Site hosted by Angelfire.com: Build your free website today!
Gundhigga wargayska Somali Electronic Journal
Aqarso B. Martida
Taariikh: 11.4.1999
Saxiix B. Martida
FADLAN   TAAGEER   WARGAYSKA   CODKA   SOMALIDA    CUSUB
BOGGA 1AAD Somali Students Association in Malaysia
ARARTA WARGAYSKA
Dagaalka Sokeeye ee Somalia goormuu joogsan doonaa?
Aniga oo arday ah dabayaaqadii sanadkii 1990kii, oo dhowr dhallinyaro ah la fadhiya ayaa waxaa la soo hadal qaaday arrimaha soomaaliya iyo xalladda dalkeennii oo waayahaas soo xumaanaysay.

hersi's photo
Markaas baa mid ka mid ah dhallinyaradii aan isla fadhinay yiri; waryaa Xersi adigaa siyaasadda iyo falsafadaha dersee, maxaad u malaynaysaa dagaalkan soomaaliya imisa sano ayuu qaadan doonaa bay kula tahay?

Waa dhallinyaro iyo caadadeede, aniga oo aan waxba sidaa ugu sii fiirsan baan iri; labaatan sano.
Mid kale oo dhallinyarada ka mid ahaa baa yiri; war inaga aamus wax aad ogtahay majiraane! dagaalkani hadduu ugu batto laba sano buu qaadan doonaa, kadibna wax waliba caadi bay isaga soo noqon doonaan.

Halkaas baan dood aan dhammaad lahayn ka billownay, aniga xujadaydu waxay ahayd, dagaalkii sokeeye ee Lubnaan, oo aan runtii u malaynayay in ay soomaaliya sidaa noqon doonto, inkasta oo aan ogaa khilaafaadka bulsho iyo kuwa diimeed ee u dhexeeya labada dal.

Maanta oo maalintii aan dhallinyaradaas la kulmay laga joogo 10 sano ku dhawaad, waxaan dareemayaa cabsi aan ka qabo in hadalkii aan maalintaa iri beenoobo.

Macnuhu maaha in dagaalka soomaaliya labaatan sano ka yar qaadan doono, oo sidaa hadalkaygii ku beenoobo, haddii taasi dhacdo waaba farxi lahaa, hadalkaygu wixii uu doono ha noqdee.

Waxaanse ka baqayaa in uu labaatan sano ka badan qaato oo sidaa hadalkaygii ku beenoobo, oo ay markaa ii kulmaan aniga oo been sheegay iyo dagaalkii oo intii aan u malaynayay ka sii daba dheeraaday.

Maanta oo lagu jiro sanadkii tobnaad marka laga soo billaabo sanadkii uu billowday dagaalku, waxaa wali sii muuqata in uu dagaalkii hadda sii labakaclaynayo.

Qabiilooyinka soomaalidu hub aruursi bay billaabeen, waxaad mooddaa in ay isu qaban qaabinayaan dagaalkii labaad ee adduunka, laakiin runtii waxay isu qaban qaabinayaan dagaalkii labaad ee soomaalida!!
BOGGA 2AAD
la xiriir Xaji Yusuf
WARARKA SOOMAALIDA
baydhabo
muqdishu - maanta
muqdishu - shalay
Ciidanka Ethiopia oo qabsaday magaalo soommaaliyeed
Buulo Xaawo April 9, 1999(BBC), Ciidan ay leedahay Itobiya ayaa la sheegayaa in uu u tillaabay dhulka soomaaliya oo ay qabsadeen magaalada Beled Xaawo ama Buulo Xaawo loo yaqaan ee ka tirsan gobalka Garbaharey.
Waxaa la sheegayaa in ciidamadaasi ay hubka ka qaadeen dadwaynaha magaaladaas degga, dhowr odayaasha degmadaa ah oo uu ka mid yahay nin jeneraalladii hore ah ayaa la xiray.

Waaxaa la sheegayaa in cidankaas soo gudbiddiis ay ka dambaysay dagaal dhexmaray labada kooxood ee jabhadda National Front isku magacwada. Hoggaamiyaha jabhadda National Front Cumar Xaaaji Maxamad ayaa cambaareeyay soo glitaanka ciidankaas soo galay dhulka soomaaliya wuxuuna ku tilmaamay qabsasho, wuxuuna ka dalbaday in ay shuruud la'aan si degdeg ah uga baxaan dalka soomaaliya.

Waxaana in la xuso mudan in uu dagaal ku dhexmaray isla maalmahaas degmada Buulo Xaawo kooxo ka tirsan jabhadda SNF halkaana lagu dilay dhowr qof. Taas ayaana laga yaabaa in ay keentay faragelinta ciidamada Ethiopia.

Nin ka mid ah hoggaamiyayaasha jabhadaha soomaaliya oo la dilay
Nin ka mid ahaa madaxda jabhadda mareexaan ee la baxday Somali National Front ayaa la dilay asiga iyo afar kale.

Ninkaas waxaa la dhihi jiray Cali Nuur maxamad Mukhtaar, ninkaas waxaa lagu dilay dagaal ka dhacay degmada Buulo Xaawo.

Waxaana la sheegayaa in maalmihii la shoo dhaafay uu dagaal dhex maray kooxo ka tirsan jabhadda SNF ayaga oo isku khilaafsan arrimo canshuurta la xiriira.

Dagaallo ka dhacay gobalka Hiran
HIRAN April 7, 1999 (BBC), Warar laga soo tebiyay gobalka Hiran ayaa waxay sheegayaan in ugu yaraan 10 qof lagu dilay dagaallo dhexmaray qolyaha dhulkaas deggan.

Waxaa kale oo la sheegayaa in isla dagaalkaas lagu dhaawacay dad aad u badan. Dagaalkaas wuxuu ka billowday khilaaf ka dhashay ceelasha biyaha laga cabo ee saddex xaafadood oo gobalkaas ka dirsan ku yaalla.

Waxaa kale oo wararku intaa ku dareen in dagaalkaasi intii uu socday aqallo badan dab la qabadsiiyay, taas oo keentay in dadkii aqalladaas degganaa ay halkaas ka qaxaan.

madaxwayne cigaal Madaxwaynaha Somaliland oo Yaman booqday
April 7, 1999 (BBC), Madaxwaynaha Somaliland ayaa booqasho ku tegay dalkaasi Yaman toddobaadkan gudihiisa, wuxuuna madaxda dalkaas kala hadlay xiriirka ka dhexeeya labada dal.
Madaxwayne Cigaal dowladdiisu waxay taageertay dowladdii gooni u goosatada ahayd ee ka dhalatay koofurta yaman dhowrsano ka hor, taas oo dowladda Sanca awood u yeelatay in ay dhulka ka cayriso.

Arrintaasi waxay keentay in labada dowladood uusan wax xiriir ah oo wanaagsani dhexmarin ilaa iyo hadda, madaxwayne Cigaal wuxuu sheegay in dowladda Yaman martiqaadday, booqashadiisuna ay sidaa ku timid.

