Site hosted by Angelfire.com: Build your free website today!

Somaliland Democracy Watch Organisation

Waraysi - Gudoomiyaha Xidhiidhka Jaaliyadaha Yurub iyo Xukuumada Somaliland

Click Here- DISCUSSION - DOOD FURAN - KA DHIIBO FIGRADAADA 

Abdifatah: Waxaan Diyaarinay goob joogayaal ka qayb gala dooroshooyinka baarlamanka ee dhowaan dhicidoona

SDWO (London) Waxa noo suurto gashay inaan waraysi kula yeelano magaalada London Gudoomiyaha xidhiidhiyaha jaaliyadaha Yurub iyo  xukuumada Somaliland Mr Cabdifatax Siciid Axmed anagoo dhawr arimood waxa ka weydiinay waxa uu waraysigaasi u dhacay sidan:- 

SDWO: Cabdifatax tan iyo intii madaxweyne Riyaale kuu magaacaabay jagadan gudoomiyaha xidhiidhka Jaaliyadaha yurub iyo xukuumada Somaliland hawlaha ugu waaweeyn ee aad qabtay kuwee baa ugu muhiinsanaabaad is odhankartaa?

Abdifatax: Intii xilka madaxwaynuhu ii magacaabay waxaan qabatay waxyaabo badan oo halkan aan lagu soo koobi karin, waxana ka mid ah in aan sameeyey Email gurub oo jaaliyadaha yurub iskugu xidhkooda fududaysa,  waxaa kaloo jirta in aan sameeyay shirar badan oo ka dhacay aqalka dalkan ingiriiska ee loo yaqaano house of commonska oo aanu ka hadalnay qadiyadda somaliland iyo horumarkeeda halkaas oo ay xubno ka tirsan baarlamanka dalkan Britain ay in door ah ka soo qaby galeen, waxaa iyadana jirta in aanu dhowr goor la shirnay wasaaradda arrimaha dibadda oo aanu shirno sadexdii biloodma mar, waxa iyadan jirtay shir ay jaaliyaddu qabatay 2003 jaaliyadan UK ku qabatay aan ka qaby galay wakhtigaas oo ahaa mid si wanaagsan loo soo abaabulay. 

SDWO: Wax xidhiidh iyo wada shaqayn ahi ma idinka dhaxeeyaa wakiilka Somaliland ee UK?bal ma nooyara sharaxi kartaa xidhiidhkiina?

Abdifatah: Xidhiiidhka aniga iyo Wakiilka Somaliland Missionka aad  buu u wanaagsan yahay waxaan kuu sheegi karayaa in aan wakhti walba wadda xidhiidhno. oo ay shalay ugu dambeesay aanu qadka telefoonka ku wadda xidhiidhnay 

SDWO: Hadda sidaan lawada socono waxaa loo diyaargaroobayaa doorashooyinkii Baarlamanka Somaliland oo la filayo inay dhacaan 29ka September ee sanadkan, isla markaasna aad ku sugantahay UK, wax kuu qorshaysani ma jiraan ama hawl aad qabatay oo ku saabsan hawlahaas dooroshooyinka?

Abdifatah: Sida aanu lawada soconaba waxaanu ognahay in ay dooroshooyinkii dhicidoonana bisha soo socota September 29 hadii ilaahay yidhaaaodo. waxaa jirta in aanu wadnay ilaa iyo bishii April 2003, sidii aan u heli lahayn dad goob-joogayaal ah oo ka qeyb qaata doorashada S/land waxaana noo suurto gashay inaan goob joogayaal diyaarino. 

SDWO: Dadkan goobjoogayaasha ah ee aad hada noo sheegtay bal noo kala sheeg intay yahiin iyo meelaha ay ka kala socdaan iyo xiliga ay bixidoonaanba iyo cida kharashkooda bixinaysa?

