Site hosted by Angelfire.com: Build your free website today!

Click Here- DISCUSSION - DOOD FURAN - KA DHIIBO FIGRADAADA

Dilka ardayda somaliland wuxuu i xasuusiyaa dilkii Alla ha u naxariistee barre xaaji cilmi iyo qawdhan cabbaase iyo qaar kaloo badan

Depression is increase in Somalis  - Do you know What causes depression?

Maanso Cusub: AFweyne waxaaan ka diidey

Daahirow kaa yeelimayno

 

Bini- aadanka oo isagu ah ka loogu talo galay ku noolaanshaha kownkan aynu ku noollahay, ayay tahay inuu waxna doono waxna diido si ay noloshiisu u noqota mid jirta. Waxa kale oo jiritaanka ummad suura galiya inay lahaato taariikh iyo soo jireen ay ku xisaabtanto, si aanay wax wal oo hore u soo marayba soo noqodkiisu  u noqon wax haddana ku cusub.

 

 

USEFUL LINKS                   Depression is increase in Somalis History of  Somaliland            UK Immigrations - Somalia        Diabetes -Health  

                                          Somali & East African Music         UK Entery Visa      Money             Quran Download    Sports            

English football - Premiership       Computer Crime                         

American Green Card                  

The Mad Mullah who shamed us in Somaliland 

Xaalaa ay caynkaa tahay ayaa markii ummadda Somaliland ku dhaqani ay la dagaalamaysay nidaamkii alleh uma naxariistaan ina Siyaad Barre, ay u jirtay wax la doonayey iyo wax la diidayeyba, wax loo halgamayey iyo wax laga halgamaayeyba.

                

 Digtaytarnimadii, dhicii, kufsigii, dilkii ardayda iyo shicinka, adeegsigii Ciidamadii nacariista darnaa, boobkii hantida dadweynaha iyo ficillo xun-xun  Oo kale ayuu ahaa wixii ummaddii lagu samaynayey ay ka dagaalanatay, waxaanay u dagaalamaysa inta intaa ka soo horjeeda ee lidka ku ah.

 

 

 

Waxay ummaddu u dagaalamaysay, gobanimo, dawlad danta dalka iyo dadka ka shaqaysa, cadawka ka difaacda, nidaam iyo kala danbayn u samaysa, danyaraha iyo maalqabeenkuba u simanyahay, nabadgalyada u ilaalisa, hantida u dhawrta, adeegyadii bulshada sida: caafimaadka wax-barashada, xoogga korontada iyo wadooyinka u samaysa iyo dawlad lagu illaawo wixii dibindaabyo iyo hadimo dhacay.

 

Hadal waa run kama raystee waxaan canbaaraynayaa dilkii loo gaystay alleh ha u naxariistee CUMAR KAAHIN iyo dhaawacii loo gaystay gabadha da’da yar ee FILIS, kaasi oo aan waxba ka duwanayn dilalkii dawladdii faqashtu kula kici jirtay ardayda dugriyada goboladii la odhanjiray Waqooyi galbeed, Tog-dheer iyo Sanaag. Waxaaan kaloo canbaaraynayaa xadhiga lagula kacay ardayda dugsdiyasa sare ee Hargaysa oo aan ka duwanayn kii uu afweyne aniga iyo saaxiibaday ku xidh-xidhay sanadkii kun iyo sagaal boqol iyo afar iyo sideetankii (1984).

 

 

AFWEYNE WAXAAAN KA DIIDEY

DAAHIROW KAA YEELIMAYNO.

 

 

AFWEYNE WAXAAN KA DIIDEY,

 

WAXAAN KA XIGSADAY DAGAALKA,

 

DUURKIYO UGU HOYDAY AYDA

 

RAAXIYO UGA TAGAY  DUGSOONKA,

 

U NACAY DUUNYO IYO MAALKA,

 

XIGTIYO UGA GO'AY DADKAYGII,

 

CIDLIYO UGU BAXAY DABAYSHA,

 

U MUTAY DIIFTI IYO HARRAADKA,

 

U QASHAY DIINKIYO UGAADHA,

 

WAXAAN UGA HADHAY DA'DAYDII,

 

WAXAAN UGA DHACAY DURUUSTII,

 

DUGSIGII WAXAAN KU SEEGAY,

 

