Site hosted by Angelfire.com: Build your free website today!
Gundhigga wargayska Somali Electronic Journal
Aqarso B. Martida
Taariikh: 13.6.1999
Saxiix B. Martida
FADLAN   TAAGEER   WARGAYSKA   CODKA   SOMALIDA    CUSUB
BOGGA 1AAD Somali Students Association in Malaysia
ARARTA WARGAYSKA
OGAYSIIS
Dhammaan aqristayaasha waxaan ogaysiinaynaa in aan bedelnay Hompage-kii hore ee wargayska, Hompage-ka cusub waxaad ka heli kartaan (HTTP://WWW.ANGELFIRE.COM/MS/SEJ/), hadaba booqasho wacan.
Jabka Ciidanka Caydiid, Siyaasadda Soomaaliya wax ma ka bedili doonaa?!
hersi's photo
Waa hagaag, toddobaadkan waxaa wakaaladaha wararku soo sheegeen in ciidankii caydiid looga adkaaday dagaalkii Baydhabo, faallada bal aan hadde ku eegno arrintaas iyo sida ay u saameyn karto siyaasadda Soomaaliya.
Guusha ay heleen qolyaha loo yaqaan RRa-du, horta lama yaqaan ilaa iyo inta ay gaari doonto, laakiin hadddii ay awoodaan in xajestaan magaalada Baydhaba
muqdisho, caydiid & baydhabocaydiid & cali mahdi
ee ay qabsadeen, taasi waxaa hubaal ah in ay saameyn doonto siyaasadda dalka. Dhinacyada ugu horreeya ee laga yaabo in isbeddel ku yimaado, waa degganaashaha magaalada Muqdishu lafteeda.

Qabsashada ay RRA-du qabsatay Baydhabo waxay qatar halis ah gelinaysaa sugnaashaha qoqobka magaalada muqdishu, taas ugama jeedo in magaalada Muqdishu maamul iyo nabadi ka jirtay oo nabaddaas iyo maamulkaasi qatar geli doonaan, ee waxaan uga jeedaa, in laga yaabo, in kala qaybsanaanta magaalada muqdishu isbedelo.

Tusaaale ahaan hadda waxaa la sheegayaa in ay dad badani ka soo qaxeen bay, oo ay xamar ku soo shubmeen, dadkaasi waa caydiid taageerayaashiisii, haddii ay xamar soo galaan, waxay u baahan yihiin degaan iyo in kaalin laga siiyo wixii meeshaa qolyaha caydiid raacsan ku haysteen.

Arrin kale oo taas ka sii muhiimsan ayaa jirta, waana in laga yaabo in cabsidii ay soomaalida kooxeheedu ka qabeen xoogga Ciidanka Caydiid uu dhammaanayo, taasina waxay keeneysaa in qabiilooyin kale hunguriyeeyaan qabsashada meelaha uu caydiid haysto hadda.

Meelahaas waxaa u horraynaya magaalada Muqdishu meelaha uu ka haysto, taas oo laga yaabo in ay kula loollamaan rag kale oo xoog leh oo mucaarid asiga ku ah sida Ismaan Caato iyo qolyo kale.

Waxaa ayaduna dhici karta in qabiilooyinka Abgaal ee ay habargidir Xamar isku haysteen, haddii ay arkaan in Habargidir jilicday, gaashaan buursadaan qolyaha kale ee hawiyaha ah ee deggan magaalada sida Murusadaha iyo Xawaadlaha oo markaas isku dayaan in ay magaalada ka kacshaan Caydiid iyo taageerayaashiisa.

Caydiid xooggiisu sida la ogyahay wuxuu ahaa labada qolo ee loo kala yaqaan Sacadka iyo Cayrka, labadaas qolo, waxaa muuqata in aaney dagaal geli karin hadda, maxaayeelay, xoolo badan ayay ka heleen dagaalkii ay horey u galeen, taasina waxay keentay in dadkii hore ee dagaalyahanka ahaa la'deen oo ay hadda joogaan dad aan dagaal rabin oo xoolo badan haysta doonayana in ay xoolohooda ku raaxaystaan, tusaale waxaa kuwaas u ah, Ina Caydiid laftiisa, uma hayo dagaalka niyad u dhiganta tii aabbihiis u hayey, taas waxaa la jirta in uusan dagaal wax khibrad ah u lahayn.

Arrintaas waxaa hortaalla arrin kale oo aad muhiim u ah, waana in ay hadda Habargidir ka soo horjeedaan dad dhibaato badan soo maray oo in muddo ah la soo carbiyay, oo maanta taagan meeshii ay habargidir lafteedu taagney toban sano ka hhor, dadkaas waxaa ka mid ah Raxanwaynta iyo wixii la halmaala ee sida xun loo dhibaateeyay tobankii sano ee dagaalku socday.

Natiijada dagaalka Soomaaliya ee sii huraya, cid ogaan karta ma jirto, laakiin waqtiga ayaa goynaya, waxaanse u malaynayaa, sida amuuruhu u socdaan marka aan eego, oo aan qorsha ku daro siyaasad xumida Ina Caydiid siiba dhinaca arrimaha dibadda, in uu Ina Caydiid Xaalkiisu ku dambeyn doono halkii Cali Mahdi ku dambeeyey, haddii uusan sameyn laba walxaato.

1.Midda koobaad ee laga yaabo in uu mustaqbalkiisa ku fakiyo waa in uu la heshiiyo Soomaalida la deggan ee ku nool Banaadir iyo agagaarkiisa, sidaana dowlad looga abaabulo koofurta.

