Site hosted by Angelfire.com: Build your free website today!


Click here - The  History of  Somaliland

Ururka Cilmi Baadhista Iyo Horumarinta Bulshada Oo Qabtay Shir Lagaga Hadlayey Cudurka  Khatarta Ah Ee HIV/AID

   Depression is increase in Somalis  - Do you know What causes depression?

SDWO (Hargeisa)Waxaa bishan 10 keedii Ururka ORSOD ee cilmi baadhista iyo horumarinta bulshada oo qabtay shir lagaga hadlayey arrimaha  khatarta ah ee HIV/AID ka ayaa dhawaan lagu qabtay xarunta aqalka shaqaalaha ee magaalada hargeysa. Shirkan ayaa waxaa ka soo qayb-galay dad badan oo ka kala socda qaybaha kala duwan ee bulshada iyo dawlada hayadaheeda khuseeya arrintan agendaha ahayd.

Shirkan waxaa muhiimada la saaraayey sidii iskula garan lahaa qorshe hawleedka guud ee lagu hagi lahaa hawlaha balaadhan ee lagaaga hortagayo cudurkan HIV/AIDS ka iyo sidii la iskugu xidhi lahaa hawlaha ka dhanka ah cudurkan.Madaxda,masuuliyiinta,aqoonyahanada iyo culumaa’udiinka halkaa ka sooqayb galay,hadalana ka soo jeediyey  Arimo laga hadlay oo dhan waa sedan

  

What is HIV/AIDS SCIENTIFICALLY?

WAA MAXAY CUDURKANI CILMI-AHAAN? 

Cudurka HIV/AIDS waa cudur dilaa aan daawo lahayn ah isla markaana labaatankii Sanno ee u dambeeyey faro-baas ku hayey dunnida gaar ahaan dalalka Africa iyo Asia. AIDS-ku waa (Acquired Immunity Deficiency Syndrome) Waana cudur ka mid ah cudurada dunnida ka jira midka ugu daran uguna khatarta badan.

USEFUL LINKS                   Depression is increase in Somalis History of  Somaliland            UK Immigrations - Somalia        Diabetes -Health  

                                          Somali & East African Music         UK Entery Visa      Money             Quran Download    Sports            

English football - Premiership       Computer Crime                         

American Green Card                  

The Mad Mullah who shamed us in Somaliland 

Cudurkani cilmi ahaan waxaa lagu tilmaamaa in uu yahay masiibo iyo khatar Dhaka- faarisa culimadda sayniska in badan, Sahaydayna Xoogag badan oo dalalka adduunku ku tamrin lahaayeen mustaqbalka, waxyaabaha khatarta baahsan uu u  leeyahay waxaa u sabab ah Sifooyinka uu jidhka bini-aadamka u waxyeeleeyo iyo Dariiqooyinka uu u faafo oo ay ka mid tahay Xidhiidhka jinsi (Sexual Relationship) oo si qaldan loo isticmaalo (Immoral/Illegal way) taasoo ah xidhiidh xasaasi ah oo inta badan Bini-aadamku ay sameeyaan haba ahaato jid aan sharci ahayn ama mid sharci ahe. (dariiqada kaliya ee uu si sharci ah iyadoo lamaane ku xidhiidhey uu cudurku ku gudbi karaa waa haddii uu labadooda midkood hore u qabey cudurkan). 

 

