Site hosted by Angelfire.com: Build your free website today!
S o m a l i    E l e c t r o n i c    J o u r n a l
A Destination for Somali News, Business and Culture
S.E.J
Main
Page
  • Somali Studies
  • Somali Culture
  • Business
  • Communication
  • Computers
  • Education
  • Entertainment
  • Hobbies
  • Internet
  • Jobs
  • Libraries
  • Music
  • S.E.Journal
  • Newspapers
  • Organisations
  • Search Engines
  • Shopping
  • Sports
  • Travel
  • Women
  • Gundhigga Wargayska
    Aqarso B. Martida
    Taariikh: 30.1.2000
    Saxiix B. Martida
    BOGGA 1AAD ARARTA WARGAYSKA
    The Editor
    Hersi Labagarre
    Qasim's photo
    Qasim Hirsi
    Waraysigii aan la yeelanay Qasim Hersi Farah
    Toddobaadkan waxan ararta wargayska ku soo qaadanaynaa, waraysi aan la yeeshay Qaasim Xirsi Faarax oo dhawaan loo doortay Guddoomiyaha Ururka Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Malaysia.
    QAYBTII 2AAD:
    Bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Malaysia
    S. waxa jirat in wadankaan madaxdoodu ay u badan yihiin dad aqoon leh, oo halkani waa meel aqoonta iyo garaadka laga tixgeliyo idinka wadankiinana waxaa mudnaanta koowaad la siiyaa qofka wixii uu Aabihii ahaan jiray ama inta uu markaa lacag haysto. hadaba sidee baad isugu keenaysaan labadaas siyaasadood ee kala durugsan?

    J. taasi waxay ka mid tahay casharada aan ka baranay halkaan. oo waxan baranay sida qof walba looga fisho in uu keeni karo garaad iyo maskax wax anfacda, sidaa darteed aan qofna laga hortagin inta uusan xujadiisa soo bandhigin.

    S. maadaama ay tiradiinu iskaba yartahay aadnaan rasmina kuwada ahayn dalka maxay taraysaa jaaliyadiina iyo is aruursigiinu?
    J. waxa badan bay tartaa oo haatan jaaliyadaan dadkii soo aasaasay way ka wada baxeen wadankan laakiin dad kale ayaa ku intifaacay.

    S. maxaa ka mdi ah rasmi ahaan waxyaalaha aad qabataan?
    J. waxanu wax ku leenahay golayaasha kulamo ee laga aqoonsan yahay dalka. waxan xiriir la leenahay guud ahaanba daljirayaalka ka jooga waddankaan dalalka aan wax wada wadaaga leenahay sida kuwa Carabta iyo Afrikaanka.

    Waxan ka qayb galnaa golayaal ama kulamo dhaqan ban dhigeed oo lagu kala qabto meelo kala duwan. waxan wax barasho la doonaa ama usahalnaa Somalida danaynaysaa in ay halkaan wax ka bartaan. waxan ka war qabnaa qof kaste oo halkaan jooga iyo xaaladiisa nololeed oo kuligeenba waxanu nahay qoys qudh ah.

    Waxaaanu Somalida u qabaanaa kulamo, siiba maalmaha ciidaha, halkaasna waxan ku soo banhignaa barnaamijyo kala duwan oo xiiso leh una faa'iideeya bulshada; waxa ka mid ah; dood cilmiyeedyo, aqoon is weydaarsiyo, kedisyo, warbixino, muxaadaraad diini ah, riwaayado cilmi iyo caqli celin ku dhisan. iwm.

    Waxan soo dhaweynaa oo kulamo jamaaci ah u samaynaa dadka Somaliyeed ee naga soo booqda dhulalka kale. waxan ku guubaabinaa oo kala shaqaynaa ardayda Somaliyeed ee dalka wax ku barata sidii ay dalkii ugu noqon lahaayeen oo uga qayb geli lahaayeen dhismaha dalka.     [Dhamaad]
    Somali Forum
    Free Email
    Free Guest Book
    Free Home Page
    BOGGA 2AAD WARARKA SOOMAALIDA
    Laba iyo toban qof oo dablay ku dishay Somalia
    Muqdisho January 29, 2000, Laba iyo toban qof ayaa la dilay toban kalena waa lagu dhaawacay kadib markii niman dablay ah soo weerareen kolonyo baabuur ah oo gargaar ay wadday hay'adda CARE u sidday bakool.

    Warku wuxuu intaa ku deray in ay dadka dhintay ka mid ahaayeen 9 qof oo la socotay baabuutaas gargaarka siday, kadib markii gantaal ay ku rideen burcaddu baabuurkii ay la socdeen. Weerarkaasi wuxuu dhacay Jimcihii ina soo dhaaftay, wuxuuna ka dhacay tuulo Buqda Aqable la yiraahdo oo qiyaastii 80km ka jirta galbeedka Magaalada Buulo Burte.

    Waxaa kale oo la sheegayaa in nimankii dablayda ahaa 3 ka mid ah la dilay, kadib markii ay xabbad isku asqeeyeen muddo nusaac ah, iyaga iyo intii ka hartay colkii kolonyada la socday, halkaas oo la sheegay in burcaddii baqdin jaanta wareen ayaga oo aan wax mood ah dhicin.