2.In uu hagaajiyo siyaasaddiisa dibadda oo uu ka fogaado mucaaradidda Ethiopia iyo soo dhawaysashada Eritrea, maxaa yeelay maanta Qabiilooyinka soomaaliya ma taagna heer ay siyaasad dibadeed ciyaaraan. Labadaa qodob haddii uu ku dhiirado, waxaa laga yaabaa in mustaqbalka uu meel fiican ka galo asiga iyo dadkiisuba maamulka soomaaliya. Haddii kale waxaa lagama maarmaan ku ah in uu Baydhabo dib degdeg ugu soo ceshado si uu xushmaddii iyo haybaddii ugu soo celsho ciidankiisa, taasina waa arrin xoogoo adag, maxaa yeelay RRA-da waxaa taageersan, kooxo kale oo ay Ethiopia ku jirto, kooxaha kuwaa ka soo horjeeda, ee Caydiid taageerana waa qolyo aan wax mustaqbal ah lahayn, sida jabhadda Mareexaan ee Cumar Xaaji wato iyo midda Oromada iwm.
Somali Forum
Free Email
Free Guest Book
Free Home Page
BOGGA 2AAD
la xiriir Xaji Yusuf
WARARKA SOOMAALIDA
Lacagtii Ina Caydiid ee la filayay oo dib u dhacday
Muqdisho, 10 June, Wakaaladda wararka ayaa waxay sheegeen in lacagtii la filayay in ay Muqdisho soo gaarto toddobaadkan ayaa la sheegayaa in ay dib u dhacday.

Lacagtaas oo lagu qiyaasay ilaa shan milyuun oo doolaarka Maraykanka ah oo u socotay Ina Caydiid iyo Qolyo kale oo loo malaynayo in ay ka mid yihiin beelaha Cayrka loo yaqaan ee maalka badan qabsaday, ayaa la filayay in ay ka soo degto gegida diyaaradaha ee balli doogle.

Waxaa weriyayaashu sheegayaan in hadda ka hor lacagtaas aad laysugu khilaafay, laakiin hadda horey looga heshiiyay sidii loo qaybsan lahaa.

Waxaa kale oo la sheegayaa in aad looga cabsi qabo in lacagtaasi haddii ay timaado ay hoos u sii riddo qiimaha shilinka soomaalida oo hadda ku dhowdhow toban kun oo shilin halkii doolaar.

Bannaan baxyo ka dhacay Muqdisho
Muqdisho June 10, 1999 (BBC), Garoonka kubadda cagta ee magaaladda Muqdishu ayaa waxaa lagu qabtay bannaanbax aad u ballaaran oo lagu eedaynayay dowladda Ethiopia iyo kooxaha Soomaaliyeed ee xulifada la ah.

Bannaanbaxaas waxaa qabtay Xuseen Caydiid iyo taageerayaashiisa, waxayna dowladda Ethiopia ku eedeeyeen in ay soo faragelisay arimaha gudaha dalka Somalia, ayna taageero xoog leh siinayso kooxaha ka soo horjeeda Jabhadda Xuseen Caydiid, gaar ahaan jabhadda RRA-da ee u dagaallanta xuraynta dhulka Raxanwayn.

Waxaa bannaanbaxyadaasi ka dambeeyeen guul darro ka soo gaartay ciidamadda Xuseen Caydiid dagaalkii ugu dambeeyay ee ayaga iyo RRA-da ku dhexmaray Baydhabo.

hargaysa Dowladnimada Somaliland wali caad baa saaran!
Hargaysa Jun 9, 1999 Dowladda la baxday Somaliland inkasta oo aad mooddo in gobalka ay gacanta ku hayso ee dhulka Soomaaliya ka tirsan uu nabad yahay marka loo eego meelo kale sida koofurta Somalia, hadana waxaa dhibaato badani ka haysataa sidii ay u horumarin lahaayeen dalka ay k u magacaabeen in uu yahay dowlad madax bannaan.
Waqooyi galbeed, sida lawada ogsoonyahay, waa gobal ka mid ah goballada caadiga ah ee Somaliya, wax barwaaqo ah oo wayn oo lagu sheego ama lagu ogyahay ilaa iyo hadda ma jiraan, dhaqaalihiisa xooggiisu wuxuu ku fadhiyaa xoolaha nool oo la dhoofiyo, taasna waxay iskala mid yihiin goballada bari, waliba reer barigu waxay reer waqooyiga ku dhaamaan in ay uga wanaagsanyihiin xagga ka faa'iidaysiga khayraadka badda, taas oo runtii ah arrin ay reer waqooyigu ka dhega la'yihiin.

Dowladda Cigaal ee hadda ka talisa Hargaysa waxay sheegatay in ay intii tabarteed ah isku deyaysay sanadihii la soo ddhaafay sidii ay u horumarin lahayd dalka, laakiin aaney helin cid gacan qabata, ama aqoonsata, si ay uga helaan kaalmo ama amaah umadaha adduunka ee hodonka ah.

Wararku waxay sheegayaan in ganacsiga iyo dhaqdhaqaaqa bulsho ee gobalkaas uu yare kor u kacay oo uu dhaamo dowladda, hase ahaatee, horukaca dhinaca bulshadu waa mid ku dhisan dadaal shaqsi ah ee aan ahayn badanaa mid habaysan ama ay hay'ado wadaan, taasina waxay yaraynaysaa qiimaha uu leeyahay horukaca jaadkaas ahi.

Somaliland dowladdeedu way tobanjirsan mar dhow, ilaa iyo haddana kolka la yiraahdo maxaad qabateen waxay ay eedda dhibaatooyinkooda dusha ka saaraan Ingiriiskii gumaystaha ahaa iyo digtaatoorkii Siyaad Barre!

qaxooti Soomaali Baydhabo ka soo qaxay
Somalia June 8, 1999, Dagaalkii ba'naa ee dhowrka maalmood ka socday magaalada Baydhabo ee ay isaga horyimaadeen kooxaha Habargidirta iyo Raxanwaynta wuxuu ku dhamaaday in jabhadda Raxanwayntu qabsatay magaaladii Baydhabo. Waa dagaal qabiil iyo caadadiise, arrinta qabsashada Baydhabo waxay keentay in ay gobalkaas ka soo qaxaan qabiilooyinkii iyo beelihii
taageersanaa jabhaddii dagaalka lagu jebshay.
Beelo soomaaliyeed oo badankoodu ka tirsanyahay qabiilka Habargidir ayaa ku soo qulqulayay toddobaadkan magaalada Muqdishu ayaga oo ka soo qaxay gobalka Bay meelaha ay qabsatay jabhadda RRA-du.

