![]()
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, Mudane Qaybe oo caddeeyey inuu aaminsan yahay midnimada Soomaaliya
Somaliland.org (Hargeisa 3/1/05) Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland, mudane Axmed Maxamed Aadan (Qaybe) ayaa markii u horreysey caddeeyey inuu aaminsan yahay in la soo celiyo midnimadii Soomaaliya.
“Waan aaminsanahay midnimada Soomaaliya,” ayuu yidhi Mudane Qaybe oo lagu waraystay barnaamujka HAL-ADAYG ee Telefishanka Madaxa banana ee Somaliland, isaga oo ka jawaabayey su’aal ku saabsan ra’yiga ay dad badan oo reer Somaliland ahi ka qabaan mudane Qaybe oo ah inuu aaminsan yahay Soomaali weyn oo aanu daacad u ahayn Somaliland.
“Sideedaba midnimadu wax wanaagsan weeye, laakiin, waa inay caddaalad ku salaysan tahay,” ayuu raaciyey.
Waraysigaas oo ka baxay Telefishanka SLTV habeenkii Axaddu soo gelaysey, ayaa mudane Qaybe si saraaxi ah ugaga jawaabey su’aalo badan oo laga weydiiyey aragtidiisa siyaasadeed, xaaladda waqtigan Somaliland marayso iyo khilaafaadka ka taagan golihiisa ee ka dhashay xeerka loo diyaarinayo doorashada Golaha Wakiillada ee lagu wado inay qabsoonto dabayaaqada bisha March.
Isaga oo jawaabta su’aasha la xidhiidha mabda’iisa midnimada sii watana, waxa uu yidhi, “Mabda’iyan midnimadu waa wax wanaagsan, laakiin, “practical” ahaan waa inay caddaalad ku salaysnaataa”.
Mudane Qaybe oo la weydiiyey; Markaa guddoomiye, haddii dadku aqbalayaan in Soomaaliya lala midoobo mar kale, [adigu] waad ku talin lahayd?” Waxa uu yidhi,
“Anigu shakhsi baan ka ahay Somaliland, wixii ummadda Somaliland doorato ayaan ka mid ahay. Midnimo caddaalad ku dhisan oo shacbiga Somaliland qaato waxba kama qabo”.
Mudane Qaybe, waxa uu waraysigaa ku caddeeyey in haddii doorashada Golaha Wakiillada ee loo muddeeyey bisha 29 March ay qabsoomi kari weydo, isla markaana mudada loo kordhiyo golaha hadda fadhiya in aanu isagu kasii mid noqonayn golaha, marka mudada xilkiisu dhammaado bisha May.
Guddoomiyuhu waxa uu ka jawaabey su’aal la weydiiyey oo ahayd, “maadaama adiga oo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, aad sidaa u hadlayso [arrinta midnimada] miyaan la odhan karin raalli kama tihid in doorashadu si cadli ah dalka uga dhacdo? Waxana uu yidhi,
“Waxaan raalli ka ahay inay si caddaalad ah u dhacdo [doorashadu]”.
“Midna waan kuu sheegayaa,” ayuu yidhi Qaybe, “Haddii doorashadu wakhtigeedii ku dhici weydo oo la yidhaahdo Golaha Wakiillada waa loo kordhinayaa, aniga bisha May ee 2005 ayay igaga egtahay, xataa haddii Wakiillada loo kordhiyo”.
Guddoomiyaha Wakiillada, mudane Qaybe oo beryahanba la hadalhayey inuu socdaal ugu baxayo dibadda. Waxaana jira tuhun had iyo goor ka dhasha socdaaladiisa dibadda oo ay dadka qaar ku tilmaamaan inuu u baxo ama ka shaqeeyo hagardaamada Somaliland, isla markaana uu bixiyo xogo iyo tallooyin u adeegaya mabda’iisa midnimada Soomaaliya, kuna lid ah Somaliland. Balse, Qaybe, wuxuu wararkaas u beeniyey si cadho leh.
“Waxa jirtey wakhti aanan Somaliland aaminsanayn oo aan albaabo badan ka soo xidhay,” ayuu yidhi.
