Site hosted by Angelfire.com: Build your free website today!
Bogga Codka Somalida CusubGundhigga wargayska Codka Somalida Cusub
Aqarso B. Martida
Taariikh: 20.2.1999
Saxiix B. Martida
FADLAN   TAAGEER   WARGAYSKA   CODKA   SOMALIDA    CUSUB
BOGGA 1AAD Somali Students Association in Malaysia
ARARTA WARGAYSKA
dagaalka Itobiya iyo eritrea
Tangi gubtay
Geeska Africa ma meel eeyo ku galgasheen baa?
Waxaa qoray:
Hersi M. Labagarre
Ethiopia, Eritrea iyo Somalia saddexduba waxay ku jiraan, tobanka dowlo ee adduunka ugu faqrisan, sida ay sheegayso warbixinta hay'adda qarumada midoobay.
Saddexdaa dowlad kusheeg waxay degaan dhul ballaaran oo koofur iyo bari ay ka hayso badwaynta hindiya, waqooyigana ay ka hayso badda cas.
Dhulka ay ku fadhiyaan wuxuu gaarayaa (1,977,156 km), dadka dhulkaas ku noolna waxaa tiradooda lagu qiyaasaa (Somalia: 9,200,000) sida tirakoobkii 1992kii qiyaasay, (Ethiopia: 56,900,000)sida tirakoobkii 1993kii qiyaasay, (Eritrea: 2,951,000) sida tirakoobkii 1987kii qiyaasay.

Qaabdarro qaadiwaa ka daran!
Dhibaatooyinka dhaqaale ee dalalkaas haysta runtii ma aha kuwo ka yimid dhigaal la'aanta dhulka ay degganyihiin, ee waxaa dhibaatooyinkaas badankooda keenay maamulxumida dowladaha dalalkaas ka taliya. Arrintaasi waxay si fiican u muuqanaysaa haddii aan dowladahaas midmid u soo qaadano oo aan falaanqayno xaaladdooda.

Ehtiopia!: aarkii Africa
Haddii ay Ethiopia ahayd ama loo yaqiin maalin maalmaha ka mid ah aarkii africa, maanta waxay noqotay dawacadii africa.
Sida la wada ogyahay, waddankaas waxaa xukumi jiray qoys gob ah oo ka dhashay qolada loo yaqaan amxaarada, kadibna waxaa ka dhashay kacaankii ay hoggaaminayeen saraakiisii hantiwadaagga ahaa.

Intaa kadib, waxaa xukunkii Ethiopia la wereegay qolo jabhad ah (Tegreega) oo aan maamul dhinac laga maro aqoon.
Markii ay xukunkii qabsadeen waxay billaabeen in ay dalka kala qaybshaan, oo dhisaan magaalada tegreegu degganyahay inta kalena dan uga dhacaan.

Arrintaasi waxay keentay in ay Eritrea siiyaan madax bannaani, taasina waxay keentay in Ethiopia go'doon noqoto oo bad la'aan soo joogsato.

Dagaalka maanta taaganna waxaa u sabab ah arrintaas, waana arrin dhaqaale, maxaa yeelay mayle salaawi markii uu madax bannaanida siinayay Eritrea ma garanayn qiimaha ay baddu u leedahay dowlad sida Ethiopia oo kale ah.

Dhowr sano kadib ayuu gartay in ay baddu tahay qayb lagama maarmaan ah oo ka mid ah ilaha dhaqaale ee dal kasta u baahanyahay, dantuna waxay ku kalliftay in uu markaa kadib dagaallamo.

Jamhuuriyadda Dimuquraadiga Somalia!
Aan u gudubno, wixii loo aqoonjiray Jamhuuriyadda Dimuquraadiga Somalia, maantana aan magacba lahayn.
Laga soo billaabo 1991kii ilaa iyo maanta soomaaliya dowlad la'aan bay ahayd, taasna macnaheedu waa in aaney wax qiima ah ugu fadhin adduunka intiisa kale maxaa yeelay, dowladda waxaa lagu qiimeeyaa miisaanka ay ku leedahay adduun waynaha dhexdiisa, haddii aaney wax miisaan ah lahayn waxay la mid tahay wax aan jirin.

Dooni mayno in aan ka hadalno dhaqaalaha iyo siyaasadda soomaaliya maxaa yeelay dowlad ma aha, laakiin waxaan ka hadli karnaa bulshada soomaaliya ama (dadka) deggan dhulkii ay degganayd "Jamhuuriyaddii Dimuquraadiga Somalia".

Bulshada soomaaliyeed ee meeshaa deggan maanta lafdhabarteedu waa qabiilka, xooggeeda iyo siyaasaddeeda iyo dhaqaalaheeda intuba waxay ku salaysan yihiin qabiil, kolka marka aan ka hadlayno amuurahaas, waa in aan uga hadalnaa xuduudka qabiilka dhexdiisa.

Ujeeddadu waa, in kolka aan leenahay, geela soomaaliya ama lo'da ama xoolaha aan ka hadalno, xoolaha ay haystaan qolo gaar ah ama qabiil gaar ah, maxaa yeelay dowladi meesha ma joogto.

Maxaa hadaba ay tahay ujeeddada ka hadlidda bulshada soomaaliyeed qabiil ahaan? jawaabtu waa iska sahlantahay, waana in aaney jirin wax midnimo la yiraahdo, taasina waxay fursad wayn siinaysaa kala daadashada bulshada lafteeda.

Kala daadashadaas waxaa laga yaabaa in ay ka timaado gudaha ama dibadda, dhowr maalmood ka hor ayaan maqalnay in hoggaamiyayaasha jabhadaha soomaaliya qaar ka mid ah ku eedeeyeen Ethiopia in ay kala qaybinayso dadka somaliya.

Waxaa kale oo aan ognahay in Ethiopia taageerto dhammaan jabhadaha soomaalida, qaarka aaney taageerin Ethiopia waxaa taageera qolyo kale sida Liibiya iyo Masar iyo wixii la hal maala.

Hadal iyo dhammaantiis, soomaaliya ka hadliddeedu waa hadal qabiil ee ma aha hadal dowlo, sidaa darteed, waa in aanan lagu soo derin miisaanka siyaasadeed ama dhaqaale ee geeska afrika.

Eritrea, dhibkeeda iyo dheefteeda yaa badan?!
Dowlad yar oo hadda dhalatay, waxaa laga filayay in ay soo dhawayso dhammaan dowladihii meeshaa degganaa ee dersaanka ahaa, hase ahaatee, waxay billaabeen nimanka madaxda ka ah wadankaas yar ee saboolka ah, markii ay xukunka qabsadeen in ay weeraraan dowladaha deriska ah.

Maanta dowlad ay isku wanaagsanyihiin ma jirto, Suudaan way dagaaleen, Yaman way dagaaleen, Jabuuti way colloobeen, Ethiopia hadda ayay is hayaan, Somaliya ayadu dowlad ma aha, laakiin haddii ay dowlad noqoto ilaah baa og wixii dhici doona.

Galgaladka jaadkaas ah wuxuu geeska Africa u soo hooyay hoog iyo dhibaato sii badatay, waligay ma arag meel la mid ah geeska africa intii aan dunida dhex socday, ha ahaato xag dhaqaale, ha ahaato xag siyaasadeed, ha ahaato xag diimeed, ha ahaato xag bulsho iyo tacliimeed, waligay meeshaa meel ka liidata ma arag.

Dadka dhulkaa ku nool waxay moodaan in dunidu sidaa wada tahay oo noloshuba sidaas iska tahay, sidaa darteed dooni maayaan in ay iska bedelaan sida ay hadda yihiin.

Gabagabo iyo Gunaanad!
Hadda iyo dan, maxaa inaga inala gudboon, waxaannu ku dhalanay geeska Africa, walina hooyayaalkeen iyo aabayaasheen iyo walaalaheen iyo carruurteenii halkaas ayaa intoodii badnayd jirtaa.

Dadka doonaya in ay xigtadooda ka soo saaraan meeshaas ama ay lacag u diraan bil kasta waa qaar aan waaya aragnimo fiican lahayn, waxayna la mid yihiin sidii kuwii ku riimayay siddeetameeyadii in ay afka soomaaliga beddelaan oo soomaalida afcarbeed baraan.

Ummad lama rari karo afkeedana lama beddeli karo, waxa kaliya oo la samayn karo waa in meesha ay joogto loo hagaajiyo, marka sidee bay taasi ku suurta gelaysaa?

Qoysaskii gobta ahaa iyo kuwii hodonka ahaa ee degganaa dalka Ethiobia badankoodii waxay u guureen waddamada reer galbeedka halkaas oo ay deggan yihiin.

Soomaaliya gob iyo hodon toona ma lahayn, ilbaxna malahayn, qaarka waddanka ka baxay iyo kuwa hadda ku nool waa isku mid, waxna ma qoraan waxna ma aqriyaan badankoodu.

Marka maxaa talo ah? aniga shaqsi ahaan waxay iila muuqataa in aanan laga quusan dadaalka maanta ay wadaan dhallinyarada qaarkood oo la mideeyo xoogga iyo maskaxda, waxaan uga jeedaa dhallinyarada dalka dibadda kaga soo baxday in ay mideeyaan dadaalka ay ugu jiraan kor u qaadidda dareenka iyo garaadka soomaalida inteeda dalkii ku nool.

Taas waxaa laga yaabaa in ay dadkaas dareensiiso dhibaatada iyo wadciga xun ee ay ku noolyihiin, oo ay kolkaa ka gilgishaan, iskuna dayaan in ay wax ka bedelaan qaab nololeedkooda.

