Site hosted by Angelfire.com: Build your free website today!
Gundhigga wargayska Somali Electronic Journal
Aqarso B. Martida
Taariikh: 14.3.1999
Saxiix B. Martida
FADLAN   TAAGEER   WARGAYSKA   CODKA   SOMALIDA    CUSUB
BOGGA 1AAD Somali Students Association in Malaysia
ARARTA WARGAYSKA
Qabyaaladdu ma dhabbaa ? mise waa dhalanteed?
Maxamed Cismaan Nuux (Asad)
Huddingenpolku 2c 32 01600 Vantaa, Finland.
Tel: +385-0-407413369 ama +358-0-5891 453 (home) E-Mail: cawdgale@hotmail.com
asad's photo
Qabiilka dib ha loo baaro
Runtii labagarroow waxaan kuu sheegayaa inaan kugu raacsanahy arrinka ah in loo baahan yahay in dib loo baaro waxa loo yaqaan qabiilka. Taasina ma aha arrin fudud, waayo baaritaankaasi waxaa uu saameyn weyn ku yeelanayaa dareenka dadyaw badan iyo xargaha isku hayay dadkaas.

Sidiisaba ma jiray nin la oran jiray Daarood, Hawiye ama Isaaq? Maxaa inoo caddaynaya in haddii ay jireen nimankaasi ay yihiin aabayaasha dadka ku abtirsada?!

Si kale haddaan u iraahdo, maxaa xaqiiq ah ayuu qofku u hayaa sheegashadiisa uu sheeganayo daarood, hawiye ama isaaq (ama qabiil kale )? Sida keliya uu ku rummaysan karo waa isagoo sidii loo sheegay un qaata.

Markuu dhashay un baa loo sheegay Odaygii uu ku abtirsan lahaa, deedna indhola'aan ayuu ku aqbalay?
Haddaba sideebaa xaqiiq ahaan loo hubin karaa arrintan? Nasiib wanaag cilmiga maanta waxaa uu gaaray in baaritaan lagu samayn karo xiriirka ka dhaxeeya labo qofood iyadoo loo adeegsanayo cilmigan Biotechnolgy-ga.

Tusaale ahaan, Odayaasha lagu abtirsanayo ayaa lafahooda laga baarayaa DNA-da (haddii ayba jiraan odayaashaas!), ka dibna waxaa la baarayaa qaab dhismeedka DNA-da.

Intaa ka dib qof walba oo ku andacooda inuu yahay tafiirta oday ka mid ah odayaashaas waxaa laga qaadayaa dhiiggiisa, si fududna loo baarayaa DNA-diisa waxaana lala barbardhigayaa DNA-dii odayaasha, halkaasna waxaa ka caddaanaya sida ay xaqiiqdu tahay.

Waxaan hubaa in haddii sidaa la samayn lahaa ay dad badani ku soo bixi lahayd quraafaadka ay aaminsan yihiin, oo ah inay ka yimaadeen oday aysan waxba wadaagin, balse laga yaabaa inayba dhiig u daadin lahaayeen!

Hubsiino hal baa la siistaa
Waxaan iri: "waxaan hubaa..", haddaba sidee ayaan ku hubaa?
Waxaan soo joogay meel ka mid ah gobollada bari iyadoo la kala qaybsanayo dad asalkoodu ahaa reer sinsibaar oo weligood deggenaa xeebaha.

Dadkaasi way badnaayeen, waxaana lagu qasbay in ay ka mid noqdaan qabiillada deggan nawaaxiga badda, si markaa ay u badbaadiyaan noloshooda taas oo marar badan khatar gashay.

Arrinkaas waxaa ku heshiin waayay qabiilladii deggenaa goobta ay ka dhacayso qaybtaasi, maadaama dadyawgaas la qaybsanayo ay lahaayeen dhaqaale fiican (sida doommaha lagu dhoofsado xoolaha iwm).

Muddo markii laga wada hadlay ayaa waxay af-garasho ka dhex dhacday qabiilladii nawaaxiga degenaa, taas oo lagu heshiiyay in la kala qaybsado (weliba si is le'eg) dadkaan qabiil la'aanta ah.

Waxaan idiin sheegayaa in qaybsigaasi si wanaagsan u dhacay, illaa aan anigu la kulmay qaar ka mida kuwii la soo raaciyay qabiilka aniga la iigu abtiriyo (arrinkani WALLAAHI waa arrin sax ah).

Haddaba su'aashu waxay tahay, sidee ayay u dhaqmi doonaan ubadka dadyawgaan la kala qaybsaday ay dhaleen 50 ilaa 60 sano ka dib? waxaa hubaal ah in tafiirta ka timaadda ubadkan ay qudha iska jari doonaan iyagoo difaacaya qabiilka laraaciyay, haddii qaab nololeedka soomaalida uu sidan ku sii socodo.

hadalkoo koobani waa: sidaan u arko qabyaaladda soomaaliya ma aha wax xaqiiq ah, si kale haddaan u iraahdo waa magacyo samaysmay, duruuftuna adkaysay, jahliguna xaqiijiyay.
BOGGA 2AAD xayaysiin
WARARKA SOOMAALIDA
Ciidamada Ethiopia oo u tillaabay Somalia
March 9, 1999 (BBC) Ciidamo ay dowladda Ethiopia leedahay ayaa la sheegayaa in ay galeen xuduudka Soomaaliya oo ay degmo halkaa ku taalla boobeen.
War laga soo xigtay dad goobjoog ahaa waxay sheegeen in ay ciidamadaas soo galeen degmada balanballe habeenkii axadda ee la soo dhaafay, kadibna ay jebsheen guryaha iyo maqaasiinta oo ay boobeen daawo iyo hanti kale.