Waxaa kale oo uu sheegay madaxwaynuhu in xiriirka labada dal ka dhexeeya yahay mid aad u qoto dheer, oo kolka laga eego xagga diinta iyo carabnimada iyo afka uu xiriirkaasi sii ballaaranayo.

Waxaa kale oo uu madaxwaynuhu sheegay in dadka reer Yaman u haysteen dadwaynaha reer somaliland in ay ku raaxaysanayaan dhibaatooyinka ka socda soomaaliya siiba koofurta iyo bariga.

Wuxuu Cigaal sheegay in aanay dadkiisu marnaba ku raaxaysanayn dhibaatooyinka ka dhacaya koofurka soomaaliya sida Muqdishu iyo Kismaayo, ayna jecelyihiin in nabad waarta soomaaliya ka dhalato.

Ciidamadii Puntland iyo Somaliland oo lakala qaaday
PUNTLAND April 7, 1999 (BBC), Ciidamo ay lahaayeen Somaliland iyo Puntland oo isku horfadhiyay magaalada Baraan ee ku taalla bariga soomaaliya ayaa dib loo kala guray kadib markii heshiis dhexmaray.

Wargayska la yiraahdo ayaamaha ayaa wuxuu sheegay in suldaan Saciid uu labada qolo dhexkeenay heshiis leh in ay labadooduba ka baxaan magaalada oo aanay soo gelin mar dambe.

Wargayskaasi wuxuu toddobaadkii hore sheegay in dhoollatus ciidan halkaas ka socdo kadib markii ay ciidamada Puntland qabsadeen maamulka magaaladaas.

Doorashooyinka madaxtinimada Jabuuti
DJIBOUTI, April 7 1999 (Reuters), Doorashooyinkii madaxtinimada dalkaasi Jabuuti ayaa raggii ku loollamayey isu baraaraynayaan sidii ay ugu guulaysan lahaayeen tartankaas.

Ismaaciil Cumar Geelle oo u sharaxan xisbiga dalka xakuma ayaa toddobaadkan booqasho ku soo maray koofurta dalka, oo ah dhinaca ay dadka cafarta ahi deggan yihiin.

Waxaa la sheegayaa in uu diyaarad helikobtar ah adeegsaday oo u kala gooshay degmooyinka halkaa ku yaalla, asiga oo ka ballan qaaday dadka meeshaa deggan in uu dhisi doono guryo beerahana daryeeli doono.

Ismaaciil Cumar oo 55 jir, waxaa loo malaynayaa in uu noqdo ninka bedeli doona madaxwayne Xasan Guuleed oo dalka xukumayay tan iyo intii faransiisku dalka ka kacay 1977kii.

Jaalle Ismaaciil wuxuu ka soo shaqeeyay xafiiska madaxwaynaha asiga oo halkaa madax ka ahaa, kadibna wuxuu noqday madax xoghaynta dowladda, kadibna madaxwaynaha ayaa soo caleemasaaray.

Nin u hadlay mucaaradka ninka u sharaxan Muuse Axmad Idiris ayaa ku eedeeyay xisbiga maamulka haya in ay jebinayaan xeerarka doorashada, ayaga oo xoolaha dalka u adeegsanaya qabanqaabada is sharaxiddooda.

Wuxuu sheegay in ay adeegsanayaan ciidanka xoogga dalka iyo maamulka dowladda iyo xataa tareenka itoobiya iyo jabuuti u kala goosha, sidaa waxaa Reuters u sheegay Maxamad Muse Toortoor oo mucaaradka u hadlay.

Sida ay sheegayaan dibolomaasiyiinta reer galbeedka iyo dadka deggan Jabuuti, xisbiga dalka xakumayay 22kii sano ee la soo dhaafay ayaa loo malaynayaa in uu doorashada ku guulaysto, maxaa yeelay mucaaridka khilaaf wayn baa ka dhexeeyay mar dhaw ayayna midoobeen oo nin soo sharaxdeen.

Waxyaabaha ugu waawayn ee doorashooyinka lagu ballan qaadi doono waa shaqo u helidda bulshada reerjabuuti ee da'yarta ah, iyo dowladda dhibaatada kala soo gudboonaatay bixinta mushaarka shaqaalaha.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, dowladdaas yar ee aan dadkeedu dhaafayn 600 ee kun, waxay ku sugnaan doontaa xaalad aan halna deganayn taas oo ay keenayaan deriskeeda dagaalka ku jira Itobiya iyo Eritereya iyo nidaam darrada soomaaliya ka jirta.

Madaxwaynaha Cusub ee Jabuuti
Wararkii ugu dambeeyay ee inaga soo garay Jabuuti waxay sheegayaan in doorashooyinkii la qabtay maalintii jimcaha ee la soo dhaafay, uuna ku guulaystay ninka la yiraahdo Ismaaciil Cumar Geelle oo ahaa ninkii uu soo sharaxay xisbiga dalka xakuma.

Ismaaciil wuxuu ku guulaystay 74.1% boqolkiiba, ninka mucaaradka ah Axmad Idiris, wuxuu helay 25.9% boqolkiiba. Sidaa waxaa maalintii Sabtida telefishin Jabuuti ka sheegay wasiirka arrimaha gudaha.

Daacuun ka dillaacay Somalia
SOMALIA April 6, 1999 (BBC), Cudurka daacuunka ayaa la sheegayaa in uu soomaaliya si xun uga dillaacay, waxaana ofishaalaha caafimaadku sheegayaan in ay runtii aad uga welwelayaan fiditaanka cudurkaasi dalka ku fidayo.

Cali Xuseen Caliyow oo madaxa degmada Qoryooleey ayaa sheegay in ay dhinteen dad gaaraya boqol qof dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay. Madaxda degaankuna waxay sheegeen in cudurkaasi aad u fidayo, wax ka hortag ah oo la sameeyana aysan jirin.

Wararka ka imaanaya Jilib ayaa ayaguna waxay sheegayaan in daacuunku halkaa ku dilay 30 qof labadii toddobaad ee la soo dhaafay, laba boqol oo qof oo kalena xaalad qatar ah ayay ku sugan yihiin.

Weriyayaashu waxay sheegayaan, in daacuunku uu soomaaliya cudur joogto ah ku noqday, laakiin uu sanadkan gaar ahaan ku xumaaday goballada Gedo iyo Bay, taas oo ay u wacnayd dadka badan oo dhulkoodii ka qaxay, dagaalka iyo abaarta dhulka ku habsatay.

Wiil Soomaaliyeed oo ku dhintay Sydney
Sydney(Somali Sydney News Letter), Shil baabuur oo naxdin leh ayaa waxaa ku geeriyooday wiil Soomaaliyeed, habeenimadii Axadii saacadu markay ahayd qiyaastii 2:00AM ayaa shil naxdin leh oo ka dhacay jidka xaafada Sury Hills ee Sydney uu ku dhintay Alaha u naxariistee Marxuum Maxamed Ibraahim Warsame oo 19 jir ahaa horayna u daganaan jiray magaalada Melbourne bil ka horna u soo wareegay magaalada Sydney ee xaafada Auburn.

