Site hosted by Angelfire.com: Build your free website today!
Gundhigga wargayska Somali Electronic Journal
Aqarso B. Martida
Taariikh: 20.6.1999
Saxiix B. Martida
BOGGA 1AAD Somali Students Association in Malaysia
ARARTA WARGAYSKA
OGAYSIIS
Dhammaan aqristayaasha waxaan ogaysiinaynaa in aan bedelnay Hompage-kii hore ee wargayska, Hompage-ka cusub waxaad ka heli kartaan (https://www.angelfire.com/MS/SEJ/), hadaba booqasho wacan.
Kadar oo Dibi Dhal!
hersi's photo
Qoodhey iyo Xereday hadda ayaa jabhadihii Soomaalida caaqnimadoodii soo baxday, Ethhiopia iyo Eritrea kolkii ay dagaalkii dhulkooda kala baqeen bay is yiraahhdeen, qabiilooyinkan soomaalida ee qoryaha isu haysta maad ku shaqaysataan?
Hadda iyo dan, yaa maanta dhihi kara dagaalka ka socda koofurta soomaaliya, soomaali baa wadda?, waa kuma midka dhihi kara, Baydhabo soomaali baa ku dagaashay, waase kuma kan dhihi kara dagaalka Kismaayo lagu qaaday soomaali baa ka dambeysay.

Dhammaanteen waxaan ognahay in Raxanwayn iyo Ina Caydiid ay isku cayrsan jireen magaalada Baydhabo gudaheeda iyo agagaarkeeda tan iyo sanadkii 1994kii, mana dhicin wali in qolo qolada kale ka saartay.

Sidoo kale, laga soo billaabo sanadkii 1995kii ayaa jabhadda Mareexaan qaar ka mid ah joogay Kismaayo jafkeeda oo mar walba ku duuli jireen, kuwa uu Morgan hogaanshana way iska soo riixi jireen, waligeedna ma dhicin in qolo qolada kale cayrisay oo waddanka ka saartay.

Laakiin dagaalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay labada magaalo ee Kismaayo iyo Baydhabo, waxay ina tusiyeen marqaati cad oo sheegaya in dagaalku uusan ahayn dagaal qabiilo ee meesha dowladi soo gashay.

Ina Caydiid ciidankiisii Baydhabo orodkii ay ka soo qaadeen xamar in ay qorax ka soobax u dhaafaan bay ku sigteen, Morgan iyo ciidankiisiina in ay Kenya galeen iyo in ay Ugandha uga sii gudbeen ayaa lagu shakisan yahay!

Marka miyaad taas oo kale ku aragteen waligiin dagaalkii qabyaaladeed ee soomaaliya? aniga waxay ilatahay, in aan ducaysano, waxba waxbay dhaamaan, maamulkii Siyaad Barre (alla u naxariistee) wuxuu 100% dhaamay dagaalka qabyaaladeed iyo xukunka jabhadaha, dagaalkii qabyaaladeedna wuxuu 100% dhaamey dagaalka hadda ka billowday soomaaliya ee dowladuhu ku hardamayaan.

Marka ma ducaysanaa in ilaahey inoo soo celsho dagaalkeenii qabyaaladeed, horey baan u ducaysaney in ilaah inoo soo celsho Siyaad barre, laakiin nalaka aqbali diid, marka tolow yaa huba, billaa tanna nalaka aqbali diid!
Somali Forum
Free Email
Free Guest Book
Free Home Page
BOGGA 2AAD
la xiriir Xaji Yusuf
WARARKA SOOMAALIDA
Markab hub sida oo Marko ka soo degay
June 18, 1999 (BBC) Wararku waxay sheegayaan in markaab hub badan sidaahi ku soo xirtay dekedda magaalada Marka, hubkaas oo la sheegay in uu u socday Xuseen Caydiid, waxaa kale oo la sheegayaa in markabkaaasi yahay midkii labaad dhowr bilood gudohood.

