Site hosted by Angelfire.com: Build your free website today!
S o m a l i    E l e c t r o n i c    J o u r n a l
A Destination for Somali News, Business and Culture
SEJ Logo
  • Somali Studies
  • Somali Culture
  • Business
  • Communication
  • Computers
  • Education
  • Entertainment
  • Hobbies
  • Internet
  • Jobs
  • Libraries
  • Music
  • S.E.Journal
  • Newspapers
  • Organisations
  • Search Engines
  • Shopping
  • Sports
  • Travel
  • Women
  • Gundhigga Wargayska
    Akhriso B. Martida
    Taariikh: 9.4.2000
    Saxiix B. Martida
    BOGGA 1AAD ARARTA WARGAYSKA
    Ma dad baan xusnaa mise daw baan xusnaa?!
    Sanadka Cusub ee Hijriyada, Muxuu qiimo leeyahay?
    Lixdii bishatan April ee aannu ku jirno ayaa loo dabbaaldegay dhalashadii sanadka cusub ee Hijriga ee 1421 hijradii Nabi Muxamad(csws) dabadeed. Wadamada Islaamka ah ama ay muslimiintu degganyihiin oo ay taladooda hayaan sida Malaysia iyo Brunei iyo qaar kale maalinta uu billaabanayo sanadka cusub ee hijradu waa fasax oo shaqada waa laga nastaa ayada oo la qaderinayo sanadkaa cusub ee billaabanaya.

    Hase ahaatee, waxaa ayaan darro ah, in umadaha Islaamka ah ee xusaya maalinta noocaas ah ee sanadku billaabanayo aaney haba yaraatee ummadda Islaamka ah wax danqasho ah u hayn! Waxaa la yaab leh in ay maalmihii iyo munaasabadihii ka qiima bateen mujtamacii Islaamka ahaa laftiisii. Tusaale ahaan haddii maalin maalmahaas ka mid ah soo gasho sida mowliidka Nabiga (nnkh) iyo Ciidda iyo billowga Sanadka Cusub ee Hijrada iwm.

    Waxaad arkaysaa in magaalooyinka calamo iyo nalal laga lulayo oo maalin ama laba maalmood ama ka badan shaqada laga nasanayo, haddiise kumanyaal qof oo muslimiinta ka mid ah meel lagu laayo sida ka dhacday wadamo badan oo ay ka midyihiin Chechniya iyo Kosovo iyo qaar kale, ama gaajo iyo dhibaato ku habsato sida muslimiinta ku dhaqan geeska africa cid xusuusanaysa la arki maayo.

    Islaamka, Aadanaha iyo Ayaamaha Ilaahay!
    Islaaamku diin ahaan nolosha aadanaha aad buu u qiimeeyay, gaar ahaan inta uu noolyahay, qiimaha ugu wayn wuxuu Islaamku siiyay qofka nool, waxaana ku soo xigsanaya qofka dhintay, kadibna waaxaa ku soo xigsanaya inta kale ee uunka ah oo ayaga laftoodu derejooyin kala ah.

    Sababta qofka nool looga hormarshay inta kale waa in qofka nool uu yahay saldhigga nolosha dunida, qofka nooli waa maamulaha iyo isku dubbaridaha nolosha aduunyadan aannu joono asiga ayaana Ilaah u xilsaaray in uu mas'uul ka noqdo habaynta iyo qaabsami u socodka noloshan.

    Haddii qofka nool ay noloshiisu xumaato, dunida aadanuhu ku noolyahay oo dhan baa xumaanaysa, tusaale ahaan bal eeg telefishinka ama dhegaysao idaacadaha, kolka aad maqasho dad baa meel ku gaajaysan ama ku la'day ama dhibaato qabsatay maxaad dareemaysaa? Sow dareemi maysid in adduunkani soo xumaaday? oo aanan mustaqbalkiisu fiicnayn?

    Sidaa darteed ayaa Islaamku amray in la xasuusto aadanaha, wuxuuna isla markaa reebay in la xuso maalmo iyo meelo iyo dad dhintay iwm, oo aanan qiimo wayn u lahayn socodka nolosha dunida, maalmuhu wax qiimo ah malaha, waa saacado la xisaabay, way imaanayaan wayna dhamaanayaan taasina nolosheenna waxba ka bedeli mayso, laakiin waxaa loo baahanyahay in aan annagu is xasuusanno haddii aan Muslimiin nahay amaba aan aadane nahay!
    Somali Forum
    Free Email
    Free Guest Book
    Free Home Page
    BOGGA 2AAD WARARKA SOOMAALIDA
    ..
    Maamulka Puntland oo khilaaf siyaasadeed ka dhexdhashay
    April 8, 2000, (Boosaaso) Khilaaf siyaasadeed ayaa beryahan dambe ka dhex taagnaa madaxda iyo duqayda bah Majeerteen, khilaafkaas oo gaarsiiyay madaxda dowladda Puntland heer ay is casilaan sida Xasan Abshir oo ka mid ahaa wasiiradii dowladdaas oo dhawaan is casilay.

    Hase ahaatee, waxaa dadku isla dhexmarayaa sababihii keenay khilaafkaas, waxayna sheegayaan warar kala geddisan oo aad u kala duwan, laakiin waxaad mooddaa in ay wararku isku raacsanyihiin hal shay oo qur ah, kaas oo ah, in khilaafka uu sabab u yahay madax adaygga madaxwayne Cabdullaahi Yuusuf.

    Maxaa dhaliyay khilaafka siyaasadeed ee Puntland
    Wargayska qaran ee maalinlaha ah war uu soo qoray maalintii shalay (8.4.00) wuxuu xusay in khilaafkaasi dhashay kadib markii uu madaxwayne Cabdullaahi Yuusuf la kulmay Ina Caydiid intii ay Liibiya booqashada ku joogeen, ayada oo horey ay isugu ogaayeen madaxda kale ee reer Puntland in aanan madaxwaynuhu la kulmin abaanduulayaasha ay ayaga iyo Puntland uurgooyadu ka dhaxayso.

    Warar kale ayaa ayaguna sheegaya in khilaafku ka dhashay heshiisyo uu la galay Cabdullaahi Yuusuf Sharikad Ingiriis ah oo qaar beesha Majeerteen ka mid ah oo qurbaha ku nool ay ku eedeeyeen in xoolo ka qaatay dabadeedna uu xisaabkiisa u gaarka ah ku shubtay.

    Khilaafka Puntland ma hardan siyaasadeed baa?
    Waxaa kale oo dadka qaar aaminsanyihiin in khilaafku yahay khilaaf siyaasi ah oo dabiici ah horeyna u jiray, kaas oo billowday kolkii la aas'aasayay dowladda Puntland ayada oo qaar madaxda iyo isimada Majeerteen ka mid ah ayan raali ka ahayn markii horeba qaabkii iyo meeshii lagu billaabay dowlad gobaleedka Puntland, ayana mucaarad ku ahaayeen maamulka madaxwane Cabdullaahi Yuusuf, haddana ay soo xoogaysteen oo ay doonayaan in ay ka faa'iidaystaan siyaasadda mutuxan ee Cabdullaahi Yuusuf gaar ahaan mowqifkiisa shirka Jabuuti.

    Cabdullaahi Yuusuf iyo Shirka Jabuuti
    Dad badan oo ka mid ah kuwa indhaindheeya xaaladda Soomaaliya ayaa ayaguna rumaysan in khilaafka siyaasadeed ee ka oogan Puntland uusan lahayn sabab aanan ahayn mowqifka madaxwayne Cabdullaahi Yuusuf iska taagay shirka Jabuuti.

    Qolada sidan aaminsan waxay u arkaan bannaanbaxyadii dhawaan ka dhacay Puntland in ay ahaayeen kacdoon ay bulshawaynta reer Puntland ku caddaynayeen sida ay u taageersanyihiin shirka nabadaynta ee laga wado Jabuuti, isla markaana ay tusayeen adduun waynaha in aysan ku raacsanayn go'aanka uu gaaray madaxwayne cabdullaahi Yuusuf.