Wiilka Somaaliyeed oo uu la socday saaxiibkii waxay geerida naxdinta leh ku timid markii ay soo raaceen baabuur ay wateen laba gabdhood oo walaalo ah da`dooduna kala ahayd 25jir iyo 19jir.

Shilkaas oo loogu magacdaray [Tartankii Dhimashada] sababtoo ah baabuurka gabadhaas ay waday wuxuu ku socday xawaare xad dhaaf ah oo gaaraya 100 ilaa 140km/h kadibna waxay lumisay awoodii ay ku waday baabuurka taas oo keentay in uu wiilka Soomaaliyeed islamarkiiba meesha ku geeriyoodo(Alaha unaxariistee) .

Waxaana meeshaas dhaawac halisa ka soogaaray gabadhii waday baabuurka gabadhaas oo ladhigay isbitaalka kadibna sida warku nagu soo gaaray ku geeriyootay isbitaalka maalinimadii Talaadada. Sidoo kale waxaa dhaawac halis ah ku soo gaaray gabadhii kale ee la socotay gaariga ee walaasheed ahayd waxayna ku jirtaa ilaahaatan isbitaalka .

Shilkaas waxaa si nasiib leh uga badbaaday wiilkii kale ee Soomaaliga ahaa (Ale mahadiiyee).Alaha unaxariistee Marxuum Maxamed Ibrahim waxaa lagu aasay Qabuuraha Lidcombe Maalintii talaadada ahayd.

Uguyaraan 4 qof ayaa lagu dilay dagaallo ka dhacay Baydhabo MOGADISHU, April 6 (AFP), Uguyaraan 4 qof ayaa lagu dilay 6 kalena waa la dhaawacay kadib markii Jabhadda Raxanwayn (RRA) ay weerar hebeennimo ku soo qaaday magaalada Baydhabo, sidaa waxaa sheegay maalintii Talaadada nin u hadlay Jabhadda Raxanwayn.

Weerarkaasi wuxuu ahaa aargudasho loogu aargudayo saddex taageerayaasha (RRA)-da ka mid ahaa oo la dilay iyo 14 aqal oo ay ku gubtay Buulo Hadamo maalin ka hor, jabhadda Xuseen Caydiid. Sidaas waxaa AFP-da u sheegay maalintii Talaadada nin u hadlay (RRA) oo la yiraahdo Bashiir Cabdi.

Dadka la dilay saddex ka mid ah waxay ahaayeen ciidanka (RRA)-da. War ay jabhaduhu Baydhabo ka soo sheegeenna wuxuu leeyahay, in Jabhadda Caydiid oo raadinayay hub ay aqallo dad aadd u sabool ahi degganaayeen dab qabadsiiyeen.

Hubkaas waxaa la sheegayaa in ay ka xadeen ciidanka (RRA)-du xaafad ku taal dhanka bari ee Baydhabo oo ay habargidirtu aad u deggan tahay. Hase ahaatee, nin u hadlay RRA-da wuxuu guryahaas la gubay ku tilmaamay in ay yihiin kuwo loo kasay looguna tala galay in dadka Raxanwaynta ah looga cayrsho dhulkooda si loogu bedelo ddablayda Caydiid ee aan "bani'aadamka" ahayn.

Wax hub ah oo dadka deggan Buulo Hadamo xadeen ma jiraan, laakiin hubka waxaa qaatay ciidan weerar ahaa oo RRA-da ka tirsanaa. Sidaa Abdi baa yiri.

Laba qof oo kale ayaa si xun ugu dhaawacmay dabka ay qabadsiiyeen ciidanka Caydiid xaafadda Raxanwaynta, dadka halkaa deggan ayaa sidaa yiri.

Labada qolo dagaalkoodu wuxuu billowday 1995kii, kadib markii Maxamad Farax Caydiid uu ka qabsaday Baydhabo iyo agagaarkeeda dadka Raxanwayn.

Jabhadaha Muqdishu oo sugaya jawaanno lacag ah!!
MOGADISHU, April 5 (AFP), Ciidamada jabhadaha jooga Muqdishu ayaa waxay ku kulmeen agagaarka gegida diyaaradaha ee Ballidoogle, halkaas oo la filayay in ay ka soo degto diyaarad sidday lacag cusub oo qiimaheeda lagu qiyaasay 17 milyan oo doolaar.

Ciidamada daacadda u ah Xuseen Caydiid ayaa xaydaan ku qabtay gegida diyaaradaha Ballidoogle ( oo 90 km woqooyiga Muqdishu), halkaas oo lagu sugayay lacag gaaraysa 135 bilyan oo lacag soomaali ah oo lagu soo caddeeyey Canada.

Dablayda qolada Cayr oo taageersan Caydiid ayaa ayaguna ciidan u soo diray Ballidoogle iyo agagaarkiisa si ay lacagta santuuqdooda uga buuxsaadaan.

Goobjooggu waxay sheegeen, in Ballidoogle iyo agagaarkiisa hub qatar ah lagu goglay, kaas oo ay ka mid yihiin qoryaha banbanka ah, baasuukaha iyo gantaallada lidka diyaarada.

Socotada imaanaysa magaalada Muqdishu waxay sheegeen in ay dablayda hubaysani qasayeen waddada nabadgelyadeeda, intii ka dambaysay toddobaadkii la soo dhaafay, kadib markii la isku khilaafay arrinta lacagtaas imaanaysa.

Caydiid wuxuu sheegay in lacagtaas la daabacay ayada oo aan loo cuskan wax qaanuun ah, maxaa yeelay soomaaliya dowlad malahayn wixii ka daambeeyay sanadkii 1991kii markii xukunkii Siyaad Barre dhacay, sidaa darteed, lacagta waxaa iska leh buu yiri, maamulka midaysan ee Muqdishu.

Hase ahaatee, qolada Cayr oo ah qolo hubaysan xoolo badanna haysta, waxay sheegteen in ay wax ka dhiibeen qarashka lagu soo daabacay lacagtaas.

Duqayda qolyahaas ayaa waxay mashquul ku ahaayeen Isniintii sidii ay xal ugu heli lahaayeen dhibaatadaas ka dhalatay lacagta, hase ahaatee, way awoodi waayeen in ay dejiyaan xiisadda, sidaa waxaa sheegay duqay xogogaal ah iyo ciidanka jabhadaha qaarkood.

Lacagtaas waxaa markii hore la filayay in ay Muqdishu soo gaarto 2dii April, waxaase dib loogu dhigay arrimo nabadgelyo awgood.

Maalintii isniinta, shilinka soomaaliga waxaa lagu sarrifayay 8,110 halkii doollaar, waxaase laga yaabaa in uu gaaro 10,000 oo shilin halkii doolaar, lacagtaa la filayo haddii ay timaado.

