Site hosted by Angelfire.com: Build your free website today!
Bogga Codka Somalida Cusub
Gundhigga wargayska Codka Somalida Cusub
Waa wargays Electronic ah oo Toddobaadle ah Wuxuu ku soo baxaa afka Soomaaliga Maalin kasta oo Axad ah
Taariikh: 17-24.1.1999
Aqarso B. Martida
Best Viewed:
Netscape Communicator 4.0
Saxiix B. Martida
FADLAN   TAAGEER   WARGAYSKA   CODKA   SOMALIDA    CUSUB
BOGGA 1AAD Somali Students Association in Malaysia
ARARTA WARGAYSKA
United Nations Consolidated Inter-Agency Appeal for Somalia

    UN logo
Waxaa Somaaliyeeyay:
Xersi M. Labagarre

Qaybtii 4aad
Xafiiska ay warqaddu ka soo baxday: Xafiiska UN ka u qaabilsan Daryeelka Aadanaha.
Taariikhda: January - December 1999
Yaboohii Hay'adaha UN ku u sameeyeen Somaliya
Xafiiska Qaabilsan Arrimaha Daryeelka Aadanaha (OCHA)

James Gustave Speth
Administrator
United Nations Development Programme

Warbixintii Howlwadeenka
Qaybtii 2aad: Qorshaha guud ee waxqabadka daryeelka aadanaha
1. Bandhigga Fulintii Codsigii la sameeyay 1998kii iyo sidii looga jawaabay
Saddexdii sano ee la soo dhaafay, hay'adaha UN-ka ee Soomaaliya ka shaqeeyay waxay si xoog leh u dareemeen baahida loo qabo in la isku xiro gargaarka iyo horumarinta figrad ahaan iyo howl ahaan intaba.

Socodka fulintii Codsiga la sameeyay, wuxuu qalabeeyay qaab habaysan iyo mid guud ahaaneed si looga hortago dhibaatada ka taagan Soomaaliya, taas oo ay ku jiraan dhibaatooyinka aan caadiga ahayn ee ay keeneen daadadkii 1997/1998kii, oo ahaa burburkii ugu waynaa ee soomaaliya soo maray inta la xasuusanyahay.

UN-ka waxqabadkiisu wuxuu isku deyayaa in uu isasaaro aragti guud oo ku saabsan gargaarka, dib u dejinta, kobcinta hore iyo dhalinta nabadda.

1997kii iyo 1998kii, codsiga socodkiisu wuxuu si waxtar leh qayb uga qaatay horumarinta iskaashiga ka dhexeeyay hay'adaha ee saddex waxyaabood oo ugu waawaynaa.

Tan ugu horaysa, waa goobta shaqada, codsigana waxaa loogu howlgalay sidi qoraal loo noqdo iyo qaab-guud oo uu u yahay iskaashiga howlaha ee ka dhexeeya hay'adaha UN-ka iyo howlwadaaggooda, gaar ahaa, hay'adaha caalamiga ah ee aan xukuumad raacsanayn (NGOs).

Tan labaad, Nairobi gudaheeda, guddi wadajir ah oo UN-ka ayaa la abuuray si ay u qalabeeyaan una xiriirshaan howlaha dhowr mashruuc oo iskujir ah.

Qorshaha wadajirka ahi wuxuu noqday rugta lagu kulmo, asiga oo kaalmaynaya heshiiska wakaaladaha ka dhexeeya ee ku saabsan baahida halista ah ee daryeelka aadanaha iyo mashaariicda UN-ka ee la xiriirta.

Tan saddexaadna, waa in socodka waxqabadka iskaashiga ku dhisan ee loo baahanaa ee codsiga uu aad u xoojiyay awoodda qorshaha UN-ka ee Somaliya ka jira, si uu uga jawaabo si aad u dhaqsi leh, waxku-ool iyo ku fillaanshana leh, arrimaha cusub ee degdegga ah.

BOGGA 2AAD Somali Forum Free Email Free Guest Book Free Home Page
Ciid Wanaagsan
Mahadsanid

Kaarkan Ciidda waxaa inoo soo diray: Ikraam Naasir
Mahadsanid

Kaarkan Ciidda waxaa inoo soo diray: Abdiqani Ahmed
Mahadsanid

Kaarkan Ciidda waxaa inoo soo diray:Abdirahman Hersi
WARARKA SOOMAALIDA
Toddobaadkan waxaa wararka Somalida isku soo dubbariday
Axmad Dowlad Faarax
3546 Indian Creek Way # L Clarkston
GA 30021 U . S . A
Tel: 404 - 508 - 3029
Dagaalkii Majeerteen iyo Mareexaan Muxuu ku dambeeyay?
NAIROBI JAN 10, Gudoomiyaha ururka SPM General Aadan C/laahi Nuur (Gabyow) isla markaasina ah Gudoomiyaha Guutida Absame ayaa waxaa uu sheegey iney uga socdeen sidii loo dhexdhexaadin lahaa labada reerood ee dhibaatadu dhextaala Magaalada Kismaayo eyna heshiiyaan sidii eyan u dhicin wax dhibaato ah oo dambe.

Gen, Gabyow waxaa uu yiri anagu waxaan ka nahay hadaan nahay Absame dhexdhexaad oo aan u muujino meesha Kismaayo la yiraahdo wax dagaal ah ineyan ka dhicin ama Jubbaland.

Gen Gabyow waxaa uu qoraal ku soo saarey sidii nabad heshiis ey u gaari lahaayeen Mareexaan iyo Majeerteen Midnimo, Soomaalinimo iyo walaalnimo mideysan, wixii iyaga kala gaarey inaan lagu dhameynin xiqdi iyo xumaato ee lagu dhameeyo wadajir iyo walaaltinimo deegaanka Kismaayo loogu wada degenaado.

Gen. Gabyow wuxuu carabka ku dhuftey inuu Mareexaanka joojiyo Dagaalka iyo xulufada uu wato ee uu ka soo kaxeysanayo meelo fog fog oo wada hadal kana la dhowro, dhanka kale Majeerteenka wey ogolaadeen nabada.

Gen Gabyow waxaa uu sheegey in hadii Magaalada Kismaayo la soo weeraro in Absame uu difaacayo Magaalada Kismaayo si buuxda iyadoo ey ugu wacan tahay maatada iyo marasta Absame ee ku nool Kismaayo, taasi waxey ka turjumeysaa dagaalkii ugu dambeeyey ee ka dhaca Kismaayo ee ay ku dagaalameen labada reerood.

Waxaa qolada weerarka soo tebiyay dheegeen, in ay si toos ah u soo weerareen meelihii uu Absame degenaa iyadoo markaa ey qasab ku noqoneysa inuu Absame difaaco magaalada Kismaayo.

Sidoo kalena Cumar Xaaji Masale ayaa wuxuu ka waramey xaalada guud ee uu ururkiisa SNF ee uu hogaamiye ka yahay ka damacsan yahay dul degida uu dul degan yahay magaalada kismaayo ey tahay sinaba wada hadal iyo heshiis ey ula gelin dadka isisiinaya magaalada Kismaayo, balse dadka laga soo saareyna Guryahoodana aanu ku celino taasi oo keeni karta oo kaliya in xalka iyo nabada magaaladu ey tahay in laga saaro dadka fidno wadayaalka ah ee Kismaayo jooga.

Masale oo kol hore la hadley masuuliyiinta gobolka qaar ka mid ah iyagoo shir ku yeeshey magaalaga Nairobi intii uusan dhicin dagaalkan ugu dambeeyey ee ka dhacay Kismaayo oo ey markaa isla meel dhigeen sidii loo xalin lahaa mushaakilaadka ka dhex taagan labada reerood.

Sidoo kale waxaa isna ka hadley shirkaas, Maslax Maxamed Siyaad Barre waxaana uu sheegey in nabad lagu wada degenaado magaalada Kismaayo.

Caato oo Cambaareeyay Maamulka Muqdishu

Ismaan Caato
Warar kale oo ka imanaya Muqdishu ayaa waxey sheegayaan in Hogaamiye Cusmaan Xasan Cali (Caato) uu cambaareeyey Maamulka Gobolka Banaadir oo ku dhawaaqey iney ku soo rogayaan magaalada Muqdishu Bandow Habeenkii.
Caato waxaa uu hada ka hor sheegey inuu ka soo hor
jeedo sideedaba Maamulka Gobolka Banaadir, Caato isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yiri hadii aan ka hadlo, Gobol Banaadir wax la yiraahda waa uu jirey hadase ma jiro.

