Site hosted by Angelfire.com: Build your free website today!
S o m a l i    E l e c t r o n i c    J o u r n a l
A Destination for Somali News, Business and Culture
S.E.J
Main
Page
  • Somali Studies
  • Somali Culture
  • Business
  • Communication
  • Computers
  • Education
  • Entertainment
  • Hobbies
  • Internet
  • Jobs
  • Libraries
  • Music
  • S.E.Journal
  • Newspapers
  • Organisations
  • Search Engines
  • Shopping
  • Sports
  • Travel
  • Women
  • Gundhigga Wargayska
    Aqarso B. Martida
    Taariikh: 20.2.2000
    Saxiix B. Martida
    BOGGA 1AAD ARARTA WARGAYSKA
    Toddobaadkan waxan ararta wargayska ku soo qaadanaynaa, maqaal uu inoo soo qoray nin qoraayaasha wargayskan wax ku qora ka mid ah, isla markaana xogogaal u ah siyaasadda Xamar.
    Xamar Xaalkiisu waa ila Xunyahay!!
    Waxaa Qoray: Maxamad M. Caddaawe "Geeddow"
    Bernard de Wildostraat 430, 4827 EH Breda Netherlands
    E-Mail: geddow@hotmail.com - Websites www.goplay.com/Geeddow2 & www.goplay.com/Cadale1
  • Xaaladda Xamar ka jirta
    Waxaan rabaa inaan inta kusoo gudbiyo sida ey ilatahay xaaladda hadda Xamar kajirto iyo dhibaatada mustaqbalka ey keeni karto haddaan hadda laga hortegin. Sida aan lawada socono waxaa muddadii dambe Xamar ka socdeen shirar badan oo loogu talagalay in dib u heshiisiin loogu suubiyo beelaha deggan koofurta Soomaaliya siiba Xamar iyo agagaarkeeda looguna suubiyo maamul.

    Shirarkaas waxaa kamid ahaay, shirka siyaasiinta oo ah mid ey isugu yimaadeen dagaal oogayaasha badankooda kuna baaqaayeen iney maamul u suubidoonaan banaadir iyo guud ahaan gobolada koofureed kaasoo sida caadadu eheed fashilmay kedib markii danihii eylahaayeen dagaal ogayaashu ey isku dhaceen, kedibna Dr Bood cadeeyay in kooxda Xuseen Caydiin ey nabad diid tahay iyadoo gobolada qaar kawado dagaalo, taasoo Xuseena cadeeyay in kooxdiisu eyna wax dagaal ah ku luglaheyn.

  • Kooxda Ina Caydiid
    Dhinaca kale kooxda ina Caydiid waxey sheegtay iney diyaar u yihiin ka qeybgalka dib u heshiisiinta haddi ey taas qabanqaabiso dowlad dhexdhexaad ah oon anigu fahmin midda ey tahay.Waxaakale oo Xamar ka socoto qabanqaabada shirka dib u heshiisiinta Hawiye oo ah midka duubabka oo usugana hadda ku dhaw inow fashilmo usugoon weli la fadhiisan.

    Sababta oo ah in beesha Mudulood oo ah lafdhabarka shirka ey codsatay in shirka dib loo dhigo eyna ka fiirsadoonto ujeedooyinka shirka lana soo naqandoonto ergadeedii ku jirtay guddiga qabanqaabada shirka iyo beesha Xawaadle oo iyadana ka cagajiideyso kasoo qeybgalka shirkaas iyo goobtii shirkaas lagu dhigilahaay oo leysku heysto kedib markii Xuseen Caadiid ow warqad qoraal ah u diray taliyaha dugsiga sare ee booliska oo ah goobtii lagu qabalahaay shirkaas warqadaas oo ow ku cadeeyay in dugsigaasu yahay hanti qaran aananna lagu qabankarin shir qabiil, taliyahana ow ugu jawaabay in goob ka fiican oo lagu qabankarilahaay shirkaasi eyna jirin laguna qabandoono sidii horeyba loogu talagalay.

  • Caqliga maa la kaashado?
    Ayaamahaan dambe Xamar waxaa kajiro jawi aad u kacsan oo keenay iney dadku sii kala qeybsamaan is aaminkuna ow yaraado taasso sida ey aniga ii la muuqato keeni karto dhibaato horleh haddaan hadda laga hortegin Soomaalidu waxey ku maahmaahdaa (abeeso ha ku cunto afka uma roono) waxaanse ka cabsi qabaa in Xamar dagaalkii sokeeye dib ugu naqato, Allaha naga haayee haddi eyna cid aqliga kaashaheyso eyna u bixin kuwa maskaxdii ibna aadan oo caqliga Illaahey ku abuuray ey ka taktay ee mid walabo oo Xamar jini boqor ku yahay.
  • Somali Forum
    Free Email
    Free Guest Book
    Free Home Page
    BOGGA 2AAD WARARKA SOOMAALIDA
    Qasim's photo
    T A H N I Y A D
    Bahda wargayska Somali Electronic Journaal waxay tahniyad iyo bogaadin u dirayaan Dr. Qaasim Hersi Farah iyo Ustazah Nawaal Mohamad Ali oo uu dhawaan meherkoodu ka dhacay dalka Kuwait. Waxaan Ilaah idinkaga rejaynaynaa in aad noqotaan kuwii isku waara oo ubad kheyr qaba kala hela. Aamiin, Ammiin.
    Dab Qabsaday Xeradii Qaxootiga Kakuma
    Kenya, Feb. 19 2000[Associated Press], Dab ayaa la sheegayaa in uu qabsaday xeradii qaxootiga Soomaalida ee ku tiil Kakuma ee Kenya, dabkaas waxaa la sheegay in uu ugu yaraan 500 oo xoosh gubay, taas oo keentay in dad gaaraya ilaa 3, 000 oo qof halkaa ku hoy beelaan, warkaa waxaa laga soo xigtay saraakiisha booliiska Kenya.

    Nin booliiska u hadlay, wuxuu intaa ku deray in dabkaas qabsaday xerada qaxootiga UN-ta ee Kakuma ku taalla aanan sababtiisii ilaa iyo hadda la caddayn. Nin goobjoog ahaa oo diiday in uu is sheego ayaa la sheegayaa in uu yiri: nin qaxootiga ka mid ah, ayaa nin kale ku eedeeyay in uu lacag ga xaday, dabadeedna aqalkiisii ayuu dab suray, taas oo keentay in dabkii halkaa ku fido oo xooshashkii kale gubo.

    Kakuma waxaa ku xeraysan qaxooti ka kala yimid, Somalia Ethiopia, Sudan iyo Ugandha, waxayna ku noolyihiin cooshash dhis iyo dhoobo ka samaysan.

    Mareexaan oo ku mashquulay Waanwaano iyo heshiisyo
    Muqdishu Feb.19 2000, Toddobaadkii ina soo dhaafay waxaa heshiis nabadeed iyo iskaashi wada saxiixday beelaha Mareexaanka iyo RRA-da hadda metesha beelaha Digil iyo Mirifle, waxaana dadka u dhuundaloola siyaasadda beelaha Mareexaan sheegayaan in heshiiskaasi ahaa midkii ugu dambeeyay ee saddex heshiis oo Mareexaan ku tillaabsaday maalmahan dambe.

