MAANSO: Halgankii
Dalkeena
Maansadani waxay soo baxday shalay oo ahay 11-02-2003
magaceeduna waa
Halgankii dalkeenee
laga guuray degelkee
loo baxay dulleedkiyo
dirirtii xaqa aheyd
lagu daadshay dhiigee
inta hanad lagaa dilay
halyey dabinka loo dhigay
doogtii ku taal weli
inta umul la dooxiyo
wiilashaadi dabar go'ay
madfac diririgleeyiyo
dabka iyo rasaastii
dadka lagu dalbanayee
lagu dumiyey daaraha
dukum daakum laga dhigay durdurada
hayaankii
dugsigaad istaagtaba
lagu hagay dayuurado
duunyadaada lagu gaday
duuliyuu ku deydeyey
diiradiina kula helay
iyo danabka laba dhaca
daaduunki loo qaxay
dibad yaalki maatida
ruuxii damqanayaa
degdeg kuma illaawee
daltabyada darteeduun
nafta dagagarkeedii
danaheeda kala lumay
durba hoygi wada nimi
waxaad daawateenoo isa
soo dul-taagteen
lafii daadku soo qubay
misna doodi kama dhicin
duulaanka lagu miray
dakanooyinkaas hore
midho daray siddoodii
ama malabka doocaan
duuduub haloo liqo
hadal dabarki weeyee
duqeydeeni kumay talin
dulmigii xaq lagu falay
iyo dala'sigii baas
danyar waxii lasoo baday
dibindaabyo joogtiyo
daldalaadi laga simay
dawo doorisaa timi dawlad
gaara weeyee
dammaashaadka muujoo
haloo tummo durbaanada
diinkii dab loo diray dooxaa
qarkiisiyo
deyrkuu ka muuqdaa daantaaba
muu teggin
darfac laa dameerii
dadku saartay xaabada
soo daaqa yaa yidhi
doogiyo dareemada
saw kuwaa dul tubanee
daadshay heeryadeenii
dabci waxay waddaagaan
dinnadii la koriyee
duubi geel cadkiisii
dhulka loogu daadshee
degdeg ugu dug tidhiyee
miciyaha daf siisee
indhahana dabooshee
dafireysay quudkee
Rabbi darajadiisaa
marka uu dallool xidho
daaqad kuu banneeyoo
diiftiyo dhibaatada
aadmiga u doorshoo
sammahawgu deeqoo
nuukow dillaacshoo
ku haggaaya dawgoo
darxumada ka dhawree
dadkan daarad wada yaal
deris iyo wallaalnimo
danta guud u wada siman
maxaa loogu dawgalay
hadba duul derderanoo
dafdafiyo xasarad badan isku
dira dadweynaha
dallow geliya nabaddoo
dillaalaya dhiigoo
aan deymo garan karin
wixii loo dibjirayee
degta loogu siday qori
ninka ceel ku daadegey
gunta dawliskaw riday
dirri madhan herdiyayee
warka aan ku deeqsiin
malemale ku darayaa
inuu dubuq yidhaahdoo
ku dummaa u door-roon
noloshuba ha deysee
dirqi waxaad ku qabateen
dookhii dadkeeniyo
dareenkoodu siduu rabay
daanshoodka beledkiyo
xisbiyada la door-bidday
doorashooyinkaas dhacay
oo dabbada heysaan
duunyana ku boobteen
dib u fiirso taariikhda
maxaad dooriseeneed
daabacaad ku sheegteen
dufankii macaanaa
duxdii aad u barateen
dacarbaa la mariyee
haysku daarin xeedhada
ninka laaska dihinee
biyuu ay durdurayaan
darsanaaya weelkee
ku dejiyey sabiibkoow
aggoon daadsan baa badan dumar ooman
baa jira
danyartiyo saboolkuna
daranyey u liitaan
way dibin jabbeenoo
dakhar kale ma sugayaan
bursi daan la barayoow
dulmigii ka diiraye
ninka kuu diggaan ahay kuu
dardaar-wershaan ahay
dayaxii dibboodaa
daafta kale ka eegteen
xiddigtii dagaariyo
dirirkaa is daba yaal
darruurtaas ku hoos jiray daalacan
u soo baxay
nina talada kuma darin rag
dadaalayaa imin
madashana ku soo deggi
dubaakhiinu muu garran
wase dala'saneyseen docda
gudinta kuu taal
ninka daab u waayoow
anigoo aan kugu digan
dareygaa adays dhigay digo
hoos ka nooloo
dusha dhibicu kaga da'ay
muu dammin dabkeeduye
daadkoo dhirbaaxoo
ka dalloosha dhinacoo
docda kale ka biyo-roga
ayey hurid ku deysaa
ninka damacu qaadee
dadka aan arkeynee
doqoniimo faanaa
dib buu uga shallaayaa
markuu waayo deeqdii
daalacii la siin jiray
dabar geliyo waayuhu
ha dullaanto buurtani
derbigani ha kala dhaco
hala furro dariiqyada
dhismahana ka wada sima daamurkana
ku wada dhoob
duligana halaga baxo
ha iftiinto daacadi
deegaan la boobiyo
malafsiga dar-jeexa ah
danyar xoolaheed qaba
hala doorsho hawlaha
dibu-socod falkuu dhiggay keligii
daneystiyo
daaya-qaad ku noolaa
dorraad ha dambeysee
daaniyuu ha wada go'o
damashii hargeysana
duqan maanta uun yimi
doorashada ku soo baxay
deelqaaf kumuu iman
durjibuu u yeeshoo
lagu daadshay ubaxoo
daladaha la guud sudhay
isagan dadaal faran
dabcina wuu u leeyahay
dersi buu inoo dhiggi
iyo kala dambeyntoo
dawgiyo xaqaad baran
dalxiiskaa ku soo geli
kaa duubi sawiroo
kugu indha daraandari.
Waxa maansadan Curiyay
Abdihukun Ali Handulle.
C O L U M B U S, U.S.A