Nimanka u hadlay jabhadda RRA-da waxay sheegeen in dadka Baydhabo deggan nabad ku joogi doonaan, laakiin Soomaali way is taqaan, nin walibana wixii uu gaystay ayaa laga goynayaa, beelaha habargidir shalay markii jabhaddoodu magaalada qabsatay wax naxariis ah uma gelin Raxanwaynta halkaas ku nool, marka in ay ka qaxaan danta ayaa ku qasbaysa.

Beelahaas ka soo qaxay Bay waxaa laga baqaa in ay qalqal gelshan degganaashaha magaalada muqdishu, xag dhaqaale iyo xag siyaasadeedba.

Ciidamo Ethiopian ah oo qabsaday Luuq
Mohadishu June 7, 1999, (Reuters)Ciidamo Ethiopian ah ayaa la sheegayaa in ay qabsadeen magaalada Luuq, ciidankaas oo suu jibaaxay gobalka Gedo wuxuu magaalada qabsaday ka dib markii uu dagaal dhex maray iyaga iyo ciidamada Xuseen Caydiid.

Ethiopia, sida la ogyahay waxay xulafo la tahay jabhadaha Mareexaanka qaarkood, Raxanwaynta iyo qaar kale oo ka mid ah Soomaalida dhulkaas deggan.

Nimanka u haddlay jabhadda SNF waxay sheegeen in ciidankaasi magaalada duqeeyay ayaga oo aan wax kala soocin, ayana kadib magaalada qabsadeed dabayaaqadii toddobaadkii la soo dhaafay.

Ethiopia ciidankeedu waxay badanaa u soo galaan dhulka soomaaliya ayaga oo ama cayrsanaya kooxaha Itixaadka Islaamiga ah ama Jabhadda Oromada ee uu taageero Xuseen Caydiid.

BAAQ GARGAAR DEGDEGA EE DHULKA MAMUL-GOBOLEED QAWMIYADA SOMALIYYEED
Abdi Hashi Ahmed
Communication Director & Spokesperson
The Inter. Symposium of Western-Somali
for peace, stability, and development.

Sida ay shegtay Idaacada BBCda, iyo baaqii kayimid Xaffiiska Abaaraha iyo Degaanka ee "Mamul Goboleedka Qawmiyada Somalida(Somali National Regional State) ee Federationka Ethiopia, warbixinada hay'adaha iyo Ururada Samafalka ee Gobolka. Waxaanu ugu baaqaynaa dhamaan Shacbiga Somali-Galbeed ee Dibada Kukala Nool, Hay'adaha Samafal-Goboleedka iyo Caalamigaba inay dhagaha ufuraan dhibaatada, darxummada, gaajada, macaluusha iyo Cudurada ku hooray dhulka Ismaamul-Goboleedka Qowmiyada Somalida(Somali-Galbeed). Waxaa dhibaatada Gobolka awal horeyba sii haysatay u raacay, qaxooti aad utiro baddan oo kagayimid dhinaca Jamhuuriyada Somalia.

Shacbiga Mamul-Goboleedka Qawmiyada Somaliyeed (Somali-Galbeed), ee Federationka Ethiopia, waxay kujiraan maanta Laba-Dhagax dhexdood; Collad iyo Abaaro. Si shacbiga maanta dhibkaasi ay keeneen abaabraha, colaada, himmilo-la'aanata, wadatashi la'aanta, midnimo la'aanta, siyaasada qabyaaladeed, looga baxo loona gargaaro dadkeena, waxaanu ugu baaqaynaa:

1)In dhamaan shacbiga somali-galbeed ee dibada degani, gacmaha is-qabsadaan, si ay walaalhooda guddaha degan ugu raadin lahaayeen gar-gaar, iyo qaylo-dhaansi, si looga badbaadiyo Abaaraha maanta xaalufinaya dadkii, dhulkii, iyo xoolihiiba.

2) Waxaanu ugu baaqaynaa Waxgaradka Somali-Galbeed, Siyaasiyiinta Somali-Galbeed, Haweenka, Dhalinyarada, iyo Bayacmushtariga Dibada iyo Guddaha kunooli inay Taageero Hiil iyo Hooba leh lagarab istaagaan "Xukuumada Mamul-Goboleedka Qawmiyada Somaliyeed", si loo hello jid midaysan oo aynu wax ugu qabano Dadkeena Baahan, ee aan Ceelna uqodnayn cidina umaqnayn.

3)In aynu "Nabada iyo Dib udhiska wadankeena", siino ahmiyad koowaad, si looga baxo, dhibka wayn ee maanta taagan iyo ka-kasiiwayn ee ummada somali-galbeed kusoo fool-leh, hadii loohelli waayo majaro middaysan oo daacad u ah, si wax looga qabto, nabadaynta, dajinta iyo Horrumarrinta Arrimaha Nolosha aasaaska u ah; sida, BIYAHA, CUNTADA,CAAFIMAADKA, WAXBARASHADA, IYO ISGAADHSIINTA.

3) Waxaanu ugu baaqaynaa, dhamaan Qawmiyada Fedralka Ethiopia ee Jaarka la'ah, qawmiyada somaliyeed (Somali-Galbeed) inay maqlaan dhibaatada walaalhood, si xoog lehna inay gargaar iyo taakulaynba uga qayb-qaataan abaaraha gobolka. Gaar ahaana Dowlada Fedralku inay si gaar ah ugu gurmato Kahortaga Abaaraha iyo macaluusha gobolka kataagan.

4) Waxaanu ugu baaqaynaa dhamaan ninkasta oo shacbiga somali-Galbeed ahi, inuu iswaydiiyo sidii uu gargaar degdega uga gaysan lahaa, abaaraha iyo macaluusha wadankiisa iyo dadkiisa haysta. Baaqana ay gaadhsiiyaan dhamaan ninwaliba dalka uu joogo Hay'adaha gargaarka iyo Ururada Samafalka. 5)Waxaanu ugu baaqaynaa, Maamulka sare ee Xukuumada "Ismamul-Goboleedka Qawmiyada Somaliyeed", inay sameeyan "Sanduuqa Gargaarka Degdega ee Abaaraha iyo Macaluusha", si loo hello jid ay ku gargaaran dhamaan Jaaliyadaha dibada degan, Ururada samafalka, Dowladaha, iyo Hay'adaha caalamiga ahi.