    Heshiisyadaas, oo kala ahaa: Mid ay iyaga dhexdoodu ka gaareen khilaafaadkii beelahooda dhex yiil ee ku saabsanaa doorashada cidii ka matali lahayd beelahaas shirka Djibouti, heshiiska labaadna wuxuu ahaa kulankii dhex maray saraakiisha Xabashada iyo Imaamka Mareexaan, kaas oo looga wadahadlay sidii dowladda Xabashidu faraha ulagala bixi lahayd maamulka iyo dhulka soomaalida, heshiiskii saddexaadna wuxuu ahaa midka ay Mareexaanku la yeesheen RRa-da.

    Waxaa warku intaa ku deray in maalmaha foodda inagu soo haya la filayo in beelaha mareexaan soo saaraan go'aanno la xiriira arrinmaha shirka Djibouti iyo mowqifka ay kataaganyihiin iyo ciddii ay u doorteen ee shirkaas uga qayb qaadan lahayd.

    FG: Maqaalkan hoos ku qoran wuxuu inaga soo gaaray urur mutarjimiin ah oo doonaya dad la shaqeeya, oo afafka Soomaaliga iyo Englishka aad u yaqaan, siiba soomaalida joogta Maraykanka iyo Canada, haddaba ciddii xiisaynaysa shaqadaa ha la xiriireen. Labagarre.

    OnLine Interpreters, Inc. - Somali
    Dear Editor:
    OnLine Interpreters, Inc. is currently looking for people fluent in Somali and English to help us service our clients. We provide over-the-phone interpretation nationwide (United States) to organizations such as hospitals, banks, utilities, and community service centers in 150 languages. Our service helps them communicate with their limited English proficiency patients or customers.

    This is a great source of supplemental income. The work can be done from a virtual office in your home, days or evenings. Our interpreters simply log in through our Call Center in Chicago. When we receive a call from one of our clients asking for a Somali interpreter, we conference the appropriate interpreter into the call. Currently, the interpreters must reside in the U.S. or Canada and have work authorization.

    No special equipment is required and we do provide training. The calls last from 5 to 20 minutes, and we will pay for the time spent on each call.
    If you, or someone you know, would like to know more about this opportunity, please contact us.
    Either email us as recruit@onlineinterpreters.com or call us: (800) 307-1001.
    Thank you,
    Chrissie P. Jahn
    Chrissie P. Jahn
    Vice President, Marketing - OnLine Interpreters, Inc.
    2560 Garden Road, Suite 205, Monterey, CA 93940
    Toll-free: (800)307-1001, Dir: (831)372-3589
    Fax: (831)372-3586, chrissie@onlineinterpreters.com

    Somalida Odense, isku duubnida waa looga dayan karaa
    W.Q: Ibraahim Salah Aden
    Wargayska Wadajir, Danmark
    Mar aan saa u fogeyn ayaa waxaan ka qayb galay Janaazo qof Soomaaliyeed oo ku dhintay magaalada Odense ee dalkan Danmark. Sida reer Odense caado u ahba waxaa aaskii ka soo qayb galay dad aad u fara badnaa oo Soomaaliyeed, kuwaasoo isugu jiray kuwo deganaa Odense iyo kuwa ka yimid dibadda Odense. Haddaba, nin ka mid ah dadkaas oo isagu ka yimi dalka Mareekanka ayaa waxay sheekaysanayeen niman reer Odense ahaa oo aan markii danbe u qaatay inay isku reer ahaayeen.

  • Nin dhinaty qabiil ma loo eegaa?
    Ninkii qariibka ahaa ayaa nimankii kale weydiiyay reeraha ay yihiin dadkan faraha badan ee ka soo qayb galay Janaasada ama aaska. Nimankii oo yaabban ayaa ugu jawaabay ninkii hadalkan: "waxay isugu jiraan reero/qabiilo kala duwan oo looma tixgeliyo qofka dhinto reerihiisa", waxayna weydiiyeen sababta uu u yiri hadalkaas. Ninkii wuxuu u sheegay nimankii kale in Soomaalida ku dhaqan meelo ka mid ah Mareekanka aysan samaynin sidan oo kale, balse qofka reerihiisa/qabiilkiisa oo keliya ay ka qayb galaan duugta ama aaska.

    Nimankii waxay ninkii u sheegeen in haddaba Soomaalida degan magaalada Odense aynan saas ahayn, oo haddii uu dhinto qof soomaaliyeed ay yimaadaan oo ay ka soo qayb galaan Soomaalida kale, iyadoo aynan u eegin qabiil iwm. Sheekadani waa sheeko aan goob joog u ahaa oo dhex martay dadkaa Soomaaliyeed ee xaaladaha kale duwan ku dhacday.

  • Bulshada Soomaaliyeed ee Odense ammaan bay mudanyihiin
    Run ahaantii way ku ammaanan yihiin reer Odense sifadan wanaagsan. Way mudan yihiin in lagu ammaano markii ay yeesheen hal urur oo keliya oo u adeega baahidooda gaarka ah, halka aan ka maqalno ama ku aragno magaalooyinka kale ee ku kala yaalla dhulalkan qurbaha ururo Soomaaliyeed oo iyagu hardan siyaasadeed/qabiileed isugu jira iyagoo xilka la gudbooni uu ahaa inay midoobaan isuna kaashadaan sidii ay ugu fara adaygi lahaayeen diintooda iyo dhaqankooda, iyo sidii ay bulshada ay la nool yihiin ay uga faa'iidaysan lahaayeen waxyaabaha wanaagsan.

    Reer Odense way mudan yihiin in looga daydo sida aan kala sooca laheen ee ay u wada sheekeestaan, iyagoo ay ku kulmaan goobaha Masaajiddada iyo Naadiyada aan gaarka u lahayn hal qabiil/urur. Dib aan u xasuusano Musiibadii ka dhacday Soomaaliya: Soomaalida meel walba ay joogaan waxaan jeclaan lahaa in ay mar kasta xasuustaan oo ay ku cibro qaataan musiibadii, dilkii, silicii iyo gaajadii ay ku dhimatay boqolaal kun qof oo Soomaaliyeed oo u badnaa caruur, dumar, waayeel iyo dhalinyaro.

    Waxaa la ogsoon yahay in ay dalkii Soomaaliya ay ka qaxday dad ka badan 2 malyuun oo ruux iyagoo dowladaha deriska ah iyo adduunweynaha ku kala firdhay. Sababaha dagaalka ha badnaadeen, haddana waxaa ugu weynaa sunta qabyaaladda iyo iyadoo la daba galay qabqablayaashii dagaalka ee u oomanaa xukunka. Aan Illaah u laabano oo ka xoroowno qabyaaladda, waayo waynu aragnay miraha ay leedahay sunta qabyaaladda.

  • Midnimadu waa asaaska horumarka
    Waxaa hubaal ah in midnimada iyo iskaashiga ay yihiin labada shey ee ay bulsho kasta ku gaari karto horumar iyo guul. Haddaan nahay Soomaalida ku nool qurbaha waxaa nala gudboon inaan mar kasta qaddarino labadaas aan sheegnay, isla mar ahaantaana aan hal meel uga soo wada jeedsano baahideena guud. Waxaan la noolnahay bulsho aan dhinac kasta kaga duwanahay sida diinta, dhaqanka, midabka, luqadda iwm. Inteena ku nool dalkan dhulalkan qurbaha waxaynu nahay bulsho ay intooda badani yihiin dhalinyaro iyo dumar, kuwaasoo u baahan in laga caawiyo diintooda, dhaqankooda.

