Site hosted by Angelfire.com: Build your free website today!
 
kadiye8
« November 2008 »
S M T W T F S
1
2 3 4 5 6 7 8
9 10 11 12 13 14 15
16 17 18 19 20 21 22
23 24 25 26 27 28 29
30
Entries by Topic
All topics  «
Blog Tools
Edit your Blog
Build a Blog
RSS Feed
View Profile
You are not logged in. Log in
Tuesday, 21 March 2006
somalida iyo nederlan waxii kalaqabsaday
Somaliërs in Nederland en Nederlandse Somaliërs in Groot-Brittannië blijken op grote schaal te frauderen met identiteitspapieren, uitkeringen en leningen bij banken. Ook zijn Nederlandse Somaliërs nauw betrokken bij mensensmokkel in de EU.
Dit blijkt uit een vertrouwelijk onderzoek van de ministeries van justitie, buitenlandse zaken, economische zaken en sociale zaken. Het werd in 2004 ingesteld nadat sociale diensten, de IND, de marechaussee en de Nederlandse ambassade en consulaten in Groot-Brittannië alarm sloegen. Fraudebestrijding moet topprioriteit krijgen.

Volgens het rapport deden Nederlandse Somaliërs in 2004 en daarvoor vijf keer vaker aangifte van verlies of diefstal van identiteitspapieren dan het gemiddelde. In Somalische kringen worden twee keer zoveel identiteitspapieren aangetroffen als gemiddeld. Ook circuleren er veel valse papieren en ’look-alike-documenten’. Bovendien blijken ze meer dan gemiddeld individuele reispapieren aan te vragen voor hun vele, vaa
nog piepjonge kinderen. Ze zijn doorgaans uitstekend op de hoogte hoe ze vervangende papieren moeten krijgen.

Overal in Europa –genoemd worden Frankrijk, Engeland, Duitsland, Denemarken en Zweden– duiken bij illegale Somaliërs (valse) Nederlandse papieren op. Ook blijken ze nauw betrokken bij het ’uitlenen’ van paspoorten voor mensensmokkel.

In Nederland woonden in 2004 circa 25000 Somaliërs. Zo’n 10000 vestigden zich in Engeland, dat populair is bij de Oost-Afrikanen, doordat er veel landgenoten wonen en de integratie makkelijker zou gaan. Maar het zijn er mogelijk duizenden meer. Geschat wordt dat in 2004 68 procent van de Somaliërs in Engeland via Nederland is gearriveerd.

Als ze uit Nederland vertrekken, ’gaat dat veelal gepaard met misbruik van financiële arrangementen’, stelt het rapport. Een deel laat schulden achter bij postorderbedrijven en banken. Ze schrijven zich vaak niet uit, waardoor uitkeringen en kinderbijslag door blijven lopen. De Engelse tegenhanger van de sociale dienst meldt dat sociale-zekerheidsfraude met bijvoorbeeld dubbelinschrijvingen in Nederland en Engeland ’bovengemiddeld’ voorkomt onder Somaliërs.

Het rapport constateert ook dat er in Nederland 35 Somalische stichtingen informeel als bank optreden.

De Kamer vroeg gisteren om opheldering naar aanleiding van een uitzending van ’Netwerk’ over Somalische kinderen diezonder papieren zijn gedumpt in Somalië. Vermoed wordt dat ze in Nederland werden ingeschreven om bijvoorbeeld kinderbijslag te krijgen

Posted by ab8/hashi_4 at 8:52 AM CET
Post Comment | Permalink | Share This Post
Monday, 20 March 2006
ISLAAMKU WAA ILBAXNIMO
Kadib markii ay baaba'tay awoodii Midowgii Soofiyeetiga, baa waxaa lagama maar maan noqotay in la hello cadow ay u dhan yihiin reer galbeedka oo u beddela waraabihiihii Midowga Soofiyeeti.

Markii kaynta loogu dhaqaaqay baarid si loosoo hello waraabe ay reer galbeedka si wada jir ah ugu soo hor jeestaan, laguna xoojiyo midnimadooda, baa waraabihii reer galbeedku soo helay wuxuu noqday Islaamka, sidaas darteed in badan oo ka mid ah qalabka warbaahinta iyo siyaasiyiinta reer galbeedku waxay isku howleen inay Islaamka iyo Muslimiinta ka bixiyaan sawir leh Islaamku waa diin seefta oo keliya aaminsan, Muslimiintuna waa ca-waandi asal raac ah oo mayal adag "Fundmentalism", oo haddaan inta ay goori goor tahay laga takhallusin ay ilbaxnimada reer galbeedka duminayaan.

