Site hosted by Angelfire.com: Build your free website today!

Lodkii labaad Oo Maanta Ka qallin jebisay Jaamacadda Hargeysa

SDWO (Hargeisa) Madaxweynaha Jamuuriyadda  Somaliland, Mudan: Daahir Riyaale Kaahin,ayaa Maanta Shahadoyinka Guddoonsiiyey arday gaareysa ilaa iyo 52, kuwaas oo ka qalin jebiyey jaamacadda Hargeysa University.

Munaasabadda qalin jebinta ayaa waxaa sidoo kale ka soo qayb galay Guddoomiye ee labada xisbi ee Kulmiye iyo Ucid Mudane. Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Mudane. Faysal Cali Waraabe

Ardaydan uu Madaxweyne Rayaale Shahadoyinka guddoonsiiyay oo ah Lodkii labaad ee Jaamacadaas ka qallin jebisa,jaamacadda Hargeysa ayaa waxa ay qateen Degree iyaga oo bartay Maamulka iyo Maaraynta, Barashada Daraasaadka Islaamiga ah iyo Culuunta Sayniska..

Shiine Cilmi Kaahin - SDWO Reporter Hargeisa

SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISTION - NEWS PAGE