    Dadka ra'yigan aaminsan waxay sheegayaan in dhammaan madaxda Puntland ka soo horjeesteen go'aanka madaxwayne Cabdullaahi Yuusuf oo ay ka codsadeen in uu ka noqdo go'aankaas, uuna taageero shirka Jabuuti, asiguna uu diiday in uu ka noqdo go'aankiisii, taasina ay keentay in ay is casilaan madaxda qaarkood sida Xasan Abshir.

    Xogogaal Inoo warramay
    Si aan u kala hubsanno wararkaas isburrinaya ayaan waxaan khadka taleefanka kula xiriirnay shalay oo bishu ahayd 8dii April mudane Daahir Cabdulqaadir Axmad oo ka mid ah qoraayaasha wargayska Sahanpress oo jooga magaalada Boosaaso, wuxuuna inoo sheegay in khilaafku jiro uuna ka dhashay mowqifka madaxwayne Cabdullaahi Yuusuf iska taagay shirka Jabuuti.

    Wuxuu Daahir intaa ku deray, in ay shireen dhammaan Isimada beesha Majeerteen oo ay soo jeedsheen ra'yi ah in la dhexdhexaadsho madaxwayne Cabdullaahi Yuusuf iyo Dowladda Jabuuti, Cabdullaahi Yuusufna wuu aqbalay xalkaas dhexdhexaadinta ah.

    Hase ahaatee, rag uu horjoog u yahay Xasan Abshir ayaa ra'yigaas diiday, oo ku adkaystay in madaxwayne Cabdullaahi Yuusuf ka noqdo go'aankii uu gaaray shirkana taageero ayada oo aan waxba loo baahan waanwaan iyo dhexdhexaadin la dhexdhexaadsho Cabdullaahi Yuusuf iyo dowladda Jabuuti, Cabdullaahi yuusufna ra'yiga qolada dambe wuu diiday, Xasan Abshirna markaas buu is casilay.

    Waxaa kale oo qoraaga Sahanpress inoo sheegay, in cabdullaahi Yuusuf ka codsaday Xasan Abshir in uu ka noqdo go'aankiisa iscasilidda ah, hase yeeshee uu Xasan diiday. Wararku wax intaa dhaafsiisan ma sheegin, laakiin waxaa la filayaa in khilaafkaasi maalmaha foodda inagu soo haya dhan u dhaco, maadaama ay shirarkii Jabuuti foodda inagu soo hayaan.

    Warjiraaba Cakaaruu iman!
    Sida muuqata madaxda dowladda Puntland laba kooxood ayay ugu qaybsameen arrinka shirka Jabuuti, koox aad uga soo horjeedda oo uu horjoogo madaxwayne Cabdullaahi Yuusuf iyo Koox aad u taageersan oo ay horjoogaan Xasan Abshir iyo Ina Abshir Haamaan iyo Qaar kale.

    Waxaana wararku sheegayaan in qolada dambe ku eedaynayso qolada hore in ay doonayaan in ay ku gorgortamaan Puntland si ay u helaan madaxtinimada la filayo ee soomaaliya.

    Maamulka madaxwayne Cabdullaahi Yuusuf wuxuu ku adkaystay in uu san taageeri doonin shirka haddii ay ka qaybgalaan dad reer Puntland ah oo dowladdiisa nucaarad ku ah, lana qaderin waayo talooyinka iyo tilmaamaha ay dowladdiisu soo jeediso, madaxwaynaha Jabuutina wuu diiday in uu dalabkaas fulsho.

    Hase ahaatee, maadaama uu shirkii Jabuuti foodda inagu soo hayo, kaas oo la filayo in la qabto bishan gudaheeda iyo bisha juun dhexdeeda, waxaa lagama maarmaan ah in uu khilaafka ka dhexeeya madaxda Puntland dhan u dhaco, oo aay ama guulaystaan kooxda taageersan shirka ama ay guulaystaan kooxda diiddan, arrinkuna waa madal!

    Nin Qareen u ah wiil Soomaaliyeed oo war doon ah
    April 4, 2000, New York, Nin qareen u ah wiil soomaaliyeed oo magaalada New York ku leh xafiis uu ku magacaabay "Debevoise and Plimpton" ayaa wuxuu inoo sheegay in wiilkaas uu qareenka u yahay uu ka mid ahaa soomaalidii deganayd Yaman intii uusan imaanin Maraykanka uuna taageero ka heli jiray urur samafal oo la yiraahdo "Somali Community".

    Haddaba si wiilkaa loo caawiyo waxaa ninkaa qareenka ah u baahanyahay in uu faahfaahin dheeraad ah ka helo ururkaas lagu magacaabo "Somali Community" ee Sanca ka jiray sida la sheegay, waxaa kale ee uu qareenku doonayaa in uu wax ka ogaado in uu ururkaasi yahay urur dowladda Yaman ictiraafsantahay iyo in kale, iyo sida bulshada soomaaliyeed ee Yaman ku dhaqan ururkaas u aragto.

    Ninkaa qareenka ah wuxuu inoo soo diray taleefan lambarkiisu yaahay "211304" nasiib darro taleefankii markii aan wacnay waxaan ogaanay in uu qaldanyahay lambarkaasi. Qareenku waxaa kale oo uu sheegay in uu cinwaanka ururkaasi yahay sidan "PO Box 15036, Sana'a".

    Haddaba si aan u caawinno wiilkaa soomaaliga ah waxaa dadwaynaha soomaaliyeed laga codsanaayaa in ay wixii faahfaahin ah ee ay ka ogyihiin ururkaas ina soo ogaysiiyaan oo la soo xiriiraan tifaftiraha wargayska "hersi@brunet.bn" ama taleefanka (673-8-671886). Sidoo kale qofkii qaraabo ama saaxiibo ku leh Sanca, ha inoo soo diro taleefankooda si aan arrinkaas uga waraysanno.

    Abaaro la sheegay in ay goballada dhexe ku soo fool leeyihiin
    Muqdisho April 8 2000, Dad socoto ah oo aan shalay khadka taleefanka ku waraysannay soona gaaray magaalada Muqdisho dhawaan ayaga oo ka yimid dhulka la xirrira gobalada dhexe iyo xuduudka Ethiopa ay la leedahay soomaaliya ayaa inoo sheegay in abaaraha ku dhuftay bariga dalka Ethiopia ay hadda caasha saareen goballada dhexe ee soomaaliya.

    Nimankaas inoo warramay waxay ka soo safreen Walwaal iyo Wardheer oo ka mid ah dhulka soomaalidu degto ee ku yaalla Ethiopia dhexdeeda, waxyana soo mareen dhulka howd loo yaqaan iyo gobalka Togdheer iyo degmooyin kale sida Caabudwaaq iyo Dhuusamareeb, waxayna sheegeen in saansaanta abaarahaas laga dareemayo degmooyinkaas oo dhan ilaa magaalada Dhuusamareeb.

    Waxay socotadaasi intaa ku dareen, in dhulka la jeeda xuduudka Soomaaliya iyo Xabashida dadkii iyo xoolihii ku noolaa ay wax dhintay iyo wax dhimasho ku dhaw yihiin, aysanna jirin wax gargaar ah ama taakulayn ah oo dadkaas la gaarsiiyay ama dhinaca Xabashida ha ka yimaadeen ama dhinaca Soomaalida e. Warar kale oo UN-tu sheegtay ayaa ayaguna waxay sheegayaan in abaarahaasi aad wax u yeelleeyeen gobalada Gedo, Bakool, Bay iyo Hiiraan oo ay ku noolyihiin dad lagu qiyaasa 450,000 oo qof.