BOGGA 2AAD Somali Forum Free Email Free Guest Book Free Home Page
WARARKA SOOMAALIDA
Nin Soomaali ah oo Nairobi Xalay lagu dilay
Nairobi Feb. 20 1999 (CSC), Nin Soomaali ah ayaa xalay lagu dilay Nairobi, ninkaas xabad ayaa la tagtay, kadib markii ay niman tuugo ah oo hubaysani soo galeen.

Nimankaa tuugadda ah waxay soo galeen oo dheceen dukaan uu ninkaasi ku jiray oo ku yiil magaalada NBI dhexdeeda, intii dhacaasi socday ayay tacshiirad ay dadka ku waabinayeen ninkaas haleeshay.

Qoraaga warka inooga soo tebiyay Nairobi uma suurta gelin in uu xadedo ninkaas magaciisii iyo wax kale oo faahfaahin ah oo intaa sii dheer.

Dad lagu xasuuqay bas wajeer u socday
Nairobi Feb. 19 1999 (CSC)Dad tiradoodu gaarayso 6 qof ka mid ah booliiska Kenya ayaa la dilay, 20 kalena waa la dhaawacay ayaga oo u kala safraya Gaarisa iyo Wajeer.

Xasuuqaasi wuxuu dhacay maalintii Jimcaha, kadib markii ay niman shufto ahi waddada u galeen oo xasuuqeen dadkii la socday baska loo yaqaan "Gantaal" ee u kala goosha Gaarisa iyo Wajeer.

Waxaa warku intaa ku deray in dowladda Kenya ay meeshaa shilku ka dhacay u dirtay ciidankii gobalka ilaa iyo haddana aanan wax war ah oo soo kordhay aaney jirin.

Warku wuxuu intaa ku deray in ay abaaro wax yeelleeyeen gobalka waqooyi bari ee dalka Kenya, gobalkaas oo sida la ogyahay ah gobal ay degto Soomaalidu.
daacuun
somalia mapciidanka jabhadaha
Dagaallo Soomaaliya ka dhacay
Mogadishu Feb. 16 1999 (BBC), Ugu yaraan siddeed qof ayaa lagu dilay dagaallo ka dhacay deked ku taalla meesha loo yaqaan Ceel-macaan ee magaalada muqdishu ka jirta dhinaca waqooyi bari. Waxaa intaas wararku ku dareen in dagaalkaas ay dad kale oo badani ku dhaawacmeen.

Dadka dagaalkaas lagu dilay waxaa ka mid ah nin abaanduule ahaa oo loo yaqaan Axmad Cadale, waxaana ninkaas la dilay asiga oo eriboorka agtiisa jooga, wuxuuna isku deyayey in uu taakulayn ciidankiisa u soo helo markaa la dilay.

Hoggaamiyayaasha Dagaalka Somaliya oo Itobiya eedeeyay
Mogadishu Feb. 17 1999 (BBC), Cali Mahdi iyo Caydiid ayaa waxay Itobiya ku eedeeyeen in ay cadawga Soomaaliya tahay oo ay soo fara gelinayso arrimaha gudaha ee dalka.

Cali Mahdi iyo Xuseen Caydiid oo ah madaxda maamulka magaalada Muqdishu ayaa waxay u sheegeen nin talyaani ah oo booqasho dalka ku yimid oo la yiraahdo Francisco Sciortino, in Itobiya ka soo horjeeddo midnimada Soomaaliya iyo abaabulidda dowladdeeda. Sidaa waxaa sheegay raadiyaha Ina Caydiid taageera ee Muqdishu.

Waxay intaa ku dareen in ay Itobiya isku dayday in ay Somaliya u kala qaybiso dowlado yaryar, dhawaanna ay ka afduubtay qaxootigii megangalyada siyaasadeed ku joogay Muqdishu, tasarufka jaadkaas ahna waa mid aan la qaadan karin.

Waxay ninkaa wafdiga ah u sheegeen in ay ogolyiniin in ay dalka yimaadaan wafdi xaqeeqa raadis ah si ay u soo booqdaan dalka, kaas oo caddaynaya in aanay halkaa wax Itoobiyaan ahi joogin.

Wargayska Mogadishu Times ayaa wuxuu isna sheegay in jabhadda Oromo ee ka soo horjeedda dowladda Itobiya ay tababar milateri ku qaadanayaan somaliya dhexdeeda. Tababarkaas oo ka socda meesha loo yaqaan ballidoogle, waa qayb ka mid ah fidinta jabhadda oromo ee ka soo horjeedda Itobiya.

Daacuun ka dillaacay Somaliya iyo Kenya
Mogadishu Feb. 16 1999 (BBC), Daacuun ka dillaacay koofurta galbeed ee Somaliya ayaa dilay dad aad u badan, boqollaal kalena ku dhacay, sidaa waxaa sheegay raadiyaha taageera Ina Caydiid.

Maxamud Sirad oo ah guddoomiyaha baardheere ayaa wuxuu hay'adaha caalamiga ee gargaarka aadanaha ka codsaday in ay halkaa u soo gurmadaan, gaar ahaan daawada daacuunka looga hortago oo baahi badan looga qabo baardheere oo ka tirsan gobalka Gedo.

Wuxuu intaa ku deray guddoomiyuhu in daacuunkaasi ilaa iyo hadda dilay 30 qofood, laakiin warar kale oo warkaas ka dambeeyay waxay sheegeen in uu daacuunku dilay 60 qofood. Kenya dhexdeedana waxaa la sheegayaa in 28 qof ay daacuun u dhinteen.

Wafdi Talyaani ah oo Muqdishu booqday
Muqdishu, Feb 14 (Reuters) - Jabhadaha somaliya dagaalka ka wada ayaa waxaa uga diga caaqiba xumada falkooda nin wafdi ahaa oo soomaaliya booqanayay kana socday dalkaasi talyaaniga.

Francesco Sciortino oo dalka u yimid si uu u soo indhaindeeyo bal in ay suurta galtahay in kaalmo siyaasadeed loo fidsho somalida, wuxuu u sheegay hoggaamiyayaasha jabhadaha in adduunku aanuu wax wayn ku caawin karin, haddii aysan nabadda ayagu ka shaqayn. Dowladdayda, ururka reer yurub, umadaha midoobay iyo adduun waynuhu waxay soomaaliya caawin karaan haddii aad heshiis nabadeed oo macno iyo ujeeddo leh wada gaartaan, sidaa ayuu nimankii uu la kulmay ku yiri.

Ninkaa talyaaniga ah wuxuu xubin ka ahaa wafdigii reer yurub ee amar lagu siiyay in ay dalka isga baxaan, kadib markii ay arrintooda isku khilaafeen nimanka jabhadaha hoggaamiya ee deggan magaalada Muqdishu. Booqashadiisan dambe wuxuu ninkaasi la kulmay madaxda bulshada qaar ka mid ah, waxaa kale oo uu soo booqday dekedda magaalada Muqdishu oo loo xiray khilaaf dhex maray hoggaamiyayaasha jabhadaha awgiis.


Haddii qorigaagu ku ciilay, qalinkaagu yuusan ku ciilin
Soomaali intii wax garanaysay laba qaybood bay noqdeen, qayb rumaysan in dhibaatada Soomaaliya ka taagan qoray caaraddiis lagu xallin karo, iyo qayb rumaysan in qalin caaraddiis lagu xallin karo.

Qolada hore waqtigooda ku lumin maayaan joornaalkan aqriskiisa, haddaadse qolada dambe ka mid tahay, ha illoobin in aad ra'yigaaga u dhiibato sida ninka qolada hore ku jiraahi qorigiisa u sito!

Fadlan aragtidaada si madaxbannaani leh u dhiibo, adiga oo aan baqin, oo aan xishoon, oo aan isquursan u soo qor maqaalkaaga wargayska codka somalida cusub, wargayska soomaalida maanta, wargayska xurnimada iyo madaxbannaanida!!

Maqaal laga qoray Soomaalida London deggan
W.Q. Dr. Gandi Ceydiid Xiirey
Waxaa lagu fidshay wargayska Sahanpress.
Waxaa inoo soo diray:
Cabdikariim Xaaji Yuusuf
P.O. Box 22130 Streatham SW16 6WL,
London, UK.
Email: Sahanpress@yahoo.com
Bishiii Janaayo 12keedii 1999kii, ayaa bogagga 28 iyo 29aad ee Wargeyska Daily Mail waxaa ku soo baxay maqaal ay qortay Jo-ann Goodwin oo Ingariisi ah kaasoo ay uga hadashay guud ahaan arrimaha Soomaalida, gaar ahaan Qaxootiga Soomaalida ee ku sugan dalkan Ingariiska.

Goodwin oo aad moodid inaysan aqoon u lahayn dalka iyo dadka Soomaaliyeed ayaa qortay maqaal aad u dheer oo ay ku magacawday Suburbia's Little Somalia, kaasoo ay kaga hadashay arrimahan:

1- Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku soo qulqulaya dalka Ingariiska , islamarkaana ay ku tilmaantaya inuu yahay mid aan ku habbooneyn in la siiyo magangalyo siyaasadeed iyo lacagta Ceydha, maadaama aysan haatan ka jirin Soomaaliya dhibaato.
2- Dadka Soomaaliyeed waxay ku tilmaantay inay yihiin dad rabsho badan, irdho badan, islamarkaana aan la noolaan kareynin shisheeyaha.

3- Ragga Soomaalida waxay ku tilmaantay inay yihiin qaar caajisiin ah oo ku dhumiya waqtigooda ruugista qaadka iyo waxyaabo aan qiimo lahayn, islamarkaana ku bixiya kharaj gaaraya 10 Geni qaad iyo cabitaan maalin kastaba. Waxaa kaloo ay ku tilmaantay ragga ku sugan dalka Ingariiska inay yihiin kuwii soo gubay dalkoodii, islmarkaana haystaan dhaqaale ku filan oo ay ku yimaadeen dalalka bixiya deeqda, islamarkaana aysan ahayn kuwii mudnaa in lagu kharaj gareeyo canshuurta laga qaado dadka Ingariiska.