In la dhiso gobol banaadir maamul laa sameeyo loona fududeeyo umadaas Soomaaliyeed ee Gobolka ku dhaqan dhibaatada heysa Dekada iyo Garoonka Diyaaradaha aduunkana mucaawino loo weydiiyo waxa hortaagan oo ey ka suurto gali weydey waa Cali Mahdi iyo Xuseen Caydiid iyo nimanka kale ee la xulufada ah iyagoon cidina dooran misna isku magacaabeen iney sameeyeen oo eyna ku dhawaaqeen maamul Gobol Banaadir.

Caato waxaa kaloo uu intaa uu ku darey; waa in maamul marka la dhisayo la isku yimaadaa, la wada hadlaa oo hogaamiyayaasha magaalada sida Bood iyo Yalaxow, Aniga iyo inta kale ee magaalada Muqdisho joogta ey go’aan gaaraan oo la isku ogaado haddii ey wax ka soo baxaan, markaa la sameeyaa maamul loo dhan yahay.

Laakiin ciidan Qabiil ah oo dhar Masar laga keeney loo geliyo Dekada iyo Garoonka Diyaaradaha ma furikaraan.
Sidoo kale mar Cusmaan Caato wax laga weydiiyey shirka Baledweyne ka socda wuxuu ku jawaabey in beelaha Hiiraan ku abtirsada marka hore Gogosha si wadajir u dhigaan, shidada dhexdoodana ku jirtana la xaliyo markaa ka dib beelaha U.S.C ee aan Gobolka ka tirsaneyn loo yeero oo markaa lawada hadlo iyadoo Ragga Gogosha dhigey ama shirka qaban qaabiyey aan taageersanahay.

Waxaana oran lahaa waa in loo dhamaadaa dhamaan dadka shirka loogu wacay waayo sida uu yiri Caato haddii shirka dad ka maqan yihiin hadalka qiimo ma yeelenayo oo meel cidlo ayuu ku dhacayaa.

Muqdishu: Amarkii degdegga ahaa oo dib loo dhigay!
MUQDISHU JAN 14, War ka soo baxay xafiiska Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa lagu sheegey in dib loo dhigey amarkii degdega ahaa ee Bandowgii lagu soo rogi lahaa Magaalada Muqdishu ee lagu dhawaaqey horaantii bishan.

Warkaasi waxaa uu intaa ku darey in go’aan kani la gaarey ka dib markii la dhageystey sida la sheegey codsiyo ka yimid Dadweynaha oo ku saabsan in go’aan kaasi dib loo dhigo iyadoo la tixgelinayo sida la sheegey Bisha Barakeysan ee Ramadaan.

Waxaa kaloo uu warkaasi sheegey in marka lagu dhawaaqi doono dhaqan gelinta amarkaas Bandowga ahi dib laga soo sheegi doono, hadalkani waxa uu soo baxay kadib markii uu magaalada Muqdishu toddobaadkan uu ku soo laabtey Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Xuseen Cali Axmed oo ka mid ahaa wafdi uu hogaaminayey Xuseen Maxamed Caydiid oo Booqashooyin ku kala tagey Dalalka Masar, Sucuudiga iyo Isu taga Imaaraadka Carabta ee Midoobey.

Waxaa uu Gudoomiyaha oo safarkiisa ka hadley yiri; inuu Dalka Sucuudiga uu u balan qaaday in tababar la siinayo Garsoorayaasha Maxkamadaha Gobolka Banaadir, iyo in xoghayaha guud ee Jaamacada Carabta uu sheegey iney Soomaaliya u soo dirayaan ergey wakiil uga ah arimaha Soomaaliya.

Sidoo kale Xuseen Cali Axmed wuxuu sheegey in shirkado Dowladeed iyo kuwo gaar ahaaneedba oo ka tirsan Dalka Imaaraadka Carabta ey Gobolka Banaadir ka caawin doonaan howlaha dib u furida Dekada Muqdisha iyagoo sheegey iney keenayaan waxyaabo Maraakiibta soo jiida.

Dab Qabsaday Xeryihii Qaxootiga Muqdishu
Wararka kale ee ka imanaya Muqdisho ayaa waxey sheegayaan, in ka dib markii shaley dab uu ka dhacay Xero Qoxooti oo ku taala agagaarka Fagaaraha (Tarebuunka)ee Magaalada Muqdishu ay afar qof dhinteen.

Sida waraku sheegay, waxaa xeradaasi ku noolaa 1,500 qoys oo soomaali ah oo ka soo qaxay Gobolo kala duwan, Dadkaasi dhintey waxey isugu jireen labo caruur ah iyo labo Odey oo Da’ah, kuwaas oo dhex hurdey Guryahoodii oo ka sameysnaa Cooshado isku raran ahaa markii uu Dabku kacay.

Dabkaasi waxaa ku gubtey saddex xaafadood oo xeradaasi qoxootiga ka mid ah iyadoo ey ku Guryo beeleen 675 qoys oo ka mid ahaa.
Dadweynaha deegaanka ey ku taalo xereda qoxootiga ayaa u soo gurmadey sidey dabkaasi oo kacay sagaalkii subaxnimo ey u baqtiin lahaayeen iyadoo ey Dadkaasi isticmaalayeen Caro iyo Biyo

Dabkaasi oo la sheegey inuu ka dhacay mid ka mid ah aqalada halkaasi ku yaaley oo ey Dad Dhalinyaro ahi ey wax ku karsanayeen, waxaa sii huriyey Dabeylo xoog leh oo maalmahan dambe Magaalada Muqdishu ka dhacayey.

Dadkaasi waxey xerada degenaayeen ilaa iyo 7 sano waxeyna ka kala yimaadeen Gobolada Bay, Bakool, Shabeelada Dhexe iyo Jubada Dhexe iyo meelo kale oo Dalka ka mid ah.

Dadkaasi oo u badan Caruur, Haween iyo Waayeel, waxey u badnaayeen Dad ka kala yimin Gobolada Bay iyo Bakool iyadoo ey abaaro iyo colaado ey isugu darsameen, waxaana ka muuqda dar xumo aad u weyn iyadoo inta socota ey ka tuugsadaan wadooyinka suuqyada waa weyn ee magaalada Muqdisho halka kuwooda xooga lihi ey ka xamaashaan suuqyada.

Madaxda Somaliland oo dalka soo kormeertay
HARGEYSA JAN 13, wafdi ey hogaaminayaan xubnaha ka tirsan golaha wasiirada ee Dalka la magacbaxay Jamhuuriyada Somaliland oo ey la socdeen Hay’adaha caalamiga ee UNHCR, UNCEF iyo WFP ayaa ka soo laabtey sahan ey ku soo mareen Gobolda Dalka, kaas oo ey ku soo eegayeen sida ey u saameeyeen abaaruhu .

Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Axmed Maxamed Biixi oo ka waramayey Gobolada Togdheer iyo Sool ayaa waxaa uu sheegey in dhibaatada ugu weyn ee Dadka iyo Xoolaha heysata ey tahay Biyo la’aan.

Waxaana la sheegay in ey ugu daran tahay Degmada Buuhoodle meelaha qaarkoodna biyaha ku jira eyan ku fileyn labaatan maalmood wax ka badan.

Wasiirka Horumarinta Reer Miyiga iyo Deegaanka Maxamed Muuse Cawaale isaguna wafdigii uu hogaaminayey waxay soo mareen Degmooyinka Salaxley, Oodweyn, Balidhiig iyo Burco, wuxuuna sheegey in Biyo la’aanta Dhulka uu soo marey ey ugu badan tahay Dhulka Howdka.

Waxaanu sheegey iney sababtu tahay Gugii oo Biyo yaraa Baraagyadii oo intoodii Badneyd Burburtey iyo Ceelel dhaadheer aanu la heyn Dhulkaasi.