    Waxay ila tahay inaan mar waliba qaadaa dhigno oo aan ka wada hadalno mashaakilka guud ee qabsata Soomaalida, innagoo isla markaas isku dayayna sidii aan si wadajir ah u xallin laheyn arrimahaas. Dadyowga nala degan waxaad mooddaa inay nagaga dheereeyaan arrimahaas oo dhan. Tusaale yar haddaan soo qaato, waxaa jira qaar ka mid ah ajaanibta nagula nool dalalkan sida Turkida, Carabta iyo Bakistaaniyiinta in ay furtaan dugsiyo khaas ah oo dowladaha dalkan ka leh aqoonsi. Maxaa innaga inoo diiday inaan caruurteenna iyo dhalinyaradeena u furno dugsiyo khaas ah.

    Sharciga waa loo wada siman yahay, waana la yaqaanaa. Waxaa jira aqoonayahanno Soomaaliyeed oo ku nool qurbaha, kuwaasoo u leh aqoon fiican sharciyda iyo nidaamka dalalkan qurbaha. Howshani waxay xil gaar ahi ka saaran tahay aqoonyahanka, waayeelka, culumaa'udiinka iyo wax garadka. Ugu danbeyntii waxaan leeyahay gacmo wadajir bay wax ku gooyaan.

  • Iman's photo Iman uur miyay leedahay? Iman oo sida Soomaalidu iyo dunida inteeda kaleba ogyihiin ah naag aad ugu caan ah quruxda iyo hannaan samida ay leeyihiin haweenka soomaaliyeed, kuna darsatay aqoonta ay u leedahay xayaysiinta iyo qurxinta huga kaas oo ay ku kasbatay erayga "supermodel" ayaa maalmahan la hadal hayay in ay uur leedahay oo ay ayada iyo nunkeedu isku deyayaan in ay carruur helaan.
    Iman waa 44 jir, ninkeeduna waa 54 jir, waxay labadooduba hore u soo mareen guur, iyadu waxay hore u guursatay nin Maraykan ah oo ka mid ah ciyaaryahannada kubbada kolayga oo ay u dhashay gabar Suleekha loo baxshay oo hadda 23 jir ah.

    Ninkeeda David Bowie oo ah fannaan aad u caan ah oo u dhshay Ingiriiska, asiguna wuxuu horey u guursaday haweeney u dhashay wiil hadda 28 jir ah. Bowie iyo Iman waxay is guursadeen 1992kii, in muddo ahba waxay isku deyayeen in ay helaan carruur.

    Shirkii beelaha Hawiye oo laga cabsiqabo in uu burburo
    Somalia Feb. 19 2000, Shirkii la filayay in lagu qabto magaalada Muqdisho 14kii bishan ee ay ku kulmayeen beelaha Hawiye ayaa laga cabsi qabaa in uu burburo, sida ay inoo sheegeen dad shirkaas u dhuundaloola, dhibaatooyin badan oo shirka caqabado ku ahaa ayaa la mari la'yahay.

    Waxaa dhibaatooyinka shirkaasi in uu burburo keeni kara ka mid ah mowqifka Ina Caydiid iyo taageerayaashiisu shirka ka taaganyihiin, kaas oo ah mid aanan dhiirri gelinayn qabsoomidda shirka.

    Waxaa kale oo ayadana la sheegayaa in beelaha Mudulloodka loo yaqaan ee ka mid ah kooxaha ugu xoogga badan qabiilka Abgaal in ay jeclaysteen in shirka dib loo dhigo, oo ay la noqdeen raggii wakiilka ka ahaa ee ay shirka u soo magacaabeen.

    Cali Mahdi oo dhawaan ka soo laabtay Djibouti ayaa isagana la sheegayaa in uusan halna ku jacsanayn qabsoomidda shirkaas, uuna ka doorbidayo in la taageero shirka lagu qaban doono Djibouti, si xal guud loogu helo dhibaatada soomaaliya.

    Waxaa ragga siyaasadda beelaha Hawiye u kuurgala sheegayaan in Cali Mahdi quuddarraynayo in dib loogu magacaabo Madaxwaynaha Soomaaliya, maadaama ay Djibouti ahayd meeshii kal hore lagu doortay, taas ayaana keenaysa in uu burburo shirka beelaha Hawiye maxaa yeelay dooni mayaan Muddulloodku in la doorto ama la magacaabo cid aan Cali Mahdi ahayn oo shirka Djibouti Hawiye u sharraxo.

    Ina Caydiid iyo dhammaan beelaha Habargidir, ayaga mowqifkoodu wuu yare muuqdaa, wuxuuna ku salaysanyahay siyaasaddooda mucaaradka ah ee ay uga soo horjeedaan dhisidda dowlad soomaaliyeed oo aanay ayagu madax ka ahayn, sidaa darteed ayaa Cali Mahdi u carrabbaabay hadalkaas asiga oo sarbeebaya, markii uu Djibouti ka soo laabatay, oo yiri; ninkii madaxtinima doonaya soomaalida ha ka doono.

    jafar's photo Qoraayaasha SEJ nin ka mid ah oo Jacfar soo booqday Waxaa Qoray: Ibrahim Salah Adan
    Email: ibra88@hotmail.com, Odense, Denmark
    Jacfar wuxuu ku jiro cidlo iyo kelinimo oo ay u sii dheer tahay cudurkan kansarka ayaa waxaa maalintii Jimcaha ee la soo dhaafay loo soo wareejiyay magaalada Odense oo uu in badan codsaday in loo soo wareejiyo, si uu u maciin bado la jirka la deriska walaalihiisa Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Odense. (integration).
    Waxaa dalka DK ka jira sharci ku qasbaya qaxootiga cusub ee ka hela sharciga deganaanshaha inayan awood u lahayn inay ka guuraan magaalooyinkii markii hore lagu qoray inay degaan, iyadoo ay ugu wacan tahay inuu qofka la yimaado is dhex gal bulshada ah.

    Waa arrinta keentay markaa in Jacfar loogu diiday in uu ka guuro degmadii Tommerup ee uu deganaa markii hore. Waxaa haddaba ii suurto gashay in aan booqdo Jacfar, isagoo aan ku booqday gurigiisii cusbaa ee ku yaalla bartamaha magaalada Odense. Maalintii aan booqanayay Jacfar oo ahayd arbacadii la soo dhaafay ayaa waxaa la joogay dhalinyaro soomaaliyeed, kuwaasoo si joogto ah u waheliya isaga.

    Soomaalida degan Odense oo caan ku ah is xiriirinta iyo iskaashiga dhexdooda ayaa waxay keentay in habeen kasta uu la seexdo Jacfar qof ka mid ah Soomaalidaas. Waxaa jira jadwal ay ku qoran yihiin magacyo fara badan oo Soomaaliyeed, taasoo ku qoran taariikhda iyo goorta soo jeedka qofka la soo jeedayo Jacfar.

    In kasta oo ay adag tahay sidii loo daaweyn lahaa khatarta qofka qaba cudurka kansarka, haddana wuxuu Jacfar aad ugu faraxsanyahay sida hiilka dhabta ah ee ay walaalahiisa Soomaaliyeed ugu gurmadeen.

    Waxaan qabaa cudurkan Kansarka ah muddo hadda laga joogo qiyaastii 3 sanno, waxaana is lahaa goor hore ayaad dhimanaysaa khatarta iyo xanuunka cudurkan awgeed, haddana waa Illaah mahaddii oo waan noolahay.