    Weerarkaas in uu dhacay waxaa xaqeejiyay hay'adda CARE, waxaana loo malaynayaa in ay ka dambeeyeen dad ka tirsan qabiilka Gaal Jecelka ee degaanka Buqda Aqable deggan.

    Waxaa kale oo wararku sheegayaan in degmooyinka Xudur iyo Tayeeglow ay gaajo si xun u waxyeellaysay. Warku wuxuu intaa ku daray in 21 qof macluul ugu dhinteen gobalkaas Bakool toddobaadkii la soo dhaafay, haddana laga cabsi qabo in qaar kale dhintaan haddii aaney helin kaalmo xagga cuntada ah.

    Somaliland vs Puntland iyo waanwaanta Djibouti
    January 29, 2000, Maamulka Puntland ayaa la sheegayaa in uu soo saaray go'aamo uu ku caddaynayo in uusan ka qayb qaadan doonin shirar kala duwan oo lagu qaban doono Hargaysa, magaala madaxda Somaliland.

    Wararku waxay sheegayaan in arrinkaasi ka dambeeyay kadib markii maamulka Somaliland uu soo tarxiilay koox macalimiin ahaa oo loogu tala galay in ay ka qayb qaataan tababar ka ay ka wadeen Hargaysa qolyaha loo yaqaan Centre For British Teachers (CFBT).

    Arrinkaas ay ku tallaabsatay Somaliland awgiis ayaa Puntland u geeyay in ay go'aan ku gaaraan in aney marnaba ka qayb qaadan kulamada kale ee soo socda ee qorshuhu ahaa in lagu qabto Somaliland oo ay ka mid yihiin mashruuc ay taageereen EC_du oo loogu tala galay kobcinta waxsoosaarka xoolaha.

    Wararku waxay intaa ku dareen in khilaafkaasi salka ku hayo khilaafka labada qolo horey ugu dhexmaray sheegashada maamulka gobalada Sool iyo Sanaag. Waxaa kale oo laga cabsi qabaa in khilaafka Somaliland iyo Puntland kuftin horleh ku noqdo waanwaanta Djibouti ka socota haddii aanan xiisaddaas si dhaqso leh loo dejin.

    RRA-da oo ka noqotay go'aan ay horey u soo saartay
    January 29, 2000, Jabhadda Raxanwaynta ee loo yaqaan RRA-da, ayaa ka noqotay go'aan ay horey uga soo saartay shaqaalaha ay qoranayso hay'adda UN-ka iyo hay'adaha NGO_ga ee ka howlgalaya goballada Bay iyo Bakool.

    Jabhaddaasi go'aankaas hore waxay hay'adahaas ku amartay in aanay shaqaalayn qof aan u dhalan beelaha Digil iyo Mirifle, oo aanay shaqaalayn dad ka u dhashay qabiilooyinka kale ee soomaalida, hase ahaatee, kadib markii ay arrinkii dib uga fiirsadeen ayaay go'aan kale ku gaareen in ay arrinkaas dib uga noqdaan.

    Cudurka Daacuunka oo la sheegay in uu Muqdisho ka dillaacay
    January 29, 2000, Muqdisho, warar aan sugnayn oo laga soo xigtay maamul beeleedka magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in cudurka daacuunku magaalada aad ugu fiday oo ku laayay dad tiradoodu gaarayso 27 qof, 300 oo kalena wax yeeleyay.

    Arrinkaasi wuxuu keenay in hay'adaha gargaarka dhinaca caafimaadka qaar ka mid ah ay ka furaan magaalada bukaan socod ay ugu tala galeen in ay ku daaweeyaan dadka cudurkaasi wax yeeleeyay, waxaana laga furay bukaan socodkaas Isbitaalka Forlanini, halkaas oo ilaa iyo hadda la sheegayo in lagu daaweeyay 13 qof.

    Dhaqaaatiirta gargaarku waxay sheegeen in cudurka daacuunku sanad walba ka dillaaco magaalada Muqdisho, laakiin uu sanad kasta ka duwanyahay kii ka horreeyay, marka laga eego fididda iyo qatarta cudurkaas. Waxaa kale oo ay intaa ku dareen in aanay jirin wax caddaynaya warka ay sheegeen maamullada beeleed ee ah in dad gaaraya 300 cudurkaasi wax yeeleeyay 21 kalena u dhinteen.

    Shir lagu qabtay Boosaaso
    Boosaaso, Wed, 26 Jan 2000, Siad Abshir, Qolyaha u dooda xuquuqda aadanaha, Qoraayaasha, shaqaalaha gargaarka iyo wufuud kale oo ka kala socota dhammaan goballada Soomaaliya ayaa ku shiraya magaalada Boosaaso, si ay uga wada xaajoodaan, kaalinta ay ka qaadan karto bulshadu dib u dhisidda aayaha dalka.

