Site hosted by Angelfire.com: Build your free website today!
S o m a l i    E l e c t r o n i c    J o u r n a l
A Destination for Somali News, Business and Culture
S.E.J
Main
Page
  • Somali Studies
  • Somali Culture
  • Business
  • Communication
  • Computers
  • Education
  • Entertainment
  • Hobbies
  • Internet
  • Jobs
  • Libraries
  • Music
  • S.E.Journal
  • Newspapers
  • Organisations
  • Search Engines
  • Shopping
  • Sports
  • Travel
  • Women
  • Gundhigga Wargayska
    Akhriso B. Martida
    Taariikh: 27.2.2000
    Saxiix B. Martida
    BOGGA 1AAD ARARTA WARGAYSKA
    Laga soo billaabo dabayaaqadii sanadkii tegay 1999kii ilaa maanta bulshawaynta Soomaaliyeed waxay u hanqal taagayeen in dhawaan xal waara u dhalan doono dhibaatada ka taagan dhulkooda, waxaana qalbigu ku xirraa waanwaanta ay waddo dowladda Djibouti. Hase ahaatee, maalmahan dambe waxaad mooddaa in dad badan oo soomaali ah billaabeen saluugid ay saluugayaan wax ku oolka shirkaas iyo go'aamada laga sugayo, arrinkan ayaan toddobaadkan ku soo qaadanaynaa ararta wargayska waxaana eegaya Hersi Labagarre.
    Falsafadda ay ku salaysan tahay waanwaanta Djibouti
    Sida aan dhammaanteen wada ognahay, waanwaanta uu wado madaxwaynaha Djibouti mudane Geelle, waxay ku salaysnayd aragtidiisa ah in qayb laga siiyo talada nabad raadinta bulsha waynta soomaaliyeed oo aanay gaar u ahaan abaanduulayaasha ay soomaalida qaarkood
    Hersi's office
    ku tilmaamaan "dagaal huriyayaasha"!
    Qof kasta oo dhaqanka iyo hiddaha soomaalida u kuurgala wuxuu garankaraa in nolosha bulshadani ku salaysantahay qabiil iyo is qolaqolaysi, taas macnaheeduna waa in aanuu marnaba ka dhaqan gelikarin soomaaliya maamul aan qabiil ku salaysnayn, marka qodobka uu cuskaday mudane Geelle sidee arrinkan ula socon karaa?

  • Bulsho qabiil iyo bulsho qaran!
    Marka uu madaxwayne mudane Geelle lahaa bulshada ha laga siiyo kaalin wayn nabadraadinta, hadalkaas waxaa loo qaadan karay laba u jeeddo, "bulsho" ama "ururrada bulshada" (haddii aan raacno eraybixintii Siyad Barre), waxay ahaan kartaa bulshada qabiilka, waxaa kale oo ay noqon kartaa bulshada qaranka, sida hadda dhaqanka soomaalidu yahay, bulshadu waa in ay ahaato bulsho qabiil, maxaa yeelay bulsho qaran hadda ma dhismi karto, sidaa darteed, waa in loo fasiraa hadalka madaxwaynaha "xoogagga bulshada qabiilooyinka soomaalida", marka bulshadu waa bulsho qabiil sida halkaa ka cad.

    Arrinkaasi, run ahaantii waa xaqeeqo waaqici ah oo uu madaxwaynuhu si dhab ah ugu kuurgalay, dabadeedna uu ogaaday in aanay soomaaliya yeelan karin xal aan ahayn "xal qabiil", ayna lagama maarmaan tahay in xoogagga qabiil hoos loogu daadego oo kaalinta nabad raadinta saami xoog leh laga siiyo, si waxtarkoodana loo helo, middina abaanduulayaashana saawir looga dhigo .

  • Abaanduulayaasha iyo "ururrada bulshada qabiil"!
    Abaanduule: sida soomaalidii hore u adeegsatay magaca, waa ninka qabiilka dagaalgelinaya, waa sida "wasiirka gaashaandhigga" oo kale, qabiilku waxaa kale ee uu leeyahay "duqay" iyo "ugas" ama "suldaan" iwm. Duqaydu waa sidi xubnaha baarlabaanka ee sharciga samaynaya, waana madaxda beelaha qabiilka, ugaaskuna waa sidi boqorka, qabiilooyinka soomaalida qaar ka mid ahna "boqor" ayayba ugu yeeraan.

    Marka annaga oo tixgelinayna dhaqan-qabiileedkaas soomaaliyeed ee faca wayn, waxaan dhihi karnaa, abaandhuule iyo duq iyo ugaas dhammaan waa xoogag ay "bulshada-qabiil" sharciyaysatay oo ay ugu tala gashay in mid waliba howl gaar ah u qabto.

    Tusaale ahaan, qabiilku haddii uu dagaal in uu galo damco, boqorka iyo duqayda lalama tashado badanaa ee waxaa la aadaa abaanduulaha. Haddii ay doonaan in ay waanwaan iyo heshiis galaanna ugaaska iyo duqayda ayay soo shiriyaan, taas ayaa kuu caddaynaysa in "bulshada-qabiil" sharciyaysay jagada abaanduuluh, ayana taageersantahay, qiimihiisuna sii kordhayo kolka nabaddu xumaato, kolka colaaddu yaraatana uu qiimadhacayo.

  • Soomaaliya hadda ma nabadbaa?
    Waa arrin uu mudane madaxwayne Geelle iyo qaar kale oo ku howllan arrimaha soomaalida ay u qaateen dhinaca san, ee ah in ay hadda colaaddii ka yaraatay soomaaliya, taasna laga yaabo in ay yarayso baahidii qabiiladu u qabtay kaalinta abaanduulaha, hase ahaatee, waxaan qabaa in arrinkaasi wali ka fiirsasho u baahanyahay, maxaa yeelay soomaaliya hadda nabad laguma sheegi karo, taa daaye, waxaanba maalin kasta maqalnaa dagaallo hor leh iyo qabanqaabooyin ay kooxaha qaar ugu tabaabushaysanayaan sidii ay u soo dhacsan lahaayeen dhul ama xoolo ay sheegeen in laga dhacay.

