Site hosted by Angelfire.com: Build your free website today!
Bogga Codka Somalida Cusub
Gundhigga wargayska Codka Somalida Cusub
Waa wargays Electronic ah oo Toddobaadle ah Wuxuu ku soo baxaa afka Soomaaliga Maalin kasta oo Axad ah
Taariikh: 11-18.1.1999
Aqarso B. Martida
Best Viewed:
Netscape Communicator 4.0
Saxiix B. Martida
FADLAN   TAAGEER   WARGAYSKA   CODKA   SOMALIDA    CUSUB
BOGGA 1AAD Somali Students Association in Malaysia
ARARTA WARGAYSKA
United Nations Consolidated Inter-Agency Appeal for Somalia

    UN logo
Waxaa Somaaliyeeyay:
Xersi M. Labagarre

Qaybtii 4aad
Xafiiska ay warqaddu ka soo baxday: Xafiiska UN ka u qaabilsan Daryeelka Aadanaha.
Taariikhda: January - December 1999
Yaboohii Hay'adaha UN ku u sameeyeen Somaliya
Xafiiska Qaabilsan Arrimaha Daryeelka Aadanaha (OCHA)

James Gustave Speth
Administrator
United Nations Development Programme

Warbixintii Howlwadeenka
Astaanta ugu mudan ee yaboohani leeyahay, waa in uu si cad u soo bandhigayo mudnaanta goballada, hase ahaatee, soo jeedinmaayo qorshe loogu tala galay mashaariic gaar ah, marka laga reebo, habka degdegga ah kuwa loo qabanayo, ee lagu soo bandhigay lifaaqa wax qabadka wakaalad kasta.

Qaabkan waxaa loo raacay si loogu baraarujiyo, wakaaladaha UN ka iyo Ku-deeqayaasha labadaba, mudnaanta ay leeyihiin goballadu, intii lagu baraarujin lahaa, faahfaahino mashruucyo badan oo gaar ah.

Mudnaanta qaybaha (lacagta loo yaboohayo sida caafimaadka, cuntada waxbarashada iwm) waxaa laga soo qaatay dharaandhirin ay sameeyeen hayado iska kaashaday xaaladda soomaaliya, iyada oo la eegayo qayb kasta, lana tixgelinayo mabaadi'da aasaasiga ah iyo tabaha lagu soo faahfaahshay qaybtii Iaad.

Ayada oo mudnaanta habkan loo qeexayo, codsigani waxaa looga dan leeyahay, in uu si sax ah u soo bandhigo damaca bulshada soomaaliyeed ka leedahay, isu gaynta go'aannada khubarada UN ka kuwa ugu wanaagsan iyo howlwadaaggooda.

Natiijo ahaan, faahfaahinta mudnaanta ee ku xusan qaybta 2aad, waxaa looga danleeyahay, in ay ahaato saldhigga ay wakaaladaha UN-ku ay ugu soo bandhigi doonaan ku-deeqayaasha, qorshaha mashaariicdooda gaar, iyo midda guudba.

Ayada oo la tixraacayo codsigan, qeexidda socodka mashruuca ee UN-ka hay'adihiisa oo ay la jiraan howlwadaagga NGO-ga iyo ku-deeqayaasha xiisaynaya wuu socondoonaa dhammaan sanadka 1999ka.

Waxaa la filayaa in dhammaan qolyaha ku howllan caawinta Somaliya, si ay u gaarto mustaqbal fiican ayaga oo soo raacaya gargaarka daryeelka aadanaha, iyo caawinta horumarinta, waxaa la filayaa in ay qoraalkan u arkaan mid wax ku ool ah.
Haddii aad doonayso in aad aqrisato, jadwal ay ku qoranyihiin hay'adaha UN-ka iyo lacagta ay yaboohayaan iyo mashaariicda, oo faahfaahsan Halkan Riix.

BOGGA 2AAD Somali Forum Free Email Free Guest Book Free Home Page
WARARKA SOOMAALIDA
Toddobaadkan waxaa wararka soomaalida inoo soo qoray, Axmad Dowlad Faarax, aad ayaana bahda wargaysku uga mahad celinaysaa howshaas qiimaha leh, waxaanna rejaynaynaa in ay dhallinyaro kale oo aqristayaasha ka mid ah ka qayb qaadan doonaan howsha wargayska.
Somali ku shirtay Atlanta
ATLANTA JAN 2, Waxaa jira xiisadaha ka oogmay Soomaaliya iyo qilaafyadoodda ayaa waxaa ugu dambeysey oona ugu qoyaneyd magaalada Kismaayo, hase ahaatee Dr Cumar Macalin oo ka hadley shir ey isugu yimaadeen magaaladan Atlanta ayaa waxaa uu sheegey iney abaabuleen eyna qabteen shir arintaas lagaga wada hadlayey sidii wada hadal iyo nabad loogaga dhalinlahaa qilaafka Kismaayo.

Shirkaas waxaa ka soo qeybgaley dad ka yimid Kanada iyo Mareykanka goboladiisa qaarkood, Cumar Macalim ayaa waxaa uu sheegey in shirkani uu ku saabsanaa shir horey loo qabtey ey beesha Absame qabteen.

Ujeedada ugu wayn shirkaas, waxey tahay ayuu yiri sidii nabad looga dhalinlahaa magaalada Kismaayo loona heshiisiin lahaa labada reerood wuxuuna yiri waa caqligii oo ceel ku dhacay.

