Site hosted by Angelfire.com: Build your free website today!

MUUQAALKII GUUD IYO JAWIGII CASHO SHARAFEEDKII LAGU SOO DHOWEYNAYEY MADAXWEYNAHA IYO WEFTIGIISA 17th MARCH 2004

SDWO(London 18th March 04) Waxa habeenkii xalay ahayd ka dib markii laga dareeray banaanbaxii weynaa ee ka dhacay badhtamaha magaalada London ee ka soo horjeedka Baarlamanka dalkan Britain, ayaa waxa weftigii uu hogaaminayey madaxweyne Riyaale u baqooleen inay ka qabyqataa casho sharafeed si heer sare ah loo soo abaabulay oo lagu qabtay hotelka caanka ah ee la yidhaah The Land Mark taasi oo macnaha ka danbeeyayna ahayd in lagu soo dhoweeyo madaxweynaha Somaliland dalkan Britain isla markaasna ahayd in loogu mahadnaqo gudidii baarlamanka Britain ee booqday somaliland bishii January ka dibna isku soo duba riday doodii qiimaha weyn lahayd ee barlamanka ingiriiska lagaga dooday qadiyada Somaliland bishii February 4dii.

Cashadan waxa ka soo qayb galay Weftighii uu hogaaminayey Madaxweyne Mudane Riyaale, xubnahii Barlamanka ingiriiska,mudane ka socday baarlamanka dalka Sweden, Saaxiibada kale ee Somaliland oo ajaanib ah xubno ka kala socday sedexda xisibi siyaasadeed ee Somaliland  iyo marti sharaf kale oo reer somaliland ah oo si gaara loogu soo casuumay xafaladaas qiimaha badnayd.

Xafaladaas oo hadlo aad u qiimo badan ay ka jeediyeen xubno ka kala socday barlamanka Britain iyo Sweden, Prof. Lewis, wasiirka arimaha dibada ee Somaliland Marwo Adna Aadan, Cismaan Axmed Xasan - wakiilka somaliland ee UK, Cabdifatax Siciid Axmed iyo Xasan maygaag oo ayadahii furitaanka quraanka ka bacdi duco yar halkaas ka akhriyey, hadaladaas oo dhamaantood halmeel ku wada aroorayey kuna saabsanaa gooni isutaaga somaliland iyo horumarka ay ku talaabsatay.

Ka dibna waxa loo dhaqaaqay cashadii halkaas loogu talo galay martisharaftii halkaas iskugu timid, oo dhamaantood wejiyadood faraxadii banaanbaxii maantu ku sii dheehnayd.

SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISTION - NEWS PAGE