Site hosted by Angelfire.com: Build your free website today!
S o m a l i    E l e c t r o n i c    J o u r n a l
A Destination for Somali News, Business and Culture
SEJ Logo
  • Somali Studies
  • Somali Culture
  • Business
  • Communication
  • Computers
  • Education
  • Entertainment
  • Hobbies
  • Internet
  • Jobs
  • Libraries
  • Music
  • S.E.Journal
  • Newspapers
  • Organisations
  • Search Engines
  • Shopping
  • Sports
  • Travel
  • Women
  • Gundhigga Wargayska
    Akhriso B. Martida
    Taariikh: 12.3.2000
    Saxiix B. Martida
    Note: To subscribe Somali Electronic Journal send email to: SEJ-subscribe@topica.com
    To unsubscribe Somali Electronic Journal send email to: SEJ-unsubscribe@topica.com

    To subscribe to Somali Comedy List send email to: CSC-subscribe@topica.com
    To unsubscribe to Somali Comedy List send email to: CSC-unsubscribe@topica.com
    FREE DOWNLOADS - LASOO DEG QORAALLO BILAASH AH
  • Buugga toddobaadka:(Tafsiir Asmaaullaahi Tacaalaa at-tiscah wa tiscuun)
    Toddobaadkan waxaan akhristayaasha u soo bandhigaynaa buug uu qoray caalimkii caanka ahaa Abu Isxaaq as-Zajaaj, waqtiga oo inagu gaaban awgiis, waxaan ka xunnahay in aanay inoo suurtagelin in aan buugga soomaali u turjumno.
  • BOGGA 1AAD ARARTA WARGAYSKA
    LIISKA "SEJ", SOOMAALIDA IYO SALAAMAHA CIIDDA!!

    Toddobaadkan iyo Salaamaha Ciidda!
    Toddobaadkan horraantiisii waxaa bulshooyinka Islaamka ahi u dabbaaldegeen farxaddii ciidwaynta ama ciiddul adxaha, soomaalida oo dad muslim ah u badan ayaa ka mid ahayd bulshooyinkaas sida farxadda iyo rayraynta leh uga qayb qaatay ciidda.
    Maamulka Liiska SEJ asiga oo arrinkaas tixgelinaya ayaa waxaa la gudboonaatay in uu furo liiska maalin ama laba maalmood ka hor ciidda si akhristayaasha wargayska SEJ salaamaha iyo tahniyadaha isugu dhaafsadaa.

    Sidee akhristayaasha SEJ Liiska u arkeen?
    Liiskii SEJ kolkii aan furnay sida la filayayba akhristayaashii waxay billaabeen in ay tahniyado iyo salaamo is waydaarsadaan, taasina waxay keentay in emaillo aad u badan liiska soo galaan, waana runtii arrin caadi ah maxaa yeelay liiska waxaa ku jira dad tiradoodu gaarayso 432 qof ilaa iyo hadda.

    Akhristayaasha badankooda kolkii ay arkeen emailladaas faraha badan oo tahniyadda iyo salaamaha xambaarsan aad bay ugu farxeen waxayna soo direen salaamo iyo tahniyado kale.
    Laakiin qaar akhristayaasha ka mid ah ayaa fahmi waayay meesha ay emailladan faraha badan ka yimideen, waxayna u maleeyeen in khalad dhacay oo emaillo aanan asiga u socon santuuqiisa soo galeen.

    Computerkii baa iga hallaabay!
    Waxaa email ii soo diray qaar ka mid ah soomaalida liiska SEJ ku jira ayaga oo leh computerkii baa inaga hallaabay, waxayna u maleeyeen in computerkoodii hallaabay oo uu emaillo khalad ah iska soo qaadanayo!!

    Arrinkaasi wuxuu inagu khasbay in aan liiskii xirno kadib markuu furraa in aan dhamayn 48 saac, maxaa yeelay waxaan arkay in aanan akhristayaasha qaar yar oo ka mid ah aanay wax figrad ah ka haysan habka liisaska furan u shaqeeyaan, aanayna computerka iyo internetka adeegsigiisa ku wanaagsanayn, kolka waxaan ka baqnay in ay khalkhal galaan oo cabsadaan.

    Dhallinyaro kale oo badan ayaa emaillo ii soo dirtay ayaga oo ka cabanaya liiska la xiray, maxaa yeelay waxay dheheen annagu wali ma'aanan soo dirin tahniyadaheennii, waxaan ayagana ku maslaxeeyay in ay aniga ii soo diraan oo aan anigu akhristayaasha gaarsiiyo toddobaadka dambe kolka aan wargayska soo saarno, sidaa darteed waxaan halkan akhristayaasha ugu soo gudbinayaa boqollaal salaamood iyo tahniyadood oo aanan dadkii soo qoray halkan ku soo koobi karin, waxaanna leeyahay walaalayaal ka guddooma tahniyadahaas walaalaheenna soomaaliyeed ee khayrka iyo barwaaqada inala jecel.

    Uguddambaystii
    Ugudambaystii waxaan akhristayaasha oo dhan marlabaad leeyahay ciid wanaagsan, aad ayaayna ugu mahadsanyihiin salaamaha iyo tahniyadaha iyo kaararka ciidda ee ay inoo soo direen, waxaa kale oo aan ogaysiinayaa in aanay wax khalad ah jirin, computerna uusan hallaabin ee ay wax walba caadi yihiin, kaliya emaillo ayaa saaxiibadaa iyo soomaalida ku jecel kuu soo direen akhriso dabadeedna iska tir!