    Taas macnaheedu waa in wali xooggii abaandullku jiro jirina doono inta dhulku xasillooni fiican ka helayo, aanayna suurta gal ahayn in waanwaan ay abaanduulayaashaas ka maqanyihiin la dhaqangelsho waqtiga xaadirka ah.

  • Haddaba maxaa xal ah?
    Anigu qof ahaan waxaan qabaa in anaan soomaalida loo shirin "bulsho-qaran" ahaan, isla markaana aanan la iska indha tirin xoogga iyo ahamiyadda ay abaanduulayaashu u leeyihiin siyaasadda soomaaliya ee maanta taagan.

    Waxaa ila habboon in aanan abaanduulayaasha laga tillaabsan, lana siiyo kaalinta dhabta ah ee ay talada ku leehiin, taas oo ah in ay madax ka ahaadaan qabiilooyinkooda iyo kooxahooda. Isla markaana loo shiriyo soomaalida "bulsho-qabiil" ahaan, ayada oo qolo walba mar la shirinayao laguna caawinayo sidii ay maamul hoosaad u soo dhisan lahaayeen, haddii ay dhisteenna loogu taageeri lahaa sidii ay u horumarin lahaayeen maamulkoodaas.

    Macnaha, in Soomaaliya laga soo dhiso dhowr maamul hoosaad, sida kuwa hadda jira oo la sii xoojiyo, tusaale ahaan, Somaliland, Puntland, Hiranland, Muqdisholand ada Banadirland, Bay-Bakool, Gedo, Jubba iwm. Marka maamul hoosaadyadaas la dhiso kadib ayaa shir "qaran" loogu yeeri karaa kooxaha soomaalida, kadibna waxaa loo samayn karaa dowlad ay u simanyihiin oo uu xukumayo madaxwayne aan joogto ahayn, oo sanad kasta qolo qabanayso madaxnimada, caasimadduna ay ahaanayso magaalada uu madaxwaynuhu joogo sanadkaas.

    Kolka in muudoo ah lagu socdo sidaa ayaa markaa la soo dhisayaa caasimad fidaraali ah iyo madaxwayne ama suldaan ama boqor hadba wixii ay isku raacaan madaxda dowlad-hooseedyadaas, sidaa ayaana soomaalidu ku gaari kartaa dowlad ay ka raalli yihiin dhammaantood.
  • Somali Forum
    Free Email
    Free Guest Book
    Free Home Page
    BOGGA 2AAD WARARKA SOOMAALIDA
    Qasim's photo
    T A H N I Y A D
    Bahda wargayska Somali Electronic Journaal waxay tahniyad iyo bogaadin u dirayaan Dr. Qaasim Hersi Farah iyo Ustazah Nawaal Mohamad Ali oo uu dhawaan meherkoodu ka dhacay dalka Kuwait. Waxaan Ilaah idinkaga rejaynaynaa in aad noqotaan kuwii isku waara oo ubad kheyr qaba kala hela. Aamiin, Ammiin.
    Dagaal dhexmaray beelaha Muddulloodka ee dega Mahadday
    Muqdisho, 26 Feb. 2000, War inaga soo gaaray Wakiilka SEJ ee Muqdisho ayaa sheegaya in dagaal xoog leh ka dhex qarxay beelo ka tirsan qolada loo yaqaan Muddulloodka kaas oo loo malaynayo in ay ku dhinteen dad gaaraya 14 qofood, qaar aanan tiradooda la aqoonna ku dhaawacmeen.

    Warku wuxuu intaa ku deray in dagaalkaasi ka dhashay dhulbeereed iyo mashaariic beeraha la xiriirta oo ay isku khilaafsanaayeen maamulkeeda beelahaasi.

    Waxaa kale oo la sheegayaa in aanan hadda la filayn dhawaann wax waanwaan ah oo dagaalkaas looga hortegayo in la qabto, taasna ay sabab u tahay kuftintii is daba joogga ahayd ee ku timid waanwaanihii horey ay u wadeen duqayda qolyahaas hormuudka u ah.

    Beelaha Muddulloodka oo wada dega Mahadday waxay in muddo ahba isku haysteen mashaariic horumarinta waraabinta beeraha la xiriirta oo ay halkaa ka wadday dowladda Jarmalka, waxayna isku khilaafsanyihiin qoladii talada arrinkaasi u tuudi lahayd.

    Dagaalkii beelaha Ogaadeen oo laga baqayo in uu dib u qarxo
    Kenya Feb.25 2000, [Wakiilka SEJ] Kooxo ka tirsan beelaha Ogaadeenka oo uu dagaal ku dhexmaray toddobaadyadii la soo dhaafay dhoobley ayaa hadda laga baqayaa in dagaalkoodii dib u soo cusboonaado.

    Toddobaadkan ayaa war laga soo xigtay dowladda Kenya sheegay in ay jabhad ka mid ah jabhadaha beelaha Ogaadeen ku hendedday dowladda Kenya in ay u soo tillaabi doonto dhulka Kenya si ay u baadi goobto bal in ay jiraan cadaw keedaa oo u soo tillaabay dhulkaas iyo in kale.

    Dowladda Kenya, ciidankeedu wuu beenshay in ay jiraan kooxo hubaysan oo ku soo dhuuntay dhulkeeda, waxayna uga digeen jabhadaha soomaalida in ay ku soo xadgudbaan xuduudka dowladda Kenya, haddii ay taasi dhacdana ay jawaabtooda heli doonaan.

    Wararku waxay intaa ku dareen in kooxda taageersan Ina Cumar Jees ay tuhunsantahay in kooxaha taageersan Gen. Adan Gabyow ay ku dhuumanayaan xuduudka Kenya taageerana ka helayaan qaraabadooda Kenya deggan.