    Wixii uu Illaah ii qoray gefi maayo oo qadarkiisa waan ku qanacsanahay. Waxaan aad ugu faraxsanahay sida wanaagsan ee ay iigu hagar baxeen walaalaha reer Odense ayuu yiri Jacfar. Cudurka Kansarka wuxuu uga dhacay qaybta dhuunta xigta ee afka, sidaa darteed ayaa wuxuu cuntada ka qaataa xagga caloosha.

    BOGGA 3AAD BOGGA GANACSIGA IYO DHAQAALAHA
    Sarrifka Lacagaha dalalka ay badanaa Soomaalidu deggantahay.
    Dalka Lacag US$1 =
    Qatar Rial 3.639
    Bahrain Dinner 0.3769
    Kuwait Diner 0.3047
    Switzerland Frank 1.501
    Malaysia Ringit 3.800
    Dalka Lacag US$1 =
    Somalia Shilling 9620
    Djibouti Frank 177.72
    Syria Lire 45
    Sudan Diner 247.10
    Yemen Riyal 148.15
    Dalka Lacag US$1 =
    Australia Dollar 1.5349
    Thailand Bahat 37.95
    Canada Dollar 1.4823
    England Pound 0.6207
    Europe EURO 0.9374
    Dalka Lacag US$1 =
    Saudi Riyal 3.750
    U.A.E Durham 3.672
    Oman Riyal 0.3849
    Egypt Pound 3.409
    Iraq Diner 0.3107
    Anglefire Free Email
    BOGGA 4AAD BOGGA QUBANAHA
    Faallada Arrimaha Soomaalida
    Aragti: Shirka Nabadda Djibouti!
    Waxaa Qoray: Xasno - Email: hasno@spray.se

  • Nabaddu Soomaalida ha ka timaado
    Aniga aragtida aan ka qabo shirka nabdeed ee dowlada Jabuuti qabanqaabineyso inuu yahay mid marka hore ey dan ugu jirto dhamaan umada soomaaliyeed meel kastaba ha joogtee, siiba dadka dalka guduhiisa ku sugan, inkastoo marka hore ay wanaagsanaan lahey in fikradu ay ka timaado umada soomaaliyeed oo ay aad u xun tahay in dad aanan ba soomali aheyn sida Jabuuti iyo madaxweynaheeda ay soomaali isugu yeeraan nabad.

    Taasi waa laga fiican yahay ayaan idin oran lahaa somaaliyey, tan kale waxaa arintaas ka sii daran markii umadu u wada riyaaqen shirka nabadeed in la yiri ninka la yiraahdo Xuseen Ceydiid uu ka soo horjeedo nabada umadu rabto oo dhan, taasna wexey cadeyneysaa oo ay marag u tahay inuusan Xuseen Ceydiid marka hore aheyn nin Somaali ah uu yahay wiil yar oo ku noolaa wadanka Mareykanka mudadii uu aabihiis baabi'inaayey Somaaliya, ka diban ka dhaxlay aabihiis baabi'inta iyo ineysan dib u heshiin soomalida isaguna ay mar walba u hirgasho danihiisa gaar ah.

  • Qabqablayaasha ha la iska qabto!
    Marka aniga waxaan qabaa ineysan wax somaali u hagaagaya aysan jirin iyagoon iska qaban ama isku meel ka arkin danahooda guud ama isku qabiil ha noqdeen ama kala qabiil ha noqdeene, waxa meesha ka socdana waa wax ruux walba oo Soomali ah garan karo sababtoo ah somaalida wexey ku maah maahdaa waayel waa anigoon is yeel yeeleyn, wixii danta somaalida ku jirto waan wada ognahay.

    Balse waxaan ka door bidnay inaan la kala jirno sagaal nin oo u taagan ganacsiga shacabka soomaaliyeed iyo dantooda guud, tababarna ka soo qaaatay abwaankii caanka ku ahaa kala qeybinta iyo isku dirka qabiilooyinka soomaaliyeed ka dibana ku xukumi jiray sidoo isaga dan ugu jirto, waana ninka la yiraahdo Maxamed siyaad barre, dhammn nimanka na hogaamiye maanta waa kuwii isaga u shaqeyn jiray anaguna raali ayaan uga noqonay iney maanta sidey rabaan noo hogaamiyaan!

  • Aragti: Tixraac maqaalkii 13.2.2000!
    Waxaa Qoray: Ayaan Saalah
    Toronto, Canada - Email: ayans_1@yahoo.com

    Waxaan figrad halkaan ujeedinayaa qoraagii qoray maqaalkii soobaxay Axadii, feb 13/2000 oo kusaab sanaa (Qabiiloolooyinka Soomalida oo shirka jabuuti isu qaban qaabinaya),, waxaan ku dhaliilaya:

    1) Asagoo si aad u qiimodaran u isticmaalay qabiilka.
    2)Asogoon soo tabin wax warlagu tilmaamikaro
    3)Asaga oo aad moodo in uu kooxo gaar ah guubaabinaayo,oo aad moodo in uu kacaraysan yahay sida ay wax u wadaan.
    4)Asagoo shirkii suu u dhicilahaa noo soogabagabeeyay.

    Hadaba waxaan leeyahay qoraaga wuxuu kufiican yahay in uu san qoraa noqonin, hadii uusan dareenkiisa qabiil uusan kafogayn qoraalkiisa, wuxuuse kufiicnaan laha in uu ushaqeeyo qolooyinka wax saadaaliya sida (NASA)"METEOROLOGIST" "kafiirso intaadan qori"


    [Warar Qubane ah]   Waxaa soo habeeyay: Ibraahim Saalah

    Wiil 19 jir ah oo qirtay in uu ka dambeeyay dabkii meel caways ahayd
    Wiil da'diisu ay tahay 19 jir ayaa qirtay inuu ka mid ahaa dadkii dabka qabadsiiyay meel caweys ahayd sannadkii 1998, magaalada Goteborg ee dalka Sweden, dabkaas oo ay ku dhinteen dad gaaraya 63 qof oo ay ku jireen dhalinyaro soomaaliyeed.

    Warkan oo uu qoray wargayska Dagbaldet Arbejdet ee ka soo baxa dalka Sweden, ayaa wuxuu sheegay in wiilkaas loo taxaabay xabsiga. Wiilka mar uu Suxufiyiinta u waramayay ayaa wuxuu sheegay in dabkani ay kala qayb qaateen qaar ka mid ah saaxiibadiis. Dad badan ayaa is weydiiyay sababta ay booliiska dalka Sweden ugu guuleysan waayeen soo helidda ciddii ka danbeysay caweyska dabkan oo ay ka soo wareegtay in ka badan muddo hal sanno ah.

    Kabtan u dhashay dalka Rwanda oo lagu xiray Danmark
    Innocent Sagahutu oo 38 jir ah ayaa xabsiga loo taxaabay duhurkii maalinamadaii Arbacada ee ina dhaaftay, isagoo lagu xukumay afar (4) usbuuc oo xarig ah. Sagahutu oo ahaa kabtan ciidan una dhashay dalka Rwanda ayaa waxaa lagu soo eedeeyay inuu ka qayb qaatay gumaadkii iyo xasuuqii loo gaystay qabiilka Tuutsiga sannadkii 1994.