“Taana waxa igu kellifey dad sidaa u hadlaya. Cid Somaliland igu khasbaysaa ma jirto. Haddii aan doonayo inaan Somaliland ka hor imaaddo waan ka horimanayaa,” ayuu raaciyey.
Waxa uu sheegay in Maraykan ay ugu dambeysey 1999kii mar uu Madaxweynihii hore, marxuum Cigaal safar u raacay, Ingiriiskana horraantii 2004 oo iyadana u raacay wefti Madaxweyne Riyaale hoggaaminayey.
“Anigu waxaan tagaa Abu Dhabi, UAE oo hadba waan isa soo jeeg-gareeyaa [medical check up]” ayuu yidhi Qaybe.
Mudane Qaybe oo la weydiiyey inuu soo furfuray albaabadaa uu sheegay inuu ka soo xidhay Somaliland, waxa uu yidhi,
“Anigu ma waxaan ahay Wasiir Arrima dibadeed. Ma England iyo Maraykan ayaan tagaa, mise Carabta ayay xadhkahaasi yaallaan”.
“Markaad hawlahaas oo kale qabanayso waa inaad meel ka socotaa. Anigu ma ihi Wasiirka Arrimaha Dibadda, su’aashaasina ma taagna,” ayuu raaciyey.
Qaybe waxa kale oo uu markii u horreeyey qirtay xidhiidh muddo dheer la tuhunsanaa inuu la leeyahay Col. Cabdillaahi Yuusuf Axmed, oo dhowaan loo doortay Madaxweynaha Soomaaliya.
Mar la weydiiyey wararka sheegaya inuu xidhiidh la leeyahay Cabdillaahi Yuusuf iyo maamulkiisii Puntland, isla markaana uu marar badan ka hordegey tallaabooyin ay Somaliland qaadi lahayd? Waxa uu yidhi mudane Qaybe,
“Cabdillaahi Yuusuf waa nin aanu weligayo is naqaaney. Maalintii uu Sool soo galay ayaa iigu dambeysey xidhiidhkiisa,” ayuu yidhi.
Ma sheegin waqtiga ay ciidamada Cabdillaahi Yuusuf soo galeen Sool, balse, waxa la filayaa inuu u jeedo dabayaaqadii Dec, 2003 markii ciidamada Puntland sida buuxda ula wareegeen magaalada Laascaanood.
Waxana uu yidhi, isaga oo ka warramaya wixii ay ka wadahadleen xidhiidhkoodii ugu dambeeyey, “Nayroobi baan kula hadlay oo aan idhi ciidanka naga saar, wuxuuna yidhi, aniga ma aha ee waa Ina Cabdi Xaashi. Waxaan ku idhi adigaa Madaxweyne u ah askarta Sool ku jirta iyo Ina Cabdi Xaashi ee amar sii. Maalintaas ayaa iigu dambeysey”.
“Haddii aan doonayo Cabdillaahi Yuusuf xidhiidh inaan xidhiidh la yeesho cid iga hortaagani ma jirto, cid Somaliland igu khasbaysaa ma jirto, Somaliland taladayda ayaan ku joogaa,” ayuu raaciyey, isaga oo wararka noocaas ah ku cambaareeyey kuwo uu ku tilmaamay “dad cayayaan ah” oo aan waxba ogeyn, kuwaas oo ay saxaafaddu waraysato. Waxaana dadkaa ka mid ah oo uu xusay Wasiirkuxigeenkii hore ee Xannaanada Xoolaha, Cabdirashiid Ducaale Qambi oo ay isku deegaan ka yimaaddeen Qaybe, isla markaana, la ogyahay inuu aad u dhalliilo mudane Qaybe.
Waraysiga waxa uu bixiyey Qaybe, mar culays weyni kaga yimi shirguddoonka xeerka Doorashada iyo ansixinta miisaaniyadda 2005, taas oo sababtay inuu iscasilaad qoro Kuxigeenkiisa 1aad, mudane Cabdulqaaddir Jirde oo golaha sii wadi lahaa maadaama la sheegay in Qaybe u baxayo dibadda. Waxaana intii xiisadda xeerarkani kacsanayd la maqlay in Qaybe ugu hanjabey mudanayaasha golaha inuu iskaga tegayo Somaliland oo uu bilaabayo ololihiisa Soomaaliweyn oo lagu xamanayey.
Somaliland.org