Site hosted by Angelfire.com: Build your free website today!

PRESS RELEASE

 Werwerka iyo Walaaca ay shacbigu ka qabaan guushii doorashadii sida nabadgelyada ah ku dhacday inay curyaamiso ku dhawaaqid la,aanta go,aanka doroashada

SDWO.COM -  Somaliland waxa ka dhacday doorasho aad iyo aad u qiimo badan oo aduunka oo dhan laga amaanay iyadii oo lagu tilmaamay inay ahayd doorasho aan caalamka oo dhan sidaas dhibta yar uga dhicin, amaantaasna waxa iska leh shacbiga Somaliland oo u dhabar adaygay iskuna raacay inay doorashadaasi si nabadgelyo ah uga qaybgalaan, runtiina riyadii shacbigu way u hirgashay mar hadii codeeyntii miyi iyo magaalaba ku dhamaatay guul. Inta hadhay waxa laga sugayaa gudida dooroshooyinkuna in si guul ah ku dhameeyaan. 

Hadaba waxa ay shacabigu aad uga werwer qabaan habka tirinta cododka iyo muranada ka taagan meelaha qaarkood sida la soo sheegayo Caynabo, Awdal iyo laba sanduuq oo ka tirsan Gebiley.   Waxa kale oo laga werwer qabaa faragalinta xad dhaafka ah ee masuuliyiin ka tirsan xukumadu ku hayaan hab socodka tirinta taasi oo aan ahayn hawl ay iyagu leyihiin isla markaana ah mid u taala muraqibiinta sadexda xisbi iyo komishanka iyo musharixiinta, hadba wixii qalad ka soo baxana ay iyagu kawada xaajoodaan sidaasna ugu soo gudbiyaan gidida doorashooyinka qaranka.  

Waxaad moodaa guushii ay gaadheen dadweynaha reer Somaliland ee ahayd u soo bixidii codaynta iyo nabad galyadii ay ku dhameeyeen in lagaga daba galgalanayow oo komishanka doorashooyinku kalintiisi gabay , gaabisna ka dhigay tirinta codadka oo lagu dhamaystiri kari lahaa muda yar oo gaaban oo aanu muran iyo isboobtoona ka dhasheen.  Waxa kale oo aad moodaa in gudiga ilaalinta anshax doorashadu ku eekaysiyay hawshiisi wakhatigii olalahu xidhmay lakiin aanay waxa talaabooyin ah qaadin mudadan lagu jiro tirinta oo ah mid xasaasiya muhiimna ay ahayd in la ilaaliyo anshaxa iyo asluubta goobaha lagu tirinayow codadka. 

Waxaanu soo jeedinaynaa in gudida dooroshooyinku ku dhawaaqaan natiijooyinka ka soo baxay goob kasta oo latiriyay iyada oo latix raacayo heshiiska muraaqbiintu wada saxeexeen ee laysla meeldhigay, maadaam oo ay muraaqqibiintu yihiin dadka sadexda xisbi iyo komishanku goobkasta u soo doorteen inaanay ka dhagaysan cidii soo jeedinaysa qalad aanay iyagu ku kala qaybsanayn iyaga oo kaliyin ahaadan cida lagala xisaabtamayow waxana laga weydiin karo wixii qalad ku kala dhex jira lakiin qof goobta aan joogin in lagala xaajoodaa waa qalad, inay talaabo ka qaadaan cidkasta oo ku kacda inay faragalin ku sameeyaan dadka loo igmaday tirinta codadka. 

Ugu danbaytii waxaanu leenahay yaan lamoodin in idhihii aduunku inaga jeesteen mar hadii codbixintii dhamaatay waxaad se ogaataan inay hawsha intii yarayd dhamaatay lakiin intii caalamku inooga fidhiyay hadhay, waa lacodayn karaa lakiin muhiimka xaqa iyo garsoorku waxa uu ku jiraa tirinta oo laga dhex dawan karo xornimada ay doorasho u dhacado lakiin hadii tiradu khalkhasho kushubasho iyo isboob yimaado waa barkuma taal codayntii dadku nabad galyada ku dhameeyeen.

Long Live Somaliland

Guled Cabdi Sheekhaash - Gudoomiye - SDWO

Axmed Maxamed Yusuf - Gudoomiye ku xigeen - SDWO

Mukhtar Axmed Sh. Adan - Xoghaya guud ee SDWO

SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISTION - NEWS PAGE