    Dad beesha Eylada ka tirsan oo la sheegay in Australia u dhoofayaan
    Mogadishu April 3 2000 (AFP), Sida ay sheegtay wakaaladda wararka AFP, dad badan oo ka tirsan bahda Eylada loo yaqaan oo ka kala yimid Bay, Baakool iyo Shabeelada Hoose ayaa magaalada Muqdisho dhinaceeda koofureed gabraday ayaga oo sugaya diyaarad qaadda oo Australia gaysa sida ay sheegeen.

    Dadkaasi Eylada ah qaar ka mid ah waxay sheegeen in aaney lacag bixin cunto ku filanna la siiyay, haddana ay meesha ku sugayaan diyaaraddii qaadi lahayd. Waxaa waliba hadalku intaas ku daray in Ugaaskii qoladaas uu asiguna meeshaa yimid si uu u eego xaalka dadka halkaa gabran ee carruurta iyo haweenka u badan ee la filayo in ay dhawaan dhoofaan.

    Dadkaas oo Muqdisho ka degay xaafaddii loo aqoon jiray AbaGedo, waxay rejaynayaan in ay Nairobi dhawaan u duulaan kadibna Australia, hase ahaatee, ninka Australia u fadhiya Kenya wuxuu sheegay in uusan arrinka dadkaas waxba ka ogayn oo laga yaabo in ay jiraan dad dhagraya dadkaa masaakiinta ah.

    Magaalada Muqdisho oo la sheegay in nabadeedu soo fiicnaanayso
    April 8 2000, Warar aan la kala yeelanay dad ka mid ah bulshada ku nool magaalada Muqdisho ayaa waxay sheegayaan in nabadda magaalada Muqdisho la moodo in ay soo fiicnaanayso. Dadkaa inoo warramay ma aysan sheegin sabab gaar ah oo keentay nabaddaas magaalada ku soo korortay.

    Waxaa yaraaday, bay dheheen dadka inoo warramay, xermooyinkii ay maleeshiyadu dhigi jirtay waddooyinka dhexdooda iyo jabhadihii iska soo horjeeday ee xaafadaha ku kala jiray, laakiin dhicii iyo dilkii iyo boobkii wali waa joogto.

    Waxay intaa ku dareen in wadaaddada maxkamaduhu kaalin wayn ka qaateen kobcinta nabadda magaalada inkasta oo jabhadahoodu wali ku salaysan yihiin qabiil kilaaf wayna uu ka dhexeeyo ayaga iyo madaxda jabhadaha qaarkood.

    Wuxuu yiri mid ka mid ah dadka aan khadka taleefanka kula sheekaystay, waxaa laga yaabaa in reer xamar rejo fiican ka leeyahay shirka Jabuuti oo taasi keentay dareen guud oo dadka ku dhalshay in nabadi soo socoto, taasina aay yaraysay dareenkii jabhadnimada ee magaalada ka jiray. Waxaa dadka inoo warramay intaa ku dareen, in magaaladu ay awalba sidan ahaan jiratay oo marna degi jirtay marna kici jirtay, haddase la moodo in ay xoogaa deggantahay.

    Qoraal waraysi ah oo inaga soo gaaray wargayska Sahan Press - Boosaaso
    Qoraalkan waxaa inoo soo gudbiyay Bashiir Sh. Maxamad iyo Ali Muse Ali, waana waraysi lala yeeshay nin xabsiyada Xabashida laga soo daayay oo uu fidshay wargayska sahan bishii lasoo dhaafay. [Hersi 2Garre].
    DIXIRIGII KA SOO BAXAY MAYDKII XABSIGA KU DHINTAY INTII AAN XIRNAYN AYAA ANAGAOO NOOL NA CUNAY…"KUTUBO QURAAN AYAA WAXAA NALAGU YIRI KUNA ISTAAGA, HANA LAGU KAADSHO"
    Wareysi lala yeeshay nin 17 bilood ku xiraa Itoobiya.
    Todobaad ka hor waxaa xarunta wargeyska Sahan ee Boosaaso soo gaarey nin diif iyo dhibaato xoog lihi ka muuqato korkiisa, maalmihii la soo dhaafay ayaa ninkaas la dhigay Itbitaalka guud ee magaalada, waxaa horay u dhamaatay mid ka mid ah labadiisa xaniinyood dhibaato ka soo gaartey garaacis iyo ciqaabo lagu sameeyey awgeed sida uu sheegay, tii kalana waxaa laga saarey intii uu joogay Boosaaso ka dib markii ay ay bukootey.

    Maxaa loogu xiray ninkan Xabsiyada Qabridaharre iyo Dhagaxbuur?
    Ninkan oo la yiraahdo Axmed Xasan Maxamud, waxa uu sheegay in laga qabtay magaalada Dhagaxbuur, bartamihii 1998kii, wuxuuna xirnaa sanad iyo shan bilood "intaas aan xiraana war iyo wacaalo laygama hayn, waxaana la soo daayey muddo ay ka soo wareegtay bil iyo xoogaa' ayuu yiri Axmed Xasan oo u waramayay Wargeyska Sahan.

    Mar aan wax ka waydiinay sababtii lo qabtay waxaa uu noo sheegay, in uu ahaa nin safar ah oo wata Timir iyo Sonkor, kana safray Boosaaso, "markii aan halkaa tagay ayaa Ciidanka Itoobiya I qabteen, waxaana laygu yiri waxaa tahay Itixaad sidaas baa laygu xiray, aniguna Itixaad ma ahayn ee waxaan ahaa wadaad Saalixiya ah, alaabtii aan watay labadiiba waa lala wareegay, waxayna igu yiraahdeen alaabtaan waxaad u wadaa Taakulayn. Ilaa iyo hadana wax iiga soo noqday ma ay jiraan, oo waxa la wareegay Dowlada Itoobiya, markii lay yiri iska soco wax aan kuu hayno malehe" ayuu yiri Axmed.

    Axmed waxaa kale oo uu sheegay in lagu xiray xabsiga Qabri bayax kadibna loo gudbiyey Xabsiga ku yaal meel duur ah oo shub ka samaysan, wuxuuna intaas raaciyey in indhaha laga xiray markii ay marayeen Tuulada Haramaayo oo u dhaxaysa Harar iyo Diridhabe, waxaa nagu bilaabay durbadiiba ayuu yiri garaac iyo jirdil, iyadoo nala waydiinayo in aan Itixaad nahay iyo in kale.

    Xabsiga iyo Maxkamadaha Xabashida
    Axmed isga oo ka waramaya noloshii xabsiga waxa uu yiri "ragii ila socday waa nala kala reebay, god ayaana nala geliyey, 7 qofba waxaa la galiyaa hal god oo lagu ridaa gododkaas oo ah kuwo badan daboolkooduna iyo albaabkooduna waa shub, kaadidii iyo saxaradiina waa ku jirtaa, oo sidii xeero Alla bari taal ayay todobaadyada waligeedba na dhex ooli jirtay, bahaladii halkaa ka dhashayna sida baranbaradii iyo cayayaankii kale baa ku soo galaya oo ku cunaya, marka raashinka nala siiyo ee ay cuntadu gacantaada soo gasho waxaadan iska celin Karin Baranbaro oo kuligaa ku tafaysa".

    Mar aan waydiinay dhibka ugu weyn ee xabsiga yaal waxaana ku jawaabay; "Jirdil si Bai'aadamnimada ka baxsan, ayadoo koronto lagugu qabanayo, dhabarka oo bir lagaa saarayo, bahal feerada dharka oo kale ah oo dabaysan hadii lagugu qatona hadii lagugu jirkaagu kalla daadanayo, markii lagu mariyo baa waxaa jirkaaga ka boodaya qiiq madoow, marka dadka la ciqaabayo Godkii intaan lagaa soo bixin ayaa indhaha lagaa xirayaa, Garaa lagugu soo qaadayaa" wuxuuna intaas raaciyay in la geyn jiray maxkamad khaas ah oo aan cidi kale joogin dhexdeedana lagu garaaci jiray taasi oo ku taal Diridhabe.