4- Arrimaha gudniinka dumarka oo ay aad u dhex gashay ayey ku tilmaantay Goodwin inuu yahay ciqaab iyo xad-gudub loo geysanayo dumarka Soomaaliyeed, islamarkaana raggu ku raaxeysto dhibaatada dumarka.

Iyado sii faahfaahisay dhibaatada gudniinka ayey sheegtay in shantii gabdhoodba ay mid u dhimato gudniinka. Gabadha aan weli gudnayn ee Soomaaliyeed ee ku nool Ingariiska waxay sheegtay in lagu soo gudo Soomaaliya, islamarkaana iyaga oon ka warqabin ka maqnaadaan dugsiyada waxbarshada muddo dheer.

5- Degmada Ealing ayey ku sheegtay inay ku nool yihiin 12.000 oo qaxooti Soomaali u dhashay ah, tiradaasoo sida muuqata ah tirada guud ee dayowga kala duwan ee shisheeye ee ku nool xaafaddaas.

6- Dhinaca hay'adaha qaabila qaxootiga iyo saraakiisha socdaalka waxay gabadhaasi ku canbaateyneysa inay iyagu sahlayaan socdaalka gelitaanka dalka Ingariiska, islamarkaana waxay dhiirigelinaysaa in culeys adag la saaro qaxotiga guud ahaan, gaar ahaanna Soomaalida.

7- Gabadhaasi waxay sheegtay in Soomaalidu ay qayb libaax qaataan dembiyada ka dhaca Ingariiska, islamarkaana waxay magacawday dhallinyaro dhawr ah oo maxkamadaha dalkani ku qaadeen dembiyo u badan kufsi iyo dhac.

Ugu dambeyntii waxay Goodwin sheegtay in degmada Ealing oo ay ku bilowday maqaalkeeda islamarkaana ay ku tilmaantay inay tahay degmo aad u qiimo badan oo dhinacyada ganacsiga iyo dhismooyinkaba aad uga horumarsan ay noqon doonto Muqdisho oo kale, taasoo micnaheedu tahay in si degdeg ah wax looga qabto Soomaalida ku nool.

Maqaalka gabadhan oo si toos ah u dhaawacay sharafta Soomaalida ayaa aad uga cadhaysiiyey dadweynaha Soomaaliyeed ee akhristay maqaalkaas amase maqlay.

Waxaa kaloo inta laga warqabo maqaalkaasi oo muran badan dhaliyey oo salka ku haya arrimo xasaasi ah oo midabtakoor ah ka cadhooday amase ka hadlay hay'ado iyo ashkhaas gaar ah oo u dhashay dalka Ingariiska iyo Soomaalidaba, taasoo keentay in la abaabulo bannaanbaxyo lagaga soo horjeeday arrintaas, qoraallo iyo waraysiyo lala yeeshay ashkhaas; Wargeyskii lagu qoray maqaalkaas oo naftiisa lagu tilmaamay inuu dhiirigelinayo midab-takoorka iyo nacaybka shisheeyaha.

Tallaabooyinkii iyo jawaabihii laga bixiyey maqaalkii Goodwin ayaa waxaa ka mid ah in Baarlamaanka waddaniga ah ee la dagaalanka midab-takoorka (National Assembly Against Racism) iyo dad Soomaaliyeed ayaa taariikhdu markii ay ahayd 28 Janaayo 1999 ku dhigay bannaanbax wargeyska Daily Mail hortiisa.

Sidoo kale Laanta Afka Soomaaliga ee BBC ayaa iyana wareysi la yeelatay Maxamed Shiikh Maxamuud oo si adag u beeniyey waxyaalaha ay qortay gabadhaasi.

Waxaa kale oo jawaab qoraal ah ka bixiyey maqaalkii Goodwin Kitie Sheflin oo u dhalatay dalka Ingariiska iyo Shamis Dirir oo Soomaali ah; welina waxaa socda qoraalladii iyo dacwooyinkii rasmiga ahaa ee maqaalkaas la xidhiidhay.

Haddaba, qoraalka maqaalkaa oo ay diyaarisay haweeney aan aqoon u lahayn Soomaalida oo xataa aan garaneynin dowladihii kala gumeysan jiray Waqooyiga iyo Koonfurta oo iyadu ay ku tilmaantay Talyaanigu inuu gumeysan jiray Berbera iyo Burco oo ay u soo qaadatay tusaale ahaan ayaa muujinaya in meelo badan laga nacay Soomaalida.

Inkasta oo au gabadhaasi muujisay nacayb shakhsi ah oo ay u qabto Soomaalida haddana wuxuu maqaalkani hordhac u yahay jirdiid guud ee adduunweynaha oo ku jaho wareeray dhibaatada Soomaalida.

Sidaasi darteed waxaa la gudboon Soomaalida inay iyadu is garato oo ay xalliso khilaafka dhexdeeda yaala ka hor intaan laga takoorin adduunka oo aysan ka noqonin ummad aan laga rabin Adduunka.

Madax Sheydaan
Waxaa Qoray:
Ibrahim Moallim Mursal
Esdoornstraat 207151 ZA Eibergen, The Nederlands
Tele/Fax +31 -545 -476 -473
Soomaali iyo qabiil maxaa kala haysta?!

Qabiil bulshadeedka iyo kan la siyaasadeeyay
Aan dib ugu soo laabto iswaydiinta qabiilka qaybteeda kale oo ahayd, doorka qabiilku uu ku leeyahay dabka maanta dalka ka holcaaya.
Been baynu shaygeynaa haddii aynu niraahdo arinta qabiil shaqo kuma laha.
Qabiilku waa middida daabkeeda. Laakiinse waa asaaska mushkilada lama oran karo.

Qabiilka arintan soo galooti ayuu ku yahay. Sida aynu kor ku soo sheegnay, Soomaalidu qabiilka si iyaga u gaar ah ayay u sawirteen. Qabiilka, haddii aynu ka eegno dhanka shakliga (form), wuxuu yeelan karaa caamil ama factor taagan non-variable oo aan isbed bedelaynin (sida wada-dhalashada dhiigga ah) iyo mid hadba duruufta markaasi jirta la socdo, waa midka loo yaqaan is-rog-rogaha amase variable factor (sida tolnimada, beesha, xeer-wadaagga iyo wixii la mid ah).

Kala qayixidda labadaasi cunsur waxay inoo faa’idaynaysaa in aan eeg-eegno wijiga qabiilka maanta dalka ka jira iyo qaabka looga dhaqmo. Aan u kala saarno qabiilka bulshada iyo qabiilka la siyaasadeyay.

Labadaasi qaybood waxaad arkaysaa in mid walba cunsurkiisa taagan uu yahay kan midka kale u ah cunsurka is-bed-bedela.

Qabiilka La Siyaasadeeyay
Qabiilka siyaasiga mar kasta waa uu ka duwan yahay qabiilka bulshada ujeeddo ahaan iyo yool ahaanba. Kan siyaasiga waxaa badanaa cunsur (element) asaasi u ah isbahaysiga beelaha. Kumana xirna badanaa, culayskiisana masaarna cunsurka wada dhalasho iyo wada dhaqan ee wuxuu ku xiran yahay maslaxad wadaag.

Badanaana waxaa hadba shukaantada u haya kuwa siyaasadda ka qab-qableya amaseba ka dullaala. Kuwaas ayaa hadba jees la fadhiya. Dadaweynaha kalena waxaad moodaa in ay kuwaasi diiradda u hayaan oo garashada Rabbi ka qaaday.

Waxaad arkaysaa qab-qablayaasha in maalinba isbahaysi cusub soo allifayaan. Kii shalay ku andacoonaya waan goosanayaa uu maanta leeyahay waxbaan mideenayaa. Kii shalay kugu abuuray in reer hebel cadaw kuu yihiin ayaa maantana danihiisa awgood kugu leh waa nagu jeel.

Labadii shalay isa dooxayay ayaa maanta kugu leh hebel waa walaalkey. Kii shalay gacan saarka lahaayeen oo dhufayska ay ku wada jireenna waa ii cadaw kugu leh. Sidaasin ayaa weliba lagu taageerayaa oo loogu sacbinayaa. Waaba lana indha saabay.

Hebel iyo kooxdiisa uun baa la fiirsanayaa oo jeeska uu fariisto ayaa inoo saaxiib ah. Laxdaasi foosha madow leh ayaanu fiirsanaynaa, hadba horrinta ay la daaqdo aynu weheshanaynaa.    [Waa socotaa...]  

Xalku waa mid qura!
Qaybtii 1aad:
W.Q. Cabdikariim Xaaji Yuusuf
P.O. Box 22130 Streatham SW16 6WL, London, UK.
Email: Sahanpress@yahoo.com
Dalkeenna waxaa soo gaartay dhibaato dhinac walba ah oo saamesay qoys walba iyo qof kasta, sababaha horseedayna qof waliba si ayuu u arkaa, mana dooneyno inaan sii dhex galno maadaama laga wada dheregsan yahay, ku talax tegisteeduna keeni karto khilaaf ra'yi oo aanan haatan diyaar u ahayn.

Waa maxay wadiiqada toosan
Waxaase lagamamaarmaan ah in farta la isugu fiiqo la isna xusuusiyo wadiiqooyinka toosan ee dhibta lagaga gudbi karo oo uu Ilaahay(sw) noogu caddeeyey qur'aanka kariimka ah, Rasuulkuna(csw) noogu sheegay axaadiista.