Sidoo kale waxaa Dalka loo ogolaadey iney yimaadaan Dad tiradoodu ey gaareyso 200 ruux oo Qoxooti ku ahaa Dalka yemen iney dib ugu soo laabtaan halkaasi horey ayaa mas’uuliyiinta Somaliland waxey u hakiyeen howlihii dib loogu soo celinayey Dadka Qoxootiga ah ee dibadaha ku nool.

Wasiirka Dib u Dejinta ee Dalka la magac baxay Jamhuuriyada Soomaaliland C/laahi Xuseen Imaan (C/laahi Darewal) ayaa waxaa uu sheegey sababta Qoxootiga Yemen jooga oo kaliya loogu ogolaadey iney wadanka yimaadaan ey tahay iyadoo Qoxootigaa aney xero ku jirin oo eyna yihiin Dad horeyna loo sii yey sahaydii ey ku degi lahaayeen Dadkaas waxey soo kala raacayaan labo Duulimaad.

Soomaali ku shaqo beeshay Maraykanka
FARGO JAN 12,Warar ka imanaya Magaalada Fargo ee ku taala Gobolka Waqooyi Dakota ee Mareykanka ayaa waxay sheegayaan in warshad Hilibka Baceysa iridaha loo xirey waxeyna keentey in shaqo la’aan qabsato Dad aad u faro badan oo Soomaali ah oo u shaqeynayey warshadaa Hilibka Baceysa.

Dadkaa Soomaalida ahi oo dhawaan wadanka yimid iyagoo ka yimid Afrika, nin u hadley Warshada ayaa wuxuu sheegey in Dadkaasi, badi eyan ku hadlin qorina Af-ingiriisiga laakiin ey la raadinayaan shaqooyin, warku waxa uu intaa ku darayaa in wadankani shaqooyinku ey buuxaan.

Shir lagu qabtay Magaalada Beledwayne
BALADWEYNE(Jan11) Wararka ka imanaya ayaa waxey sheegayaan in shirkii weli loo fadhiyo Afayenka shirka Ibraahim Xabeeb Nuur ayaa waxaa uu sheegey in ujeedada shirka ey tahay in umadda soomaaliyeed guud ahaan ey ku heshiiso laakiin loo kala hordhigo dhibaatooyinka soo jiitamayey sidii xal loogu helo waxaana la hormariyey Beelaha ku abtirsada U.S.C.

Afayeenka mar wax laga weydiiyey inta uu soconayo shirku waxaa uu yiri waxaa uu socondoonaa ilaa aan ka gaarno nabada loo dhigey Gogosha , waxaana shirka ka soo qeyb galey ilaa 70 xubnood wafuud gaareysa oo ka timid dhinaca Gobolada Galgaduud iyo wafdi ilaa 150 qofood gaareysa oo dhinaca Muqdishu ka kala timid ilaa iyo hada shirka waxaa fadhiya 400 qofood oo ka qeyb galey shirka.

Warku waxa uu intaa ku darayaa in Boqorada iyo Ugaasyada shirka wada ey ugu baaqeen iney ka soo qeybgalaan shirka Cali Mahdi iyo Xuseen Caydiid oo sida la ogyahay diiday iney shirka ka qeyb galaan iyadoo ey horey uga soo saareen Hogaamiyayaashaas Baaq ah iney shirka sinaba ugu raacsaneyn dadka matalaya iyaga ee shirka tegey ee hada shirka jooga sidaasi awgeed ayey waxey ku shireen magaalada Muqdisho oo eyna go’aankan ka soo saareen.

Sikastaba arintu ha ahaatee waxaa Dadka iyaga matalayey ee hada shirka fadhiya ee ku sugan iney u sheegeen walaalahooda isla mar ahaantaana ey qilaafka laga heshiiyo oona la isku afgarto oo dabadeeto si wanaag ah loo wada hadlo goobta shirku ka dhacayo.

Dhanka kale Muuse Suudi Yalaxow iyo wafdi uu hogaaminayo oo ahaa wafdigii kala qeyb galey shirka Balad-weyne ayaa Toddobaadkan ku soo laabtey Magaalada Muqdisho, Hadal uu saxaafada siiyey waxaa uu ku sheegey in shirka Magaalada Balad weyne uu haatan guda galey xalinta dhibaatooyinka Beelaha U.S.C ee dagaalada sokeeye ey ku dhex mareen meelo ey ka mid yihiin Gobolada Galguduud ,Hiiraan, Banaadir iyo Goobo kaleba.

Wararka ugu dambeeyey ee shirka Baladweyne ee maanta naga soo gaaraya waxey sheegayaan in la saxiixey hashiis ey gaareen labadii Beelood ee horey ugu dirirtey Deegaanada u dhexeeya Degmooyinka Ceeldheer iyo Gal-hareeri ee Gobolka Galguduud Heshiiskaas oo ey gaareen 25 xubin oo ey Hogaaminayeen Hilowle Imaan Cumar iyo C/laahi Geedi Shadoor iyo 20 kaloo xubnood oo ey Hogaaminayeen Ugaas C/qaadir Ugaas Xaashi iyo Shiikh Ibraahim Fagaareeye.

Waxaa qodobadaasi ka mid ahaa in la fuliyo heshiis labada dhinac ey kol hore ku kala saxiixdeen Tuulada Bergaan ee Degmada Gelhereeri oo ey Horseed ka ahaayeen Culimada labada dhinac ee deegaan kaasi ka kala tirsan, in labada Beelood ey ku dhaqmaan shareecada Islaamka iyo in dhameystirka Heshiiskaas loo daayo Madaxda iyo wax garadka labada dhinac ee deegaanadaasi.

Waxa kale oo heshiiskaasi wax ka saxiixey shir Gudoomiyahay shirka Balad weyne Ugaas Khaliif Ugaas Rooble.

Wararka kale ee naga soo gaaraya shirka Hiiraan ayaa waxa uu sheegayaa in wafdi ka kooban seddex nin oo kala ah Dr. Cali Cabdi Camalow, Prof. Cali Maxamed Geedi iyo Xasan Qalaad ay ku sugan yihiin Magaalada Nairobi iyagoo waraaqo ka soo baxay shirkan u sida UN iyo hay’adaha kale ee Caalamiga ah.

Mustaqbalka Soomaalida Canada
TORONTO JAN 15, Soomaalida Kanada ku nool oo intooda badan ey soo galeen Dalka Kanada laga bilaabo sanadkii 1991, ayaa Waaxda Socdaalka ee Kanada waxa ay tiradooda ku qiyaastey ilaa100,000 ku dhawaad oo kala bar Dadkaasi ey ku nool yihiin Magaalada Toronto iyo agagaarkeeda.

Maadaama eyan soomaaliya wax dowlad ah ka jirin sanooyinkii la soo dhaafey ayaa Soomaalida Kanada warqadaha Soomaalinimo ey wateen waxaa laga soo qaadey waxaan jirin markaa soomaalida waxaa lagu soo rogay sharci qoraya in qofka Soomaaliga ahi maalintuu Kanada yimaado uu sugayo sharciga Kanada mudo shan sano ah.

Arinkaas waxa uu saameeyey qiyaastii 10,000 qofood oo Soomaali ah ee aan sharci la siinin 5 tii sano ee la soo dhaafey, taas oo ey keentey in tiro badan oo Dadkaasi ah sharci la’aanta ahaa ey ka tageen wadanka Kanada iyagoo intooda badan u gudbeen dhinaca Mareykanka.

Doodo dhaa-dheer iyo codsiyo kala duwan ka dib waxaa todobaadkan magaalada Toronto lagu qabtey shir ku saabsan arimaha Soomaalida kaga xiran waaxda socdaalka ee Kanada waxaa shirkaasi ka hadley ninka la yiraahdo Roy Kolen oo ka tirsan Baarlamaanka Kanada Xubina ka ah Xisbiga Libaralka ee haya talada Dalka Kanada.

Ninkaas oo 1997-98 laga soo Doortey meelaha ey Soomaalidu ku badan yihiin ee Magaalada Toronto,Waxa uu shirka ka cadeeyey in shantii sano ee Soomaalidu sharciyada sugi jireen laga dhigi doono saddex sano iyo waraaqaha aqoonsiga Soomaalidu ey heystaan la tixgalindoono ku waa soo la xiriira cadeynta Dadka Soomaalinimadooda go’aamada qodobadaasina dhawaan la soo saari doono oo eyna hirgali doonaan.

