Click Here- DISCUSSION - DOOD FURAN - KA DHIIBO FIGRADAADA
Somali ku dhaqan dalkan Britian oo lala beegsaday weerar nacayb muslinimo ah
SDWO (London) Weerar isku gadaamin oo nacayb cunsiriyadeeda oo qabsaday reer somaliyeed sidaas waxa qortay oo ciwaan ka dhigtay wargeysa ka soo baxa magaalo la yidhaah Milton Keynes oo 100 mile ka xigta dhanka waqooyiga magaalada London.
Sawrika Gurigii reerka lagu weerary
Wargeysakan oo la yidhaah Milton Keyns Today wuxuu ka waramay sida loo soo weeraray reer somaliyeed oo ku cusbaa xaafad ka mid ah xaafadaha magaalada Milton Keynes, Weerarkani wuxuu dhacay badhtamahii bishan August. Reerka somaliyeed waxa qabsaday weerar ulakac ah oo lagu soo qaaday oo ay ku soo qaadeen dhamaan xafadahii cadaanka ahaa ee la jaarka ahaa, qof weyn iyo qof yarba looma kala hadhin waxa la bilaabay in reerka dhagaxaan lagu weeraro gurigii ay deganaayeen oo dhan walaba la iskaga gadaamay oo muraayadahii laga jejebiyay, arintani waxay dhacday maalmo yar ka dib markii reerkani uu guriga soo degay ama u soo guureen. Wargeysku wuxuu sheegay inuu dhagaxweyni uu u soo galay reerka oo uu inyar u sigay inuu ku dhaco caruur qol huruday, waxayna reerkaas ku qasbeen inay ku dhuuntaan oo ay amaan moodaan inay hoos galaan jaranjarta hoosteed si ay uga badbaadaan dhagaxaanta xaawliga ku socota ee soo gelaysa guriga.
Aabaha caruurta dhalay oo reerkiisa loo keenay ka dib markii uu dhalashada dalkan Britian qaatay ayaa yidhi nabadgelayo halkan kuma haysano waxaanu isku aragnaa dad jeel ku jira. Caruurto dibada uma bixi karto oo kuma ciyaari karto, qof qudha oo dibada u bixi karaa ma jirto oo aan aniga ahay, sidaas waxa yidhii abahii dhalay caruuta.
Aabaha reerku maalintii hore ee uu weerarku reerka qabsaday wuxuu ku maqnaa shaqo wuxuuna soo laabtay gurigii oo muraayadahii oo dhan laga jejebiyay, Isala habeenkii labaad ayaa hadan waxa reerka qabsaday weerar kii hore oo kale ah oo socday sacadahii u dhexeeyay 7 – 8 fiidnimo, weerarka oo iskugu jiray caay, qaylo, aflagaado iyo shiid dhagxaan ah oo lala beegsaday daaqadaha muraayadaha ah ee guriga, waxa kale oo ay siteen dadka weerarka ahi mishiinka miishaarta ah ee lagu jiro dhirta. weerarkan ayaa hadana sidii kii hore waxa ka qaybqaadanayay caruur iyo dad waaweeynba.
Reerkan weerarku qabsaday waxa maalintii salaasadii ee 23ka August laga dowlada hoose ay ka qaxisey gurigii ay deganaayeen reerku si ay amaankooga u sugto isla markaasna ay geysay guri kumeel gaadha inta guri rasmi ah loo helayo. Booliska xaafaduna wuxuu bilaabay inuu ka warhayo dhaqdhaqaaq xaafada ka socda dhibaatadu ka dhacday.
Tani iyo intii ka danbaysay qaraxii 7th July eel ala beegsaday gaadiidka ka dhexshaqeeya London ayaa wax kor u kacay weerarada lagu hayo dadka muslinka ah oo ah nacayb, caay iyo aflagaado aan loo adkaysankarin, Somalida ku nool magaaladan Milton Keynes ayaa sheegtay in aflagaado aad u badan loo geeysto sababtoo ah raga la hayo ee qaraxaydaas lala xidhiidhinayo oo la aaminsayahay inuu midi Somali yahay.
Dadka lagula kaco denbiyada necaybka ah ayaa lagula taliyay inay u gudbiyaan oo ay u sheegaan booliska amaba ay la hadlaan numberka joojinta denbiyada ee 0800 555111, masaajidada iyo dowlada hooseba.
SDWO NEWS DESK