Sidaas darteed qof kasta oo Muslim ah gaar ahaan wax garadka waxaa la gudboon inay isku howlaan siday ilbaxnimada Islaamka adduunyada ugu soo bandhigi lahaayeen, iyaga oo aan wax ku darin waxna ka jarin.

Sanadkii 570 C.D. iyada oo aadamigu ku jira gudcur roobabow ah, qaanuunka kala hagaana yahay midka duur joogta, boobka iyo dhacuna yihiin shaqo aan la yaab aheyn, xoogguna akhlaaqda iyo qaanuunka hoggaamiyo, ayaa buuraha Makka iftiinkii Islaamku ka dillaacay, dunida oo idilna ku faafay, wuxuuna Rabigbigiis oofsaday door roone Nebigeennii suubanaa (Salallaahu caleyhi wasallam) sannadkii 632, (Maalin Isniin ah Bisha Rabiicul awal (Mawliid) Sanadkii 11 aad ee hijriyada), kadib markii uu dhambaalkiisii sidii ugu habboonayd u gutey.

Sanadkii 729 C.D. muslimiintu waxay galeen Shiinaha, waxayna masjid ilaa iyo maanta jira ka dhiseen gobolka Kantoon, boqol sano kadib geeridii Nebiga (Salallaahu caleyhi wasallam).

Sanadkii 732 C.D. ilbaxnimada Islaamku waxay gaartay irdaha Paris, qofka Muslimka ahina wuxuu awood u yeeshay inuu isaga goosho Indoniisiya ilaa iyo Morooko isaga oo aan dhaafiye (Passport) u baahan, meeshuu tagana u arka inay tahay boqortooyo uu leeyahay.

Guud ahaan Islaamku wuxuu aduunyada xukumey shan boqol oo sano (700-1200), taasna waxaa u suura galiyey ilbaxnimo wanaaggiisa iyo isaga oo furtey dadka laabtooda ka hor inta uusana carrada furan. Ilbaxnimo wanaagga Islaamkuna waxay ka muuqataa dhamaan dhulkii iftiinkiisu gaaray

Tusaalena waxaa nooga filan Spain oo Islaamku ka talinayey in ka badan 700 oo sano iyo Hindiya oo taariikhyahanka H.G. Wels uu ku tilmaamay wakhtigii Islaamku xukumay inuu ahaa wakhtigii ugu qiimiga badnaa taariikhda Hindiya.

Ilbaxnimada Islaamku waa mid isku dheeli tiran, waxayna isku xirtay ruuxa iyo maaddada, masjidka, jaamacadda iyo warshadda, kitaabka iyo seefta, caqliga iyo waxyiga, adduun iyo aakhiro, waxayna isku howshey inay sameyso aadami wanaagsan, waxayna miisaanka dadka lagu miisaamo ka dhigtay qofka wuxuu ku wanaagsan yahay ama sida aan maantay u niraahno qofku wuxuu u carbisan yahay. Sidaas darteed Islaamku waa habnololeed dhammeystiran, taasna wuu uga duwan yahay diimaha kale.

Xeeldheerayaasha shareecada Islaamkuna wey kala duwaan labada eray bixineed ee "Islaam" iyo "Diin", maxaa yeelay diintu Islaamka ayey soo hoos galeysaa, fuqahada iyo culumada usuulu fiqiguna waxay diinta ka dhigaan mid ka mid ah 5ta ama 6da la dhowro: kuwaas oo kala ah "Diinta, Nafta, Caqliga, Taranka, Hantida iyo Sharafta", Islaamkuna marna ma aqbali karo in macnaha maantay diin loo yaqaan la siiyo.