Waxaan la isla diiddaneyn in mushkilad kasta ay ka dhalato haddii laga leexdo habka ama nidaamka loogu talo galay inay arrintu ku socoto, waxaana tusaale noogu filan waxyaabaha ay dadku sameeyeen ha ahaato qalab ama dawo ama cunto la gasacadeeyey oo wata caddeymo muujinaya sida loo isticmaalayo iyo xilliga ugu dambeeya ee la isticmaali karo oo haddii laga weecdo abuuri karta dhibaato, waana wax aan aad u maqalno qof ku sumoobay dawo ama cunto waqtigeedii dhacay iyo qalab xumaaday sababo la xiriira qaabka loo adeegsaday dartood.

Nidaamka Caalamku ku socdo
Haddaba, caalamka guud ahaan wuxuu Ilaahay ugu talo galay nidaam uu ku socdo tusaale ahaan caalamka qorraxda, dayaxa, habeenka iyo maalintuba nidaam daqiiq ah ayey ku socdaan.
Qorraxdu waxay leedahay meel ay ku oroddo, dayaxa waxaa loo qaddaray meel uu ku hoydo, qorraxdu uma suurtowdo inay dayaxa haleesho, habeenka uma suurtoobo inuu maalinta haleelo waana qaddaraadda Allaah awoodda badan leh ee uunkiisa ka adag.

Waxa uu makhluuqu sameeyey ayaa kala socon la' oo baabuur baabuur buu ku dhacayaa, dayuurad tiirarka dhaadheer ee nalalka ayey hardidaa ama wey isku dhacdaa, markab markab buu ku dhacaa; haseyeeshee dameer dameer ku dhaca arkimeysid, Rati rati ku dhacana arkimeysid, Sac sac ku dhaca arkimeysid, xiddig xiddig ku dhacana arkimeysid.

Ayaan darrada Ummadda Soomaaliyeed
Waxaan Allaah lagu farogelin sidiisuu u socdaa, laakiin wixii gacanta Makhluuqa gala ayaa kala hagi la'.
Taasi waxaan uga dan leenahay inaan isla fahamno in wax walba ee laga leexiyo waddadii loogu talagalay ay xumaanayaan.
Sidaasi darteed ayaan qofna diiddaneyn in dadka Soomaaliyeed oo ah dad muslimiin ah aysan nasiib u helin in lagu dhaqo nidaamkii uu Ilaahay ugu talogalay ummad muslimiin ah, waxaana xukumadihii isaga dambeeyey dalku ay ku dhaqayeen nidaam iyo dastuur laga soo waariday dibadda oo aannu maanta ka dhaxalnay burburka na soo gaaray.

Waayo-aragnimo noogu filan dhibaatada na soo gaartay, waxayna ahayd in looga gudbo waddadii uu Ilaahay noo tilmaamay, waxaase ayaandarro ah in ilaa haatan dadka horseedaya inay dadka iyo dalkaba hoggamiyaan ay weli u hanqal taagayaan mid la mid ah nidaamyadii dalka bururiyey, halkii ay dawada ka raadin lahaayeen Kutubka Alle iyo Sunnada Rasuulkana(csw) dawo ka raadinayaan dalal shisheeye.

Waxaana caado noqotay in dadkaasi marba mid looga yeero Itoobiya, Mareykanka, Israa'iil, Talyaaniga, Masar, Liibiya, Yaman iyo dalal kale, iyadoo midba dal u dhuumanayo kana raadinaya in la dhexdhexaadiyo kan kale; waxayna xisaabtooda ka bixiyeen in haddii arrin la isku khilaafo loo noqdo Ilaahay iyo Rasuulkiis(csw) oo ah Kutubka Qur'aanka iyo Sunnada Nebiga(csw).    [Waa socotaa...]

BOGGA 3AAD xayaysiin Anglefire Free Email
BOGGA QUBANAHA
madaxda suudaan
Madax wayna yaashii iyo ra'iisal wasaara yaashii Suudaan.
Xisbiga Wadaniga ah ee suudaan oo dowladda u digay
Al-Khartum Feb. 17 1999 (Al-ittihad), Xisbiga Wadaniga ah ee soo celinta dimuquraadiyada Suudaan oo ka digay in dalka la qaybsho Xisbi ka soo herjeeda dowladda Suudaan, oo isku magacaabay Xisbiga Waddaniga ah ee soo celinta dimuquraadiyadda Suudaan ayaa wuxuu ka digay dhagar uu sheegay in ay marayso qaybtii ugu dambaysay, taas oo lagu doonayo in dalka Suudaan laba dowladood loogu qaybsho ayada oo arrintaas diin lagu salaynayo.

Xisbigaasi wuxuu dowladda Suudaan ka talisa ku eedeeyay in ay midnimadii dalka kala jeexeen oo ay diideen talo nabadeed oo uu soo jeedshay xisbigoodu, ayna ka daba ordeen warar ay soo jeedsheen dalal cadaw ah.

Guddoomiyaha Xisbiga waddaniga ah Gasi Sulayman, wuxuu ku eedeeyay dowladda, in ay iska dhegatirtay warbixinnadii ay u soo gudbiyeen ururka midowga khrishtaanka Suudaan, kaas oo sheegayay in ay maanta dalka Suudaan ka jiro ganacsigii isaddoonsiga oo la iibsho dadka Suudaan qaar ka mid ah, wuxuuna sheegay in warkaas beenta ah ay ka dambeeyaan kooxo doonaya in ay dalka kala qaybshaan.

Waxaa kale oo qoraalka uu xisbigaasi soo saaray sheegay in ay hadda ka hor dheceen iska horimaadyo qolyaha Kirishtaanka iyo kuwa muslim ah, sida wadaadda Suudaanta muslimka ah ka mid ah oo galay kaniisadda inglikanka dabayaaqadii sanadkii la soo dhaafay, oo aflagaaddeeyay dad kirishtaan ah oo halkaa ku tukanayay, iyo burburintii la burburshay bandhiggii kitaabka muqadaska ah bishan febaraayo lixdeedii, kaas oo ka dhacay jaamicadda Kharduum.

Wuxuu warku sheegay in dhacdooyinkaasi aanay ahay kama ee kas loo yeelay, ayna ka dambeeyaan qolyo doonaya in ay dagaalka siyaasadeed ee Suudaan ka taagan u geddiyaan dagaal diimeed oo kirishtaan iyo muslim ah. Dagaalka maanta Suudaan ka taagan waa dagaal ka dhexeeya kaligood taliyayaasha iyo ururrada dimuquraaddi doonka ah ee ma aha dagaal ka taagan muslim iyo kirishtaan.

Hardanka Siyaasadeed ee Iran yaa u hooy iyo aabbe ah?
Tahran Feb. 17 1999 (Al-Ittihad), Dalkaasi Iran waxaa laga sheegayaa in uu kor u sii kacaya haardankii ka dhexeeyay labada kooxood ee dalkaas ka talsha, kooxda wadaaddada iyo kooxda raacsan madaxwaynaha Khatami.

Madaxwayne Khataami xukunkiisu wuxuu u janjeeraa xagga waxwadaqabsiga reer galbeedka iyo Maraykanka, arrintaasina waa mid ay ka soo horjeedaan ururrada ay wadaaddadu hoggaanshaan iyo ragga madaxda sare ka midka ah ee wadaaddadu u badanyihiin.

Toddobaadkii la soo dhaafay waxaa dagaal ka dhacay magaalada barakaysan ee Qum, magaaladaas oo sida la ogyahay ah magaalo culuunta diinta iyo culumada ku caan ah, waxaa jimcihii la soo dhaafay dhibaatooyin loo gaystay wiil la dhashay Cali Khamini'ii oo ah madaxwaynaha sare ee dalka.

Arrintaasi waxay dhacday kadib markii koox qarmaamaysa oo ka mid ah taageerayaasha Khataami ay soo galeen masjid dabadeedna wax yeelleeyeen dadkii halkaa joogay ayaga oo garaacay, dadkaas oo uu ka mid ahaa Khamaini'ii walaalkiis.

Waxaa kale oo qolyo kale weerareen ninka isku dubbaridaha wargayska "Jihan Islam" Hadi Khamini'iii oo horay u ahaan jiray lataliyaha madaxwaynaha, haddana ka mid ah ragga aad ugu dhow madaxwayne Khataami, waxaa soo weeraray koox wadaaddo ah oo Khataami ka soo horjeedda.

Waxaa kale oo warku sheegay in intii loo dabbaaldegayay sanadguuradii towradda Iran ay kooxi soo weerartay masjid ku yaalla magaalada Qum oo uu joogay wadaadka dalka u sarreeya Khamini'ii, ayaga oo ku soo weeraray ulo iyo gabo iyo dhagaxyo, halkaas oo ay daqar ku gaarsiiyeen.

Waxaa kale oo la sheegayaa in dhibaato uu keenay wiilka yar ee la dhashay madaxwaynaha sare ee Iran Khamini'ii, taas oo ah in uu wiilkaasi ka mid yahay horjoogayaasha ragga bidixda raacsan, walaalkiis ka wayn ee madaxwaynaha dalka ahna uu hoggaamiye u yahay ragga midigta ah.

Qolyaha bidixda ahi waxay taageersanyihiin siyaasadda dowladda oo ah in dalka la furfuro oo loo dhawaado waddamada reer galbeedka maraykankana wax lala qabsado, qolyaha midigta ahna waa qolyo ku dheggan caadadii hore oo ah in diinta iyo dalka laga fogeeyo reergalbeedka iyo wixii la hal maala.

Waxaana la sheegayaa in eedda badankeeda uu leeyahay xisbiga midigta ah, kaas oo looga gacan sarreeyay doorashooyinkii la soo dhaafay, haddana isu qabanqaabinaya sidii ay u soo ceshan lahaayeen kuraastii ka luntay kalkii hore.