Nin goobjoogga ka mid ahaa ayaa sheegay in ay ciidamadaasi u sheegeen in ay cayrsanayeen kooxaha Itixaaddka ee u dagaallama midaynta gobalka ogaden ee soomaali galbeed.

Wadamada Yurubta Bari oo Soomaaliya cunto ugu deeqay
Brussels March 9, 1999 (Reuters), Waddamada Yurubta Bari ayaa waxay u fidsheen Soomaaliya deeq gargaar ah oo cunto ah. Waxaana la sheegayaa in ay deeqdaasi tahay ganley gaaraysa ilaa 9,143 tan oo la doonayo in wax looga qabto macluusha ba'an ee Soomaaliya faraha ku haysa.

Gargaarkaas waxaa Soomaaliya loogu dhiibi doonaa hayada cuntada ee xafiiskeedu yahay Rome, waxaana la rejaynayaa in ay gaarto qaybta 1aad iyo midda 2aad bisha April 11 keeda iyo May.

Daacuun Soomaaliya ka dillaacay
Mogadishu, March 12, 1999 (Reuters) Daacuun ayaa dad tiradeedu gaarayso 200 oo qof ku laayay gobalka bay siiba degmada Baydhabo iyo agagaarkeeda.

Wararku waxay sheegayaa in uu cudurkaaji ku dilay tuulada Habal Bar 120 qof. Tuulooyinka ku yaalla Baydhabo agagaarkeeda kumanyaal dad ah oo degganaa ayaa bili hii la soo dhaafay ka qaxay si ay uga badbaadaan dagaalka ka dhex socda jabhadda Xuseen Caydiid iyo jabhadda Raxanwayn.

Waxaa wararku intaa ku dareen in dadkaa dhintay ay u badanyihiin dadkii ka soo qaxay tuulooyinkaas, ayna badankoodu carruur iyo waayeel yihiin.

Waxaa kale oo warku intaa ku deray in culumada diintu ay dadka ku waansheen in aan kulamo la sameyn oo aan si wada jir ah wax loo cunin ama loo sheekeysan si aanan cudurka la isugu gudbin.

Waxaa kale oo la sheegayaa in aad looga baqsanyahay in cudurkaasi faraha ka baxo haddii aanan gargaar dibadda laga helin, lagana yaabo in ay xaaladda sii xumeeyaan dagaallada qabiil ee ka socda degmooyinkaas, kuwaas oo dhulkaas ka dhigay mid go'doon ah oo aan nabadgelyadiisu sugneyn lana geli karin.

Yaman oo joojisay wargayskii al-sharq al-awsat
Sanca March 8, 1999 (Reuters) Dowladda dalka Yaman ayaa xaaraantimaysay in dalkeeda la soo gelsho wargayska al-sharq al-awsat ee London ka soo baxa maalin walba lagana leeyahay Sacuudiga.

Wargayskaas oo ah mid aad looga xiiseeyo dalalka carabta wuxuu ku soo baxaa maalin kasta afcarabi waxaana iska leh mid ka mid ah amiirrada Sacuudiga.

Waxaa la sheegayaa in sababta ay yaman u joojisay wargayskaas tahay in uu wargayskaasi sheegay warar ay ka mid yihiin in dowladda Yaman taageertay Eritrea intii ay dagaalka Ethiopia kula jirtay.

Sidoo kale wuxuu wargaysku Yaman ku eedeeyay in ay hubayso Xuseen Caydiid, ayna soomaaliya dab ka shidayso, waxaa kale ee jornaalku dhaleeceeyay maamulka madaxwayne Cali Cabdalla.

Madax Sheydaan
Waxaa Qoray:
Ibrahim Moallim Mursal
Esdoornstraat 207151 ZA Eibergen, The Nederlands
Tele/Fax +31 -545 -476 -473
Soomaali iyo qabiil maxaa kala haysta?!
Jabhadaynta iyo Siyaasadda!
Siyaasad waxay badanaa salka ku haysaa afkaar iyo mabaadii’ la aamin sanyahay, ka yool gaarkeedana loo xusul duubayo. Inay lahaataa hoggaan iyo hey’ado u habaysan, kartina u leh maaraynta is-bed-bedellidda duruufaha iyo qorshe mustaqbali ah oo la higsado.

Todobaatameyadii markii siyaasadda dalka ay murugtay waxaa kaceen dhaq-dhaqaaqyo u halgamay isbeddel siyaasadeed in ay dalka ku soo dabbaaalaan. Laakin dalka waxaa ka jiray talis military oo wax quwad hubaysan aan ahayn lagu baddeli karaynin.

Taliska jiray marne kama gambanin in uu fagaarayaasha ka sheego in uu xukunka qoray caaraddiis ku qabsaday oo waxaan qoray caaraddiisa aan ahayna looga qaadi karaynin. Ciidamo Soomaaliyeed ee gadooday ayaa abaabulay jabhad SSDF la magac baxday, inqilaab fashilay dabadiis.

Soomali way u dhammayd, hase yeeshee, damac xukun kii hore mid aan ka duwanayn in lagu gaaro ayaa hoggaankii u horseeday. Aragtidooda maalin la noolka ah ayaa u tusisay in xukunka Soomalinimo lagu dhaliyo uu qayb gelayo.