Warar kale oo cusub ayaa ayaguna waxay sheegayaan in uu heshiis dhex maray ganacsatada Cayr ee bixiyay qarashka daabacaadda iyo Xuseen caydiid, oo lagu heshiiyay sidii lacagtaas loo qaybsan lahaa, waxaa kale oo la sheegayaa in lacagta lagu qiyaasay lacag u dhiganta afar milyan oo doolaar oo maraykan ah, waxaana Canada ku soo daabacay sharikado Malaysia laga leeyahay.

Ciidankii Booliiska Muqdishu oo la kala diray lacag la'aan awgeed
MOGADISHU, April 4 (AFP), Ciidankii booliiska ee la sameeyay bishii Ogosto ee la soo dhaafay ayaa la kala diray kadib markii loo waayay lacag mushaar ahaan loo siiyo.

Ciidankaas waxaa abaabulay Caydiid iyo Cali Mahdi iyo Qanyare, waxaana la doonayay in lagu mideeyo magaalada Muqdishu oo looga hortago boobka iyo dhaca tuuga magaaladaas gacanta ku dhigtay.

Xubnihii ciidankaas kuwii ugu dambeeyay ayaa shalay xerada ka tegay ayaga oo qoryahoodii iyo hubkoodii sita, waxayna dib ugu biireen ciidankii qabiilkooda.

Ciidankaas oo tiradoodu ahayd 700 oo askeri waxaa la sheegayaa in aanan wax mushaar ah la siin afartii bilood ee la soo dhaafay, waxaana wararku sheegayaan in Liibiya bixisay 800,000 oo doolaar si ciidankaas loogu taakuleeyo, hase ahaatee, ay nimanka madaxda ahi ku gateen baabuur laankuruusar ah iyo aqallo waawayn.

Warkaas waxaa xaqeejiyay taliyihii ciidanka booliiska Muqdishu Cabdi Xasan Cawaale "Qaybdiid" oo sheegay in ciidankii loo taba baray la dagaallanka tuugada Muqdishu la kala diray.

Abaanduulayaasha kala ah Cismaan Caato, Xuseen Xaaji Bood iyo Muuse Suudi Yalaxow, ayaa waxay hore si xun ugu dhaleeceeyeen abaabulidda ciidankaas, waxayna ku tilmaameen fal aan suurtagal ahayn oo loogu tala galay in lacag looga sabto dowlado aan xaalka soomaaliya war kahayn.

Xuseen Xaaji Bood oo hub cusub la soo degay
MOGADISHU, April 3 (AFP), Abbaanduule Xuseen Xaaji Bood ayaa wuxuu soo degsaday hub cusub, kaas oo ay keeneen baabuurta xamuulka qaada, sidaa waxaa sheegay dad goobjoog ahaa.

La garan maayo meesha hubkaas ka yimid, waxaase laga soo xigtay nin ragga hubkaas dejinayay ka mid ahaa, in hubkaas lagu dejiyay goobta Gedoole ee xerada jabhaddu ku taallo badankiisuna ahaa rasaas.

Baabuurtaas hubka sidday waxay Muqdishu soo galeen ayaga oo ay garab socdaan ciidamo badan oo wata hub culus oo ay ka mid yihiin qoryaha banbanka ah ee baabuurta dushooda laga taagay.
Cali Mahdi wuxuu ku eedeeyay Ethiopia in ay hub siinayso Ina Bood, Ethiopiana way beenisay edeeyntaas.

Qiimiha hubka Soomaaliya lagu kala gato, oo hoos u dhacay
MOGADISHU, April 2 (AFP), Qiimihii hubka lagu gadan jiray Soomaaliya ayaa la sheegayaa in uu aad hoos ugu dhacay, kadib markii ay dalka ku fideen warar sheegaya in jabhadahu hub badan la soo degayaan.

Axmed cabdulle Ibrahim oo tukaan hubka lagu gado ku leh suuqa Argentin ee hubka, ayaa yiri, qoriga AK-47 oo aad looga adeegsado Soomaaliya waxaa lagu gadi jiray 1.8 milyan oo shilin ama US$225 bishii janaayo ee la soo dhaafay, maantana waxaa lagu gadaa 1.1 milyan shilin ama US$137.

Sidoo kale waxaa hoos u dhacay qiimaha risaastiisa oo ka soo dhacday US$ 60 cent ilaa US$ 22 cent. Waxaa suuqa hubka argentin aad u xumeeyay wararka la isla dhexmarayo, maxaa yeelay qof kasta wuxuu sugayaa hubka raqiista ah ee la filanayo. Sidaa Ibrahim baa yiri.

Qorayga Jarmalku sameeyay ee loo yaqaan G3 ayaa asiguna 50% qiimihiisii ka dhacay suuqyada ugu waawayn ee hubka ee kala ah Argentin iyo Bakaaraha.

Khamiistii la soo dhaafay, qorayga G3 waxaa la gedayay US$100, laba bilood ka horna waxaa la iibinayay US$190. Rasaasta qoraygan, oo badanaa adeegsadaan abgaalka deggan waqooyiga magaalada Muqdisho, waxaa la gedayay US$ 75 cent, waxayna u soo dhacaday US$ 20 cent.

Qiimaha qoryaha waawayn iyo lidka diyaaradaha isma bedelin, laakiin rasaastooda ayaa qiimaheedii 60% hoos u soo dhacay suuqa Bakaaraha halkaas oo ah meesha hubka laga jamlaysto.

Suuqyo kale oo yaryar (Mini-markets) oo ku yaalla Madina iyo Huriwaa ayaa ayaguna sheegay in qiimihii hubku hoos u dhacay. Qiimaha qorayga aad loo adeegsado ee loo yaqaan "dabajeex" wali wuu kacsanyahay, laakiin wuxuu ka soo degay qiimihiisi hore haddana waxaa la gadaa 8 milyan oo shilin ama US$1000.

Qorayga meelaha fog wax ka dila ee Ruushku sameeyay ee la yiraahdo BKM, waxaa badanaa adeegsadaan abaanduulayaasha iyo kaabaqabiillada muhiimka ah, iyo burcadda iyo ragga maalqabeenka ah ee ka baqaya aargudasho ka timiday colaad hore, sidaa waxaa sheegay jabhad waaya arag ah.

Qiimaha bambada gacanta lagu tuuro isma bedelin, sicirkoodu wuxuu ka ahaa afar doollaar suuqyada waawayn iyo kuwa yaryar intaba.

Sabbaynta qiimaha hubka wuxuu dhashay kadib markii ay abaanduulayaasha jabhaduhu isku eedeeyeen in ay hub ka soo dhoofsanayaan dowladaha deriska ah, waana arrin ay hubiyeen qolyo kale oo madax bannaan.

