Site hosted by Angelfire.com: Build your free website today!

Ardaydii Jaamacada Hargeysa ee Ka Soo Shaqeysay Doorashada G/Wakiilada Maxay Kala Kulmeen Goobihii Ay Ka Soo Shaqeeyeen 

SDWO (Hargeisa 04/10/05) In ka badan 700 oo arday oo wax ka barata Jaamacada Hargeysa ayaa ka hawl gashay hawlihii doorashooyinka G/Wakiilada ee 29 September ka dhacday Somaliland. Ardayda Jaamacada Hargeysa oo goobaha ay ka hawl-galeen ka ahaa Gudoomiyeyaal iyo Xoghayno ayaa dib ugu soo laabtay shalay xarunta Jaamacada Hargeysa. Ka hor intii ayna u kala ambabixin goobihii lagu kala qoray ayay ardaydani tabobar ku saabsan sidii ay hawlahooda u gudan lahaayeen ku qaateen xarunta Jaamacada Hargeysa. Ardaydan oo shalay ku soo laabatay xarunta Jaamacada Hargeysa ayaanu wax ka weydiinay bal wixii ay kala kulmeen goobihii ay tageen intii lagu jiray hawlaha codbixinta iyo tirinta. Ardayda lagu qoray tuulooyinka ama goobaha miyiga ah ayaa qaarkood ka cabanayeen habkii ay kula dhaqmeen dadka degen deegaanada ay ka hawl-galeen, halka qaar kalena ay aad ula dhaceen sidii loogu soo dhaweeyey ama deeganadaas intii ay hawlaha doorashadu socotay. 

Goobaha ay aadka uga cawdeen ardaydu waxa ka mid ahaa degmooyinka Cadaadlay iyo Bali Cabane. Arday Gudoomiye ka ahaa goob ka mid ah deegaanka Cadaadlay ayaa noo sheegay in loo hanjabay ka dib markii uu diiday in waraaqihii codbixinta ee dheeraadka noqday ama soo hadhay uu siiyo mid ka mid ah musharixiinta laga taageero deegaankaas, waxana uu intaas ku daray in markii dambe xoog lagaga qaaday sanduuqii codbixinta, kaasoo uu imika Guddida Doorashooyinka Qaranku uu ka dhigay mid aan ansax ahayn ahayn codadkii sanduuqaas. Arday kale oo isna Gudoomiye ka ahaa goob kale oo deegaanka Cadaadlay ka tirsan ayaa noo sheegay in uu la kulmay cadaadis xoog leh, laakiinse ay markii dambe u suurto-gashay in uu hawshiisa sii wato ka dib markii ay soo gaadheen ciidan kale oo xoojin ahi. Odayaasha deegaanka ayaa culays weyn na saaray si aanu ugu yeelno waxa ay doonayaan, ka dibna markii aan diidnay wixii ay na weydiisteen ayay iyana noo diideen in wax raashin ah na siiyaan ama naga iibiyaan, waxana noo sahlay in aanu hawshayada wadano Ciidanka Nabadgelyada ee Hargeysa naga soo raacay oo tiradoodu nagu filnayd aadna noola shaqeeyey wixii dhib noola yimaadana xidhayey, sidaa waxa yidhi Arday gudoomiye ka ahaa goob ka tirsan Degmada Faraweyne. 

Haddaba, inkastoo ay jireen dhowr goobood oo ay Ardaydu si gaar ah uga cawdeen, haddan waxa aad u badnaa goobaha ay ardaydu sheegeen in aad looga soo dhaweeyey. Goobaha ay cabashadu ka soo yeedhay ayaa waxa sabab u ahaa Ciidanka Nabadgelyada oo aad ugu yaraa iyo iyada oo ay ardaydu aad ugu adkayd shaqadooda taasi oo aan hore u dhici jirin, waxana goobaha dadku isugu yimaado ee Hargeysa aad loogu hadal hayaa sida ay ardaydu uga soo baxeen shaqadoodii mudadii ay ku hawlnaayeen doorashada G/Wakiilada ee Somaliland.

 

Abdirashid A. Hassan

 

Hargeysa, Somaliland