Site hosted by Angelfire.com: Build your free website today!

Press Release: Doorashadii Shirgudoonka  ee Golaha Wakiilada ee  Muranku ka dhashay iyo wuxuu dastuurku ka qabo

 Depression is increase in Somalis  - Do you know What causes depression?

(Press Release – Somaliland Democracy Watch Organisation) -  Markaanu eegnay qodobka 44aad ee Dastuurka Somaliland farqadiisa 3aad ee isugu yeedhida golaha cusub, Markaanu aad u rogrognay qodobka 45aad farqadiisa 2aad ee kooramka uu kalfadhi baarlamaan ku furmi karo, Markaanu ka baaraan degnay qodobka 45aad farqadiisa 4aad ee qeexaya dib u dhig gole fadhi baarlamaan, Ururka Somaliland Democracy Watch Organisation  wuxuu si buuxda u taageerayaa isla markaasna uu hanbalyaynayaa shirgudoonka cusub ee baarlamanka Somaliland  ee la doortay 29kii November 2005.

USEFUL LINKS                   Depression is increase in Somalis History of  Somaliland            UK Immigrations - Somalia        Diabetes -Health  

                                          Somali & East African Music         UK Entery Visa      Money             Quran Download    Sports            

English football - Premiership       Computer Crime                         

American Green Card                  

The Mad Mullah who shamed us in Somaliland 

Waxa hore loo yidhi hadalkoo mid ah laba lagama dhigo, Waxa meesha lagu muransanyahay maaha hebelbaa sidaas yidhi, waxa meesha yaala dastuurkii shacbigu ugu codeeyeen 97%,  Waxa haboon in lagu kala baxo oo xukuumaduna dhawrto dastuurka dalka,  Bal aan inyar ka iftiimino wuxuu dastuurku ka qabo habkii doorashada shirgudoonka cusubi ku dhacday.

 

Qodobka 44aad, firqadiisa 1aad waxay odhanaysaa: Golaha cusub waxa uu qabanayaa fadhigiisa ugu horreeya 30 (soddon) maalmood gudahood oo ka bilaabmaysa maalinta lagu dhawaaqo go'aamada doorashada; waxaana isugu yeedhaya Madaxweynaha Jamhuuriydda. Qodobkani si fiican baa loogu dhaqmay wax dhibina kamuu iman. 

Qodobka 44aad Firqadiisa 3aad waxay odhanaysaa: Golaha cusub waxaa furaya Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo dhaarinaya xubnaha. Markaa waxaa guddoominaya shirka xubinta ugu da'da weyn; waxaana Goluhu iska dhex dooranayaa Guddoomiyaha iyo laba Guddoomiye ku-xigeen:  Qodobkan inta dhaarinta Gudoomiyaha Maxkamada mooyee intiisii kale si badheedh ah baa loo baal maray, Qodobkani wuxu toos u qeexay in marka la doorto ninka ugu dadaweyn, isla markiiba la doorto shirgudoonka golaha cusub.  Dastuurku awood muu siin ninka golaha ugu dadaweyni inuu dib u dhigo fadhiga golaha , eeg qodobkan soo socda ee Dastuurka qaranku ku qeexayo sida dib loogu dhigi karo fadhi gole baarlamaan. 

Qodobka 45aad firqadiisa 4aad waxay odhanaysaa: Dib-u-dhigid fadhi wuxuu ku ansaxayaa aqlibiyad fudud (hal dheeri); waxaana dib loo dhigi karaa ugu badnaan toddoba (7) maalmood.   Su,aasha loo baahanyahay in laga jawaabo waxay tahay muxuu dastuurku siduu dhigayo  Mudane Ibraahin dhaadheere u raaciwaayey oo waakii golaha u soo jeediyay in fadhiga dib loo dhigo iyo inkale ee hadana  isagoon jawaabtii sugin ku dhawaaqay in shirku xidhanyahay oo albaabka uu uga booday.   Dhaadheere wuxuu meel kaga dhacay qodobkan 45aad firqadiisa 4aad waxana waajib ah in maxkamad lagu horgeeyo si loo dhaawro sharafta iyo awooda dastuurka isla markaasna wuxuu khalkhalgeliyey nabadgelyada dalkoo dhan, waxaanu dalka u soo jiiday sumcad xumo aad u balaadhan.  

Qodobka 45aad firqadiisa 2aad waxay odhanaysaa: Fadhiga Golaha Wakiiladu waxa uu ku furmi karaa marka ay joogaan kala badh in ka badani tirada uu golahu ka koobanyahy.  Maadaama aanu si dastuuriya ninkii ugu dadaweynaa aanu ku xidhin fadhigii golaha: fadhiga golahu wuu sii soconayaa maadaama ay isla markaasna fadhigii ku soo hadheen inkabadan kooramkii loo baahnaa isla markaasna ay dooran karaan shirgudoon sida uu dhigayo qodobkii dastuurka ee aan kor ku soo sheegnay. 

Hadaba waxa wax lalayaabo ah sababta xisbiga talada dalka haya ee UDUB uu ugu xadgudbayo dastuurka dalka maadaama ay ogyahiin in labada xisibi ee mucaaridku ay haystaan aqlabiyada baarlamanaka oo marwalba ay mucaaridku helayaan shirgudoonka golaha,  Waxaanu u soo jeedinaynaa Xukuumada inay aqbasho shirgudoonka cusub isla markaasna shacbiga ay ka raali geliso khalkhalka iyo jahaweeerka uu geliyay dastuurka sida badheedhka ah loogu tuntay. 

Wasiirka arimaha gudaha iyo taliyaha booliskana waxaanu ka waaninaynaa inaanay isku deyin in shacibiga ay xoog ku muquuniyaan oo aan ardayda la raasaasayn, oo aan saxaafada madaxbanaan qoriga dabadiisa lagu garaacin iyagoo meel iska taagan oo aan waxba galabsnin,  Shacbigu waxay hada taaganyahiin waxaan afweyne ka diidnay Udub ka yeelimaayno. 

Waxa iyadana wax aad loola yaabo ah amarka ay maxkamada sare soo saartay ee ay ku xaaraantimaysay inuu barlamanku kulmo.  Maxkamadu wax ku haboon inay dib u akhrisato dhawrkaas qodob ee aan kor ku soo qeexnay ee sida quruxda badan u qeexay habka uu barlamanka cusubi ku hawlgelyo, kuna amarto in xisibiga udub uu u hogaansamo awaamiirta uu dastuurku dhigayo..

Gebogebadii Shacabigana waxaan u soo jeedinaynaa inay dhawraan deganaanshaha iyo nabadgelyada, isla markaasna ay ilaaliyaan dastuurka, kana dhiidhiyaan ku xadgudubkiisa. 

Long Live Somaliland 

Guled Cabdi Sheekhaash – Gudoomiyaha SDWO

Axmed Maxamed Yusuf – Gudoomiye ku xigeen - SDWO

Mukhtar Axmed Sh. Adan – Xoghayaha ururka SDWO

SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISTION - NEWS PAGE