi kala kaashan doonta Dowladaha Deeqaha Bixiya iyo Hey'adaha kale ee Caalamiga iyo kuwa Gobolaydyada. Waxaana ka mid ah qodobbada mashruuca in la dhiso laba Gole, oo ku salaysan wakiilo goboleedyo oo aan ahayn mid qabiil ku dhisan: Gole hoggaamiyaasha Dhaqanka iyo Gole matala siyaasiyiinta. Wakiillada waa inay noqdaan 1/3 shacbiga rayidka (aqoonyahannada, fannaaniinta iyo hooyooyinka). Golaha wuxuu jirayaa saddex sanadood oo uu ku soo diyaarinayo Dastuur iyo Afti. Haseyeeshee, 22kii Sebtember 1999, Madaxweynaha Djibuuti ayaa khudbad dheer uu ka akhriyay Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay, madashiisii 54aad, wuxuu ku faahfaahiyay ujeeddada Mashruuca. Taas oo uu ku tilmaamay inay keentay Dowladnima la'aanta ka dhalatay Dagaalladii sokeeye ee Somalia oo dhulkaasi ka dhigtay bahallo galeen (meel ay ku dhuuntaan kuwa mukhaddaraadka ka ganacsada, argagaxisada), qashin qubka sumaha warshadaha ka soo hara iyo haraaga hubka halista ah, sidaasi aw-geed ay khatari ku tahay xasilloonida Gobolka oo dhan. Wuxuu khudbaddiisa ku sheegay in qabqablayaasha siyaasadda ee Somalia (Dagaalabaabulayaasha) aan loogu fadhinin in ay xal keenaan oo ay tahay Bulshada caalanka inay geyigaasi nabadda ku soo dabbaalaan. Dagaal abaabulayaasha waa in ay isku soo abaabulaan xisbi ahaan. Dagaalabaabulayaasha aan u hoggaansamin beesha Caalanka maxkamad la soo istaajiyaa, kuwa kalena lagu abaalmariyaa, degganaanshaha iyo nabadda ay ka dhaliyeen meelaha ay gacanta ku hayaan awgeed oo ay helaan wax loogu magac daray "Sedka Nabadda". (Peace dividend). Ka dib wada tashigii uu la yeeshay bishii November 1999 horraanteeda Dowladda Itoobiya, madaxweynaha Djibuuti wuxuu sheegay Shirka 7aad ee IGAD oo lagu qaban doono Djibuuti, in lagu gaari doono go'aan kama dambays ah ee mashruucan, lix bilood gudaheedana maamul ku meel gaar ah la dhisi doono, isla markaasina "warlords" ay ka baxayaan saaxadda siyaasadda. Beesha Caalamkane wuxuu ku booriyay in ay maalgeliso hawlgalkaasi. [Waa socotaa..] |
![]() |
BOGGA 6AAD | BOGGA HAWEENKA |
Waxaa Qoray: Qaasim Xirsi Faarax International Islamic University Gombak, Kuala Lumpur, Malaysia Email: qasim55@hotmail.com |
![]() |
SINAANTA RAGGA IYO DUMARKA Midda ugu weyn ee lagu murmaa waxa ay tahay; kala duwanaanta ay rag iyo dumar ugu kala duwan yihiin si muuqata ma waxa ay ku salaysan tahay awood dabiici ah ama Rabbani ah mise mid dhaqameed. Aniga oo taa ka jawaabaya waxa aan leeyahay, shaki la'aan waxa ay ku salaysan tahay mid dhaqameed. Waayo waxa ay gabadh iyo wiil kastaaba ku koraan goob dhaqankeedu ku salaysan yahay kala saar iyo kala sarraysiin, waxayna taasi kalliftaa in uu si ka leexad la'aan ah mid walbaa ugu dhaqaaqo shaqadii noociisa. Haddaba innaga oo doodeenna middaa iyada ah ku salaynayna, ayaan ka jawaabaynaa rumaysadka ay dadku u badan yihiin ee ah; in lab iyo dhaddig ay ku kala duwan yihiin awoodda dadnimo nooc kastaba ha ahaatee, ayna mar