6) Waxaanu ushegaynaa Shacbiga somali-glabeed, ee kontonkii sanno ee ina soo dhaafay, ku dhex jiray, Dagaalka aayo-katalin, Qaxootinimo, abaaro, macaluul, aqoondarri, horrumar la'aan, qorshe la'aan; inay illahay baryaan Bishan Ramadan, sidii loohelli lahaa, jid midaysan oo looga baxo, dhibka maanta shacbigeena haysta. Ninwalibana iswaydiiyo wixii uu uqaban lahaa "Aayaha Ubadkiisa", halka qabyaalad iyo collad wakhtigeenii iyo xoogeeniiba lagu dhameeyay.
Waad mahadsantihiin

BOGGA 3AAD Anglefire Free Email
BOGGA QUBANAHA
Xiisadda Madaxwayne Numayri ka taagay Sudan
Madaxwayne Maxamad Jacfar al-Numayri ayaa dib ugu soo laabtay dalkaasi suudaan bishii la soo dhaafay horraanteedii, arrintaasina waxay xiisad aad u kulul ka dhex dhalisay dadwaynaha dalkaasi suudaan iyo indheer garatadiisa.

Dowladda uu ka talsho Cumar al-Bashiir waxay cafis ballaaran oo aan wax shuruud ah lagu xirin u fidisay madaxwayne Numayri oo ay dadwaynaha reer Sudan u haysteen in uu yahay kaligiis taliye loo baahnaa in qudha laga gooyo.

Maxkamadda sare ee dalkaasi Sudan waxay amar ku bixisay in aanan wax dacwo ah lagu soo oogin madaxwaynaha, dowladduna si diiran bay dalka ugu soo dhawaysay, wuxuuna markii uu gegida diyaaradaha Khartuum ka soo degay ammaanay dalka iyo dowladda intaba.

Arrinta madaxwayne numayri waxay dhalisay xiisad ba'an, dadka qaarkiis waxay leeyihiin in qudha laga gooyo mooyee wax kale kuma habboona Numayri, qaarna waxay leeyihiin in maxkamad la soo saaro bay ahayd.

Qaar kale oo xoogoo dhexdhexaad iska dhigaya ayaa waxay iyaguna dheheen waxaa haboonayd in si qarsoodi ah dalka loogu ogolaado in uu ku noolaado, laakiin aan arrintiisa la buunbuunin, aanna la sharfin.

Qaarka taageera dowladda ayaa ayaguna waxay ku doodayaan in dastuurku madaxwaynaha dalka siinayo awood cafis, madaxwaynuhuna awooddaas haddii uu adeegsaday kuma qaldana, teeda kale ninka la cafiyay wixii uu doono ha ahaadee waa uun madaxwayne Sudan xukumi jiray, sidaa darteed in lasharfo meesha way ku jirtaa.

America oo sheegtay in ay taageerayso Ethiopia
Safiirka Maraykanka u fadhiya Adis Ababa ayaa wuxuu toddobaadkan sheegay in dowladdiisu teegri doonto dalka Ethiopia, taageeradaas oo noqon doonta, mid aadaminimo iyo mid tacliimeed iyo mid dhaqaale intaba.

Dowladda Maraykanku waxay Ethiopia ka taageeri doontaa xagga horumarinta dhaqaalaha, Beeraha iyo tacliinta, ayada oo tababar u fidin doonta machadyada macalimiinta iyo jaamicadda Adis Ababa.

Waxaa kale oo ay dowladda Maraykanku ka teegeeri doontaa Ethiopia xagga cuntada, ayada oo u fidin doonta gargaar ah xagga isku filnaashada cuntada uu dalkaasi u baahanyahay.

Safiirku ma sheegin wax gargaar milateri ah oo dalkiisu Ethiopia u fidin doono laakiin waxaa dad badani ka cabsi qabaan in Maraykanku ka dambeeyo xoogga milateri ee ay Ethiopia ku leedahay geeska Africa.

Ethiopia waxay dagaal ba'an kula jirtaa kooxo badan oo deggan geeska Africa, sida Eritrea iyo jabhadda Oromada, Jabhadda Xoraynta Somali Galbeed, Jabhadda Itixaadka Islamka, Jabhadda Xuseen Caydiid iyo qaar yaryar oo kale, waxayna sheegtay in ay dhammaantood jab la yaqaan ku dhigtay.
BOGGA 4AAD la xiriir Sadiq Hashi
BOGGA DOODDA IYO CILMI BAARISTA
MADAXWAYNE HA LAYGA DHIGO!
Faahfaahin ku saabsan kitaabkan
Cinwaanka: Madaxwayne ha layga dhigo!
Mowduuca: Waa kitaab afsoomaali ku qoran oo ka hadlaya sida qola kasta oo ka mid ah qabiilooyinka soomaalidu ay isugu dayday in ay madaxwayne dalka u noqdaan.
Qoraaga: Qaasim Hersi Farah(Duullaanjecel).
Qasim's photo
Qasim Hersi
XAAJADA INA BARRE!!
Waxaan door bidayaa in aanan xaajada ina Siyaad Barre halkaan ku falanqayn karin arimo dhawr ah oo jira awgood. Kuwaas oo lama huraan ka dhigaya in eedaha loo hayo ina Siyaad Barre iyo kuwa loo hayo Qabqablayaasha dagaalka ay kala duwan yihiin kalana mudan yihiin, sidaa darteed aysan haboonayn in isku meel looga hadlo ama la isla bar bar dhigo.