    Somalida Ku-nool Waddanka Poland
    Warbixin khaas ah oo uu inoo soo qoray
      Mudane: Yahie Haji-Ali Yusef
      [Ph.D Candidate, Institute for Developing Countries]
      General director of Poland-Somalia Cooperation Centre
      Warsaw. Poland - e-mail: B19cts@plearn.edu.pl, Yusef@samba.iss.uw.edu.pl

    Sida aan wada ognahay Soomalidu waa Reer Guuraa sideedaba, waxaa misena intaa sii raaca, in ay Poland tahay wadan ka mid ah wadamada shuucinimada mar dhaweyd ka baxay, oo waqtigan xaadirka ah ku tala-jira sida ay u gaari lahaayeen Yurubta Galbeed. "Poland waxay ku biirtay bahda E.U. 1993kii"

  • Poland iyo Somalida!
    Isbadalka siyaasadeed iyo dhaqaaleed ee ka-socda Poland, waxaa fahmi kara ee la-qabsan kara kaliya Soomaaliga horey wax-fahankiisu iyo cilmigiisu u-dhisnaa, hadaba Soomaalida imaan jirtay, iminkana soo gasha Poland waxay ku soo mari jireen "Transit" badankooda, sidaa darteed maanta Soomalida dagan dalkan waxaan ku qayaasnaa waxaan boqolaal-dhameyn. Inta dalka Poland ka qaadatay sharciga "Refugee Status" iyo Dokumentiga Socdaalka "Geneva Convention 28 july 1951" waxay gaarayaan 350, hadaba inta Somaalida ka tagtay ka-baarandagista siinta sharciyadaasi, laakiin iska dhiibay, dalbateyna Refugee Status'ka waa ay ka badan yihiin kun, sidoo kale inta Soomalida oo aanan dalbanin wax sharci ah, iskana dhiibin Poland, laakiin jeebkooda iska dabarayey iyagoo sugaya safka kala-horeeyna iyo lacagta ee lagu dhaafayo xuduuda Poland-Germany waxaan ku qayaasnaa dhawr kun.

  • Xaggee Somalidu Poland ka soo galaan?
    Soomaalidu waxay dalka Poland ka soo galaan dalalkii hore ee ka burbudhay Itaxaadkii Soofiyeetka, sida Ukraine, Litwa, Bilarusia,.. Lacagaha ay dalalkaasi kaga yimaadaana waxa lagu qayaasaa 2,500$ ilaa iyo 3,000$. Sida ay inoogu waramaan marka ay yimaadaan Poland waxay yiraahdaan in jidadka ay soo marayaan yihiin kuwa halis ah, oo qaarkood lagaga soo tago wadada, sida dadka waayeelada ah iyo kuwa xanuunka ku soo booda oo sidoodaba horey u jirnaa. Dadka gaalada wax tahriibinayana ma doonayaan in uu qof ku hadho dariiqa, sidaasi darteed waxaa mararka qaarkood ina soo gaara warar ah, in dadkaasi, midka ama labada ahi, lagu reebo qof ka mid ah kuwa wax-tahriibinaya iyagoo loo xil-saarayo in ay xabad ku-dilaan, si uunan u dib ugu sheegin askarta tirada iyo dariiqa ay mareen tahriibayaasha. Mararka qaarkoodna waxaa dhacda in dhamaan la wada qabto, oo xabsiyo dhawr bilood amaba sanado ah loo taxaabo.

  • Xiriirka Qolada Tahriibka iyo Xafiiska "Poland-Somalia Cooperation Centre"
    Hadaba marka ay Soomaalida sida dhibkaa ah ay ku soo gaadhaan Poland, waxay qaarkood dalbadaan Qaxootinimo, iyagoo laga siinayo Kaamamka Qaxootiga hooy iyo cuno, badanaa kuwaasi waa kuwa aanan heysanin lacagta tahriibida ee Poland ilaa iyo Germany. Dadka wax-tahriibiya waxay u badan yihiin Carabta, Afganistaanta iyo dhawr Afrikaano, iyagoo la sheegay in ay qaataan lacag dhan 500$ ilaa iyo 1,000$.

    Run ahaantii kama ogi, kuumana sheegi kari formality'ga sida ay heshiisyadaa tahriibka ahi u dhacaan, maxaa yeelay Soomaalida tahriibahta gasha iyo kuwa u hawl-fududeeyaba nalama laha wax xidhiidh ah, waxna kagama baahdaan Xafiiska "Poland-Somalia Cooperation Centre", Anagoo guud ahaan ka-warqabna dhaqdhaqaaqa Soomalida, ayaa misana waxaan waqtigeena inta badan u hurnaa Soomaalida doonaysa in ay wax ka qabsadaan Poland, hadii ay noqoto xaga waxbarashada, u-keenista familka, caafimaad baarista shaqo u-raadinta, iwm.

    Sida aan hore u sheegayba, Soomalida inta ka qaadatay sharciga Poland, waxay sii aadaan dalalka Yurubta Galbeed, laakiin badankooda way ku soo noqdaan Poland, sababo xag famil iwm, badanaa Soomaalidaasi waxay ku leeyihiin xaasas Polandees ah ee dagan dalka, qaarkoodna waxay Poland ku soo noqdaan kaliya marka ay sharciyadooda cusbooneysiiyaan, ilaa iyo labo bilood, kadibna dib ayay ugu noqdaan shaqooyinkooda madow ee ay ka qabtaan Yurubtaa.

  • BOGGA 3AAD BOGGA GANACSIGA IYO DHAQAALAHA
    Sarrifka Lacagaha dalalka ay badanaa Soomaalidu deggantahay.
    Dalka Lacag US$1 =
    Qatar Rial 3.639
    Bahrain Dinner 0.3769
    Kuwait Diner 0.3047
    Switzerland Frank 1.501
    Malaysia Ringit 3.800
    Dalka Lacag US$1 =
    Somalia Shilling 9620
    Djibouti Frank 177.72
    Syria Lire 45
    Sudan Diner 247.10
    Yemen Riyal 148.15
    Dalka Lacag US$1 =
    Australia Dollar 1.5349
    Thailand Bahat 37.95
    Canada Dollar 1.4823
    England Pound 0.6207
    Europe EURO 0.9374
    Dalka Lacag US$1 =
    Saudi Riyal 3.750
    U.A.E Durham 3.672
    Oman Riyal 0.3849
    Egypt Pound 3.409
    Iraq Diner 0.3107
    Anglefire Free Email
    BOGGA 4AAD BOGGA QUBANAHA
    Faallada Arrimaha Soomaalida

    [Warar Qubane ah]   Waxaa soo habeeyay: Ibraahim Saalah

    SHISHEEYAHA KU NOOL DALKA DK OO MAGACYADOODA DHIBAATO KALA KULMA
    Dadka shisheeyaha ah ee ku nool dalka Denmark ayaa beddesha magacyadooda, sababtuna waa iyagoo magacyada ay wataan oo ayan shaqo ku heli karin. Qaar ka mid ah muslimiinta ku dhaqan dalka DK ayaa beddeshay magacyadoodii ahaa sida Maxammed, Abdullahi iwm, iyagoo ay la baxeen magacyada qalaad sida Hansen, Peter iwm.