    Maxaa cusub toddobaadkan!
    Liiska Qosolka iyo Shactirada
    Waaya aragnimada waa in laga faa'iidaystaa, toddobaadkii hore kolkii aan furnay liiska SEJ waxaan ogaaday in dhallinyaro badan oo ka mid ah akhristayaasha SEJ ay xiisaynayaan liiska furan oo ay jecelyihiin in ay wararka is waydaarsadaan, siiba wararka dabacsan sida salaamaha, tahniyadaha, sheekooyinka qosolka leh, kaftanka, shactirada, iyo dhammaan waxyaabaha madadaalada ku saabsan.

    Taasna waxaa ugu wacan, sida ay ila tahay, in bulsha waynta soomaaliyeed oo ku nool dhulal shisheeye ay qaar badan oo ka mid ahi dareemayaan busaarad kaga timid xagga bulshada aanay u dhalan ee ay ku dhex noolyihiin.
    Annaga oo tixgelinayna baahida jaadkaas ah ayaan dhawaan furnay liis kale oo cusub oo aan ugu tala galnay sheekaysiga iyo madadaalada oo kaliya, liiskan waxaa la isku dhaafsanayaa oo kaliya waxyaabaha qosolka leh, sheekooyinka, kaftanka iyo madadaalada.

    Haddii aad xiisaynayso qosol iyo madadaalo, oo aad dareemayso busaarad bulshadu kugu hayso, aalyar email maran u dir (CSC@topica.com) kadibna ka jawaab emailka uu kuu soo diro liisku, dabadeedna soo dir wixii qosol leh oo aad hayso!! fadlan xusuusnow, liiskan looguma tala gelin doodo cilmiyaysan iyo akhbaar murugo leh iwm, kaliya inoo soo dir wax aan ku qosolno! Mahadsanid.
    Somali Forum
    Free Email
    Free Guest Book
    Free Home Page
    BOGGA 2AAD WARARKA SOOMAALIDA
    Waraysi aan la yeelanay Tifaftiraha Somalitalk.com
  • Tfaftire: Mohamed Ali
  • Somalitalk.com Team
  • email: somalitalk@hotmail.com
  • www: http://somalitalk.com
  • Fax: 1-561-828-5949
  • Feedback: http://somalitalk.com/feedback/
  • SomaliTalk Banner
    Qaybtii 2aad:
    Bahda Somalitalk.com Maxay Xoogga Saaraan?
    Annaga oo sii wadanayna waraysigeennii inoo socday toddobaadkii hore ayaan waxaan iskudubbaridaha bogga somalitalk.com waydiinna:

    S: Mudane Maxamad Cali wax ma inooga sheegi kartaa waxyaabaha bahda Somalitalk.com ay xoogga saarto oo aad il gaar ah badanaa ku eegtaan?

    J: Waxaan hadda xooga saarnaa sidii aan isugu miisaami lahayn wararka kuqoran Afka Soomaaliga iyo kuwa kuqoran Afka Ingiriiska. Wararkaas oo aan ku dadaalo in aan usootebino sida aan kuhellay ama ay nagu soogaaraan.
    Sida aan lasocono waxaa hadda jira Soomaali da'yar oo ku barbaaray meelo kafog Soomaaliya, kuwaas oo uu aad ugu adagyahay akhriska Afka Soomaaligu. Waxaana muhiim ah in da'yartaas la gaarsiiyo wararka iyo arrimaha laxiriira Soomaalida iyo carrigii ay asal ahaan kayimaadeen ee Soomaaliya, taas oo ahmiyad weyn u leh aayaha Soomaalida.

    Waxaa lagama maarmaan ah in aan maskaxda ku hayno in ay jiraan Soomaali badan oo aan aqoon afka ingiriiska ama xiisaynaya in ay warar afkooda hooyo kuqoran akhristaan. Anaga oo taas kaduuleyna ayaan dhowaan bilawnay in aan soodaabacno warar kuqoran Afka hooyo ee Soomaaliga, taas oo aan kutalajirro in aan sii ballaarino mustaqbalka dhow, Insha Allah.
    Halkaas waxaa kaaga soobaxaya sida aan ugu dadaaleyno in aan akhbaarta gaarsiino labadaas qaybood ee aan kor ku soo xusnay. Taas oo muhiimad weyn u leh is fahamka iyo kala warqabka mujtamaca Soomaaliyeed meelkasta oo ay dunida kaga noolyihiin.

    Hadafka Somalitalk.com
    S: Muxuu yahay hadafka Somalitalk.com?
    J: Hadafka ugu weyn ee bahda Somalitalk.com waa in aan dhexdhexaad u ahaano dhammaan Soomaalida, anaga oo ka tarjumeyna kana hadleyna danta guud ee Mujtamaca Soomaaliyeed ee kudhaqan Soomaaliya iyo cirifyada adduunka.
    Waxaan Ilaah hortiis ugu dadaaleynaa in aanaan u xaglin cidna. Isla mar ahaantaana aan ka hadallo kana shaqayno wax kasta oo dhisaya ummadda Soomaalida iyo qaran taagan oo Soomaalidu leedahay. Waxaana diyaar u nahay in aan daabacno afkaaraha dhisaya mujtamaca Soomaalida anaga oo usootebineyna si xor ah oo madax bannaan.