Maraakiibtaas astaantooda lama aqoonsan, laaakiin markabkii hore waxaa lagu qiyaasay in uu Eritrea ka yimid. Markabkaa imaatiinkiisu wuxuu sii kordhiyay cabsidii laga qabay in Soomaaliya xaabo u noqoto dagaalka ba'an ee ka dhextaagan Eritrea iyo Ethiopia.

Waxaa kale ee wararku intaas ku dareen in markabkaasi siday ciidan badan oo loo malaynayo in ay ahaayeen kuwo ka tirsan jabhadda Oromada ee ka soo horjeeda taliska Addis Ababa.

Waxaa kale oo la sheegayaa in hubkii saarraa markabkaas habeenimadii la dejiyay ayada oo gaar xoog leh ay ka hayaan ciidamada Ina Caydiid daacadda u ah.

RRA oo sii daysay maxaabiis
June 18, 1999(BBC) Jabhadda RRA ayaa la sheegayaa in ay sii daysay 32 qof oo maxaabiis ahaan ay u qabsatay markii ay ka midig marisay ciidankii Ina caydiid magaalada Baydhabo.

Dadkaas la sii daayay waxaa mid ka mid ah u sheegay weriyayaasha BBcda in ay hayeen ciidamo Ethiopian ah intii la haystay, waxaana mudan in la xuson, in Ina Caydiid iyo taageerayaashiisu hhorey ugu eedeeyeen Ethiopia in ay ayadu ka dambeysay qabsashadii magaalada baydhabo.

Reer Jowhar oo Xuseen Caydiid ku eedeeyay in uu tolkiisa lacag ku farraqay
18, 1999 Jowhar (Reuters) Xuseen Caydiid ayaa la sheegayaa in lacagtii inta badan la sugayay ee dhawaan lagu soo sameeyaay Canada uu la soo degay, waxaana la leeyahay arrintaasi waxay ka mid tahay tiknikooyinka cusub ee abaanduulayaasha dagaalka soomaaliyeed adeegsanayaan si ay u yeeshaan gacanta sare ee dagaalka ay kula jiraan jabhadaha kale ee soomaalida.

Bilihii saddexda ahaa ee la soo dhaafay, Caydiid wuxuu qaatay baa la leeyahay, 40 bilyan oo shilin soomaali ah ($ 400, 000) oo ahayd lacag lagu soo caddeeyay Canada si uu ugu qaybsho taageerayaashiisa, sidaa waxaa sheegay dadka ku nool degmada Jowhar.

Cali Xaashi Buraale oo qabsaday Kismayo
15 June 1999 BBC, Ciidamo midoobay oo uu hoggaaminayo Cali Xaashhi Buraale ayaa waxay qabsadeen magaalada Kismaayo 11 June. Buraale wuxuu ciidankiisa ku sheegay in uu yahay ciidan midow ah oo ka madax bannaan ddanaanada qabyaaladda, hase ahaatee, waxaa la sheegayaa in ciidankaasi yahay ciidan ay taageeraysay Eritrea oo isugu jira jabhadda ka fallaagowday Mareexaanka iyo ciidan uu leeyahay Ina Caydiid.

Jabhadda Mareexaan hadda ka hor ayay dhowr jeer weerar ku qaadday magaalada laakiin way ku fashilmeen in ay qabsadaan, maxaa yeelay ma aysan lahayn awood ay wax ku qabsadaan, hase waxay heleen baa la leeyahay taageero dibadeed oo xoog leh, taasina waxay keentay in ay si fudud uga cayrshaan magaalada kooxdii horey u haysatay ee uu hoggaamiyaha u ahaa Morgan.

Lama oga meel uu morgan ku dambeeyay, laakiin qabsashada magaaladda Kismaayo meel ay ku dambayn doonto lama yaqaan. Qabsashada Kismaayo waxay habar wadaag la tahay qabsashada Baydhaabo, labadaba waxaa ka dambeeyay quwado shisheeye oo taageeray qabiilooyinka soomaalida ee meelahaas isku haystay.