Nin ganacsatada jabhadaha ka mid ah oo tukaan ku leh suuqa Bakaaraha ayaa (AFP) u sheegay, in hub badan oo cusub suuqa lagu soo daadshay, kadib markii uu Xuseen caydiid u qaybshay taageerayaashiisa hub.

Ninkaa ganacsadaha ah oo diiday in magaciisa la sheego, arrimo nabadgelyo awgeed, wuxuu intaa ku deray in aanan suuqu haysan hubka artilleryga iyo minada dhulka.

Madaxda Jabhadaha qaarkood oo Ethiopia eedeeyay
MOGADISHU, March 31 (AFP), Cali Mahdi ayaa ku eedeeyay Ethiopia in ay hubaynayso cadawgiisa, ayna is hortaagayso dadaalka dalka iyo duniduba ugu jiraan sidii soomaaliya nabad looga dhalin lahaa.

Ethiopia waxay hub badan keentay toddobaadkan Baladwayne, waxayna u qaybisay kooxo nabadda ka soo horjeeda iyo qolyo kale oo deggan degmooyinka aniga i hoos yimaada. Sidaa waxaa AFP-da u sheegay Cali Mahdi.

Wuxuu intaa ku deray in Etthiopia ay kharibayso nabad raadinta ka socota soomaaliya, wuxuuna dunida ka codsaday in arrintaa wax laga qabto.

Saraakiisha nabadgelyada ee waqooyiga Muqdishu waxay sheegeen in hubka laga keenay Ethiopia badankiisu qoryo iyo rasaas yahay, laakiin ay la socdaan hub culus sida, gantaalka lidka diyaaradaha 37mm, iyo madaafiicda 106mm ah, iyo qoryaha hoobiyaha ah iyo dayactirka hubkii hore ee la adeegsaday waqtigii Siyaad Barre dhacay wixii ka dambeeyay.

Hub kasta oo ay keento Ethiopia gacanta uma gelin karto hoggaanka soommaaliya qolyo ama qabiilooyin hooseeya oo aan caan ahayn, si ay ugu adeegaan maslaxaddeeda gaarka ah. Sidaa Cali Mahdi ayaa yiri.

Ethiopia waxaa lagu tuhmayaa in ay hub siisay qabiillada Xawaadle iyo Raxanwayn, kuwaas oo ka soo horjeeda Ina Caydiid iyo Midawga Abgaal. Ali Mahdi ayaa yiri.

Warar kale waxay sheegayaan in baabuur badani ka baxday magaalada Muqdishu maalintii Talaadada ayaga oo ku sii jeeda dhinaca Beledwayne, si ay u soo qaadaan hub badan oo uu leeyahay Xuseen Xaaji Bood, oo hadda jooga Beledwayne.

Sidoo kale waxaa la sheegayaa in xuseen caydiid hub fara badan u qaybshay qabiilkiisa iyo dhammaan dadka asiga taageersan, waxaana la sheegayaa in caydiid hubkaas ka helay Liibiya iyo Eritrea iyo Yaman.

Saraakiisha Gargaarka oo sheegay in Jabhadda Itixaadku dishay gabadhii Maraykanka ahayd
NAIROBI, March 30 (AFP), Saraakiisha sare ee gargaarka Soomaaliya ayaa ku eedeeyay kooxaha Itixaad al-Islaami in ay ka dambeeyeen dilkii gabadhii maraykanka ahayd ee la oran jiray Deena.

Gabadhaas oo la dilay 2dii bishii marso, waxay u sii socotay dhulka soomaaliya ayada oo doonaysa in ay ka shaqayso fidinta gargaarka ay wadeen kooxo kirishtaan ah oo halkaa deggan.

Gabadhaas waxaa la dilay ayada oo maqaayad shaah ka cabaysa oo ay sheekaysanayaan odayaasha beelahaas iyo saraakiisha gargaarka soomaalida qaar ka mid ah.

Ninka gabadhaas dilay waxaa lagu magacaabaa bay saraakiishu dheheen Axmad Kabawayne, markii uu ninkaasi rasaasta ku furay gabadha waxay soomaalidii halkaas joogtay isku dayeen in ay qabtaan, laakiin rag kale oo dablay ahaay ayaa u soo hiilliyay oo xabbad kor u riday.

Gabadhaas waxaa loo soo qaaday isbitaallada ku yaalla dhinaca keenya, raggii soo qaaday waxay sheegeen in ay ooyaysay intii ay soo sideen, hase ahaatee ay goor dambe aamustay.

Gabadhaas waxaa la dilay 15 daqiiqo kadib markii ay dhulka soomaaliya cagaha dhigatay, waxaana la sheegayaa in soomaaliya tahay meel aad qatar u ah, gaar ahaan dadka khubarada ah ee ka yimaada galbeedka.

Kooxaha al-Itixaad ee meeshaa deggan waxaa maamula nin maalqabeen ah oo la yiraahdo Sheekh Xuseen Cabdulle "Turki". Waxaana la sheegayaa in ay yihiin kooxo aad u hubaysan oo doonaya in ay dhulkaas ku dhaqaan shareecada Islaamka.
BOGGA 3AAD Anglefire Free Email
BOGGA QUBANAHA
museveni
Museveni oo dowlad cusub soo dhisay
UGANDA, April 7, 1999 (BBC), Madaxwaynaha dalkaasi Ugandha Yoweri Museveni ayaa sagaal wasiir ka casilay dowladdiisa kadib markii lagu soo eedeeyay musuq maasuq raggaas la casilay waxaa ka mid ah baa la leeyahay, Ra'isal wasaare ku xigeenkii saddexaad Paul Orono Etiang iyo
Wasiirkii arrimaha gudaha Sir Richard Kaijuka. Waxaa kale oo la casilay wasiirkii qorshaynta Sam Kutesa, madaxwayne kuxigeen Specioza Wandira Kazibwe jagadiisan waa loo daayay laakiin waxaa laga casilay jago kale oo ahayd wasiirka beeraha.

Waxaa kale oo jagadiisii ka degay ra'isalwasaare Kintu Musoke, laakiin waxaa la sheegayaa in ay taasi ahayd codsi uu mar hore codsaday awgiis, ayna ugu wacnayd asiga oo howlgab noqday oo galay sanadkii 60aad.

Dib u habaynta dowladdu wuxuu dhashay kadib markii wasiirka dowladda u qaabilsan bulshadaynta hantida baarlabaanku warbixin howshiisa ku soo oogay.
suuqa addonta suudan Suudaan oo lagu eedeeyay is addoonsi
Maalmahan dambe waxaa dalkaasi suudaan lagu soo oogay eed kaga timid xagga qarumaha bidoobay iyo qolyaha xuquuqda aadanaha u dooda. Eeddaas gundhiggeedu waa in suudaan dhexdeeda uu is addoonsi ka jiro waqtiga xaadirka ah, waxaana laga codsaday in ay joojiyaan dadka sida jamlada ah loo gedayo ee la addoonsanayo.
Kuwaas oo u badan carruur iyo haween. Eeddaas dadka qaar waxay u arkeen in ay tahay ceebayn ula kac ah oo loola danleeyahay muslimiinta iyo carabta, lana doonayo in lagu sharaf rido.

