Site hosted by Angelfire.com: Build your free website today!

 Tafatiraha shebekeda looyaqaan Awdal News oo daabacay qoraal uu ku muujiyey cadho iyo nacayb weyn oo uu u qabo ururka SNM  

(SDWO Editorial) Tafatiraha Awdal News Network  waxa uu aad ugu dheeraaday kana dhiidhiyey xuska maalinta qaaliga ah ee 6th Apirl oo ah sanadguuradii 24 aad ee ka

Click here: Si aad u akhrido Maqaalkii Awdal News

 soo wareegtay markii lagu dhawaaqay ururkii xaq u dirirkii SNM.  Tafatiraha waxa ka muuqata nacaybkii iyo inuu ka mid ahaa dadkii ka soo horjeeday halgankii SNM.   Hadii aan u dhaadhaco jawaabana ka siiyo qodobo badan oo halkan uu ku soo bandhigay tafatirahu isagoo iska dhaadhiciyey in taariikhda la khaldikaro si qaloocana uu u dhigo halkankii iyo marxaladahii kala duwanaa ee uu ururka SNM soo maray. 

Marka hore bilowga qoraalka waxaad yara moodaa inuu qirayo tafatirahu ujeedadii ka danbeysay aasaaskii ururka xaq u dirirkii SNM oo uu sheegay inay ahayd  dulmigii uu taliskii Siyaad bare ku hayey dadka,  Laakiin wuxuu ku tilmaamay in wax siyaasadi aanay ka danbey ee uu ahaa urur cadho ku abuurmay sidii dadka looga xoreyn lahaa taliskii markaas jiray. 

Tafatirahu waxa uu sheegay in ay SNM gumaaday boqolaal dad  beeraley ah, baayacmushtar, aqoonyahano, wadaado, dadwaaweeyn, dumar iyo caruur  isagoo ku micneeyay ujeedada SNM u gumaaday dadkaasna oo denbiga qudha ee ay galeen uu ahaa iyagoo ka dhashay qabiil ka soo horjeeda halgankii SNM.  Waxa uu yidhi in Mujaahidiin loogu yeedho maaha waa dad denbi galay. 

Hadaba Tafatiraha waxaan odhan lahaa been masheegto taariikhdu qoraalkaaga yar ee nacaybku ku dheehanyahayna ma bedelikaro sooyaalka taariikheed ee Somaliland soo martay  Waxaanan aaminsanahay inaad hayso xogta runta ah ee halgankii SNM laakiin  aad isdiidsiinayso maadaama aad ahayd dadkii markaa la dagaalmayey kana soo horjeeday SNM qoraalkaagan waxaan u arkaa nin weli dagaalkii kur jira 14 sano ka dib. (Move on Saaxiib) 

SNM cidna loo shariciximaayo laakiin dadweynahu ha ina kala saaraan, Mr Tafatire SNM waxay la dagaalamaysay mujrinkii keligii taliska ahaa ee marnaba SNM lamaay dagaalamin mayna gumaadin dad shacibi ah oo aan waxba galabsan waad ogtahay talaabooyinkaaasi waaa kuwii lagu yiqiin taliskii hore waana waxyaabahii ka danbeeyay aasaaskii SNM, dadka aad ka hadlayso ee gobolka aad ka soo jeedaa waa runtaa si xoog ah ayay uga soo horjeedeen ulana dagaalameen SNM iyagoo taageerayey taliskii Siyaad Bare, laakiin SNM marna dadka shacbiga ah ee gobolka aad ka soo jeedo figradii SNM nacaybka ahayd ee ay aaminsanaayeen kulamay dagaalamin, SNM waxa ay la dagaalamaysay wixii dagaal hubaysan kala horyimaada gobolkay doonaan ha ka soo jeedaane oo ay ku jiraan gobooladii ay SNM ka soo jeeday, waaynu wada ognahay dadbadan oo ka soo jeeda gobolkaaga in ay doorteen inay dagaal hubaysan kala hortagaan ka dib markii uu hubeeyay Siyaad Bare, Waan ka wada warqabanaa burburkii loo geystay magaalooyinka Hargeysa, Arabsiyo Gebiley, Alaybaday  iyo qaarkale oo badan inay hormood ka ahaayeen dad ku abtirsada  gobolka aad ka soo jeedo, fadhatadii ugu badnayd ee Hargeysa lagu sameeyayna  ay tagtay gobolka aad ka soo jeedo xataa jiingadahii guryaha saarnaa.    Markaa hadii aad dad shacbi ah u hadlayo maxaad ugu hadliweyday dadkii shacbiga ahaa ee guryahoodii iyo hantidoodii la bililaqaystay ee gobolkaaga la geeyay, denbiga qudha ee dadkaas lagu baabiinayeyna uu ahaa sidaan wada ogsoonahay waxaad taageertaan SNM. Dadka gobolada SNM ka dhisnayd ka soo jeedayna waa kuwii cafis fidiyey ee aan ka dabategin wixii lagu sameeyay ee ka doorbiday inay dhisaan qaran loo dhanyahay imikana uu Riyaale hogaanka ka yahay, SNM Halgankay gashaydarteed iyo Cafiskii ay fidiyeen baa maanta saamaxay inuu Riyaale Madaxweyne ka noqdo Somaliland.    

Markaa wixii lagula kacay dadkii SNM taageerayay inaad sawir khaldan ka bixiso maaha oo aad tidhaah SNM baa gobolkayga shacbigiisa gumaadaysay waa habdhaqanii faqashta lala dagaalamayey ee maaha habkii halkgankii hubaysnaa ee dibu xoreyntii Somaliland, qof aan hubaynayna SNM waxba may yeelin marnaba. 

Ujeedada SNM marnaba may ahayn inay waxyeelayso dadka shacbiga ah ee ka soo jeeda goblkaaga laakiin marka gobolkaagii uu soo hubeeyay Taliskii macngaga ahaa  oo ay dagaal hubaysan oo tikniko culus ah ay kala horyimaadeen,  SNM xaq bay u lahayd inay la dagaalanto qoladaydoontaba ha ka soo jeedaane cidii dagaal hubaysan kala hortiimaada. 

Taariikhdii SNM adiga iyo aniga toona mid aynu halkan ku soo koobikarno maaha, waxaan ku odhanlahaa nacaybka kugu jira iska saar halgankii SNM wuxuu ahaa marxalad adag oo la soo maraya taariikhda Somalilandna  baal dahab ah kaga jirta, waa taariikh aan la hilmaami karin, waa taariikh mudan in iskuulada lagu dhigto si dayarta iyo  jiilasha inaga danbeeya ay u bartaan sooyaalkii taariikhda Somaliland iyo sidii ay ku timid, maxaa sababay gooni isutaaga Somaliland yaase saldhig u ahaa gobanimada Somaliland ay maanta hadhsanayso. Wax xumaan ah uma arko in la xuso  lana weyneeyo hooyadii Somaliland waxaanan  aaminsanahay in sidan hada loo xuso si ka weyn loo xuso oo la qadariyo mujaahidiintii SNM kuwii shahiiday iyo kuwa noolba.  Waxaan saaxiib ku soo gunaanaday may ahayn In nabaradii SNM  ay aastay ee la dhayey inaad soo qodqodo oo aad boogahii damaqdo mana haboona.

Dadka Somaliland waxay go,aansadeen in walaaltinimo lagu wadanoolaado loona halgamo sidii qaranka Somaliland mid jira looga dhigilahaa.

 SDWO Editorial

SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISTION - NEWS PAGE