Waxaana muuqata in haddii quwadahaasi ka daalaan taageerada ay siinayaan qabiilooyinka soomaalida ay magaalooyinkaasi sidoodii hore ku soo laaban doonaan, ama ay qabsan doonaan dadkii horey u degganaa ee ayagu magaalooyinkaas ku badnaa.

Ethiopia iyo Eritrea dagaalkoodii ma soomaaliya bay u rareen?
Sida ay sheegtay IRIN waxaa cabsi wayn laga qabaa in dagaalka soomaaliya ee runtii ahaa daagaal qabiilo uu noqdo dagaal heer qaaradeed ah, taasina waxaa keenay kadib markii Ethiopia iyo Eritrea ay dagaalkoodii u rareen Somalia dhulkeeda.

Eritrea kadib markii lagu jebshay dagaalkii iska horimaadka ahaa ee dhexmaray ayaga iyo Ethiopia ayay naf bidday in ay soomaali kaashato oo hubayso jabhadda oromada ee deggan dhulka soomaaliya ee Caydiid taageero.

Arrintaasi waxay keentay in Eritrea ay taageerto Caydiid laftiisa si uu uga lib helo kooxaha ka soo horjeeda ee ay somaaliya dhexdeeda isku haystaan. Taasina waxay dhalisay in fal kaas la mid ah ay Ethiopia ku kacdo ayada oo hubaynaysa qabiilooyinka ka soo horjeeda Ina Caydiid sida Raxanwaynta.

BOGGA 3AAD Anglefire Free Email
BOGGA QUBANAHA
Ethiopia oo beenisay in diyaarado kuweedaa la soo riday
18, 1999(Reuters) Addis Ababa, Dowladda Ethiopia ayaa beenisay warkii ay sheegtay Eritrea ee ahaa in la soo riday diyaarado dagaal oo Ethiopia leedahay.
Nin u hadlay dowladda Ethiopia wuxuu sheegay in diyaaradaha la sheegay ee kala ah MiG iyo Helokobtar dagaal aanay marnaba dhicin in la soo riday, wuxuuna intaa ku deray in diyaaradahaasi kaalin wacan ka qaateen goobaha dagaalka, ayna ka howlgelayeen sedka ma'rab, waxayna goobohoodii ku soo laabteen ayaga oo nabad qaba.

Dalxiis Maraykan ah oo Kenya lagu boobay
18, 1999(Reuters) Nairobi, afar iyo labatan ameerikaan ah oo dalxiis ahaa ayaa la boobay kadib markii qotay lagu qabtay Kenya dhexdeeda, saddex ka mid ah ayaa in muddo ah la haystay ayaga iyo darawalkoodii waxaana dhibaatadaasi ka dhacday bannaanka xerada dugaagga lagu dhaqaaleeyo ee loo yaqaano maasai mara, sidaa waxaa sheegay saraakiisha dalxiiska.

dhammaan afar iyo labaatankoodii way ka baxsadeen afduubkaas ayaga oo aan wax gaarin, kadib markii laba nin, oo mid qoray sito midna midi ay joojiyeen afar bas oo dalxiis ah, sidaa waxaa sheegay, ururka dalxiiska Kenya.
BOGGA 4AAD la xiriir Sadiq Hashi
BOGGA DOODDA IYO CILMI BAARISTA
MADAXWAYNE HA LAYGA DHIGO!
Faahfaahin ku saabsan kitaabkan
Cinwaanka: Madaxwayne ha layga dhigo!
Mowduuca: Waa kitaab afsoomaali ku qoran oo ka hadlaya sida qola kasta oo ka mid ah qabiilooyinka soomaalidu ay isugu dayday in ay madaxwayne dalka u noqdaan.
Qoraaga: Qaasim Hersi Farah(Duullaanjecel).
Qasim's photo
Qasim Hersi
XAAJADA INA BARRE!!
Cali sida muuqata arintaas kuma eegin il degenaan ka fiirsi dheer leh iyo hab caddaaladeed, maxaa yeelay ma uusan eegin duruufihii waqtigaas taagnaa ee kalifayey in wax uun la qoro ayna ka midka ahaayeen:

1- Ku heshiin la'aan habka loo qorayo afka, oo ahaa muran soo taxnaa in ku dhaw hal qarni (1898 kii) eeg (Politics, Language, and Thought The Somali Experience. Bogga; 1- 115), iyo (Katekisemka dabta Kristanka). ee ka soo baxay (Vicariato apostolico-Mogadiscio).

