Bal maxaa ikaa daba dhigay?
"Maanso cusub"
Gabaygan waxa la tiriyey 19-02-03. Waxa tiriyey Maxamed
Xirsi Guuleed. Gabaygani wuxu ka tarjumayaa dareen dhaba iyo
duruuf jirta. Waa gar-naqsi aniga iyo qabyaalada na dhextaal. Waana dacwad u
furan garsooreyaasheeda iyo qareemadeedaba. Ku xisaabtan labada is haystaa
inay labaduba qareemo u baahanyihiin.
Maxamed Xirsi--Wuxu yidhi:-
- Dacwad shalay naftaydiyo qabiil; gole naloo deyrey
- Diihaal colaadiyo guhaad; dood na kala gaadhay
- Darandoorigii hadalladee; layska daba qaatay
- Dadoow waxan idiin sheegayaa; dalab dhaceediiye
- Bal daliilka fura kaayagii; dawga laga yeeshay
- Qabyaaladi dacweysane; anoo dood u celinaaya
- Waxan idhi: Ilaahay dartii; waan ku diidanaye
- Diirkiyo waxaan kaa nebcahay; duubka oogada e
- Damiirkaygu kuma qaadi karo; reero dumiyaayey
- Adna sidaad dirayskayka taad; ii dul socotaaye!!!!!!!
- Bal maxaa ikaa daba dhigeed; iiga degi wayday?
- Daldaloollo badaneey; adoon dhaxan daboolaynin
- Dugsi iyo gabaadbaan hadana; kaa dayaa abide
- Dagaalkaaga kama soo hadhgalo; diif kastoon qaboŽe
- Dabka iyo rasaastana anaa; kuugu deeq badane
- Waan kaa ducaystaa sidii; duumo waa cudure
- saxarkii i daarana adaa; daawo ii qore eh
- Markaan kaa durkaabaad halkaan; dego timaadaaye
- Bal maxaa ikaa dabadhigeed; iiga degi wayday?
- Waxay tidhi Adaan daaciyoow; doocna garanayne
- Dantaadiyo adaan kala aqoon; meesha kuu darane
- DaŽda sebenkan joogtaad tehee; layska duufsadaye
- Dib u fiirso waxa aan abaal; duuga kugu leeyey
- Danyar adiga oo caydh ahaa; duunyo ka idlaatay
- Darxumooyin baad mudan lahayd; dagaha jiilaale
- Sawtaan dawarayeen xigtada; daasad kula meeray
- Een kadin dareeraaya iyo; xerada kuu deyray
- Ma wax laga dudaan ahay; adaan dawga garanayne??
- Dug markay ku siiyeen dharaar; godob dar kuu haystay
- Deldelaada waataan adoo; diifle kaa furaye
- Dilkaagii ma baaqdeen hadaan; duunyo loo hurine
- Ama aan dab saar iyo karkabo; loo diyaar noqone
- Ma wax laga dudaan ahay; adaan dawga garanayne??
- Dullaanka reer Qudhac; markuu idin daqiiqeeyey
- Idinkoon dareen qabin sidii; daad idiin kiciye
- Dabro weerarkii idinku dhacay; doogsin ma ahayne
- Dulli sawtan kaa baajiyeen; daafac galay maaha?
- Ma wax laga dudaan ahay adaan dawga garanayne??
- Darajiyo xil qaybsiga markay; dawladnimo joogto
- Inaan laga dulmarin reer kastaa; duunka soo geliye
- Aniguna dadaalkii markaan; damaca weyneeyey
- Dayac iyo Danseeg saw dhakada; duub cad uma saarin?
- Farxad-doobintiibay rag kale; cadho dillaaceene
- Ma wax laga dudaan ahay; adaan dawga garanayne??
- Ku darsoo intaan diray aftahan; hadalka loo daayey
- Dareen jiifa way kicin ogyiiin; duulka maansaduye
- Darajeeya reer hebel intaan; kula dardaarmaayey
- Intaan cadawga duudsiyey; intaan gacal daryeelaayey
- Dooyada waxaan ugu ahaa; yaanay daadegine
- Ma wax laga dudaan ahay; adaan dawga garanayne??