    Wasiirka Cadaaladda ee dalkan DK Frank Jensen ayaa markii ugu horeysay shaaca ka qaaday inuu doonayo inuu wax ka baddelo sharciga la xiriirra magac baddeleshada, isagoo ajaanibta u suurto geliyay inay la bixi karaan magacyada dheenishka. Warbixintan oo uu qoray Wargayska maalinlaha ah ee Kristeligt Dagpladet. Way adagtahay inaad shaqo ka hesho qaar ka mid sharikadaha ku yaalla dalkan, hadduu magacaagu yahay Maxammed, Ali iwm.

    DAADAD AY KU LE'DEEN 84 QOF
    Daadad xoog leh oo ka dhacay dalkaas Mozambique ayaa la sheegay inay ku dhinteen ugu yaraan 84 qof, iyadoo ay ku guryo beeleenna dad gaaraya 220. 000 oo qof. Dadkan ku guryo beelay ayaa waxaa ka mid ahaa caruur lagu qiyaasay 44.000 qof iyo dumar tiradooda gaarayay 3400 qof. Daadadkan oo keenay roobabkii dabeelaha watey ee ka yimid dhinaca badweynta hindiya.

    Maamulka dalka Mozambique ayaa sheegay inay dhimashadu intaa ka badnaan doonto. Daadadkan oo ku yimi roobab aad u ba’an oo maalmo kale duwan ka da’ay qaybta koonfureed ee dalka ayaa la sheegay inuu ahaa daadkii ugu darnaa ilaa iyo muddo hadda laga joogo qiyaastii 50 sanno. Khasaaraha daadadka oo aad u weyn ayaa waxaa ka mid ah inay burbureen wixii buundooyin iyo waddooyin dalka ku yiillay, sidoo kalena in khadadka taleefoonada oo go’ay.



    Aklaaqda Bulshada
    Waxaa Qoray: Maxamed Aadan Cismaan
    (Xubin Guddiga Fulinta ee Ururka Samafalka HIRDA)
    W. J. Koopmaansstraat 38, 8194 DP Akkrum, Holland
    Aan Qeexno Qakhlaaqda
    Balse aan qeexno Akhlaaq, sida badan dadka Soomaalida ahi ereyga akhlaaq dareenka uu siiyo waa ka hooseeyaa macnaha dhabta ah ee ay xumbaarsantahay kalimadu.Wuxuu ku qeexay sheekh Abuubakar al-Jazaa'iri Akhlaaq waa shay ku sugan gudaha nafta kaas oo ay ka yimaadaan falal kas iyo doorashaba loo sameeyo samo iyo xumaanbana leh qurux ama foolxumana leh, waana shay sidiisaba qaadan karo saamaynta tarbiyada fiican ama tan xun, hadii lagu rabaayadeeyo shaygaa (akhlaaqda) u xilashada gobanimada iyo xaqa , jacaylka samaha, iyo doondoonista khayrka, loona layliyo jacaylka waxa qurxan iyo nacaybka waxa xun, ayna noqoto arintaa dabeecad ay kasoo fulaan falalka suusuuban , ayaa waxaa layiraahdaa akhlaaq suuban. Falalkaas oo ah sida dabeecada xishoodka, dagenaanta, kaadsoonida, dulqaadka, adkaysiga, deeqsinimada, geesinimada, cadaalada, iyo samo falka.

    Waxaa kaloo isla macnahaa macna udhaw ku qeexay akhlaaqda Imaam ibnu-Qudaamata al-Maqdisiyi oona yiri: Akhlaaqi waa shay nafta gunaysan falalkuna uga yimaadaan si sahlan ayadoon waxba loo fikirin, hadii markaa ay falalkaasi qurxanaadaan waxaa la yiraahdaa Akhlaaq fiican hadayse foolxumaadaan waxaa loogu yeerayaa Akhlaaq xun. Wuxuu intaa raaciyay Imaamku in kuwo ay ka xoogbadisay xoogjaluulnimadu culaystayna laylinta ruuxda (nafta) ku doodeen inaan akhlaaqda la sawirankarin isbedelkeeda sidaba muuqaalka qofka qurxan ama foosha xun aan loo badali karin.

    Waxaanse kuwaa ugu jawaabaynaa hadysan akhlaaqdu isbedel qaadan karin wax macno ah masameeyeenn wacdigu , waanadu dardaaranku,oo sidee loo inkiri karaa isbedelka akhlaaqeed anagooba tusaalayaal dhaqangashan aragno, bal eeg sida aygii duurjooga ahaa dabjoog looga dhigay loona baray inuu u hogaansamo awaamirta rabeeyihiisa, oo bal eeg hadana Faraska iyo sida loogu layliliyay hanaan usocodka iyo hogaan wanaaga , laakiin waxaan shaki ku jirin in dabeecadaha qaarkood ku dhaqso badan yihii qaadasha layliga qaarna ku gaabiyaan.