2- Baahidii cuslayd ee loo qabay in afka hooyo la qoro.
3- In la heli karay teebka lagu qoro afka Laatiinka ah oo keli ah.

4- In aan dib loogu taba bari karin Afcarbeed shaqaalihii dawladda oo ku soo tababartay afafka Laatiinka ah.
5- In ay reer Galbeedku dirqinayeen oo maal gelinayeen in hab laatiini ah loo qoro Afka Soomaaliga, Carabina ay warmoog ka ahayd tartanka.
6- In ay Barre iyo dawladdiisuba ahaayeen dad ku soo tababartay tacliin reer Galbeed, oo ka jaahil ah arimo badan.

7- In uu Barre u baxshay tiro culima'u diinkii ilbaxnimada lahaa ah si ay u soo saaraan qoraalka afka. eeg; (Qaamuuska Af Soomaaliga. Bogga 484- 485. iyo bogga 416-418 ee (Politics, Language and Thought).

8- in ay dhawr dhawaaq oo shaqal Soomaali ihi aqbalayn qoraalka Af Carabiga, taasina ay keenayso in loo baahdo qalab qoris oo ka sii baxsan kan lagu qoro afka Carabiga, taas oo ah tan ay maantaba qawmiyado badani ku dhib qabaan, gaarsiisayna qaarkood in ay iska badelaan hab qoraalkaas oo ay hadda dib u soo bilaabaan qoristii taariikhdoodii iyaga oo dooranaya in ay hab Laatiin wax ku qortaan, waxaaba ka mid ah waddamada ay taasi qabsatay dalka Malaysiya.

Waxaana ka mid ah codadkaas af Soomaaliga ah ee aan marnaba af Carabiga aqbalaynin ( e, o, iwm). sidaa darteed la arkay in loogu dhawaaqo xarfaha higaadda sida af Carabiga laakiin loo qoro sida Laatiinka.

9- In laga nabad galo eed ay tirsadaan wadaniyiintii ku muransanaa sidii afka loo qori lahaa oo isugu batay habkaan.     [Waa socotaa...]

Ibrahim Moallim Mursal
Esdoornstraat 20, 7151 ZA Eibergen - The Nederlands.
Tel/Fax +31 -545 -476 -473.
E-mail adres: mursal@a1.nl
Iyaga halyeeyo ayay ahaayeen; innagana halyeeyo wayaynu leenahay

Halgankii dheeraa ma hal bacaad lagu lisaa?!
Xiriirkii Faraacinnada Masar
Somaali, maalin iyo habeen, kuma dhalan ee waa guul qarniyo loo soo kifaaxay. Waa arin fac- ka-fac layskaga soo dhaxlay. Waa Ummad fac weyn dunida laga aqoonsanaa kumayaal sano ka hor. Xiriir bulsho, dhaqaale iyo siyaasadba Faraacinadii Masar la soo yeeshay.

Aagga Geesta Africa waxay ka ahayd Ummad iskeeda u taagan oo laguma qaldi jirin Ummadaha kale oo dunida caanka ka ahaa ee isla aaggaa ku noolaa. Lama oran jirin " Bilaadul Xabashah" ee waxaa loogu yeeri jiri "Bilaadul Bunt". Dalkii udgoonaa.

Xiriirkaa faca wayn ee Caalamiga ah ayay Ummadda Soomaaliyeed ka soo jeedaa, weligoodane iskooda ayay u taagnayeen. Dhaqan wadaag iyo macbilka ay dunida la lahayd ayaa hiddahoosda iyo dhaqankoodaba dhidibbada loogu aasay.