Kadib markii la soo burburshay masaajidyadii somaliya
ku yiil, ayay soomaalidii Canada masaajid ka disteen!!

TORONTO JAN 10, Dalka Kanada waxaa laga furey Masaajid ey maamulkiisu gacanta ku heyso Soomaalidu, Masaajidkaas oo hadda lagu tukado, Muslimiin ka badan 200,000 ayaa ku nool Magaalada Toronto iyo Nawaaxigeeda ee Wadanka Kanada.

Hadaba iyadoo uu mujtamac kasta ku dadaaley siduu magaalada Toronto iyo Nawaaxigeeda uga furan lahaa ama uga dhisan lahaa Masaajid ayaa Mujtamaca Soomaalida oo mudadii 12 sano ee ugu dambeeyey ku noolaa Dalka Kanada suuro gal u noqotey markii ugu horeysey in ay si wadajir ah u dhisaan Masaajid weyn oo lagu magacaabo Masaajidka Khalid Binwalid.

Masaajidkaas oo weli la sheegey in ka yar 2km in uu u jiro meeshey Soomaalidu sida aadka ah u degen tahay oo la yiraahdo Dixson oo ilaa 4,000 qoys ey ku nool yihiin.

Mar uu ka waramey Khaalid Axmed Geele oo ka mid ah xubin gudiga Masaajidka waxaa uu sheegey inuu Masaajidka ka kooban yahay labo qeybood oo Ragga iyo Dumarka ey ku tukadaan oo ey wax walba u dhan yihiin, Lix fasal oo si joogta ah loogu dhigi doono Diinta Islaamka, Maktabad Islaamiya iyo Meelo kale oo lagu iibiyo Kutubta iyo Cajaladaha Islaamka, Xafiisyada Maamulka ayaa waxey sheegeen in qeybtii hore ee dhismaha Masaajidka Khalid Binwalid ee Toronto ay ku baxdey lacag dhan $1,200,000 oo ey $ 340,000 ey Deen tahay.

Hase yeeshee lacagta xoogeeda ey Dad Soomaaliyeed iska soo ururiyeen gaar ahaan Dadka degen magaalada Toronto iyo Nawaaxigeeda, Waxaa kaloo lacagtaas bixinteeda ka qeyb qaatey Soomaali faro badan oo degen Mareykanka, Jaaliyadaha kale ee muslimiinta ee degen Magaalada Toronto, Soomaali degen Magaalada Barakeysan ee Maka iyo Dahraan ee Dalka Sucuudiga iyo Magaalada kale ee Abuudabey ee Isutaga Imaaraadka Carabta ee Midoobey.

Shirkii Jaaliyadda Soomaalida Ogaadeen
oo lagu qabtay Toronto

Shir ey qaban qaabiyeen jaaliyad lagu magacaabo jaaliyada Soomaalida Ogadeen ee ka furan Magaalada Toronto, shirkaasi waxa uu soo saarey ama uu ku tilmaamey xadgudub uu sheegtey iney Dowlada Itoobiya u geysato dadka Soomaalida ee ku dhaqan Gobolka ismaamulka Soomaalida ee Itoobiya.

Mar uu ka waramey Gudoomiyaha Jaaliyadaasi Xukun Gaas Xaruur waxa uu yiri markaan ka hadleyno Gobolka ismaamulka Soomaalida waxaa jirta in waqtigan xaadirka ah ay koley Dagaalo ey jireen mudadii 7 sano ee ugu dambeyseyba ey labada quwaduudba qolyaha Itoobiyaanka iyo ururka OLNF-ta ey dagaalo iskula jireen.

Arrintaas ayaa waxey keentey in dadka shicibka la iska xiro sharci bilaa Maxkamad la’aan ah waxaa jirtey ayuu yiri saddex nin oo golaha dhexe ahaa oo waa dhaweyto Hargeysa laga keeney oo ilaa iyo hada Maxkamad aan la keenin 14kii xildhibaan ee lagu eedeeyey iney afgambiga ay sameeyeen.

Waxaa jira in dad aad u tiro badan oo rayid ah la iska qab qabto oo habayaraatee wax Maxkamad ah la keenin laguna eedeeyey iney kala qeyb galeen shirkii OLNF-ta ee dhawaan gudaha ka dhacay.

Dad ka mid ah Jaaliyada Ogadeen ee degen Toronto ayaa waxey sheegayaan in eheladoodii la jir diley, lana xirey, qaar koodna la la’yahay, Gabadh ka hadashey shirka ayaa waxey sheegtey in Aabaheed muddo 10 sano ah sidii looga kaxeystey Godey meel uu ku sugan yahay aysan garaneynin waxey intaa raacisey hadii aan raqdiisa heli lahaa waxbey ahaan laheyd.

Xukun Gaas Xaruur waxaa kaloo uu yiri waxaa jirta Dad Guryahoodii iyo Xoolahoodii lala wareegey dhibaatadu aad ayey u badan tahay sida loola dhaqmayo Dadka degen Gobolka Zonka 5aad ee Soomaalidu degto.

Xaruur waxaa ugu dambeyntii yiri waxaan Dadka u qabanaa in waraaqahooda aan u gudbino Hay’ada Xuquuqda Binu Aadamka u dooda.
Dalka Soomaaliya Yaa u Dowlad ah?
Daraasadan ku lug leh, boobka ay wadamada ajnabiga ahi ku hayaan dalka soomaaliya, waxaa afka talyaaniga inooga soo turjumay Bashiir Sh. Maxamad, aad ayaanna ugu mahad celinaynaa.
somalinet logo
Waxaan rejaynaynaa in dhallinyarada kale ee soomaaliyeed ee afafka kale yaqaan sidaa si la mid ah yeeli doonaan, gaar ahaan dhallinyarada yaqaan afafka sida, Jarmalka, Danlishka, Finishka, Faransiiska iwm.

Waxaa Soomaaliyeeyay:
Bashiir Sh. Maxamad

MASHRUUCII JASIIRADDII CUSBADA
( il progetto dell’isola di sale)

Sida uu qabo Mr. Aldo Anghese oo ah nin la shaqeeya Sirdoonka Talyaaniga, Xaafuun waxaa lagu doortay dabeecaddeeda juqraafiyeed: Waxay ku taal buu yiri meel lama degaana, dadka iyo duunyadubana ama ku yaryihiin ama aanay joogin.

Waa meel si dabiici ah go’doon u ah buu yiri oo xagga badda maahee aan berri looga iman karin. Waxyaalaha lagu doortay Xaafuun waxaa ka mid ahaa tiiyoo ay adagtahay xataa in xagga cirka laga arko xitaa haddii diyaarad lagu dulmaro.

Si kastaba ha ahaatee, FC wuxuu qabaa in documents-kii gabagabada ee mashruucaas, lagu codsanayey in la aasaaso meelo qalcadaa (punti di osservazione) oo loogu talogalay ilaalada iyo dhisidda difaac adag oo xagga hawada ah ama air defence shield.

FC wuxuu sheegay in meelaha kale ee mashruucan ka mida ay ku jirto meel ku taal woqooyiga Hobyo (Mudug) oo magaalada u jirta 10km xeebtana 5km. Suxufiyiinta FC waxay diyaarad ku aadeen, say sheegeen Hobyo si ay bal site-kan indhohooda ogu soo arkaan hase yeeshee waa u suuroobi weyday kaddib markii ninkii Pilot-ka ahaa baqdin awgeed diiday inuu dego.

Sida ay qabaan site-kan Hobyood oo ay ku jirto sun aad halis u ah iyo qaar waliba radioactive ah waxaa ilaaliya ciidan Ajnabi ah. Waliba intii hadda hal sanaa si aada ayaa loo ilaaliyaa buu yiri ninkii nimankan waday waana nala soo ridayaa (anti-air) haddaan dulmarro.    [Waa socotaa...]  

BOGGA 3AAD xayaysiin Anglefire Free Email
BOGGA QUBANAHA
Dowladda Sudan oo sheegtay in ay heegan u tahay sii wedidda xabad-joojinta
Dowladda Sudan ayaa waxay sheegtay in ay heegan u tahay in ay halkeeda ka sii waddo heshiiskii xabadjoojina ee ay kala saxiixdeen ayaga jabhadda uu hogaamiyo John Grang.