    Waxaan halklan ka aragnay akhlaaqdu inay ka qoto dheer tahay macnihii aan uhaysanay eeba lagaba yaabo in macnihiisuba ku koobnaa isu tilmaanka dhaqan caruureedka. Waxaan kaloo halkaan idiinkugu soo gudbinayaa hadalo uu akhlaaqda ka yiri sheekh Taqiyi Umayni: (markuu Quraanku tiriyay waxqabadkii umadihii waxtarka aadanaha ulahaa ayuu wuxuu na tusaaleeyay akhlaaq nololeedkeena, taana waxay ina tusaysaa in salka hoose ee horumarku ama dib udhacu yahay akhlaaqda, umadi akhlaaqda suuban qabsatana waa umada mudanaysa inay dhulka ka khaliifto eebe waana tan anfacaysa aadanaha. Kadibna wuxuu sheequ xusay sifooyinka akhlaaqda waxtarka leh ee quraanka meela kala duwan kaga yimid, kuwaasoo kala ah ogolaanshaha xaqa,damiirka xorta ah, geesinimada, runta, cadaalada, naxariista, balan oofinta, amaanada, isasaamaxa, samafalka xataa loo samo falo cadawgaaga, sinaanta,naf uhurka samaha,talo saarashada Eebe, isku kalsoonaanta, hadal macaanka, dareen masuuliyadeedka, iska warqabka(isxisaabinta), amaanada hawl kasta ood qabatid, dhawrsoonaanta, dulqaadka, baraxtirnaanta, samo jacaylka, shar nacaybka, u adeega umada.

    Waxaan kaloo halkaan ku xusaynaa aragtiyadii labadii khabiir ee caanka ku ahaa cilmiga loo yaqaan falsafada taariikhda iyo bulshada taas oo ay ka yiraahdeen Horumarka bulsho iyo dib udhaceeda.caalimka Ibnu Khalduun wuxuu isagu ku tagay in mulki kastaa oo bulsho leedahay sii jiritankiisu ku xiran yahay siduu u helo hiilo khayrka ugu hiiliso kuna ilaaliso xaqa iyo waliba sida taa loogu dhabgaliyo ku loolanka khayrka sida:deeqsinimada, isasaamaxa, dulqaadka, marti soorka, balan oofinta, in xoolo badan lagu baxsho ilaalinta xuquuqda,sidoo kale wuxuu dr Libal yiri: Umad kasta marka ay doorsoomayso waxa uu afganbi kaga yimaadaa marka horeba akhlaaqda oo kaliya waana tan u aasaasto aadanaha mustaqbilkiisa. Udub dhexaadka ay ku taagan tahay nolosha umadeedna waa akhlaaqda udub dhexaadkaas isaga ahina doorka uu caqligu ku leeyahay aad buu u yaryahay.

    Markastaa ooy akhlaqda umadeed kala daadato waxaa meeshaa ka yimaada in umadaasi dhimato, wuxuu intaa raaciyay drku in akhlaaqda kaliya ay tahay shayga nidaamka bulshadu ku taagan yahay , in akhlaaqdu tahay aasaaska diinta, in akhlaaqdu tahay halbeega lagu cabiro dawladaha sidoo wuxuu ku soo celiyay in caqligu doorkiisu koobanyahay, wuxunaba tusaale u soo qaatay umdo kala duwan oo ay ka midyihiin tusaale ahaan hindida guduudan ee daga labada ameeriko wuxaa in tiro 300,000,000 oo iyaga ahi gumaysanayay Ingiriiska oo ku gumaysanayay tiro 60,000 ah inkasta oo hindida guduudani qaarkood ka caqli horumarsanaayeen dadka Ingiriiska ah taas oo ku tusaysa in caqliga qayaxan ee aan wax akhlaaq ah hiigsanay uusan wax tayo badana lahayn.

    Bal aan wax kasoo qaadano aragtidii dhaqtarkii ku caan baxay falsafada Bulshada Le Bon Gustave wuxuu yiri: Hadaan aad u sii fiirino sababihii riday umadaha ay taariikhdu xusayso oo dhan waxaan arki karraa in sababta ugu wayni ahayd isbedel ku yimid habfikirkoodii kaas oon u cilaynayno inuu ka yimid burbur kaga dhacay akhlaaqda awgeed, mana garanayo dawlad kaliya oo la burburtay yaraanta heerka garasho ( caqliga) ee umadeeda, burburka ilbaxnimooyinkuna hal wado ayuu ku yimaadaa waana burburka akhlaaqda wuxuunaba qofku is waydiinayaa inba taariikhda buugaagta buuxisay tahay hal bog oo soo noqnoqonayo.Dhabtii dr Le Bon hadalo aad uwacan buu kasii leeyahay mawduucan ood waliba moodo inuu markuu buugiisa qorayayba Soomaalidu inay tahay umada uu ka sheekaynayo laakiin haatan intaasbaan isaga gaabsanaynaa, maxaa yeelay boogtayadu maanta ma'aha caqliga inaan ku garan la'nahay maxaa noo dana misi maxaan noo dan ahayn ee waa wax lagu tilmaami karo rabaayad xumo mudaysatay oo uusan qofkuba aaminsanayn wax dan guud la yiraahdo, taasna marqaati ayaan uwada nahay.

    Waxaan hadalkayga kusoo gabagabynayaa waxan nahay umad aad baahi ugu qabto in ay akhlaaqdeeda wax katoosiso si ay uga baxdo dhibaatooyinka haysta ee bulsheed ee siyaasadeed ee dhaqaaleed ee milatari si aan loolanka aadanahu ugu jiro in lagaaro barri ka wanaagsan maalinta la joogo aan uga qayb galno.Waxaan kaloo halkaan inaan ugu bogaadino inaga mudan Ururka Hirdo oo ku hawlanayaalshiisu ku dhaqaaqeen talaabo waafaqsan Akhlaaqda suuban ee umad horumar u horseedi karta taas ooy uguba horayso dareenmas'uuleedka ku qasbay inay gartaan inay u kacaan danta guud ee bulshadu wadaagto iyadoon waliba shaki nooga jirin in ukacaa ay ukeceen danta guud ay ku hureen dano badan oo ugaar ahaa .
    la xiriir Ibraahim Salah (for free copy)
    BOGGA 6AADBOGGA HAWEENKA
    Waxaa Qoray: Qaasim Xirsi Faarax
    International Islamic University
    Gombak, Kuala Lumpur, Malaysia
    Email: qasim55@hotmail.com
    Soo booqo bogga
    ururka Almanhal
    almanhal
    SINAANTA RAGGA IYO DUMARKA
  • Maxay ku doodaan dadka dumarka nus ka diga?
    Halkaan haddii aan garab dhigno mas'alo ay badanaaba dadka dumarka nus ka dhigaa ku doodaan ee ah "maxaa ninka loogu waajibiyey in uu xaaskiisa biilo"?, aan is weydiinee xukunkeedu ma cillad buu ku imaanayaa mise xikmad?. Waxaan inaga oo labada xukun is waafajinayna garan karnaa in ay sababta xukunkan ridaysaa tahay cillad, sida ay tan soonkuba u tahay cillad. Labadoodaba waxa laga raacayaa ujeeddo asalka ah ee sugaysa mar haddii uu qof safro waxa uu baylah u yahay oon iyo gaajo, iyo weliba isaga oo aan meelna ku hubsan karin afur iyo suxuur oo waqtiyo go'an ku dhaca. Sidaas si la mid ah haddii haweeney la guursado waxa ay u ban taallaa uur iyo umulnimo aysan ka shaqaysan karin.