Abdifatah: Dadka goob-joogayaasha ah ee ka qeyb qaadanaya doorashadu inta aan ilaa hadda ognahay waa 16 (lix iyo toban xubnood) oo ka kala socda Saxaafada dalka Ingiriiska iyo Hayahada Caalamiga ah sida CARE INTERNATIONAL, ragga ka socda jaamicadaha qaarkood iyo ragg ka mida khubaradii joogi jirtay S/land mudadooyinkii aan la qaadan xornimada, waxaanan filaynaa in qolada ugu danbeysaa ay ka baxaan halkani 23/9/05, Dadkaasi iyaga ayaa kharashka ku baxayana iska bixinaya mudada ay hawshaasi ku jiraan, 

SDWO: Xukuumada ma ku wargelisay hawshan baaxada leh ee aad qabatay isla markaana sidee bay xukuumadu u soo dhoweysay arintan?

Abdifatah: Xukuumadu aad ayey u soo dhaweysay markiii aan la socodsiinay, ilaa iminka si joogta ah ayaan ugu wada soconaa, si wacana waa ugu diyaar soo dhaweyntooda iyo ina ay u fududeyso hawshooda wixii ay ugu baahdaan. 

SDWO: Adigu miyay qorshaha kuugu jirtaa inaad tagto dalkii xiliga dooroshooyinka?

Abdifatah: Haa waan ku tala jiraa in aan tago mudada ay doorashadu dhacayso, hadii Eebbe idmo 

SDWO: Hadii aan u galo xaga xidhiidhka jaaliyadaha, waxa jirtay dhowaan in uu shir weyni ka dhacay dalka maraykanaka oo ay soo qabanqabisay ururka Sopra oo aqoonyahano, siyaasiyiin, waxgarad iyo dad ajaanibiba  ka soo qaybgaleen, adigu shaqsi ahaan sharikaas sidaad u aragtay?

Abdifatah: Annigu aad iyo aad ayaan shirka Mareykanka ka dhacay u soo dhaweynayey sida dadweynaha S/land oo ee qurba jooga ahiba usoo dhoweeyeen, waxaanan u arkaa shir loo baahnaa isla markaasna xiligii loo baahnaa dhacay, dalkeenan wax badan mustaqbalka u tarikara. 

SDWO: Sidaan la wada socono ururka SSE (Somaliland Society Europe)  ayaa iyaguna ka dabaqaatay shirkaas maraykanka ka dhacay oo iyaguna ku dhawaaqay inay shir ku qabanayaa balaadhan markii u horeysay magaalada London Bishan September, shirkan isag laftiisa ka waran, ma  is odhankartaa maadaama shirkii maraykanku uu dhowaan uu dhacay si guulana ku dhamaaday in kani yara degdeg yahay oo uu ku fiicnaan lahaa sanadka danbe si dadkii kii hore ka qayb galay ay kana uga qaybgeli karaan?

Abdifatah: Sida aad adiguba Guuleed su,aashaada ku jirta eed u aragto in uu deg-deg yahay Shirka lagu qabanqaabiyey Magaca SSE, ayuu aniga iyo dadweyne badan oo ka mida Qurba-jooga Yurub aan u aragnaa in uu yahay shir aad loogu deg-degay, maantana  aanu munaasib ahayn wakhtigani oo Shirkii Mareykan hadda si wacan u dhacay, waxaanan dad badan ku tilaamayaan shirkani  mid lagu qanjilayo ( COPY-CAT ) shirkaasi dhawaanta ka dhacay Cariga Mareykanka, oo lagu heshiiyey in Sand ka dib la qabto shir noociis oo kale ah, lagana heshiin doono dalka Martida loo noqon doono, kaasi oon niyada ku haynay in aan u soo hogaamino in lagu qabto YURUB gaar ahaan London.  Xidhiidh aan la sameeyay wakiilka Somaliland ee UK iyo Jaaliyada Somaliland Society UK iyaguna waxay ii sheegeen inaanay waxba kala socon shirkaas laguna soo wargelinin.