    Kulankan, oo ah kii ugu horreeyay ee noociisa ah, wuxuu warcelin u ahaa waanwaantii u dambaysay ee uu madaxwaynaha Djibouti ka soo jeedshay UN-ka September tii la soo dhaafay.

    Asiga oo aan la mid ahayn, laba iyo tobankii kulan nabadeed ee laysku deyay in lagu dhexdhexaadiyo abaanduulayaasha soomaalida, waanwaanta madaxwayne Geelle waxay ku salaysantahay kaalinta bulshawaynta soomaaliyeed.

    XUSUUSIN
    Toddobaadkii hore, waxaan ka soo xiganay war magaalada Caabud waaq, kaas oo ku saabsanaa, dib u furidda dugsiyada degmadaas, waxaanna hadalkaas la socday war sheegya in (ay nin dileen guddigii dugsiga furayay), hadaba war kale oo aan kadib isla magaalada ka helnay ayaa sheegaya in (ninka la dilay, ka mid ahaa guddiga ee aanan guddigu cidna dilin). Sidaa darteed aqristayaasha waxaan ka codsanaynaa in ay sidaa ula socdaan.

    BOGGA 3AAD BOGGA GANACSIGA IYO DHAQAALAHA
    Sarrifka Lacagaha dalalka ay badanaa Soomaalidu deggantahay.
    Dalka Lacag US$1 =
    Qatar Rial 3.639
    Bahrain Dinner 0.3769
    Kuwait Diner 0.3047
    Switzerland Frank 1.501
    Malaysia Ringit 3.800
    Dalka Lacag US$1 =
    Somalia Shilling 9620
    Djibouti Frank 177.72
    Syria Lire 45
    Sudan Diner 247.10
    Yemen Riyal 148.15
    Dalka Lacag US$1 =
    Australia Dollar 1.5349
    Thailand Bahat 37.95
    Canada Dollar 1.4823
    England Pound 0.6207
    Europe EURO 0.9374
    Dalka Lacag US$1 =
    Saudi Riyal 3.750
    U.A.E Durham 3.672
    Oman Riyal 0.3849
    Egypt Pound 3.409
    Iraq Diner 0.3107
    Anglefire Free Email
    BOGGA 4AAD BOGGA QUBANAHA
    Faallada Arrimaha Soomaalida
    Toban Guuradii Saxariirta Soomaaliya
    Waxaa Qoray: Axmed Xirsi Faarax
    P. O. Box 3378, Ras Al Khaimah, U.A.E.

  • Deeqda Ilaahay Soomaalida Siiyay

  • Ummad dadkeedu uu ka yar yahay 10 Milyan, haysata dhul Alle ku mannaystay macaadin noocyo fara badan leh, dhul barwaaqo leh oo umadaha kale ay qaar ku tusaaleeyeen Jano Adduun, laba wabi oo lagaga faa'iidaysan karo waraab, awood dhalin iyo siyaabo kaleba ay dhex maraan, ka mida dawladaha ugu xoolaha qanisan geeska Africa, Ay ku dhereran tahay badwaynta Hindiya inta ugu badan Afrika marka laga reebo Koonfurta Afrika, intaas waxaa kasii daran Istaraatiijiyadda Adduunka ay ka haysato, kabasii darane waa isku diin Muslimiin, Suniyiin waliba ku abtirsada madhabadda Shaaficiyada.

  • Ayaandarrada Soomaalida Haysata

  • Nasiib daro waa ummad meel kale wax ka mareen oo iska neceb shaydaanka, midba midka kale dhiiggiisa iyo xoolihiisa ayuu xalaalaystay in yar oo ka mida mooyaane.
    Waxaa dagaal sokeeye ka aloosay halkaas kooxo dano shisheeye ku fulinaya dano gaara oo fiirro gaaban ku salaysan, kuna tuntay dadkoodii iyo dalkoodii iyo diintoodiiba. Waxay dadwaynihii cilmi daradooda iyaga oo ka faa'iidaysanaya ka dhaadhiciyeen inay ku jiraan jihaad jidka Alle ah maaddaama ay yihiin dad lagu xad gudbay kuna dhiiri galiyeen inay aarsadaan, taasi waxay soo kicisay cuqdado hore u dhe yaalay qabaa'ilka Soomaaliyeed isla markaana ku jihaysay kulligood fikrad ah yaan lagaaga dambayn gacanta iyo magacaba. Halkaas ayaa waxaa ka baxday waddaninimadii iyo is xilqaankii iyo Aakhiro wax u reebashadiiba.

  • Ahludiin Bulshao Dagaal gelinaya!!

  • Waxaa kasii murugo badan in qaar sheeganaya inay dadka ka aqoon og yihiin diintu u jiheeyaan dadka dagaal galidda, taasi waxay ka dhacdaa qabaa'ilka Soomaaliyeed guud ahaan. Waxay daliilshadaan in ay difaacaan dalkooda, dadkooda iyo diintoodaba iyagoo illoowsan inay dadku isku dad yihiin, isku diin yihiin oo walaalo isku ab iyo awoowe ah yihiin inay is dahleen inaysan sina u kala bixi karin ayse ku dhiiri galiyeen inay kuwoba kuwa kale dalka ka saaraan, in kastoo aysan qabiilna dagaal ku tirtiri karin iskaba daa tir tiride ay sii kordhinayso cadaawad iyo ciil kaambi.