Heshiiskaas oo dhamaanayay bishan guddaheeda, wuxuu ahaa heshiis saddex bilood ah oo xabadda lagu joojinayay si loo gaarsiiyo gargaarka dadka maatida ah ee ku xanibnaa meesha loo yaqaan Baxr al-gasal.

Gobalkaas dagaal ba'an ayaa ku dhexmaray dowladda iyo jabhadda u dagaallanta xuraynta koofurta Sudan dabayaaqadii sanadkii 1998kii, kaas oo gaystay dhibaatooyin badan oo keenay gaajo iyo cudur ay u la'deen dadka dhulkaas ku dhaqan.

Waxaa kale oo masuuliinta reer Sudan sheegeen in ay hadda socdaan wadahadallo loogu gogolxaarayo dabadheeraynta heshiiskaas xabad-joojinta.

Dowladda Ingriiska oo baaritaan qarsoodi ah ku samaysay masaajid London ku yaalla
Ciidanka nabadsugidda Ingiriiska ayaa waxay tilmaameen masaajid ka mid ah masaajidda London, waxayna ku sheegeen in uu yahay meel lagu qoro dhallinyarada doonaysa in ay noqdaan askar tababarna ku qaataan Afqanistaan iyo Kashmiir.

Waxaa kale oo nin hogaamiyayaasha muslimiinta Ingiriiska deggan ka mid ah sheegay in ay dhallinyaro Ingiriis ah oo tababarro jaadkaas ah qaatay jiraan.
Booliiska Ingiriiska ayaa wuxuu masaajidkaa ka waday maalmahan dambe baaritaan sir ah oo degdeeg ah, waxayna taasi ka dambaysay markii ay tuhmeen in ddagaalka Ingiriisku ku qaaday Ciraaq uu sabab u noqonkaro jabhado argagixis ah oo gadooday oo aargoosad doonaya in ay jiraan.

Baaritaanka booliiska Ingiriisku wuxuu ku wereegsanyahay wadaad la yiraahdo Abu Xamsa, wadaadkaas oo la sheegayo in uu hogaamiyo urur la yiraahdo "Ansaar ash-shariica" wuxuu ka qudbeeyaa masaajid ku yaalla waqooyiga magaalada Londhon.

Wadaadkaas wuxuu ku sheegay war uu ka yiri kulan telefishin, in uu taageersanyahay howlkasta oo argagixis ah haddii ay tahay mid Ilaah xaggiis loo niyooday, ama uu yahay mid lagu joojinayo argagixiska ay wadaan dowladaha Ingiriiska iyo Maraykanka.

Haweenka Dalkaasi Turkiga oo Dagaal ugu Jira Siyaasadda Dalka
Xukuumadda cusub ee xisbiga xagga bidix u janjeera ka soo dhisay dalkaasi Turkiga ayaa waxaa ka muuqata in aaney xubnihiisa ku jirin haeeney madax ah, taasina waxay keentay in xisbigaasi eeeedeyn ka mutaysto urur u dagaallama dhiirrigelinta iyo sharraxidda haweenka.

Gabar ururka sharaxidda haweenka madax u ah ayaa waxay sheegtay in aan marnaba la aqbali karin waxa uu ku kacay.
Abaabulihii dowladda Turkiga ee cusub Kamal Atatork ayaa waagiisii wuxuu ballan qaaday in la simi doono ragga iyo haweenka, arrintaasi waxay ahayd toddobaatan sano ka hor, maanta in kasta oo haweenka dalkaasi kaalin ka qaataan siyaasadda dalka iyo hoggaamintiisa, hadana waxaa jira xisbiyo aan qayb ka siin haweenka maamulka sida xisbigan bidixda ah.

Taasi waxay keentay in tirada haweenka ku jira baarlabaanka ay noqoto boqolkiiba labo oo kali ah, sidoo kale, ma jirto naag guddoomiye gobal ah, ayada oo la ogyahay in dalkaasi leeyahay 76 gobal, odayaasha gobalada laga soo doortana haween kuma jiro.

Haweenka dalka Turkiya waxay hanqalka kor u taageen maalmihii ay ay qabatay wasaaradda dalka gabadhii loo yaqiin Tansu shayler sanadkii 1993kii, taas oo ahayd naagtii ugu horaysay ee turki ah ee jagadaas soo gaaratay.

Waxaa la sheegayaa in xisbiga bidixda ah uu xukunka hayn doono saddex bilood inta ay doorashadu ka dhacayso, xisbigaasi wax haween ah kuma soo derin xubnihiisa, xisbigii ka horeeyay ee midigta ahaa waxaa baarlabaanka ugu jiray laba naagood.

Arrintaasi waxay ku noqotay qolyaha haweenka taageera filan waa, sidaa darteed waxay qolyahaasi isu qabanqaabinayaan in ay 55 haweenay ku daraan baarlabaanka doorashooyinka soo socda.

Hoggaamiyaha Jabhadda Siralyon oo sheegtay in Ilaahay u soo diray si uu lubnaanta uga dhameeyo dalka siralyon
Hoggaamiyaha jabhadda dagaalka ka wadda dalkaasi siralyon jeneral Sam Bokari ayaa wuxuu sheegtay in Ilaahay u soo diray dadka reer siralyoon si uu uga laayo dadka lubnaanta ah ee ku dhexnool.

Dadka dalkaas 25 boqolkiiba waa lubnaani ganacsato ah oo halkaas waa hore soo degay dabadeedna jinsiyado qaatay, waxaana la sheegayaa in ay yihiin dadka lacagta iyo ganacsiga dalka gacanta ku haya.

Jenaraalka hoggaansha jabhadda u dagaalamaysa qabsashada dalka waxaa la sheegayaa in uu damacsanyahay in uu magaalada boobo, maxaa wacay ciidamadiisa oo ah dad maxaysato ah waxay dhibaato badan kala kulmeen tacshiiradda ciidamada africanka ah ee difaacaya dowladdii sharciga ahayd.

Dadka reer lubnaan ee halkaa deggan waxay sheegeen in ay cabsi wayni ka haysato sidii ay naftooda iyo xoolahooda u nabadgelin lahaayeen, waxayna ka baqayaan in uu ku dhaco boob la mid ah kii dhacay markii ay jabhaddaasi dalka qabsatay dhowr sano ka hor.

Tukashada salaadda jimcihii rabadaan ugu dambeeyay

Gabar yar oo salaad xiranaysa
Sida caadadu ahaan jirtay, umadaha muslimka ah qaderin gaar ah ayay siiyeen jimcihii la soo dhaafay, kaas oo ahaa jimcihii ugu dambeeyay bisha barakaysan ee rabadaanka.

Meelo badan oo ka mid ah dalalka muslimka ah ayaa waxaa ku tukaday dad aad u tiro badan, meelahaas waxaa ka mid ah, masaajidka wayn ee ku yaalla kacbada Maka, ee dalka sacuudiga, halkaas oo la sheegay in ay jimcadii ku tukadeen 2 milyan oo qof.

Masaajidka wayn ee al-Aqsa, ayaa asigana waxaa ku tukaday jimcihii dad kor u dhaafay
hal milyan oo isugu jira rag, dumar iyo carruur. Masaajid wayn oo ku yaalla magaalada Islamabad ee Pakistan ayaa la sheegayaa in asigana ay ku tukadeen dad ku dhawaaday milyan.

Muslimiinta ku nool dalka Malaysia oo qaar badan oo ka mid ahi dareemayaan in dowladdoodu dulmisay, kadib markii la xiray nin ay muslimiintu aad u jeclaayeen, ayaa ayaguna waxay ku tukadeen masaajid wayn oo ku yaalla meel magaalada Kuala Lumpur bartankeeda ah oo ku dhaw labada dhisme ee adduunka ugu dheer halka ay ku yaallaan.