    Wararku waxay intaa ku dareen inuu sidoo kale laayey toban ka mid ah ciidamada Belguim-ka, kuwaasoo la shaqeenayay ciidamada ammaanka ee jamciyadda Qarumaha Midoobay. Xariggan sida degdega ah ku yimi ayaa ka danbeeyay ka dib markii ay wasaaradda cadaaladda ee dalka Danmark ay ku tilmaantay iyadoo loo xiray si uusan uga baxsan dalka inta ay ka dhammaanayso baaritaanka la xiriira dacwadiisa. Kabtanku wuxuu magangalyo siyaasadeed ka codsaday dowladda Denmark muddo hadda laga joogo labo sanno.

    BOGGA 5AAD BOGGA DOODDA IYO CILMI BAARISTA
    Somalia iyo Kalaguurka Labada Kun!!
    Waxaa Qoray: Ibrahim Macallim Mursal
    Esdoornstraat 20, 7151 ZA Eibergen, The Nederlands
    Tel/Fax +31 545-476473. E-mail: mursal@gelrevision.nl

    TaageeradaYurub Galbeedka ma u dhan yahay?
    Mashruucan taageeradiisa xooggeeda waa Ururka Yurubiyanka (EU) oo Talyaaniga hoggaanka u hayo, haseyeeshee ma tahay mid reer galbeedka ay si buuxdo u wada taageersan yihiin? Sida la wada ogyahay fikradda midaynta maamulka Geeska Afri-ka waxaa si xamaas badan u waday Mareekanka, haseyeeshee fir-fircoonidiisi hadda aad ugama muuqato mashruucan. Khilaafaadka Yurubiyanka (EU) iyo Mareekanka waa ka sal ballaaran yahay mashruucan iyo arrimaha Afrika.

    Haseyeeshee danaha Mareekanka ee Afrika iyo siyaasadihiisa cusub tan Yurubka way ka madaxbannaan tahay, waxaana laga arki karaa Booqashadii Madaxweynaha USA iyo tii ugu danbaysay ee wasiiradiisa arrimaha dibadda waxyaabihii ka soo if baxay iyo shirarkii booqashooyinkaasi loogu gogol xaarayay ee lgu qabtay caasimadaha waaweyn ee Afrika.

    Shirarkaas oo ay isku arkeen Madaxweynayaasha Afrikaanka iyo maalqa-beennada Mareekanka Madow "Afro-Americans". Safiirka Mareekanka Kenya u fadhiya, wuxuu Mombasa ka sheegay in Mareekanka uu danaynayo in arinta Somalia uu wax ka qabto, inkastoo Mareekanka uusan ugu jirin qorshaha faragelin toos ah inuu ku sameeyo. Laakiinse sooma uusan soo qaadin Mashruuca Djibuuti.

  • Doorka Somalida muxuu yahay?
    Runtii isweydiin ma geli karto; laakiinse haddii gurigaaga marti aad iskaga dhigtid waa loo tashanayaa. Somalia maanta waqti ay ka jahawareersan tahay, ma aysan soo marin. Waqtigii gobanimadoonka ayaaba dhaantay. Cod midaysan ha joogee, codba ma laha. Kan taageeraya Mashruuca loogu tashanayo arrimaha Somaaliyeed aragti straatiiji ee fog kama laha, waa uun marka hore fallaarta barida igaga taal iga siib; kan diidanna beddel "alternative" ma hayo.

    Haseyeeshee arrinta lafteeda ma kala suurna oo weliba shirka IGAD, wixii ka soo baxa ayaa lagu xiray. Wararka Djibuuti ka soo baxaya wejiyo kala duwan ayuu mashruuca u yeelayaa.Natiijada shirka ka soo baxdayne ma noqon mid yidadiilo leh, waxaane loo riddiyeeyay shirka 8aad ee IGAD oo lagu qaban doono Kenya. Somaliland waa iska "fududeeye" (facili-tator), arinta ma ay khusayso. Waxgaradkii iyo rugcaddaagii Somaaliyeed burburkii miyuu raacay oo ma laga fursan waayay in loo arrimiyo?

  • Taageerada Mashruuca waqtigan ma habboon tahay?
    Taageerada wejiyo ayay yeelan kartaa. Waxaa la taageeri karaa talaabaqaadka (initiative) cidda ka danqatay dhibaatada Ummadda dadaalkana u gashay sidii wax looga qaban lahaa. Amase waxaa la taageeri karaa nuxurka mashruuc (context) ahaan. Midda hore waa mid loo baahan yahay, haddii la raaciyo mashruuc Soomaali leedahay oo himilooyinkooda masiiriga ah ka tarjumaya. Taageeridda tan danbe khatarteeda ayay leedahay, waa wakaalad (mandate) dhiibasho oo sidii la doono ha laguu gurigeeystee, amase kambiyaale cad saxeex, ha laguugu gor-gortamee.

    Furdaaminta xaaladda Somaaliyeed waxay u baahan tahay in degganaansho iyo ka baaraandeg lagu maareeyo.
    Nalama aha in natiijo caaqiba leh laga gaari karo haddii somaalida ay qadiyadda taageere ay ka noqoto, oo kuwii taageeri lahaana ay noqdaan caamilka asaasiga.
    Nalamase aha in inta ciidamo shisheeye, nooc kasta ha noqdee, uu dalka ku sugan yahay in la heli karo xal si dhab ah uga tarjumaaya himillada iyo rabitaanka Shacbiga Soomaaliyeed.
    Baahi badan iyo bugto badan waa laysku nacaye Allow irid kheyr qabto inoo fur, quluubteennane isku soo dun.
  • Aklaaqda Bulshada
    Waxaa Qoray: Maxamed Aadan Cismaan
    (Xubin Guddiga Fulinta ee Ururka Samafalka HIRDA)
    W. J. Koopmaansstraat 38, 8194 DP Akkrum, Holland
  • Horumarka iyo Dibudhaca Bulshada
  • H o r d a c
    Qofkasta oo inaga mida waxa uu la socdaa in loolanka dhexyaal bulshooyinka caalamku uu soo jireen yahay Jirina doono si bulsho kastaa u gaarto xilli ka fiican maalinta ay joogto. Loolanka noocas ah ee loogu jiro nolasha waxaa kadhasho isbedelo ku dhaca horumarka ama dibudhaca bulsho ku sugnayd kaasoona sababayn karo in bulshooyinka qaarkood hogaanka nolasha qabtaan kuwana ku rali noqdaan inay ku noolaadaan nolasha cayayaanka oo kale . Ku dheeraan mahayo inaan idiin tilmaamamo farqiga nololeeed ee u dhexeeya bulshooyinka caalamka ku nool, farqigaas oon si urursan horaba aan ugu magac daray labada eray ee aadka ugu fudud isticmaalka luqadeed kuse culus miisaanka dhabta ah ee nolosha, waxaanuna uga jeednaa labada kalimo "Horumar iyo dibudhac".

  • Xeerarka Horumarka iyo Dibudhaca Bulshada
    Waxaase is waydiin leh isbedelka noocaasa ee ku dhaca Horumarka ama dibudhuca bulsho ku sugan tahay maleeyahay xeer ama qaanuun mise wuxuu ku yimaadaa nasiib iyo iska'ahaansho? Taas jawaabteedu waxay noqonaysaa sideedaba majiro caalamka Eebbe abuurtay wax xeer la'aan ama xikmad la'aan iska dhaco, oo hadaan sidaas niraahno Eebbe wayne ayaan ku xadgudubnay (xaasha lilaah).