Sidee uu u waxyeelaa Jidhka Cudurkani 

Sidaynu wada ognahay jidhkeenu waxaa uu leehyahay Unugyo u gaar ah la dagaalanka iyo Baabi’inta jeermisyada cudur dhaliyeyaasha ee jidhkeena soo weerara. Unugyadaasi waxay ku jiraan Fulfulka dhiiga wareega ee jidhka, Unugyadani waxay u xilsaaran yihiin inay difaacaan waxyaabaha jidhka soo weerara ee jidhku u garto wax  (Non-self)-ah in uu yahay. Haddaba waxaa uu Cudurkani Cajab ku dhigay waxaa dhaliye u ah Jeermis kaas oo loo yaqaan HIV(Human Immune Deficiency Virus).  Halkaa marka aynu mareyno waa in aynu Maskaxda ku haynaa in Cudur dhaliyahani HIV-gu yahay Virus oo aanu ahayn Bacteria sidaas daraadeed uu si tartiib tartiib ah u soo weeraro uguna dhex tarmo unugyadda Difaaca jidhka. Waxaa uu ka dib ku wada fidaa Unugyada isagoo u nugleeya jidhkeena cudur kastaba in uu si fudud ugu dhaco una waxyeeleeyo taas macnaheedu waa; Waxaa uu burburiyaa Body Immunity-ga. Sidaas ayuu Virus-kani u keenaa xaalad xanuun oo loo yaqaano AIDS. Xajmi ahaan Virus-kani waa mid il-ma aragtey ah oo aad iyo aad u yar laguna cabiro halbeega ugu yar. Sidii aanu soo sheegney Cudurkani daawo ma leh Sababtoo ah Virus-ka daawo Anti-biotic ahi waxba kama tarto.  Waxaa kaliya oo ilaa hadda la hayaa Daawooyin aad ugu cusub dunnida oo qiimo ahaana aad u qaaliya laakiin aan lagaga bogsaneyn cudurka ee qofka (infectant) Qabaa uu waligii qaadanayo waxaa kaliya ee ay daawadaasi u tareysaana ay tahay in uu la noolaado Cudurka, laakiin aanu il-geeriyeed sii yeelan oo cudurada kale ee ku dhaca uu ka bogsan karo. 

KASOO QEYB-GELAYAASHII SHIRKA. 

Sida kor ku xusan Shirkan si natiijo waxku-ooli uga soo baxdo waxaa lagu soo marti qaadey, dad badan oo muhiima kana kala socday qaybaha kala duwan ee bulshada, maadaama cudurkani yahay wax qof waliba isku hayo fidintiisa iyo ka hortagiisa waa in dadka qaybihiisa kala duwan talo iyo tusaaleyn badan lagala yeesho, Anagoo taas ka duulayna waxaanu soo marti qaadney dadkan: -

Mudanayaashii Hadalka Kasoo jeediyey Shirka; 

  1. Mudane Cabdi Qaadir Ismaaciil Jirdeh
  2. Dr. Max’ed Rashid Sh.Xasan
  3. Mudane Max’ed Xuseen Mu’adin
  4. Mudane Sh.Ismaaciil Cabdi Hurreh
  5. Dr. Axmed Xuseen Ciise

 

Urarada Dhalinyarada JSL;

 

1.      SONYO gudoomiyaha golaha qaran ee dalada ururada dhalinyarada ee

Ibraahim Suldaan.

2.      HYDA gudoomiyaha ururka horumarinta dhalinyada Hargeisa

Max’ed Yusuf (Culimo)

3.      SYS ururka dhalinyara Somaliland

4.      ODAY ururka hanuuninta dhalinyarada Somaliland

5.      OASIS ururka horumarinta iyo wacyi-galinta da’yarta Somaliland

6.      SOCSA Ururka Dhaqanka iyo Ciyaaraha Somaliland

Marwo: Khadra Kaliil. (gudoomiyaha socsa)

7.   SOLVOY ururka kobcinta dhalinyarada somliland.

                 Marwo: Kaltuun Max’ed. (xubin gudi-fulineed).

 

Ardeyda Jaamacada Hargeisa iyo Kuwa Private-ka ahba.

 

Ardey fara badan oo ka tirsan jaamacada hargeysa iyo kuwa kale ee gaarka ahba ardeydaasi waxay isugu jireen kuwo hadda qalin jabinaya, kuwo dhexe iyo kuwo hadda bilow ka ah jaamacadaha-ba. Waxaan iyaguna meesha ka maqneyn Ardeyda dugsiyada Sare ee magaalada hargeysa iyo Ardey aan badnayn oo aanu iyagana kasoo marti-qaadney Dugsiyada Dhexe ee magaalda.

Dumar badan oo ka kala socda bulshada ayaa iyaguna goobjoog ahaa iyo xubno waalidiin hooyooyin ah.