- Waxan idhi halkii aan degiyiyo; meeshad iga doontay
- Alleylehe intay kala durkeen; waaba kala daane
- Dantaad sheegaysaa waa wixii; kaday dadkaygiiye
- ee ay la wada diidsanyiin; dakharadeediiye
- Inta dumar goblamay een mar kale; dihanahayn wiilal
- Intay duubiyadu naafayiin; degelka Soomaali
- Inta debeda sii aaddayee; dhaqanki doorsoomay
- Inta aan dib loo arag dhan ay; dunida joogaanba
- Inta weli dabkii haysatee; weerar daba taagan
- Iyo deriska kala yaacayeen; dib isu raadcaynin
- Dambarkiisa weeyaan qabiil darartii koowaade
- Jidhku way damqanayaa markaan buuga kuu dayo eh
- Doqon iyo nin liitaad mar kale dabin u qooshaaye
- Mar i dage Ilaahay ha dago kaa digniin helaye
- Waxay tidhi Dayeysane haddaad; sida tan door mooday
- Dar-dartaada ii muuqataa daalitaan ma lehe
- Inaad dayro reeraha ka noqon; geli dareenkaaga
- Wax qabyaalad lagu doorsan karo layma daalicine
- Dadka kalena way kaa irdhoon; sida dugaagiye
- Inay dani ku soo celin mar kale; geli dareenkaaga
- Waxan idhi dardaar-werintu waa; kuu daciifnimo e
- Nin dagaal u soo baxay ma geyo; waan ku dilayaaye
- Kuwa diinta kaa yeeshaybay; taasi didisaaye
- Is diyaari maalmaa ka hadhay dabar goŽaagiiye
- Waxay tidhi sidaad damacsantahay dani hadday yeesho
- Dariiqii abkaa iyo haddaad, duugto dhaqankaaga
- Waxa iga dardaarana hal aan, kaaba degahayne:
- Dadku wada dad weeyaan hadana, kala dun roonroone
- Darajay ku kala soocanyiin, dabaqad reeruuye
- Sidan aan dameer iyo fardiyo awr u wada daaqin
- Ama aan digaag iyo shimbro heer u wada duulin
- Ayey tahay darxumo weyn haddii laysku keen daroŽe
- Digniintaydu waa inad midhkaa dib u xasuusnaato
- Dalkana waa la kala leeyihiyo dooga soo baxaye
- Sida dulinka xoolaha, cid yaan lagu dul noolaanin
- Ninba daayinkii meeshu dhigay door ha ku ahaado
- Waxan idhi halkaan doonayaad dooxday adigiiye
- Denbigaagi wuu ii cadyoo malaha doondoone
- Dawadiina waa loo hayaa doogta biŽin layde
- Dar Ilaahay dumidaada waa loo dabaal-degiye
- Dadkaad kala saraysiinaysaa waa ul iyo diire
- Waa duudi Nebi Aadan iyo qoys durriyadiiye
- Yaa darajadaad sheegaysiyo dabaqyadow qaybshay?
- Saw diirka maarriin-madow deekhsi kama yeelin?
- Saw diinta layskuma dhalee Maxamed may dooran?
- Saw dacalka xeebteena dheer degel kamay yeelan?
- Afartaa dib uugama noqdee deeq ma kugu siiyey?
- Ma daleeyey anigaan murtida dahab ku qiimayne?
- Dood kalena waxan kaaga naqay dooga soo baxaye:
- Dalka waxa leh ruuxii degee xoolo daaqsada eh
- Dalka waxa leh daariyo ninkay dalag u beermaane
- Dalka waxa leh kii lagu dihdeen dooran meel kale eh
- Dalka waxa leh duulkaan ku iman dirir colaadeede
- Dadka yaa u kala qaybiyey oo dacalba reer siiyey
- Deeqdii Ilaahay kumaa kaaga dhigay dawlad?
-----------------------Dhamaad---------------------------
Maxamed Xirsi Guuleed, Sweden.
jamhuuriya@hotmail.com