    Waxyaabaha ay Bahda Somalitalk.com Higsanayaan
    S: Wax ma inooga sheegi kartaa waxyaabaha ay bahda Somalitalk.com higsanayaan?
    J: Waxaan higsaneynaa in Somalitalk.com aan gaarsiino guri kasta iyo qoys kasta oo Soomaali ah meel kasta oo ay dunida kagasugan yihiin, anaga oo ka tarjumeyna dantooda guud ahaan.
    Waxa kale oo aan kurajaweynahay in aan wararka toos ugasoo tebinno gudaha Soomaaliya, dhammaan magaalooyinka iyo gobolada dalka. Waxa kale oo aan higsaneyaa in aan xubno kuyeelanno dhamman dacallada addunka kuwaas oo sijoogto ah noogu sootebiya wararka laxiriira Soomaalida.

    Waxa kale oo aan aad ugu hanweynahay isla mar ahaantaana aan higsaneynaa in aan abuuro Internet ay leeyihiin Soomaali oo tartan lagelikara caalamka.
    Dadaalaa waa gaaraa; Waxaana Ilaah awooda sare leh kabaryeynaa inuu nagu hagaajiyo wanaaga iyo wixii maslaxad u ah ummadda Soomaaliyeed ee waqtigaan u baahan caddaaladda iyo daacadda.     [Dhammaad..]

    Cabdullaahi Yuusuf oo Soomaaliya ku soo laabtay
    Pontland, March 18, 2000, Kornayl Cabdullaahi Yuusuf ayaa dib ugu soo laabtay waddanka kadib markii uu booqasho ku tegay dalka Ingiriiska. Kornayka oo la sheegay in uu arrimo caafimaad u joogay ingiriiska wuxuu wakaaladaha wararka u sheegay in caafimaadkiisu aad u wanaagsanyahay hadda uuna doonayo in uu degdeg dalkii ugu laabto si uu u guto waajibaadka ka saaran dib u soo dhisidda qarankii soomaaliyeed ee burburay.

    Kornayl Cabdullaahi oo ah ninkii ugu horreeyay ee maamulkii Siyaad Barre si hubaysan uga soo horjeestay, wuxuu weriyayaasha u sheegay in ay soomaaliya madax ka noqon doonto qofkii soomaalidu doorato, qof aanay soomaali dooranna aanay madax noqonayn.

    Waxaa kale oo uu intaa raacshay, in maamulkiisu uusan marnaba u arkin in natiijo fiicani ka imaanayso shirka Jabuuti, haddii dadka goballada aanay u dhalan xoogga ku haysta ay shirka ka ka soo qayb galaan ayaga oo goballadaas matalaya.

    Waxaa kale oo wararku sheegayaan in Kornaylka barnaamijkiisu ahaa in uu la shiro xubnaha dowladdiisa dhawaan kolkii uu dalka ku soo laabtay, hase ahaatee dib loo dhigay kulankaas, ayna sabab u ahayd Kornaylka oo ku cudur daartay in uu daallanyahay.

    Dagaallo ka dhacay Degmada Xarardheere
    March 18, 2000, Dagaallo ba'an ayaa ka dhacay degmada Xarardheere maalintii shalayto, waxaana wakaalada wararku sheegayaan, in ugu yaraan la dilay 12 qof.
    Qolada Muddulloodka ee qabiilka Abgaal iyo Cayrka Habargidir ayaa la sheegayaa in ay dagaalka isga horyimideen uuna dagaalku ka kacay aanooyin hore oo dhix yiillay awgood.

    Gobalka Mudug oo ah badankiisu dhul abaar ah oo aanan khayraad badan lahayn, sanadihii colaadda sokeeye socotay dagaalku wuu ku yaraa, hase ahaatee waxaad mooddaa in qolyihii Muqdishu isku haystay dagaalkoodii saxaraha u qaadeen.

    Sida BBCdu sheegtay, beelaha kala raacsan qolyaha halkaa ku dagaallamaya ee Muqdishu deggan ayaa la sheegay in ay hub iyo saanad u rarayeen Xarardheere si ay uga qayb qaataan dagaalkaas!

    Shirkii Aqoonyahannada Soomaaliyeed oo Jabuuti ka billowday
    March 18, 2000, Shir lagu magacaabay in uu yahay shirkii aqoonyahannada soomaaliyeed ama indheergaradka soomaaliyeed ayaa ka billawday Jabuuti maalintii Sabtida. Shirkaas oo ka mid ah waxyaabaha loogu gogolxaarayo dib u heshiisiinta soomaalida waxaa ka soo qayb galay dad soomaaliyeed oo tiradoodu gaarayso 60 qofood laguna tilmaamay in ay yihiin indheergarad.

    Madaxda dalka Jabuuti iyo Guddiga UN-tu u xilsaartay dib u heshiisiinta soomaalida waxay aaminsanyihiin in shirku yahay billaw fiican oo laga yaabo in uu fursad siiyo dib u midaynta dalka burburay ee aanan dowladda lahayn in 10 sano ka badan.

    Madaxda goballada sida Pontland iyo Somaliland ayaa la sheegayaa in ay ayagu shirkaas ka soo horjeedaan, Cabdullaahi Yuusuf oo lagu waraystay dalka Ingiriisa wuxuu talo ahaan u soo jeedshay in dalka meelaha habaysan ee nabadda ah laga billaabo howlaha midaynta, meelaha wali laysku haysto iyo meelala colaaddu ka jirtana lagu caawiyo sidii ay u degi lahaayeen.