Waxaa la doorbiday qaab xukunka lagu keliyeysan karo in la alifto. Oo dhanka qabiilkaa ayaa lala aaday; ilaa arinta jilib jilib u dhacday. Inkasta oo arintaasi uu ka dambeyay taliskii jiray oo siyaasaddiisa ahayd: qaybi oo tali.

Sidaas ayaa jabhaddii cimri gaabad ugu dhacay. Oo ay noqotay hawlgab. Waxaa haddane 80kii la abaabulay SNM jabhad lagu magacaabay oo Soomaali ah oo dhan u dhamayd, laakiinse iyadana kama nasiib badnaanin tii ka horraysay oo qaab qabiil iyo deegaan isku baddashay.

Wijigii labaad ee dagaalada, haddana, marka hore wax u eg straatijiyad xeel dagaal iyo qaybsi hawleed ayaa lagu bilaabay. Qaab is-bahaysi saddex geesood (SNM, USC iyo SPM) ayaa loo ekeesiyay oo foodda xagashiisa ku aadan Taliska Muqdisho.

Tani kama samata bixin xukun jeclaysi iyo qaab qabiil xukun ku raadis. Ujeeddada marna kama bixin xukunka adiga la wareeg. Cidna ma doonin nidaam beddelid. Ee waxaa cid kasto doonaysy nidaamkii laga wada gadooday in ay dadka ku xukunto!    [Waa socotaa...]  
BOGGA 3AADla xiriir Xaji YusufAnglefire Free Email
BOGGA QUBANAHA
Gabar Falastiiniyadd ah oo noqotay Boqoraddii Quruxda ee Israaiil!
Waxaa Qoray:
Ikraam Abdi Ali
Vårväders gatan 1, 41831 Gothenburg, Sweden.

Ikram's photo
Gabar u dhalatay dalka falastiin ayaa waxay noqotay boqoradda quruxda ee wadanka Israaiil ee sanadkan 1999ka,
Kaas oo ah tartansanadeedka quruxda haweenka ee dalka Israaiil, xafladan oo lugu qabtay hotelka ugu weyn ee dalkaas waa "hotel Hilton e" waxaa ka soo qayb galay dad aad u farabadan.

Gabadhaasi falastiiniyada ah ee magaceeda layiraado "Axlaam" da'deedunah tahay 24jir, ayaa wajigeeda farxad ka muuqatay markii lagu dhawaaqay iney tahay boqorada sanadkan, waxaaba ay ku sigatay iney muraal dilaacdo farxad awgeed.

Waxaa Axlaam iyo dad farabadan oo dunida ku nool la yaab la noqotay in ay qaado quruxda haweenka reer Israaiil iyadoo gabar Falastiiniyad ah oo asalkeeda kasoo jeedo carab.

Dadka iyagu u kuura gala siyaasada barigga dhexe ayaa waxay ku tilmaameen arintani iney tahay mid aan laheyn wax lugu fasiro amaba ay ku lug leedahay dhinaca siyaasada.

Waxaa dad qaar yiraahdeen sidee ayey suura gal ku noqotay in gabar Falastiiniyad ah ay qaado quruxda gabdhaha ree Israaiil iyadoo ay joogaan malaayiin gabdhood oo reer Israaiil ah oo wada qurux badan haddii aysan arintani ka danbeyn siyaasadi?

Dalkaasi Sacuudiga oo cunaqabatayntii ganacsi ka qaaday Eritrea
Riyadh March 9, 1999 (Reuters) Dowladda Sacuudiga ayaa waxay cunaqabatayntii ganacsi ka qaadday dalkaaasi Eritrea, sidaa waxaa sheegay qaar ka mid ah ganacsatada waawayn ee dalka Sacuudiga.

Dowladda sacuudigu waxay sanaddkii la soo dhaafay cunaqabatayn ganacsi siiba dhoofinta xoolaha nool ah ku soo rogtay waddamada geeska Africa ku nool oo ay ka mid tahay Somaliya.

Waxaa cunaqabatayntaas Sacuudigu marmarsiyo uga dhigtay in waddamadaas uu ku fiday cudur qandho ah oo laga baqayo in uu u soo gudbo dalkooda.

Qaraarka cusub ee ay dowladdu gaartay ma sheegin dalalka kale ee ku nool geeska afrika, sida Somaliya, Kenya, Ethiopia, Somaliland iyo qaarkale sida Sudan.

Dalakla qaar waxay horey Sacuudiga ugu eedeeyeen in ay arrintaasi tahay siyaasad oo la doonayo in lagu cunaqabateeyo waddamada geeska afrika.

Waxaa kale oo la sheegayaa in waddamadaasi ay ka luntay lacag malaayiin ah oo ay ka heli jireen xoolaha nool ee ay u soo dhoofiyaan sacuudiga xilliga xajka.

Madaxwayne Cumar al-Bashiir oo sheegay in aanan xisbigiisu xukunka ka degi doonin
Madaxwaynaha dalkaasi suudaan Cumar Al-Bashiir ayaa wuxuu u sheegay mar uu u qudbaynayay ciidamada xukunkiisa u daacadda ah in aaney dalka suudaan xukumi doonin cid aan xisbigiisa ahayn.

Cumar wuxuu warkaas u sheegay Ciidanka loo yaqaanno (quwat al-fatxi) iyo ciidanka loo yaqaan (quwaat al-nasri), asiga oo ddoonaya in uu u faahfaahsho qaanuunka cusub ee dowladdu soo saartay ee la yiraahdo (qaanuun al-twaalii) loogana jeedo in waddanka lagu xukumo habka xisbiyada badan.