Dagaallo ka dhacay Kismaayo
KISMAAYO JAN 6, Wararku waxey sheegayaan in xoogagii dagaalamayey ey magaalada isla galeen shaley oo hubka culus ee la isku ridayo uu geystey geeri iyo dhaawacyo intaba.

Dagaalkaasi wuxuu bilowdey goor aroornimo wuxuuna istaagey barqadii ciidamada SNF waxey ka soo galeen magaalada dhanka waqooyi ee wadada muqdisha aada xaafada loo yaqaano V-afmadow.

Tirada dhimashada waxey gaartey 35 ruux iyadoo inka badan 100 ruux ey ku dhaawacmeen war ey sheegeen dhaqaatiirta Kismaayo dadka dhaawaca ah 22 qof waa caruur iyo haween taasi oo ey ugu wacneyd in qoryaha culus ee la is weydaar sanayey ey ku dhacayeen guryo la degen yahay.

Afayeen u hadley SPM gaashaanle sare Axmed Ismaaciil Cali waxaa uu sheegey in ciidankiisu 40 ruux ey ka dileen SNF-ta waxaa kaloo uu sheegey in 35 qofood ey nolosha ku qabteen ,waxaa uu afayeenku intaa raaciyey in dhanka SPM ey ka dhimatey 8 ruux oo ciidankooda ka tirsanaa.

Xannibaad lagu soo rogay Magaalada Muqdishu
MUQDISHU JAN 4, Wararka ka imanaya xamar ayaa waxey sheegayaan in magaalada lagu soo rogey Bandoow taasoo dadka ka mamanuuceysa isu socodka habeenkii wixii ka dambeeya tobanka fiidnimo ilaa iyo lixda aroornimo.

Amarkan oo ka soo baxay xafiiska gudoomiyaha gobolka Banaadir waxa uu ka kooban yahay toban qodob oo ey ka mid yihiin in ey mamnuuc tahay qaadashada hubka guud ahaan wax yaabaha qarxa qofkii lagu helaana uu muteysanayo xarig ilaa toban bilood ah.

Iyadoo sidashada tooreyda seefta, waranka, mindida, masaarta iwm, Lagu muteysanayo xarig ilaa saddex bilood ah. Amarkan degdega ahi waxaa uu gudoomiyaha gobolka u ogolaanayaa in uu fasax hub-qaadasho siin karo Hay’adaha, mas’uuliyiinta iyo shaqsiyaad kaleba.

Sidoo kale waxaa awood qaadista dacwadaha la xiriira amarkan la siiyey Maxkamada Gobolka Banaadir waxaana amarka uu dhaqan gali doonaa mudo toddobaad gudihiisa iyadoo laga soo bilaabayo shaley isagoo socon doona mudo 21 cisho ah isla waqtigaan dhexdiisa uu bilaabanayo sida la sheegey howlgal balaaran oo ey sameynayaan ciidanka boliiska Gobolka Banaadir oo ku saabsan sugida amaanka.

Suldaan Soomaaliyeed oo Gargaar Codsanaya!
BURCO JAN 6, Suldaan Cusmaan Suldaan Cali, Suldaanka galbeedka Burco ayaa waxaa uu soo saarey qoraal uu u gudbinayo ama gaarsiinayo Dowlada Dalka la magac baxdey Jamhuuriyada Somaliland iyo Hay’adaha samafalka ee caalamiga ah wuxuuna ka codsadey iney cunto iyo gargaar kale la soo gaaraan Gobolka Togdheer oo uu Suldaanku ku sheegey iney abaar xun ka taagan tahay.

Kadib markii deyrtii sanadkan la filayey eyan si fiican u di’in, barkadaha Gobolku way biyo la yihiin, xoolihii loo dhoofin jirey carabaha oo joogsaday awgood uu dadku dhibaateysan yihiin.

Bas gantaal lagu dhiftay
BAYDHABO JAN 5, Wararka ka imanaya magaalada Baydhabo ayaa waxey sheegayaan ugu yaraan 13 qof in ay ku dhimatay markii gantaal kuwa lidka taangiyada ah lagu dhuftey Gaari Bas ah.

Gaarigaas waxaa la socdey dad badan kuwaas oo marayey meel u dhow magaalada Baydhabo, Baskaasi oo ka soo baxay magaalada Baydhabo oo u sii socdey magaalada Muqdisho ayaa waxaa la sheegey markii dabku qabsadey iney isla goobtaas ey ku dhinteen 7 qof mudo dabadeed ayaa waxaa dhintey 6 qof oo dhaawacyo soogaarey awgeed u dhintey markii cusbutaalka magaalada Baydhabo la geeyey.

Wararka qaar ayaa waxey sheegayaan in dhaawaca uu yahay ilaa iyo haatan 10 qof weerarkaas oo ka dhacay agagaarka magaalada Baydhabo meesha la yiraahdo (Maanyofuulka) cid sheegatey ma jirto.

Hase ahaatee maleyshiyada RRA oo dagaal kula jirta ciidamada Xuseen Caydiid ee jooga Gobolka BAY ayaa horey u soo saarey digniino ey ku sheegayaan in maritaanka wadada Muqdisho iyo Baydhabo aanay amaan aheyn, dhacdadaasi ayaa la sheegey iney aheyd tii ugu xumeyd ee dadka rayidka ahi ka soo gaartey safarka wadadaas.