    Waxaa ka dhashay dagaaladaas sokeeye qasaarooyin badan oo ay ugu horayso tan ilaa hadda taagan dawlad iyo qaranimo la'aan iyo qawlaysato dhiigga dadka cabba kuna qubaysta kuna seexda oo u haysta hadduu dagaalku dahmaado inaysan shaqoba helayn, kuna dan gaara danaha shisheeyaha midba gaarka u taageera taageero aan horay u socod lahayn, tusaale ahaan Itoobiya oo qabiil kaste si gaara ugu amarta danteeda kuna sooo jeedda sii majaxaabinta wax kasta oo umaddaas cadawgeeda ah ee Soomaaliya sidii ay usii kala diri lahayd.
     
    Horta, Qof Dagaal ku taliyay Nabad ma dhalin karaa?!
    Maxamad M. Caddaawe "Geeddow" Bernard de Wildostraat 430, 4827 EH Breda Netherlands
    E-Mail geddow@hotmail.com. Websites www.goplay.com/Geeddow2 , www.goplay.com/Cadale1
  • Shakiga iiga Jira waxtarka Soomaalida
    Anigoo tixraacaayo gabagabadii maqaalkii aan horay u soo qoray oo eheed in aniga shaki weyn iiga jiro in Soomaalidu kaligeed xal dibu heshiisiin ah gaarikarto aan waxaan jecelahay inaan xoogaa faahfaahin ah arrintaas ka suubiyo.Dadbadan oo Soomaali ah iyo kuwo kaleba waxaa u muuqato in dhibaatada Soomaaliya beriga kataagan ey Soomaalida oo keli ah dhameykarto, hase ahaatee aniga sikale ey iila muuqataa arrintaas sababaha aan soo sheegidoono dartood.

  • Dhibaatooyinka Dagaal-huriyayaasha
    1-Dagaal huriyayaasha oon iskumeel kawada arkeyn dib u heshiisiita , soocelita nidaamka qarannimo, midnimo iyo suubinta maamul loo dhanyahay. midwalbo oo kamid ah nimankaas waxaa maskaxdiisa ku dhigan in maamulkaas dhismaayo ow usuga madax kanaqdo hadiikalena aanba ladhisin owna ku dadaalo sidii ow u horjoogsalahaay mar hadii ow usuga gefay.
    2-Iydoo maalinwalbo ey dhalahaayaan ama abuurmaayaan dagaal huriyayaal cusub oo badankoodu ka farcanmaayaan kuwii hore tasoo badankeeda ka imaaheyso iskhilaaf fikir iyo dano kedibna keeneyso in lakalatago.Waxaad fiirisaa meeqo dagaal huriye aa dhalatay shirkii Qaahiro kedib, 3-Iyadoo ninkii toman cunug, hal tikniko ah iyo xoogaa bunduqyaa heestaba ku doodaayo inow madax yahay la''antiisna aan wax laqabakarin qeybtiisana ow rabo.

  • Wadaaddada iyo Ganacsatadu ma Dagaal-huriyayaal cusub baa?!
    4-Iyadoo xoogii wadaadada oon rajada ka qabay iney dalka diinta ku maamulidoonaan ow waxqabadkoodii gaabiyo uyuka naftoodana naqdeen kuwo kasoo jeedo dagaal huriyayaasha dadka dhibay iyo ganacsatada ku nool dhiigga dadka, xoog madaxbannaana ey naqawaayeen. 5-Ganacsato ku barbaartay dagaalka sokeeye dhexdiisa dhaqaalihii dalkana si xaaraanu u badantahay uga faa'iideysta oo laga yaabo iney siwalbo isugu dayaan inaan dalka nidaamkii ku soo naqan dowladna aan laga dhisin, iyagoo og in haddi nidaam yimaado ey weyhaayaan waxa ey heystaan.

  • Dadwaynow, maxaad tahay? mise isku kalsoontahay?!
    6-Iyadoo dadweynaha kale ow u qeybsanyahay qabiilo kalana taageersan dagaal huriyayaasha, badankooduna ey qabaan in nimakaas la'aantood eyna noolaakarin dhinacyada dhaqaalaha iyo kuwa nabadgelyadaba uyukoo haddana og in maalinwalbo marka lamo kooxood isku dhacdo waxa dhimahaayo ey uyuka iyiin cid dambo oo isweydiisana eynajirin.Waxaa layaab leh in dalkeyna baabuurka ama xoolaha laka dhaco ey ka qiima badanyihiin nafta qofka aadanaha ah waxaa suuto gal ah in wixii lakala dhacay markii laheshiiyo lees warsado hase ahaatee aan lees warsa xaalka dadka meeshaas ku dhintay hadeyna mooryaata wax dhaceysay ama kuwii la dhacaayay eheyn.
    7- Iyadoo is aaminkii, isu hilowgii iyo wax wada qabsigii ow dadweynaha Soomaaliyeed ka dhumay oo lagayaabo markii qof wax fiican keeno looga soo horjeesto heybteyna maaha. Sababaha aan kor ku soo sheegay iyo kuwo kale oo badan awgood ayey aniga iila muuqataa in xalka laga sugo Soomaali owna ehey mid imaahaayo amaba ow yahay mid rajadiisu aad u yartahay (tusaale ahaan waxey ilatahay in hadda hal qabiil oo keli ah haddii keenso hal qof oo kaa wakiil ah layiraaho owna ku heshiikarin oo ow isku dilaayo bal iska dhaaf dad kala gedisan oo meel leesugukeeno ee qof doorta layiraaho).