Dhinaca kale raadka ilbaxnimada Islaamku ku leedahay aadamiga gaar ahaan reer galbeedku ma aha mid qarsoomi kara oo waxay ka muuqataa dhammaan laamaha nolosha. Ilbaxnimada Islaamku waxay ku taagan tahay dhowr udub dhexaad oo ay ka mid yihiin:

1. IIMAAN:

Raadka uu aadmigu ku leeyahay socodka taariikhdu waxay ku xiran tahay doonistiisu intay le'egtahay, mar kasta oo doonista qofka iyo bulshadu korodhona waxaa kordha awoodda ay u leeyihiin sameynta taariikhda, haddii aan soo amaahanno oraah uu leeyahay Cali Cizat Bigofetji waxaan leennahay: " Qofku hadduu is arko isaga oo libaaxyo ku dhex jira, waxaa dhici kara inuu geeriyoodo, qaanuunkaasise qaban mayo ruuxa libaaxyada tababara".

Ruug caddaayada tabaha dagaalkuna waxay isku raacsan yihiin in ciidanku uusan guul soo hoyin karin si kasta oo u heysto hub iyo tababar wanaagsan haddii uusan xagga nafsadda ka dhisneyn. Dhinaca kale iimaanku wuxuu sameeyaa rag, raguguna waxay sameeyaan ilbaxnimo.

Iimaanka waa kan sameeyey Muusaa bin Cimraan nabad iyo naxariis Alle korkiisa ha ahaatee oo waqti rag wadnuhu afka joogo, saaxiibadiina ku yiraahdeen Muusow waa nala hayaa, "Wuxuu (Muuse) yiri: Ma jirto! Waxaa ila jira Rabbigay, wuu i tilmaami doonaa". (Suuradda Ash-Shucaraa: Aayadda 62.).

Hadalkaas Muuse oo u eg midduu yiri Nabi Muxammed (Salallaahu caleyhi wasallam) isagoo god ku jira, gaaladii baadigoobeysayna godka qarkiisa taagan yihiin, saaxiibkiis Abuu Bakarna r.c. ku yiri: Allaah baan ku dhaartaye hadduu midkood fiirsho goddomihiisa hoostooda waa na arki lahaa".

Wuxuu Nebiga (Salallaahu caleyhi wasallam) yiri: Maxay kula tahay Abuu Bakarow labo ilaah saddexeeyo, ha walbahaarin Allaah baa nala jiree.

Alle ha ka raali noqdee Cumar Ibn Al-Khadaab tusaale dhaxal gal noqdey ayuu noogu cadeeyey in iimaanku yahay kan ragga sameeya, ragguna yihiin kuwa ilbaxnimada sameeya. Guryaha Madiina midkood iyada oo la joogo, Cumarna saxiibadi la fadhiya ayuu ku yiri: Wax ku taama?

Saaxiibbadi midkood baa yiri: Waxaan ku taamayaa gurigan oo dahab ka buuxo oo aan Allaah dartiis u bixiyo. Cumarna isla su'aashii ayuu ku soo celiyey, nin kalena wuxuu yiri waxaan ku taamayaa gurigaan oo luul ah iyo dheeman ah oo aan Allaah dartiis u bixiyo sadaqeystana.

Cumarna su'aashii ayuu mar kale ku celiyey, waxay yiraahdeen: Taliyihii mu'miniintow wax aan niraahhno garan mayno. Cumarna wuxuu ku jawaabay: Waxaan ku taamayaa rag la mid ah Abii Cubayda bin Jaraax, "Mucaad bin Jabal, Saalim kay Abuu Xudeyfa jaalka ahaayeen" oo aan u kaalmaysto kor u qaadidda Magaca Alle.

Halkanna kumanyaal dhacdo oo noo caddaynaya sida ilbaxnimada Islaamku ugu qotonto ayaan mid keliya kaga xusaynaa, dhacdadaasna waa dooddii dhex martay hoggaamiyihii Beershiyanka Rustum iyo ergeygii Muslimiinta Ribciy bin Caamir. Rustum waxay la noqotay in Muslimiinta waxa jasiiradda ka soo saaray oo ay duullaanka ugu jiraan habeen iyo maalin ay tahay gaajo ku heshay jasiiradda oo yihiin xoolo doon.

Ribciy bin Caamirse wuxuu ugu jawaabay: Allaah wuxuu noo soo saaray si aan addoomaha ugu bixinno addoomo caabudidda oo aan ugu saarno Allaah keligi caabudidda, si aan uga saarno gaboodfalka diimaha oo aan ugu saarno caddaaladda Islaamka, si aan ugu saarno ciriiriga adduunka oo aan ugu saarno ballaarka adduun iyo aakhiro.