Duqaydii hore ee Magaalada Hargaysa iyo Gabiley
oo xoolo ay qaateen laga xaqeejinayo

HARGEYSA JAN 3, Madaxweynaha Dalka la magac baxay Jamhuuriyada Somaliland Maxamed Ibraahim Cigaal ayaa amar ku siiyey xeer ilaaliha inuu baaritaan ku sameeyo Duqii hore ee magaalada Hargeysa iyo Duqii hore ee magaalada Gabiley oo la sheegey in amaah xad-dhaaf ah lagu yeeshey intii ey xilka hayeen. Wararka kale ee ka imanaya Hargeysa ayaa waxey sheegayaan in gobolada loo kala direy wafuud ey wasiiro kala hogaaminayaan oo ey soo sahminayaan xaalada abaareed meesha ey mareyso iyo ilaa iyo iminka sidii ey u saameysey dadka iyo duunyada.

Wasiirka Beeraha Muuse Xaaji Axmed ayaa isaga iyo wafdii uu hogaaminayo ay u ambabaxeen galbeedka Hargeysa, Banaan gubadley, Gabiley iyo dhamaanba degmooyinka Gobolka Awdal, Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Axmed Maxamed Bixi waxaa isaga iyo wafdi uu hogaaminayo u ambabaxeen Burco, Balidhiig, Buuhoodle, Caynaba iyo Xudun.

Wasiirka Horumarinta reer miyiga Maxamed Muuse Cawaale wafdi uu madax u yahay waxey u amba baxeen bariga Hargeysa , Oodweyn iyo Berbera, Gobolka Sanaag waxaa loo xilsaarey Axmed Maxamed Maxamuud (Af-weyne).
Dalka Soomaaliya Yaa u Dowlad ah?
Daraasadan ku lug leh, boobka ay wadamada ajnabiga ahi ku hayaan dalka soomaaliya, waxaa afka talyaaniga inooga soo turjumay Bashiir Sh. Maxamad, aad ayaanna ugu mahad celinaynaa.
somalinet logo
Waxaan rejaynaynaa in dhallinyarada kale ee soomaaliyeed ee afafka kale yaqaan sidaa si la mid ah yeeli doonaan, gaar ahaan dhallinyarada yaqaan afafka sida, Jarmalka, Danlishka, Finishka, Faransiiska iwm.

Waxaa Soomaaliyeeyay:
Bashiir Sh. Maxamad

MASHRUUCII JASIIRADDII CUSBADA
( il progetto dell’isola di sale)

Bartamihii sanadihii siddeetameeyada ayaa Faransiiska iyo Maraykanaku ka shaqeeyeen mashruuca loogu magac daray “Jasiiraddii Cusbada”.
Ujeeddada laga lahaa mashruucan baa ahayd in la qorsheeyo raadinta, helidda, marka hore, meelo lagu kaydiyo Sunta Nuclear-ka ee ka timaadda warshadaha waddamadaas iyo kuwa kalaba.

Wajiga labaad ee mashruucani wuxuu ahaa in, marka meelahaas ama sites-kaas la helo, la karantiilo (go’doomiyo) dabadeedna la difaaco militari ahaan.
Famiglia Cristiana (FC) wuxuu ka soo xigtay dad muhiima oo la xiriira degaanada sirdoonka reer galbeedka oo aan doonayan in la magacaabo in ugudambays Maraykanaka iyo Faransiisku ay ogolaadeen taabbagalka mashruuca oo ay siiyeen “green light” si loo hirgaliyo kaddib markuu ku gudbay “feasibility exams-kii”.

Why This name? JASIIRADDA CUSBADA, tan loogu magacdarayse waa tuma?
Inkasta oo magaca ay soo hoosgalayeen meelo badan oo mashruucu u gartay fulinta hawshaas haddana site-ka ugu weyn oo magacana laga qaatay, jasiiradda cusbada ee la sheegayaa waa XAAFUUN ee gobolka Bari oo sida la sheegay kayd cusbo oo farabadani ku duuganyahay.    [Waa socotaa...]  

Rabadaanka Barakaysan
SAGOOTINTA BISHA RAMADAAN

Waxaa Qorey: Axmad Dowlad Faarax
3546 Indian Creek Way # L Clarkston
GA 30021 U . S . A
Tel : 404 - 508 - 3029
waqtiyada salaadda
Waxaan ku bilaabayaa magaca Ilaahey oo naxriista mida guud iyo mida gaar ah naxariista, Alle subxaanahu watacaalaa wuu ina abuurey oo wuu ina irzaaqey oo qeyraad faro badan ayuu noogu nimceeyey.

Sidaa noogama uusan tagin ee wuxuu noo soo direy Rasuul oo inoo kala cadeeyey xaqa iyo baadhilka .

Sidaa daraadeed Soonku oo ka mid ah cibaadooyinka uu Ale adoomadiisa ku adoonsadey Bishan Ramadaan ayaa waxaa ka mid ah in dembiga la dhaafo.

Nabigu (S.A.W) wuxuu yiri "Qofkii Sooma isaga oo rumaysan in Soonku waajib ku yahay Alahna kheyr ka rajeeyo, danbigiisa oo dhan ayaa la dhaafaa", Soonku wuxuu gaashaan kaaga noqonayaa Naarta iyo wixii xun oo dhan. Bisha Ramadaanka waxaa la xabisaa shayaadiinta, albaabada Naarta waa la xiraa, waxaana la furaa albaabada Janada, Soonka waxaa ku jira habeen (Laylatul khadar), oo ka kheyr badan kun bilood.

