Site hosted by Angelfire.com: Build your free website today!

Sanadguuradii kowaad ee ka soo wareegtay doorashadii madaxweyninimada ee Somaliland oo ku beegnayd 15kii April 2004, Maxaa qabsoomay? 

SDWO(London 16/04/2004) Maxaa qabsoomay? maxaa qabsoomiwaayey? maxayse u qabxsoomiwaayeen? su,aalahani waa kuwa ay dadku maanta isweeydiinayaan sanadguuradii koowaad ee ka soo wareegtay tani iyo maalintii ay dhacday doorashadii koowaad ee taariikhiga ahayd ee lagu doortay Madaxweyanaha iyo kuxigeenkiisa 15th April 2003. 

Hadaba taariikh waliba waxay leedahay wax lagu xasuusto noocay doontaba ha ahaatee. Xukuumadu markii ay ku jirtay tartankii dooroshooyinka iyo markii ay ku guulaysteenba balanqaadyo badan bay samaysay oon ilaa hadana aan la arag wax ka qabsoomay.  Kuwa ugu waaween waxaa ka mid ah la dagaalanka musuqmaasaqa iyo cadaalad xumida, ilaa hadana wax ka qabsoomay oo la tilmaami karo lama arag, cadaalad darada sii xumatay darteedna waa kii dadku isugu soo baxay inay banaanbaxaan oo ay cabashooyinkooda muujiyaan, taasi oo lagula  kulmay wasaarada arimaha gudaha.  Balanqaadayadii xukuumada waxa ka mid ah in la dhiso dowlad tayo leh oo kooban, se waxay noqotay xukuumadii koobnayd ee la filayey in ay golahii wasiiradu gaadheen ilaa 50, tani oo xag dhaqaalena aan marnba Somaliland awoodeeyn, dowlad saboola oo intaasoo wasiira samaysatayna tahay wax  lala yaabo. 

Xaga nabadgelyada hadii aan u soo noqono tan iyo dooroshooyinkii ka dib waxa dalka ka dhacay dhawr dil oo qalfsan, sida dilalkii ajaanibka lagula kacay ee ka kala dhacay Boorama, Sheekh iyo Berbera iyo Hargeysa dhexdooda, sidoo kale dilkii  isna aadka looga dareemay magaalada Hargeysa ee loo geystay taliyahii ciidanka taraafikada Hargeysa laguna dilay duhurcad gurigiisa hortiisa iyo dilkii ka dhacay madaxtooyada agteeda ee laba nin lagudhexdilay gaadhigii ay wateen duhurcad bishii August ee 2003. Dhamaan dilalkaasna ilaa hada cid maxkamad loo soo  taagay lama arag. 

Xukuumad marka la doorto waxyaabaha ugu weyn ee laga sugo inay sitoosa wax uga qabato arimaha bulshada meelaha ugu miinsan waxa ka mid ah caafimaadka, waxbarashada iyo biyaha, arimahanina waa kuwa ugu liita ee aan xukuumadu u qiimeeyn sidey wax uga qabanlahayd, dhakhtarka hargeysa oo madaxtooyada ka soo horjeeda waatii barnaamijkii laga soo duubay ee telefishinada aduunka laga soo daayey ay argagax iyo amakaag dadkii daawaday gaal iyo muslinba ku beeray. Dhanka biyo la,aanta intaanad magaalo kaleba ka hadal waxa tusaale kuugu filan caasimadii dalku sidey u haraadantahay, dhanka waxbarashada iyadu aad bay u liidataa hadii ay noqon lahayd tayada macalimiinta iyo duruustaba, waxaana haboon in horta mushahar hagaagsan oo joogto ah la siiyo macalinka si ay waxbaro taami u dhaqangasho. Sababtoo ah ardayga maantu waa madaxdii beri, sidii loo tacliimiyo uun buu hab maamulkooda danbana noqondoonaa. 

Balanqaadayadii xukuumada waxa ka mid ahaa balaadhinta maamulka oo dalka oo dhan la gaadhsiiyo, taasina sida aan ognahay waxay sababtay in magaaladii laascaanood ay faraheena ka baxday,  waxyaabaha kale ee xukuumadu anay weli wax ka qaban waxa ka mid ah in caasimadii labaad ee Somaliland Burco weli lagacta koowaad ee ka socotaa tahay tiihore ee Somaliya, markaa intaan meel fog loo gudbinba waxa ku waajib ah in Burco lacagta somaliland la gaadhsiiyo oo dadka loo geeyo lacagta Somaliland oo loogu bedlo lagana xareeyo tan ay hada isticmaalayaan. Sababtoo ah shacabku may arag lacag loo geeyo oo loogu bedolo tan ay hastaan, ileyn daadinmaayaan lacagtoodee, waxay ahayd in wejigii hore hadii dhankan galbeedka lacagtii laga bedelay in wejiga labaadna mudo  horeba la bilaabo oo lacagta Somaliland bariga oo dhan la gaadhsiiyo.

Hadii aan u soo laabto dhanka waxqabadka ugu weyn ee lagu amaani karo xukuumada waxa ugu horeeya dardargelinta arimaha dibada ee aqoonsi u raadinta Somaliland, oo weftiyo badan ay dhawr jeer aduunka u kala baxeen, sida Itoobiya, Maraykanka, Ingiriiska, Kuuriya, Koonfur Afrika, Beljimka, Faransiiska, Kiinya, Ugaandha, Jabuuti iyo wadamo kaleba kuwaasi oo kor u qaaday yididiiladii shacabka. 

Hadaba shacabkan cidkale uma maqna oon  xukuumada ahayn, hadaba meeye balanqaadaydii ay shacabku ku doorteen xukuumada, olalahii doorashadaba kamuu soo hadhin.  Sanad ka dib waxa haboon bal inay xukuumadu dib u eegto inta ka fushay balanqaadaydii iyo sidii ay hada u fulin lahayd. Iyagoo leh maxaa qabsoomi waayey, se maxay u qabsoomi waayeen. 

Madaxduna ha xasuustnato, nin xil qaaday eed qaad, if iyo aakhiraba xisaab baa idiin taala dadkaas aad masuuliyadeedii dhabarka u ridateen. Qof walbana dalkiisa wuxuu ku leeyahay wuxuu gashado. Waxaan ku soo gunanadaynaa  dalka iyo dadkaba  sidan ha loo dhaamo.  

Long Live Somaliland  -  (Inyar baa ka hadhee hinjiyaay) 

Guled Cabdi Sheekhaash – Gudoomiyaha SDWO

Axmed Maxamed Yusuf -   Gudoomiye ku xigeenka SDWO

Mukhtar Axmed Sh. Adan – Xoghaya guud ee SDWO

Cabdiqani Cisman Xandule – Afhayeenka SDWO 

SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISTION - NEWS PAGE