  • Gabagabo iyo gunaanad
    Sidaas daraadeed waxey aniga ila tahay in aduunyadu eyna ku haleyn in dhibaatada Soomaaliya heyso oo weliba maalinba maalinta kadambeyso soo badaheyso aan xalkeeda Soomaali kali ah lagu haleyn.. Waxaan ugudambeystii aduunyada nabadda jecel ugu baaqaa in Soomaalida lasiiyo fursadda ugudambeyso oo ah hirgelita hindisaha ow soo jeediyay Madaxweynaha jabuuti.
  • BOGGA 5AAD BOGGA DOODDA IYO CILMI BAARISTA
    Somalia iyo Kalaguurka Labada Kun!!
    Waxaa Qoray: Ibrahim Macallim Mursal
    Esdoornstraat 20, 7151 ZA Eibergen, The Nederlands
    Tel/Fax +31 545-476473. E-mail: mursal@gelrevision.nl

    Qaniimadda Qarniga!
    Booqashadiisii ugu danbaysay Madaxweynaha Djibuuti wuxuu sheegay in Dowladda Itoobiya ay si ballaaran uga wada hadleen mashruuca nabadaynta soomaaliyeed iyo arima khuseya dhaqaalaha labada Dal. Ma habboon tahay inaan isweydiino in lagu gor-gortamayay Somalaliya ka "Qaniimad" ahaan iyo in kale.

    Matalan hagaajinta "ma-raafiqda" dhaqaale ee Djibuuti sida isticmaalka dekedaha, garoomada iyo gaadiidka amase doorbidka suuqa "Preferential market", marka loo eego kuwa Soomaaliyeed ee la tartami kara Djibuuti, sida dekedaha iyo garoomada Barbara iyo Bosaaso.

    Waa sababaha loo aaneyo xurgufta Itoobiya iyo Eritrea. Djibuutina in abaalmarin ku hesho soo xera gelinta geyiga Somalia, iyadoo Soomaalida Djibuuti u aragto cad iyada ka mid ah oo aysan xasaasiyad ka qabin. Hoggaanka Djibuutine sidee buu arrinta u arkaa? Sow lagama yaabo in Djibuuti weli u aragto Somalia khatar inay ku tahay madaxbanaanidee-da: himiladii Shanta Soomaali, ambase sidaasi looba tusiyaa.

    Maslaxadda Dalka (The National Interest) ayaa wax waliba mudnaanta ka leh. Waa iska Dhanni "hypothesis". (Waa Shar u toog hay, khayr waxba kaama dhibee). Waxaase rajaynayaa in aysan arintaasi rumoobin, maadaama Mashruucan aad loogu han weyn yahay.

    Hardanka awood ku dirirka Goboleed doorkee ku leeyahay mashruuca?
    Xasil darradii bilowga 90aad ee Geeska Afrika, waxay gobolka ka dhalisay hardan awood ku dirir ah. Inkastoo Dowladda Itoobiya ay u sharraxnayd hoggaaminta Gobolka, laakiinse sababo badan awgood aysan ugu guulaysanin, in xitaa gudaheeda ay dejiso. Taasine waxay dhallisay in xasil darrada ay sii jiitanto, ciddii fikradahaasi taageeraysina qalbi jab gelisay. Hub urursi iyo gaashaanbuursi Gobolka ay u horseeday.     [Waa socotaa..]


    Ibrahim Salah
    Habnololeedkii Saxaabada Rasuulka
    Waxaa Qoray: Ibrahim Salah Adan
    Email: ibra88@hotmail.com
    Odense, Denmark

  • Cumeyr binu Wahab
    Cumeyr wuxuu ka dhaqaaqay meeshii uu fadhiyay ee Kacbada, isagoo cadaawad iyo xiqdi aad u weyn u haya Rasuulka (scw) iyo asxaabtiisa.. Cumeyr wuxuu u diyaar garoobay sidii uu u fulin lahaa ballantii uu qaaday, isagoo diyaarsaday qalabkii iyo gaadiidkii uu ku safri lahaa.

    Dhinaca kale wuxuu xirtay seeftiisii sunta marsanayd. Cumeyr wuxuu u safray magaalada Madiina isagoo doonaya inuu soo dilo Rasuulka (scw), markii uu yimi magaaladii Madiina, wuxuu soo aaday dhinaca Masjidka, halkaasoo uu joogay Rasuulka (scw). Markii uu u soo dhowaaday meel u dhow iridka Masjidka, ayaa waxaa arkay Cumar Binu Khadaab oo markaa la fadhiyay qaar ka mid ah Asxaabta, iyagoo ka sheekaysanayay dagaalkii Badar iyo wacdarihii ay ku dhigeen gaalada sida qafaalka ay qafaasheen qaar ka mid ah gaalada, laynta ay laayeen iyo weliba sida uu Ilaah ugu manaystay gargaar aad u weyn.