Waxaan nafteyda iyo dadka Muslimiinta kula talinayaa inaysan noqon Bil caabudayaal oo ey Allaah goor walba caabudaan, Allaah wuxuu Qur'aanka ku yiri "ILAAH caabuda ilaa geerida idiin kaga timaado".

Soonka inta lagu jiro waxaan iska ilaalinaa inaan waxa xun aragno ee xaaraanta ah, dhageysano xanta iyo wax ala wixii kale ee la xiriira sidaa daraadeed walaalayaal nooma aha xalaal marka Soonka laga baxo ee aan ku dadaalno sidii aan u sii wadi laheyn.

Arintaa iyada ah Nabigu (S.A.W) wuxuu ka yiri "ALAAH KA CABSO MEEL KASTA AAD JOOGTID" xumaantana wanaag raaci iyadaa tireysee, dadkana kula dhaqan akhlaaq wanaagsan.

Walaalayaal hadaba sida axaadiista ku cad in aragti lagu Soomo laguna afuro bisha Ramadaan ama lakaamilyeelo 30 casho, wadamada aan ku kala nool nahay waxaa ka dhacda in jaaliyadaha Muslimiinta ah ay kala Soomaan ama ay kala Ciidaan marka anigoo arintaa ka gaabsanaya ayaan waxaan idin lee yahay RAMADAAN KARIIM.

BOGGA 3AAD xayaysiin Anglefire Free Email
BOGGA QUBANAHA
Ra'iisal Wasaarihii Malaysia oo Ku-xigeen Magacaabay

Abdullah Ahmed Badawi
Ra'iisalwasaaraha dalkaasi Malaysia Dr. Mahather Mohamed ayaa wuxuu toddobaadkan magacaabay ku xigeenkiisii.
Dr Mahather waa gudddoomiyaha Xisbiga UMNO ee dalka Malaysia xukuma, xisbigaasi wuxuu leeyahay saddex guddoomiye ku xigeen, hase ahaatee, waxaa Dr Mahather in badan laga sugayay in uu magacaabo ninkii Ra'iisal wasaare noqonlahaa haddii uu asigu meesha ka dego.
Dr Mahather wuxuu xilkii ka xuubshay oo xabsi u diray kuxigeenkiisii hore Mr Anwar Ibraahiim dabayaaqadii sanadkii la soo dhaafay,
asiga oo ku soo eedeeyay in uu ku kacay arrimo akhlaaq xumo ah.
Mr Anwar wuu inkiray dhammaan arrimahaas lagu soo eedeeyay.
Toddobaadkan gudihiisa ayaa DR Mahather isbedello xoog leh ku sameeyay dowladdiisa wuxuuna u magacaabay Wasiirkii Arrimaha Dibadda Cabdullaahi Axmad Badawi Ra'iisal wasaare ku-xigeen.

Waxaa kale oo jagooyinkoodii wax laga bedelay, wasiirkii gaashaandhigga oo loo dhiibay arimaha dibadda iyo lataliyihii ra'iisal wasaaraha oo laga dhigay wasiirka dhaqaalaha, iyo kuxigeenkii wasiirka dhaqaalaha oo loo dhiibay wasaaradda gaashaandhigga, iyo isbedello kale oo yaryar sida casilidda taliyihii booliiska, kadib markii ay caddaatay in uu ka masuul ahaa dilkii Mr Anwar Ibraahiim intii uu xabsiga ku jiray.

Dalkaasi Sierra Leone oo Jabhaddii Qabsatay
Jabhad u dagaallamaysay in ay qabsato xukunka dalkaasi Sierra Leone, ayaa waxay khamiistii la soo dhaafay sheegatay in ay qabsatay magaala madaxdii dalkaas, halkaana ay ku joojisay xukunkii madaxwaynihii hore ee dalka Axmad Tejah Kabbah.
Gibril Massaquoi, oo u hadlay jabhadda meesha qabsatay, ayaa wuxuu sheegay

Ahmad Tejah Kabbah

in jabhaddiisa iyo ciidamada qalabka sida ee dalku la wereegeen maamulkii dalka.
Madaxwaynihii hore iyo ciidamo nabad ilaalin oo ka socday wadama afrika qaar ka mid ah ayaa waxay wali degganyihiin dhinaca eriborka.
Madaxwayne Kabbah waa nin la soo doortay hadda ka hor ayaana jabhaddu ka cayrisay dalka, waxaana caawiyay wadamo afrikaan ah oo ay horjoogtay koofur afrika, dabadeedna dalkii ayaa dib loogu soo celshay.

Intaa kadib waxaa soo xoogaystay jabhaddii dalka laga cayrshay ayaga oo sida la sheegayo kasoo shidaal qaatay dalkaasi layberiya.

Nin Gacan loogu deeqay lagu tallaalay
Nin 48 jir ah oo u dhashay dalkaasi Newzeland, ayaa dhaqaatiirtu ku guulaysteen in ay gacantiisii dib ugu soo celshaan, kadib markii ay ku tallaaleen gacan nin dhintay ugu deeqay ninkaas.

Mr Clint Hallam oo aabbe u ah afar carruur ah, wuxuu gacantiisii midig waayay 14 sano ka hor, kadib markii uu ashiddanti galay ee gacantaasi ka go'day, dhaqaatiirtu runtii markii ninkaa gacantu ka go'day waxay isku dayeen in ay dib ugu tolaan.

