Site hosted by Angelfire.com: Build your free website today!

Click Here- DISCUSSION - DOOD FURAN - KA DHIIBO FIGRADAADA   

Warar ku saabsan xaga xiyaaraha 

Xaflad Ciyaareed Lagu Sagootiyay Captainka Rodol

Maxaad ka taqanay marxuun M.A.Obsiye (Caalo) iyo Cayaartooygii geeriyooday labatankiisano ee u danbey

Horyaalkii 1-aad ee Ciyaaraha CHEST Oo ka bilaamay Magaaladda Hargeysa.

Click here - The Great History of  Somaliland   

SDWO (Hargeisa) Ciyaar munasibadeed loo qabtay captainkii kooxda rodol oo ka dhacaday garooonka guryosamo  oo dhexmartay nadiga rodol vs aabayara team ciyaartaas oo ahayd mid aad u xiiso badan  waxana  ay guushu ku raacday kooxda rodol 3 : 2  ciyaartaas oo ahayd mid lagu sagootiyayo ciyaar yahanka C/ladiif Wayrax Warsame oo  ahaa  captainka kooxda heerka labaad  ee RODOL ciyaartu markay dhamaatay ayaa waxaa waraysi la yeeshay wariye  yasiin calase Oo ka tirsan Wargeyska Olympic  waxaan uu u dhacay waraysigii sidan..

S: waxaan ugu horayn  waydiiyay inuu wax nooga sheego tariikhdiisii ciyaareed iyo halka uu kabilabay waxana uu ku jawabay sidan?

J: waxaana uu ku jawabay “waxaanka bilaabay ciyaarida kubad  nadiga al-bacas oo aan u ciyaaryay sanadkii 1999 ilaa 2001kii  kadibna waxaan ku biiray nadiga rodol  oo waaga la odhanjiray al-hilaal oo ilaa hada aanka  tirsanaa”.

S:Kooxda rodol oo aad ahayd captainkeedi intii aad joogtay maxaad  kulagulaysatay?

J:Waxaan  kulagulastay  shankoob oo aan laqaday oo aan laba kamida aan kula guulastay  markaan ahayn nadiyada heerka saddexad iyo saddex aan kula  gulaystay nadiyada  heerka labaad

S:Yaa kugu dhiiri galinjiray inaad sii wadato mihnadaada ciyaareed?

J:Waxaa igu dhiiri galinjiray inaan siiwato kooxdayda iyo macalinkayga c/casiis maxamed jamac oo ahaa qofka wax badan kabadalay kubadayda iyo mooraalkaygaba intii uu nalajoogayna aan ku gulaysanay koobab iyo isagoo intii uu layliyaayay kooxda aan kamid noqonay nadiyada heerka labaad aad iyo aad ayaan ugu mahad naqayaa macalinkayga iyo dhamaan kooxdayda iyo tageerayasheda,

S:Ciyaartoyga aad jeclayd inaad ka agciyaarto marka aad garonka ku jirto   kee ayuu ahaa?

J: Waxaan jeclaa inaan iska ag ciyaarno  sadiiq c/laahi aadan oo aan in bada khadka dhexe kawada ciyaarnay

S: Sidoo kale waxaan waydiiyay Kooxda uu jeclaan lahaa inaad adiga iyo kooxdaadu ka hortimadaan ?

J:Waxaa uu si fudud ugu jawaabay waxaan jeclaa kooxda al-khayr iyo diana club .

Waraysigan Waxaa Qaaday  Wariye Yasiin Calase

 

Maxaad ka taqanay marxuun M.A.Obsiye (Caalo) iyo Cayaartooygii geeriyooday labatankiisano ee u danbey

Waxa ilaahay qurankiisa kariimkaha i noogo sheegaya in ay aduunayadu tahay ayaamo kooban oo aanay cidina anay ku waareyn, wuxuu ilaahay quraankiisa inoogu sheegay waxuu inoo abuuray oo kaliyihii in ay tahay  in aynu isaga caabudno oo qudha, waxa lagu maataalay dunida guri la soo galayo islamarkana laga baxayo albaabkiisa kale,aduunku waa meel aan cidna ku waareyn. waxaan ilaahay ka baryayaa inuu u naxariistii janadan ka waarabiyo dhamaantood dadkii aynu jeceleyn ee xag ale u
noqday.
 