Ethiopia iyo Eritrea waxay ku farxayaan guulaha dagaalkooda!
Adisababa, Asmara Feb. 17 1999 (Al-Khaliij), Labada dal ee Itobiya iyo Eretreya maalmahan dambe waxaa ka dhex socday dagaallo ba'an, kuwaas oo billowday sanadkii la soo dhaafay, waxay hadda marayaan meel aad u xun.

Dhibaatooyinka ay dagaalladaas keeneen ee ah geeri iyo dhaawac waxaa garab yaal colaadda ay bulshada labada dal ka dhex abuureen iyo midda ay guud ahaan gobalka geeska africa ka abuureen.

Dalkaasi Itobiya waxaa la sheegayaa in dadwaynuhu ay aad u iibsanayaan raaadiyayaasha ayaga oo doonaya in ay si joogto ah u dhegaystaan wararka ka imaanaya goobaha daagaalka, markii ay maqlaan in ciidamadoodu wax yeelleeyeen dalka cadawgooda ah, waxay la muraara dillaacayaan farxad iyo raynrayn.

Waxaa kale oo la sheegayaa in ay xamaasaddaasi gaartay kaniisadaha kirishtaanka ee ku yaalla Adisababa, markii la soo sheego guul ay gaareen ciidanka Itobiya baabuurta maraysa magaalada dhexdeeda dhammaantood waxay yeerinayaan hoonka ayaga oo tusaya farxaddood.

Eritereya waxaa sidoo kale, kolka ay maqlaan dadka reer Eriterea guul ay ciidankoodu gaareen, waxay ku dhawaanayaan in ay farxad la dhintaan, maalin dhawayto ayaa waxaa ciidanka Eritrea soo rideen helikobtar Itobiya leedahay, wixii ka dhacay waaba la ogaa, oo reer eritrea waxay isugu soo baxeen magaalada Asmara halkaas oo lagu qabtay dabbaaldegyo layaableh oo aan la qaban xataa maalintii ay xurnimada qaateen!.

Dalka Itobiya waxaa xukunkiisa qabsaday dadka Tigrega ah ee badankoodu beeralayda yahay, dalkaas waxaa dhowrkii kun ee la soo dhaafay xukumi jiray gobta loo yaqaan Amxarada, waxaana dad badani rumaysan yihiin in madaxwayne Salawi uu dagaalkan ku raadtiranayo asiga oo doonaya inuu ka baxsado mucaaradka Amxarada.

Dowladda Eritrea oo ah dowlad yar oo shalay dhalatay waxay runtii u soo jiidday geeska Africa dhibaatooyin badan, waxaana ugu dambeeyay dagaalka ay hadda kula jirto Itobiya, Eritrea waxaa haysta dhibaatooyin dhaqaale, dagaalkuna wuxuu ka billawday baa la leeyahay dhibaatooyinkaas.

Kenya: Wax lug ah kuma aanaan lahayn dhiibistii Cabdalla Cojlaan!
Waxaa Nairobi ka soo qoray maqaalkan:
Axmedsayid Xirsi "Duulaan Jecel"
Waxaa addunyada argagaxiso kunoqotay dhiibistii fududayd ee Cabdalla Cojlaani gacanta loo galiyay dawladda Turkiga
Feb. 2.1999kii, ayaa Cabdalla Cojlaan soo caga dhigtay waddanka Keenya isaga oo ay soo galisay safaaradda Giriiggu ilaa 16/2/99 wuxuu ku noolaa deegaanka safaaradda Giriigga, haddaba waxaa is waydiin leh sida uu gacanta ugu galay dawladda Turkiga.

Waxaa durba bilaabatay is eedayn aan sal iyo baar toona lahayn, Dawladda Giriigga waa laga boobay oo dawladda Keenya ayaa dhiibtay. Kenya wax lug ah kuma aanay lahayn dhiibista Cabdalla Cajlaan sidaas waxaa yiri wasiirka arima dibadda ee Keenya Dr. Godana, mar uu shir jaraa'id ku qabtay dhismaha wasaaradda arimaha dibadda Kenya.

Maraykanku kama aaney dambayn dhiibista kamana xuma, iyada oo ay arintu sidaas u murugsantahay ayaa madaxa socdaalka wadanka Keenya Mr. Mrank Kwinga mar telefoon lagu waraystay 17/2/99, sheegay in dawladda Keenya si buuxda uga qayb qaadatay gacan galinta Cajlaan.

24 saac kadib waraysigaas ayaa madaxwaynaha wadanka Keenya Danial Arab Moi uu shaqada ka cayriyay Mr.Frank Kwinga madaxa socdaalka Keenya, Mr. Duncan Wachira (taliyaha ciidanka booliisaka) iyo Mr. Nooh Arap Too (taliyaha danbi baarista wadanka) Waxaa sidaoo kale is casilay wasiirkii maaliyadda (Simon Nyachae).

Waxaa sidoo kale dhaleecayn u soo jeediyay dhiibista Cabdalla Cajlaan hogaamiyahaas mucaaradka katirsan oo uu ka mid yahay hogaamiyaha xisbiga N.D. P. (National Development Part). Mr. Raila Odinga oo ay aad isugu dhawaayeen xisbiga Kanu ee waddanka xukuma wuxuuna u tilmaamay Cajilaan hoggaamiye waddani ah oo u dagaalamayay xoriyadda wadankiisa.

Waxaa xusid mudan in aad moodid dadka reer Keenya inay raali ka ahayn in la dhiibo Cajlaan waayo waddanka iskama caabin karo dhibaatooyin kaga yimaada dibadda aad ayuuna uga xun yahay in dhib loo gaystay safaaradohoodii waddanku lahaa.

BOGGA 4AAD xayaysiin
BOGGA DOODDA IYO CILMI BAARISTA
Dhibaatooyinka Somaaliya Maxaa xal u ah?
    Waxaa Qoray:   Ibrahim Moallim Mursal
    Esdoornstraat 207151 ZA Eibergen, The Nederlands
    Tele/Fax +31 -545 -476 -473
[Allah Ummad kama baddalo waxa ay ku sugan tahay; Ilaa ay wax ka baddasho nafteeda waxa ku sugan]

Kala duwanaantaynu ma mid aan la maarayn karin baa?!
Shir Cilmiyeed ee lagu qabtay magaalada Turku, Finland bishii Agosto 6 - 9, 1998 waxa loogu magac daray "isbeddelka Soomaalinimada". Shirka "Inetrnational Congress of Somali Studies" oo loogu magac daray mowduuciisu wuxuu ahaa "Variations on the theme of Somaliness", diraasooyinkii saldhigga u ahaa ee meesha laga akhriyay, waxay hoosta ka xariiqayeen in Somalidu ay kala duwan tahay.

Waxayna weliba ay ka digayeen, sida ay tahay haddii sidaasi arinta aan loo arkin in dhibaato ay noqon doonto xal habboon oo xaqiiqda waafaqsan in la gaaro . Diraasooyinkaasi waxaa badanaa saldhig looga dhigayay dhaqamada Soomaaliyeed oo u kala qaybsan kan xoolo raacatada ( amase reer guuraaga), kan beeralayda (amase bulshooyinka deggan), kalluumaysatada, dabatada iwm.

Sidaasoo kale afka oo u kala baxa lahjado. Qaarbaaba lahjadaha u arkayay in ay afaf gaar ah ay yihiin sida Tunnida, Jiidada, Barawaanka,Garraha, Baajuunka iyo wixii la mid ah. (Bal adigu iswaydii xagge baa looga hadlaa? Dadka ku hadlaane soo dad Soomaali ma aha? Afafkaasi Somalinimada yaa ka qaaday?).

Waa dhab in nidaamkii burburay afafkaasi amase lahjadahaasi uusan siinin xaqooda, laakiinse himiladaynu waa nidaam kii hore ka duwan oo uu noqdaa mid bulshada Soomaaliyeed oo dhan qanci kara, si sinnaan iyo cadaalad ku maamula. Inkasta oo sawir qayxan diraasadahaasi ay ka bixinayeen xubnaha (segments) bulshada Soomaaliyeed, haddana diraasadahaasi ma aysan sheegin qaabka xubnahaasi bulshadeed ay isu dheelitirmi lahaayeen oo wadiifaddooda ama xubno shaqada laga rabo gudan karo u noqon lahayeen.

Sawirkaasi kolley wuxuu cabbirayay cabsida laga qabay Dowlad noocii hore u eg inay dhisanto. Nooca Dowladaasi , si kooban ayaan kor ugu soo tilmaanay, si looga gaashaanto qaab kaasi la mid ah, iyada oo aan la luminin hawiyyada Soomaliyeed "The Somali identity". Shirka ujeedooyinka loo qabtay ma aysan ahayn xal siyaasi ah baadigoob in loo galo, laakiin cilmi ahaan Somalia diraasado ku saabsan in lagu falanqeyo.

Ujeedooyinkaasine waa lagu guulaystay. Arintu waa: "Nin oomani biyo hoo maahee wax kale ma maqlo". Sidaas baa aqoonyahanne kaalintiisa kaala maqan yahay. Xagga arimaha siyaasaddane tolka ayuu u afduuban yahay.    [Waa socotaa...]  

MADAXWAYNE HA LAYGA DHIGO!
Faahfaahin ku saabsan kitaabkan
Cinwaanka: Madaxwayne ha layga dhigo!
Mowduuca: Waa kitaab afsoomaali ku qoran oo ka hadlaya sida qola kasta oo ka mid ah qabiilooyinka soomaalidu ay isugu dayday in ay madaxwayne dalka u noqdaan.
Qoraaga: Qaasim Hersi Farah(Duullaanjecel).
Qasim's photo
Qasim Hersi
Keenee gar daran?
Mowqifka Aqoonyahnka fayow!!
Aqoon yahnka fayow: War bal suga heedhe arintu saad u malayseen maahoo meesha dhaxal lagu qaybsan mahayee wuxu waa dawladnimo, oo waxaa keliya oo hogaaminteeda xaq uyeelan kara ninkii ka bixi kara xil gudashadeeda, kaas oo ay qasab tahay in uu soo buuxiyo dhammaanba shuruudaha u dhigan ee lagama maarmaanka u ah.