SDWO: Ururkan SSE waxaan filayaa in lagu aasaasay mar xaflad weyn oo 18ka May ahayd 2001kii lagu sameeyay dalka Holland oo dad 4 kun gaadhayaa ay ka soo qaayb galeen oo ka kala yimid aduunka oo dhan gaar ahaan qaarada yurub.  adiga laftaaduna wax baad ka ogeyd amba asaasaayashii baad ka mid ahayd, bal wax yar nooga sheeg siduu ururkaasi u aasaasmay iyo figradii uu ku yimid iyo marxaladahii kala duwanaa ee uu soo maray?

Abdifatah: Sida Qurbo-jooga YURUB  ka wada war qabeen adiguna aad su,aashaada ku xustay, ururkani waxa la gu aasaasay  dalka HOLLAND, magaaladiisa HAAYG 19/5/2001, ee maaha sida uu IID CALI SALAAN  ku xusay warqadiisa ku jirta internetka in la aasaasay 2003., waxaanan ka mid ahaa asaasayaashii ururkan Anniga iyo Faysal cali Waraabe Gudoomiyaha UCID iyo toban xubnood oo kale. Ujeedada ururukani oo ahayd in loo sameeyo xidhiidh Jaaliyaha Mujtamaca S/land ee ku nool Yurub sidii loo mideyn lahaa ayna u wada yeelan lahaayeen xidhiidh qudha iyo cod Guud oo matala.  waxa kale oo ilaa imika qabyo ah, oon u ballansanahay in bisha November/05 ee sannadkani aan qabano, oo London ka dhici doono dib u habeyn lagu sameyno doono, lagu dooran doono gudiyo cusub oo ka hawl gala Ururka S/land Society U.K iyo SSE isla markaasna loo mideyn lahaa labada urur. 

SDWO: Su,aasha u danbaysa Cabdifatax waxa jirtay in doorashada markii u horeysay dib loo dhigay ay ahayd inay dhacdo bishii March ee sanadkan, markaa maadaama dib loo dhigay adna aad u xilsaarantahay xidhiidhinta jaaliyadaha iyo xukuumada ma isku dayday inaad xukuumada ku qanciso in doorashada lagu beego xiliga ay qurbojooga somaliland ay fasaxyada ku joogaan dalkii maadaama ay aad u jecelyahiin inay ka qaybqaataan dooroshooyinka? 

Abdifatah: Marka kastaba codsigayga way ku jirtay in lagu beego wakhtiga aan fasaxyada ku jirno, laakiin waxa aan laga gudbi kari waa qorshaha ay mar kastaba keenaan Gudiga Dooroshooyinka Qaranka, taasi oo cid kastaba Xukuumad iyo shacbiba la wada raacayo, waana ka xunnahay, inkastab oo xubno badan oo reer Yurub ahi aan  ogahay in ay ku jiraan liisaska u sharaxan Baarlamanka S/land, taasi oon aad ugu hambalyeynayo  gaar ahaan Xukuumadu in ay tixgalisay codsigaygii ahaa in wax lanaga siiyo xubnaha tarytamayaasha ee Baarlamnka. 

Ugu danbayntii waxaan jecelahay in aan u gudbiyo Saxaafada S/land gaar ahaan kuwa dalka ka soo baxa iyo internetkaba, in ay noqoto saxaafada S/land mid Xallan oo Xalaal ka ah in ay dadweyanaha S/land ku kala abuurto isnecabaysi iyo Aflagaado u kala gudbin, waxaana aan leeyahay sida waayaha danbe ka muuqata saxafada waa in la kala saaraa Cida xilka haysa iyo xidhiidhkiisa Gobol ama Qoys, laguna dhaliilaa wax distooriyan xaq loogu leeyahay.. lagana daayo aflagaadooyinka xidhiidhkiisa kale.

SDWO NEWS DESK 

SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISTION - NEWS PAGE