Waxaana wax soo saar leh ilbaxnimona sameyn kara shacab maalintiisa ku soo dhoweeyo weeso, salaad, naf wanaagsan, firfircoonaan, akhlaaq wanaagsan, xoogsi iyo risiq xalaal ah doonasho, baryada iyo mas'alada iskala weyn oo aan dadka sidoodaba wax weydiisan.

2. AQOON:

Aayadihii ugu horeeyey ee Nabi Muxammad (Salallaahu caleyhi wasallam) loo waxyooday waxay ahaayeen: "Akhri, ku billaabid Magaca Alle ee abuuray dhamaan waxa jira. 2. Ka abuuray aadanahaa xinjir (dhiig guntamay oo adkaaday). 3. Akhri! oo Rabbigaa waa Roonaan badnaha. 4. kan baray aadanaha in wax lagu dhigo qalinka," (Al- Calaq 1-5).

Aayadahaas farriinta ay gudbinayaan ma aha kuwo qarsoomi kara, oo waxay si cad ummadda Islaamka ah ugu sheegayaan xilka saaran oo ah inay iftiinka cilmiga qaataan, khayrkana bartaan, dadyowga kalena baraan.

Qoraalladda taariikhduna waxay noo shegayaan markuu duullaankii Badar dhacay sannadkii 2aad ee Hijrada oo ku beegan 625 C.D, Muslimiintuna guushii raacday, gaaladiina rag badan laga soo qafaashay in Rasuulku (Salallaahu caleyhi wasallam) madax furashada raggaas kuwii qoridda iyo akhrinta yiqiin ka dhigay in mid walba (10) ubadka Muslimiinta ka mid ah uu baro qoraalka iyo akhrinta.

Aayadaha Qur'aanka iyo axaadiista Nabiga (Salallaahu caleyhi wasallam) ee cilmiga iyo culumada amaanaya ama jahliga iyo juhalada dhaleecaynaya ma aha kuwo la kow labayn karo. Culimaduna waxay ahaayeen kuwa ummadda hoggaanka u haya lana taliya kuwa hoggaanka haya.

Dawladda Islaamka iyo maal qabeennada Muslimiinta si deeqsinnimo leh bay cilmiga iyo culumada wax ugu huri jireen. Fuqahada Islaamkuna waxay yiraahdeen sakada waa la siin karaa ruuxa xooga leh ee cilmiga baranaya, lamase siin karo ruuxa cibaadada u go'ay.

Masjidkii ugu horreeyey ee Rasuulku (Salallaahu caleyhi wasallam) Madiino ka dhisay wuxuu ahaa Isla markaas dugsi la yiraahdo "Sufa", afka carabiga oo aqoonta Islaamka weel u ahna, labada eray ee Jaamic "Masjid" iyo jaamacad waa isku asal, Azhar oo la dhisay 972 C.D, waxaa loogu yeeraa masjid ama jaamacad kii la doono.

Arrimahaas oo idilna waxay dhaliyeen in qoraalladii iyo maktabadihii bateen, waxaana la sheegay in sannadkii 891 C.D. magaalada Baqdaad ay ku tiil in ka badan 100 maktabadood, buugta maktabadahaas yiilna ay gaarayeen kumanyaal. Sidoo kale maktabadda Al-Casiis ee ku tiil magaalada Qaahira, waxaa la sheegay in buugtii tiil ay dhammayeen (1, 600, 000) hal malyan iyo lix boqol kun oo qayb (Volumes).

Sidaas darteed la yaab ma leh haddii qoraallada taariikhdu noo sheegtaan in dhamaan dadkii ku noolaa Andalus "Spain" ay si wanaagsan u yaqaaneen qoraalka iyo akhrinta, waqti ay wax akhrintu ku koobnayd in yar oo ka mid ah wadaaddada kaniisadda waddamada reer galbeedka.

Waxaana hubaal ah in Qaysarkii (Kaiser) imbiraadoorayadii Roomaanka bari (Byzantine) uusan layaabeen laba qaydlihii muslimiinta abaanduullaha u ahaa ee shardiga ka dhigay in qodobbada heshiiska lagu daro in Muslimiinta xaq u yeeshaan inay iibsadaan farguriyadii (Manuscripts "Giriigga").