Hijradii Muslimiinta
Sidaas oo kale, Hijradii muslimiinta ee dalka Xabashah (Itoobiya), ayaa ummadda Soomaaliyeed jiritaankeeda iyo iskeed u taagnaan-shaheeda door wayn ka qaadatay. Oo waxay noqotay Kayaan mabaadii iyo xeerar iyo dhaqan diinayd nidaam ku taagan .

Halkaas oo ay ka dhalatay xiriir iyo usu socod fidin diineyd; kaas oo abuuray ummadda geyiga Soomaaliyeed in ay isu duubanto oo meel ay ka soo wada jaysato.

Waxaa tarmay oo kobcay xeer wadaag iyo dhaqan bulshe oo leh saldhig adag aan marna liicayn, kaas oo salka ku haya mabaddida guud ee Diinta Islaamka.

Halgankii Culumada Diinta
Halgankii qarniyadii hore ee Axmed Gurey iyo kii bilawga qarinigan ee Sayid Maxamed Cabdulle Xassan iyo kuwii lagu jebiyay ciidamadii Antonio Cecchi (jabkii Lafoole) iyo Ugo Ferrandi (sahankii Luuq Ganaane), Culumaauddiinkii, sida Sheekh Xassan Barsane, Sheekh Uways, Sheek Murjaan iyo kuwa kale oo fara badan, ee u baabac dhigay Baadiriyaashii Jubbada Hoose iyo Shabeeladaha hub iyo hanti ku soo weeray, si ummadda astaantooda iyo diintooda loo geddiyo; markii Baadiriyaashaasi ay ku soo guulaysteen hawshaasi oo kale ay ka soo qabteen Africa Ekwatooriyalka loo yaqaan.

Halgankii Gobanimadoonka ee Dhalinyarada
Halgankii dhalinyaradii qarnigan bilowga nuskiisii dambe heeryada gumaysiga naga tuuray. Dhalinyaro rag iyo haween naf iyo hantiba u huray. Kuwa ku naf waayay, gabdho billaddoodii iib geeyay oo halganka ku maal geliyay, gabdho xabsiyada ku umulay iyo kuwa dalkoodii laga musaafirayay. Dhallinyaradii gumaysiga yiri maya, ballantiina oofiyay, suray bulugley, dhaliyayna Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Dalkii gumaysiga kala jar jaray, isaga oo xaadir ah, laba Geyi isu keenay ee jiilka dambe u daayey isu keenidda qaybihii kale ee maqnaa. Inkastoo jiilkeenna, kuwa maqan isu keeniddooda ha joogtee, Jamhuuriyaddii dhisnayd cad-cad u kqala jar-jaray.

BOGGA 5AAD la xiriir Ibraahim Salah (for free copy)
BOGGA HAWEENKA
Xaaskii Xuseen Caydiid oo RRA-du qabatay!
Ina Caydiid Baydhabo dhowr toddobaad ka hor ayaa lagala wareegay, arrintaasina wax la yaableh ma ahayn, maxaa yeelay dagaalka soomaaliya awalba dagaal qabiil buu ahaa oo qolaba dhinac mar loo cayrsan jiray.

Laakiin arrinta qosolka iyo tiiraanyada lahayd waxay ahayd warka idaacaduhu soo tebiyeen ee ahaa in jabhadda RRA-du qabsatay Xaaskii Ina Caydiid, war BBC-du sheegtay, waxaa haweeneyda lafteeda laga soo xigtay in ay tiri: Jabhadda RRA-da ayaan gacanta u galay laakiin waan ka soo dhuuntay.

Waa arrin la yaableh, waase ilaah mahaddiis haddii aaney gabadhaasi sheegin wax dhibaato ah oo loo gaystay, maxaa yeelay, jabhadaha soomaalida siiba jabhadda ina Caydiid waxaa u caado ah in haweenka la fara xumeeyo oo xuquuqdooda lagu xedgudbo.