Hase ahaatee, nasiib darro, gacantii markii lagu tolay way bukatay waxaana lagama maarmaan noqotay in xusulka laga gooyo.
Intaa kadib Mr Clint wuxuu noqday "gacameey" asiga oo xaalkiisu sidaa yahay ayaa loogu deegay gacan uu lahaa nin dhintay, dabadeedna shan dhaqtar oo caalami ah ayaa qalliin socday 12 saacadood.

Dhaqaatiirtaas oo qalliinka ku samaysay Isbitaal ku yaalla dalkaasi Faransiiska waxay sheegeen in uu ahaa qalliin aad u wanaagsan, guulna laga gaaray.

Marka tolow, malaga yaabaa in muddo dhaw la furo dukaamo laga iibsado xubnaha dadka si dadku isaga bedelaan xubnaha ka go'a ama ka xumaada, ama xitaa ka duqooba?!

Nin toogasho lagu xukumay oo filim (Sex) ah fiirsaday
Dalkaasi Filipin, nin lagu soo eedeeyay in uu kufsaday carruur dabadeedna toogasho lagu xukumay, ayaa maalmihii ugu dambaysay noloshiisa wuxuu xabsiga dhexdiisa ku daawaday cajalado (sex) ah.

Ninkaas oo ahaa shaqaalaha aqallada rinjiyeeya, waxaa lagu soo eedeeyay in uu faraxumeeyay gabar ay dhashay naagtiisu, dabadeedna maxkamad ayaa waxay ku xukuntay dil toogasho ah.

Waxaa wararku sheegayayaan in uu ninkaasi yahay, qofkii ugu horreeyaay ee dalkaas lagu toogto ilaa iyo muddo hadda laga joogo 23 sano.

BOGGA 4AAD xayaysiin
BOGGA DOODDA IYO CILMI BAARISTA
SOMALIDA MAANTA IYO AFSOMALIGA

Waa daraaso cusub oo uu qoraagu ku falaanqaynayo, "habka ay soomaalidu -ha ahaato midda soomaaliya ku nool ama midda qurbaha ku noole- ay afafka somaliga & Ingiriiska) u adeegsato, iyo sida arrintaasi u saamaysay fikirka soomaalida maanta.
Waxaa inoo soo qoray daraasadan:

Ibraahim Yusuf
Skogsrundan 34A, 691 43 Karlskoga, Sweden.
Tel. 586 393 74

Qaybtii 4aad:
Afsoomaaliga iyo Soomaalida Internet-ka adeegsata
Mushkiladaha kale ee af soomaaliga haysta waxaa ka mid ah, dadka internet-ka ku dooda oo iyaga oo af soomaaliga wada yaqaan haddana ingiriisi ku dooda.

Taasi waxay dhaawac iyo curyaamin ku tahay afka hooyo, waxayna majare habaabinaysaa dhallaanka soomaaliyeed ee qurbaha oo internet-ku u noqon lahaa il aqooneed iyo meel ay af soomaaliga ku bartaan.

Waxaad kale oo arkaysaa, wargeyso soomaalida loogu talo galay oo haddana af qalaad ku qoran, ammaba ugu yaraan magacoodu af qalaad yahay, sida ”Somaliapress”, ”Jamhuuriya” iwm.

Wargeyskan aan immika hor fadhiyo qudhiisa magaciisa soomaaliga ah (Codka Soomaalida Cusub) waxaa ugu mataanaysan mid ingiriisi ah (A Weekly Somali electronic Journal). Waxaas oo dhan waxaa u sabab ah wacyi iyo aqoon la’aan inagu yuururta oo keentay in ay wax waliba iska keen dardarsamaan.

Waxay kale oo muujinaysaa dareen liidnimo iyo hoosayn ah oo inagu jira, oo ah in aynu xaqirro afkeenna iyo jiritaankeenna, isla markaana buunbuunino, qaddarinno, qalad ka fahamno si xunna ugu dhaqanno afafka shisheeyaha.

Ingiriisiga oo maskaxda la innagaga gumeystey, sida ummado kale oo badanba loogaga gumeystey, iyo carabiga oo ay beryahan dambe duufaantiisu si xoog leh inoo gilgilayso, diintana loogu soo dhuuntay.

Ugu dambayn, waxaan naftayda iyo walaalahayga soomaaliyeed oo dhan kula talinayaa, in laga digtoonaado kalsooni xumada dhan walba ah ee faceennan maanta ka muuqata, taas oo aynu aad ugaga duwannahay soomaalidii hore.

Inkasta oo ay dadkaa hore inaga waxbarasho iyo waayo aragnimabna yaraayeen haddana inaga kalsooni badnaa, aadna isula weynaa, taas oo ahayd mid ay shisheeyuhu u qireen.
Dhibaatooyinka Somaaliya Maxaa xal u ah?
Waxaa Qoray:
Ibrahim Moallim Mursal
[Allah Ummad kama baddalo waxa ay ku sugan tahay; Ilaa ay wax ka baddasho nafteeda waxa ku sugan]
Dheriga guntiisa ma soo taabanay?
Wixii intaa ka dambeyay burbur iyo halaag u tiri. "Kabtaydii aaway, ushaydii aaway" ma ka dhacday!
Talo fara ma ka baxday! Allow xaggeebaynu u ciirsanaa arintu ma gaartay! Khariidadii Somalia cad cad ma loo kala jeexday! Bal, hadda wax kale ma harine, aan baadi goobno aaladaha "mechanism" jira oo loo isticmaali karo in Somalia dib u soo noolaato.