Markaas ka dibna waa in uu u soo banbaxaa doorasho dimoqraadi ah tiiyoo aan lagu xulanayn in uu yahay reer hebel ee lagu xulanayo allaylehe waa leeyahay aqoonteeda, hadday tahay xag arimo dibad iyo arima gudaba iyo hadday tahay xag mustaqbal iyo xag waqti taaganba. Sidaas darteed war annaga unbaa hawlahaas naqaane nooga hara madaxweynenimada.

Culima'udiinka fayow; Walaalayaalow waxa na haystaa waa ciqaab Alle oo ka ratibmay dunuubtaan galnay iyo sidaan u dayacnay ku dhaqanka diinteena ee aan dhaqso ugu noqono kitaabka Eebbe, oon ka qaadano xukunka isaga uun, waayo waa inagaas la' xal kale, ee yeynaan ku sii jirin iska indha tirka xalka cad ee Alle na tusay (nasiib darro iyagu uma bisla inay mideeyaan maamul adduun iyo mid aakhiro) sidaasayna ku rabaan madaxweynenimo.

Si kale marka loo qoro hadalka waxa ay dad badani arkaan in tan aan la degi la'nahay ay tahay sida soo socota:
1. Qaran dumis Iidoor.
2. Qab weyni Harti, iyo munaafaqnimo Majeerteen.
3. Quudhsi Mareexaan.
4. Qalalaaso Ogaadeen.
5. Qamuunyo Hawiye.
6. Qur'aan quudhsi Shiikhaaleed.
7. Surin gooya Xawaadle.
8. Guraabaas Raxan weyn.     [Waa socotaa...]

CAAFIMAADKA BULSHADDA
Astaamaha Cudurada, Gaar ahaan cudurada caruurta
Waxaa Qoray:
Jama Mohamed Farah (Jawali)
[Espoo, Finland]
Madax Xanuunka
Miyeysan la yaab ahayn in caruurta qaarkood uusan weligood madaxu xanuunin, qaar kalena uu xanuuno had iyo jiro. Waxaa jira 50 nooc oo madax xanuun ah. Marar badan waalidka iyo dhakhtaradu way ku wareeraan in ay gartaan nooca madax xanuun ee uu yahay.

Laakiinse waxaan ognahay haddii ilmahaasi yahay ka uu ku dhaco had iyo jeer waxaa madax xanuunka sababi kara wax kasta. Madax xanuunku isagaa iska taga saacad ama labo saac ka dib, haddiise uu tagi waayo waa in la siiyaa daawada madax xanuunka.

Haddii uu madax xanuunku soo noqnoqdo oo uu tagi waayo waa in hooyado ama aabuhu wacaa ama geeyaa dhakhtarka si uu u baadho.
Halkan hoose waxaa ku qoran dhawr arrimood oo caan ah keenana madax xanuunka:

1. Haddii ay dhacdo cadho ama murugo ama muran ka dhacay dugsiga ama guriga, waxuu keenaa madax xanuun. Waana in la xalliyaa dhibkii jiray si madax xanuunkuna u baaba'o.

2. Hurgun haddii uu jiro sida ilik xanuun, cune-xanuun, dhego-xanuun ama jiroonka kala ah jadeecada, busbuska, ama hargabka culus.

3. Waxaa keena madax xanuunka indho-daalka (eyestrain), khaas ahaan marka ilmahaasi aad wax u akhriyo, ama uu in badan daawado telefishanka.

4. Daalka badani isna waa keenaa madax xanuunka. Ilmuhu waa in uu yeelaa talada waalidkood marka ay yiraahdaan 'yara nasta' waa in ay nastaan.

5. Waxaa kale oo keenaa madax xanuunka hawada ku dhex socota guriga (ventilation) oo xun. Haddii guriga daaqaduhu iyo albaabkuba u xiran yihiin isla markaana uu shidan yahay kululeeyaha dhaxanta laga shitaa, gurigaas hawadiisu waa kulayl waana qalayl, waxay sababtaa madax xanuun daran. Xaaladdu si kastaba ha ahaatee waa in daaqada guriga loo furaa wax yar.

6. Caruurta qaar baa aad ugu mashquula shaqada iskuulka iyo ciyaarahooda waxaa dhacda markaas in ay u gooyaan quraacda ama qadada. Haddaba haddii ilmuhu gaajoodu waxaa ku dhici kara madax xanuun.

7. Caruurta haddii uu ku dhaco calool adayg waxaa asiiba madax xanuun.
8. Dadka waa-wayn waxaa soo jeedka badan ama hurdo yarido waxay keentaa madax xanuun, ama haddii qofku aad u fekero oo ay hayaan waxyaalaha loo yaqaan diiqadda (depression).     [Waa socotaa...]

Sunta Soomaaliya Loo Dhoofiyo
Daraasadan waxaa afka talyaaniga inooga soo turjumay

Ing. Bashir M. Hussein (Ph.D)
Area di Ingegneria Agraria, Dipartimento di Biotecnologie Agrarie ed Ambientali, Università degli Studi di Ancona, Via B. Bianche - 60131 Ancona, Italy.
Email: shakiib@hotmail.com

Qaybtii 2aad:
Prof. Mahdi Geeddi Qayad (Mr. Qayad wuxuu macallin ka ahaa Jaamicaddii Soomaaliya) oo ah mid kamida ah la taliyayaasha hay'adda Qaramada Midoobey u qaabbilsan xagga degaanka iyo bey'ada ee UNEP wuxuu shaqadiisa xog iyo xaqiiqo raadiska ah bilaabay 10-kii bishii may 1997-kii.

Gaba-gabadii baaritaankaas oo lagu soo sameeyey gobollo badan oo ka mida Somalia, gaar ahaan nawaaxiga xeebaha, waxaa lagu soo tebiyey wareysiyo iyo raad-raacyo aan yarayn.

Laba arrimood baase xusid gaara mudan: Dhimashadii nin kalluumaystaa oo ku dhintay xeebta Baraawe kaddib markuu furay bac badda ka soo caariday oo aan la aqoon waxa ku jiray deednna wixii ku jiray ay ninkaas soo gaareen.

Arrinta kale waxaay la xiriirtaa haan weyn (tank) uu dhererkeedu dhanyahay illaa 6 mitir oo iyana markeeda xeebta badweynata hindiya ka soo caariday ilaa haddana taal meel u dhexaysa Cige iyo Mareeg.

Hay'adda UNEP waa ay qariyeen wixii ka soo baxay shaqada team-ka Mr. Geeddi hase yeeshee suxufidii talyaaniga ee baaritaanka sameeyey waxaa u suuragashay inay nuqul (copy) ka helaan report-kii shaqadaas laga diyaariyey oo ay ku jireen sawirro iyo vedeo-ba.

Suxufiyiintaasi waxay kaloo soo xaqiijiyeen jiritaanka meelo farabadan oo kamida Soomaaliya oo tobankii sanaddood oo ugu dambeeyey lagua aasay ama daadshay sun aad halis u ah. Dhulka koofurta waxaa ugu muhiimsan magaalada Jamaame ee aagga Kismaayo iyo nawaaxiga xeebaha Marka iyo Muqdisho.

19-kii bishii Agoosto 1996-kii, Ali Mahdi ayaa isnna si rasmi ah ogolaansho u siiyey nin talyaanni ah oo kamida kuwaan horay u soo sheegnay lana yiraahdo Ezio Scaglione si uu uga aasaaso meesha la yiraahdo Ceel-Baraf rug lagu kaydiyo iyo warshad sii kala hufta qashinkaas suntaa ee dibedda laga soo waarido.

Waraysi ay la yeesheen Gen. Morgan ayuu isaguna sheegay in sida uu aaminsanyahay 1992-kii in Warsheekh oo woqooyiga Xamar ku taal lagugubay qashin haraa nuclear ah.

Meelaha kale ee qashimadaas lagu duugay waxaa kamida bay yiraahdeen: Jawhar, agagaarka waddada Boossaasso - Garoowe iyo dhulka u dhexeeya gobolada Bari iyo Sanaag. Intaas oo berriga ah waxaa dheer kuwa badda oo qaar badan ay arkeen kalluumaysatadu.

Mr. Halifa Omar Darameh oo isnna u hadlayey isla UNEP arrimahani waa kuwo welwel weyn nagu haya cawaaqib-xumada ka iman kartana maaha mid soo raageysa oo qura ee waa mid deg-dega qorshahayaguna wuxuu ahaa inaan la dagaallano burcadnimada lagu hayo dhulka iyo xeebaha soomaaliyeed ee baylahda ah. Nasiib darro buu yiri lama ilaalin karo 3300 km oo xeeb ah.

BOGGA 5AAD xayaysiin
BOGGA HAWEENKA
Naag xabsi loo taxaabay, kadib markii ay gudday 48 gabdhood
Naag u dhalatay dalkaasi maali, ayaa waxaa lagu xukumay 8 sano oo xarig ah kadib markii ay gudday 48 gabdhood, waxayna arrintaasi ka dhacday maxkamad ku taalla magaalada Paris ee dalka Faransiska.
Maxkamaddu waxaa kale ee ay xukuntay koox waalidiin ah oo carruurtooda u diray naagtaa la yiraahdo Xaawo Greou, gudniinkaas awgiis, waalidiintaa badankoodu waxaa lagu xukumay xabsi aan la fulin.
Xukunkaasi wuxuu ahaa midkii ugu horreeyay ee lagu qaado gudniinka gabdhaha, ayna qaalli ka ahayd naag la yiraahdo Martine Varin.
Arrintaas waxay soo shaac baxday kadib markii gabar faransiis ah oo asalkeedii hore ka timid dalkaasi Mali oo hooyadeed ka soo dacwootay gudniinkaas awgiis, hooyadaas waxaa lagu xukumay laba sano oo xarig ah.

