Site hosted by Angelfire.com: Build your free website today!

Click Here- DISCUSSION - DOOD FURAN - KA DHIIBO FIGRADAADA 

JAMHUURIYADDA SOMALILAND

Wasaaradda Warfaafinta

Warsaxaafadeed  

Click here - The  History of  Somaliland  

Weftigii uu hogaaminayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Daahir Rayaale Kaahin, kadib markii uu socdaalkii uu ku joogay Dalka Norway uu soo dhammaaday, waxa uu shalay gallinkii hore soo gaadhay Magaalada Berlin ee dalka Jarmalka, weftigo oo halkaasi wadahadalo kula yeeshay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jarmalka, wadahadalada dhexmaray Weftiga Somaliland iyo Dawladda Jarmalka, waxa uga qayb galay Weftiga Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyadoo Xubnaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jarmalkana uu horkacayey Reiner Morell oo ah  Madaxa Qaybta Bariga Africa ee Geeska  Africa ( Head of East Africa Division, Horn of Africa). Wasiirku wuxuu uga waramay Madaxdii uu halkaa kula kulmay, xaaladdu dalku soo maray, iyo ta imika uu ku sugan yahay, iyadoo uu uga waramay horumarka laga gaadhay dhinacyada Nabadgelyada, Dib-u-dhiska iyo Dimuqraadiyada Somaliland.  

Wasiirku wuxuu aad ugu dheeraaday sida ay Somaliland wax u qabsatay iyadoon bulshada caalamka ka helin wax taageero ah.  

Wasiirku wuxuu ka codsaday in Somaliland wax ay qabsatay lagu ixtiraamo, laguna gacan qabto.  

Mudane, Reiner Morell  Madaxa Qaybta Barigta Africa ee Geeska Africa, waxa uu aad ugu amaanay Somaliland waxay qabsatay, isagoo sheegay in ay tahay wax ku dayasho mudan horumarkaa ay Somaliland mudada kooban ku gaadhay, wuxuu Mudanuhu ballan qaaday in uu wixii ay Somaliland la qaban karaan ay la qaban doonaan, isla markaana ay joogtayn doonaan wada xidhiidhka labada Dal.

 

Kullankaasi uu Wasiirku kula kulmay xubnahaasi muhiimka ah ee ka socday Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jarmalku, wuxuu ku soo gebagaboobay jawi is af-garad.

 

Kullankaasi waxa Wasiirka kala qayb galay xubno ka mid ah weftiga Madaxweynaha JSL.

 

Siciid Muxumed Xuseen

Xog. Fulinta Wasiirka W/Warfaafinta


SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISTION - NEWS PAGE