    Inta aanan tafsiirkii cilla iyo xikma iyo tartansiintoodii usii fogaanin, waxan jeclahay in aan halkan akhristaha ku taabsiiyo laba tusaale oo kukala saabsan labadaan tusaale ee aan macnaha xikmad iyo cillad ku kala cadaynayno. Waa marka hore ee; waxaa beryahan markii diyaaradaha la bartay soo if baxday in qof ka soo duulo meel ay saacad uga dhimanayd afurkii, uuna usoo jihaysto dhankii qorraxsin – qorrax udhaca. Marka ay diyaaradu jidkeedaas ku soo socoto waxa mar walba ka sii hormuuqanaya qorraxdii oo laga yaabo in ay qofkii saacad ka bacdi afuri lahaa hadduu gurigiisii joogi lahaa, dhawr saacadood oo dambe usii muuqato oo uu maalin ku sii jiro.

    Intaas keliya maaahee waxaaba dhacda in qofka diyaarad isaga safraya masalan beriga fog iyo qaaradda Amerika uu ama maalin dhan gefo (uusanba arag maalintaas iyada ah) ama laba jeer isku maalin ku jiro (in tuu masalan duhur Jimce wadankiisii ka soo tago isla duhurkii Jimcaha oo wadankii kale ka jira ku tago koonaha kale ee adduunka). Taasi haddaba waxa ay inoo cadaynaysaa in cillada ama xikmada uu Ilaahay wax xukun usiiyay ay tahay mid aanaan dhaqso uga sal gaari karin ee maalinba si hor leh noogu sii bidhaamayso markii uu cilmigeenu sii koro, sidaa darteed waxa inagu haboon in aanan meel uun ku dhankixin ee aan maskaxda ka shaqaysiino oo aan samayno "Ijtihaad" oo uu sharixiisu dib noogu imaan doono.

    Waxaa xusid mudan in uu Eebbaha wax walba oga ihi mar hore Quraanka inoogu sii sheegay arintaas isaga oo leh:"Waxaan ka tusin doonnaa Aayadeheenna cirifyada dhexdooda iyo nafahooda dhexdooda ilaa iyo inta ay uga caddaato in uu xaq yahay (Quraanku)".     [Waa socotaa..]
  • BOGGA 7AAD DIINTA ISLAAMKA
    KITAABKA TAWXIIDKA
    Waxaa Qoray: Sheekh Maxamad Bin Cabdil Wahhab
    Waxaa Turjumay: Hersi M. Labagarre
    No. 21 Spg 484 Jln Jerudong, Brunei Daarussalam

    OGAYSIIS: Waxaa halkan ku dhamaaday fidintii kitaabkii Tawxiidka ee uu qoray Sheekh Maxamad Cabdil Wahhaab allaha ka raalli noqdee, dhammaan aqristayaasha waxaan ka codsanaynaa in ay ra'yigooda ina soo siiyaan sidii aan u dooran lahayn kitaab kale oo aan halkan ku soo turjumno.
    Fiiro gaar ah: Hadda waxaa sharaxan kitaabkii Imaam Ashcari uu qoray ee cinwaankiisu ahaa (al-Ibaanah fi Usuul ad-Dayaanah). IYO Kitaabkii (al-Caqiidah al-Daxaawiyah) ee uu qoray Imaam al-Daxaawi.

    Labagarre


    Habnololeedkii Saxaabada Rasuulka
    Waxaa Qoray: Ibrahim Salah Adan
    Email: ibra88@hotmail.com - Odense, Denmark

  • CABDULLAAHI BINU CABBAAS
    Cabullaahi Binu Cabbaas waxay ilmo adeer ahaayeen Nebiga (scw), wuxuuna ahaa Saxaabigii ugu aqoonta badnaa sida tusaale ahaan marka la eegayo tafsiirka iyo macnaha xeesha dheer ee qur'aanka oo Rasuulka (scw) ayaaba arrinkaa ugu duceeyay. Wuxuu caan ku ahaa Alle ka cabsiga, wuxuu badin jiray soonka, salaadda habeenka isagoo khaaliqa weyn (sw) ee abuuray mar kasta weydiista denbi dhaaf iyo raalli ahaanshaha Alle.

    Cabdullaahi wuxuu ka mid ahaa saxaabada ugu da'da yar oo wuxuu dhashay 3 sanno ka hor hijriga, markii uu Rasuulka (scw) dhintayna waxay da'diisu ahayd 13 jir. Sidaas oo ay tahay wuxuu Cabdullaahi binu Cabbaas ka xafiday Rasuulka (scw) 1660 xaddiis oo ay Imaamyada Bukhaari iyo Muslim ay ku sugeen kutubtooda. Cabdullaahi Binu Cabbaas Allaha ka raalli noqdee markii uu toddobo (7) jir-ka ahaa wuxuu u adeegi jiray Rasuulka (scw) sida marka uu doonayo Salaadda oo uu u diyaariyo weysada iwm. Marka uu Rasaalka (scw) galayo salaadda wuxuu ku tukan jiray Rasuulka gadaashiisa.