Mowqifkaas laba qaydlaha Jasiiradda ka tageyna waa mid mudan in la barbardhigo midkii Tataarkii bariga ugu soo duuley Muslimiinta 1258 C.D. markii biyihii wabiga Dajla la madoobaadeen anqaastii qoraaladdii Muslimiinta ee wabiga sida cawaandinnimada loogu gurayey.

Sidoo kale waa mid mudan in la barbardhigo midkii ay samaysay kaniisadda kaatooligga (Roman Catholic Church) markii ay ku dhaqaaqday falalkii dugaagnimada ahaa ee ku caanbaxay maxkamadihii baaritaanka (Inquisition), kuwaas oo yurub ku xasuuqday aqoon yahanadii iyo wax garadkii.

Aqoontuna waa midda qofka Muslimka ah ku bixineysa shaqo jaceyl iyo ka faa'ideysiga waqtiga, maxaa yeelay aadamigu wuxuu ilbaxnimo sameyn karaa markuu waqtiga ka faa'ideysto. Islaamkuna ma yaqaan howl gab, qofka Muslimka ahina waa inuu shaqeeyaa inta u dhaxeysa dharabta iyo qabriga.

3. CADDAALAD:

Waxaa abwaannada iyo waaya aragyadu qiraan in garsoor wanaaggu ka mid yahay arrimaha keena in ilbaxnimo cimrido. Qaar ka mid ah xeeldheerayaasha siyaasadda sharciga ku dhisan ee Islaamka waxaa laga weriyaa in ay yiraahdeen: Xukunkii caddaalad lagu dhisaa waa waaraa mid gaalaba ha ahaadee, xukunkii xad gudub lagu dhisana wuu dhumaa, hadduu rabo magac Islaam ha sitee.

Ilbaxnimada Islaamkuna waxay cimriday oo fidday markay tiigsatay yoolna ka dhigatay caddaalad, caddaaladduna waxay leedahay macne ballaaran oo ka durugsan sida dad badan u malaynayaan.

Aayadaha Qur'aanka, axaadiista Rasuulka (Salallaahu caleyhi wasallam), mawaaqifta madaxda iyo garsoorayaasha muslimiinta ee ku saabsan cadaaladduna ma aha kuwo la koobi karo, qoraallada taariikhdaana baalal dahab ah ku qoray. Erayga caddaaladuna (iyo kuwo la macnaha ah) waa erayga seddaxaad marka laga fiirsho ereyada ugu badan ee kitaabka Qur'aanka ku soo noqnoqday. Ereyga ugu badan ee Kitaabka Qur'aanka ku soo noqnoqdayna waa Allaah, kan labaadna waa aqoon, kan seddexaadna waa caddaalad oo Kitaabka Qur'aanka ku soo noqnoqday kun jeer in ka badan.

Haddaba su'aasha in la isweydiiyo u baahan waxay tahay: Waa maxay sababaha dhaliyey dib u dhaca ilbaxnimo ee Muslimiinta maanta haysata?

Su'shaas jawaabteeda waxaan u deenaynaa akhristayaasha iyo dhamaan wax garadka Muslimiinta in ay isku howlaan baaritaan dheerna ku sameeyaan.


kadiye_53@hotmail.com


Posted by ab8/hashi_4 at 1:47 AM CET
Post Comment | Permalink | Share This Post
AHMIYADDA MASAAJIDADA IYO BAAHIDA LOO QABO DHISMAHOODA
Mood:  lyrical
Masaajidku waa hoy cibaado iyo dugsi waxbarasho oo aanay Muslimiintu ka maarmi karin. Meel kasta oo ay degaanna intaanay wax kaleba u dhaqaaqin, waxa lama huraana inay masaajid ka dhistaan, waayo masaajidku ahmiyad gaar ahaaneed oo aan la qiimayn Karin ayuu nolosha qofka Muslimka ah ku leeyahay. Nebiguna (Nabad-gelyo iyo Naxariis Korkiisa Ha Ahaato) markuu madiina u haajiray mashruucii u horreeyey ee uu hirgeliyey wuxuu ahaa dhisme masaajid.,iyo muslimiintii uu walaaleeyey,ooahaa muhaajiriintii iyo walnasaara.