Dagaalada aduunka ka dhaca in kasta oo dadka dhibaatadu soo gaarto uu haweenku ugu horreeyo hadana, badanaa waxaa caado ah in aan haweenka iyo carruurta wax la yeelin oo xaqooda la dhowro.

Laakiin haddii ay jabhadaha dagaalka wadaahi yihiin sida kuwa Sirbiga ama kuwa lamidka ah ee soomaaliya ka jira, badanaa carruurta iyo haweenka ayaaba dilka iyo silicdarraynta laga billaabaa.

Waxaan u maleeyay in haweenaydaasi gacanta u gashay ciidanka Xabashida oo ay iska soo daayeen maxaa yeelay garan mayaan, waxaanse hubaal ah in haddii ay RRA-du qaban lahayd oo ay garan lahaayeen aaney marnaba nabad gasheen.

Suaal kale oo la yaableh waa maxaa haweenayda Ina Caydiid looga cararay? miyaaney lahayn ciidan qoyska taliyahooda gaar ka ahaa, oo loo baahnaa in ay haddii ay arkeen in dagaalka looga gacan sarreeyo ay xaaska iyo wixii kale ee jilicsan baxshaan oo sii hormarshaan?!
BOGGA 6AAD xayaysiin
DIINTA ISLAAMKA
KITAABKA TAWXIIDKA
    Faahfaahin ku saabsan Kitaabkan:
    1.Cinwaanka: Kitaabka Towxiidka(121 Bog)
    2. Mowduuca: Tawxiidka.
    3. Qoraaga: Sheekh Maxamad bin Cabdil wahhab.
    4. Waxaa soomaaliyeeyay: Hersi M. Labagarre
    5. Qiimaha: (US$ 10.00) oo aan boostadu ku jirin.
as-salafiyah al-wahhabiyah
CASHARKA 40AAD
QOFKII INKIRA WAX KA MID AH MAGACYADA IYO SIFOOYINKA EEBBE
Eebbe kor ahaayee wuxuu yiri:
[Waxay ku gaaloobi Eebbaha raxmaana (Naxariiste), waxaad dhahdaa Eebbe mooyee Ilaah kale ma jiro, isagaanna tala saartay xaggiisaanna u noqon ] Ar-Racd 30.

Saxiixul Bukhaarina waxaa ku soo arooray in cali yiri:"Dadka uga sheekeeya wax ay garanayaan (fahmi karaan), ma waxaad doonaysaan in Ilaah iyo Nabigiisa la beensho".

Waxaana Cabdurrasaaq ka soo weriyay, Mucamar, Ibn Daa'uus, Aabbihiis, Ibn Cabbaas ka sheegay "In uu arkay nin gargariiraya xaddiis uu maqlay oo Nabiga, naxariisi korkiisa ha ahaatee laga soo weriyay, oo sifooyinka (Eebbe) ku saabsan dartiis, asiga oo taa inkirsan, kolkaas buu yiri (Ibn Cabbaas): Maxaa cabsigeliyay kuwaas, waxay dareemayaan jileec kolka xaddiiska kiisa cad (oo la fahmi karo) la sheego, wayna halaagayaan kolka Mutashaabiha (midka aan si fudud loo fahmi karin) la sheego".

Kolkii ay Qurayshi maqashay Rasuulka nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee, oo sheegaya "Ar-Raxmaan" way ku inkireen taas, kolkaas baa Eebbe ku soo dejiyay [Waxay ku gaaloobi Eebbaha raxmaana].

Masalooyinka Casharka
Tan 1aad: Waa in ay iimaan la'aan tahay in la inkiro qaar Magacyada iyo Sifooyinka Eebbe ka mid ah.
Tan 2aad: Waa tafsiirka aayadda Ar-Racd.
Tan 3aad: Waa in laga tago ka sheekaynta wixii aan dhegeystuhu fahmayn.