Sida ay aniga iigu muuqato dula mar ahaan Maxamed siyaad waxa uu bilowgii ahaa shakhsi aan la heli karin, dhab ahaana u kobciyey Soomaaliya. Hase ahaate khaatumadiisii way xumaatay sababo badan oo aan la dhaafi karin awgood, ayna ugu weyn tahay kelitalinimo ay ku keentay takooridda ka kali noqoshada keligii la saaray. Wax kastaba ha ahaatee, waxaan hubaa in aysan dad badani igu raacsiisneyn fikraddaas. Qaar badani waxa ay igu diidan yihiin in aan wax wanaag ah inaba haba yaraatee ku sheego, oo waxa ay taagan yihiin in uu bilow iyo dhamaadba nin xun ahaa. Qaar kalena waxa ay igu diidan yihiin in aan ku tilmaamo maamulkiisii mid khaatumadii gefay. Sidaa darteed dacwada Max'ed S. B'rre waa mid aanan geli karin, sababtoo ah in ay tahay mid aan weli meel ku salaysnayn oo aan lagu heshiin dambi lagu soo eedeeyo, maxaa yeelay dad badani waxa ay rumaysan yihiin in uu keligiis ka mas'uul yahay dhibka maanta yaalla.

Halka ay dad badanina ka rumaysan yihiin in uu ahaa wadaniga keli ah ee dalka soo maray, kaas oo ay leeyihiin wuxuu nooleeyey jiritaanka Soomaaliyeed oo shaki iyo ciriiri ku jiray, xaaladeeduna ay mid tan la mid ah qarka u saarnayd iyo markuu ka qarsoomay oo ay dhacday lama arag iyo lama maqal awgeed.

Hadana isla kuwa eedaynaya qudhoodu waxay isaga soo horjeedaan sidii ay ugu yeeli lahaayeen dambi ay ku eedeeyaan, oo waxay ku kala eedeeyaan qodobyo aad isaga soo horjeeda iyo kuwa aan eed noqon karin balse iyaga uun danahooda qaldan ka soo horjeeda, kuwaas oo iyaguna isku wada liqdaaran, tusaale.

Markii la weydiiyey Nuurto oo ahayd tan keliya ee dhab ahaan u haysay xogtiisa xagga sharciyada, kol hadday kala shaqaynaysay oo ay ahayd sharci yaqaanka Dawladda in ku dhaw 16 sano, dambiga ugu weyn ee aan lagu cafin karin ee uu dalka ka galay Barre.

Waxay sheegtay in dambiga ugu weynaa ee uu galay ahaa ku dhawaaqiddii uu ku dhawaaqay sinaanta ragga iyo dumarka, "iyada oo u waramaysa si aan innaba haba yaraatee cilmi ku dhisnayn ee la mid ah sidii ay u hadli jireen ari raacatadii hore" oo waxa ay tiri; wuxuu ahaa sharcigaasi mid khilaafsan shareecada iyo qaanuunkaba, (eeg; bogga; 115 aad ee inhiyar assomal- Sayyid Ahmed Khalifa.

Laakiin waxa ay ila tahay in haddii Nuurto qodobkaa lagula doodi lahaa ay ceeb iyo nuqsaan la carraabi lahayd, ayna soo if bixi lahayd in loogu jawaab celiyo; Nuurto waxa keliya ee uu tusinayaa hadalkani jaahilnimadaada kaa haysata aqoonta shareecada iyo qaanuunka labadaba, sidaa awgeed haddaan laaxinkaaga kuu toosinno waxaan dhihi karnaa; Nuurtooy:

Dambiga Barre sidaa aad u sheegtay ma ahayn ee wuxuu ahaa keliya in uu adiga iyo kuwa kaala mid ah xagga aqoon darrida uu u dhiibay maamul ka dibna ay jahligoodii qaran dumisnimo ku sababeen, illeen mar hadduu Alle qoon halaag la doono wuxuu madax uga dhigaa jaahiliintooda ee. Hadaba waxaa adiga iyo inta kula midka ah laga rajaynayaa in aad dib isugu noqotaan oo aad dhab u xaqiijisaan cilmiga aad sheegataan.

Sidaa oo kale qoraaga caanka ah ee Dr; Cali Sheekh Axmed ayaa isku shuqliyey in uu soo bandhigo dembiyadii uu galay Barre, waxuuna ku eedeeyey Qoritaankii Afka Soomaaliga ee uu qoray (eeg; bogga; 62-64 aad ee kitaabkiisa, assomalu wa judur al ma'sat al rahinah.     [Waa socotaa...]

Ibrahim Moallim Mursal
Esdoornstraat 20, 7151 ZA Eibergen - The Nederlands.
Tel/Fax +31 -545 -476 -473.
E-mail adres: mursal@a1.nl
Iyaga halyeeyo ayay ahaayeen; innagana halyeeyo wayaynu leenahay

Hordhac
Kuwa gobanimada dhaliyay, halyeeyo naftooda u huray ayay ahayeen. Cudud cadaawe ayay ka soo maroojiyeen. Silic iyo dandarro badan ayay u soo adkaysteen. Hargal iyo hurdo ayay diideen. Iyaga oo lagu kala dhexjira ayay dooxadaha afkaartooda iyo rabitaankooda isu gaarsiyeen. Ballamadii ay kala xirteen ayay oofiyeen. Bulugley ayay dhalliyeen. Jamhuuriyadda Soomaliya ayay dhisteen.

Haddii aad is-leedahay qurbe ayaan joogaa oo maxaan qaban karaa, dib u eeg taariikhda dhow: Ummad dhan barakacday, dhul laawayaal noqday, haddane adduun weynaha ku dhex milmay ayaa inta ay ka maarmi weyday dal; ayaa dib inta isku abaabushay dal sameysatay, sida kayaanka Yahuudda. Inta ay weliba is-ballaarisay, ummado kale degganaa barakicisay. Dowlad casri ah oo aan loo geli karaynin dhisatay. Halyeeyo ayaa u kaceen oo aan ku qancin dhal- dhallalka nolol maalmeedka ay qurbaha ku haysteen. Innagaba halyeeyo waynu leenahay.

Ummadihii sidaasi ku barakacay, sida Falastiin, oo Qurbe ku noolka noqday, hadda dib bay isu abaabuleen. Kuma aysan qancin darajadihii iyo hantidii Qurbaha ay ka samaysteen. Dib isu abaabulid ayay u tafa xcayteen, barnaamijyo ayay degsadeen. Ma cabsi gelin quwadaha wawayn oo qadiyadooda jilaafada u dhigayay. Dood iyo dhagaxtuur iyo xabadda shaf u dhigasho ayay is-raaciyeen. Oo halyeeyo ayaa u kacay oo Dowlanimo ayay qarka u saaran yihiin. Innagaba halyeyo waynu leenahay.

