![]()
Diabetes - Maxaad ka taqaan cudurka Macaanka?
Arooskii ugu weeynaa ugana kharashka badnaa taariikhda somalilada oo ka dhacay dalka Maraykanka
Click here - The History of Somaliland
Depression is increase in Somalis - Do you know What causes depression?
SDWO (USA) Waxa dhowaanahanaba ku sugnaa dalka Maraykana weriye ka tirsan SDWO Mr Mustafe Xasan oo warbixintan nooga soo diray uu ku eegayo aaroos aad looga hadalhayey dhowaanahanba dalka Maraykanka.
| USEFUL
LINKS
Depression
is increase in Somalis History
of Somaliland
UK
Immigrations - Somalia Diabetes
-Health
Somali & East African Music UK Entery Visa Money Quran Download Sports |

Aroosku
wuxuu ka dhacay magaalada Varginia oo u dhow magaalada Washington DC,
Arooskan oo ahaa mid modo dheer lagu soo jiray u diyaar garowgiisa waxa
ka soo qaybgalay oo lagu soo casuumay 400 oo qof oo ka kala yimid daafaha
dunida.
Waxyaabaha kale ee dadka aadka uga cajabiyey ee ilaa hada la sii hadalhayo waxa ka mid ah tirada minxiisayada oo gaadhay tiro aan abid hore loo arag. Minxiisyadu waxay ahaayeen 40 minxiis oo kala ahaa labaatan hablood iyo labaatan wiil oo dhar isku wada eg loo soo wada xidhay. Waxa kale oo ka mid ah waxyaabaha weli la hadalhayo baabuurta dhaadheer ee aroosyada loogu talo galay ee loo yaqaan limosine ka oo iyagana afar la isku daba xidhiidhiyey.

Waxa kale oo iyagan aad looga mabsuuday fanaaniin aad u tiro badan oo laga soo kala dalbaday dunida dacaladeed oo ahaa 10 fanaan oo iska nasnasinayey madadaalada arooska iyo martidii sharafta lahayd ee arooska lagu soo casuumayba. Ciyaarta iyo madadaladu mar qudha may kala goin, waxaanad moodaysay in dadka ka soo qaybgalay aroosku ahayeen dad aad loo soo xulay. Waxa kale oo iyaguna arooska hareeraha ka taagnaa waalidka arooska iyo aroosada.

Arooskan
ayaa sida wararka aan ku helay waxa lagu qarashgareeyay lacag kor u
dhaaftay $100 kun oo doolar.
Hadaba
intaas waxa sii dheer markii la ii sheegay in waxa afka qalaad lagu yidhaah
Honey moon ka markii uu aroosku u baxayey ay minxiisayadiina sii raaceen oo ah
wax taariikhda ku cusub aroosyada.
Dhalinyaro
badan oo qaarkood arooska joogeen ayaan kala sheekaystay sida ay u arkayeen
arooskii ugu weeynaa ugna qarashka badnaa ee abid soo mara taariikhda somalida,
ayaa qaarkood waxay yidhaadeen waa hibo eebe ku manaysatay oo
lacagtoodii ayay ka raaxaysteen markaa waa hibo eebe ku siiyey habeen la
iskama qaado, halka dhaliyaro
kalana oo imika guur niyada ku haysay ay yidhaahdeen qiimahii guurka ayaa kor
naluugu qaaday, halka qolyo
kalana yidhaahdeen togba taagtiibuu rogmadaa, markaa qofwaliba wuxuu awood u
leeyahay wuu u madaxbanaanyahay. Halkan
qolyo kalana yidhaahdeen xataa hadii lacagtaas oo dhan aad haysatid adoo si
kale u isticmaalabaa ka quruxbadan intaad habeen qudha dabaka saarilahayd $100
kun oo doolar.
Guntii iyo gebogebadii hadaanu nahay bahda SDWO waxaan leenahay Arooska iyo Aroosada Cabdiraxmaan Aadan Xaashi Cilmi iyo Kinsi Idiris Maxamed, Hanbalyo, noqoda kuwii isku ragaa ee ubad khayrqabana kala hela, Waxa kale oo arooska halkan ka hanbalyayna ducana u diraya afarta waalid ee arooska oo kala ah Aadan Xaashi Cilmi, Idiris Maxamed, Faadumo Jaamac iyo Nicmo Cali iyagoo wejigooda faraxadi ka muuqato.
Qoka keeydka heesaha ee SDWO ayuu Mustafe heestan uga soo xulay arooska iyo aroosada ee dhegaysi wanaagsan - Click here - Ubaxyoow Bidhaamee oogada ka nuuraa.
Mustafe Xasan - USA