    Nebiga aad ayuu u jeclaan jiray la jirka iyo la joogista Cabdullaahi Binu Cabbaas, saa darteed wuu raaci jiray kolka uu Rasuulka qabanayo safar. Cabdullaahi wuxuu ahaa saxaabi uu Illaah ku mannaystay xikmad iyo aragti xeel dheer. Arrinkaana waxaa ugu duceeyay Rasuulka, oo wuxuu Illaah uga baryay inuu siiyo xikmad, Illaahna wuu ka aqbalay ducada Nebigiisa.

    Xikmaddii Cabdullaahi iyo dooddii Khawaarjta:
    Waxaan hal tusaale ka soo qaadanaynaa mid ka mid ah xikmadihii Cabdullaahi Binu Cabbaas. Markii qaar ka mid ah raciyadii iyo asxaabtii Cali Binu Abii Dhaalib (rc) ay ka madax taageen amarkii Cali ee la xiriiray khilaafkii isaga iyo Mucaawiya dhexmaray ayaa wuxuu Cabdullaahi Binu Cabbaas ku yiri Cali: " Amiirkii mu'miniintoow maad ii fasaxdid si aan ula soo hadlo oo markaa aan soo dhageysto waxay leeyihiin". Cali ayaa ku yiri: " waan kaaga cabsanayaa". Cabdullaahi ayaa u celiyay waxaan ahay nin leh akhlaaq suubban oo aan cidna dhibin, sidiina ayuu ugu tagay. Markii uu u yimi khawaarijtii waxay weydiiyeen sababta uu u yimid, wuxuuna u sheegay inuu doonayo inuu wareysto.

    Qaar ka mid ah ayaa soo jeediyay inaan lala hadlin, qaarna waxay yiraahdeen la hadla. Wuxuu yiri waxaan weydiiyay sababta ay ula dagaalamayaan Rasuulka Alle (scw) ina adeerkii, marna uu u yahay sodog sidoo kalena ka mid ah qof rumeeya Rasuulka kii ugu horeeyay. Waxay yiraahdeen waxaan ku haysanaa saddex qodob. Waa tan koowaade waa isagii oo xukunkii Islaamka siiyay dad gaar ah. Waa tan labaad'e wuxuu la dagaalamay Caa'isha (rc) iyo Mucaawiya, mana ka qaadan qaniimooyin oo ma qabqabsan dumarkiina.

    Tan saddexaad wuxuu ogolaaday inaanan la oran Amiiral mu'miniin iyadoo ay muslimiinta oo dhammi u doorteen magacaas. Markii ay dhammeysteen hadalkooda, ayaa Cabdullaahi Binu Cabbaas ku yiri: "Ka warama haddii aan idinku dul aqriyo aayado qur'aan ah iyo axaadiista Rasuulka (scw) ma ka noqonaysaan waxaad hadda ku sugan tihiin?".

    Waxay yiraahdeen: "Haa". Haddaba, Cabdullaahi Binu Cabbaas ayaa ka jawaabay qodobkoodii koowaad ee ay ku haysateen Cali ee ahaa oraahdoodii ahayd in uu Cali uu siiyay xukunka dad gaar ah, wuxuuna Cabdullaahi arrintaa ugu jawaabay oraahda Alle (sw) ee leh: "U dira xaq soore ehelkiisa ah iyo xaqsoore ehelkeeda ah.." Suuradda Al-Nisaa aayadda 35.     [Waa socotaa..]
  • BOGGA 8AAD xayaysiin
    BOGGA DHALLINYARADA
    SHEEKADII KALIILA IYO DIMNA
    Qaybtii: 43aad
    Waxaa qoray: Cabdullaahi Ibn al-Muqafac
    Waxaa soomaaliyeeyay: Xersi Labahagarre
    Bandar Seri Begawan, Brunei Darussalam
    T U K I H I I -- I Y O -- G U U M A Y S K I I
    Boqorkii wuxuu kii afaraad ku yiri: heshiiskaasi sidee buu kula yahay?.
    wuxuu yiri: taasi talo ma aha, waxayse ila tahay in aan dalkeenna ka tagno, oo aan boholyowga u dulqaadano, iyo nolosha dhibkeeda in ay ka roontahay in aan hantideenna lumino, oo aan nacab aan annagu ka gobsannahay hoos joogsanno, in kasta oo guumays haddii aan sidaas u bandhigno aanay naga yeeleen ayaga oo aan nagu gardarroon, waxaana lagu maahmaahaa, nacabkaaga xoogoo u dhawaw si aad u gaarto dantaada, hana u wada dhawaan si uusan kuugu gar darroon ciidankaaguna u jebin, adiguna aadan u gumoobin, taasna waxaa la mid ah qoraygii laga taagay meel qorrax ah haddii aad xoogoo jalleeciso hooskiisu wuu dheeraadaa, haddii aad aad u jalleecisana hooskiisu wuu dhamaadaa, nacabkeennuna nooguma uursama doqonimo aan ugu dhawaano, taladana annaga ayaa leh duullaankana adiga.

    Boqorkii ayaa kii shanaad ku yiri: adiguna maxaad leedahay? maxayse kula tahay?. Ma dagaal mise heshiis, mise in dalka laga guuro.
    Wuxuu yiri: xagga dagaalka horta qofi awood uma leh in ay la dagaallanto qof aaney ku aadin, waxana la yiraahdaa qofkii aan naftiisa iyo nacabkiisa garan ee la dagaala qof uusan taag u lahayn naftiisa ayuu wedkeedii ku qaaday, inkasta oo garaadluhu uusan nacabkiisa yaraysan, maxaa yeelay qofkii nacabkiisa quursada wuu ku kedsoomaa, qofkii nacabkiisa ku kedsoomana ma nabad galo, aniguna guumays aad baan uga baqayaa in kasta oo ay dagaalkeenna iska daayeen, hadda ka horna waan ka cabsi qabay, maxaa yeelay rag nacabkiis kuma kalsoonaado si kastaba ha ahaatee, haddii uu fogyahayna haloodkiisa kama nabadgalo, haddii uu dhawyahayna duullaankiisa kama nabadgalo, haddii uu nacab kali ah yahayna dhagartiisa kama nabadgalo, ragna waxaa u go'aan iyo garaad wacan ninkii dagaal naca hantida ku lumaysa awgeed, maxaa yeelay dagaal waxaa ka sokeeya, in lagu bixiyo xoolo, hadal iyo howlba, iyo dagaal lagu dheefsho naf iyo jiirba, waxaaba laga yaabaa in uu ku sinto xoola yar oo ku baxa iyo hadal dabacsan, haddaba boqorow taladaadu yaaney noqon in guumays la la dagaalo.