Waxan jeceleysatay inaa dhawr kalmadood an inooga sheego marxum Maxamed. Ali. Obsiye (Caalo) wuxuu aha marxuunku Maxamed. nin dhaqan iyo aqoon wanaagsan ilaahayn u dhameyay oo runtii khalaq fiican kula noola dadka ay macaamilka lahayn o dhan, wuxuu aha nin aad iyo aad u farxan aha bulshada dhexdeed, nin jecel inuu raali galiyo saxiibadii iyo bulshada inta ugu dhawdhaw, wuxuu aha nin cibaadada jecel, muu lahayn balwada dhalinyarado maanta ku faanto sida qaadka iyo iwm.
 

Waxanu marxunka aan is baranay anago yar yar oo marka dhigana dugsiyada dhex, waxanu wada biloonay 74s ciyaarihii xaafadaha Hargeisa ila aan soo wada gaadhanay ciyaarihii gobolada, wuxuu marxunku ahaa ciyaartooy aad u firfircoon, ilaahayn ku maneysatay kalsooni buuxda marka u qabto kubad, wuxuu marxuunku gobolka iyo hargeisaba u soo hooyay guulo badan oo an la soo koobi kareyn, marxuunku muu kala jeceleyn saaxiibadii, dadkuna waxay u ahayeen saaxiib iyo walaal. waxanu hadana u wada haajirnay dalalka carabta todobadanaankii aakhirkiisi wuxuu marxuunku aad u jecela markii anu joognay qurbaha carabta inuu isku soo ururiyo cayaartoyaadii xiliga ku noola ama ku sugneyd dalalka carabta wuxuu abaabul jiray tartamo ka koobnaa ciyaaraha kubada cagta oo ka dhici jiray meel la odhan jiray obhor oo jida aad ugu dhaweyd, marxunka kuma soo koobi karayo tariikhdiise maqaal iyo warqadtoona, wuxuu marxuunku ka mid ahaa dhalinyaradii hadana ka sii haajirtay dalalka carabta ee galay north amerika, wuxuu dagana dhawr sano dalka canada, waxaan hadan marka kale kula kumaya marxuunka 96 Hargeisa isagoo ka soo laabtay Canada wuxuu i sheegay xiliga inuu hayo aabihii Cali Obsiye oo aad u xanuunsanaya, waxan maalin maalmaha ka mida ah u balanay si aan u soo boqoodo aabihii gurigooda, waxan la kulmaya Maxamed oo dhabata ku haya aabihii afkana cunto ugu guraya, waxan ku yidhii anigoo aan runtii is ogeyn Maxamedoow waxaad shaqeysanaysa jano iyo meel
wanaagsan ee ka duceyso inta u noolyahay aabo, wuxu igu yidhi maaba noqonayo Cumaroow ee waxan doonayaa in aan aabana hayo inta u noolyahay dalkeygan iyo dadkeygna u shaqeeyo oo qurbe faa'iido maleh. waxan ilaahay uga barayaa marxuun M.Caalo iyo aabihiiba inuu janada ka waarabiyo Aamin.
 

Waxan kaloon inta ku dari lahaa in aan dad badan xusuusiyo asxaabtii ama ciyaartooygii Hargeisa ee geeriyooday labaatankii sano ee u danbeyey, waa inta aan garanayo anigu.
 

1. Maxamed Ali Obsiye (Caalo)

2. Maxamed Muse

3. Maxamed Axmed (Tagsiile)

4. Cumar Aden Qalinle (Booto)

5. Hassan Apollo

6. Hussein Gabilay

7. Maxamoud Gahyr

8. Cumar Tuur

9. Cabdi Xabashi

10. Mustafa Yussuf H. Aden

11. Cisman Abdillahi Xamar

12. Canab Hussein Guray

13. Aden Qodax

14. Maxamed Cali Bare

15. Khadar Dahir

16. Yussuf Maxamed Dubad (Igiro)

17. Abdillahi Dahir Dhidar

18. Dheereye
 

Waxan ka codsanayaa dhamaan aakhristyaasha haya maalintii, bishii iyo sanadkii ay dhinte cayaartoygaasi fadlan i soo sheeg.  waxakaloon jecelahay in ay saxaafada ama anigaba ay isoo gubiyan cidii aan ka tagay ee ama iga horeysay sida (Youth org. iyo Music & Sports) oo kale iyo kuwii iga danbeyay ee ciyaarayay 80s fadlan i soo sheega oo igala soo xidhiidha Emailkan darood2@hotmail.com ama tilifoonka 004769888062 Norway.