 

The tactical conference; Outcome

Waxyaabihii Shirka kasoo baxay.

 

 Ka dib faaleyn badan, aaraa isweydaarsi iyo dood-furan markii la wada yeeshey la isla eegey lana rog-rogey waxaa dhamaan kasoo qeyb-gelayaashii madashu carabka ku adkeeyeen islana garawsadeen in qodobadan soo socda, oo soo noo baxey markii aanu aad u dhageysaney fikradihii dadkii hadlaayey iyo kuwii falan-qeynta ka qeyb-qaateyba, markii aanu la sheekaysaney kasoo qeyb-galayaashii iyo mudanayaashii madasha ka hadleyba waxaa Natiijada shirku kusoo ururayeen oo kasoo baxdey Qoddobadan soo socda;
  1. In habka ugu wacan ee qofku iskaga ilaalin karaa uu yahay Dhawrsanaan, Edeb iyo Akhlaaq Diineed.
  2. In golaha Wakiiladu Guddi-Sharci u Soocaan Dib ugu noqoshada Qaanuunka Maxkabadaha ee Sinadda ku Saabsan. Hubiyaana talaabo ka qaadida dad-yowga, Kufsiyada Geysta oo iyagu inay Gudbiyeyaal-Cudur noqdaan laga yaabo.
  3. In Farsamo ahaan Sannnad Walba Shir-weyne la qabto laguna falan-qeeyo wixii qabsoomey iyo waxaa haboon in la Qorsheeyo laguna hawl-galo, Taasoo Gudida qaran ee la dagaalanka Cudurku soo dhaweeyeen sheegeena inay qorsheha ugu jirto dhowaana qabanayaan shirkaas. Shirarka qaran ee Noocaan ah waxaa agaasimi doona, soona diyaarin doona Gudida Qaran ee La dagaalanka cudurka (SOLNAC)
  4. In la fududeeyo Guurka oo meesha laga saaro Wixii adkeynaya, Diinteena Muqadaska ahna la ixtiraamo, Si loo yareeyo Sinnada oo sidii la xusay lana qirey ah sababta ugu badan ee keenta Aafada cudurkan laguna kala qaado.
  5. In La Dhaqan-Galiyo Xeer hore Baarlamaankii-tagey dhigeen Ase aan Taabo-galin kaas oo ahaa NIDAAMKA ADEEGA CUSBITAALADA IYO LA SOCODKA ISTICMAALKA IYO FAYO-DHAWRKA AGABKA (QALABKA) AY ADEEGSADAAN.
  6. Ilaalinta kuwa qaada Cudurka (HIV positives/Infectants) ee qadarku ku yimaado, Xuquuqdooda iyo waliba farida iyagana waajibaadka ka saran bulshada in aaney ku fidin bulshada.
  7. Joogteynta wada Hadalada Caynkan oo kale ah, iyo Isla socodka dadka hawlahan ku jira iyo Dhigashada siyaasad iyo bartilmaameed midaysan oo Guddida Qarankuna hormood ka ahaato.
  8. Miisaaniyad u kordhinta Gudida heer qaran oo baarlamaanku u qoondeeyo miisaaniyad ay ku hawl galaan iyo waliba tayeynta caawimada ay Hayadaha ajaanibka ahi bixiyaan ee ay siiyaan Dhamaan Ururada ka shaqeeya hawlahan.

Ugu dambeyn waxaa isla gartey in diinteenu ina hagto dhamaanteen, Shirku wuxuu ku dhamaadey Niyad wanaag, Yididiilo iyo Is-afgarad.

 

Waxaanu Ogeysiineynaa oo aanu ka Codsaneynaa Cid kasta oo ka hawl gasha wax ka qabashada iyo la dagaalanka cudurka HIV/AIDS-ka, In ay fiiro gaara siiyaan kuna xisaabtamaan Natiijada Shirkan kasoo baxdey oo ahayd mid si taxadir leh looga doodey loogana baaraandegey.

 Diabetes - Maxaad ka taqaan cudurka Macaanka?  

Shiine Cilmi Kaahin - SDWO Reporter Hargeisa

SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISTION - NEWS PAGE