Kambodjadii laga quustay ee dagaalka sokeye loo hibeyay, halyeyo ayaa u sara kaceen oo maanta horumar iyo dib-u-dhisid dal ayay u guntadeen. Kuwaasi waa halyeyo, innagana halyeyo waynu leenahay.

Qurbaawi fara badan ayaa ummadahooda heeryada ka tuuray. Xusuuso Cumar-El-Khayaamka Waqooyada Afrika amase Al-Khemeynaha Iraan, Dowlada waaweyn iyo isbahaysato caalami, ayay xukunka ka direen. Halyeeyo ayay ahaayeen, innaguna halyeeyo waynu leenahay.

Kuwii shalay hortaa kufay, sida Layberiya, kuwii adiga kula kufay, sida Itoobiya, iyo kuwii dabadaa kufay, sida Ruwanda, bal iyagana milicso xaalkooda sidee yahay. Waa kuwaas boorka iska jafaya. Iyagana halyeeyo ayaa u kaceen, innaguna halyeyo waynu leenahay. Mase is- weydiisi: ... Alaysa minkum rajulun rashiidun ? ... (Miyuysan idinku dhex jirin qof wax garta ?).

Mulacu "dabo ka goyntu" waa ku dhimasho, carruurna waa ka ciyaar
Mohamed Abdi Barkhadle "Haldhaa"
Email: sagal35@hotmail.com
Markii laga takhalusay qarankii Soomaaliyeed, qaba-a'ilkii Soomaaliyeedna qolo kastaa meel lagu ooday oo hubna laysugu dhiibay, si ay isu laayaan, ayuu Maraykanku go'aan ku gaaray inuu ciidamo u soo diro waddanka Soomaali-ya, si uu u dhammaystiro ama u khattimo ruwaayaddii socottay. Arrintaa-sna waxaa ku raacay oo sii ololeeyay qaramada midoobay (U.N) oo uu hor kacayay Budrus Ghali.

Ciidamadii qarmada midoob-ay ee Soomaaliya loo diray waxay tiradoodu dhannayd 38,000 oo askari oo ka kala yimid 21 waddan. 25400 oo ka mid ahna waxay ahaayeen ciid-amada Maraykanka, laakiin ciidamada Maraykanka intaas way ka badnaayeen.

Dhammaan ciidamadaas qara-mada midoobay waxaa loo gu magac daray (Ciidamada rajo soo celinta). Xaqiiqdiise waxay ahaayeen (Ciidamadii rajo sii cayrinta). Haddii si kale loo yiraahdana waxay ahaayeen gumaysi cusub oo shaadh loo soo galiyay, si loo baabi'iyo, midnimada, dhaqanka, diinta iyo sharafta ummadda Soomaa-liyeed.

Arrintaasna waxaa kuu cadd-aynaya falalkii waxashnimada ahaa ee ay ciidamadii U.Nta ku kaceen. Ciidamadii falalkaas gaystayna waxaa ka mid ahaa ciidamadii Kanada oo Soomaaliya joogay laga soo billaabo December 1992kii illaa May 1993kii, kuwaasoo sannadkii 1995kii lagu soo eedeeyay inay jidh dil ku sameeyeen hal ruux oo Soomaali ah illaa uu ka dhintay, saddex kalana ay si toos ha u toogteen. 4-3-93kiina laba nin oo Soomaali ah ayay u taxaabeen xaruntii fadhiisinka u ahayd ciidamada Kanada, dabadeedna intay meel ku tuureen ayay toogteen. Nin labadaas nin ka mid ah ayaa halkaas ku dhintay, kii kalana waxaa soo gaaray dhaawac.

Arrintu waxay ahayd mid hoos u qodan, sababtoo ah markii ay eedayntaasi sooo baxday waxaa is casilay wasiirkii gaashaandhigga ee Kanada isagoo xumaaday in la soo eedeeyo ama ceebahooda la soo faago ciidamadiisa. Walina waxaa hortaagan in baaritaan fiican la sameeyo masuuloyiin sarsare oo ciidamada Kanada ka tirsan, sida ay sheegeen guddi baaritaan oo arrintaas loo xilsaaray.

Wargaysyada Talyaaniguna waxay daabaceen, askarta Talyaaniga oo wiil Soomaliyeed luqunta koronto kaga xiraysa, si ay jiidhkiisa koronto u qabadsii-yaan. Waxay kaloo daabaceen sawirro muujinaya askarta Talyaaniga oo kufsanaya gabad-h Soomaaliyeed.
BOGGA 5AAD la xiriir Ibraahim Salah (for free copy)
BOGGA HAWEENKA
Mustaqbalka xuquuqda siyaasadeed ee haweenka Carabta
Dubai (dpa), In ka badan boqol sano ka hor markii ay dowladda Newzeland siisay haweenkeeda xuquuq buuxda oo xagga siyaasadda ah ayaa maanta dowladaha Carabta qaarkood ka walaacsanyihiin wixii ay ka yeeli lahaayeen arrintaas.
Dalkaasi Kuwait, ayaa dowladdu qorshaynaysaa in haweenka loo ogolaado in ay ka qayb galaan doorashooyinka sanadka 2003da dhici doona, ayna isu sharixi karaan baarlabaanka iyo madaxnimada. Arrintaas waxaa isla markiiba ka soo horjeestay wadaaddada waddankaas, waxayna masaajidyada kaga
khudbeeyeen in arrinkaasi diinta ka soo horjeedo, oo aaney diintu ogolayn in haweenku baarlabaanka galo ama maamula sare ee dalka wax ka qabtaan, maxaa yeelay way tabar daranyihiin.

Arrintu si kastaba ha ahaatee, wadamo kale oo Carbeed ayaa ayagu u ogolaaday haweenka in ay doorashooyinka ka qayb qaataan, sida Oman, oo sanadkii la soo dhaafay 27 haweenkeeda ka mid ahi ay tartanka doorashada soo galeen, waxaana ku huulaystay tartankaas labo ka mid ah 27kaas.
Qatar doorashooyinkii ugu horreeyay ee sanadkan lagu qabtay haweenku way ka qayb galeen laakiin wax guul ah kama keenin.