    Godadka Soomaalida Lagu xiro
    Waxaa naloo keeni jiray ayuu yiri nin Soomaali ku hadlaya oo calaamadda kirishtaanku ay qoorta ugu jirto, si uu uga turjubaano. Maxkamadaas gudaheeda ayaa katiinad xaniinyaha nalooga qabtaa, bir ayaa dhabarka lagaa saarayaa saacadana waa laguu qabanayaa 10 daqiiqo markey ku saarnaatona waad miyir beelaysaa, ayuu yiri Axmed oo wali sheekadi wada, wuxuu intaas raaciyey, in gododkaas ay ku xiranyihiin Soomaali ka abadan 170 nin kuwaasoo uu ku qiyaasay in kabadan afar meelood marka loo qaybiyo saddex ka mid ahi ay yihiin dad aan wax lug ah ku lahayn ururka Itixaad, wuxuuna intaas ku daray in maxaabiista qaarkeed sheegeen in ay ari la joogeen markii la soo qabtay, kuwaasoo aan waligood alifka quraanba dhigan, Axmed Xasan waxaa kale oo uu sheegay in qaar ka mid ah dadku ay sheegteen in ay Itixaad kuwa ugu daran yihiin si loo dilo iyaga oo aan ahayn markii ay xamili waayeen noloshii jeelka.

    Wixii ugu Naxdinta Badnaa maxay ahaayeen?
    Mar aaan Axmed su'aalnay wixii ugu naxdinta badnaa intii jeelka ku jiray waxa uu ku jawaabay: "waxaa iigu naxdinta badnaa markii ay ku dhinten 3 nin oo maxaabiistayadii ka mid ahaa maydkoodiina nalagula jirey godka 1 casho, oo ay meeshaas ku googo'een oo markii Dixirigii ka soo baaxay anagii na cunay ka dibna maydkaas lafahiisii ayaa nalaga saaray oo waxaa ay yiraahdeen waa ay isku dilayaan ee lafaha uun ha laga qaado, sababtoo ah in nala dilo raali baan ka ahayn anana hadaanu haysano wax aan isku dilno waanu is dili lahayn, waxaa kale oo ka mid ahaa maalin maalmaha ka mid ah ayaa waxaa naloosoo saaray banaanka oo waxaa la soo bixiyey kutobo Quraan ah waxaa nalagu yiri kuna istaaga kitaabada, hana lagu kaadsho, kadib waxaa dhacday in inkii noogu horeeyey intuu qaaday uu dhunkadey, intayadii kalana aan sidaas oo kale yeelnay, ayaa askartii waxay maalintaas nagu ciqaabtay in ay na figeeyaan kuligayoba.

    Dhalooyin Khamro ka buuxdo!
    Maalintii danbe ayaa waxaa naloo qaybiyey dhalooyin khamri ah oo waxaa la yiri ninkii caba waa la sii daynayaa, markaasaa niman aan waligood khamri cabini ay isku xaareen oo afkii googo'ay, in la sii daayo iskaba daaye waa looga sii daray" ayuu si quus leh u yiri Axmed. Axmed waa uu ii waday xogwarankii uu siinayay wargeysa Sahan oo wuxuu yiri "dadka halkaas ku jira wax ka warqaba ma ay jiraan, tusaale ahaan aniga xaaskaygii waa la dumaalany waxayna ii haysay 4 caruur ah, wax meesha lagu soo xiro waxaa ugu danbeeyey rag 41 nin ah oo laga soo xiray dhinaca iyo Doolow, magacyadoodana aanan wax ka aqoon, dadka halkaas ku xiran qaarkood waxaa ay ka gudbeen noloshii aadaanaha waxayna u gudbeen midi dugaaga, mana dhiman mana noola, marka aan suureeyana dhibaatada halkaas ka jirta oo aan soo aragnay waxaan oran karaa TACDIIBUL ISLAM.

    Dhibaatooyin aan dhammaad lahayn!
    Dhibaatooyinka aniga halkaas iga soo gaarey waxaa ka mid ah, waan ku xiniiyo belay, midi way way dhamaatay, intay dilaacday sidii ay u dheecaameysay, tii kalena waa la iga saaray korkaygana waadba aragtaan, Mudadaa aan xiraa 11 17ka bilood ah hal maalin ma qubaysan oo nalooma ogolayn". Ugu danbayntiina waxaa Axmed wax ka waydiinay waxa uu ka xasuusto magacyadii dadkii halkaas uu kaga yimid, kuwii dhintay iyo kuwa kale ee la sii daayay, isagoo su'aashaas ka jawaabayana waxa uu yiri, waxaa ka mid ahaa kuwa xabsiga aan kaga imid:

    Dadka Xabsiyadaas wali ku jira kaa ka mid ah?
    1- Saciid Cabdulle oo Ciidagale ah. 2- Axmed Shiikh Mumin oo Ogadeen ah. 3-Ina Catoosh oo Leelkase ah. 4- Cali Caydan oo Dhulbahante ah. 5-Axmed Faarax oo Cali Saleebaan ah. 6- Nuur Qurde oo Mareexaanka reer Doolow ah. 7-Maxamed Xaaji Cumar oo Gaadsan ah. 8- Caraale Ducale oo Habaryoonis ah. 9-Shiikh Bashiir oo Ogadeen reer Isaaq ah. 10- Sh. Maxamed Saalax Macalin Yusuf oo Ogadeen reer Cabdulle. 11- iyo Axmed Xaaji Muumin oo aanan garanaynin Qabiilkiisa.

    Waxaa kaloo ka mid ah nin Carab ah aanuna ku qiyaasaynay in uu u dhashay dalka Masar kuna hadlayey luqada carabiga, ahaana TABLIIQ oo in mudo ah ku jiray halkaasi magacisana aanan aqoonin nagalana joogay waxaan Soomaali ahayn kaligiis, sheegtayna in laga qabtay Jigjiga nawaaxigeeda. Waxaa haray sadex nin oo ku dhintay xabsiga oo la kala oran jiray.

    1-Bashiir Muuse Aadan oo Ogadeen/Cawlyahan. 2- Ina Jacfar oo Habar-Gidir ahaa. 3- Cabdi nuur Faarax Ogadeen/Bahgarri ahaa.
    Saddexdaa nin madaxaa qarxay labana waa xiniinyo beeleen sidii katinad loogu qabanayey ayaa kaadidi ku dhegtay, waxaa nala soo wada daayey Cumar Dharaar oo Ciise Muuse ah".

    BOGGA 3AAD BOGGA GANACSIGA IYO DHAQAALAHA
    Sarrifka Lacagaha dalalka ay badanaa Soomaalidu deggantahay.
    Dalka Lacag US$1 =
    Qatar Rial 3.639
    Bahrain Dinner 0.3769
    Kuwait Diner 0.3047
    Switzerland Frank 1.501
    Malaysia Ringit 3.800
    Dalka Lacag US$1 =
    Somalia Shilling 9620
    Djibouti Frank 177.72
    Syria Lire 45
    Sudan Diner 247.10
    Yemen Riyal 148.15
    Dalka Lacag US$1 =
    Australia Dollar 1.5349
    Thailand Bahat 37.95
    Canada Dollar 1.4823
    England Pound 0.6207
    Europe EURO 0.9374
    Dalka Lacag US$1 =
    Saudi Riyal 3.750
    U.A.E Durham 3.672
    Oman Riyal 0.3849
    Egypt Pound 3.409
    Iraq Diner 0.3107
    DIINIXOSH COMMUNICATION AND BUSINESS CENTRE
    DIINIXOSH COMMUNICATION AND BUSINESS CENTRE
    Tell: 2542 - 767115 / 766603
    SATELLITE FAX: 1 - 718 - 247 1891
    E-mail: ashkir@africaonline.co.ke
    NAIROBI, KENYA

    SOO DHAWAADA SOOMAALIYAY DHAMMAANTIIN
    Waxaan Idiin soo gudbinaynaa Service & business Aan kaqabano Wadanka Kenya, Magaalada Nairobi, Xaafada Somalida ay dagan tahay ee Islii.