BOGGA 4AAD xayaysiin
BOGGA DOODDA IYO CILMI BAARISTA
Dhibaatooyinka Somaaliya Maxaa xal u ah?
Waxaa Qoray:
Ibrahim Moallim Mursal
[Allah Ummad kama baddalo waxa ay ku sugan tahay; Ilaa ay wax ka baddasho nafteeda waxa ku sugan]
Odayaasha beelaha
Burburka Dalka ku dhacay cidna kama samata bixin. Beel walba waxay ku dhisnayd talada odayasha, doorka ugu wayn ee ay bulshada ku lahayeen waxaa ugu waynaa, soo xasilinta nabadda iyo furdaaminta is-afgarawaaga beesha dhexdeeda amase beelaha kale ka dhaca.

Waxay odayaasha ay ku lahayeen bulshada dhexdeeda xushmad iyo tixgelin gaar ah ee gaarsiisan in ku af celintooda loo arki jiray wax cuqubad laga qaado. Iska dambaytu aya saldhig u ahayd doorka odayaasha.

Casriyaynta xiriirka bulshada dhexdeeda oo aan si cilmiyaysan loo dersin ayaa waddada ka duwday doorkoodii.

Ha ahaato soo galootiga gumaystaha amase maamuladii ka dambayay ayaa marin-habaabiyay qaab dhismeedkii, maamulkii iyo abaalulkii hawlaha odayaasha. Magacyadii ay ku kala habaysnaa ayaa la mideyay oo giddigood waxaa loogu yeeray "Nabad-Doon".

Sidaas ayaa nidaamka odayaasha isugu beddeli maamul shaqaale Dowladeed oo fulinaya hawlaha siyaasadeed ee Dowladda, xittaa haddii siyaasadaasi aysan tixgelinaynin duruufaha u gaarka ah amase baahida bulshada odayaashu ka socdeen.

Halkaas ayay odayaashu ku gabeen doorkoodii hoggaaminta oo ay ku soo baxeen saraakiil Dowladeed Amase "Dug-Sarkaal". Halkaas ayaa ka abuurmay dhaqan maamuleed oo ah odayaasha in ay cidda xukunka gacanta ku haysata oo keliya ay ka amar qaataan.

Dhaqankaasi silloon ayaa odayaasha ku kallifay maantana in ay daba socdaan hoggamiyaasha dagaallada. Badannaa odayaasha waxaa loo adeegsadaa arimaha laga baqo in ay bulshada ka gadooddo. Taasi oo micnaheedu yahay arimaha aan bulshada dan u ahayn.    [Waa socotaa...]  

MADAXWAYNE HA LAYGA DHIGO!

    Faahfaahin ku saabsan kitaabkan
    Cinwaanka: Madaxwayne ha layga dhigo!
    Mowduuca: Waa kitaab afsoomaali ku qoran oo ka hadlaya sida qola kasta oo ka mid ah qabiilooyinka soomaalidu ay isugu dayday in ay madaxwayne dalka u noqdaan.
    Qoraaga: Qaasim Hersi Farah(Duullaanjecel)
* F.G:
Waxaa farxad wayn inoo ah, in aan halkan ugu soo gudbinno aqristayaasha, Kitaab Cusub oo aan hooray uga ballan qaadnay, kaas oo ah, Madaxwayne ha layga dhigo, uuna qoray abwaankii qalinka dheeraa ee aad horay u aqrisateen kitaabkiisii "Horta Yaa Dunida Fasahaadiya", Qaasim Xersi Faarax -Duullaan Jece.

Waxaa loo baahnaa in aan arrintan idinku baraarujiyo toddobaadkii hore, hase yeeshee, horaa loo yiri: "hafyo hadal kuma jirto" marka maqaalkii aan fidinnay toddobaadkii la soo dhaafay ayaa kitaabka billawgiisa ahaa.

Arrinta labaad ee aan doonayo in aan aqristayaasha ku baraarujiyo waa, in kitaabkani ka hadlayo arrimo aad u xasaasi ah, kuwaas oo si toos ah u taabanaya Qabiilooyinka soomaalidda, hadaba, waxaan aqristayaasha ka codsanaynaa, in ay isqaboojiyaan haddii ay arkaan wax ka caraysiiya, figraddoodana ay si hufan u soo dhiibtaan, haddii ay doonayaan ayaga oo aan caytamin.

Caytanka iyo aflagaadadu cilmiga iyo aqoonta iyo xigmadda meelna kama soo galaan, sidaa darteed fadlan qofkii aanuu cajebin warka kitaabkan ku qoran, aragtidiisa ha soo qoro, dabadeedna ha iisoo diro, aniga ayaa ku fidinaya isla meeshan lafteedae. (Hersi Labagarre).

Keenee gar daran?
Habargidir:
Waxaan wax ku lahayn xornimo dhalintii, xusuuso C/llahi Ciise iwm. Waxaanu nahay kuwii ku guulaystay saaritaankii Ina Siyaad iyo dadkiisii naf iyo maal badan baana taas nooga baxday. Waxaan tanya tii ku soo jirnay gumaysi Daarood, marna ma illoobi karno tii; Cali yusuf, Keenadiid, Sayid maxamed, Maxemed Siyaad iyo kuwa kaleba.

Waxaan qayb libaax ka qaadanay dhismaha dalka ee dhan walba leh. waxaan nahay lambar fara badan oo lagu hilmaamay duur qaraxa. Tan kale ummadda Ilaahay ninba marbuu taliyaa oo la raacaaye maa anagana kalkeena lana raaco oo nala ka war sugo? waxaasoo dhan iyo wixii naf naga go'ayba marka la isku daro, Ilaahay ka cabsadee ma waysan ahayn in lana ku raalli geliyo madaxweynenimo.

Abgaal:
Niman yohow lama arag lamana maqal cid inta gurgeeda loogu yimaado lagu xukumee, bal aashiina, ha noqonina marti dulum waddee, midda kale unukuba dhismaha waddanka waqti kastaba waxaan ku lahayn, bal xusuuso Genaral Da'ud iwm.

Warkuse wuxuu ku dhan yahay anugu goofkeyga anaa ka taliya ha la guugu taliyana yeeli maa, hadaba maslaxo waxay ku imaa kartaa ayadoo marti edeb qabta la noqdo oo aniga la iiga leexdo wixii ah madaxweynenimo.     Waa socotaa...

BOGGA 5AAD xayaysiin
DIINTA ISLAAMKA
KITAABKA TAWXIIDKA

Faahfaahin ku saabsan Kitaabkan:
1.Cinwaanka: Kitaabka Towxiidka(121 Bog)
2. Mowduuca: Tawxiidka.
3. Qoraaga: Sheekh Maxamad bin Cabdil wahhab.

waqtiyada salaadda
4. Waxaa soomaaliyeeyay: Hersi M. Labagarre
5. Qiimaha: (US$ 10.00) oo aan boostadu ku jirin.
CASHARKA 28AAD
WAXYAABIHII KU SOO AROORAY SAACSIGA

Eebbe kor ahaayee wuxuu yiri:
[Baaskoodu wuxuu uun jiraa Eebbe agtiisa, badankooduse ma oga]Al-Acraaf 131.

Waxaa kale uu Eebbe yir:
[Waxay dhaheen rasuulladii baaskiinnu miyuu idinla joogi, hadii laydin waaniyo, waxaadse tihiin qoon xadgudbay] Yaasiin 19.

Abii Hurayrana, Allaha ka raalli noqdee, waxaa laga soo weriyay, in Nabigu nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee uu yiri:"Qabadsiis ma jirto, shimbir ku saacsina ma jiro, guumaysna ma jiro, gooryaanna ma jiro "{Bukhaari, Muslim}.
Muslim ayaa asaguna intaa ku deray "Xiddigaysi yuu jirin, ruuxaan ka cabsina yuu jirin".

Waxaa sidoo kale Bukhaari iyo Muslim, Anas ka soo weriyeen, in Nabigu naxariisi korkiisa ha ahaatee uu yiri:"Qabadsiis ma jiro, shimbira ku saacsina ma jiro, waxaase i cajebinaya saadsiga. Kolkaas bay dheheen: saadsiguna waa maxay? Wuxuu yiri: Waa weedha wanaagsan".

Abii Daa'uudna wuxuu sanad saxiix ah uga soo weriyay Cuqba Bin Caamir, in uu yiri:"Nabiga nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee, ayaa waxaa lagu sheegay Saacsiga, kolkaas buu wuxuu yiri: Waxaa ugu wanaagsan Saadsiga, Muslimna ma bi'iso, haddiise midkiin arko wax uu nacbaysto ha yiraahdo: Eebbow cid wanaagga keentaahi oo aan adiga ahayni ma jirto, cid xumaanta celisa oon adiga ahaynna ma jirto, xeelad iyo xoogna la'aantaa ma jiraan".