    Maxaa yeelay qofkii la dagaala qof uusan ku aadin wuu is hoday, boqorkuna haddii uu nin xogtiisa qariya, oo la taliyayaashiisa kala doorta, mudnaanna leh, nin aan lagu dhicinna ah, wuxuu mudanyahay in uusan ka tegin, wixii toosan ee loo keeno ee wanaag ah, adiguna boqoryahow sidaas baad tahay, boqorkuna garaad buu ka kororsadaa talada la taliyayaashiisa sida baddu uga kororsato wabiyada ku so shubmaya, waxaadna igla tashatay arrin aad warcelinteeda qaar iga doonaysay in aan qeexo, waanna kaaga warcelishy, qaarna waa qarsoodi, qarsoodiduna waxay leedahay goobo, goobahaas oo tolku ka qaybgalo, qaarkoodna ragga lala kaashado, qaarkoodna laba nin bay ku koobanyihiin, qarsoodidanna mudnaanteeda darteed uma arko in ay ka qayb galaan afar dhegood iyo laba carrab wax aan ahayn, boqorkii markiiba wuu istaagay oo gaar ayuu ula kooday, wixii ugu horreeyay ee boqorku waydiiyayna waxay ahayd, in uu yiri: ma ogtahay waxii colaadda annaga iyo guumays inoodhexaysa ay ka billaabatay?, wuxuu yiri: haa, waxay aheyd weer uu tuke ku hadlay.
    Boqorkii: oo taasi sidee bay ahayd?.     [Waa socotaa..]

    BOGGA 9AAD!Register-It! -
 Promote Your Web Site!
    HIDDAHA, DHAQANKA, SUUGAANTA IYO AFKA SOMALIDA
    MACMACAANKA MURTIDA SOOMAALIYEED
    1. Wax isa siin kal jacayl kama horrayn.
    2. Waxaan ku hurayn habaar laguma doorsado.
    3. Waxaa la yiri tala xumo, tala naag baa lagu bartaa.
    4. Wixii caloosha ku jira, carrabkaa kaa xada.
    5. Waayeel qaybtiisi kaftan ku laasay.
    6. Wax laysku ogyahay eed ma keenaan.
    7. Waayeel waa mus dambeed.
    8. Wax aad u gaboobay guul ba leh.
    9. Waad baahantahay looma bahala cuno.
    10. Wadaadki maka iyo madiina ku degay
    dameerkiisa waxaa la yiraahdaa
    xaaji dameer.
    BOGGA 9AAD xayaysiin
    IIDHEH IYO OGAYSIIS
    Soodhawaynta Isku dubbaridaha Wargayska!

    Xurriyadda Ra'yiga
    Walaal aqriste, ma dhacday hadda ka hor in lagu cadaadshay ama aad cadaadis la kulantahy?!
    Madhacday hadda ka hor in xaqaaqa aad u leedahay in aad ra'yigaaga dhiibato lagaa inkiray?!
    Ma dhacday hadda ka hor in aad intaad hadal maagtay, aamus lagu yiri, oo hendedaad iyo cabsiin laguugu deray?!
    Ma dhacday hadda ka hor in kuwa jahli iyo cadaawo isku gaashaan buursaday ay kugu jujuubeen in aad ra'yigooda raacdo?!

    Haddii aad la kulantay waxyaabahaas kowo kale oo la mid ah, maanta waa laga baxay waqtigii lays jujuubi jiray, oo jaahilku caalimka afqabanjiray.

    Adiga oo ku bishaaraysanaya horumarka warbaahinta casriga ahi gaartay ha illoobin in aad cadkaaga goosato, oo aad ra'yigaaga si madaxbannaani leh u dhiibato, adiga oo aanan cidna ka baqin!!

    Wargayska Somali Electronic Journal waa wargayska kaliya ee xurnimo buuxda kuu siinaya in aad fidiso figradahaaga, asiga oo aanan kugu xirin, qabiil, mad-hab diimeed, aydoloojiyo gaar ah iyo siyaasad dowladeed toona.

    Meesha joornaallada kale ee soomaalida badankoodu ay u adeegayaan kooxo gaar ah iyo xoogag qabiil iyo kuwo diimeed, SEJ wuxuu kaa ballan qaadayaa in uu fidsho maqaal kasta oo loo soo diro, uusanna ku xirin wax aan ahayn shardiga (farsamada) qoraalka.

    Programmed, Developed and Written by Hersi M. Labagarre
    Codka Somalida Cusub, Waa wargays Electronic ah oo Toddobaadle ah, wuxuu ku soo baxaa afka Soomaaliga Maalin kasta oo Axad ah
    WARGAYSKAN MAQAALADAHA LAGU FIDSHO, WAX AAN SHARDIGA FARSAMO AHAYN LAGUMA XIRO, KAAS OO AH IN MAQAALKU AHAADO "WAR ISKU TOOSAN OO UJEEDDO LEH"

    "DHAMMAAN MAQAALADAHA WARGAYSKAN KU SOO BAXA WAXAY U TAAGANYIHIIN ARAGTIDA QORAAGA ASIGA AYAANA U QOOLAN, EE UMA TAAGNA UJEEDDADA WARGAYSKA, ISKUDUBBARIDAHANA WAX XIL AH KAMA SAARRA"

    DHAMMAAN XUQUUQDA DAABACAADDU WAY DHOWRANTAHAY

    Copyright 1998 - Labagarre - All rights reserved.
    Nala soo xiriir
    booqo csc H. page
    Saxiix B. Martida
    Codso wargayska sej
    Dhiibo Aragtidaada
    Akhriso B. Martida
    Xayaysiin
    Bogaadin
    Somali Forum
    Free Email
    Free Guest Book
    Free Home Page