Tan 4aad: Waa in la sheegay taa sababteeda oo ah in uu keenayo Ilaah iyo Nabigiisa oo la beensho, haddii uu dano yuusan u kasin qofka inkirayaahi e'.
Tan 5aad: Waa hadalkii Ibn Cabbaas uu ku yiri qofkii inkiray waxyaabahaa (Magacyada iyo Sifooyinka Eebbe) qaar ka mid ah iyo in uu ku tilmaamay in ay halaagayaan.
BOGGA 7AAD xayaysiin
BOGGA DHALLINYARADA
SHEEKADII KALIILA IYO DIMNA
Faahfaahin ku saabsan Kitaabkan:
1.Cinwaanka: Kaliila iyo Dimna(119 Bog).
2. Mowduuca: Murti facwayn iyo sheekooyin qosol badan.
3. Qoraaga: Cabdullaahi bin al-Muqafac.
4.Waxaa soomaaliyeeyay: Hersi M. Labagarre
5. Qiimaha: (US$ 10.00) oo aan boostadu ku jirin.
somalinet logo
Qaybtii: 34aad
Baaristii Arrintii Dimna
Dimna: qolyaha falkoodii fal aan ahayn ku kacaya wax ay yihiin ma jiraan, sidii kii dambiil dambas ku guray ee dhigay meeshii ciid in la dhigo mudnayd, iyo sidii ninkii dhar haween guntaday iyo naagtii dhar rag guntatay, iyo sidii martidii tiri; aniga ayaa aqalka u oday ah, iyo sidii kii war aan la waydiin koox ka dhex yiri, dhurlaawuhuna waa midka aan arrimaha garaniyn iyo dadku waxa uu ku suganyahay in uu naftiisa dhib ka celiyana aan awoodin taasna taag aan u lahayn.

Libaax hooyadiis: ballanlaawayahaw dhagarrowga ahi, ma waxaad u malaynaysaa in aad hadalkaagaas boqorka ku dhagri karto oo uusan ku xirayn?.
Dimna: ballanlaawuhu waa kan aan nacabkiisu dhagartiisa ka nabad gelayn, haddii uu nacabkiisa dabin la helana gaf la'aan buu dilaa.

Libaax hooyadiis: ballanlaawayahow beenlowga ahi ma waxaad moodaysaa in aad ka fakandoonto abaal marinta beentaadii, dhagartaadanina in ay wax ku terayso adiga oo gaf wayn gaystay.
Dimna: beenlow waa kan sheega wax aan jirin, lana yimaada wax uusan dhihin oo uusan falin, hadalkayguna run cad waaye.
Libaax hooyadiis: raggiinna wax yaqaanna ayaa arrintiisa codkarnima ku caddayn doona, wayna is taagtay oo baxday.

Libaaxii ayaa markaa Dimna u dhiibay garsoorihii, garsoorihiina in la xiro ayuu faray, kadibna qool baa qoorta loo gelshay, oo shookiga ayaa loola dhaqaaqay, habeen barkii kolkay noqotay baa Kaliila loo sheegay in Dimna xiranyahy, kolkaas buu dhuumaal ugu yimid, markii uu arkay jucuurka iyo jiirta uu ku jiro buu ooyay, oo ku yiri; meesha aad gaartay, dhagar adeegsi iyo sabasho, iyo waana diid mooyee wax kale kuma gayn, sidaas ay tahayna aniga hore in aan kuugu digo, oo aan ku waaniyo, oo kuu ordo, jacayl aan kuu qabo awgiis, baa i hursaneed, meel walibana wax bay mudantahay, wax walibana wax bay leeyihiin, intii aad wacneyd hadii aanan ku waanin lahaynna, maanta gafkaaga waan kula wadaagi lahaa, hase yeeshee isla waynida ayaa meel garaadkaaga tirtirtay kaa gashay, oo dhugtaada ka adkaatay, in door ah ayaanna ku tusaa-leeyay, aqoonyahannada hadlkoodana ku xusuusiyay, wadaadaduna waxay dheheen dhagarow wedkiisa ka hor buu dhintaa.