Horta yaan sugaynaa oo hogtan aynu ku dhacnay inaga saari doona? Kolley cid kastoo lala kaashadaba arinta Somaali uun baa laga sugayaa.
Marka haddii aynu kala qaad qaadno Soomaali waxaa inoo soo bixi kara:

1. Shacbi weynaha:
Shacbi weynaha oo musiibada ku habsatay oo la’ meel uu u ciirsado, jaha wareer iyo kala qax ku dhacay, ha joogeen dalka gudihiisa am dibbadiisaba.

Waa inta ugu tirada badan ee ummadda ee lagu qiyaasi karo 75-85%. Waxayna u indha taagayaanne cid gacanta qabsata ee ka saarta gudcurka iyo argagaxa ay ku nool yihiin.

Runtii ma jirto cid kale ee waxay ka dhur sugayaan waa uun qabqablayaasha dalka hadba meel kula orda. Illeen waa kuwa indha la' In sideed sano ka badan ayaa dalka iyo shacbiga iyaga u af-duuban yihiin.

Waxaa la oran karaa kuwaasi horay ayay u gubteen oo loogama fadhiyo inay afkaar cusub oo lagu dhurowo keenaane armaa loo ciirsadaa aqoon yahannada, culumma’ uddiinka amase Odayaashii bulshada. Haddaba intaasi aan kala qaad qaadno.    [Waa socotaa...]  

MADAXWAYNE HA LAYGA DHIGO!

    Faahfaahin ku saabsan kitaabkan
    Cinwaanka: Madaxwayne ha layga dhigo!
    Mowduuca: Waa kitaab afsoomaali ku qoran oo ka hadlaya sida qola kasta oo ka mid ah qabiilooyinka soomaalidu ay isugu dayday in ay madaxwayne dalka u noqdaan.
    Qoraaga: Qaasim Hersi Farah(Duullaanjecel)
* F.G:
Waxaa farxad wayn inoo ah, in aan halkan ugu soo gudbinno aqristayaasha, Kitaab Cusub oo aan hooray uga ballan qaadnay, kaas oo ah, Madaxwayne ha layga dhigo, uuna qoray abwaankii qalinka dheeraa ee aad horay u aqrisateen kitaabkiisii "Horta Yaa Dunida Fasahaadiya", Qaasim Xersi Faarax -Duullaan Jece.

Waxaa loo baahnaa in aan arrintan idinku baraarujiyo toddobaadkii hore, hase yeeshee, horaa loo yiri: "hafyo hadal kuma jirto" marka maqaalkii aan fidinnay toddobaadkii la soo dhaafay ayaa kitaabka billawgiisa ahaa.

Arrinta labaad ee aan doonayo in aan aqristayaasha ku baraarujiyo waa, in kitaabkani ka hadlayo arrimo aad u xasaasi ah, kuwaas oo si toos ah u taabanaya Qabiilooyinka soomaalidda, hadaba, waxaan aqristayaasha ka codsanaynaa, in ay isqaboojiyaan haddii ay arkaan wax ka caraysiiya, figraddoodana ay si hufan u soo dhiibtaan, haddii ay doonayaan ayaga oo aan caytamin.

Caytanka iyo aflagaadadu cilmiga iyo aqoonta iyo xigmadda meelna kama soo galaan, sidaa darteed fadlan qofkii aanuu cajebin warka kitaabkan ku qoran, aragtidiisa ha soo qoro, dabadeedna ha iisoo diro, aniga ayaa ku fidinaya isla meeshan lafteedae. (Hersi Labagarre).

Keenee gar daran?
Majeerteen: Nimanyohow waxaa la yiri; caada la gooyaa cara allay leedahay, caalim taladiisoo la diidana taraan turo ma hurto, haddaan ninaan talin jirin taliyana nimaam tagi jirin baa taga.

Waxaannu nahay dadka Soomaali ugu tacliinta badan uguna ilbaxnimada dheer, Soomaali ma aqoon xukun iyo maamul aanaan angu wadin, SYL kuwii dalka xoreeyeyna innaga unbay ahaayeen, waxaan hagaajina mooyee waxaan hallaynana lama arag, waxaase naxdin lama filaan ah noqotay markii inta nala ka boobay xilkii aan sharafta ku haynay nala xumeeyey halkii naloo kaga kaalmayn lahaa gudashada xilkaas aan ummadda u hayanay.

Waxaase taasoo dhan ka sii daran anaga oo ahayn mucaarad ku kaca ina Siyad Barre kuwii ugu horeeyey uguna awoodda badnaa ee taba baray mucaaradadii ka dambeeyey oo dhan ayaa halkii la rabay in nala ku sharfo taliska nala ku gubay guri kastoo aan ku jirnay sida Gaalkacyo, Kismayo iyo Xamar siiba C/casiis.Haddaba, war miyeynan ahayn in lana ku qanciyo madaxweynenimo.

Mareexaan: Soomaali weyney ma arintu ahayd ninkii taliya qoladiisaa talisa, mise arintu ahayd nin walba wuxuu galabsado ha laga gudo?.