    Cumar Binu khadaab ayaa wuxuu deymooday dhinaca Masjidka, isla markiina wuxuu arkay Cumeyr Binu Wahab oo ka soo degaya ratigii uu fuulnaa, isagoo sita qalabkii dagaalka. Cumar ayaa intuu soo booday yiri isagoo argagaxsan " Eygan waa cadawgii Alle ee Cumeyr binu Wahab, wallaahi waxaan shar ahayn lama iman". Cumar wuxuu ku yiri raggii uu la fadhiyay "La socda marka uu u galayo Rasuulka (scw) idinkoo ku hareeraysan, kana digtoonaada inuu dhakro ama dilo Rasuulka (scw)".

    Hase yeeshee Cumar wuxuu markiiba u galay Rasuulka (scw) isagoo ku yiri "Rasuulkii Ilaahayow waxaa yimi Cadawgii Alle ee Cumeyr Binu Wahab isagoo xidhan seeftiisii sumeysnayd, u maleyn maayana inuu u yimi waxaan ahayn Shar". Rasuulka (scw) wuxuu yiri "ii soo geliya". Haddaba, Cumar wuxuu soo aaday Cumeyr isagoo qabtay khamiiska uu qabay kuleetigiisa, seeftana wuxuu kula xiray qoortiisa ka dibna wuxuu ula yimi Rasuulka (scw). Kolkii uu arkay Rasuulka (scw) waxa uu sameeyay Cumar wuxuu ku yiri "Siidaa Cumaroow". Rasuulka wuxuu Cumeyr ku yiri "ii soo dhawoow". Cumeyr wuxuu u soo dhowaaday Rasuulka (scw), isagoo ku yiri "Subax wanaagsan".     [Waa socotaa..]
  • la xiriir Ibraahim Salah (for free copy)
    BOGGA 6AADBOGGA HAWEENKA
    Waxaa Qoray: Qaasim Xirsi Faarax
    International Islamic University
    Gombak, Kuala Lumpur, Malaysia
    Email: qasim55@hotmail.com
    SINAANTA RAGGA IYO DUMARKA
  • Arrimahan bal aan si dhab ah u dhuuxno:
    In asal ahaanba uu laba naag maragfurkoodu u dhigmo midka hal nin iyo in kale. In dumarku aysan keli ahaantood markhaati furi karin kol hadduunan rag la jirin, marka laga reebo arimaha uusan raggu si daqiiq ah u ogaan karin ee u khaaska ah ama u sirta ah dumarka. In aysan dumarku ka maragkici karin dambiyada ku saabsan xuduudaha iyo Qisaasta ee uu xukunkoodu go'an yahay.

    In is raacinta markhaatiga laba dumar ah iyo hal rag ah ay keliya ku kooban tahay dacwooyinka ku lug leh hantiyo iyo daymo la isku haysto, ama la is weydaarsanayo iyo in kale. Qaar kale oo culimada ka mid ihi waxa ayba intaas ku sii kordhinayaana guud ahaanba arimaha rayidka ama qoyska -civil matters.

    Laakiin waxaas oo dhanba waxaa ka horeeya mas'alo kale oo iyana dawrkeeda ka cayaari karta dood cilmiyeedka ama aqoon si weydaarsiga culimadii hore. Taasi waa in la isku haystaba in ay horta Aayaddu ina farayso Amar sharciyeed aan la dhaafi karin iyo in ay ina siinayso talo iyo waano oo ay nagu guubaabinayso uun in aan sidaa wax u fulino.