DILKIYO U MUTAYSTAY XADHIGA,

 

DABKIYO UGU DHACAY BAARUUDDA,

 

WAXAAN WIIL DAAWE SAARAY,

 

KAARAHA UGA GALAY DABOOLKA,

 

WAXAAN MADIYADA U DUUGAY,

 

HALYEY IYO DIRIC KU LE’DAY,

 

WIXII DUMAR SAY KU WAAYEY,

 

WIXII HOOYO WEYDEY DEEQSI,

 

WAXAA DOOB NAAFO JIIFA,

 

WIXII LAGU GURAY DALUUNTA,

 

WIXII DOOXA LAGU XASUUQAY,

 

WIXII SHALAYTIYO DORRAATO,

 

SOO SAARAY DAADKU MAYDKA

 

DADWEYNE WIXII LA' AASAY,

 

WAXAY DIYAARADI RUSHAYSAY,

 

WIXII GURI LAGU DUQEEYEY,

 

WIXII MADFAC LAGU DAM SIIYEY,

 

WIXII LAGU DUMIYEY XAAFAD,

 

SIDII CAYDHIYO DAADUUNKA,

 

                 CARUUR IYO WIXII DUQAYTI,

 

KANEECIYO DUUMO LAYSAY,

 

DOCKASTA WIXII I GAADHAY,

 

                 WIXII DAMAC LAYGU HAYSTAY,

 

WIXII I SOO MARAY  DURUUFO,

 

HADDAAN DAKANIYO JAB OO DHAN,

 

ILLAAHAY DARTII KU NOOLAY,

 

AFWEYNE WAXAAN KA DIIDAY,

 

DAAHIROW KAA YEELI MAAYO.

 

AFWEYNE WAXAAN KA DIIDAY,

 

EYDIYO DUUB CASTUU SAMAYSTAY,

 

AFWEYNE WAXAAN KA DIIDAY,

 

SARKAAL KU HANJABA DIRAYSKA,

 

AFWEYNE WAXAAN KA DIIDAY,

 

ASKARI LAYIDHAA DIGTOONAW,

 

AMARKIYO KHALADKA DIIDIN,

 

AFWEYNE WAXAAN KA DIIDAY,

 

DIGTAYTAR INUU AHAADO,

 

AFWEYNE WAXAAN KA DIIDAY,

 

INUU DUUDSIYO XAQAYGA,

 

AFWEYNE WAXAAN KA DIIDAY,

 

DULMI IYO DHAC IYO TUUGO,

 

AFWEYNE WAXAAN KA DIIDAY,

 

SIDII DULINKIYO TUKHAANKA,

 

INUU DANYARTIYO MISKIINKA

 

DUSHOODA KA NUUGO DHIIGGA,

 

AFWEYNE WAXAAN KA DIIDAY,

 

ARDAY LAGU TOOGTO DAWGA,

 

DARIIQYADA XAAFADDOODA,

 

AFWEYNE WAXAAN KA DIIDAY,

 

WISIIR AAN LAHAYN DAMIIRBA,

 

IMAAN IYO DIIN ISLAAMA,

 

AFWEYNE WAXAAN KA DIIDAY,

 

DAHAB IYO LACAG LA BOOBO,

 

AFWEYNE WAXAAN KA DIIDAY,

 

SHARCI IYO DISTOOR LA’AANTII,

 

WUXUU DOONAAYO FALLIDDII,

 

AFWEYNE WAXAAN KA DIIDAY,

 

MARKUU AFKU HADALKA DAAYEY,

 

DAYMADU AY NOQOTAY XADHIGA,

 

DANBI LAGA DHIGAY WAX MAQALAKA,

 

AFWEYNE WAXAAN KA DIIDAY,

 

DURUUFAHA MAANTA TAAGAN,

 

AFWEYNE WAXAAN KA DIIDAY,

 

DURBAAN IYO SOO BAXAYDII,

 

DAFKII KHADIIJIYO MASHXARADDII,

 

AFWEYNE WAXAAN KA DIIDAY,

 

DUGAAGGII UU RABAYSTAY,

 

                  DOOFAARKA U EEG DOOFAARTII.
 
               
 
                              C/RISAQ SHEEKH IBRAHIM KOSHIN (ALPHO)  
 
               
                                         abdirisakalpho@yahoo.com

 

SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISTION - NEWS PAGE