Dadka eedayntaas u arka arrin aan sal lahayn, waxay rumaysan yihiin in is addoonsigu yahay dhaqan reer galbeedku keenay, uusanna ka jirin meel kale, suudaanna aanay aaney ogolayn in dadkeedu is addoonsado.

Qaar kale ayaa ayaguna waxay arrinkaas u arkaan in uu yahay mid dhab ah oo dadka carabta ah ee suudaan deggan ay addoonsadaan dadka madow ee africanka ah ee deggan koofurta una badan kirishtaanka.

Sikastaba arrintu ha ahaatee, umadaha midobay iyo dadka xuquuqda aadanaha u dooda waxay dowladda suudaan ka codsadeen in ay ugu yaraan joojiso ganacsiga jamlada ah ee lagu hayo carruurta iyo haweenka.

Waxaan ayaduna in la xuso u baahnayn in dowladda suudaan arrinkaas garabka ku dhifatay, oo madaxdoodu caddeeyeen in ay tahay arrin ka soo horjeeda dastuurka dalka, qofkii lagu arkana sharciga lala tiigsan doono.

BOGGA 4AAD la xiriir Sadiq Hashi
BOGGA DOODDA IYO CILMI BAARISTA
Dhibaatooyinka Somaaliya Maxaa xal u ah?
    Waxaa Qoray:   Ibrahim Moallim Mursal
    Esdoornstraat 207151 ZA Eibergen, The Nederlands
    Tele/Fax +31 -545 -476 -473
[Allah Ummad kama baddalo waxa ay ku sugan tahay; Ilaa ay wax ka baddasho nafteeda waxa ku sugan]
Somaliya iyo xalka Islaamiga
Sida horay aynu u soo sheegnay, Somalia waxaa isbarbar socday nidaamyo iyo sharciyo is wada hardinayo, iswada burinayane.

Dhinac waxaa ka socday xeerarkii guriga ahaa iyo shareecda Islaamka oo meel ah, kuwii gumaysiga Ingriiska iyo talyaaniga (Common Law iyo Statute Law) oo iyaguna is hardinaya.

Nidaamkii hantiwadaagga (Socialism iyo Communism system)kii toobiyo arooryaad u qulqulayay. Burburki biyaha calwiyay waxaa ka soo baxay in xoortii been benta ahayd (nidaamyadii laga dhaxlay isticmaarka iyo waddamada hantiwadaagga) ay dabeesha raacday.

Wixii dadka anfacayayna ay gunta u soo degeen: Waa Shareecada Islaamka iyo xeer gurigii. Mar haddii uu burburay xukunkii dalalka, nidaamyadii iyo shuruucdii soo galootiga ahayeen waa ay raaceen.

Maanta suurtagal ma aha in lagu kala baxo buugaggii ciqaabta iyo dacwo-oogidda (Codice penale iyo Proceduura Penale) mar haddii ay burbureen rukumadii ay ku taagnayeen sida Dastuur, Gole Sharci Dejin, Gole Fulineed ama kuwa Xukun dabbaqidda oo wax ka beddelkooda u xilsaarnayeen.

Bugaggaasi iyo kuwa la midka ah sidaasi ayay ku baxeen. Haddaba waxa maanta dalka ka socdaa waa Shareecada Islaamka iyo xeer Guri.    [Waa socotaa...]  
MADAXWAYNE HA LAYGA DHIGO!
Faahfaahin ku saabsan kitaabkan
Cinwaanka: Madaxwayne ha layga dhigo!
Mowduuca: Waa kitaab afsoomaali ku qoran oo ka hadlaya sida qola kasta oo ka mid ah qabiilooyinka soomaalidu ay isugu dayday in ay madaxwayne dalka u noqdaan.
Qoraaga: Qaasim Hersi Farah(Duullaanjecel).
Qasim's photo
Qasim Hersi
YAA ISKU KEEN GUBAYA?
Waxaan shaqo weydiistay nin saaxiibkey ahaa oo u dhashay Maraykan, 1984 kii. Markaa ayuu iigeeyey dhawr nin oo dhawaan timid dalka, waxaana la iiga dhigay shaqo in aan baro Qabaa'ilka Soomaaliyeed, laakiin nasiib darro waxaan arkay nimankii oo wax badan iga badiya Qabiilka Soomaalida, sidaa darteed waxaa la ii sheegay in aanan ka bixi karin shaqadatan.

Laakiin mar kale ayaan ka sii raajiciyey shaqo waxayna ugu dambaystii iga ogolaadeen in aan baro Af Soomaaliga oo ay qudhiisa si rasmi ah ugu hadlayeen, ugu dambaystiina waxaan garawsaday in ay nimankaasi u yimaadeen fulinta hawlaha isku dirka Soomaalida oo keli ah.

Maalin kale aniga, wiil iyo gabar Soomaaliyeed ayaa ka mid ahayn koox dad ah oo ay dood aan caadi ahayni ku dhex maraysay Golihii dhaqanka Faransiiska ee Muqdisho, 1987 kii, waxaanan ka doodaynay dhaqaalaha Afrika.

Haddaba Goergy oo ahaa ninkii xukumay golahaas ayaa wuxuu soo jeediyey fikrad uu ku caddeeyey in ay tahay caqabadda keli ah oo hortaagan dhaqaalaha Soomaaliya, hal qabiil oo xukuma dhammaanba dhaqaalaha iyo dhaqdhaqaaqa waddanka awgeed, wuxuuna tusaale noogu soo qaatay Soomaaliya oo ay xukumaan Mareexaan, kuwaas oo lagu amaanay beryo dhaw in ay dadka Sacuudiya ka soo shaqaystay u ogolaadeen wadashada nooca baabuurta la yiraaho XL.

Kolkaa ayaa waxaa hadalkiisii aad u ayiday kooxo kale oo ajnabi ah, laakiin markay arkeen intanadii Soomaalida ahayd oo ka biya diidan sheekada aanaan u hayn wax aan ku rumayno ayuu mid la soo booday waxaa laga yaabaa in aadnaan idinku fahmin siyaasaddaas sare ee bal miyaad weligiin aragteen qof aan Mareexaan ahayn oo wata baabuurka Land cruiser?

Nasiib darrase waxay dhacday markaan dhexdeenii taa isku khilaafnay oo uu wiilkiina yiri; waa runtiin, aniga iyo gabadhiina aan beenaynay, laakiin sidaas na laku marsiiyey cod badni iyo nahaabnimo dirqis ah awgeed.

Hase ahaatee waxaa kale oo iyana taas la yaabkeeda iigaga sii daraysay in aniga oo la igu sheegayey Mareexaan (aanse halkaa la iga ogeyn) ay marka horeba maskaxdaydu marba dhan u baxaysay.