    Laakiin aan lanoo haysan wax dambi ah haddaanaan fulin. Haddan si kale u iraahdo, qodobka ama kelmadda ay doodu ku salaysan tahay iyadu ma waxa ay u dhawaaqaysaa hab xikmadeed mise hab cilladeed (waxay ila tahay in fahamka faqradni uu aad ugu cad yahay culimada baratay cilmiga Fiqhiga oo uu qoraalkeenu ku guda jiro. Sidaa awgeed, fadlan culimadu ha ila arkeen dhibicda iyaga oo dib u eegaya Qiyaaska oo ah asalka afraad ee asalada Shareecada - Qura'an, Sunna, Ijmaac, Qiyaas).     [Waa socotaa..]
  • BOGGA 7AAD DIINTA ISLAAMKA
    KITAABKA TAWXIIDKA
    Waxaa Qoray: Sheekh Maxamad Bin Cabdil Wahhab
    Waxaa Turjumay: Hersi M. Labagarre
    No. 21 Spg 484 Jln Jerudong, Brunei Daarussalam
    CASHARKA 67AAD
    WIXII KU SOO AROORAY QOWLKII EEBBE KOR AHAAYEE: [MAYNA WAYNAYN GAALADII EEBBE WAYNAANTIISA DHABTA AH, ISAGOO DHULKU DHAMMAANTIIS KU JIRO XUKUNKIISA MAALINTA QIYAAME SAMOOYINKUNA KU DUUBANYIHIIN MIDIGTIISA EEBBAA KA NASAHAN KANA SARREEYA WAXAY LA WADAAJIYEEN] As-Sumar 67.
    Ibn Mascuud Allaha ka raalli noqdee waxaa laga soo weriyay in uu yiri:"Caalim Yahuudi ah ayaa Rasuulkii Ilaahay nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee u yimid, kolkaas buu yiri: Muxamadow, waxaan aragnay (kutubteenna ku aragnay) in Eebbe uu yeelayo Samooyinka far dusheed, dhulalkana far dusheed, geedahana far dusheed, biyahana far dusheed, ciiddana far dusheed, uunka intiisa kalena far dusheed, oo uu leeyahay: aniga ayaa Boqor ah. Kolkaas buu Nabigu naxariisi korkiisa ha ahaatee, qoslay intii jariidkiisu ka muuqday, rumayn uu rumaynaayo hadalkii caalimka Yahuudiga ah. Kolkaas buu aqriyay [Mayna waynayn gaaladii Eebbe waynayntiisa dhabta ah, isagoo dhulku dhammaantiis ku jiro xukunkiisa maalinta qiyaame]".

    Riwaayad uu Muslim leeyahayna (waxaa lagu sheegay)"Buuraha iyo geedahana far dusheed, dabadeedna uu luxayo, oo uu leeyahay: aniga ayaa boqor ah, aniga ayaa Eebbe ah".
    Riwaayad Bukhaari leeyahayna"Samooyinka uu yeelayo far dusheed, biyaha iyo ciiddana far dusheed, uunka intiisa kalena far dusheed"{Bukhaari iyo Muslim}.

    Muslimna wuxuu Ibn Cumar ka soo weriyay"Eebbe wuu duubayaa samooyinka maalinta qiyaame, dabadeedna wuxuu ku qabanayaa gacantiisa Midig, dabadeedna wuxuu leeyahay: Anigaa boqor ah, aaway kuwii wax dirqiyi jiray, aaway kuwii isla waynaa?, dabadeedna wuxuu duubayaa toddobada dhul, dabadeedna wuxuu ku qabanayaa Bidixdiisa, dabadeena wuxuu leeyahay: aniga ayaa boqor ah, aaway kuwii wax dirqiyi jiray?, aaway kuwii isla waynaa?".

    Ibn Cabbaasna waxaa laga soo weriyay:"Toddobada Samo maxay yihiin iyo doddobada dhul kolka sacabka Naxariistaha (Eebbe) ay ku jiraan, wax kale ma ahee waa sidi laftimireed ku jirta gacanta mid idinka mid ah".     [Waa socotaa..]
    BOGGA 8AAD xayaysiin
    BOGGA DHALLINYARADA
    SHEEKADII KALIILA IYO DIMNA
    Qaybtii: 43aad
    Waxaa qoray: Cabdullaahi Ibn al-Muqafac
    Waxaa soomaaliyeeyay: Xersi Labahagarre
    Bandar Seri Begawan, Brunei Darussalam
    J I I R K I I --IYO-- D I I N K I I
    Cawshii iyo tukihii waxay jiirkii ku dheheen: inkasta oo hadalkaagu hadal codkar yahay, haddana taasi diindiinka waxba ku tari mayso, waxaana la yiraahdaa dadka waxaa la kala hubsadaa marka hooggu yimaado, ninka ergashada lehna, marka eregta laga qaadaayo, iyo marka loo dhiibayo baa la hubsadaa, xaaska iyo carruurtana markii la saboolo, walaalahana markii ay dhacdooyinku yimaadaan.

    Jiirkii wuxuu yiri waxay dhagari ila tahay in aad baxdo cawleey, oo aad isku tuurto meel ugaarsaduhu kaa arkayo sidii wax dhaawac ah, tukuhuna ha kugu kor degto sidii wax ku cunaya, aniguna waan baxayaa oo ugaarsadaha baan u dhawaanayaa oo ilaalinayaa, waxaa dhacda in uu hubka tuuro oo uu diindiinka ka tago, oo uu ku soo aado asiga oo ku hunguriyaynaya, oo doonaya in uu ku qabsado, haddii uu kuu soo dhawaadana in yar ka carar si uusan kaaga quusan, oo marwalba isu seexi si uu inooga fogaado, oo sidaa ku wad intii aad awooddo, waxaan filayaa in uusan soo noqon inta aan diindiinka xargaha ka goynayo oo aan la baxsanayo e'.

    Cawshii iyo tukihii sidii jiirku yiri ayey yeeleen, ugaarsadihiina wuu daba galay, kolkaas baa cawshii aalyar u fogaysay intii ay ka dhaqaajisay jiirkii iyo diindiinkii, jiirkiina wuxuu billaabay googoyntii xarkaha intii uu ka dhameeyay, oo uu diindiinkii la fakaday, ugaarsadihiina wuu soo noqday asiga oo daallan, wuxuuna arkay xarkihiisii oo jarjaran.