Cumar wuxuu taageerayaashiisa u sheegay in aanuu xukunka ka degi doonin aysanna dalka xukumi doonin cid aan jabhaddiisa ahayn, qaarka mucaaridka ah ee ku riyoonaya la wereegidda maamulka dalkana wuxuu ku sheegay in ay caluusaad maalmeed ku jiraan.

Maxkamadda Dowladda ee Masar oo Dad xukuntay
Maxkamadda dowladda Masar ayaa 24 qof ku xukuntay 15 sano oo xaarig ah iyo shaqo adag oo loo diro, kadib markii lagu soo oogay laguna caddeeyay in ay ka dambeeyeen gubiddii naadigii video-ga.

Waxaa kale ee ay maxkamaddu xabsiga ka sii daysay dhallinyaro dhowr ah oo la sheegay in aanay wax dambi ah lahayn.

Dadkaa la xukumay waxay ka tirsanyihiin jamaacada jihaad ee ka dagaallanta dalkaas dhexdiisa una dagaallanta in dalka lagu dhaqo shareecada Islaamka.

Waxaa maxkamaddu nimankaas ku eedaysay in aay xoolo dadwayne ku xadgudbeen bishii rabadaan ee la soo dhaafay oo ay ka tillaabsadeen ijmaaca culumada muslimiinta, ayna doonayaan in ay xoog ku fulshaan aragtidooda diimeed, sidaa waxaa lagu qoray buug 250 baal ah oo maxkamaddu soo saartay.
BOGGA 4AAD la xiriir Sadiq Hashi
BOGGA DOODDA IYO CILMI BAARISTA
Dhibaatooyinka Somaaliya Maxaa xal u ah?
    Waxaa Qoray:   Ibrahim Moallim Mursal
    Esdoornstraat 207151 ZA Eibergen, The Nederlands
    Tele/Fax +31 -545 -476 -473
[Allah Ummad kama baddalo waxa ay ku sugan tahay; Ilaa ay wax ka baddasho nafteeda waxa ku sugan]

Nidaam isku xira qaybaha bulshada
Shaki kuma jiro Umadda Somaaliyeed, inay isaga mid tahay meelo saldhig adag leh ee dhaqan-dhaqaale bulshadeed iyo siyaasadeed, diineed, xeer intaba. Haddane meelahaasi jiridda ah "roots" oo ay isaga mid yihiin ayaa noqon kara meelaha laga baadi goobi karo isku xirkeeda dambe.

Marna lama heli karayo shan farood oo isku dherer ah amase ummad dhan oo sida mataanihii isu eg.
Hase yeeshee lama dhihi karo haddii shanta farood aysan isla ekayn, gacanta shaqadeed ma qaban karto. Xubin kasta oo bulshada Soomaliyeed ka mid ah wadiifo amase function ayay leedahay.

Qayb kastoo bulshada ka mid ah waxay dhamaystiraysaa qaybta kale hawsheeda. Horaa loo yiri: "Ilko wadajir ayay wax ku gooyaan". Mar haddii la gartay qaybaha ay bulshadu ka koobantahay,.

Waxaa inoo harsan oo keliya helitaanka nidaamkii (halbowlayaal) wadiifadahaasi isu xiriirin lahaa, mid kastane mudnaanteeda siya. Dabadeedna dhibaato ma noqoteen helitaanka jawi nabad iyo istixgelin in Ummadda Soomaliyeed ay ku wada noolaato.    [Waa socotaa...]  
MADAXWAYNE HA LAYGA DHIGO!
Faahfaahin ku saabsan kitaabkan
Cinwaanka: Madaxwayne ha layga dhigo!
Mowduuca: Waa kitaab afsoomaali ku qoran oo ka hadlaya sida qola kasta oo ka mid ah qabiilooyinka soomaalidu ay isugu dayday in ay madaxwayne dalka u noqdaan.
Qoraaga: Qaasim Hersi Farah(Duullaanjecel).
Qasim's photo
Qasim Hersi
Jawaabo runta lagu taabtay
Intaas ka dib waxa aan waraysi kale la yeeshay oday aan u arkayey in uu ka mid yahay kuwa ugu waaya aragsan uguna aqoonta roon odayaasha Daaroodka, waxaanan weydiiyey;

S. Maxaad ugu diidan tihiin (qabiilooyinka Haawiyaha) xukunka sow iyagu xaq kuma lahan?
J. War nin war haya ma aad tihid ee nimankani xukun kuma haboona mana astaahilaan.

S. Oo maxaa dhacay ee ay u astaahil la'yihiin?
J. Sababta oo ah ma lahan shucuur wadaninimo iyo xornimo oo waxaa laga yaabaa in ay dalka gacanta u geliyaan gumayste.

S. Maxaad ku caddaynaysaa arintaas?
J. Taariikh ahaana waxaa u jirta in Daaroodku ay weligood dhisayeen dhulka, hawiyena weligood burburinayey oo gumaysi u adeeg ahaa.     [Waa socotaa...]
Caafimaadka Bulshada
Waxaa Qoray:
Jama Mohamed Farah (Jawali)
[Espoo, Finland]
Maqaalkan waxaan kaga hadli doonaa bakteeryada iyo waxay tahay. Waxaanuna ugu talagalnay in ay ka faa’iidaystaan dhalinyarada barata caafimaadka iyo dadweynaha kaleba. Waxaanu maqaalka ku soo qaadi doonaa haddii Allaha awoodda lihi inoo ogolaado mawduucyo dhawr ah oo ku saabsan bakteeryada.
Maxay tahay Bakteeryadu?
Sideedaba unugyada nooleyaashu waxay u kala baxaan laba nooc oo la kala yiraahdo prokaryote iyo eukaryote, iyadoo prokaryote-ku uusan lahayn wax bu’ ah meesha oo eukaryote-ku ka leeyahay bu’.