Ibnu Mascuudna waxaa laga soo weriyay "Saacsigu waa shirki, Saacsigu waa shirki, cid aan dareeminna naguma jirto, Hase ahaatee Ilaah baa inooga qaadaya tala saarashadiisa" Waxaa soo weriyay Abuu Daa'uud iyo Tarmadi, Tarmadina xaddiiska wuu saxay inta u dambaysana wuxuu ka dhigay hadalkii Ibni Mascuud.

Axmadna wuxuu xaddiiskii Ibn Cumar ka soo weriyay "Qofkii Dan uu lahaa uga taga saacsi awgiis wuu shariig yeelay. Waxay dhaheen: taas kolka kafaaradeedu maxay tahay?. Wuxuu yiri: Waa in aad dhahdo: Eebbow khayr aan kaaga ahayni majiro, saacsi aan kaaga ahaynna ma jiro, Ilaah aan adiga ahaynna ma jiro".

Waxaa kale uu leeyahay (Axmad), xaddiiska Al-Fadl bin Cabbaas, Allaha ka raalli noqdee "Saacsigu waa wixii dantaada kuu daaya ama kaa celsha".

MAS'ALOOYINKA CASHARKA
Tan 1aad: Waa ku baraarugidda Weedha aayadda ku timid ee ah [Baaskoodu wuxuu uun jiraa Eebbe agtiisa] asigoo misana yiri [Baaskiinnu ma adinkuu idinla jiraa].

Tan 2aad: Waa in Qabadsiiska la diiday.
Tan 3aad: Waa in saacsiga la diiday.
Tan 4aad: Waa in Guumays ka baqidda la diiday.
Tan 5aad: Waa in Gooryaan ka baqidda la diiday.

Tan 6aad: Waa in saaddu aanay waxyaabahaa ka mid ahayn oo ay wax la jaclaysto tahay.
Tan 7aad: Waa tafsiirka saadda.

Tan 8aad: Waa in waxa laabta laga dareemayo ee waxyaabahaa ka midka ah, lana necebyahay, aanay waxba dhibayn, ayna qaadayso talasaarashada Eebbe.

Tan 9aad: Waa in la sheegay waxa uu leeyahay qofkii wax yaabahaa oo kale dareema.
Tan 10aad: Waa in la caddeeyay in saacsigu uu shirki yahay. Tan 11aad: Waa tafsiirka saacsiga xun.

Mohamed (PBUH) the Natural Successor to Christ

    Waxaa Qoray: Axmed Deedaat
    Waxaana turjumay: Jama Mohamed Farah (Jawali)
    Kirstinharju 8 G 149, 02760 Espoo - Finland
    Tel.358-400-774345
Qaybtii 1aad

[Kuna bishaaraynaya Rasuul gadaashayda imaan oo magaciisu yahay Axmed]
Jago la wareegidda oo wajiyo badan leh
Jago la wareegiddu waxay u kala baxdaa noocyo badan sida curadka oo kale sida uu dhigayo sharciga Yuhuuddu. Ama wiilka ama gabadha ugu wayn reerka oo kursiga boqortooyada ku fadhisata.

Jjagada waxaa lagu yimaadaa doorasho xor ah. Ama si cilmiga Eebe ku dhisan oo Alle isagu doorto rasuulo darajo sare leh sida uu u doortay nebiyada sida Ibraahim, Ciise ama Maxamed (nabad galyo iyo naxariisi korkooda dhammaantood Eebe ha yeelo e) oo Eebe ugu doorto xafiisyadooda si karaamaysan.

Badalidda uu nebi Maxamed (css) uu nebi Ciise (css) badalay way dhinacyo badan tahay:
1. Taariikh ahaan oo dhacdooyinka waqtigu is daba socdo.
2. Doorashada Eebe
3. Fulinta waxyigii la sii sheegay
4. Keenidda dhamaystiridda hanuunka

Ciise (cs) mar uu ka hadlayey Nebi Mohamed (css) wuxuu yiri 'Wuxuu idinku wadi doonaa runta oo dhan'

Taariikh ahaan
Nebi Muuse (cs) wuxuu Nebi Ciise (cs) ka horeeyey muddo dhan 1300 sano, laakiin jagadaas Nebi Ciise (cs) baneeyey, nebi Maxamed (css) wuxuu kula wareegay 600 sano muddo ku dhaw ka dib.

Waxay ahayd 12kii Rabiical awal ee sannadkii la magac baxay 'sannadkii maroodiga' ama 27kii Augusto 570kii ee taariikhda masiixiyiinta loona yaqaan (Christian Era-CE) ayaa Nebi Maxamed (css), kii amaanta mudnaa, ee amaan oo dhan ay u sugnaatay uu ku dhashay magaalada barakaysan ee Makka oo ku taalay dalkii carbeed ee dadkiisu cawaanka aahaa (pagans).

Qureysh oo ahayd qoyskii ama qabiilkii uu nebigu (css) ka dhashay waxay sannadkii uu dhashay ku xasuusan jireen in uu ahaa sannadkii maroodi- ga, sababtoo ah laba bilood ka hor dhalashadiisii ayaa boqorkii Xabashida ee Yaman soo weeraray magalaada barakaysan ee Makka isagoo hogaaminayey ciidamadii sii saarnaa maroodiyaalka Afrika ee waa-waynaa.

Cabsigelin gaadhsiisan tirtirid waligood ma aysan arag inta ay xasuustaan, laakiinse weerarkaasi wuxuu ku dhamaaday si la yaab leh, taas oo ahayd in ciidamadii Abraha la tirtiray. Arag suuradda Qur'aanka ee Al-Fiil.     (Waa socotaa...)

BOGGA 6AAD xayaysiin
BOGGA DHALLINYARADA
SHEEKADII KALIILA IYO DIMNA
Faahfaahin ku saabsan Kitaabkan:
1.Cinwaanka: Kaliila iyo Dimna(119 Bog).
2. Mowduuca: Murti facwayn iyo sheekooyin qosol badan.
3. Qoraaga: Cabdullaahi bin al-Muqafac.
4.Waxaa soomaaliyeeyay: Hersi M. Labagarre
5. Qiimaha: (US$ 10.00) oo aan boostadu ku jirin.
Qaybtii: 22aad
LIBAAXII IYO DIBIGII
Kaliila: waxaa la yiri, horin daanyeerra ah ayaa buur degganaa, kolkaas bay dab doonteen, habeen aad u qabow oo roob iyo dabaylo leh, mana aanay helin, waxayse arkeen kaaraabidhaan duulaysa oo dhimbil la moodo, markaas bay dab moodeen, oo intay xaaba badan dhureen dusha uga tuureen, oo afuufid ku billaabeen, ayga oo doonaya in ay dab ay qabawga ka qaaqamaan ka shidaan.

Waxaana geed u dhaw saarraa shimbir eegayay iyana ay eegayeen, waxa ay samaynayaanna wuu arkay, kolkaas buu u yeeray oo yiri; ha is daalina waxa aad aragteeni dab ma ah e', markii uu taas ku dheeraaday ayuu u soo dhawaaday si uu uga celsho waxa ay samaynayaan.

Nin ayaa soo maray oo ogaaday waxa uu doonayo, markaas buu ku yiri; wax aan toosayn in aad toosido ha isku deyin, maxaa wacay dhagaxa adag ee aan kala jebin seefaha laguma tijaabsho, ulaha aan jiicinna qaanso lagama tooxo, ee ha is daalin.

Shimbirkii waa ku diiday oo daanyeeradii buu aaday, si uu u ogaysiiyo in kaaraabidhaanku aanay dab ahayn, daanyeeradii qaarka mid ah ayaa laacay oo dhulka ku garaacay wuuna dhintay, kaas ayaad taas iigala mid tahay.

Teeda kale dhagar iyo ballan ka baxa ayaa kaa batay, waana laba xigto oo xun, dhagarta ayaana ugu dhibaata badan, tusaale ayuuna leeyahay.
Dimna: oo tusaalahaasi muxuu yahay?.     (Waa socotaa...)