    Madaxda kooxaha oo badanaa lagu eedeeyo in ay ka dambeeyeen burburkii dalka soo gaaray, ayaa la doonayaa in shirarka jaadkan ah lagu dhimo awooddooda iyo talo maroorsiga ay dalka ku hayaan, isla markaana Jabuuti UN-tu isku deyayaan in kaalin laga siiyo bulshawaynta soomaalida sidii dalka dib nabad loogu soo dabbaali lahaa.

    Wiil Soomaaliyeed oo xabsi laga sii daayay si uu dacwadiisa u sii wato
    March 17, 2000, Wiil soomaaliyeed oo maalmahanba dacwadiisu ka socotay dalkaasi Maraykanka ayaa xabsigii uu ku jiray laga sii daayay si uu dacwadiisa qaxootiga u sii wato. Wiilkaas oo soo galay dalka Maraykanka asiga oo dhuumaal ah waxaa uu sheegtay markii hore in uu da'yar yahay laakiin dhaqtar ilaka wiilkaa baaray ayaa sheegay in uu qaangaar yahay.

    Sida wakaaladaha wararku sheegeen, Abdul-Kare Abshir waxaa la sii daayay kadib markii la damiintay waxaana loo ogolaaday in uu u dacwoodo wixii anfac ah ee laga yaabo in uu xaq u yeelan karo. Sida muuqata wiilku wuxuu ka mid yahay dadka soomaaliyeed ee ka soo cararay dagaalka sokeeye, wuxuuna ku dacwiyay in la dili doono haddii uu dib u laabto.

    TV-gii ugu horreeyay oo Soomaaliya laga furo intii dagaalka sokeeye ka dambaysay
    Mogadishu, March 18 2000, Magaalada Muqdishu ayaa la sheegayaa in TV ay leeyihiin niman ganacsato ah laga furay markii ugu horreysay kadib markii uu burburay TV-gii ay dowladdii Soomaaliya ee dhacday samaysay sanadkii 1991kii dagaalkii sokeeye kadib.

    Nimankaa ganacsatada ah oo maalgelinta ku sameeyey mashruuca ayaa la sheegayaa in ay dadka kaga ijaari doonaan sicir aad u jaban fiirsashada barnaamijyada TV-ga oo ah qaar xiiso leh, sida ciyaaraha, wararka, iyo barnaamij afsoomaali ku soo baxa.

    Waxaa kale oo loo malaynayaa in TV-gaas loo adeegsan doono dano ganacsi iyo kuwo siyaasadeed intaba, in kasta oo aanay nimanka maamulka haya waxba ka sheegin arrinkan, hadana sida wararku inagu soo gaareen, ragga TV maalgelshay waxaa ka mid ah rag abaanduulayaasha kooxaha ka mid ah ama qaraabadooda ah.

    BOGGA 3AAD BOGGA GANACSIGA IYO DHAQAALAHA
    Sarrifka Lacagaha dalalka ay badanaa Soomaalidu deggantahay.
    Dalka Lacag US$1 =
    Qatar Rial 3.639
    Bahrain Dinner 0.3769
    Kuwait Diner 0.3047
    Switzerland Frank 1.501
    Malaysia Ringit 3.800
    Dalka Lacag US$1 =
    Somalia Shilling 9620
    Djibouti Frank 177.72
    Syria Lire 45
    Sudan Diner 247.10
    Yemen Riyal 148.15
    Dalka Lacag US$1 =
    Australia Dollar 1.5349
    Thailand Bahat 37.95
    Canada Dollar 1.4823
    England Pound 0.6207
    Europe EURO 0.9374
    Dalka Lacag US$1 =
    Saudi Riyal 3.750
    U.A.E Durham 3.672
    Oman Riyal 0.3849
    Egypt Pound 3.409
    Iraq Diner 0.3107
    Anglefire Free Email
    BOGGA 4AAD BOGGA QUBANAHA
    Sayyid Saabiq Geeridii Sheekh Sayid Saabiq
    W.Q. Ibraahim Saalah
    Waxaa bishii la soo dhaafay ee febraayo 28-keedii geeriyooday Caalimka iyo faqiiha weyn ee Sh. Sayid Saabiq. Sheekhu wuxuu dowr weyn ka ciyaaray fidinta iyo u halgamidda diinta Islaamka. Sheekhu waxa uu ka baxay Jaamacadda Al-Azhar, muddo yar ka dibna wuxuu macalin ka noqday machadyada Azhar.
    Wuxuu Siyaadsaday waxbarashadiisii ilaa uu ka qaatay waxbarasho sare, markaa ka dibna waxaa loo magacaabay macalin Jaamacadeed oo wax ka dhiga Azhar.
    Wuxuu u dhashay dalka Masar, wuxuuna booqday dalal badan oo ka mid ah dunida isagoo gudanayay waajibka kaga aaddan dacwada Islaamka. Wuxuu ka soo baxay Madrasadii weynayd ee uu aasaasay Imaam Shahiid Xasan Al-Bannaa Allaha u naxariistee. Kutubta uu Sheekhu qoray waxaa ugu caansan kitaabkiisa ”Fig-hu- Sunna” oo uu ka codsaday Imaam Xasan Al-Bannaa Sheekha.