Gabadhaasi waxay sheegtay in laba naagood midna lugaha ka qabatay midina gacmaha ka qabatay mid kalena ay gudday, oo ay yeeleen sidii ay ayeeyayaalkood yeeli jireen.

Naagtaas gabdhaha gudday, markii maxkamadda la keenay waxay tiri "waan ka xumahay haddii aan dhibaato gaystay" waxay qofkii ka qaadan jirtay $30 ilaa $80. Waxay maxkamadda horteeda ka sheegtay in ay arrintaas ku kacday, maxaa yeelay ayeeyayaalkeed ayaa sidaa u gudi jiray carruurta.

Qaalliga islaantaas u doodayay iskuma deyin in uu xaqeeqada ka hortago, laakiin wuxuu yiri, arrintani waa caado qoto dheer oo afrikaan, qaanuunka faransiiskuna ma garowsan karo.
BOGGA 6AAD xayaysiin
DIINTA ISLAAMKA
KITAABKA TAWXIIDKA

Faahfaahin ku saabsan Kitaabkan:
1.Cinwaanka: Kitaabka Towxiidka(121 Bog)
2. Mowduuca: Tawxiidka.
3. Qoraaga: Sheekh Maxamad bin Cabdil wahhab.

Hersi's photo
4. Waxaa soomaaliyeeyay: Hersi M. Labagarre
5. Qiimaha: (US$ 10.00) oo aan boostadu ku jirin.
CASHARKA 31AAD
WAXYAABIHII KU SOO AROORAY XAQEEQADA IIMAANKA

Eebbe kor ahaayee wuxuu yiri:
[Dadka waxaa ka mid ah cid ka yeelan Eebbe ka sokow wax lala caabudo una jecelyihiin say u jecelyihiin Eebbe]Al-Baqarah 165.

Waxaa kale ee uu yiri:
[Waxaad dhahdaa haddaad aabbayaalkiin, carruurtiinna, walaalihiin, haweenkiinna, qaraabadiinna, xoolo aad kasbateen, ganacsi aad ka cabsanaysaan in uu baaro iyo guryo aad ka raalli tihiin ka jeceshihiin Ilaahay, Rasuulkiisa iyo jahaad jidkiisa, suga inta Eebbe ka keeni amarkiisa] At-Tawbah 24.

Anas waxaa laga soo weriyay in Nabigu naxariisi dushiisa ha ahaatee, uu yiri:"Midkiinna rumayn maayo inta aan anigu ka ahaanayo mid uu ka jecelyahay wiilkiisa, waalidkiis iyo dadka oo dhan"{Bukhaari, Muslim}.

Waxaa Bukhaari iyo Muslim ka soo weriyeen Anas in uu yiri:
Nabiga naxariisi korkiisa ha ahaatee, ayaa yiri:" Qofkii saddex walxaato laga helo wuxuu ku helaa iimaanka macaantiisa: Waa in Ilaah iyo Rasuulkiisu ay yihiin kuwa uu ka jecelyahay wayaabaha kale oo dhan, iyo in uu qofka u jeclaado Ilaahay dartiis, iyo in uu nacbaysto in uu kufrigii ku laabto kadib markii Eebbe ka koriyay sida uu u necebyahay in naarta lagu tuuro".

Riwaayad kalena waxaa ku yimid "Midkiinna heli maayo macaanta iimaanka intii.." Ilaa iyo dhammaadka xaddiiska.
Ibn Cabbaasna waxaa laga soo weriyay, Allaha ka raalli noqdee, in uu yiri:"Qofkii Ilaah awgiis wax u jeclaada, oo Ilaah awgiis wax u necbaada, oo Ilaah awgiis wax u xiriirsha, oo Ilaah awgiis wax u naca, wilaayada Eebbe sidaa uun baa lagu gaaraa.

Addoonna iimaanka macaantii-sa heli maayo, salaaddiisu inkasta oo ay badnaato iyo soonkiisu inta uu sidaa ka noqonayo.
Waxyaabaha ay dadku ku walaaloobaanna waxay noqotay ammuuraha adduunyada, taasina dadkeeda wax uga terimayso"{Ibn Jariir}.

Waxaa Ibn Cabbaas ka yiri Qawlkii Eebbe:
[Kalana go'ay xiriirkoodii]Al-Baqarah 166. Wuxuu yiri: Waa "Jacaylka".

Mas'alooyinka Casharka
Tan 1aad: Waa tafsiirka aayadda Al-Baqarah.
Tan 2aad: Waa tafsiirka aayadda Bero.
Tan 3aad: Waa in uu waajib yahay jacaylka Nabigu nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaadeene, laga jeclaanayo nafta iyo xaaska iyo xoolaha.
Tan 4aad: Waa in iimaan la'aanta la sheegay aysan tusayn ka bixidda Islaamnimada.
Tan 5aad: Waa in iimaanku macaan leeyahay taas oo qofku helayo ama uusan helayn.

Tan 6aad: Waa ammuuraha laabta ee afarta ah ee aan wilaayada Eebbe wax aan ayagga ahayn lagu gaarayn, oo aan iimaanka macaantiisa wax aan ayaga ahayn lagu helayn.

Tan 7aad: Waa sida saxaabigu u gartay arrinta dhabteeda: taas oo ah in dadka guud ahaan walaalowgoodu yahay amuuraha adduunyada.

Tan 8aad: Waa tafsiirka aayadda [Kalana go'ay xir-iirkoodii].
Tan 9aad: Waa in mushrikiinta ay ku jiraan qaar Eebbe aad u jecel.

Tan 10aad: Waa gooddiska loo gooddiyay qofkii siddeeddu uga fiicanyihiin diintiisa.
Tan 11aad: Waa in qofkii la yeesha Eebbe shariig jacaylkiisu jacaylka Eebbe la egyahay uu shirki wayn ku dhacay.

Mohamed (PBUH) the Natural Successor to Christ

    Waxaa Qoray: Axmed Deedaat
    Waxaana turjumay: Jama Mohamed Farah (Jawali)
    Kirstinharju 8 G 149, 02760 Espoo - Finland
    Tel.358-400-774345
Qaybtii 1aad

Mustafa (Kii La Doortay)
Eebe waa kan u soo bixiyey kuwaan wax aqoon Rasuul ka mid ah oo ku akhriya korkooda aayaadkiisa (Qur'aanka ah), barana sunnada (Nebiga) waxayna hore u ahaayeen kuwo baadi cad ku sugan Qur'aanka 61:2.

Waa arrin la yaab leh. Aniguse la yaabi maayo mar dembe waayo waa Alle xigmadiisa. Wuxuu doortay nebi ummi ah (aan waxna qorin waxna akhriyin) una diray ummad aan waxna qorin waxna akhriyin.

masaakiin xoolo jir ah, si aan la dareemayn ugu warwareegayey saxaraha ay ku noolaayeen ilaa maalintii la abuuray dunidan. rasuul geesi ah ayaa loo soo diray oo wada kalmad ay rumaysan karaan; eeg kii aan loo fiirsan wuxuu noqday mid dunida ku caan ah.

Wixii yaraa waxay noqdeen waxa dunida ugu wayn; qarni ka dib, carabi waxay gaadhay geranada oo ah isbayn, dhinaca kalena delhi oo ah hindiya, iyadoo ku socota carabi geesinimo, wanaag iyo iftiinkii caaqilnimo, waxay nuuriyeen qayb wayn oo dunidan ka mid ah qarniyaal badan. caqiido waa wax wayn iyo nolol siin.

dawlad taariikheed waxay noqotaa mid midho dhasha oo nololi noqotaa mid sarraysa sida ay caqiido u leeyihiin.
Carabtaas, ninkii maxamed (css) ahaa iyo halkaas qarni miyeysan ahayn sida danab ifaya oo ku soo dhacay duni u eekeayd madow, ahaydna bacaadkii aan la danayn jirin.

laakiin alla bacaadkii saxaruhu wuxuu noqday mid ay ka soo baxaan boore qarxaya oo ifinaya cirka geranada ilaa delhi, sidaas ayaan leeyahay ninkii waynaa waxuu ahaa had iyo jeer sidii hillaac samada ka yimid. dadka kale way u sugayeen sidii shidaal, ka dibna iyana way ifeen".

Hadalkaas kor ku qorani waa khaatimkii Thomas carlyle oo ka mid ahaa fakereyaasha ugu waa waynaa qarnigii la soo dhaafay (ee sagaal iyo tobnaad), waxay ahayd jimce 8dii May, 1840kii. Mowduuciisu wuxuu ahaa "Geesigii ahaa Nebiga" dadkii dhagaysanyey waxay ahaayeen xubnaha kaniisaddii Ingiriiska.     [Waa socotaa..]

BOGGA 7AAD xayaysiin
BOGGA DHALLINYARADA
SHEEKADII KALIILA IYO DIMNA
Faahfaahin ku saabsan Kitaabkan:
1.Cinwaanka: Kaliila iyo Dimna(119 Bog).
2. Mowduuca: Murti facwayn iyo sheekooyin qosol badan.
3. Qoraaga: Cabdullaahi bin al-Muqafac.
4.Waxaa soomaaliyeeyay: Hersi M. Labagarre
5. Qiimaha: (US$ 10.00) oo aan boostadu ku jirin.
Qaybtii: 26aad
Kaliila iyo Dimna
Kaliila: Waxaad tahay sidii ganacsadihii yiri; dhul jiirkiisu boqol bir ah cunayo, haddii gallayrkeedu maroodiyaalka dafana la yaabmalaha.