Waxaana mataal u soo kala qaadan karnaa unugyada dadku waxay ka tirsan yihiin eukaryote-ka waayo waxay leeyihiin bu’ (nucleus), halka ay bakteeryadu ka tirsan tahay prokaryote waayo ma laha waxa loo yaqaan bu’ (nucleus).

Haddaba bakteeryadu waa noole ka samaysan hal unug (cell) oo aan lahayn bu’ sidaas awgeed DNA-geedu (dinucleic acid) wuxuu qabsadaa oo ku dheggan yahay unugga derbikiisa hoose.

Waxaa la yaab leh in virus-tu ay kaba sii yar tahay bakteeryada oo aysan ahaynba unug Dhan. Waase noole iyana keena cuduro. Virusta iyadana gaarkeedaan uga hadli doonaa.

Waxaa mucjiso ah bakteeryadu waa noole aan la arkayn keentana cuduro. Haddaba waxaa dhab ah in Ilaahay oo keliya inaga difaaci karo waxaas aynaan arkayn ee haddana intooda badani cadawga inoo tahay.     [Waa socotaa..]
BOGGA 5AAD la xiriir Ibraahim Salah (for free copy)
BOGGA HAWEENKA
Munaasabadda Maalinta Haweenka Adduunka
Ikraam Abdi Ali oo deggan dalkaasi Sweden waxay u soo gudbinaysaa dhammaan haweenka soomaaliyeed meel ay joogaanba tahniyad iyo salaan, munaasabadda maalinta haweenka adduunka, waxayna u rejaynaysaa in ay ku waaraan bashbash iyo barwaaqo.
8da Marso: Maalinta Haweenka adduunka
Sida la wada ogsoonyahay, 8 Marso waa maalin adduun waynaha oo dhan xasuustaan xuquuqda haweenka iyo daryeelkooda, waxaana badanaa laga hadla arrimaha la soo gudboonaaday haweenka dunida ku dhaqan.

Sanadkan waxaa la qabanqaabshay shir ay ka soo qayb gelayeen haween ka socday waddamo kala duwan sida Maraykanka, India, Kenya iyo qaar kale oo badan, waxaana shirkaasi ahaa mid lagula xiriiray dadka qaarkood qalabka Video-ga la iska arko si ay khudbadooda uga jeedshaan Amerika ayaga oo waddamadooda jooga.

Waxyaabihii la soo sheegay ee shirkaas lagu soo qaaday waxaa ka mid ahaa dhibaatooyinka haweenka kala soo gudboonaaday xagga nolosha, gaar ahaan dalalka saboolka ah sida India ama dalalka ay dagaalladu ka jiraan sida Somalia.

Waxaana runtii la soo sheegayaa warar aad naxdin u leh oo caddaynaya in haweenka dhulkaas ku dhaqani la kulmo dhibaatooyin aad u badan oo ay ka mid yihiin dilka, kufsadka, dhaca, boobka, shaqooyinka adag ee haweenka loo diro.

Soomaaliya waxay ka mid tahay waddamada horyaalka ku ah jariimooyinka sida kufsadka iyo boobka iyo ku xammaalidda haweenka.

Weriye soo booqday dhowr maalmood ka hor waqooyiga soomaaliya ama Somaliland wuxuu sheegay in meel shir ahayd ay naagi ka istaagtay oo ay tiri: "waryaa nimankiinan qadada aan idiin karino ayaad maalintii u timaadaan si aad u cuntaan, habeenkiina qayilaad baad aaddaan".

Wuxuu yiri weriyahaasi, gabadhaasi markii ay shirkii sidaaa ka tiri ayaa meeshii lagu kala dareeray, markaas baan waydiiyay turjubaankaygii; maxay u kala tageen ma naagta hadalkeeda bay diidayaan? Wuxuu yiri: maya ee qaadkii baa yimid!

Wuxuu yiri weriyahaasi: nin kale ayaan waydiiyay, maxaa haweenka loo liidaa. Markaas buu yiri; Waar Dee ma innaga ayaa liidna Ilaah baa sidaa ka dhigaye. Waar haweentu halkan way khasbantahay in ay ninkeeda soo daba gasho. Dee ilaah baa sidaa ka dhigay!

Waxaa kale oo ay wararku sheegayaan in ilaa iyo maanta ay haweenka koofurta soomaaliya ku nool qabtaan shaqooyin aad u dhib badan oo qoysaska dhulkaas ku dhaqan ay noloshoodu ku tiirsantahay haweenka.

Lewinsky's photo
Monica Lewinsky oo qisadeedii iibinaysa
Gabadha caanka ah ee Monica ayaa maalmahan waxay ku wereegaysay maktabadaha ku yaalla dalkaasi Ingiriiska si ay u saxiixdo buugga cusub ee looga sheekaynayo qisadii dhexmartay ayada iyo madaxwayne Clinton.
Buuggaas cusub waxaa ganacsatadu ku qiyaastay in laga qaban doono ilaa saddex milyuun oo lacag ah, oo ay Monica qaadan doonto maalkaas barkiis barka kalena ay kala goosan doonaan qoraagga buugga iyo ragga fidshay.