Dimna: hadalkaaga runtiisa waan ogaaday, wadaaddaduna waxay dheheen abaalmarinta ha ka cararin haddii aad gafkaaga ku galabsatay, in dunida gafkaaga lagaagooyo ayaana ka roon in aakhira jahanama lagugu gubo, oo uu gafna kuula jiro.

Kaliila: hadalkaaga waan gartay, hase ahaatee gafkaagu wuu waynyahay, libaaxa abaal maritiisuna way adagtahay oo kulushahay, waxaana ku dhawaa shookiga dhexdiisa, herembed ku xirraa, hadalkoodana maqlayay iyaguna maanay arkayn, kolkaas buu ogaaday canaanta Kaliila dimna ku dhigayo falfalxumadiisa awgeed, iyo wixii uu sameeyay, iyo in dimna ogolaaday falfalxumadiisii iyo gaf waynidiisa, kolkaas buu dooddii qaybay oo qariyay, si uu ugu marqaati furo haddii la waydiiyo, kadibna Kaliila aqalkisii bu ku noqday.

Kadibna libaaxii hooyadiis baa kolkii ay waabariisatay libaax u gashay, oo ku tiri boqorkii dugaaggow, ka hufnid in aad illowdo wuxii aad shalay tiri, oo aad goortiisii fartay, oo aad eebbe ugu dhawaatay, wadaadaduna waxay dhahaan qofka lama gudboona in uu ka gaabsho dadaalka uu eebbe ka cabsiga ugu jiro, mana u habboona in uu godob gale gafkiis caabiyo.     [Waa socotaa..]

BOGGA 9AAD!Register-It! -
 Promote Your Web Site!
HIDDAHA, DHAQANKA, SUUGAANTA IYO AFKA SOMALIDA
MACMACAANKA MURTIDA SOOMAALIYEED

Faahfaahin ku saabsan Kitaabkan:
1. Cinwaanka: Macmacaanka Murtida Soomaaliyeed.
2. Mowduuca: Murti iyo Maahmaahyo Soomaaliyeed.
3. Qoraaga: Hersi M. Labagarre
4. Qiimaha: (US$10.00) oo aan boostadu ku jirin.
Qaybtii 22aad
1. Culimo dad u eki bay kugu dishaa,
abeesana dhul u eki.
2. Caruurnimo waa ciil laga waynaaday.
3. Cimri tegay ceeb laguma sagootiyo.
4. Caana jiilaal canba can dareen.
5. Caro walaal waa la bariiyaa.
6. Cudud caana gabsheen cagaar ma koriyo.
7. Caleen qurac calool geel wax kama tarto.
8. Cawlba cawlkiisuu la boodaa.
9. Colaadi yaryaraysi ma leh.
10. Calool rag waa wabi xagaa.
BOGGA 8AAD xayaysiin
IIDHEH IYO OGAYSIIS
Mashruuca Abwaanka Afka, Hidaha iyo Dhaqanka Somalida
[Encyclopedia Somalica]

Please support Somali Electronic Journal
Programmed, Developed and Written by Hersi M. Labagarre
Codka Somalida Cusub, Waa wargays Electronic ah oo Toddobaadle ah, wuxuu ku soo baxaa afka Soomaaliga Maalin kasta oo Axad ah
"DHAMMAAN MAQAALADAHA WARGAYSKAN KU SOO BAXA WAXAY U TAAGANYIHIIN ARAGTIDA QORAAGA EE UMA TAAGNA UJEEDDADA WARGAYSKA"

DHAMMAAN XUQUUQDA DAABACAADDU WAY DHOWRANTAHAY

Copyright 1998 - Labagarre - All rights reserved.
Nala soo xiriir
booqo csc H. page
Saxiix B. Martida
Codso wargayska sej
Dhiibo Aragtidaada
Aqarso B. Martida
Xayaysiin
Bogaadin
Somali Forum
Free Email
Free Guest Book
Free Home Page