Waxa iigu weyn ee aan ka fikirayeyna ay ahayd dhibaatooyin badan oo iga soo gaarayey xukunkii jiray, kuwaas oo intooda badani ay kolkaa igu furnaayeen oo aan xal u doon doonayey, iyada oo guud ahaanba xaqayga iyo xaqa reerkeyga oo dhan lagu dhacayey laaluush dhiib inaguna aanaan haysan wax aan laaluush u dhiibno si aan xaqeenna u soo ceshano.

Waxay kale oo ahayd middii fikirka kale ee laba qalbiga ah igu haysay in aan isla saacaddaas ku wel welsanaa in aan toban shilin oo aan ammintaas haystay biyo ku cabbo, maadaama ay dadka oo dhami wax cabbayeen anna aan harraadsanaa iyo in aan Bas ku raaco iyo weliba in aanan Basna raacin, biyana cabbin ee aan berrito Bas ku raaco!!     [Waa socotaa...]
Caafimaadka Bulshada
Waxaa Qoray:
Jama Mohamed Farah (Jawali)
[Espoo, Finland]
Maqaalkan waxaan kaga hadli doonaa bakteeryada iyo waxay tahay. Waxaanuna ugu talagalnay in ay ka faa’iidaystaan dhalinyarada barata caafimaadka iyo dadweynaha kaleba. Waxaanu maqaalka ku soo qaadi doonaa haddii Allaha awoodda lihi inoo ogolaado mawduucyo dhawr ah oo ku saabsan bakteeryada.
Sidee bay u fidaa bakteeryadu
Waxay bakteeryadu ku fidaa dhawr siyaabood, sida hawada oo ay raacdo matalan qof qufacay oo bakteeryadii ka soo baxday hawada sii raacdo ilaa ay ka haleesho qof kale oo u dhawaa.

Waxay kaloo ku fidaa taabashada tooska ah, taabashada xayawaanka ama cayeyaanka. Waxay kaloo ku fidaa si aan toos ahayn matalan biyaha la cabo, caanaha ama cuntada.

Waxaanu kula talinaynaay walaalaha Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaanba in ay ku dadaalaan in ay saabuun iskaga dhaqaan faraha markasta oo ay cunto cunayaan, iyo markasta oo ay musqul ka soo baxaan.
BOGGA 5AAD la xiriir Ibraahim Salah (for free copy)
BOGGA HAWEENKA
haweenka Iran
haweenka Iran
xaaskii shaahii Iran
masjid Iran ku yaal
Hardanka Siyaasadeed ee Iran iyo kaalinta haweenku ku leeyahay
Dalkaasi Iran waxaa maalmahan ka socday dagaal siyaasadeed oo dhex marayey xoogagga halkaas isku haysta. Xoogaggaasi siyaasadeed waa labo, mid waxaa metelaya koox uu horjooge u yahay wadaadka Khamayni ee dowladda madaxa u ah, waana kooxda loo yaqaanno wadaaddada ama muxaafidiinta.

Kooxda labaad waa kooxda dhexdhexaadka ah, oo ay hormuudka u yihiin, madaxwayni Khataami iyo gabadhii madaxwaynihii hore Hashimi Rafsanjani iyo wiilka la dhashay wadaadka dalka madaxa u ah ee khamayni oo ah walaalkii ka yaraa.

Labada kooxood waxay leeyihiin taageerayaal badan, waxaana taageerayaashaas dhex mara mararka qaar dagaal gacanta la isula tago.

Sidii madaxwayne Khataami dalka u qabsaday, jaraaidka dalku wuxuu helay xuriyad iyo madax bannaani aanay horay u haysan, hase ahaatee waxaa weerar ba'an ku haya kooxda muxaafidka ah oo mar walba xukun ku soo rogta jaraaidkaas qaar ka mid ah dabadeedna joojisa, qoraagana xirta.

Hardanka Siyaasadeed iyo Kaalinta haweenka Iran
Jornal la yiraahdo Zan (oo looga jeedo "dumar") ayaa dhawaan qolyaha muxaafidiinta ahi ku xukumeen in la joojiyo, joornaalkaas waxaa iska leh gabadha uu dhalay madaxwaynihii hore Hashimi Rafsanjani ee la yiraahdo Faezeh Hashemi.

Gabadhaasi waxay ku jirtaa golaha baarlabaanka, waxayna u dooddaa xuquuqda haweenka, joornalka ay ayadu abaabushay sanadkii 1998kii, waxay ugu tala gashay in ay figradaheeda ku fidiso.

Sababta loo joojiyay joornaalkaas waxaa ka mid ahaa, in ay gabadhaasi fidisay dhambaal ay soo dirtay haweenaydii shaahii Iran ee hore ka dhintay oo hadda ku nool Maraykanka, dhambaalkaas waxay haweenaydu ku tiri, Iran waxaa u soo noqon doona qarniga soo socda sharafteedii hore, fadliga carruurta reer Iran ee barakaysan.

Waxaa kale oo wargayska lagu soo eedeeyay in uu fidshay war sheegaya in nin booliis ah uu ku xedgudbay laba wasiir, sidoo kale waxuu wargaysku fidshay masawir karikaateer ah oo ay ku masawiran yihiin laba nin iyo naag.

Labada nin mid waa tuug midna naagtiisi ayaa la socota, kii naagta watay ayaa wuxuu tuuggii ku yiri, aniga ha i diline naagtayda dil, maxaa wacay diyadeedu waa 50.

Masawirka waxaa lagu durayaa xeerka islaamku ka qabo dumarka oo ah in naagtu ninka barkiis tahay, waana arrin ay naagaha maanta jooga badankoodu diidan yihiin.

Haddii aan eegno arrimahaas oo dhan waxaa inoo caddaanaysa in kaalinta haweenku ka ciyaarayo isbedelka siyaasadeed ee Iran ay tahay mid aan layska indhatiri karin.

Haweenka Iraan waxay door fiican ka ciyaareen doorashooyinkii bilihii la soo dhaafay la qabtay ee loogu gogol xaarayay doorashooyinka madaxtinimo ee soo socda.

Intii uu la wereegay madaxwayne Khataami talada dalka Iran, waxaa haweenka iyo ragga warka fidiyaa heleen madax bannaani dheeraad ah oo aney horey u heli jirin, taasina waxay keentay in ay xuquuqdoodii la duudsaday dib u raadraacaan.
BOGGA 6AAD xayaysiin
DIINTA ISLAAMKA
KITAABKA TAWXIIDKA
    Faahfaahin ku saabsan Kitaabkan:
    1.Cinwaanka: Kitaabka Towxiidka(121 Bog)
    2. Mowduuca: Tawxiidka.
    3. Qoraaga: Sheekh Maxamad bin Cabdil wahhab.
    4. Waxaa soomaaliyeeyay: Hersi M. Labagarre
    5. Qiimaha: (US$ 10.00) oo aan boostadu ku jirin.
CASHARKA 37AAD
SHIRKIGA WAXAA KA MID AH IN QOFKU CAMALKIISA ADDUUN KALIYA KU DOONO
Eebbe kor ahaayee wuxuu yiri:
[Ciddii dooni nolosha adduunyo iyo quruxdeeda waxaan u dhamaynaynaa camalkooda dhexdeeda, lagamana nusqaaminayo. Kuwaasuna waa kuwaan ku lahayn aakhiro waxaan naar ahayn, waxaana buray waxay ku sameeyeen dhexdeeda, waxaana baadila (wax kamajiraan ah) waxay falayeen]Huud 15-16.

