Site hosted by Angelfire.com: Build your free website today!

Xukuumada Somaliland oo beenisay inuu Madaxweyne Riyaale ogolaaday inuu dib u soo laabto wakiilkii EU da ee dalka laga caydhiyey 

Warsaxaafadeedka waxa na soo gaadhsiiyey xoghaynta Wasaarada Warfaafinta JSL

MADAXTOOYDA JAMHUURIYADA SOMALILAND

Warsaxaafadeed.         December 17, 2005.

Madaxtooyada Jsl la yaab ayuu ku noqoday  war sheegaya in Madaxweynaha Jsl Mudane Daahir Rayaale Kaahin uu ka aqbalay Sarkaal Midowga Yurub ka socda dib u soo celinta  (Axmed Maxamed Washington ) oo u joogay somaliland  horena  loo eryay. 

Warkaasi oo ku soo baxay Wargeyska Jamhuuriya shalay 16.Dec.2005, Madaxweynaha oo aan kula xidhiidhay Norway waxa uu ii xaqiijiyay inaanay jirin dib u soo celin uu  aqbalay  iyo sarkaal Nairobi arintaa uga yimid oo ay is arkeen toona. 

Sidaasi awgeed waxaan cadaynaynaa in uu yahay warkaasi been abuur shacbiga lagu marin habaabinayo oo aanu Wargeysku ka xaqiijin Madaxtooyada. 

USEFUL LINKS                   Depression is increase in Somalis History of  Somaliland            UK Immigrations - Somalia        Diabetes -Health  

                                          Somali & East African Music         UK Entery Visa      Money             Quran Download    Sports            

English football - Premiership       Computer Crime                         

American Green Card                  

The Mad Mullah who shamed us in Somaliland 

Ninka laga hadlayo waxa Baarlamaanka Finland kaga marag furay Xildhibaan Dr. Kimmo Kiljnen oo ka mid ahaa goobjoogayaashi Ururka Midowga Yururb uga wakiilka ahaa Doorashadii Golaha Wakiilada Somaliland ee 29.sept.2005, kaasoo ka wariyay inuu Icritaafka Somaliland carqaladaynayo dib u heshiisiinta somaliya iyo hawsha dawlada Imbagathi lagu soo dhisay oo uu leeyahay Caalamka ayaa taageersan. 

Sidaa awgeed waxaanu ka xunahay cida wali uga hiilinaysa Somaliland ee hadana nasteexa shacbiga u sheeganaysa sida, faysal Cali Waraabe oo sida waraysigiisan la xiganayo ku cad inuu u hiilinayo cida ka soo horjeeda qadiyada Somaliland. 

Waxaanu codsanaynaa si aanay dhexdhexaadnimada mihnada saxaafadu u lumin in qalabka warbaahintu dhinaca warku khuseeyo ay ka xaqiijiyaan si aanay sawir qalad ah Bulshada ugu jahawareerin. 

Allaa Mahad Leh 

Cabdi Idiris Ducaale

Afhayeenka Madaxtooyda Jsl.

SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISTION - NEWS PAGE