Masaajidku wuxuu ahmiyadda ku yeeshay doorka weyn ee uu ka qaato diinta Islaamka, carbinta iyo laylinta qofka Muslimka ah, jamaacada iyo mujtamaca oo dhan. Hooy cibaado ka sokow, masaajidku waa hooy waxbarasho oo lagu barto usuusha Diinta, Caqiidada iyo shareecada. Dadka masaajidka imaatinkiisa qabatimaana waxay markay ku socdaan, dhex joogaan, ama ay ka soo laabtaan, u socda ajar aan la qiyaasi karayn. Waxa kale oo ka dhex abuuranta walaaltinimo iyo xidhiidh sokeeye. Waxay noqdaan qaar iska war haya, dadka kale isaga dhow oo wada tashada, waxna wada qabsada, iscaawiya oo iska warhaya.

Masaajidku waa il ka mid ah ilaha jannada, oo Raxmada Alle ku soo degto, Naxariistiisuna ay hadhayso, habeenkiina nuur ayaa ka baxa malaa'igtu soo eegato. Sidaas darteed masaajidku wuxuu leeyahay qushuuc gooni ah iyo dareen gaar ahaaneed waayo waa meel Ilaahay lagu caabudo. Waanada aad gudihiisa ku maqashaana si gooniya ayey kuu damaqdaa, si dhab ahna raad ayey kuugu yeelataa waayo waa guriggii Ilaahay. Masaajidku waa meel lagu tababaro qofka Muslimka ah, laguna layliyo wacdiga Aayadaha Qur'aanka iyo Axaadiita Rasuulka (Nabad-gelyo iyo Naxariis Korkiisa Ha Ahaato) Carbiskaasina wuxuu qofka ku hagaa Dariiqa Mutaqiimka ah (toosan). Wuxuu noqdaa fuliyaha amarada Ilaahay, kana waantoobaa denbiyada la inooga digay ee inaga reebban.

Halkaasna waxa ka abuurma qof si dhaba diinta ugu dhaqma. Wuxuuna noqdaa mid hagaaga. Hadii qofqof loo hagaagana, waxaa iyana hagaagta jamaacada meesha ku wada tukata oo dhan. Hadday jamaacadu hagaagtana waxaa hagaaga mujtamaca guud oo isna qabatima Islaanimada. Waa wax isku wada xidhan. Haddaan aasaaska la toosinna, baarka sare lama toosin karo. Wakhtigii Nebigana (Nabad-gelyo iyo Naxariis Korkiisa Ha Ahaato). Wuxuu masaajidku ahaa xarunta nolosha Muslimiinta laga maamulo. Wuxuu ahaa goobta ay dacwaddu ka bilaabmato, Xarrunta Guud ee ciidamada laga kala diro, hogaamiyayaashana lagu magacaabo, Maxkamada dadka lagu gar-naqo, xarunta zekada lagu qaybiyo, iyo waliba hooyga saboolka saxaabada iyo dadka socdaalka ah.

Sida xaqiiqadu tahayna masaajidku wuxuu si wax ku ool ah u raadeeyaa nolosha qofka Muslimka ah. Waayo qofka masaajidka qabatimaa waxa uu badsadaa dhegaysiga khudbadaha Jimcayaasha iyo muxaadarooyinka diiniga ah. Wuxuuna noqdaa qof uu wacyigiisa diineed kor u qaadmo, Iimaankiisuna uu xoogaysto. Wuxuu noqdaa Muslim dhab ah oo u dhaqma sidii Ilaahay iyo Nebigiisu (Nabad-gelyo iyo Naxarii Kokiisa Ha Ahaato) ay fareen. Qofka masaajidka tegidiisa badsadana waxa gala dareen ah inuu Ilaahay ku xidhan yahay, maganna u yahay. Qof Ilaahay ku xidhani nasiib badanaa!!.

Masaajidku door xasaasi ah ayuu ka qaataa hagidda iyo toosinta Muslimiinta. Waayo maalin kasta shan goor ayaa laga eedaamaa, shan salaadoodna waa lagu tukadaa. Toddobaad kastana khudbada Jimceed ayaa ka baxda. Sidaa awgeedna,masaajidka dadka ayaa lagu baraarujiyaa oo tegiddiisa lagama maarmikaro. Dhamaan Muslimiinta waxa waajib ku ah inay meel kasta ka dhistaan masaajiddo ay Ilaahay ku caabudaan, Diintana ay ku bartaan. Hoyga cibaado kasokowna waxay u baahan yihiin goob ay ka duulaan oo ay dacwadda kagaadhsiiyaan dadka aan Muslimka ahayd oo ay waajib inagu tahay inaynu gaadhsiino diinta Islaamka.