Monica waxay sheegtay in ay maal badan u baahantahay si ay uga soo kabato dhaawacii iyo sharaf darradii ka gaartsay fadeexaddii dhillaysiga ee dhex martay ayada iyo madaxwayne Clinton.

Warar kale ayaa waxay sheegayaan in naagta la yiraahdo Linda ee saaxiib hore la ahayd Monica ay buugga durtay oo ay ku tilmaantay in uu been yahay.

Waxaa kale oo Linda sheegtay in naagta madaxwayne Clinton ay ku lug lahayd fadeexadda dhillaysiga ee madaxwaynaha oo ay saacad saacad ula socotay sheekada billowgeedii ilaa dhammaadkeedii.

Waxayna intaa raacisay in fadeexooyin badan soo bixi doonaan haddii ay Hilary oo xaaska Clinton isu soo sharaxdo duqa magaalada New York.
BOGGA 6AAD xayaysiin
DIINTA ISLAAMKA
KITAABKA TAWXIIDKA

Faahfaahin ku saabsan Kitaabkan:
1.Cinwaanka: Kitaabka Towxiidka(121 Bog)
2. Mowduuca: Tawxiidka.
3. Qoraaga: Sheekh Maxamad bin Cabdil wahhab.

Hersi's photo
4. Waxaa soomaaliyeeyay: Hersi M. Labagarre
5. Qiimaha: (US$ 10.00) oo aan boostadu ku jirin.
CASHARKA 34AAD
Waxyaabaha Kabaairta laga sheegay
Eebbe kor ahaayee wuxuu yiri:
[Ma waxay ka aamin noqdeen dhibka Eebbe, cid khasaaar-tay yaa ka aamin noqota ciqaabta iyo dhibka Eebbe]Al-Acraaf 99.

Waxaa kale uu Eebbe yiri:
[Wuxuuna yiri yaa ka quusta naxariista Eebbihiis kuwa baadida ah mooyee]Al-Xijr 56.

Ibn Cabbaas asiga iyo aabbihiiba Allaha ka raalli noqdee, waxaa laga soo weriyay, in nabiga naxariisi korkiisa ha ahaatee,"wax laga waydiiyay kabaa'irta: wuxuu yiri: Eebbe oo loo shariigyeelo, iyo in Eebbe laga quusto, iyo in dhibkiisa laga aamin noqdo".

Ibn Mascuudna Allaha ka raalli noqdee, waxaa laga soo weriyay in uu yiri:"Kabaairta waxaa ugu wayn: Eebbe oo loo shariig yeelo, iyo dhibkiisa oo laga aamin noqdo, iyo naxariistiisa oo laga niyad go'o, iyo Eebboo laga quusto"{Cabdurraasiq}.

Masa'alooyinka Casharka
Tan 1aad: Waa tafsiirka aayadda Al-Acraaf.
Tan 2aad: Waa tafsiirka aayadda Al-Xijr.
Tan 3aad: Waa in aad loogu gooddiyay qofkii dhibka Eebbe ka aamin noqda.
Tan 4aad: Waa in aad loogu gooddiyay qofkii Eebbe ka laab go'a.

Habnololeedkii Saxaabada Rasuulka
    W.Q: Ibrahim Salah Aden
    Påskeløkkevej 8 st. tv 5000 Odense C. DK.
    e-mail: wadajir98 hotmail.com
Abii Bakar As-Siddiiq
Dhalashada:
Waxaa abii-Bakar magaciisa la oran jiray Cabdillaahi binu Caamir binu Sacad binu Taym binu Murra binu Kacab binu Luay. Aabihiis waxaa lagu naaneysi jiray Abii-qaxaafa. Abii-Bakar hooyadiis waxaa la oran jiray Salama Bintu Sakar, oo lagu naaneysi jiray Ummul-khayar, waxa ayna ilma-adeer ahaayeen aabihiis.

Abii-Bakar waxa uu ka dhashay jilib yar oo la oran jiray reer Banii Taym. Abuu-Bakar waxa uu dhashay sanadkii Caamul-Fiil oo ahaa Konton iyo saddex sano hijrada ka hor, waxaana la sheegaa in uu ka yaraa Nebiga (s.c.w) labo sano iyo billo.

Qoyska Abii Bakar:
Abii-Bakar waxa uu guursaday afar haween oo kala ahaa: Qutayla Bintu Cabdil-Cusaa iyo Ummu Rawmaan Bintu Caamir Al-kanaaniya oo uu Islaamka ka hor guursaday iyo Asma Bintu Cuways (oo uu ka dhintay Jacfar Binu Abii Daalib) iyo Xabiiba Bintu Khaarija oo iyana guursaday markii uu islaamay kaddib.

Qutayla waxa ay u dhashay Cabdullaahi iyo Asmaa; Ummu Rawmaan wax ay u dhashay Cabdiraxmaan iyo Caaisha: Asmaa wax ay u dhashay Maxammed; Xabiibana waxa ay u dhashay Ummu-Kalthuum.

Casrigii Jaahiliga:
Islaamka ka hor Abii-Bakar waxa uu ahaa ganacsade iska ladan oo deeqsi ah, waxa uuna tijaaro ugu kici jiray magaalooyinka, qurayshna aad ayeey u jeclayd Abii-bakar. Waxa uu lahaa gole la isugu yimaado.