    Service ka aan qabano waxaa kamid ah, Waxaan Samaynay Satellite Fax oo mareykan ah kuna fiican Xaga hawada galitaankeeda iyo qiimo jaben oo aad kusoo diri kartaan fakiskaan oo aan ku xirnay Xaafada Islii.

    Fakiskaan wuxuu ushaqaynayaa adoojooga North America oo kale. Waxaad udirikartaa Nambar local ah oo kale number-kuna waa (1 - 718 - 247 1891) wuxuuna kasoo dhacayaa Xafiskayna Islii, Nairobi.

    Waxaad ka loo aad siin kartaa dadka ahelkaada ah ee jooga Yurub, NewZealand, Australia, ayagana waxay u isticmaalayaan ayagoo u diraaya oo kale America.

    Fakiskaad soo dirtaan dadka leh isla markiiba waan ugudbinkarnaa waxaad kusoo dhigaysaan qofka lah fakiska Magaciisa iyo telephone-ka laga halo. Baahida kayntay Inaan fakiskaan samayno oo ay ku kala duwan yihiin inaad soo isticmaasho Satellite fax kaan & inaad soo Isticmaasho Number-ka caadiga ee kenya waa sidaan.

    Hadaad adeegsato Numberka Kenya ee Caadiga ah:
    1. Waa qaali marka aad usoo diraysaan Kenya, adinka oo ka soo diraya America qiimaha kugu kicikara waa $4 – 6 boggiiba ama ka badan.
    2. Hawada Kenya aad buu ugu adeg yahay inuu line-ka kusoo galo, oo waad ku dhibaaton , waqtibadana kaaga dhumin.
    3.Muuqaalka soo bixitaanka fakiska aad buu uliitaa.

    Hadaad soo adeegsato Satellite Fax ee (1 - 718 - 2471891):
    1. Qiimaha aad ku soo direyso page-kii aad buu ujaban yahay waana ($0.10 or 0.20 cents) boggiiba.
    2. Hawada Kenya shaqa kuma laha oo waaba kuu howl fududeynay oo waa adoo America jooga oo kale.
    3. Muuqaalka waaba iska garan kartaa marka aad fakis udirayso North America dhexdeyda.

    Waxaan Kale oo aan qabanaa Shaqooyinkaan oo kala ah:
    E-mail- sending & receiving. Typing Service. Legal Advice. Tell Service. Internet Service.

    Anglefire Free Email
    BOGGA 4AAD BOGGA QUBANAHA
    ..
    Sumcad Xumo ayay ku tahay Islaamka
    Waxaa qoray: Ibraahim Saalax Aadan
    Odense, Denmark
    Wargayska Wadajir, Denmark
    Wax lala yaabo ma ahan in bulshada Deenishka iyo guud ahaan reer Yurub inteeda kale ay cabsadaan ama didaan kolka ay maqlaan magaca Islaam, waayo waxa ay arkayaan qaar ka mid ah dad ku abtirsada diinta Islaamka oo ku kacaya falalka foosha xun sida kufsiga, xatooyada iyo boobka, khiyaanada, beenta, musuqmaasuqa, iyadoo waxyaabahaas oo dhami ay reebtay diinteenna muqaddaska ah ee Islaamka.

    Gabar 14 jir ah oo la kufsaday!
    Gabar 14 jir ah oo ay kufsadeen koox islaamka ku abtirsada!!: Muddo hadda laga joogo qiyaastii afar usbuuc ayaa waxaa magaalada Arhus ee gobolka Jylland ee dalka Denmarka ka dhacday kufsasho si koox ahaan u dhacday. Waxaa la kufsaday gabar 14 jir ahayd oo u dhalatay dalkan Denmark, gabadhaasoo ay kufsadeen dhalinyaro tiradooda gaareysay ilaa 9 qof, weliba ahaa muslimiin sheegato.Waxaa taas ka sii naxdin badan gabadha ay kufsadeen oo ahayd "handcap".

    Waa wax laga yakh-yakhsoodo
    Waa arrin laga naxo oo weliba laga yakh-yakhsoodo falkaas sheydaaniga ah. Denbiga ay galeen kooxdaas dhalinyarada ah ayaa waxaa ka sii denbi weyn, sawirka foosha xun ee ay u soo jiideen magaca islaamka iyo muslimiinta. Waa nasiib darro haysata dadyowga aan la nool nahay (bulshada deenishka), marba haddiiba muslimiinta ay arkeen ay yihiin kuwaasoo kale. Diinta islaamka waxyaabaha uu Ilaah u soo dejiyay waxaa ugu weyn in lagu ilaaliyo shan arrimood, oo ay ka mid tahay sharafka iyo cirdiga qofka. Dadyowga kale ee aan islaamka ahayn ayeey dhacdooyinkan (kufsiga iyo..) oo kale ka suurtoowdaa, hase ahaatee waa wax aad u fool xun in koox sheegata islaamka ay sameeyaan falalkan ay insaaniyaddu ka soo horjeeddo, iskaba daa waxa ay ka qabto diinteenna islaamka.

    Waa waxaan ku badnayn shucuubta muslimiinta
    Haddaad rog-rogto bogagga Wargaysyada Deenishka waxaa iska caadi ah inaad aqriso dhacdooyinkan kufsiga oo kale sida oday kufsaday gabar yar, nin kufsaday ilmo yar, aabe kufsaday gabadhiisa iwm!!!. Hase ahaatee, waa wax ku cusub bulsho weynta muslimiinta in laga dhex helo qaar ku kaca falalkaas oo kale. Taasina waxay caddeynaysaa in laga fogaaday manhajkii uu Illaah soo dejiyay oo ah ku dhaqanka kitaabka Alle iyo raacidda hanuunka Sunnada Nebigeenna Muxammed (scw).

    Waa muhiim inuu qof kasta oo ka mid ah muslimiinta ku dhaqan dhulalkan inuu ogaado inuu bulshada uu la nool yahay uu u yahay tusaale, sawirka lagaa arkana uu noqonayo sawir ka tarjumaya ictiqaadkaaga iyo waxa aad aaminsan tahay. Islaamku waa diin hufan:Waan hubaal in uu islaamku barri ka yahay falka ay ku dhaqaaqeen dhalintaas, hase ahaatee waxay magac xumo u soo jiideen diinta islaamka iyo bulsho weynta ku dhaqan dalka Denmark.

    Muslimiinta xilliyadii hore waxay taariikhda ku caan baxsanaayeen tusaale wanaagsan iyo inay ku tilmaanaayeen sifooyinka wanaagsan sida in lagu yiqiinnay sifooyinkan: runta, samafalka dadka, ballan oofinta, ammaanada, daacadnimada iyo naxariista, iyadoo ay arrintaas ay raadeyn jirtay qaarado ka mid ah dunida.

    Taariikhda Dib u eega, oo Eebbe halaga cabsado
    Dib haddaan u dhuganno taariikhda, waxaan og nahay in shacabka reer Indoniisiya aynan ku soo islaamin seef iyo sandulle sida qaar ka mid ah dowladaha carabta. Balse, markay arkeen sida quruxda badan ee ay muslimiinta u dhaqmayaan marka laga eego dhinaca akhlaaqda, samafalka iyo naxariista dadka ayeey sawirkaas iyo tilmaantaas wacan ku soo islaameen. Waxaa la yiraahdaa, in dadkaas ay ahaayeen dad ganacsato ah, oo xitaa ma aynan ahayn dad ducaad ama wadaaddo ah.