    Koklaas buu arrintii cawshii is jiisaynaysay ka fiirsaday, kolkaas buu is mooday in maskaxda laga maray, dib buu misana uga fiirsaday cawshii iyo tukihii la mooday in uu ka cunayo, iyo xargihiisii la googooyay, kokaas buu dhulkii ka baqay, wuxuuna yiri: dhulkani waa dhul jinni ama fal, dabadeedna wuu noqday asiga oo aan waxna doonin meelna eegin , tukihii iyo cawshii iyo jiirkii iyo diindiinkiina hulkii bay ku kulmeen, ayaga oo nabad qaba, sidii ay hore u ahaayeen si ka sii wanaagsan.     [Waa socotaa..]

    BOGGA 9AAD!Register-It! -
 Promote Your Web Site!
    HIDDAHA, DHAQANKA, SUUGAANTA IYO AFKA SOMALIDA
    MACMACAANKA MURTIDA SOOMAALIYEED
    1. Nin iyo naagtii colna maaha nabadna maaha.
    2. Nin gunti xumi in uu wax qarsanayaa la moodaa.
    3. Nin aan baqtinini ma baxnaanin.
    4. Ninka aad wax ku qarsanlahayd wax lagama qarsado.
    5. Nin aan weedh sugini waran ma sugo.
    6. Nin aan hadlin hooyadiina wax ma siiso.
    7. Nin bukow boqoli kuu talisay.
    8. Ninkii bar ku roon ayaa beerna ku roon.
    9. Nin adduunya joogow maxaa aragti kuu laaban, aakhira nin tegayow maxaa lagu ogaysiiyay.
    10. Naagaha tan ugu wadda dheer iyo waagaa isku kaw ah.
    BOGGA 9AAD xayaysiin
    IIDHEH IYO OGAYSIIS
    Soodhawaynta Isku dubbaridaha Wargayska!

    Xurriyadda Ra'yiga
    Walaal aqriste, ma dhacday hadda ka hor in lagu cadaadshay ama aad cadaadis la kulantahy?!
    Madhacday hadda ka hor in xaqaaqa aad u leedahay in aad ra'yigaaga dhiibato lagaa inkiray?!
    Ma dhacday hadda ka hor in aad intaad hadal maagtay, aamus lagu yiri, oo hendedaad iyo cabsiin laguugu deray?!
    Ma dhacday hadda ka hor in kuwa jahli iyo cadaawo isku gaashaan buursaday ay kugu jujuubeen in aad ra'yigooda raacdo?!

    Haddii aad la kulantay waxyaabahaas kowo kale oo la mid ah, maanta waa laga baxay waqtigii lays jujuubi jiray, oo jaahilku caalimka afqabanjiray.

    Adiga oo ku bishaaraysanaya horumarka warbaahinta casriga ahi gaartay ha illoobin in aad cadkaaga goosato, oo aad ra'yigaaga si madaxbannaani leh u dhiibato, adiga oo aanan cidna ka baqin!!

    Wargayska Somali Electronic Journal waa wargayska kaliya ee xurnimo buuxda kuu siinaya in aad fidiso figradahaaga, asiga oo aanan kugu xirin, qabiil, mad-hab diimeed, aydoloojiyo gaar ah iyo siyaasad dowladeed toona.

    Meesha joornaallada kale ee soomaalida badankoodu ay u adeegayaan kooxo gaar ah iyo xoogag qabiil iyo kuwo diimeed, SEJ wuxuu kaa ballan qaadayaa in uu fidsho maqaal kasta oo loo soo diro, uusanna ku xirin wax aan ahayn shardiga (farsamada) qoraalka.

    Programmed, Developed and Written by Hersi M. Labagarre
    Codka Somalida Cusub, Waa wargays Electronic ah oo Toddobaadle ah, wuxuu ku soo baxaa afka Soomaaliga Maalin kasta oo Axad ah
    WARGAYSKAN MAQAALADAHA LAGU FIDSHO, WAX AAN SHARDIGA FARSAMO AHAYN LAGUMA XIRO, KAAS OO AH IN MAQAALKU AHAADO "WAR ISKU TOOSAN OO UJEEDDO LEH"

    "DHAMMAAN MAQAALADAHA WARGAYSKAN KU SOO BAXA WAXAY U TAAGANYIHIIN ARAGTIDA QORAAGA ASIGA AYAANA U QOOLAN, EE UMA TAAGNA UJEEDDADA WARGAYSKA, ISKUDUBBARIDAHANA WAX XIL AH KAMA SAARRA"

    DHAMMAAN XUQUUQDA DAABACAADDU WAY DHOWRANTAHAY

    Copyright 1998 - Labagarre - All rights reserved.
    Nala soo xiriir
    booqo csc H. page
    Saxiix B. Martida
    Codso wargayska sej
    Dhiibo Aragtidaada
    Aqarso B. Martida
    Xayaysiin
    Bogaadin
    Somali Forum
    Free Email
    Free Guest Book
    Free Home Page