Site hosted by Angelfire.com: Build your free website today!

Warbixin ku saabsan Dalka Denmark

SDWO (Copenhegan) Waxaan dhowaan socdaal sedexmaalmood ah aan kaga soo laabtay dalka Denmark, waxaanan ka diyaariyey warbixintan kooban,  ugu horeyn dalka Denmark wuxuu ka tirsanyahay dalalka ku jira midowga yurub hase yeeshee aan qaadan lacagta midowga yurub ee loo yaqaan Euro.  Denmark waxa weli laga isticmaala lacagtoodii gaarka u ahayd dalkaas ee loo yaqaano Kroner.

 

Hadii aan ka hadlano nolasha dalka Denmark waxay iila muuqatay magaalo maceeshadeedu aad u qaali tahay marka loo eego dalkan Britian iyo guud ahaanba nolosha oo dhan,  tusaale hadii aan u soo qaadno xabada kookaha ah qiimaheedu wuxuu ku dhowyahay lacag u dhiganta  $1.70 US Dollar. 

Dhinaca dadka dalka u dhashay waxa ka muuqata inaanay dad ajaanib ah oo sidaas u badan aanay la macaamilin ama ay yahiin dad xidhxidhan, dadka somalida ee ku nool dalkaasina dhamaantood waxay isku raaceen inay dadkaasi yahiin dad ay cunsiriyad aad u weyni ku talaxtagtay,  waxa kale oo la ii sheegay inay xaga muslinkana cadaadis weyn ku hayaan oo hada dhawr masaajid la xidhay, masaajid kale oo aan markaas hortaagnaana oo ku yaala caasimada Denmark – Copenhegan in maxkamadu soo amartay in la xidho oo bilaha soo socda albaabada loo xidhidoono.

 

Dalkan markaad u yara fiirsato uma eka dalalka reer galbeedka ah xaga dhismaha iyo dadka ku noolba waxaad mararka qaarkood isweeydiinaysaa inaad joogto dal ka mid ah dalalka yurubta bari ama shuuciga. Xaga kale calaamada iyo magacyada wadooyinku dhamaantood waxay ku qoran yahiin afkooda oo wax ingiriisi ahi kuma hoos qorna.

Somali sidaas u badani kuma noola magaalada Copenhegan aad iyo aad bay u tiro yaryahiin dadka ku nooli badidoodiina markii ay sharciga wadankaas qaateen waxay u haajireen dalka Britain, waxa la ii sheegay in dad gaadhaya ilaa 13 kun oo Somali ahi ay ku noolaan jireen dalka Denmark laakiin hada lagu qiyaaso somalida ku nool dalkaas 3 – 4 kun oo qof oo intooda badanina ay u sii jeedaan dalka Britain. 

Waxyaabaha kale ee qaaliga ahaa ee igayabaabiyey waxa ka mid ahaa Biriij dheer oo bada dul mara oo isku xidhiidhay magaalooyin ka tirsan isla dalka Denmark oo aanu sii marnay anagoo ka baxnay magaalada Copenhegan una sii soconay magaalo u jirta 156km oo la yidhaah Odense,  biriishkaas waxa lagu maraaa halkii marba 250 Kroner una dhiganta $44.75 US Dollar. Isu geyn sii socod iyo soo socod waxaanu bixinay $89.50 US Dollar. 

Waxyaabaha kale ee iga yaabiyey waxa ka mid ahaa Somalida ku nool magaalada kale ee aan booqday ee la yidhaah Odense, hadii aan soo qaato dhinaca xafladaha meherada waxa la ii sheegay in xafladahoogu socdaan ilaa iyo inta uu waagu ka beryayo, waxa kale oo aan la kulmay meher halkaas habeenkaan joognay ka jiray oo la ii sheegay in marka hore dumarku xaflada ku horeynayaan oo ay iyagu iska sii damashaadayaan keligood raguna ka soo qaybgalaan wixii ka bilaabma 2 habeenimo, ugu danbayn waxa noo suurto gashay oo ragii loo ogolaaday oo arooskiina ku jiro wakhti ku dhow 4 tii habeenimo, xafladaasna waxaanu joognay ilaa saacad iyo badh waxaanuna ka baxnay 5.30 subaxnimo, hase yeeshee waxaan isku deyey inaan ogaado xiligay xafladii dhamatay maadaama aanuba waaberi ka tagnay waxaana la ii sheegay inay dhamatay 8 dii subaxnimo, waxaana la ii sheegay in xafaladaha noocan oo kale ahi intooda badani ay bilaabmaan 1 da  habeenimo iyo wixii ka sii danbeeya.   Guud ahaan magaalada Odense waxa la ii sheegay in Somali badani ku nooshahay marka loo eego magaalada Copenhegan. 

Gebogebadii wuxuu dalka Denmark u  egyahay dal nabadgelyo badan marka loo eego dalka Ingriiska, intii aan joognay dhegahaygu may maqlin gaadhi boolis ah oo qaylinaya ama ordaya, sidoo kale waxanan arag ama aanan maqlin gaadhi dab demis ama  umbalance ah oo ordaya ama qaylinayaba. Sidoo kale waxaanan arag boolis lugaynaya oo nabadgelyada ilaalinaya sida dalkan Britain oo kale.  Sidoo kale waxaanan arag Kamaradaha la iska arko oo aan dariiq qudha ku xidhnayn halka dalkan Ingiriiska aad wada iyo koone walaba aad ku arkaysid taasina waxay kuu xaqiijinaysaa nabadgelyada ka jirta dalkaas. Waxa qudha ee aadka loo dareemayo waxa ka mid ah adigoo dareemaya inaad dal qurbe ah aad joogto ama aad ajaanib isku arkaysid sababtoo ah waxaanay indhahaagu habayaraatee aanay inta badan qabanayn dad ajaanib ah, halka dalka Britian magaalooyinka intooda badani ay ajaanibku aadka ugu badanyahiin oo aanad dareemaynba inaad tahay qurbo joog. Ugu danbayntii dalka Denmark waa dal xaga nadaafada aad iyo aad uga horeeya dalkan Britain,  Indhahaygu may qaban xashiish iyo wasakho meelahaas iska daadsana sida dalkan Britain oo kale. Dalkan  waxa la ii sheegay inuu qaadku mabnuuc ka yahay hase yeeshee hadana uu si qarsoodi ah u yimaado oo qaadka si caadi ah loogu heli karo mijintana la siiyo lacag u dhaxaysa $17 - $20 US Dollar.

Guled Cabdi Sheekhaash - SDWO NEWS DESK   SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISTION - NEWS PAGE