Hadaba dadweynha soomaalida waxaan ku boorinayaa inay ka qayb qaataan dhismaha masaajida. Deeqday bixiyaan waxay u noqonaysaa sadaqa ajarkeedu u socondoonto ilaa maalinta qiyaame. Waxaa suura gal ah in qofka maanta ka faa'iidayta fursadan oo wax u bixiya in Ilaahay u labanlaabi doono, todoba boqol oo jeer ama ka badan (Ilaah idankiis). Waayo lacagta ayuu waayi ama qof uusiiyo ayuu waayi ama waa uu ka dhiman. Alle (Subxaanahu Wa Tacaalaa) waxa uu yidhi: kuwa iimaanka laga helayow wax bixiya waxaan idinku arsaaqay qaarkood ka hor intaanay iman maalinta (Qiyaamaha) aanay gudaheeda jirin wax la kala iibsado, saaxiibtinimo iyo isu-shafeeco qaadis (midna) {Al-Baqarah:254}.

Cusmaan bin Cafaan(Irhka) wuxuu soo weriyey inuu Nebiga(Nabad-gelyo iyo Naxariis Korkiisa Ha Ahaato) yidhi: qofka masaajid dhisaa , Ilaahay ayaa janada guri uga dhisa.

Allah (SW) wuxuu qur'aanka inooku sheegay in "kuwa xaqa rumeeyey ee camalka fiican fala inuu dhaxalsiin doono dhulka siduu u dhaxa-siiyey kuwii ka horeeyey; wuxuuna makanin Diintooda uu uga raali noqday; cabsiday ku noolaan jireenna wuxuuna ugu beddeli doonaa nabadgelyo; keligay ayay i caabudi doonaan cidna (caabudaadda) ilama wadaajinayaan" {An-Nuur:55}

Waxaan dhamaan muslimiinta uga digayaa gaar ahaan soomalida. Waxaa baryahan dambe socota caado xun oo noqotay in wakhti badan lagu lumiyo (meelihii) Xadiiska Rasuulku (Salalaahu Calayhi Wasalam) ku sheegay, meelaha Ilahayna ugu neceb yahay waa ( Suuqyada). Xadiis kale ayaa wuxuu ahaa hadii ay daan ka maarmayn fadhiisiga suuqa waxaa la amray in lagaa helo sidan.

Rasuulku ( Salalaahu Calayhi Wasalaam) xadiis ku sheegay oo ah {hadii la din salaamo salaanta cesha oo dhaha {salaamu calaykum waraxmtulaahi wabarkaat}. Soomalidu waa cajiib waxay isku bilaabaan "waar ii waran" iyo "saw nabad maaha" taasi salaan aad ajar ka helaysid maaha ee la soco.
Hadii dumar qaawan soo maraan indhihiina ka laabta.
Waa in dadka aad khayrka fartaan, xumaantana ka reebtaan.
Iska da'a inta kor lagu sheegay in ay sameeyaan ee waxay wakhtiga ku dilaan reer hebel iyo reer hebel.
waxaan leeyahay xasuuso xadiiskii rasuulku (Salalaahu Calayhi Wasalam) ee ahaa meelaha uu Ilaahay jecel yahay. Waa masaajid ee caado ka dhigo, waxaadna ogaataa hadii qof masaajidka laga waayo oo "xanuun ama duruufo" kale jirin, oo had iyo jeer laga helo meelaha xun wax fiican maah. Waxaan leeyahay waa naseexo guud, insha alaah ha laga waantoobo. Suuq fadhiisiga wakhtigu waa qaali ka qiimo badan "dheemanka iyo dahabka". waa waano iyo dhiiri galin ah oo aan u soo tebinaayon muslimiinta dhamaantooda iyo shacabka soomalida gaar ahaan kuwa ku dagan dhulka gaalada , ilaahay ha inafu anfaco inshaa Alaah.

Posted by ab8/hashi_4 at 1:43 AM CET
Post Comment | Permalink | Share This Post

Newer | Latest | Older