    Waxaa Sheekha lagu aasay magaalada Nasar ee waqooyiga dalka Masar, waxaana Janaasadiisa ka soo qayb galay dad gaarayay ilaa 10,000 oo qof (tobban kun oo qof). Illaahay ha u naxariisto Sh. Sayid Saabiq, innagana ha ina waafajiyo khaatumada suubban aamiin.

    Xujaay Tukanaysa Gudashadii Xajka Barakaysan
    Toddobaadkan ayaa la soo gababageeyay gudashadii xajka barakaysan oo ah tiir ka mid ah tiirarka waawayn ee Islaamka, waxaana loo soo gabagabeeyay si nabad iyo sugnaan leh xajka sanadkan.
    Sida wararku sheegeen sanadkan wax dhibaaro ah ma dhicin, dad badanna kuma dhiman xajka intii la gudanayay, khaladaadkii dhici jirayna badankoodii waa laga taagsaday.
    Waxaa kaliya oo wararku sheegeen in toddobaadkii ugu horreeyay ay xaramka dhexdiisa isku buurteed dad xayraansan oo aad u badan kuwaas oo ku wareegayay kacbada, taasina ay keentay in la dardaro lix qof oo u dhashay dalka Falastiin iyo hal u dhashay Jordan kuwaas oo dhammaantood halkaa ku nafwaayay.

    Xasarad la'aanta xajka sanadkan waxay ka turjumaysaa siyaasadda qabow ee ka dhexaysa dowladaha Islaamka, oo la moodo in ay hadda soo yara hagaagayso.
    Sanadihii la soo dhaafay waxaa badanaa dhibaatooyinka dhalin jiray kooxo dano siyaasadeed wata oo ay ka dambeeyeen khilaafaad siyaasadeed oo ka dhexeeyay dalalka Islaamka qaar ka mid ah sida Iraan iyo Sacuudiga iyo Liibiya iyo Ciraaq iyo qaar kale sida Yaman.
    BOGGA 5AAD BOGGA DOODDA IYO CILMIBAARISTA
    Soomaaliyeey kala saara: Islaamka iyo Xarrakooyinka
    Maxamed Cismaan Nuux (Asad)
    Huddingenpolku 2c 32 01600 Vantaa, Finland.
    Tel: +385-0-407413369 ama +358-0-5891 453 (home) E-Mail: cawdgale@hotmail.com
    asad's photo
    Dadkii bari iyo Galbeed bay usoo yaaceen, iyagoo wata wadaadkoodii ! Muddo yar ka dib waxaa soo ifbaxay magacyo ay wadaaddadu wateen !! waxa loo yaqaan "xarrakooyin" qaarkoodna sheegteenba islaamkii?
    In badan oo dadka soomaaliyeed ee dibedda jooga ka mid ah waxaa soo wajahay welwel iyo walaac, waxayna noqdeen sidii iyagoo doonni weyn saaray naftooda, carruurtoodii iyo xaasakoodiiba , oo markii ay muddo ku dul socdeen badda, berrina ka soo fogaadeen , ayaa waxaa shukaantii isku qabsaday masuuliyiintii doonta, duufaanno socday awgood ayay doontii la istaagtay, qaarbaa ku daatay baddii! xaaladda soomaalida galbeedka degganna waa sidan oo kale!!

    Haddaba waa maxay xarrako? Islaamku ma xarrakaa?
    In badan oo soomaalida ka mid ah uma kala cadda xarrako iyo islaam. Islaamku waa Naska Qur'aanka ah iyo Sunnada Nebigeenna suuban (scw) ee saxiixa ah. Haddana Naskaa Qur'aanka iyo Sunnada saxiixa ah ayaa waxaa la falgalay oo daraaseeyay caqliga dadka, maadaama dadku caqli kala duwan yahay, isku aragtina aysan ahayn , ayaa waxaa ka dhashay daraaseyntii Naska iyo sunnada saxiixa ah aragtiyo kala duwan, oo muslimiintu u taqaan madaahib (xanafiya, shaaficiya, maalikiya, xambali, tabariin, daahiriyiin , madhabtii Awzaaci iwm). Sidaynu ognahay caqliga insaanku wuxuu mar walba ku xiran yahay xilliga (time) iyo goobta(space) uu joogo, sidaa daraateed culummadu waxay ina bartay in "fiqhigu ku xiran yahay xilliga iyo goobta".

    Sidoo kale xarrakaadkani waa aragtiyo shaqsiyeed, ee maha diinta islaamka , wixii qaladaad ah oo ka dhacana looma saari karo diinta, waayo Islaamku xilli iyo goob midna kuma xirna, halka qofku uu ku xiran yahay xilliga iyo goobta. Sidoo kalena, kala duwanaanshaha xarrakooyinka waa mid si toos ah ugu lug leh kala duwanaashaha shaqsiyaadka ay xarrakadu ka kooban tahay. Inta badan ay shaqsiyaadkaasi leeyihiin maskax sarraysa, cilmi, khibrad, aqoon fiicanna ay u leeyihiin xaaladda ay ku jiraan, waa inta badan ay faham fiican ka qaataan diinta islaamka, waana inta badan loo baahdo camalkooda. Ugu dambeyntii, isku mid ma aha xarrakada iyo islaamka. Qalaadaadka ka dhaca xarrakaadkana looma saari karo islaamka.
    Somalia: Horta, yey Taladeedu ka go'daa ?!
    Waxaa Qoray: Ibrahim Macallim Mursal
    Esdoornstraat 20, 7151 ZA Eibergen, The Nederlands
    Tel/Fax +31 545-476473. E-mail: mursal@gelrevision.nl