Yemen waxay haweenka u ogolaatay in ay doorashooyinka ka qayb qaataan sanadkii 1990kii, laakiin doorashooyinkii ugu horreeyay ee naago ka qayb qaataan waxay dheceen 1993kii, waxaa doorashooyinkaas ka qayb qaatay 1.2 milyan oo haween ah, waxaana kuwii isa soo sharaxay ka guulaystay 2 kali ah.

Waddamada qaar sida Sacuudiga iyo qaar kale wali wax doorasho ah lagama sameyn, haweenka iska daaaye, ragga laftooda ayaan wax xuquuq siyaasadeed ah loo ogolayn.

Boqoraddii Quruxda Israil oo sheegtay in la kufsaday
Gabadha la yiraahdo Miss Israil Lior Abargil ayaa bishan June lixdeedii waxay dacwo ka oogtay maxkamadda sare ee dalaasi Israil. Gabadhaasi waxay dacwaynaysay wiil Yahuudda asalkeedu Masar ku dhalatay ah oo deganaa Italia ganacsadena ahaa, oo ay halkaa kula kulantay intii ay u joogtay safarkii ay doonaysay in ay kaga qaybgasho tartanka quruxda adduunka.
Wiilkaas oo magaciisa la yiraahdo Sholomo Nour, oo ahaa nin ganacsade ah oo deggan ddalkaasi talyaaniga, waxaa gabadhu ku soo dacwaysay in kadib markii ay kula kulantay xafiiskiisa ku
yaalla Milan uu u fidshay in uu soo wareejiyo asiga oo ku qaadaya gaarigiisa, kadibna uu kufsaday.
Gabadhaasi waxay tiri, ninkaasi wuxuu i kufsaday dhowr maalmood ka hor intii aanan noqonin boqoradda adduunka, laakiin Wiilkaasi arrinta ay gabadhaasi ku eedaysay wuu dafiray.
BOGGA 6AAD xayaysiin
DIINTA ISLAAMKA
KITAABKA TAWXIIDKA
    Faahfaahin ku saabsan Kitaabkan:
    1.Cinwaanka: Kitaabka Towxiidka(121 Bog)
    2. Mowduuca: Tawxiidka.
    3. Qoraaga: Sheekh Maxamad bin Cabdil wahhab.
    4. Waxaa soomaaliyeeyay: Hersi M. Labagarre
    5. Qiimaha: (US$ 10.00) oo aan boostadu ku jirin.
as-salafiyah al-wahhabiyah
CASHARKA 39AAD
WIXII LAGA YIRI: XUKUNKA SHAYDAAN KUWA RAACAY, EE KII EEBBE KA TEGAY
Eebbe kor ahaayee wuxuu yiri:
[Kawarran kuwa sheegan inay rumeeyeen waxa lagugu soo dejiyay oo ku xukuntami shaydaan, iyagoo la faray inay diidaan wuxuuna dooni shaydaanku inuu baadiyeeyo baadi fog. Marka lagu dhaho u kaalaya wuxuu soo dejiyay Eebbe iyo xagga rasuulka waxaad arkaysaa munaafaqiinta oo ka jeesan jeedsasho. Say noqon markay ku dhacdo musiibo (dhibaato) waxay hormarsadeen gacmahoodu darteed, markaas ay kuu yimaadaan iyagoo ku dhaaran Eebbe inaanaan doonin waxaan wanaag iyo tawfiiq ahayn] An-Nisaa' 60-62.

Waxaa kale oo Eebbe yiri:
[Marka lagu dhoho ha fasaadinina dhulka waxay dhahaan annagu waxaan uun nahay hagaajiyayaal]Al-Baqarah 11.

Waxaa kale oo Eebbe yiri:
[Hana fasaadinina dhulka inta la wanaajiyay ka dib, baryana Eebbe cabsi iyo doonidba naxariista Eebbana waxay u dhawdahay kuwa samaha fala] Al-Acraaf 56. Waxaa kale oo uu yiri Eebbe: [Ma xukunka jaahiliyadda yey doonayaan, yaa uga fiican Eebbe xukunkiisa qoomka wax yaqiinsan (rumaysan)]Al-Maa'idah 50.

Cabdullaahi Bin Camarna Allaha ka raalli noqdo asiga iyo aabbihiiba e', waxaa laga soo weriyay in Nabigu naxariisi korkiisa ha ahaatee, uu yiri:"Qofkiin rumayn maayo inta hawadiisu ka raacayso wixii aan la imiday (ee diin ahaa)" Nawawi wuxuu yiri: waa xaddiis saxiix ah oo aan kaga soo werinay kitaabka Al-Xujjah sanad saxiix ah.

Shucabina wuxuu yiri:"Nin munaafiqiinta ka mid ah iyo nin Yahuudda ka mid ah ayaa doodi ka dhaxaysay, kolkaas baa Yahuudigii yiri: Maxamad baan u gardhiganaynaa, maxaa yeelay waxaa lagu yaqaan in uusan laaluush qaadanayn. Munaafaqiina wuxuu yiri: Waxaan u gardhiganaynaa Yahuudda, maxaa wacay wuxuu ogaa in ay laaluushka qaadanayaan. Kolkaas bay waxay isku raaceen in ay faalallow (Yahuudi ah) oo Juhayna jooga u tagaan oo u gardhigtaan, kolkaas baa waxaa soo degay aayadda [Kawarran kuwa sheegan inay rumeeyeen waxa lagugu soo dejiyay oo ku xukuntami shaydaan..](ee la soo sheegay).

