Safar
uu ku tegay Magaalada Seylac weriyaha SDWO ee Boorama Somaliland
Safarkaygii Zeylac Zaylac sida aynu la’ wada soconno waxa ay ahaan jirtay caasimaddii
boqortooyadii Awdal,waxay ahaan jirtay hoy taariikheed, waxay ahaan jirtay hoy
xaddaaradeed ama ilbaxnimo, waxay ahaan jirtay albaabka adduunku ka aglo
Bariga iyo badhtamaha Afrika. Zaylac waxa si weyn loo aamin san yahay in ay ahayd hooyadii magaalooyin
xeebeedka Badda cas ka hor Ber bera, Jabuuti, Musawac iyo Bender Qaasim, xataa
waxa ay ka qaddiim sanayd Muqdisho, Marka, Malindi iyo Mombasa, waxa kale oo
aan la’ isku khilaaf sanayn in Zaylac ahayd halkii saxaabadii rasuulku ka
soo degeen kolkii laga soo eryey Maka ee ay ku socdeen Ardul Xabash
(Ethiopia). Waxa kale oo ay xuddun u ahayd halgankii Axmed Gurey, hoggaamintii
toosnayd ee Suldaan Nuur iyo boqortooyadii cimriga dheerayd ee Awdal. Zaylac waxa ay taariikhda, diinta, degaanka iyo maamulkaba mataano ku
ahaayeen magaaladii caan baxday ee Adari (Harar) oo aan wax badan ka fogayn
oogada Zaylac. Zaylac waa magaaladii uu in badan iyo inbadan ku taamayey
boqorkii boqorada, libaaxii shawa ee Emperor Menilik II. Nasiib wanaag, magaaladii noocaas ahayd ayay fursaddayda nololeed ii suurta
gelisay in aan dhowaan booqdo, Zaylac oo sida magaalooyin xeebeedka kale ee
badda cas ku taalla bogcad hoose oo la siman heerka badda ayaan ku begmay
xilli galabeed abbaara 4:30 galabnimo. Waxa magaalada dhan kasta ka soo
dugsiyey daruuro ka soo kacay xagga badda, daruurahaas oo aan xiligan
jiilaalka ah looga baran xeebaha, haddana waxa la’ ii sheegay in dharaarahan
oo dhan cirku cusbaa. Hirarka badda ayaa iyagna si debecsan u garaacayey
banaanka bataaxa ah ee badda, waxaanan niyaddayda gashaday muuqaal kaas la
yaabka leh qof kasta oo walbahaar iyo wel wel kashiisa ku jirey wuu ku ladnaan
lahaa, gaar ahaan qofka shaqadu ku badatay ee nasiino doonaya ama lamaanaha is
jecel ee nolosha macaankeeda wada dhadhaminaya iwm. Magaalada Zaylac waxa ka jira nabad gelyo qaan gaadhay, oo gaamurtay, mana
jirin wax cabsi ah oo ay qabeen dadka reer Zaylac. Dhinaca dhaqaalaha
magaalada nolosheedu waxa ay si weyn ugu xidhan tahay Jabuuti, waxanay ii
sheegeen dadka reer Zaylac in xadkii xidhnaan jiray uu waagii hore si weyn u
wax yeeleeyey noloshoodana saamayn balaadhan ku yeeshay, laakiin hadda ay ku
naalloonayaan naruurada xidhiidhka wanaagsan ee labada dal (Somaliland iyo
Jabuuti) inkasta oo aan weli la wada fulin bay leeyihiin heshiiskii labada
madaxweyne ee labada dal. Dhinaca maamulka magaaladu waxay kamid ahayd degmooyinkii nasiib wanaag
hanaanka dimoqraadiga ahi ka hano qaaday, waxaana taageero badan iyo wujuudba
ku leh Xisbiga qaranka ee UDUB, xataa waxan ku arkay dukaamo iyo goobo ganacsi,
oo dadku iyaga oo aan lagu khasbin ay iskood ugu dhejisteen sawirka
Madaxweynaha Mudane Daahir Rayaale. Taas oo muujinaysa jacaylka iyo
kalcaltooyada dadka reer Zaylac u hayaan dalkooda, dadkooda iyo dowladdoodaba. Dhinaca duruufaha nololeed Zaylac oo sidaan hore u soo sheegay ahaan jirtay
hooyadii magaalooyinka, waxa hadda ka muuqda dayac aad u fara badan, waxa gebi
ahaanba bur buray dhismayaashii, waxa xidhmay wadooyinkii, ma laha cusbataallo
iyo Iskuullo la xuso, dadkuna waa ku teel teel, haddii waayo badan Zelac ahaan
jirtay hoyga xaddaaradda Geeska Afrika, hadda waa magac weyn iyo arag weyd ah.
Hadday soo saari jirtay geesiyo sida Axmed Gurey iyo Shuyuukh caan baxa sida
Sheekh C/Raxmaan Zeylici oo kutubtiisu goob kasta oo cilmi yaallaan, hadda ma
laha xalqad tacliimeeed oo la’ tilmaamo. Haddii Ibnu Batuuta, Ibnu Khalduum,
Al Cumari, Ibnu Hawkal iyo guud ahaan qorayaashii caan baxay ee dunidu wax ka
qori jireen, hadda anigaa ugu horreeyey wax qarnigan wax ka qora. Si kastaba ha ahaatee waxan ku soo arkay Zaylac dad wanaagsan oo fur furan
oo u baahan dowlad iyo horumar. Waxaanan ku kalsoonahay in waqti dhow Zaylac
noqon doonto Zaylacdeedii, marka loo eego sida ay u danaynayaan labada wadan
ee jaarka ee Jabuuti iyo Etiopia. Waxa warbixintan soo diray Weriye Maxamed
Axmed Dharaar
SDWO Reporter - Boorama, Somaliland Email: madharaar@hotmail.com