Site hosted by Angelfire.com: Build your free website today!

Click here - The History of  Somaliland   

Madaxweyne Riyaale oo mar labaad lagu soo dhoweeyay Madaarka diyaaradaha ee Oslo, lana filayo inuu jaaliyada la hadlo maalinta Sabtida ah.

 Diabetes - Maxaad ka taqaan cudurka Macaanka?

 

SDWO (Norway) Waxaa xalay ka soo dagay markale garoonka dayuuradaha ee oslo airport Madaxweeynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Dahir Riyale Kahin ka dib markii uu ka soo laabtay magaalo ku taala dhanka koonfureed ee Norway oo uu kaga soo qaybgalay shir uu la galay shirkada shidaalka ee la yidhaah State Oil.

USEFUL LINKS                   Depression is increase in Somalis History of  Somaliland            UK Immigrations - Somalia        Diabetes -Health  

                                          Somali & East African Music         UK Entery Visa      Money             Quran Download    Sports            

English football - Premiership       Computer Crime                         

American Green Card                  

The Mad Mullah who shamed us in Somaliland 

Waxaana madaxweynaha marlabaad magaalada oslo  si diiran ugu soo dhaweeyay dadweeynaha jaaliyadda somaliland ee Norway oo uu horkacayo Gudoomiyaha Jaaliyadda Mudane Saciid iyo ururka haweenka Somaliland ee Oslo.

 

 

 

 


Waxa kaloo goobta ku sugnaa dadweeyne aan la qiyaasi kareeyn,waxaana loo galbiyay xagga magaalada iyo goobta degitaankiisa loo qondeeyay.

Waxa uu madaxweeynuhu ku amaanay Jaaliyadda Norway Sida diiran ee aay u qaabileen isaga iyo wafdigiisa .


Waxaa xusid mudan sida wanaagsan ee haweeynku aay u qaabileen Marwadda Koowaad Marwo Huda barkhad oo ubax ay gudoonsiiyeen haweeynku.


Madaxweeynuhu waxaa uu shirarkii maanta ku tilmaamay mid midho dhal ah oo bilaw wanaagsan ah waxaana la filayaa in madaxweeynuhu dadka la kulmo maalinta sabtida ah.



Dhanka kalena haweeynku ayaa isu diyaarinayaan xaflad caweeys oo ay ku qaabili doonaan marwada madaxweeynaha oo aay doonayaan in ay baro dheereeysiiyaan tii reer Londo ku qaabileen marwada sanadkii 2003 kii.

Madaxweeyne riyaale ayaa maanta galinkii hore ay u bilaabmeen wada hadalo heer sare ah oo uu la yeelanayo madax ka tirsan wadanka norway.

waxaa uu madaxweeynuhu la filayaa in uu ka dhaliyo midho booqashadiisa norway ayadoo sideey shirarku u dhaceen uu warbixin ka soo saari doono wasiirka warfaafinta cabdilahi mohamed duaale oo ka mida wafdiga.


Dhanka kale waxaa la filayaa caawa xaflad aad u weeyn oo dumarku u qabteen marwada madaxweeynaha Marwo Huda Barkhad.



Madale
SDWO Oslo
Norway

SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISTION - NEWS PAGE