    Keliya waxay ka arkeen akhlaaqdooda sareysay iyo sida daacadnimada leh ee ay u shaqeesanayeen sidaasna ayeey ku soo islaameen oo ku qaateen diinta Islaamka. Gunaanadka qormadayda: Ugu danbeystii waxaan muslimiinta ku dhaqan Denmark iyo Yurub guud ahaanba u soo jeedin lahaa inay ka cabsadaan Rabbigooda, ogaadaanna inay yihiin denjirayayaal matalaya magaca Islaamka. Waxaan si goonni ah ugu dardaarmayaa waalidiinta inay caruurtooda kula dadaalaan sidii ay ugu dadaali lahaayeen inaynan qaadin waddooyinka halaagga iyo qoomamada. Illaah waxaan ka baryayaa inuu noo xifdiyo awlaadeenna timid dalalkan qurbaha ah.

    Kanaal Shaaca ka qaaday, Shisheeye Nacaybka ka jira Denmarka!
    Waxaa qoray: Ibraahim Saalax Aadan
    Odense, Denmark
    Kanaalka la yiraahdo NCRV ee ka soo baxa dalka Holland ayaa maalinimadii isniinta laga soo daayey barnaamij la xiriirtay siyaasadda shisheeye nacayb & midabtakooreed ee ka jirta dalka Denmark, taas oo fulintiisu laga yaabo in laga hirgeliyo dalkaasi Austria. Faallada arrintan waxaa wax ka qoray qaar ka mid ah Wargaysyada dalkan Denmark sida wargayska maalinlaha ah ee Berligske tidende.

    Waxyaabaha aadka u cabsi geliyay siyaasiyiinta dalka Denmark ayaa waxaa ka mid ahaa, in barnaamijka lagu soo bandhigay in dowladda Denmark ay tahay dowladda ugu sharci adag xagga shisheeyaha ku dhaqan dalka Denmark, marka loo eego dalalka Midowga Yurub. Waxaa la is tusay goobaha ay dadka qaxootiga ka codsadaan sharciga laajinimada iyo magangalyo iyo sida uu keesaskooda u shaqeeyo.

    Waxaa barnaamijka lagu wareystay gabar u dhalatay dalka Bakistaan, iyadoo ka hadashay dhibaatada ajaanibta ka haysata shaqo la'aanta dalka Denmark, iyo in qaarkood ay doorbidaan inay magacyadooda beddeshaan, si markaa ay shaqo u helaan. Isku dubaridaha barnaamijka oo in muddo ahba ka shaqeenayay dalkan Denmark, ayaa isagu tilmaamay in ay iska caadi tahay dacaayadda iyo wax ka sheega shisheeyaha ee lagu soo qoro Wargaysyada dalka Denmark.

    Waxyaabihii barnaamijka looga faalooday waxaa ka mid ahaa, hadalladii ay tiri madaxa xisbiga "Dansk folkeparti" naagta la yiraahdo Pia Kjærsgaard oo ku qortay Wargayska Jyllands-posten dacaayaddan oronaysa: "kolkaan weynaado ayaan muslimayaa". Pia Kjærsgaard waxay ku caan tahay wax ka sheegga iyo nacaybka shisheeyaha, waxayna talo ahaan u soo jeedisaa in la joojyio shisheeyaha ku soo badanaya dalka Denmark. Arrintan waxay lama filaan weyn ku noqotay xubnaha ka tirsan xisbiga talada dalka haya ee la yiraahdo Social demokratiga, kuwaasoo qaarkood ka tirsan Baarlamaanka Yurub. Waxaa la filayaa inuu arrintan jawaab celin ka sameeyo Ra'iisal Wasaaraha dalka Nyrup Rassmusen.
    ..
    BOGGA 5AAD BOGGA DOODDA IYO CILMIBAARISTA
    Wadaad iyo Aqoonyahan !
    Maxamed Cismaan Nuux (Asad)
    Huddingenpolku 2c 32 01600 Vantaa, Finland.
    Tel: +358-0-5891 453 (home) E-Mail: cawdgale@hotmail.com
    asad's photo
    Diinta shaqadeedu ma geerida kadib bay billaabataa?!
    Miyeysan layaab ahayn in saynisyahanno aan muslimiin ahayn ay baaritaan ku samaynayaan in ay nolol ka jirto koonka (universe-ka) intiisa kale, dadaal iyo juhdi aad u badanna lagu bixiyo sidii arrinkaa loo ogaan lahaa, loogana faa'iideysan lahaa , halka uu Qur'aanku ina barayo iney nolol ka jirto koonka intiisa kale ?

    Laakiin waxaa ayaan darro ah in wadaaddadu badankood ka dhacsan yihiin sayniska, isla markaana ay diintiiba ka dhigeen mid aan dunniba la xiriirin, ee ay shaqadeeduba billaabato geerida ka dib! Qur'aanku wuxuu ina baray in koonka intiisa kale ay ka jirto nolol, in la baarana waa mid xagga Alle loogu sii dhawaanayo. Maxay yihiin aayaadka inoo sheegaya in nolol kale ka jirto koonka?

    Akhri suuratul-al-shuuraa, aayadda (29), micnaheeda oo gaabannna waa sidan: "(Alle) Aayaadkiisa waxaa ka mid ah abuuritaanka samooyinka iyo dhulka iyo wixii noole (daabbad) ah ee uu dhex dhigay, (Alle) awood ayuu u leeyahay inuu dhammaantood isku keeno hadduu doono".
    Dabcan , wadaaddada qaarkood ayaa ereyga (daabbad ama noole) ee ku jira aayadda isku dayay inay ku fasiraan malaa'ig, taasina waa mid aanan dhacayn, labadaan sababood darteed:

    1. Daabbad waxaa la yiraahdaa noolaha xayawaanka ah , ee wax cuna , waxna caba, isla markaana ku dul nool goob mucayan ah (dhul iwm), Laakiinse horraanta suuratul Faadir, ayaa waxay ina bartay in malaa'igtu leeyihiin garbo ay ku duulaan (uulii ajnixatin, mathnaa, wa thulaatha, wa rubaaca..).

    2. In daabbaddu ka duwan tahay malaa'igta waxaa si toos ah inoogu sheegeysa aayad kale: suuratul al-Naxal, aayadda (49) " Ilaahay waxaa u sujuuda wax kasta oo ku nool sammooyinka iyo dhulka, ha ahaadaan daabbad ama malaa'ig iyagoon isweyneysiineyn".     [Waa socotaa..]
    Somalia: Horta, yey Taladeedu ka go'daa ?!
    Waxaa Qoray: Ibrahim Macallim Mursal
    Esdoornstraat 20, 7151 ZA Eibergen, The Nederlands
    Tel/Fax +31 545-476473. E-mail: mursal@gelrevision.nl
    Is-abaabul kooxeed, iyo magacyo marasaar ah!
    1. Is-abaabulka kooxaha
    Haddaba waxaa maamulkii rayidka ee 60 meeyadii dhaqan siyaasadeed (political culture) u ahaa in marka uu soo dhawaado waqtiga doorashada baarlamaanka ay koox waliba sameysan jirtay xisbiyo u gaar ah, ilaa doorashooyinkii ugu dambeeyay 1969kii ay ku dhawaadeen 90 xisbi.

    Nolosha xisbiyada sidaas ku abuurmeen waxay ku ekeyd maalinta doorashada ay dhammaato. Ma lahayn ajenda siyaasadeed iyo ujeedooyin mustaqbal ah. Haddase shalay maxaa maanta uga eg. Kooxo iyo magacyo duugoobeen ayaa boorka hadda laga jafayaa: duubyo, isimo, guurti iyo wixii la mid ah.

    Waxaa maalin walba abuurmaya ururo aqoonyahanno, xirfadeedyo, dhallinyaro, haween, xuquuq aadani, samafal oo ah badankooda kooxo horay u jireen hase yeeshee ujeeddooyin kale loo sameystay, laakiinse dantu ay tahay uun laftaada dheriga kagala soo bax. Ma laha barnaamij siyaasadeed, ajenda hawlgal maamuleed amase qorshe horumarineed ee qaran toona.