Dimna: oo taasi sidee bay ku timid?
Kaliila: waxaa la sheegay in ganacsade dhul hebel joogay, markaas buu doonay in uu madaxdeeda u tago, oo uu u dheef doonto, wuxuuna watay boqol man oo bir ah.

Markaas buu nin wadayaalkiis ka mid ah ku ergaday, oo hortiisa u socday, in door ah ka dib ayuu soo noqday, oo birtii doontay.

Markaas baa kii ku yiri; waxaa cunay jiir, markaas buu yiri; waan maqlay in aysan jirin wax ilkihiisa bir ka goyn og.

Kolkaas baa ninkii u begay sida uu warkiisa u rumaystay wuuna ku dooday, ganacsadihii markaas buu baxay oo wiil ninku dhalay la kulmay dabadeedna wuu qaatay oo aqalkiisii la aaday.

Ninkii baa aroortii soo maray, oo ku yiri:
wiilkaygii wax war ah maiyaad ka ogtahay?.

Ganacsadihii ayaa ku yiri; shalay markii aan kaa soo tegay ayaan gallayr canug dafaya arkay, waxaana dhici karta in uu inankaagii ahaa!

Ninkii baa madaxa qabsaday oo yiri; war ragow miyaad maqasheen misse aragteen gallayrro carruur dafaya?

Markaas baa ganacsadihii yiri; haa, dhul jiirkiisu boqol man oo bir ah cunayo, gallayryadiisu in uu maroodiyaalka dafo la yaab ma laha.

Ninkii baa markaa yiri; aniga ayaa birtaadii qaatay lacagteediina waatan ee wiilkaygii ii soo celi.     [Waa socotaa..]

BOGGA 9AAD xayaysiin
HIDDAHA, DHAQANKA, SUUGAANTA IYO AFKA SOMALIDA
Maasadii "Murugo"
Waxaa tirshay Allaha u naxariistee:
Cabdullaahi Suldaan "Tima Cadde"
    Sida maxamadow mugul kaliil,
    maangad lagu ooday.
    oo mayay gu' oo hoora iyo,
    maax biyo leh wayday.
    oo waa mawaashiye saqdhexe,
    "maa" ka tidhi beesha.
    madoobaadayey xalay miyay,
    muruqtay laabtaydu.

    sida mayl ka soo baxay,
    hindiya marinnadii jaawa.
    uu macallinkii weday xukumay,
    mood in laga buuxsho.
    oo maalmo badan soo dhexoo,
    meel marso leh gaadhin.
    uu minawar quusaa u dhigay,
    maynka lagu goosmo.
    oo wixi makhluuqaad ku jiray,
    maalku kala soormay.
    madoobaadayey xalay miyay,
    murugtay laabtaydu.

    sida naag ninkeedii mudnaa,
    mowdku kala qaaday.
    oo macangag liitaa u hadhay,
    yeeshay meherkeeda.
    oo inay ka meermeeriyaan,
    magane doonaysa.
    madoobaadayey xalay miyay,
    murugtay laabtaydu.
    sida carab macdaar wacan,
    dhigtoo mihindisoonaaya.
    oo maqayil xaafad tegay,
    waa lagama maarmaane.
    uu tuug musmaarrada guray,
    uu taabay maqalkiisa.
    oo aan milliim lagaga tegin,
    mulug wuxuu haystay.
    aan madhax dambiyo raasamaal,
    meel ka dayaneynin.
    madoobaadayey xalay miyay,
    murugtay laabtaydu.

    sida maahir geeloo diraac,
    madax sare u boodday.
    oo gubad magoolliyo tigaad,
    muruqle soo daaqday.
    haddaan madoobow ratiga,
    heeryo lagu miisin.
milmil iyo haddaan loo carrayn,
miridh xadhaadhoowe.
madiix ololku waa gare,
hadday miridhna daynweydo.
uu kala melmelo jeelku,
waa meheraddiisiiye.
ninkii maali jiray waa,
xaqiiq inay masoobaane.
madoobaadayey xalay miyay,
murugtay laabtaydu.

sida inan mabsuudoo rug,
wacan maalig ka abuuray.
oo oday masaa'ibi dhalay,
oo laga mildhaabaayey.
makri malaha naago e',
hadday mahadda hayn waydo.
oo inay hablaa wada maraan,
milicda doonaysa.
uu inan ku meeraysan jirey,
meel fog ka ilaaqday.
oo habar malcuuna u diray,
ooy moqoddinka u saartay.
oo aan ka maanicin wuxuu,
uga muraad yeeshay.
oo lays muwaafaqay halkuu,
maya ka dhowraayay.
oo farakh makaankeeda galay,
madax wareeraysa.
madoobaadayey xalay miyey,
murugtay laabtaydu.

hadduu muruqa bowdadu ku go'o,
waad makalan taaye.
ninkii midigta laga taabayow,
bidixdu waa maafe.
markaba daarka waxaa loogu,
tolay meel ha joogsado e'.
waxa maraqa loo seesayaa,
maahir yay jiqine.
miraalaha hortiibaa guryaha,
layska moosaaye.
mareegtaaba loo sii,
guntaa maqasha nayloode.
ayaan hadalka muurmuurrinine,
waxan ku maydhaamay.
micnihiyo ujeeddada ninkii,
maaxiyaa garane.

MACMACAANKA MURTIDA SOOMAALIYEED

Faahfaahin ku saabsan Kitaabkan:
1. Cinwaanka: Macmacaanka Murtida Soomaaliyeed.
2. Mowduuca: Murti iyo Maahmaahyo Soomaaliyeed.
3. Qoraaga: Hersi M. Labagarre
4. Qiimaha: (US$10.00) oo aan boostadu ku jirin.

Qaybtii 15aad
151. Rabbi ka cabso iyo rag iska dhici meel islama galaan.
152. Sacii caana diidaya maqaarka ayuu meela daldaloola ka eegaa.
153. Sidee xeego loo xagtaa ilkana ku nabad galaan.
154. Sixun u sheeg sixir ka daran.
155. Saddex baa laysku nacaa. Baahi badan, Bugto badan,iyo Barya badan.
156. Soori waa xil iyo xaar.
157. Soomaali been waa sheegtaa beense ma maahmaahdo.
158. Sagaara [wis] tiri war doogleh bay ku jirtaa.
159. Soo jiifo ninkii laga waayo soo joog baa laga helaa.
160. Subxaanyo uun hoose bay u egtahay baa loo dilaa.

BOGGA 8AAD xayaysiin
IIDHEH IYO OGAYSIIS

Mashruuca Abwaanka Afka, Hidaha iyo Dhaqanka Somalida
[Encyclopedia Somalica]

JOOGSO - FIIRI - AQRI - SOCO
WARGAYSKA SAHANPRESS
Waa wargays bishiiba mar ka soo baxa magaalada London, wuxuu soo dhawaynayaa afkaarta suubban ee dadwaynaha, wuxuuna lafa guraa arrimaha diinta, siyaasadda, dhaqanka, dhaqaalaha, bulshada iyo guud ahaan xaaladaha qaxootiga soomaaliyeed ee dibadaha ku dhaqan.
Wuxuu soo dhawaynayaa guur-doonka, ra'yiga dadweynaha iyo xayaysiintaba. Kala soo xiriir:
E-mail address: Sahanpress@yahoo.com
P.O. Box 22130 Streatham SW16 6WL London, UK.

B  A  A  F  I  N

Waxaa la Baafinayaa Maxamad Muuse Cartan oo loo yaqaan "Qaaje" kana shaqayn jiray Wasaaradda Dalxiiska ee Soomaaliya sanooyinkii 1977 ilaa 1984kii, isagoo xisaabiye ka noqday Hotelka Taleex.
Markii ugu war dambaysay wuxuu joogay dalka Canada magaalada Toronto sanadkii 1985kii.
Fadlan ciddii garanaysa ninkaas la baafinayo warkiisa ha ku soo hagaajiso Jaamac Maxamad Faarax.
Email: farahjama@hotmail.com, ama
Tel.358-400-774345, Finland

B  A  A  F  I  N

Waxaa warkiisa la doonayaa, CABDIWAHAAB SHIRE CISMAAN "GAALA ERI", oo la la'yahay muddo 13 sano ah, markii ugu wardambaysana joogay dalkaasi Maraykanka magaalada Oklahoma.

Cabdiwahaab, waxaa warkiisa doonaya Siad Abshir, hadaba ciddii wax war ah ka haysa waxaan ka codsanaynaa in ay inala soo xiriirto ama si toos ah ula xiriirto Siad Abshir oo laga helo (adan2001@hotmail.com)

Please support Somali Electronic Journal
Programmed, Developed and Written by Hersi M. Labagarre
Codka Somalida Cusub, Waa wargays Electronic ah oo Toddobaadle ah, wuxuu ku soo baxaa afka Soomaaliga Maalin kasta oo Axad ah
"DHAMMAAN MAQAALADAHA WARGAYSKAN KU SOO BAXA WAXAY U TAAGANYIHIIN ARAGTIDA QORAAGA EE UMA TAAGNA UJEEDDADA WARGAYSKA"

DHAMMAAN XUQUUQDA DAABACAADDU WAY DHOWRANTAHAY

Copyright 1998 - Labagarre - All rights reserved.
Nala soo xiriir
booqo csc H. page
Saxiix B. Martida
Codso wargayska sej
Dhiibo Aragtidaada
Aqarso B. Martida
Xayaysiin
Bogaadin
Somali Forum
Free Email
Free Guest Book
Free Home Page