Click
here - The History
of Somaliland
Unicef oo ka walaacsan kororka tirada caruurta agoonta Aidska ee Africa
Hay’ada Unicef
SDWO (Hargeisa) Hay’ada Qaramada Midoobay ee Daryeelka Caruurta Unicef ayaa waxaa ay sheegtay in tirada caruurta ee waalidiintooda ku waayaya cudurka Aidska laga yaabo inay ka sara marto 18 milyan oo caruur ah sanadda 2010-ka.
Digniintan ayaa soo baxday iyadoo ay hay’adu qaaday olole caalami ah oo ay ku taageerayso da’yarta la dhibaataysan cudurkaasi.
Hal ku dhigyo ay ka mid yihiin u midooba caruurta, si midaysan ula dagaalama Aidska, ayay hay’ada Unicef diirada ku saaraysaa Africa, laakiin sidoo kale meela u calaamadaysan hay’adu waxaa ka mid ah baramaha Asia iyo Bariga Yurub.
Unicef waxay sheegtay inay jiraan Malaayiin caruur ah oo waalidiintoodu ay u dhinteen cudurka Aidska aan hadana helin haba yaraatee samafal dhaqaale.
Hay’adu waxay kaloo sheegtay in inka yar 6% caruurta laga helay Viruska HIV ay helaan daryeel dawo.
Unicef waxay kaloo sheegtay in daqiiqad kastaa uu hal inan uu u dhinto cudur lala xiriirinayo Aids uu sidoo kale daqiiqad kastaa uu inan noqonayo Hiv Positive, Waxayna sheegtay u kuurgaliddani inay tahay mid aad u naxdin badan.
Ololahan cusub wuxuu ka bilaabmi doonaa maanta oo salaasa ah magaalada New York waxaana ku soo biiri doona shakhsiyaad caan ah oo ay ka mid yihiin Jemima Khan oo ka tirsan hay’ad wax daryeesha, iyo actorkii filimkii James Bond Roger Moore.Shiine Cilmi Kaahin - SDWO Reporter Hargeisa