    2. Yaase loogu daneynayaa magacyadan mara saarka ah?
    Waxaa hubaal ah in aan marna aan loogu daneyneenin qaran Soomaaliyeed ee dhisma. Odorosyadeennii hore, (Arag Sahan I iyo Sahan II), halkan kama maqna. Shirqoolka ah in Soomaaliya ay ahaato bulsho casryadii laga soo tagay ku nool oo xadaaradda iyo horumarka dunida ka qattan. Meel si dhib yar dowladaha deriska iyo xulufadooda ay uga muraadsan karaan. Ma aha waxa lala doonaayo in cudurka haya laga daweeyo ee waxaa la doonaya in cudurka uu disho, hase yeeshee xanuunkiisa aysan dareemin.

    In lagu mudo cirbadda xanuunka seexisa. In la yiraahdo dowlad baad tihiin, laakiinse isku dad ma tihiin oo qowmiyado kala duwan ayaad tihiin. Waa la idiin ilaalinayaa, waana laydiin kala ilaalinayaa. Cid walbana goonideeda ayaa loo duubayaa, loona caleema saarayaa. Horaa loo sheegay: wax xaq ah oo baadil loola jeedo ayaa jira. waa xaq shacbiga inuu xukunka u sinnaado oo isaga isxukumo, dhaqaallaha si caddaalad ku jirto loo qaybsado, sinnaan iyo cadaalad laysu maamulo.

    In la iska qabto dulmiilowayaasha iyo qas abuurayaasha; bulshada deriska ah iyo tan caalamkana taageero uu ka helo; laakiinse xaq ma aha in qiimuhuu uu noqdo madaxbanaanida shacbiga, ku tumashada karaamadiisa iyo xurmadiisa caqiiddo iyo jiritaankiisa qowmiyadeed amase quwadaha shisheeyaha iyo cadawga soo jireenka dalka loo san dulleeyo. Laxba shilalkii ay is dhigto ayaa lagu gowracaa!     [Waa socotaa..]

    la xiriir Ibraahim Salah (for free copy)
    BOGGA 6AAD BOGGA HAWEENKA
    Qasim's photo
    Qasim Hirsi
    Waxaa Qoray: Qaasim Xirsi Faarax
    International Islamic University
    Gombak, Kuala Lumpur, Malaysia
    Email: qasim55@hotmail.com
    Soo booqo bogga
    ururka Almanhal
    almanhal
    SINAANTA RAGGA IYO DUMARKA
    IMINKA AYAA SI BUUXDA LOO DHAQAN GELIN KARAA MARAGFURKA HAWEENEYDA
    Si kastoo aan u raadshayba waxaan marnaba heli waayey daliilo qayaxan– caddayn ah ee taageeray diidmo. Ha ahaato daliishaasi mid ah Go'naan sugan – Qadhci al-thubut ama Go'naan caddaymeed – qadhci al-Dalaalah, oo noo caddayn karta in markhaatiga haweenka aan lagu aqbali karin dacwooyinka lagu qaadayo falalka ka soo horjeeda xuduudaha. Waa yaabe, weli ma hayno Aayad ama Xadiis inoo suga arintaas diidmada ah. Iskaba daaye, waxaanu sunnada ku haynaa xadiisyo sugaya in margfurka haweenka lagu aqbalayo dacwa kaste oo la xiriirta kiisaska xuduudaha.

    Waxaa ka mid ah xadiisyada inoo caddaynaya arimahaas; Markii uu Maacis ku cel celiyey afar jeer qirashadiisii ku saabsanayd dambiga zinaysiga ee ku lidka ahaa naftiisa, waxa uu Nebigu (Nabad gelyo iyo Naxariis Korkiisa Ha Ahaatee) ku yiri; " Waxaad naftaada ku maragfurtay afar jeer" . Halkaa Nebigu waxa uu inagu baray tafsiir lagu fasiri karo macnaha "maragfur". Taasina waxay naga kaafinaysaa macnihii ay u dan lahayd Aayadda quraanka ah ee sheegaysay in dambiga zinada ay caddayn karaan afar marag.

    Haatan anaga oo isla arintaas sii daba galayna aan eegno markii ay haweenayda reer Qaamidi ahayd iyana sidaa si lamid ah ugu hor qiratay Nebiga dambiga zinaysiga oo ku lid ahaa nafteeda, Nebiguna uu isku maragfurkeeda (afar jeer) awgii ku qaaday xukun ciqaabeedkii ku beegnaa fal dambiyeedkeeda.

    Waxaa halkaa inooga cad in kolkii ay haweeneydu isku maragkacday afar jeer uu marag kaceedii u dhigmay iyada oo ay afar rag ah ama afar haween ah oo ka gaar ah nafteeda ay ku marag kaceen. Waayahaye maxaan ku diidnaa margfurka dumarka?.     [Waa socotaa..]
    BOGGA 7AAD DIINTA ISLAAMKA
    Habnololeedkii Saxaabada Rasuulka
    Waxaa Qoray: Ibrahim Salah Adan
    Email: ibra88@hotmail.com - Odense, Denmark
  • UMMU SALAMA
    Muslimiintii joogay dhulka Xabashida oo aad u fara badnaa, ayaa waxaa soo gaaray war sheegayay in tirada Muslimiinta joogta Makka ay aad u bateen, sidoo kale ay soo islaameen halyeeyadii Xamza iyo Cumar Binu Khadaab oo iyagu ahaa kuwo ay qureysh ka haybaysato.

    Qaar ka mid ahaa muslimiintii ayaa go'aan ku gaaray inay u laabtaan magaalada Makka, kuwaasoo markii horeba xiiso weyn ugu qabay magaalada Makka. Haddaba, Ummu Salama iyo ninkeedii ayaa waxay ka mid ahaayeen dadkii ku soo laabtay magaalada Makka.

    Muslimiintii markii ay yimaadeen Makka, ayaa waxay ogaadeen in warkii loo sheegay uusan ahayn sidii loogu sheegay, balse dhexalsiiyay inay dhibaato ka weyn tii hore ay kala kulmeen Qureysh. Gaaladii waxaa lagu fidneeyay jirdilka iyo cabsi gelinta muslimiinta, waxay u geysteen dhibaato ayan hore ugu geysan.

    Rasuulka (scw) markuu arkay xaaladdaas qadhaadh ee qallafsan, ayaa wuxuu Asxaabta amray inay mar kale u haajiraan, iyagoo u hijroonaya magaalada Maddiina. Ummu Salama mar kale waxay go'aansatay inay ka mid noqoto dadka u hijroonaya Madiina, kuwaasoo la cararaya diintooda iyo inay ka badbaadaan dhibaatooyinka qureysh.

        [Waa Socotaa..]
  • BOGGA 8AAD xayaysiin
    BOGGA DHALLINYARADA
    SHEEKADII KALIILA IYO DIMNA
    Qaybtii: 50aad
    Waxaa qoray: Cabdullaahi Ibn al-Muqafac
    Waxaa soomaaliyeeyay: Xersi Labahagarre
    Bandar Seri Begawan, Brunei Darussalam
    T U K I H I I -- I Y O -- G U U M A Y S K I I
    Waxaa dhici karta in shimbiraha intooda badani ay arkeen inta aan arkay in ka badan, oo ay ogaadeen laba laabka inta aan ogaaday, waxaa aan ku hadlay in ay ku hadlaanna waxaa u diiday, in ay ka dhowrsadeen wax aanan ka dhawrsan, iyo in ay ka fiirsadeen wax aanan ka fiirsan salkoodu waxa uu noqondoono, taasina kuma sii jirto haddii hadalku yahay hadal aad u xun, oo qofka maqlayaahi iyo midka ku hadlaya labaduba ka la kulmayaan xumaan dhaxalsiida nacayb iyo uurxumo, mana habboona in hadalkan oo kale lagu tilmaamo hadal ee waa fallaaro.