    Waxaaseba jirto in quraanku markuu xusayo umado uu tilmaamo waxa loo yaqaan falsafada taariikhda, cadeeyana xeerbulsheedkii umadaas, waxay rumaysnaayeen , hawshay dunida ka qabteen iyo natiijadii ka dhalatayba isagoo waliba hab dhacdo taariikheeda u xusayo. Waxaad halkaa ka dhadhamin kartaa in dhacdooyinkaas oo dhami xeer hoos yimaadeen loona sababeeyay natiijadii maxsuulka noqotay , sidaa awgeed sinabana suura gal uma aha xeer la'aan in wax udhecaan.

  • Hadalqaadka Quraanka
    Quraanku markuu hadalqaadayo xeerarkaas wuxuu ku magacaabaa magac bixintiisa ugaarka ah, oo ah (as-Suna) sidaba Eebe wayne ugu leeyahay suurat al- axzaab aayada 62aad ((Waa sunadii Eebe ee kuwii hore utagay mana helaysid sunada Eebe wax badela)) sunada Eebe waxaa loola jeedaa marinka Eebe uu mariyay kuwii inaga horeeyay ee xadgudbay. Waxaa xusud mudan inaan halkaan ku tilmaano dhulka carasanta ah ee uu ku miro dhalo isbedelkaan hore usoo xusnay ee ku dhaca horumar ama dibudhac bulsho ku sugantahay.

    Ilaah wuxuu ku yiri aayada 11aad ee suurat ar-racci: Ilaah ma dooriyo wax umadi ku sugantahay intay ka dooriyaan waxa naftoodu ku sugantahay.sidoo kale aayada 53aad ee suurat al-Anfaal wuxuu ku yiri Eebe ((arintaasna waa inaan Eebe badelin nicmo uu ugu nimceeyey qoom intay kadoorinayaan waxa naftooda ah)). Labada aayad ee aan soo xusnay waxaad ka aragtay in is bedelka ku dhaca nafta udub dhexaad looga dhigay isbedelka nicmada, waanaba barta uu ka bilowdo horumarka bulsho ama dib u dheceeda, hadaan taa sii jilciyo macneheedu waxaa weeye in marka isbedel ku imanayo Horumarka ama Dibudhacu ay bulshadu qaado labo talaabo oo xiriir kala horeeyo leh oo kala ah isbedel ku dhaca ruuxda (nafta) xubnaha bulshada iyo mid kudhaco nolasha inteeda kale.

    Sidaa awgeed waxaan haatan akidi karaa in isbedelka ku dhaca horumarka ama dibudhaca bulsho uu ku miro dhalo marka horeba fiicnaanta ama xumaanta ruuxda(nafta) xubnaha ay ka koobantahay bulshadu taas oo natiijo unoqoto in nolasha inteedii kale oo dhan did udhac ama horumar ku yimaado. Hadaba waxaan oranaynaa miisaanka koobaad ee horumarka ama dibudhaca lasaaraa wuxuu noqonayaa Akhlaaqda oo ah shayga aan halbeega uga dhigayno ruuxda (nafta) xubnaha bulshada teeda fiican iyo teeda xunba,balse aan qeexno Akhlaaq..    [Waa socotaa..]
  • la xiriir Ibraahim Salah (for free copy)
    BOGGA 6AADBOGGA HAWEENKA
    Waxaa Qoray: Qaasim Xirsi Faarax
    International Islamic University
    Gombak, Kuala Lumpur, Malaysia
    Email: qasim55@hotmail.com
    Soo booqo bogga
    ururka Almanhal
    almanhal
    SINAANTA RAGGA IYO DUMARKA
  • Xukunka ma Xigmadda ayaa lagu salayn mise Cillaada?
    Horraanba haddii aan ku bilowno caddaynta maacnaha 'xikma". Xikmadu iyadu waa rog rog badan tahay oo marba meel ayey madaxa la gashaa, laakiin cilla iyadu wey iska caddayn og tahay. Sidaa darteed, waxa ay culimadu, inkastoo uu Shaafici ku diiday sidaan horayba u soo xusnay, isku raacsan yihiin in cillada oo keli ah laga qaato xukunka ee aan lagu xukuntamin xikmada. Taasina waa si loo gaaro wadada dhaw ee anfacana ah, waayo cilladu waxa ay tusinaysaa xukun la doonayo in la mamnuuco ama dhaqso loo oofiyo hawshiisa. Halka ay xikmadu ka tusinayso wanaag, door bidis, iyo mucjiso ku salaysan sababta sidaa loo yiri ama xukunkaa loo dejiyey.

  • Dhiraandhirinta macnaha Cillada iyo Xigmada
    Haddaba si aanu hadalkaas u sii dhiraandhirino, waxaa nala gudboon in aan sharax ku kala saarno macnaha iyo tusidda ay tilmaamayaan labada Qaacido ee aan halkaan ku kulminayno "Cilla iyo Xikma". Waxaa, baraarujin ahaan, lagama maarmaan ah in ay guud ahaanba culimadu si daqiiq ah ukala saaraan faraqa u dhexeeya iyo waxa ay kala yihiin Cilla iyo Xikma, waayo waa halkii aannu kol walba kaga dab qaadan lahayn xukunka. Haddii uu fasiruhu ama Qaalligu isku qaldo xikma iyo Cilla oo masalan u qaato xikma halkii ahayd cilla, dee waxaa dhacaysa in uu marin habaabiyo qiyaaskii xukunka. Taasina waxay saaxiibkeeda gaarsiinaysa heer uu daba gediyo ujeedkii aayadda ama xadiiska. Macnaha labadan eray aad buu isugu qasmi og yahay, wuxuuna badanaaba dhaliyaa isku kihid. Hase ahaatee haddaan iminka isku dayno in aan kala yara tilmaano, waxa aan ukala saari karnaa sidatan soo socota.