BOGGA 7AAD xayaysiin
HIDDAHA, DHAQANKA, SUUGAANTA IYO AFKA SOMALIDA
Abwaankii Saarka Soomaalyeed
Carays Ciise Kaarshe Allaha u naxariistee
    ha'dii kale waxan lahaa.
    tallaabaa la holliyaye.
    hagaag reerku uma degin.
    hogadi baa lagu jiraa.
    howl kama daalooyinow.
    ciddii wali waa hayaan.
    ha'dii kale waxan lahaa.

    hagfiye hoosroore iyo.
    hanbade gaynaayay hadal.
    afkii bay kala hayaan.
    tallaabaa la holliyaye.
    hagaag reerku uma degin.
    hogadi baa lagu jiraa.
    howl kama daalooyinow.
    ciddii wali waa hayaan.
    ha'dii kale waxan lahaa.

    hortiibaan dib u harnoo.
    hurdadi baa nala tagtaye.
    hannaankii dowladnimo.
    haddaannu hawaysanoo.
    tallaabaa la holliyaye.
    hagaag reerku uma degin.
    hogadi baa lagu jiraa.
    howl kama daalooyinow.
    ciddii wali waa hayaan.
    ha'dii kale waxan lahaa.

    nabsigu waa haatufkaa.
    hadba reera u hoydee.
    huq iyo ciil iyo habaar.
    soomaaloo wada hammiday.
    sagaal saacoo habeen.
    cirkana uu hibitiq yahay.
    naftood hurayaasha iyo.
    miltirigaa heeganka ah.
    amniga oon hagar lahayn.
    hubkooda intay gurteen.
    dhulkii waa kuwa hantiyay.
    tallaabaa la holliyaye.
    hagaag reerku uma degin.
hogadi baa lagu jiraa.
howl kama daalooyinow.
ciddii wali waa hayaan.
ha'dii kale waxan lahaa.

ajnabi oo na handadiyo.
annaga oo joogna halis.
naftood hurayaalka iyo.
miltirigaa heeganka ah.
amniga oon hagar lahayn.
hubkooda intay gurteen.
dhulkii waa kuwa hantiyay.
tallaabaa la holliyaye.
hagaag reerku uma degin.
hogadi baa lagu jiraa.
howl kama daalooyinow.
ciddii wali waa hayaan.
ha'dii kale waxan lahaa.

hoggaamiyayaashi hore.
dhulkii hoosba uma deyin.
gacmihi bay hoorsadeen.
halihi ay soo heleen.
haddii ay ka hirqadeen.
hanbadi waa daadiyeen.
tallaabaa la holliyaye.
hagaag reerku uma degin.
hogadi baa lagu jiraa.
howl kama daalooyinow.
ciddii wali waa hayaan.
ha'dii kale waxan lahaa.

dad hooyiyo aabba dhalay.
hal kali diintoodu tahay.
qabiil baa la huwiyaye.
shardii aad ka hurguftaan.
tallaabaa la holliyaye.
hagaag reerku uma degin.
hogadi baa lagu jiraa.
howl kama daalooyinow.
ciddii wali waa hayaan.
----haaheey--- runtaa---

MACMACAANKA MURTIDA SOOMAALIYEED

Faahfaahin ku saabsan Kitaabkan:
1. Cinwaanka: Macmacaanka Murtida Soomaaliyeed.
2. Mowduuca: Murti iyo Maahmaahyo Soomaaliyeed.
3. Qoraaga: Hersi M. Labagarre
4. Qiimaha: (US$10.00) oo aan boostadu ku jirin.

Qaybtii 11aad
111. Doqoni kas naxa ma laha, ee kor naxay leedahay.
112. Doqoni deb kama kacdee daamankay meermeerisaa.
113. Dad mar baan dayaa, dugaagna laba jeer,
114. Dad waxaa ugu daran, nin aad sugayso oo aan soo socon, iyo nin aad soortoon kaa socon.
115. Dago saddex bay leedahay, yaa keenay, yaa qalay,
iyo yaa qaybshay.
116. Dago, keenteeda ninkii kugu dhiba, wediddeeda ayaa lagu dhibaa.
117. Damiin far waawayn baa wax loogu dhigaa.
118. Dambeeye ma gaaro.
119. Dameeraha tan ugu xun ayaa ugu haraati kulul.
120. Dagaal sokeeye marna waa qababac marna waa qoomamo.

ABWAANKA AFKA IYO SUUGAANTA SOMALIA
Waxaa Qoray: Hersi M. Labagarre
dhuglaawe-ha: aan xasuus badan lahayn ama aan si degdeg ah wax ku garan, waxaa soomaalidu tiraahdaa, ninkaasi waa dhug laawe, ugamana jeedaan dhug barteed laguma arko ee waxay ka wadaan si degdeg ah wax uma xasuusto ama wax uma garto ama wuu fiiro gaaban yahay iwm, kolka dhug laawa nimadu marnaBa waalli ma aha, garaad la'aanna ma aha, ee waa garaad xumo ama xusuus xumo. w.dhuglaawayaal.

dhugmar-ka: neef dhugi ku dhacday, waxaa jira jirrooyinka qaar xoolaha iyo dadka ku dhaca oo soomaalidu rumaysnayd in haddii ay jirradaas qofka ama neefka ku dhacdo aanay mar labaad u soo laabanayn inta uu qofkaas ama neefkaasi ka dhinto, arrintaas wax sugaya cilmiga laguma hayo, maxaa wacay jirradii mar kugu dhacday in ay mar kale kugu dhacdo wax diidayaa ma jiraan, hase ahaatee waa wax soomaalidu rumaysan tahay, waxaana jirrooyinkaas ka nid ah dhugta, busbuska, xiiqdheerta iyo qaar kale, kolka neefkii ay dhugtu ku dhacdo ee ka raysta ayaa dhugmar ah oo waxaa laga wadaa wuu soo maray dhugtii kuna soo laaban mayso.

dhugmo-da: dhugta ama garaadka ama maskaxda, badanaa lama yiraahdo, dhugmo ma lihid ama ma leedahay iwm, ee waxaa la adeegsadaa "dhug" oo la ujeeddo ah dhugmada, kolkaas baa waxaa la yiraahdaa "dhug ma lihid" ama "dhugtaada kaasho" iwm.    [Waa socotaa...]  

BOGGA 8AAD xayaysiin
IIDHEH IYO OGAYSIIS

B  A  A  F  I  N

Waxaa la baafinayaa Maxamad Muuse Cartan oo ku magac dheeraa Qaaje, uguna wardambaysay 1985kii markaas oo uu joogay magaalada Toronto ee Canada.

Waxaa baafinaya Jaamac Maxamad Faarax (Jawaali) oo jooga waddanka Finland. Fadlan haddii uu helo baafinta ama ay hesho cid taqaan, ha la soo xiriiraan Jaamac Jawaali Tel: 358-400-774345

B  A  A  F  I  N

Waxaa warkiisa la doonayaa, CABDIWAHAAB SHIRE CISMAAN "GAALA ERI", oo la la'yahay muddo 13 sano ah, markii ugu wardambaysana joogay dalkaasi Maraykanka magaalada Oklahoma.

Cabdiwahaab, waxaa warkiisa doonaya Siad Abshir, hadaba ciddii wax war ah ka haysa waxaan ka codsanaynaa in ay inala soo xiriirto ama si toos ah ula xiriirto Siad Abshir oo laga helo (adan2001@hotmail.com)

Please support Somali Electronic Journal
Programmed, Developed and Written by Hersi M. Labagarre
"DHAMMAAN MAQAALADAHA WARGAYSKAN KU SOO BAXA WAXAY U TAAGANYIHIIN ARAGTIDA QORAAGA EE UMA TAAGNA UJEEDDADA WARGAYSKA"

DHAMMAAN XUQUUQDA DAABACAADDU WAY DHOWRANTAHAY

Copyright 1998 - Labagarre - All rights reserved.
Nala soo xiriir
booqo csc H. page
Saxiix B. Martida
Codso wargayska sej
Dhiibo Aragtidaada
Aqarso B. Martida
Xayaysiin
Bogaadin
Somali Forum
Free Email
Free Guest Book
Free Home Page