    Qofka wax garadka ahna in kasta oo uu ku kalsoonyahay awoodiisa iyo wanaaggiisa, ma haboona in taasi ku qaaddo in uu naftiisa nacayb u soo jiido, asiga oo isku halaynaya garaadkiisa iyo awooddiisa, sida aaney ugu haboonayn nin haddii uu daawo sun haysto in uu sun cabbo asiga oo daawadaas isku hallaynaya, ninka falwanaajiyana inkasta oo uu si uu u sheego garanwaayo, marka dambe wanaaggiisa ayaa soo baxa oo soo dhalaala marka runta la gaaro.

    Ninka afmiinshaarka ahna in kasta oo uu dadku ka yaabo sida uu arrimaha u qeexayo, arrintiisa salkeeda lama mahadiyo, aniguna waxaan ahay ninka hadalkaas aan salkiisa la mahadinayn yiri, miyaaney doqonimo ii ahayn in aan ku dhiirado in aan ka hadlo arrin sidaas u culus, aniga oo aanan qof kale la tashan, oo aanan ka baaraan degin, qofkii aan dadka wanaagsan la tashanna, ee maskaxdiisa ku howlgala asiga oo aan ka fiirsan oo aan ka baaraan degin, kuma farxo meesha garaadkiisu geeyo, bal miyaan u baahnaa wixii aan maanta shaqaystay, iyo murugadii aan ku dhacay.
    Tuke naftiisii hadalkaa iyo mid la mid ah ayuu ku canaantay, dabadeedna wuu baxay.     [Waa socotaa..]

    BOGGA 9AAD!Register-It! -
 Promote Your Web Site!
    HIDDAHA, DHAQANKA, SUUGAANTA IYO AFKA SOMALIDA
    MACMACAANKA MURTIDA SOOMAALIYEED
    1. Hal caana diidaysa geed ay ku xoqato ma wayso.
    2. hafyo hadal kuma jirto.
    3. Haddii fooli timaado guda qarsi dhammaa.
    4. Ha is qadinina waad kala tegaysaane, hana isquursanina waad is dilaysaane.
    5. Haddaan la kala roonaan roob ma da'o.
    6. Hashii caana diidi rabta geed ay ku xoqato ma wayso.
    7. Habar fadhida fadalla u qaabsan.
    8. Habar fadhida lagdan u qaabsan.
    9. Hashii bila qadday beryo kuma darsan waydo.
    10. Horwayn geel xusuus bay biyaha u cabtaa.
    BOGGA 9AAD xayaysiin
    IIDHEH IYO OGAYSIIS
    Soodhawaynta Isku dubbaridaha Wargayska!
    Xurriyadda Ra'yiga
    Walaal aqriste, ma dhacday hadda ka hor in lagu cadaadshay ama aad cadaadis la kulantahy?!
    Madhacday hadda ka hor in xaqaaqa aad u leedahay in aad ra'yigaaga dhiibato lagaa inkiray?!
    Ma dhacday hadda ka hor in aad intaad hadal maagtay, aamus lagu yiri, oo hendedaad iyo cabsiin laguugu deray?!
    Ma dhacday hadda ka hor in kuwa jahli iyo cadaawo isku gaashaan buursaday ay kugu jujuubeen in aad ra'yigooda raacdo?!

    Haddii aad la kulantay waxyaabahaas kowo kale oo la mid ah, maanta waa laga baxay waqtigii lays jujuubi jiray, oo jaahilku caalimka afqabanjiray.

    Adiga oo ku bishaaraysanaya horumarka warbaahinta casriga ahi gaartay ha illoobin in aad cadkaaga goosato, oo aad ra'yigaaga si madaxbannaani leh u dhiibato, adiga oo aanan cidna ka baqin!!

    Wargayska Somali Electronic Journal waa wargayska kaliya ee xurnimo buuxda kuu siinaya in aad fidiso figradahaaga, asiga oo aanan kugu xirin, qabiil, mad-hab diimeed, aydoloojiyo gaar ah iyo siyaasad dowladeed toona.

    Meesha joornaallada kale ee soomaalida badankoodu ay u adeegayaan kooxo gaar ah iyo xoogag qabiil iyo kuwo diimeed, SEJ wuxuu kaa ballan qaadayaa in uu fidsho maqaal kasta oo loo soo diro, uusanna ku xirin wax aan ahayn shardiga (farsamada) qoraalka.

    Wargayska SEJ oo hadda wixii ka dambeeya xoogga saari doona daraasooyinka iyo Cilmi baarista!
    Wargayska SEJ dhowrkii sano ee la soo dhaafay wuxuu si isu dheelli tiran ugu soo gudbinayay bulshawaynta soomaaliyeed, wararka, murtida, daraasaadka diinta la xiriira iyo waxyaabo kale oo badan.

    Maanta oo qoraayaasha SEJ ay aad u bateen ayna noqdeen kuwo awood u leh in ay dadaalkooda kordhiyaan isla markaana ay badatay baahida loo qabo qoraallo cilmiyaysan oo ku kala saabsan jaadadka kala duwan ee aqoonta, ayaa waxaa maamulka wargaysku garawsaday in la soo gaaray waqtigii la labanlaabi lahaa dadaalka aqoonyahannada soomaaliyeed.

    Sida aan wada ognahay waxaa dhulalka shisheeye ee Yurub iyo Maraykanka ka kacay dhallinyaro badan oo soomaali ah oo ayaga oo yaryar dalkoodii ka soo qaxay, waxayna u baahanyihiin in ay helaan waxsoosaar soomaaliyaysan oo ay ku faani karaan, sidaa darteed ayaan ogaysiinaynaa dhammaan dhallinyarada in ay xoogga saaraan qoraalka cilmiyaysan loona jeesto sidii loo dedi lahaa baahida aan soo sheegnay.

    Wargayska SEJ wuxuu hadda wixii ka dambeeya ahaan doonaa goob lagu soo bandhigo qoraallo cilmiyaysan oo ku saabsan aqoonta jaadadkeeda kala duwan, wuxuuna yarayn doonaa mudnaantii uu siin jiray wararka kol haddii aanay dhallinyarada ku kacday dalka dibaddiisa ka faa'iidaysanayn wararkaas.

    Programmed, Developed and Written by Hersi M. Labagarre
    Codka Somalida Cusub, Waa wargays Electronic ah oo Toddobaadle ah, wuxuu ku soo baxaa afka Soomaaliga Maalin kasta oo Axad ah
    WARGAYSKAN MAQAALADAHA LAGU FIDSHO, WAX AAN SHARDIGA FARSAMO AHAYN LAGUMA XIRO, KAAS OO AH IN MAQAALKU AHAADO "WAR ISKU TOOSAN OO UJEEDDO LEH"

    "DHAMMAAN MAQAALADAHA WARGAYSKAN KU SOO BAXA WAXAY U TAAGANYIHIIN ARAGTIDA QORAAGA ASIGA AYAANA U QOOLAN, EE UMA TAAGNA UJEEDDADA WARGAYSKA, ISKUDUBBARIDAHANA WAX XIL AH KAMA SAARRA"

    DHAMMAAN XUQUUQDA DAABACAADDU WAY DHOWRANTAHAY

    Copyright 1998 - Labagarre - All rights reserved.
    Nala soo xiriir
    booqo csc H. page
    Saxiix B. Martida
    Codso wargayska sej
    Dhiibo Aragtidaada
    Akhriso B. Martida
    Xayaysiin
    Bogaadin
    Somali Forum
    Free Email
    Free Guest Book
    Free Home Page
    Note: To subscribe Somali Electronic Journal send email to: SEJ-subscribe@topica.com
    To unsubscribe Somali Electronic Journal send email to: SEJ-unsubscribe@topica.com
    To subscribe to Somali Comedy List send email to: CSC-subscribe@topica.com
    To unsubscribe to Somali Comedy List send email to: CSC-unsubscribe@topica.com