Hadday tahay ninkii taliya reerkiisaa taliya; Anagay ahaayeen kuwii Soomaali magac iyo sharaf u yeelay gude iyo dibadba, kana dhisay dhan walba hadday tahay xag ilbaxnimo iyo h/mar dhaqaalaba, waxaanan ku baaqnay sinaan iyo cadaalad cid walba gaarta oon horay loo arag.

Waxaan duugnay qabyaaladdii, waxaan qornay Afkii hooyo, waxaan ka dhignay wadanka mid qiima ka leh sokeeyaha iyo shisheeyahaba agtooda, wuxuu wadanku gaaray inuu helo quwada ugu saraysa Afrika isagoon weli qaan gaarin.

Waxaan ku guulaysanay barnaamijyo badan oo mira dhalay sida; dejintii danwadaagaha, garaash boora garaam, (crash programs), iskaa wax uqabso, Aasiddii qabyaaladda, iyo malaayiin kale oo wada malab ah, waxaana u daliil ah taas waxa dhacay dabadeed.

Haddayse arintu tahay waxaa amaanan ama eedaysan dawladdii talinaysay, anagu waxaan ahayn cidda ugu dulman uguna dullaysan dalka waxaana kuu daliil ah deegaankeena iyo dadkeena oo maanta weli ku jooga halkay somalida kale ku joogeen 69 kii, eeg; (Muslin iyo Marexan).

Taa waxaa inoo wehliya, in ay Soomaaliyoo dhami isugu kaaya tagtay, bal eeg markii naloo kugu tashaday gurigii Djabuti sannadkii 1991 kii, oo bal car sheega qabiil aan nala dagaallamin iyo sanad keliya oo aan dagaal ka nasanay.
War bal qoodhiin iyo xeradiin miyeysan gar ahayn in maanta nala ku maslaxeeyo madaxweynenimo.     Waa socotaa...

BOGGA 5AAD xayaysiin
DIINTA ISLAAMKA
KITAABKA TAWXIIDKA

    Faahfaahin ku saabsan Kitaabkan:
    1.Cinwaanka: Kitaabka Towxiidka(121 Bog)
    2. Mowduuca: Tawxiidka.
    3. Qoraaga: Sheekh Maxamad bin Cabdil wahhab.
    4. Waxaa soomaaliyeeyay: Hersi M. Labagarre
    5. Qiimaha: (US$ 10.00) oo aan boostadu ku jirin.

CASHARKA 27AAD
WAXYAABIHII KU SOO AROORAY SIXIRFURKA

Jaabbir waxaa laga soo weriyay in Nabiga nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee, laga warsaday sixir-furka, kolkaas buu yiri" Waxay ka midtahay falka shay-daanka"{Axmad, Abuu Daa'uud}. Wuxuu yiri: Axmad ayaa la waydiiyay arrintaa, kolkaas buu yiri: Ibnu Mascuud waxyaabahaa oo dhan wuu necbaa.

Bukhaarina waxaa Qataada looga soo weriyay"Waxaan Ibn Musayib ku iri: Nin jinni hayo ama naagtiisa laga jeedshay, ma la furdaaminayaa ama la sixirfurayaa?: Wuxuu yiri: waxba kuma jabna, maxaa yeelay wax wanaajin uun bay ku doonayaan, wixii wax anfacayana lama diidin".

Xasanna waxaa laga soo weriyay in uu yiri:"Sixir ma furo qof aan sixirrow ahayn".
Ibnul Qayim wuxuu yiri: Sixirfurku, waa in sixirka laga furdaamiyo qofka sixran, waana laba jaad:
Midkood waa in sixir kale lagu furdaamiyo, waana kaas midka falka shaydaanka ka mid ah, hadalka Xasan yirina kaas baa looga jeedaa, maxaa wacay kan furdaaminaya iyo kan laga furdaaminayo ayaa shaydaanka ugu dhawaanaya wixii uu jecelyahay, kolkaas baa falkiisu ka burayaa qofka la sixray.
Kan labaadna, waa in lagu furdaamiyo tufta iyo cawdibillaysiga iyo daawooyinka iyo ducooyinka bannaan, kaasina wuu bannaanyahay.

MAS'ALOOYINKA CASHARKA
Tan 1aad: Waa in la diiday sixirfurka (iyo Jinni furka iwm).
Tan 2aad: Waa in la kala saaray waxyaabaha la ogolyahay in lagu sixir furo iyo waxyaabaha la diidayo si qaladka loo saaro.

BOGGA 6AAD xayaysiin
BOGGA DHALLINYARADA
SHEEKADII KALIILA IYO DIMNA
Faahfaahin ku saabsan Kitaabkan:
1.Cinwaanka: Kaliila iyo Dimna(119 Bog).
2. Mowduuca: Murti facwayn iyo sheekooyin qosol badan.
3. Qoraaga: Cabdullaahi bin al-Muqafac.
4.Waxaa soomaaliyeeyay: Hersi M. Labagarre
5. Qiimaha: (US$ 10.00) oo aan boostadu ku jirin.
Qaybtii: 22aad
LIBAAXII IYO DIBIGII
Kadibna Kaliila iyo Dimna way baxeen si ay goobjoog uga noqdaan dagaalka libaaxa iyo dibiga oo u eegaan waxa ka dhexdhicidoona, arrintoodu waxa ay ku dambayn doontana u ogaadaan.

