Site hosted by Angelfire.com: Build your free website today!

Click Here- DISCUSSION - DOOD FURAN - KA DHIIBO FIGRADAADA 

Madaxweyne Riyaale oo jaaliyada Norway ugu balanqaaday inuu golahiisa wasiirada soo koobidoono oo uu isbedel dhakhso ah ku samayndoono

Depression is increase in Somalis  - Do you know What causes depression?

SDWO (Norway) Madaxweynaha JLS Mudane Daahir Riyaale Kaahin oo tan iyo wiigii hore booqasho ku joogay qaarada yurub siiba dalalka Norway iyo Jarmalka ayaa maalintii sabtidii 17ka bishan December wuxuu madaxweynahu la kulmay jaaliyada Somaliland ee ku dhaqan dalka Norway iyo dad ka yimid dalalka ku dhowdhow Norway .  

USEFUL LINKS                   Depression is increase in Somalis History of  Somaliland            UK Immigrations - Somalia     Diabetes -Health  

                                          Somali & East African Music         UK Entery Visa      Money        Quran Download    Sports   

English football - Premiership      Computer Crime  

American Green Card        

The Mad Mullah who shamed us in Somaliland 

Madaxweyne Riyaale wuxu halkaas ka jeediyey qudbad kooban isagoo ka cudurdaartay inaanu qudbad dheer jeedindoonin, qudbadiisii u danbaysayna ay ahayd tii uu ka jeediyey maalintii furitaanka barlamanka JSL isla markaasna uu yidhi waad wada aragteen baan filayaa ama wada maqasheen qudbadaasi sababtoo ah aduunkan aan hada ku noolnahay waa tuulo wada degan, isagoo uga jeeda qalabka isgaadhsiinta ee horumaray sida internetka.  

 

Hadaba isagoo Madaxweyne Riyaale ka hadlaya inuu dhiso dowlad kooban oo tayo leh, wuxuu yidhi waan ku talo jiraa inaan dowladayda soo koobo,  laakiin ma laga tegayaa reerkayagii maxaa wasiirkii uu lahaa looga qaaday,   Wuxuu yidhi way iga go,antahay inaan arintaas ku dhaqaaqo, in badan baan ka warwareegay laakiin arimo badan oo kalaba waan ku diiraday waanan ku dhiiranayaa inaan talaabadan qaado hadii ilaahay yidhaahdo.  

Madaxweynaha balanqaadyada kale ee uu halkaas kaga dhawaaqay waxa ka mid ahayd isagoo yidhi dowladaydu waxay awooda badan saari jirtay xaga siyaasada hada se awooda koowaad waxaan saarayaa xaga dhaqaalaha iyo hurmarka dalka.  

Hadaba waxa la dhawraabaa waa marka uu madaxweynahu ku laabto dalkii iyo waxa uu ka oofiyo balanqaadyadan uu qaaday reer Norway iyadii oo jaaliyadii uu qudbada u jeedinayey ay aad ugu riyaaqday oo sacab badanina u dhacay madaxweynaha.  Qudubad tanoo kale ah ayuu madaxweyne Riyaale ka jeediyay sanadkii 2003 magaalada London oo ay jaaliyada laba kun oo qof ku dhow ay dhegaysanayeen qudbadiisa balanqaadyo badana kaga tegay hase yeeshee aan waxba ka fulin,   dadka siyaasada odorosa ayaa iyagu il gaara ku eegaya balanqadyadan cusub ee madaxweyne Riyaale sida ay waxa uga fulikaraan. Iyagoo dhanka kalana eegaya barlamanka cusub ee la soo doortay oo cadeeyay inay iyagu ka turjumidoonaan rabitaanka shacbiga ee iyaga soo doortay sidaas darteedna la filayo inuu madaxweyne  Riyaale uu la samaysto xidhiidh wadashaqayn oo uu fiican si uu uga helo baarlamanka cusub oo isbedel degdeg ah samayndoono.

SDWO News Desk
SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISTION - NEWS PAGE