Image by GuuleedPressOnline
Baaritaan badan oo aan ku sameeyay taariikhda Soomaaliya ayaan jeclaan lahaa in aan usoo bandhigo bulsho weynta Soomaaliyee Akhristoow hadaad tahay aqoonyahan waxbartay ama Eebe ku siiyay caqli suuban oo aad ku fekerto kuna kala garato ,wanaaga iyo xumaanta, iftiinka iyo mugdiga, dhererka iyo gaabnida, kunka iyo kowga IWM. Ma is tiri marna dib ujaleec, ama baar asalkoodii meesha ay ka yimaadeen ama ay ka uun-kameen ummadda ku nool geeska Afrika (qoowmiyada Soomaaliyeed) . Uunkaan dhaca, boobka, bililiqada, kufsiga, ummulo dooxa, bareer u dilida bir-mageydada iyo maatolayska caadaystay . Uunkaan beenta, muranka iyo hagagu madax maray. Uunkaan yar iyo weyn, caruur iyo cirroole qof kasta oo ka mid ah qumanihiisu qoorta ugu jiro. Uunkaan xiqdiga, xaasidnimada iyo xaaraanta xalaalaystay. Uunkaan aan garqaadan, garashadii wanaaguna ka suushay. Uunkaan ay ummadihii aduunku ku jaha wareereen wax afgartana la waayay. Uunkaan la leeyahay waa isku isir oo aabe quraa wada dhalay, hadana qofna sheegi karin meesha ay ka soo farcameen oo isku aabe ku noqdeen. Uunkaan la leeyahay waa isku Diine maxaa isku diray?, hadana islaanimadoodu ayna ka muuqan qaab dhaqankooda iyo ficilkooda toona! Uunkaan la leeyahay waa isku Af (luuqad) ee may is afgartaan hadana qaabkii adeegsiga ereyadu ka lumen: ( wanaaga- xumaan ayay u yaqaanaan). Alleylehe Haa, Haa-------wax badan ayaan is iri baar oo runta soo bandhig. Akhristoow hadii aad milicsato degaanka Uunkaas ku noolyahay ee geeska Afrika ku yaal min Raas caseyr ilaa Raas keynbooni, ma jirtaa meel ayna saameyn aafadii laabaatankii sano ee la soo dhaafay?. Araagtidaydu waaa maya! waxaana filayaa in aad ila qabtid.
Siirigii qiyaamaa Soomaali idilkeed subax loo afuufoo
Qaar rasaasi solot iyo, Qaar lixaadkii seegoo
ka idlaatay so'dii, Ceyr salaqsaneeysoo
seedo iyo laf kaliya ah, saan saloogan baa haray.
Meelkasta waxaa taagan Agoontii iyo Rajadii waalidkood la laayay. Meel kasta waxaa tuban Ooriyihii ragoodii la aasey iyo hooyooyinkii ubadkoodii la xasuuqay, gabdhihii la kufsaday mustaqbalkoodii iyo sharaftoodii la kala dhantaalay. Dhalinyaradii rag iyo dumar rajadoodii adduunku madoobaatay oo mukhaadaraad wehel mooday, oo ku meehanaabaya meel xun iyo waxaan munaasib ku ahayn, kama hadlayo kuwa qaxootinimada miciinsaday oo dagaaga ku ah dunida oo idil(Asia, Amerika, Europe, Australia & Afrika ).
Markaad ka bogato tusaalahan hordhaca ah ee Qoowmiyadaan ayaanka daran ma dhaaday qotada iyo dhumucda ay leedahay dhibka ay isku geysteen ayagoo adeegsanaya QABIIL!!!!QABIIL!!?QABIIL?. Uunkaan dhegaha la'a . Waa qabiil qabiil waxa nadaashaday oo qoowmiyadeenii iyo qaranimadeeniiba baabi'yey. Maahmaah Soomaaliyeed ayaa oraneysa WAR LA HELAA- TALO LA HELAA. Mar hadaan isku raacney in cadowgeena yahay qabiil, waa in aan ku heshiinaa qaabkii aan ula dagaalami laheyn si wada jir ah.
ILA SOCO WAX BADANA WAAN IDIIN OGAHAY!
COMMING SOON
COMMING SOON
COMMING SOON
COMMING SOON
COMMING SOON
COMMING SOON
Taariikhdii GEN: MAXAMED SIYAAD BARRE
Xiriiryadeena Hoose booqo
Somali Links
Somali Electronic Journal
Hiiraan On-line
Xog-ogaal