    Maamulada madaxa bannaan
    Fashilaadda jiritaanka jabhadaha waxay u horseedeen dhul goosi, oo looga gol leeyahay ku gor gortanka awood qaybsiga iyo dhaqaale bursi, iyada oo aan loo aaba yeelin marna mas-laxada dadka deegaanka ku nool iyo suurtagelinta nabad ku wada noo-laanshaha ummadda iyo wax wada qabsigooda. Dalka waxaa loo kala jar jartay cad cad oo waxaa loola baxay magacyo aan xuseeynin magaca Soomaaliyeed, ee waxaa loogu magac daray erayga dhul (land), si loo raali geliyo quwadaha shisheeye oo taageerada lagaga doonanaayay, kalsoonina looga sameesanaayay.

    Waxaa dhulka loo samaystay maamulo, qaab dhismeedkooda lagu salayay habka casriyadii dhul goosiga ee mar hore laga soo guuray, waxaana degaannada kala xadeeya qabiilada, hadba sida uu isgaashan buursiga saamaxayo. Arintaasine waxay sii kordhisay xasilloni darradii jirtay iyo is-aamin la'aantii, waxayna sii ololisay xiisadihii iyo cadaawaddii la doonayay in maamuladaasi lagaga gudbo. Maantana waxaa, weli, sii socda xarig jiidkii oo waxaa lagu mashquulsan yahay dhul kala qabsi iyo geyi sheegasho. Taasine waxay dhallisay in maamulada aysan noqonin wax deggan oo lagu kalsoonaan karo, lehna sharciyad (legi-timacy) ay cid ku mattalaan.

    Hoggaamiyaasha maamulada
    Sida aan kor ku soo sheegnay, jabhadihii xukunkii jiray rideen iyo kuwii kaloo gadaal ka abuurmeen iyo hoggaamadoodii waxay noqdeen kuwa gabay kalsoonida shacbiga, sidaas awgeedna aysan magaca shacbiga Soomaaliyeed ayan ugu hadli karaynin. Sidaas oo kale hog-gaamiyaasha maamulada iyagana mowqifyadooda is rog rogga badan ayay waxay dhaliyeen shaki iyo quus in horumar iyagana laga filaa. Waxaa aad u soo kordhaya codad dhaadheer oo ku andacoonaya, si kastaba ha ku timaaddee, in madaxda maamulada aysan ehel u ahayn in ay soo xulaan cidda matalaysa ka wada xaajoodka arimaha mustaqbaliga iyo rabitaanka Soomaaliyeed ee fagaarayaasha dunida (intrnational arena).

    Inkastoo hoggaamiyaa-sha laftooda ay kala haystaan fikrado iswada burinaya xagga ka qaybgalka shirka!! Djibuuti. Gole maamul goboleedyo, gole kooxeedyo ama beelo ama qabiil ayaa go'aamo diidmo qayaxan ka soo saareen hindisaha shirkaasi !! Kuwa sabab ka dhigta in ay dowlad madax ba-naan yihiin, kuwa ku andacooda inta gobolladooda shisheeye (dad an u dhalanin!!) hays-taan, kuwa diiddan in Muqdisho caasimad sii ahaato, sababtoo ah inay tahay meel hal qolo deggan tahay, kuwa yiraahda Djibuuti waa saldhigyadii ay ka soo kacayeen dayaaradaha Mareekanka ee Muqdisho burburiyeen, shacbi Soomaaliyeed fara badanna oo aan hubeysnayna ku xasuuqeen.     [Waa socotaa..]
    la xiriir Ibraahim Salah (for free copy)
    BOGGA 6AAD BOGGA HAWEENKA
    Qasim's photo
    Qasim Hirsi
    Waxaa Qoray: Qaasim Xirsi Faarax
    International Islamic University
    Gombak, Kuala Lumpur, Malaysia
    Email: qasim55@hotmail.com
    Soo booqo bogga
    ururka Almanhal
    almanhal
    SINAANTA RAGGA IYO DUMARKA
  • AFARTA MAD-HABOOD IYO WAXA AY KA QABAAN MARAGFURKA HAWEENKA
    Waxa aan ahayn mid lagu murmi karo in ay guud ahaanba afarta mad-habood ee kala ah; shaafici, Xanafi, Xambali iyo Maaliki ay isku wada raacsan yihiin in aysan dumarku marnaba wax markhaati ah ka furi karin arimaha la xiriira todobada xuduudood. Kuwani waa todobo dambi oo qofkii gala xukunkii lagu xukumi lahaa si go'an loogu caddeeyey Quraanka iyo Axaadiista Nebiga (Nabadgelyo iyo Naxariis Korkiisa ha Ahaatee – NNKHA).