  • Kala saaridda Cillada iyo Xigmada
    Xikma, iyadu wax kale ma ahan ee waa waxa tusinaya faa'iidada iyo wanaagga, isla markaasna eryaya xumaha. Haddaan si kale u dhahno, waa waxa ina tusinaya wadada badbaadada ee aan uga nabad geli karno wixii dhib ah. Haddaan tusaale ahaan u soo qaadano mid ka mid ah mas'alooyinka lagu wareero soo saaridda in ay ku salaysan yihiin xikmad iyo in ay ku salaysan yihiin cillad, waxa aan soo qabsan karnaa mas'alada kku saabsan dib u dhigashada soonka ee ah " maxaa loogu rukhseeyey qofka safarka ku jira musaafir in uu dib u dhigto soonkiisa ilaa uu ka tego"?. Waxaa marka hore la is weydiin karaa ma xikmad baa meesha ku jirta mise cillad?, ka dibna waxaa la is weydiin karaa hadday cillad tahay ma dhibaatada qofka musaafirka ah haleelaysa awgeed baa mise waa safarka qudhiisaba?    [Waa socotaa..]
  • BOGGA 7AAD DIINTA ISLAAMKA
    KITAABKA TAWXIIDKA
    Waxaa Qoray: Sheekh Maxamad Bin Cabdil Wahhab
    Waxaa Turjumay: Hersi M. Labagarre
    No. 21 Spg 484 Jln Jerudong, Brunei Daarussalam
    CASHARKA 67AAD
    WIXII KU SOO AROORAY QOWLKII EEBBE KOR AHAAYEE: [MAYNA WAYNAYN GAALADII EEBBE WAYNAANTIISA DHABTA AH, ISAGOO DHULKU DHAMMAANTIIS KU JIRO XUKUNKIISA MAALINTA QIYAAME SAMOOYINKUNA KU DUUBANYIHIIN MIDIGTIISA EEBBAA KA NASAHAN KANA SARREEYA WAXAY LA WADAAJIYEEN] As-Sumar 67.
    MAS'ALOOYINKA CASHARKA
    Tan 1aad: Waa tafsiirka Qowlkii Eebbe [Dhulkuna dhammaantiis ku jiro xukunkiisa maalinta qiyaame].
    Tan 2aad: Waa in Culuuntaas iyo wixii la mid ahi ay ku hartay Yahuuddii joogtay waagii Nabiga naxariisi korkiisa ha ahaatee, mana aysan inkirin mana aysan leexin.
    Tan 3aad: In Caalimka Yahuudiga ahi kolkii uu u sheegay Nabiga naxariisi korkiisa ha ahaatee, uu Nabigu rumaystay, Quraankuna uu u soo degay in uu taa sugo.
    Tan 4aad: Waa in uu Nabigu naxariisi korkiisa ha ahaatee, uu qoslay kolkii uu Caalimka Yahuudiga ahi u sheegay cilmigaa qaayaha wayn.
    Tan 5aad: Waa in la caddeeyay sheegidda labada gacmood, iyo in Samooyinku ku jiraan gacanta midig, Dulalkuna ku jiraan gacanta kale.
    Tan 6aad: Waa in la caddeeyay oo lagu magacaabay "Bidix".
    Tan 7aad: Waa in kolkaa la sheegay kuwa waxdirqiya iyo kuwa isla wayn.
    Tan 8aad: Waa Weedhiisa "Sidii Laftimireed ku jirta gacanta mid idinka mid ah".
    Tan 9aad: Waa wayninka Kursiga kolka loo eego Samada.
    Tan 10aad: Waa wayninka Carshiga kolka loo eego Kursiga.
    Tan 11aad: Waa in Carshigu ka duwan yahay Kursiga iyo Biyaha.
    Tan 12aad: Waa inta u dhaxaysa Samo iyo Samo kale.
    Tan 13aad: Waa inta u dhaxaysa Samada toddobaad iyo Kursiga.
    Tan 14aad: Waa inta u dhaxaysa Kursiga iyo Biyaha.

    Tan 15aad: Waa in carshigu uu Biyaha dushooda yahay.
    Tan 16aad: Waa in Eebbe Carshiga dushiisa yahay.
    Tan 17aad: Waa inta u dhaxaysa Samada iyo Dhulka.
    Tan 18aad: Waa in jirmiga Samo kasta uu shanboqol oo sano yahay.
    Tan 19aad: Waa in badda Samooyinka ka sarraysa uu salkeeda iyo oogadeeda u dhexeeyaan shanboqol oo sano.
    Eebbaana naga og.
    Mahadina waxay u sugnaatay Eebbihii Caalamka, Nabadgelyo iyo Naxariisina Sayidkeennii Muxamad ahaa korkiisa ha ahaato, iyo Ahalkiisi iyo Asaxaabtiisi dhammaantood.     [Dhammaad..]

    OGAYSIIS: Waxaa halkan ku dhamaaday fidintii kitaabkii Tawxiidka ee uu qoray Sheekh Maxamad Cabdil Wahhaab allaha ka raalli noqdee, dhammaan aqristayaasha waxaan ka codsanaynaa in ay ra'yigooda ina soo siiyaan sidii aan u dooran lahayn kitaab kale oo aan halkan ku soo turjumno.
    Fiiro gaar ah: Hadda waxaa sharaxan kitaabkii Imaam Ashcari uu qoray ee cinwaankiisu ahaa (al-Ibaanah fi Usuul ad-Dayaanah). IYO Kitaabkii (al-Caqiidah al-Daxaawiyah) ee uu qoray Imaam al-Daxaawi.

    Labagarre


    Habnololeedkii Saxaabada Rasuulka
    Waxaa Qoray: Ibrahim Salah Adan
    Email: ibra88@hotmail.com - Odense, Denmark

  • Cumeyr binu Wahab
    Muslimiintii oo ku farxay islaamiddii Cumeyr:. Nebiga (scw) wuxuu asxaabta amray inay baraan Cumeyr Diinta iyo barashada qur'aanka, isla mar ahaantaana ay u sii daayaan wiilkiisa Wahab. Muslimiintii si aad ah ayeey ugu farxeen islaamidda uu soo islaamay Cumeyr, ilaa uu Cumar Binu Khaddaab (rc) ka yiraahdo "Doofaar ayaan ka jeclaa kolkuu Cumeyr u galayay Rasuulka!, laakiin maantase waxaan ka jeclahay qaar ka mid ah caruurtayda.

    Wixii intaa ka danbeeyay Cumeyr wuxuu baran jiray Diinta Islaamka, isagoo markaasna laabtiisa ku buuxinaya iftiinka qur'aanka. Cumeyr waxay la ahayd maalmahaas uu baranayay qur'aanka maalmihiisii ugu qaalisanaa intuu noolaa, taasoo hilmaansiisay magaaladii Makka ee uu markii hore ka yimi iyo dadka ku noolba. Dhinaca kale Safwaan wuxuu ahaa kii naftiisa ugu sheekeeya yiddidiilooyin, aan waxna ka jirin, isagoo dadka ku oran jiray "ku bishaareysta khabar weyn oo idin hilmaasiisa dhacdadii dagaalkii Badar.

    Hase ahaatee markii ay ku dheeraatay Safwaan maqnaashaha Cumeyr, ayaa wuxuu bilaabay welwel iyo walaac; isagoo weydiin jiray socotada ka soo gasha magaalada Madiina. In kastoo oo uu saas ahaa, haddana ma uusan heli jirin wax jawaab ah oo shaafisa. Maalintii danbe ayaa waxaa magaaladii yimi nin, kaasoo sheegay inuu Cumeyr islaamay. Safwaan, khabarkaas waxay ku noqotay mid lama filan waa'. Waayo, Safwaan marnaba ma filanaynin in Cumeyr uu islaami doono, haba islaamaan'e waxa dunida jooga oo dhan.

    Cumeyr wuxuu isaga jiray barashada diintiisa iyo xifdinta quraanka, ilaa uu uga yimi maalintii danbe Rasuulka (scw) isagoo ku yiri "Rasuulkii Ilaahayoow waxaa tagtay muddo fara badan oo aan ahaa kii demiya Nuurkii Alle, isla mar ahaantaan aad u dhiba oo u cadaadiya wixii sheegta Islaamka (muslimiinta). Sidaa darteed waxaan jeclaan lahaa inaad ii idinto inaan aado magaaladii Makka, si aan Qureysh ugu yeedho Diinta Islaamka. Haddii ay iga yeelaan waa sidii wanaagga badnayd, laakiinse haddii ay iga diidaan waan dhibi oo cadaadin sidii aan markii horeba u cadaadin jiray Muslimiinta.

    Nebiga (scw) wuu u fasaxay Cumeyr inuu qabto magaalladii Makka. Cumeyr wuxuu u safray magaaladii Makka, wuxuu u tegay ninkii saaxiibada ay ahaayeen ee ahaa Safwaan gurigiisa, wuxuuna ku yiri "Safwaanow waxaad ka mid tahay madaxda qureysh, sidoo kale waxaad caaqillada qureysh ee caqliga leh. Haddaba, ma waxay kula tahay waxa aad ku sugan tihiin ee ah cibaadada aad caabudaysaan dhagaxyada iyo gowraca aad u gowracaysaan sanamyada in ay caqliga uu yeelayo in uu waxani diin yahay.

