Site hosted by Angelfire.com: Build your free website today!

 

Gabay cusub oo ku saabsan habka casirga ah ee hada loo haasaawo ama dad dhul dheer kala joogaa u sheekaystaan ama u doodaan ee loo yaqaan Paltalk (Chatline)

 

Tixdan la magac baxday Casri waliba yaab lehe waxa tiriyey Cabdilaahi Sogob oo jooga dalka qadar.  tixdani waxay sifaynaysaa qaayb netka ka mid ah oo la yidhaahdo Paltalk oo raad badan ku yeelatay nolosha dad badan oo soomaaliyeed. Waa qayb lagu sheekaysan karo cod, qoraal iyo muuqaalba.  Waxa laga hadala waxyaalo aad u kala duwan oo la jaan qaadaya aqoonta dadka ee kala duwan. Erayo af-somaali ah ayaa kusoo caan baxay qaybtan sida luuq, fuq, iyo qaar kaloo badan.

Kusoo dhawoow gabayga.

 

Meel aan barkimo qaadin, oo boqol ku haasowdo

Oo sida hudheel baaxad wayn, la iskusoo booqdo

Oo baashiraad iyo sallaan, lagula boobaayo

Nin bartaana kaba baaqsankarin, baloow adigaale

 

Hadba hadalka baabkii furma, eey bogasho kuu hayso

Inaad gacanta kor u baacisaa, laga bilaabaaye

Safka lagama boodee waxaad, kor u baqooshaaba

Halkaad beegsanaysiyo markaad, baarka sare gaadho

Waa loo badheedhaa halkii, kula balaadhnayde

Dumarkaaabay qaar baaanisaha, barro nadhaafeene

Barashada sinaantiyo xornimo, paaloow adigaale

 

Hadaad qolo bayaankeeda, iyo baaqa garan waydo

Biyo diidku wuu furanyahee, adiga oon buuqin

Baabuurna adigoon kaxayn, bacadna dheemaalin

Qol kalaabad uga siibaxdaa, paloow adigaale

 

Bilis xaawalay iyo rag, waa kalama baydhaane

Cidlo lagama beermeen, hadii layska baal maro’e

Carmal baashaheedii wacnaa, boogi kala gaadhay

Oo beenta way necebtahee, barasho waayeele

Iyo qaar sidii geenyo ba’an, weli yar buubaala

Iyo qaar haduun baaluqoo, sheeko baranaaya

Gidigood rag waw baahanyee, paloow adigaale

 

Ragga qaar caruur badatay, iyo beel u talinaaya

Oo baddaha waawayn in badan, lacag ka baadhaayay

Iyo qaar haduun soo baxoo, barka fidhanaaya

Bartan aay kawada doodayaan, paloow adigaale

 

Qaar baadigoobkii cilmiga, wada bidaaraystay

Oo maadadii ay barteen, Boon ka dhaga haatan

Iyo qaar ba’daba aan aqoon, alufna aan koowsan

Meel aan lakala buug sarayn, paloow adigaale

 

Bidhaantiisa ruux aanad arag, baydna kula joogin

Ood dunida baasheeda kale, uga balwaynaayso

Boholyoowna kugu reebikaara, paalow adigaale

 

Bigta kamarada iyo luuqa, waa la isku baadhaaye

Nin waliba siduu doorbidaa, wow banaantahaye

Arimaha badh waan qarinayaa, paaloow adigaale

 

 

Cabdilahi sogob

 

Sogob70@hotmail.com

 

SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISTION - NEWS PAGE