Waxaa kale oo la yiri: Waxay aayaddu ku soo degtay laba nin oo arrin ku doodday, kolkaas baa midkood yiri: Waxaan u gardhiganaynaa Nabiga naxariisi korkiisa ha ahaatee, kii kalena wuxuu yiri: Kacab Binul Ashraf. Kolkaas bay u gardhigteen Cumar, markaas baa midkood u sheegay wixii dhexmaray. Kolkaas baa Cumar ku yiri kii diiday in nabiga loo gardhigto: Ma sidaas baa? Kolkaas buu yiri: Haah!. Kolkaas baa Cumar seef ku kala gooyay oo dilay ninki".
BOGGA 7AAD xayaysiin
BOGGA DHALLINYARADA
SHEEKADII KALIILA IYO DIMNA
Faahfaahin ku saabsan Kitaabkan:
1.Cinwaanka: Kaliila iyo Dimna(119 Bog).
2. Mowduuca: Murti facwayn iyo sheekooyin qosol badan.
3. Qoraaga: Cabdullaahi bin al-Muqafac.
4.Waxaa soomaaliyeeyay: Hersi M. Labagarre
5. Qiimaha: (US$ 10.00) oo aan boostadu ku jirin.
Qaybtii: 33aad
Baaristii Arrintii Dimna
Farshaxankii kolkii uu taa maqlay ayuu aqalkiisii ku noqday oo addoontiisii u yeeray, kolkaas buu in uu dilayo ku hendeday, haddii aaney runta u sheegin, kadibna runtii bay u sheegtay, markaas buu intuu maradii qaaday gubay.

Waxaanna tusaalahan kuugu soo qaaday, aniga oo doonaya in aanan boqorku arrintayda oo humaw ku jiro ku degdegin, taasna geerinacayb uma dhihin, maxaa yeelay in kasta oo la necebyahay hadana waa lama huraan, noole kastana wuu dhimanayaa, haddii aan boqol naf lahaan lahaa oo aan ogaado in boqorku in uu laayo doonayo dhammaantood waan u huri lahaa.

Ciidankii qaar ka mid ah ayaa yiri, jacayl uu boqorka u qabo taas uma dhihin ee naftiisa in uu badbaadsho, oo uu dhabbaqa u helo ayuu u yiri.

Dimna: hooge, ma gaf baa in aan taas naftayda badbaadadeeda u iraahdo, dadkase ma qofbaa naftooda uga dhaw, haddii uusan dhabbaqa u deyinse yaa kale oo u deyi lahaa?, waxaana kaa fakaday nacayb iyo xumaato aad qarin waysay, ninkii taas kaa maqlayna wuxuu ogaaday in aadan qofna wanaag la jeclayn, naftaadana aad nacab u tahay inta kalena ka sii daran, adiga oo kalena boqor agtiis iyo iriddiisa iska daaye xoolaha in aad la joogtana kuma habboonid.

Dimna markii uu intaa ku warcelshay buu soo baxay asiga oo murugoonaya oo xishoonaya. markaas baa libaaxa hooyadiis Dimna ku tiri: dhagarrowyohow, waxaan kaaga yaabay xishood yaridaada iyo afdheeridaada iyo qofkii kuu dhawaaqa dhaqsi ugu warcelintaada!.

Dimna: maxaa wacay mid il ah ayaad igu eegaysaa, dheg kali ahna waad igu maqlaysaa inkasta oo ayaan darradaydu wax waliba iga fogaysay, boqorkiina ha ahaatee way igu direen, waxaana ii muuqata in waxwaliba is geddiyeen, inta dadkii runta dhihiddeedii ka reebtoomeen, oo kuwii boqorka iriddiisa joogay ayaga oo fududaysanaya asiguna uu dhaqaalayntooda ku dheeraaday iyo nolosha iyo barwaaqada ay ku jiraan, ayaa ka dhigay kuwa aan garanayn goorta ay la gudboontahay in ay hadlaan iyo marka in ay aamusaan laga doonayo.

Waxay tiri: miyaadan arkayna dhurlaawahan gafwayninkiisa iyo sida uu naftiisa u barabixinayo sidii qof aan godob gelin!.     [Waa socotaa..]

BOGGA 9AAD!Register-It! -
 Promote Your Web Site!
HIDDAHA, DHAQANKA, SUUGAANTA IYO AFKA SOMALIDA
MACMACAANKA MURTIDA SOOMAALIYEED

Faahfaahin ku saabsan Kitaabkan:
1. Cinwaanka: Macmacaanka Murtida Soomaaliyeed.
2. Mowduuca: Murti iyo Maahmaahyo Soomaaliyeed.
3. Qoraaga: Hersi M. Labagarre
4. Qiimaha: (US$10.00) oo aan boostadu ku jirin.
Qaybtii 22aad
1. Coontii ciirtaada dhanta ayaa caydaada taqaan.
2. Col naag ka kacay iyo caro nirig ka kacday midna ma qaboobo.
3. Caano yar iyo ciidan yarba cishada loo aayo baa la ogaadaa.
4. Canaan kayaab reer ma dego.
5. Caloolxumo ninkeeday dishaa.
6. Ciyaartu hadday fiicnaatana lugbaa iigu jirta haday xumaatana lugtaydii kala noqday.
7. Cidlo ceersi maleh.
8. Caano daatayba dabadood la qabay.
9. Col kugalee oo cabsi kugu reebee.
10. Col hortii baa la hub samaystaa.
BOGGA 8AAD xayaysiin
IIDHEH IYO OGAYSIIS
Mashruuca Abwaanka Afka, Hidaha iyo Dhaqanka Somalida
[Encyclopedia Somalica]

Please support Somali Electronic Journal
Programmed, Developed and Written by Hersi M. Labagarre
Codka Somalida Cusub, Waa wargays Electronic ah oo Toddobaadle ah, wuxuu ku soo baxaa afka Soomaaliga Maalin kasta oo Axad ah
"DHAMMAAN MAQAALADAHA WARGAYSKAN KU SOO BAXA WAXAY U TAAGANYIHIIN ARAGTIDA QORAAGA EE UMA TAAGNA UJEEDDADA WARGAYSKA"

DHAMMAAN XUQUUQDA DAABACAADDU WAY DHOWRANTAHAY

Copyright 1998 - Labagarre - All rights reserved.
Nala soo xiriir
booqo csc H. page
Saxiix B. Martida
Codso wargayska sej
Dhiibo Aragtidaada
Aqarso B. Martida
Xayaysiin
Bogaadin
Somali Forum
Free Email
Free Guest Book
Free Home Page