    Todobadaasi waxa ay kala yihiin kuwa halkaan ku taxan: Burcadnimo hubaysan,- alxiraaba, Tuuganimo –Alsariqa, Khami cabid ama guud ahaanba is daroogayn- Shurb, Dhillaysiga, Zinaysi - zina, Qadaf – qof ku eedayn zina si been ah, Mucaaradnimo ama ka gedoodid laga gedoodo dawlad Islaami ah – albagyi, iyo Diin ka gaaloobid, alriddah)

    Waxa ay culimadaasi qabaan in aysan todobadaas dacwadood dumarku ku margfuri karinin si gaar ahaaneed, si guud ahaaneedna waxa ay il gooni ah ku fiirshaan in ay ku furto markhaati arimaha la xiriira waxyaalaha dhaafsiisan xuduudaha. Haddaan ra'yiga Culimada si hal hal ah u soo qaadano, isla markaasna aan u ban dhigno tafsiirka Shareecada Islaamka, waxa aan ku horaynaynaa:

    Shaafici
    "Wixii aan ahayn hanti ama aan la xiriirin hanti ee ay ku marag furi karaan raggu sida; heshiiska guurka, furriinka, guur soo ceshashada –rajcada, wakiilnimada, dardaaranka, dilka iyo guud ahaanba xuduudaha, marka laga reebo zinada, waxa keli ah oo markhaati ku caddayn kara laba rag ah, taas oo lagaga amba qaadayo hadalka Ilaah iyo sida loo badan yahay-raajax.

    Hadalka Ilaah waa " Ha ka marag kaceen laba nin oo kuwiina aaminka ah ka mid ihi". Iyo sida uu inoo sheegay Ibn Mascuud; in aan dumarka loo ogolayn in ay ka marag kacaan dambi ku saabsan arimaha xuduudaha tan iyo waagii Nebiga iyo labadii khulafa ee ka dambaysayba. Sidaa darteed anaga oo ka amba qaadayna sida loo badan yahay iyo qiyaaskeenaba waxaan diidanahay in ay haweeni ka marag kacdo wax ku saabsan lacag iyo wax ay raggu arki karaanba.     [Waa socotaa..]
  • BOGGA 7AAD DIINTA ISLAAMKA
    Habnololeedkii Saxaabada Rasuulka
    Waxaa Qoray: Ibrahim Salah Adan
    Email: ibra88@hotmail.com - Odense, Denmark
  • CABDULLAAHI BINU CABBAAS
    Cabdullaahi Binu Cabbaas isagoo ka hadlaya sidii uu u dalbi jiray waddada cilmiga wuxuu yiri: ”haddii aan maqlo nin ka mid ah asxaabta Rasuulka (scw) waxaan aadi jiray iridka gurigiisa wakhtiyada duhurka kolkaasaan barkan jiray go’a aan wato, annigoo seexan jiray albaabka agtiisa, haddii aan doonana waxaan weydiisan jiray inaan u soo galo guriga oo markaa wuu ii fasixi jiray, wuxuu i weydiin jiray sababta aan ugu imid, markaasaan ku oran jiray inaan ka aqoon kororsado, waayo cilmigu waa loo tagaa ee isagu iskama yimaado, dabadeedna waxaan weydiin jiray xaddiiska aan doonayo inaan ogaado.. Sidaa ayuu uugu weynaa cilmiga Cabdullaahi Binu Cabbaas (rc) oo wuxuu u huri jiray helista barashada cilmiga. Sida uu Cabdullaahi u qaddarin jiray barashada cilmiga ayaa misna u weynayn jiray culumada aqoonta u leh Islaamka.

    Matalan hal tusaale haddaan ka soo qaadano arrintaas, waxaa la ogsoon yahay in Zeyd Binu Thaabit uu ahaa qoraagii Waxyiga, dhinaca kale wuxuu ahaa kan ugu aqoonta badan magaalada Madiina marka laga hadlayo cilmiga garsoorka, fiq-higa, qiraa’ada (akhrinta toosan ee tajwiidka) iyo cilmiga dhaxalka. Haddaba, maalin maalmaha ka mid ah ayaa Saxaabiga la yiraahdo Zayd Binu Thaabit oo doonaya inuu fuulo ratigiisa ayaa waxaa is hor istaagay Cabdullaahi Binu Cabbaas oo doonaya markaas inuu hogaanka u qabto ratigii uu saarnaa. Markaa ayaa Zeyd ku yiri: ”faraha isaga qaad kii ay Rasuulka (scw) ay ilmo adeerada ahaayeene”. Cabdullaahi ayaa yiri: ”Sidan oo kale ayaa nala faray inaan u wanaajino culumadeena”. Zeyd ayaa isna yiri: ”ii soo laac gacantaada”. Cabdullaahi wuxuu u fidiyay gacantiisa, dabadeedna Zeyd ayaa dhunkaday gacantii Cabdullaahi isagoo leh: ”sidatan ayaa nala faray inaan ula dhaqano Aalu-beytka Nebigeena (scw).     [Waa socotaa..]
  • BOGGA 8AAD xayaysiin
    BOGGA DHALLINYARADA
    SHEEKADII KALIILA IYO DIMNA
    Qaybtii: 43aad
    Waxaa qoray: Cabdullaahi Ibn al-Muqafac
    Waxaa soomaaliyeeyay: Xersi Labahagarre
    Bandar Seri Begawan, Brunei Darussalam
    T U K I H I I -- I Y O -- G U U M A Y S K I I
    Tuke: intaa aan guumayska ku sheegay waxaa ula jirta dhagar iyo tuuganimo, boqoradana dhagarow ayaa ugu hoog badan. ninkii boqor dhagarow ah iyo shaqaalihiis wax loogu darana waxaa qabsada wixii bakaylihii iyo simbirtii qabsaday, markii ay u gardhigteen shabaygii.

