![]()
Click Here- DISCUSSION - DOOD FURAN - KA DHIIBO FIGRADAADA
Diabetes - Maxaad ka taqaan cudurka Macaanka
Madaxweyne Riyaale oo la filayo inuu dhowaan booqasho ku tago dalalka Norway iyo Jarmalka
Depression is increase in Somalis - Do you know What causes depression
SDWO (Hargeisa) Tan iyo intii ka danbaysay doorashadii golaha baarlamanka ee 29kii September 2005 waxa is soo tarayey wararka sheegaya in uu madaxweyne Riyaale uu socdaal ugu bixidoono dalal ka mid ah yurub.
| USEFUL
LINKS
Depression
is increase in Somalis History
of Somaliland
UK
Immigrations - Somalia
Diabetes
-Health
Somali & East African Music UK Entery Visa Money Quran Download Sports |
Hadaba warar aad hada isku soo taraya oo SDWO ay ka heen ilo ku dhowdhow madaxtooayda ayaa xaqiijinaya in uu Madaxweyne Riyaale uu dhowaan u soo bixidoono dalka Jarmalka iyo Norway iyadii oo horena loo hadal hayey inuu soo maridoono dalka Ingiriiska, wararka ayaa iyugna sheegay in dalka Maraykanku ku jiro liiska la hadal hayo inuu madaxweyne Riyaale iyo weftiga uu hogaaminayo uu dhowaan socdaal ugu bixidoonaan, hase yeeshe waxaanay ilaahsi xaqiijin in socdaalka yurub ee uu imika uu uga sii gudbidoono dalka Maraykanka iyo inuu dalkii dib ugu laabandoono, dhanka kale ilahaasii waxaanay xaqiijin mudada uu socdaalkni qaadandoono.
Hadaba warar lagu kalsoonyahay ayaa shaaca ka qaaday inuu hawlo caafimaad uu ku tegayo madaxweynahu dalka Jarmalka. ka dibna uu soo maridoono dalka Norway. Ilaa hada lama xaqiijin tirada uu ka koobnaandoono weftiga madaxweynahu se waxa aad isku soo taray wararka sheegaya inay soo raacidoonaan Wasiirka Arimaha dibada Marwo Adna Adan Ismaaciil iyo wasiirka warfaafinta Cabdilaahi Maxamed Ducaale.
SDWO
Click here - The Great History of Somaliland