    Haddaba anniga waxaan qirayaa In uu Illaah Alle yahay, Muxammadna yahay Rasuulkii Alle. Wixii intaa ka danbeeyay Cumeyr wuxuu dadka ugu yeeri jiray Diinta Islaamka ilaa ay gacantiisa ku soo islaameen khalqi aad u fara badan. Illaah ha weyneeyo abaalmarinta Cumeyr, qabrigiisna Allaha nuuriyo Aamiin.     [Dhamaad..]
  • BOGGA 8AAD xayaysiin
    BOGGA DHALLINYARADA
    SHEEKADII KALIILA IYO DIMNA
    Qaybtii: 43aad
    Waxaa qoray: Cabdullaahi Ibn al-Muqafac
    Waxaa soomaaliyeeyay: Xersi Labahagarre
    Bandar Seri Begawan, Brunei Darussalam
    T U K I H I I -- I Y O -- G U U M A Y S K I I
    Boqorkii ayaa ku yiri shantii la taliyayaasha ahaa midkii ugu horreeyay, arrintani maxay kula tahay?, wuxuu yiri: taas indheer garatada ayaa nooga dhaqday, maxaa yeelay, waxay dheheen, nacab guun ah oo aanad tabar u hayn in aad ka cararto mooyee tab kale maleh.
    Boqorkii kii labaad buu ku yiri: adiga maxay arrintani kula tahay?, wuxuu yiri: sida ninkaasi yiri, carar lama dhaamo.

    Boqorkii: labadiinuba talo ma haysaan, nalamana gudboona in aan dalkeenna ka guurno, oo nacabkeen uga tagno, jugtii u harraysay ee uu nala gaaray darteed, hase ahaatee, waannu tabaabushaysanaynaa nacabkeenana waan ka digtoonaanaynaa, dagaal kulul ayaana noo dhexaynaya, waana feejignaanaynaa si aan naloo kedin, haddii uu nasoo aado si aan uga hortagno annag oo u qaabsamaysannay oo ula dagaallanno dagaal aanan ka soonoqonayn oo aanan ka lug jiidayn, weerarkooda iyo keennu wuu isku dhacayaa dhufaysyadenana waannu ilaalinaynaa, nacabkeenana waan iska caabinaynaa, annaga oo marna caabinayna marna ku duulayna, annaga oo kaalinteenna iyo duullaankeenna haleelayna, nacabkiina iska caabinay.

    Kadibna kii saddexaad ayuu ku yiri: adigana maxay kula tahy?
    Wuxuu yiri: taladoodu tala iiguma muuqato, ilaalo ayaan diraynaa, dhilqe ayaan innaga iyo nacabkeenna inta inoo dhexaysa ku fidinaynaa, si aan u ogaanno in uu doonayo dagaalkeenna ama heshiiskeenna, ama uu doonayo baad uu nagaqaato oo gu' waliba aan siinno, nafteennuna ku nabad gasho, dalkeennuna ku dego, maxaa wacay boqorada talooyinkooda waxaa ka mid ah, in haddii nacabkoodu xoogaysto oo ay naftooda iyo dalkooda uga baqaan, in ay xoolaha gaashaankii dalka iyo boqorka iyo dadwaynaha ka dhigaan.     [Waa socotaa..]

    BOGGA 9AAD!Register-It! -
 Promote Your Web Site!
    HIDDAHA, DHAQANKA, SUUGAANTA IYO AFKA SOMALIDA
    MACMACAANKA MURTIDA SOOMAALIYEED
    1. Waayeel hortiisa baa caana loogu barxaa.
    2. Waano abuuris baa ka horraysay.
    3. Waari mayside war ha kaa haro.
    4. Waa baahanahay baqti looma cuno.
    5. Waxaa ayaan daran tiro ari ah nin leh oo tolkiis u hodon ah.
    6. Waxaas day waxa ka sokeeyana day.
    7. Wax aan daacad ahayni dabaday ka xumaadaan.
    8. Wax aanad ahayni kuma qabtaan.
    9. Wadaad, yuu ku dhaafin dhaantada.
    10. Wadaaygaa ama kuu sahan ahaa ama kaa sahan ahaa.
    BOGGA 9AAD xayaysiin
    IIDHEH IYO OGAYSIIS
    Soodhawaynta Isku dubbaridaha Wargayska!

    Xurriyadda Ra'yiga
    Walaal aqriste, ma dhacday hadda ka hor in lagu cadaadshay ama aad cadaadis la kulantahy?!
    Madhacday hadda ka hor in xaqaaqa aad u leedahay in aad ra'yigaaga dhiibato lagaa inkiray?!
    Ma dhacday hadda ka hor in aad intaad hadal maagtay, aamus lagu yiri, oo hendedaad iyo cabsiin laguugu deray?!
    Ma dhacday hadda ka hor in kuwa jahli iyo cadaawo isku gaashaan buursaday ay kugu jujuubeen in aad ra'yigooda raacdo?!

    Haddii aad la kulantay waxyaabahaas kowo kale oo la mid ah, maanta waa laga baxay waqtigii lays jujuubi jiray, oo jaahilku caalimka afqabanjiray.

    Adiga oo ku bishaaraysanaya horumarka warbaahinta casriga ahi gaartay ha illoobin in aad cadkaaga goosato, oo aad ra'yigaaga si madaxbannaani leh u dhiibato, adiga oo aanan cidna ka baqin!!

    Wargayska Somali Electronic Journal waa wargayska kaliya ee xurnimo buuxda kuu siinaya in aad fidiso figradahaaga, asiga oo aanan kugu xirin, qabiil, mad-hab diimeed, aydoloojiyo gaar ah iyo siyaasad dowladeed toona.

    Meesha joornaallada kale ee soomaalida badankoodu ay u adeegayaan kooxo gaar ah iyo xoogag qabiil iyo kuwo diimeed, SEJ wuxuu kaa ballan qaadayaa in uu fidsho maqaal kasta oo loo soo diro, uusanna ku xirin wax aan ahayn shardiga (farsamada) qoraalka.

    Programmed, Developed and Written by Hersi M. Labagarre
    Codka Somalida Cusub, Waa wargays Electronic ah oo Toddobaadle ah, wuxuu ku soo baxaa afka Soomaaliga Maalin kasta oo Axad ah
    WARGAYSKAN MAQAALADAHA LAGU FIDSHO, WAX AAN SHARDIGA FARSAMO AHAYN LAGUMA XIRO, KAAS OO AH IN MAQAALKU AHAADO "WAR ISKU TOOSAN OO UJEEDDO LEH"

    "DHAMMAAN MAQAALADAHA WARGAYSKAN KU SOO BAXA WAXAY U TAAGANYIHIIN ARAGTIDA QORAAGA ASIGA AYAANA U QOOLAN, EE UMA TAAGNA UJEEDDADA WARGAYSKA, ISKUDUBBARIDAHANA WAX XIL AH KAMA SAARRA"

    DHAMMAAN XUQUUQDA DAABACAADDU WAY DHOWRANTAHAY

    Copyright 1998 - Labagarre - All rights reserved.
    Nala soo xiriir
    booqo csc H. page
    Saxiix B. Martida
    Codso wargayska sej
    Dhiibo Aragtidaada
    Aqarso B. Martida
    Xayaysiin
    Bogaadin
    Somali Forum
    Free Email
    Free Guest Book
    Free Home Page