Site hosted by Angelfire.com: Build your free website today!

 

Click Here- DISCUSSION - DOOD FURAN - KA DHIIBO FIGRADAADA   

PRESS RELEASE

Dimoqraadiyadii aan sedexda jeer u codeynay ma waxay ina dhaxalsiisay in ardaydii Gebiley iyo waalidkood habeen madoow la xukumo – Waa Ayaan darro

Click here - The  History of  Somaliland  

(Press Release - Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO) – Maanta iyadoo Somaliland meel fiican aduunka uu magaceedu ka marayo hadana waxa ayaan darro ah oo wax aad looga xumaado ah sida xukuumada Somaliland ay sida badheedhka ah ugu tumanayso xaquuqada binu aadamka iyo xoriyatal qawlka. 

Sida aan ka wada warqabano waxa dhowaan magaalada gebiley ka dhacday fal aad u qalfsan oo aad u faal xun isla markaasna aan ka turjumayn xornimo ku noolaanshaha muwaadintiinta ee uu dastuurku qeexay.  Ardaydu iyagoo ka cabanaya waxqabadka dowlada hoose ee gebiley ayay is hortumeen xafiiska dowlada hoose. 

Waxa wax lalayaabay noqotay markii habeen madoow ardaydii guryahooga loogu daatay sidii taliskii macangaga ahaa ee dalkan laga xoreeyay dabadeena saldhiga booliska ee Gebiley labadii habeenimo xukun degdeg ah lagu riday isla habeenkiina loo dhaadhiciyey jeelkii siyaad bare uu ku cabudhin jiray bulshada ee Mandheera. 

Dooroshooyin iyo dimoqraadiyad baan aduunka tusaynaa waxba inoo qabanmaayso hadii ay weli taagantahay wixii lagula dagaalmay taliskii hore ee car juuq dheh, xukuumadu waxa ay si badheedh ah ugu xadgubtay qodob dastuuri ah qodobkiisa 43 aad ee xuquuqda qofka xoriyada laga qaaday, xubintiisa 2 aad ayaa odhanaysa (Qofka xorriyadda looga qaaday fal-dembiyeed lagu eedeeyey awgeed, waxa uu xaq u leeyahay in lagu horgeeyo Maxkamad 48 (sideed iyo afartan) saacadood - laga bilaabo marka la qabtay).   

Waxaan iyaguna aan ilaa hada ka hadlin arintan xisbiyada mucaaridka ah ee shacbigu sida diiran ugu codeeyay aqlabiyadii barlmankana siiyeen si ay uga hortistaagaan oo ay dhufays uga noqdaan xukuumada oo cabudhinweyn ku haysa xaquuqal iinsaanka. Waxaan xisbiyada leenahay dadweynahii idiin codeeyay jeelasha ayay ku jiraan abaalgudkiina weli way idinka sugayaan. 

Shacbigana waxaan leenahay inyar baa ka hadhee hinjiyaay oo barlmankan cusub ajandahiisa koowaad waxay tahay tirtirida gudida xaaraanta ku dhisan ee xukunka degdega oo  loo adeegsado qofkii la rabo in sifo sharci darro ah lagu xidho sida ardaydan gebiley iyo waalidiintooda. 

Xukuumada waxaan u soo jeedinaynaa in si shuruud la,aan ah ardaydaas iyo walidiintoodba loogu soo celiyo xoriyadoodii iyadii oo bil ramadaan lagu jiro isla markaasna ay xukuumadu ka waantoowdo falalka noocan oo kale ah oo aanay dhicin dheriga waxa karka ka keena waa kulaylkee aan shcabiga la gadoodsiin. 

Baarlamankan cusubna waxaan u soo jeedinlahayn intaydaan ka hadlin musuqmaasaq iyo wax isdaba marin waxa la iidkna fadhiyaa inaad cadaalada dalka sugtaan oo jeelashaa soo wada martaa soona eegtaan dhawrka boqol ee qof ee bilaa maxkamada jeelasha uga buuxa isla markaasna ku amartaan cideey khusayso in xoriyadooda dadkaas loo soo celiyo.

Long Live Somaliland 

Guuleed Cabdi Sheekhaash – Gudoomiyaha SDWO

Axmed Maxamed Yusuf – Gudoomiye ku xigeenka SDWO

Mukhtar Axmed Sh. Adan – Xoghayaha guud ee SDWO

SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISTION - NEWS PAGE