    Boolaboolo: oo taasina sidee bay u dhacday?.
    Tuke: waxaannu deris ahaan jirnay shimbir, kaas oo deganaa geed u dhaw buulkayga, aad ayuuna iisoo booqan jiray, kadibna waan waayay meel uu aadayna ma aanan gaanayn, in door ah ayuu iga maqnaa, baykayle ayaa dabadeed yimid oo degay booskii shimbirta, wayna ila xumaatay in aan la doodo bakaylaha, in door ah ayaan sidaa ku joognay, kadibna shimbirkii baa soo noqday maalmo ka dib, oo aqalkiisii u soo laabtay, wuxuuna kula kulmay bakaylihii, wuxuu yiri: meeshan aniga ayaa leh ee ka guur.

    Bakayle: aqalka aniga ayaa leh, gacantayda ayuuna ku jiraa, adiguna waad sheeganaysaa, haddaba haddii aad xoola igu leedahay sidii aad iigu soo caddayn laeheed u heegan noqo.
    Shimbirkii: garsoore ayaa halkan noodhaw ee inakeen aannu aadnu e'.     [Waa socotaa..]

    BOGGA 9AAD!Register-It! -
 Promote Your Web Site!
    HIDDAHA, DHAQANKA, SUUGAANTA IYO AFKA SOMALIDA
    MACMACAANKA MURTIDA SOOMAALIYEED
    1. War la'aan baa col hodday.
    2. Wax is waydiini ma xumee wax is waydaarsi baa daran.
    3. Waa laycaayay ceeb baa kaa raacda.
    4. Walaashaa iskuma hubtide, soddoggaa ha iska nicin.
    5. Walaalkaa haddii uu malab wadayahay mar kali ah ha muudsan.
    6. Waxaas iyo waxaas waa dameer iyo labadiisa dhegood.
    7. Waano wadaad wax i sii baa u dambaysa.
    8. Wax badso wax la'aan bay leedahay.
    9. Waarimayside war ha kaa haro.
    10. Waxaan dhuuso moodaayay baa xaar igu noqday.
    BOGGA 9AAD xayaysiin
    IIDHEH IYO OGAYSIIS
    Soodhawaynta Isku dubbaridaha Wargayska!

    Xurriyadda Ra'yiga
    Walaal aqriste, ma dhacday hadda ka hor in lagu cadaadshay ama aad cadaadis la kulantahy?!
    Madhacday hadda ka hor in xaqaaqa aad u leedahay in aad ra'yigaaga dhiibato lagaa inkiray?!
    Ma dhacday hadda ka hor in aad intaad hadal maagtay, aamus lagu yiri, oo hendedaad iyo cabsiin laguugu deray?!
    Ma dhacday hadda ka hor in kuwa jahli iyo cadaawo isku gaashaan buursaday ay kugu jujuubeen in aad ra'yigooda raacdo?!

    Haddii aad la kulantay waxyaabahaas kowo kale oo la mid ah, maanta waa laga baxay waqtigii lays jujuubi jiray, oo jaahilku caalimka afqabanjiray.

    Adiga oo ku bishaaraysanaya horumarka warbaahinta casriga ahi gaartay ha illoobin in aad cadkaaga goosato, oo aad ra'yigaaga si madaxbannaani leh u dhiibato, adiga oo aanan cidna ka baqin!!

    Wargayska Somali Electronic Journal waa wargayska kaliya ee xurnimo buuxda kuu siinaya in aad fidiso figradahaaga, asiga oo aanan kugu xirin, qabiil, mad-hab diimeed, aydoloojiyo gaar ah iyo siyaasad dowladeed toona.

    Meesha joornaallada kale ee soomaalida badankoodu ay u adeegayaan kooxo gaar ah iyo xoogag qabiil iyo kuwo diimeed, SEJ wuxuu kaa ballan qaadayaa in uu fidsho maqaal kasta oo loo soo diro, uusanna ku xirin wax aan ahayn shardiga (farsamada) qoraalka.

    Programmed, Developed and Written by Hersi M. Labagarre
    Codka Somalida Cusub, Waa wargays Electronic ah oo Toddobaadle ah, wuxuu ku soo baxaa afka Soomaaliga Maalin kasta oo Axad ah
    WARGAYSKAN MAQAALADAHA LAGU FIDSHO, WAX AAN SHARDIGA FARSAMO AHAYN LAGUMA XIRO, KAAS OO AH IN MAQAALKU AHAADO "WAR ISKU TOOSAN OO UJEEDDO LEH"

    "DHAMMAAN MAQAALADAHA WARGAYSKAN KU SOO BAXA WAXAY U TAAGANYIHIIN ARAGTIDA QORAAGA ASIGA AYAANA U QOOLAN, EE UMA TAAGNA UJEEDDADA WARGAYSKA, ISKUDUBBARIDAHANA WAX XIL AH KAMA SAARRA"

    DHAMMAAN XUQUUQDA DAABACAADDU WAY DHOWRANTAHAY

    Copyright 1998 - Labagarre - All rights reserved.
    Nala soo xiriir
    booqo csc H. page
    Saxiix B. Martida
    Codso wargayska sej
    Dhiibo Aragtidaada
    Akhriso B. Martida
    Xayaysiin
    Bogaadin
    Somali Forum
    Free Email
    Free Guest Book
    Free Home Page