Saxiixana waxaa Abuu Hurayra Allaha ka raalli noqdee, looga soo weriyay in uu yiri: Nabigu Naxariisi korkiisa ha ahaatee, ayaa yiri:"Addoon Diinnaar baa hoogay, Addoon Dirham baa hoogay, Addoon Xariir baa hoogay, Addoon Suuf (dhar) baa hoogay, haddii la siiyo raalli buu noqonayaa, haddii loo diidana wuu caroonayaa, wuu hoogay oo khasaaray, hadduu kufana kama kaco, waxayse u dhacatay Addoon u qaatay hoggaanka faraskiisa jidkii Ilaahay, oo madaxiisu agoolay, lugihiisuna booraysteen. Hadduu Ilaala ahaa, ilaalada ku jira, hadduu ciidanka lugta ahaana ciidanka lugta ku jira, haddii uu idan waydiiyo lama siiyo, hadduu shafeeco waydiiyana looma shafeeco.

Mas'alooyinka Casharka
Tan 1aad: Waa dadku in uu camalkiisa aakhiro adduun ku doonayo.
Tan 2aad: Waa tafsiirka aayadda Huud.
Tan 3aad: Waa in qofka muslinka ah lagu magacaabay Addoon diinnaar iyo Dirham iyo xariir.
Tan 4aad: Waa in taa lagu fasiray in uu haddii la siiyo uu raalli noqonayo, haddii aan la siinna caroonayo.

Tan 5aad: Waa weedhiisa "Wuu hoogay oo khasaaray".
Tan 6aad: Waa weedhiisa "Hadduu kufana kama kaco".
Tan 7aad: Waa in la ammaanay mujaahidka sifooyinka la soo sheegay leh.
BOGGA 7AAD xayaysiin
BOGGA DHALLINYARADA
SHEEKADII KALIILA IYO DIMNA
Faahfaahin ku saabsan Kitaabkan:
1.Cinwaanka: Kaliila iyo Dimna(119 Bog).
2. Mowduuca: Murti facwayn iyo sheekooyin qosol badan.
3. Qoraaga: Cabdullaahi bin al-Muqafac.
4.Waxaa soomaaliyeeyay: Hersi M. Labagarre
5. Qiimaha: (US$ 10.00) oo aan boostadu ku jirin.
Qaybtii: 31aad
Baaristii Arrintii Dimna
Libaax hooyadii markii ay hadalkaa sheegtay baa libaax u yeertay raggiisii iyo ciidankiisii, kolkaas baa loo soo geliyay, Dimna in la keenana waa la faray, kolkii Dimna istaagay libaaxii hortiisii oo uu murugada iyo tiiraanyada ka muuqata arkay, ayuu hareeraha eegay oo yiri; maxaa dhacay?, maxaase boqorka murugeeyay?

Libaax hooyadiis baa xaggiisa soo dhugatay oo tiri: boqorka jiritaankaaga ayaa murugaysay ilbiriqsiba ha ahaatee, maanta ka dibna nolol kaaga tegi maayo.

Dimna wuxuu yiri: kii hore kiidambe wax uma citimin, maxaa yeelay waxaa la yiraahdaa, dhib ninkii aad uga dhowrsada ninka aan ka dhowrsan inta uusan ku dhicin buu ku dhacaa.

Sidaa darteed boqorka iyo raggiisa iyo ciidankiisa yaanay sidii dad xun noqon, waxaanna ogaaday in qofkii reeradhib la socda asiga oo arintooda og in uu naftiisa dhibaato u gaystay, taas darteed baana xertu uga go'day bulshada oo kali ahaanta ka dooratay wax wadaagga, iyo in ay eebbe dartiis u howlgalaan intii ay dunida iyo dadkeeda u howl geli lahaayeen, waase kuma kan khayr khayr ku abaal marsha wanaagna wanaag, eebbe mooyee?     [Waa socotaa..]

BOGGA 9AAD!Register-It! -
 Promote Your Web Site!
HIDDAHA, DHAQANKA, SUUGAANTA IYO AFKA SOMALIDA
MACMACAANKA MURTIDA SOOMAALIYEED

Faahfaahin ku saabsan Kitaabkan:
1. Cinwaanka: Macmacaanka Murtida Soomaaliyeed.
2. Mowduuca: Murti iyo Maahmaahyo Soomaaliyeed.
3. Qoraaga: Hersi M. Labagarre
4. Qiimaha: (US$10.00) oo aan boostadu ku jirin.
Qaybtii 21aad
211.Dhoofaa kaa dhimay.
212.Dheraga karka kulayl baa ka keenay.
213.Dhereg feero ma dhaafo.
214.dhinaca iyo dhulkaa is leh (dhinacaya dhulkays leh).
215.Dheel dheel baa dhega loo raantay.
216.dheeldheel dharkaa kaaga dillaaca.
217.Carruuri raashinka dhulka waa ka sugtaa, dheregase kama sugto.
218.Carruuri markaad kuftana way kugu qososhaa, markeey kuftana way kuygu ooydaa.
219.Calafkaaga cagtaa lagu doontaa.
220.Caano ayaa la wadaagaa ee hadal lama wadaago.
BOGGA 8AAD xayaysiin
IIDHEH IYO OGAYSIIS
Mashruuca Abwaanka Afka, Hidaha iyo Dhaqanka Somalida
[Encyclopedia Somalica]

Please support Somali Electronic Journal
Programmed, Developed and Written by Hersi M. Labagarre
Codka Somalida Cusub, Waa wargays Electronic ah oo Toddobaadle ah, wuxuu ku soo baxaa afka Soomaaliga Maalin kasta oo Axad ah
"DHAMMAAN MAQAALADAHA WARGAYSKAN KU SOO BAXA WAXAY U TAAGANYIHIIN ARAGTIDA QORAAGA EE UMA TAAGNA UJEEDDADA WARGAYSKA"

DHAMMAAN XUQUUQDA DAABACAADDU WAY DHOWRANTAHAY

Copyright 1998 - Labagarre - All rights reserved.
Nala soo xiriir
booqo csc H. page
Saxiix B. Martida
Codso wargayska sej
Dhiibo Aragtidaada
Aqarso B. Martida
Xayaysiin
Bogaadin
Somali Forum
Free Email
Free Guest Book
Free Home Page