Shitriba wuu yimid, libaaxii buu ugalay, wuxuu arkay in uu u kadankoodo sidii Dimna ugu sheegay, markaas buu yiri; boqorka wadaygiis abeeso wadaygeed mooyee wax kale ma aha, taas oo gurigiisa iyo gogoshiisa ku jirta mar ay ku soo kacaysana uusan ogayn.

Kadibna libaaxii baa soo eegay xaggii dibiga, oo arkay astaamihii Dimna uga sheegay, kamana labalabayn in uu dagaal ugu yimid ee wuu ku booday, oo dagaal baa ka dhex dhashay oo hardankii dibiga iyo libaaxu wuu kululaaday, wuuna dheeraaday oo dhiig baa ku daatay.

Markii Kaliila arkay waxa libaaxa qabsaday ayuu Dimna ku yiri; boqor waa raggiisa badina waa hirkeeda, waanada iyo ababinta aan kuu galayna ma aha wax kale ee waa sidii ninku ugu yiri shimbirka; wax aan toosayn in aad toosido ha isku deyin, wax aan tababarmaynna in aad tababarto ha isku deyin. Dimna: oo taasi sidee bay ahayd?.     (Waa socotaa...)

BOGGA 7AAD xayaysiin
HIDDAHA, DHAQANKA, SUUGAANTA IYO AFKA SOMALIDA
Abwaankii Saarka Soomaalyeed
Carays Ciise Kaarshe Allaha u naxariistee
ha' looxaa lagu dhigaa.
hingaad waa la aqriyaa.
hagaag waa loo socdaa.
hor waa loo sii hoydaa.
hadal waa la hindisaa.
ha'dii kale waxan lahaa.

abaar adigoo ku horan.
habeenguul dhaanku yahay.
hadduu kuu baxo hillaac.
hayiinka intaadan qaban.
horteed baa la hormarshaa.
howl kama daalooyinow.
ciddii wali waa hayaan
ha'dii kale waxan lahaa.
xornimadeennaa habboon.
waagii loo soo halgamay.
raggii dhaafsaday hunguro.
gaalada hiilka u ahaa.
haddeeyan maanta hayn.
haqii loo dabasocdaa.
allaylehe waa hagaag.
ha'dii kale waxan lahaa.

tallaabaa la holliyaye.
hagaag reerku uma degin.
hogadi baa lagu jiraa.
howl kama daalooyinow.
ciddii wali waa hayaan.
ha'dii kale waxan lahaa.

MACMACAANKA MURTIDA SOOMAALIYEED

Faahfaahin ku saabsan Kitaabkan:
1. Cinwaanka: Macmacaanka Murtida Soomaaliyeed.
2. Mowduuca: Murti iyo Maahmaahyo Soomaaliyeed.
3. Qoraaga: Hersi M. Labagarre
4. Qiimaha: (US$10.00) oo aan boostadu ku jirin.

Qaybtii 10aad
101. Doqoni hafranyo iskama reebto.
102. Dad wax yar tare mooyee wax ma tare ma laha.
103. Dardaaran cawaysin kallahaad arooryuu leeyahay.
104. Dixrigu dantiisuu qurunka ugu jiraa.
105. Dumaal nin ka xishoodaa kama ilma dhalo. 106. Durdura waxarood xanan bay kula gashaa.
107. Dibi hooya xumi korme ma noqdo.
108. Deriskaa kumana caddeeyo kumana madoobeeyo ee siduu yahay buu kaa dhigaa.
109. Dameeraleey dad ku xeer ma aha.
110. Durduro geel baa ku jabay.

BOGGA 8AAD xayaysiin
IIDHEH IYO OGAYSIIS

B  A  A  F  I  N

Waxaa la baafinayaa Maxamad Muuse Cartan oo ku magac dheeraa Qaaje, uguna wardambaysay 1985kii markaas oo uu joogay magaalada Toronto ee Canada.

Waxaa baafinaya Jaamac Maxamad Faarax (Jawaali) oo jooga waddanka Finland. Fadlan haddii uu helo baafinta ama ay hesho cid taqaan, ha la soo xiriiraan Jaamac Jawaali Tel: 358-400-774345

B  A  A  F  I  N

Waxaa warkiisa la doonayaa, CABDIWAHAAB SHIRE CISMAAN "GAALA ERI", oo la la'yahay muddo 13 sano ah, markii ugu wardambaysana joogay dalkaasi Maraykanka magaalada Oklahoma.

Cabdiwahaab, waxaa warkiisa doonaya Siad Abshir, hadaba ciddii wax war ah ka haysa waxaan ka codsanaynaa in ay inala soo xiriirto ama si toos ah ula xiriirto Siad Abshir oo laga helo (adan2001@hotmail.com)

Please support Somali Electronic Journal
Programmed, Developed and Written by Hersi M. Labagarre
"DHAMMAAN MAQAALADAHA WARGAYSKAN KU SOO BAXA WAXAY U TAAGANYIHIIN ARAGTIDA QORAAGA EE UMA TAAGNA UJEEDDADA WARGAYSKA"

DHAMMAAN XUQUUQDA DAABACAADDU WAY DHOWRANTAHAY

Copyright 1998 - Labagarre - All rights reserved.
Nala soo xiriir
booqo csc H. page
Saxiix B. Martida
Codso wargayska sej
Dhiibo Aragtidaada
Aqarso B. Martida
Xayaysiin
Bogaadin
Somali Forum
Free Email
Free Guest Book
Free Home Page