Waxan odhan lahaa wasaaradda cayaaraha & Dhalinyarado fadlan diwaan galiya cayaaryahan adii dalka soo maray ee geeriyooday si aynu u xusuusano qiimihii ay inoo lahayen waqtiga ay noolayeen ama ay ciyaarayeen. codsigeyga waxakaloon odhan lahaa dhamaan wasaaradda S/L waa in ay diwaan galiyan dadkii ka geeriyooday wasaaradda,waxan ula jeeda tusaalo ahan FANAANKA iyo Abwaanka  Waxa u hoos yimaada
W/warfaafinta, MACAALINKU wuxuu hoos yimaada wasaarad waxbarashada, Askarigu ama Mujaahidku wuxuu hoos yimaad w/Gaashan dhiga.
 

Waad mahadsantihiin
Cumar Darood Xassan

Norway  Askim

Horyaalkii 7-aad ee Ciyaaraha Kubada Gacanta oo ka billowday Magaaladda Muqdisho.

Galabnimadii Axada waxaa garoonka Olympic Fitness Center ee degmada Xamar-weyne  si rasmi ah uga furmay Horyaalka 7-aad ee K/gacanta (Handball) ee Kooxaha Wiilasha  waxaana Xafladii furitaanka  ee tartankaas ka soo qeyb galay mas’uuliyiinga Guddoga Olympic-da Soomaaliya, waxaana tartankaas si resmi ah u furay Ku simaha GOS C/qaadir Ibraamid Gacal Abkoow oo sheegay in Xiriir kasta looga baahan yahay inuu hormariyo ciyaaraha qeybta uu ka leeyahay, isagoo sheegay in ciyaaraha Soomaaliya ay sameeyeen is bedel weyn oo ku aadan dhinaca dhalin yarada, maadaama dhalin yaro badan laga soo leexiyay dhaqan xumo iyo maleeshiyooyin, ayna soo galeen xerada sportiga.

Waxaa kale oo xafladaas furitaanka ka hadlay Guddoomiyaha Xiriirka K/gacanta Maxamuud Xuurshe Xasan  (Eenoow) iyo Xoghayaha Xiriirka Xasan Maxamed Axmed (Ing. Xasanoow) oo labaduuba sheegay in tartankan oo ay ka qeyb gaadanayaan 8-kooxood oo wiilal ah oo loo qeybiyay 2 group ay qaban qaabadiisa si weyn ug soo shaqeeyeen.

“Waxaan aad ugu faraxsanahay in maanta aad nagala soo qeyb gashaan ciyaaraha 7-aad ee Horyaalka K/gacanta, maxaayeelay inagu mar kasta waxaan u taaganahay in aan horumarino ciyaaraha K/gacanta, waayo waxaan ballan qaadnay in arrintaas sameyneyn, markii nala dooranayay waxaan sheegnay in aan si weyn u howl galeyno, laakiin waxaa jira caqabado badan oo ay ugu weyn tahay dhaqaale darro” sidaa waxaa yiri Guddoomiyaha Xiriirka K/gacanta Enoow oo intas ku sii daray in cid kasta oo wax ka horumarineysa ciyaaraha K/gacanta ay soo dhaweynayaan.

 

farah ali " farah blue" Olympic Muqdisho 

 

Horyaalkii 1-aad ee Ciyaaraha CHEST Oo ka bilaamay Magaaladda Hargeysa.

 

 

TARTAN aad u xiiso  badan oo ciyaarta CHEST ayaa l ka socda magaalada Hargeisa  mudo bil ah tartankaasi oo gebo gebo ah ku dhow waxaa soo qaban qaabiyeey gudo oo gudoomiye uyahay  faysal muuse il dab, markaan uu ku xigeen ka yahay c/laahi boostaan

Tartankaasi oo ay ka qaybgaleen 24 ciyaartoy waxaan isku soo a hadhay 6 ciyaartooy  oo look ala qaybiyey2 groups

GROUP A

Siciid aadan  ( yaqshid)

DR. Axmed nonjeee

Yuusuf Macalin

GROUP B

Barkhad Cabd

Mahdi yare

Bwaan sicii 

waxaa koox walba ka soo baxaaya  2 afarta soo  hadha , ayaana yeelan doona semi final ka  isla markaa qofka ku guulasyataa wuxuu heli doonaa jaa,isad kob ah oo  uu ku deeqay Dr:  Axmed Nonjeeisla markaana gudigan oo wuu godoomiye u yahay  fayasl mmuuse  ildabwuxuu us ooo gudbinyaa in ay qaban doonaan tartan kale ,marka kani dhamaado isla markaan ay u furantahay cidii danaynaysa  ee doonta in ay ka soo qayb gasho waxaanad kala sooo xidhiidhi kartaa ka soo horjeedka timacade

Wargeyska Ciyaaraha Ee Olympic Hargeysa Somaliland 

Shiine Cilmi Kaahin - SDWO Reporter Hargeisa

SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISTION - NEWS PAGE