Abii-bakar Islaamka ka hor waxa uu iska xarrimay khamriga, oo weligiis ma uusan cabbin; sidoo kale weligiis sanam uma sujuudin. Sheekh Maxammuud Shaakir waxa uu taarikhdiisa ku qoray in uu Abii-bakar yiri: Weligay sanam uma sujuudin, sababta oo ah markii aan qaangaar ku dhowaaday ayuu aabahay Abii-qaxaafa maalin i kexeeyay oo ii geeyay asnaam, ka dibna waxa uu igu yiri, Waa kuwan ilaahyadaadii; wuuna iga tagey.

Markaas ayaa sanamkii u dhowaaday ku iri; Waan baahanahy ee wax i sii; hase ahaatee iima jawaabin. Waxa aan haddana ku iri; Waan dhar la'ahay ee i arad tir; haddana iima jawaabin. Kaddib dhagax ayaan ku tuuray oo wejiga ayuu kaga dhacay.

Casrigii Islaamka:
Islaamka ka hor Abii-bakar waxa uu ahaa saaxiibkii Rasuulka(s.c.w) markii uu islaamka yimidna aad ayeey u sii weynaatay saaxiibtinimadii Rasuulka (s.c.w) iyo Abii-bakar.

Waxa uu Abii-bakar ahaa ninkii ragga ugu hor qaatay Islaamka, maxaa yeelay waxa uu aad u yiqiinnay akhlaaqda Rasuulka (s.c.w).

Markii Nabiga (s.c.w) la soo dirayba, Abii-bakar isaga oo aan hakad yari galin ayuu Islaamka qaatay.

Nebigu (s.c.w) waxa uu yiri Qof islaamka uguma yeerin illaa wuu hakaday, Abii-bakar maahane. Waxa uu Ibnu Casaakir ka weriyay Ciisaa Binu Yasiid in abii-bakar Siddiiq yiri; Waxa aan fadhiyey kacbada aniga iyo Sayid Binu Caamir Binu Nufayl.

Markaas ayaa waxaa soo maray Ummaya binu abii Salat, markaas ayuu ku yiri: Sideed kuu waabiriisatay kheyr-doonihiiyoow?, waxa uu ku jawaabay "kheyr" markaas buu baytkaan tiriyay: Waxa uu yiri Abii-bakar.

Markaas ka hor ma aanan maqlin Nabiga la sugayo ee la soo dirayo, waxa aan markaas aaday Waraqa binu Nawfal, ka dib inta aan la istaagay ayaan u sheegay sheekadii, markaas ayuu yiri: Adeer annaga kutubta iyo cilmiga ehelkeeda ah, kaasina waa Nabiga laga sugayo carab bartankeeda xagga nasabka, tolkaanna waa kuwa ugu dhexeeya carab xagga nasabka.

Waxaan iri: Adeer Nabigaas muxuu oronayaa?, waxa uu i yiri: Waxa uu leeyahay wixii looyiraahdo(xagga waxyiga). Ka dib markii uu Rasuulka alle (s.c.w) la soo diray ayaan rumeeyay."     [Waa socotaa..]

Mohamed (PBUH) the Natural Successor to Christ

    Waxaa Qoray: Axmed Deedaat
    Waxaa turjumay: Jama Mohamed Farah (Jawali)
    Kirstinharju 8 G 149, 02760 Espoo - Finland
    Tel.358-400-774345
Qaybtii 1aad

Yahuud waa la badalay
Ma fogayn markii aan akhriyey buug ku saabsanaa daawo soo saaridda oo uu qoray nin yuhuudi dhakhtar ah. Nasiib darro ma xasuusto qoraha magaciisii kumana guuleysan in aan dib u akhriyo.

Calaa kulli xaal ninkaasi kalmadihii uu ka qoray ilma-adeeradii ee reer Saam (semitic) waxbay qalbigayga xasuusisay. Waxaan xasuus ahaan ka soo xigtay qoraalkiisii sidan 'Ari jiradii iyo geel jirayaashii waxay ku fadhisteen carshiyadii boqortooyada'.

Waxaa ka buuxda xiqdi iyo xumaan waabeeyo iyo kahanba wadata, laakiinse waxaa la yaab leh siday run u tahay. Tani waa ta Eebe sameeyey had iyo jeerna uu sameeyo. Wuxuu Eebe sharfaa cidduu doono.

Tani waa ta Eebe yeelo si uu inoo tusiyo gacantiisa wayn ee awoodda leh. Eeg Qur'aanka 47:38 "Haddaad xaqa ka jeedsataan wuxuu Eebe idinku badali kuwo kale oon idinla mid noqonaynin".

Waa hubaal mucjisooyinkii iigu waa waynaa taariikhda dunida ee ka soo baxday carabtii badawda ahayd, waxaa ka soo qarxay koox rag ah oo ah asxaabtii nebiga(CSS) .

Kuwaa soo muddo dhawr tobaneeyo sano ah awood u yeeshay in ay si heer sare ah u abuuraan ilbaxnimo taasoo ku fidday laga bilaabo Pyrenees ilaa iridaha Shiinaha (hadalkan waxaa qoray Cabdul wadod Shalabi buugiisii la magac baxay 'Islam Religion of Life'.     [Waa socotaa..]

