Hargeysa oo dagaal qadhaadhi ku dhexmaray koox argagaxiso ah iyo ciidanka booliska iyo meleteriga somaliland
Wararkii ud anbeeyay ee arintan ka soo kordhayna waxay sheegayaan in wasiirka arimaha gudahu xaqiijiyey in nimankan ay ahaayeen argagaxiso ka tirsan ururka alqaaciida oo ay ka yimaadeen koonfurta somaliya, nimankan buu yidhi waxay ku hubaysnaayeen qalab ay ka mid yahiin laba sanduuq oo miinooyin iyo waayiradii lagu xidhayay ah iyo qoryaha waaweeyn ee loo yaqaan PKM ka ee baaska rida ee silsilada lagu xidho, waxa kale oo ay siteen raadyoowyaasha ciidamadu ku wada hadlaan ee meelaha dhaadheer gaadha, wuxuu wasiirku intaas ku daray in afar ka mid ah ragaas la hayo. Saakana wararku waxay sheegeen in mid ka mid ah argagaxisadaas lagu soo qabtay tuulada xamaas oo Hargeysa kaga beegan 30 km dhinaca Berbera. waxa kale oo lagu daba jiraa dhaawacoogii oo dhiig badani ka daatay oo xataa la helay farmasigii ay dhawacooga ku daweeyeen oo ninkii lahaa farmasigaasana la soo qabtay.
SDWO (Hargeisa) Xalay cabaaro 12kii Habeenimo waxa magaalada Hargeisa ka dhacay waxaan aan la filayn taasi oo sababtay inay dadku ku sarakacaan rasaas baas ah oo ka dhacaysay dhinaca bariga Hargeysa.
Arintan ayaa waxa ay ka dhalatay ka dib markii nin darawall ahi uu booliska soo ogaysiiyay in niman uu ka shakiyay uu soo qaaday inkastoonan ilaa hada la sheegin halkuu nimankaas ka soo qaaday. Ciidanka police ka oo ka kooban ilaa 6 askari ayaa ninkaas la raaciyey si uu u soo tuso gurigii uu ku dejiyay nimankaas.
Hadaba Booliska Somaliland oo aan weli u tababarnayn arimaha noocan oo kale ah ayaa gurigii laga shakisnaa si caadiya u garaacay iyagoo qoryahoogiina garabka isagka sita oo aan heeganbagelin.
Albaabkii markii ay garaaceen ayaa intii aan la furin la yidhi yaa garaacaya albaabka deedna iyagoon waxaba shakiyibi haynin bay yidhaahdeen waa boolis, Deedna waxa loogu jawaabay rasaas oo ooda lagaga soo qaaday, halkaas oo markiiba mid booliska ka tirsan ay calooshu ka soo dhacday halka labana dhaawaca halisa la gaadhsiiyay,
Sedexdii hadhay ee booliska ahaa ayaa markiiba qaylo dhaan u dirtay ciidanka meleteriga, ciidankii meleterigu markii uu yimidba waxa ay isku xeereen gurigii inkastoo ragii wererka ahaa ee guriga ku jiray ay ka faaiideeysteen intii meleterigu soo socday oo ay sii baxsadeen, Waxa guriga ku hadhay nin ka mid ah ragaas oo ku dagaalamayey quriga PKM ka la yidhaah, hase yeeshee ninkii waa laga xoogroonaaday ka dib markii guriga lagu jebayay gaadhi baybay ah. Dagaalka ayaa waxa ka qaybqaatay oo meesha la geeyay hubka culus ee ay ka mid ka yahiin Suug iyo laba baybay.
Waxaa maanta la filayaa inuu shirjaraaid uu kaga hadlo arintan ka dhacday Hargeysa wasiirka arimaha gudaha ee Somaliland Ismacil Adan Cisman. Magaalada Hargeysa oo aad saaka ka dareemayso wixii xalay dhacay ayaa aad loo hadalhayaa lana sheegayaa inay ahaayeen maleeshiyo ka timid Puntland halkan dadka qaarna ku sheegayaan inay ahaayeen niman wadaado ah oo argagaxiso ah oo meesha isku urursaday hub culusna guriga ku urursaday.
Wixii warar ah ee arintan ka soo kordha waanu idinla soo socodsiindoonaa.
SDWO NEWS DESK