walba dumarku ku hooseeyaan xag dhaq dhaqaaq tabareed, xag dhib, xag dheef, xag raad reeb, iyo xag sharafeed intaba. Haddaanan diidin in taasi ay jirto, waxa aan ku jawaabi karaa in ay taasi tahay mid la sameeyey. Bal eeg qofku waa warqad cad oo sugeysa in wax lagu qorto, warqaddaas oo loogu tala galay uun in ay soo saarto wixii lagu qoray oo keliya. Haddaba qof walba waxa uu muujin karaa wixii lagu soo ababiyey. Marka aad gabadhaada yar ku tarbiyeyso in aysan saan dheerayn, ordin, boodin, cayaarin, dadka hortooda ka hadlin, ka amar qaadato wiilka ka yar, marnaba isku dayin in ay fikirto ama fikrad ka dhiibato habsami nololeedka reerka aysanna weligeed ku dhaqaaqin shaqo ka baxsan kushiinka iyo guriga gudihiisa, dhib badnaatayaa iyo dhib yaraatayaaba. Dhab ahaantii waxa ay qabatimaysaa oo ku weynaanaysaa shaqadaas aad bartay oo keliya. Laakiin marka aad gabadhaada iyo wiilkaaga isku Baaskiil u soo gado oo ay isku si u wada badeelleeyaan, isku sina ay uga wada doodaan ama uga wada talo bixiyaan arimaha qoyska iyo baahiyadooda, berito waxa ay shaqo walba ugu wada tartamayaan isku si isla eg. [Waa socotaa..] |
BOGGA 7AAD | DIINTA ISLAAMKA |
|
CASHARKA 65AAD WIXII KU SOO AROORAY EEBBE KU DHAARASHADA Jundub Bin Cabdullaahi Allaha ka raalli noqdee waxaa laga soo weriyay, in uu yiri: Nabiga naxariisi korkiisa ha ahaatee ayaa yiri:"Nin ayaa yiri: Eebbaan ku dhaartaye, Eebbe u dambi dhaafi maayo hebel. Kolkaas baa Eebbe yiri: Waa kuma kan iigu dhaaranaya in aanan hebel u dambi dhaafayn? anigu waan u dambi dhaafay, camalkaagiina waan burriyay"{Muslim}. Xaddiiskii Abuu Hurayrana waxaa ku yimid: In ninka sidaa yiri uu ahaa nin Alla ka cabsi badan. Abuu hurayra wuxuu yiri: Wuxuu ku hadlay (ninkaasi) weer hoojisay adduunkiisa iyo aakhiradiisa. Mas'alooyinka Casharka Tan 1aad: Waa in la isga digay in Eebbe la isgu dhaarto. Tan 2aad: Waa in naartu tahay mid qofkeen uga dhaw suunka kabtiisa. Tan 3aad: Waa in jannadu ayaduna sidoo kale tahay. Tan 4aad: Waxaa ku sugan marqaati sida uu u yiri: "Ninku wuxuu ku hadlayaa weer..(adduunkiisa iyo aakhiradiisa hoojisa)". Tan 5aad: Waa in ay dhici karto in ninka loogu dambi dhaafo sabab uu asigu waxyaabaha oo dhan ugu necebyahay. |
BOGGA 8AAD | ![]() |
|
|
Qaybtii: 43aad
Waxaa qoray: Cabdullaahi Ibn al-Muqafac
Waxaa soomaaliyeeyay: Xersi Labahagarre
Bandar Seri Begawan, Brunei Darussalam
|
BOGGA 9AAD | ![]() |
|
1. Nin tuur lihi tab uu u seexdo ma waayo. 2. Nin geel raaci jiray oo geel kale u tegay, hashaas magaceed buu kororsadaa. 3. Nin guursaday xuunsho xoola mood. 4. Nin walba qumanihiisuu qoorta ku wataa. 5. Nin arrintiisa rartay waa nin orgi rartay. 6. Nin habari dhashay hal ma seegi waayo. | 7. Nin aan qooq dilin maroodi ma dilo. 8. Nin intuu geed ka boodyo buu arrin ka booddaa. 9.Nin sawaaxil tegay sahal ugama yimaado. 10. Nin hoostiisa deyaa hareertiisa ma dayo. |
BOGGA 9AAD | ![]() |
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|