BOGGA 7AAD xayaysiin
BOGGA DHALLINYARADA
SHEEKADII KALIILA IYO DIMNA
Faahfaahin ku saabsan Kitaabkan:
1.Cinwaanka: Kaliila iyo Dimna(119 Bog).
2. Mowduuca: Murti facwayn iyo sheekooyin qosol badan.
3. Qoraaga: Cabdullaahi bin al-Muqafac.
4.Waxaa soomaaliyeeyay: Hersi M. Labagarre
5. Qiimaha: (US$ 10.00) oo aan boostadu ku jirin.
Qaybtii: 28aad
Baaristii Arrintii Dimna
Boqorkii Debshaliim ayaa faylasoofkii Baydaba ku yiri: waxaad iiga sheekaysay diradiraalow xariif ah oo dhagarrow ah sidii uu diradirihiisa ugu kalageeyay jacaylkii ku sugnaa wadayaalka dhexdooda.

Waxaadse iiga sheekaysaa, hadii aad doonto, arrintii dimna sidii ay noqotay iyo wixii raadkiisu ku dambeeyay ka dib markii la dilay shitriba iyo wixii uu libaaxa iyo wadayaalkiis agtooda uga dhabbaqa sheegtay, markii libaaxu dib uga fiirsaday dibigii oo uu diradiraha ogaaday iyo wixii dooddiisu ahayd?.

Faylasoofkii wuxuu yiri: hadalkii dimna waxaan ka ogaaday in libaaxii markii uu shitriba dilay dilkiisii ka shallaayay oo ka sheekeeyay wadaynimadiisii hore iyo adeeg wanaaggisii, iyo in uu ahaa ninka raggiisa ugu garasha badan, uuna ragga ugu jeclaa uguna dhawaa.

Lataliyayaashiisa ka dib ayuuna talada la wedi jiray, dibiga ka dib shabeel buu raggiisa ugu jeclaa, kolkaas baa waxaa dhacday in shabeel maalin ku fiidsaday li-baaxa agtiisa, oo habeen barkii ka soo tegay asiga oo aqalkiisii u socda, markaas buu soo ag maray aqalkii kaliila.

Markii uu irridda u dhawaaday ayuu maqlay kaliila oo ku canaana-naya dimna falkii ka dhacay, kuna eedaynaya diradiraha iyo beenta iyo been abuurka uu u adeegsaday mudnaanta ragga gaarka ah, shabeelkiina wuu ogaaday gafka dimna iyo qanaannimadiisa, kolkaas buu istaagay si uu u dhegaysto, waxa dhex maraya.     [Waa socotaa..]

BOGGA 9AAD!Register-It! -
 Promote Your Web Site!
HIDDAHA, DHAQANKA, SUUGAANTA IYO AFKA SOMALIDA
MACMACAANKA MURTIDA SOOMAALIYEED

Faahfaahin ku saabsan Kitaabkan:
1. Cinwaanka: Macmacaanka Murtida Soomaaliyeed.
2. Mowduuca: Murti iyo Maahmaahyo Soomaaliyeed.
3. Qoraaga: Hersi M. Labagarre
4. Qiimaha: (US$10.00) oo aan boostadu ku jirin.
Qaybtii 19aad
181. Soori cun iyo cun bay ku macdahay.
182. Saddexlalama dego: bakhyl damac yaqaan, Fule daandaansi yaqaan, Doqon fiiro taqaan.
183. Saddex lama galo: Ban aan faras lahayn, Barqa aan caana lahayn, Beled aan boqor lahayn.
184. Saddex lama raaco: ma horreeye, ma hambeeye, ma haasaawshe.
185. Saddexlama arag: Bakayle tillaabsanaya, Badhi ciyi ah,Balaayo laba qad ah.
186. Saddex baa boqornimo kaa qaadda: Gar
weecsan, Gacan guran iyo Guddoon jilicsan.
187. Saddex ma gaadhid: nin maalin ma gaadhid, ninna sanad ma gaadhid, ninna waligaaba ma gaadhid, nin kaa faras wanaagsan maalintaa ma gaadhid, nin xoolihiisa meeshaada meel ka fiican daaqsadayna sanadkaa ma gaadhid, nin kaa naag wanaagsanna waligaaba ma gaadhid.
188. Sadaqadii sokeeye dhaafta sooma noqoto baa la yiraahdaa(sawaaw la baa la yiraahdaa).
189. Soddonjir soddon uma dhinna(qof soddon sano jira, sodon kale uma dhinna).
190. Wehsileey wiilkeedu ma koro.
BOGGA 8AAD xayaysiin
IIDHEH IYO OGAYSIIS
Mashruuca Abwaanka Afka, Hidaha iyo Dhaqanka Somalida
[Encyclopedia Somalica]

Please support Somali Electronic Journal
Programmed, Developed and Written by Hersi M. Labagarre
Codka Somalida Cusub, Waa wargays Electronic ah oo Toddobaadle ah, wuxuu ku soo baxaa afka Soomaaliga Maalin kasta oo Axad ah
"DHAMMAAN MAQAALADAHA WARGAYSKAN KU SOO BAXA WAXAY U TAAGANYIHIIN ARAGTIDA QORAAGA EE UMA TAAGNA UJEEDDADA WARGAYSKA"

DHAMMAAN XUQUUQDA DAABACAADDU WAY DHOWRANTAHAY

Copyright 1998 - Labagarre - All rights reserved.
Nala soo xiriir
booqo csc H. page
Saxiix B. Martida
Codso wargayska sej
Dhiibo Aragtidaada
Aqarso B. Martida
Xayaysiin
Bogaadin
Somali Forum
Free Email
Free Guest Book
Free Home Page