![]()
Click here - The History of Somaliland
Ardaydii Gebiley laga soo xidhay horaantii bishii October oo cafis madaxweyne lagu sii daayey
Diabetes - Maxaad ka taqaan cudurka Macaanka?
SDWO (Gebiley) Sidaan dhowaanahanba la wada soconay waxa 17 arday oo wax ka dhigta dugsiga sare ee Timacade ee degmada Gebiley loo taxaabay xabsiga 6dii October ka dib markii ay mudaharaad cabasho ah ku hortageen maayarka magaalada Gebiley oo xidhay Library ay ardaydu wax ku dhigan jirtay oo ay horey kiradeeda u bixinjirtay dowlada hoose ee Gebiley.
Depression is increase in Somalis - Do you know What causes depression?
Ardayn ayaa habeen madoow xukun degdeg ah lagu fuliyey deedna loo taxaabay loona dhaadhicyey jeelka Mandheera oo ay ku xidhnaayeen ilaa 26kii Ocotber. Xadhiga ardaydan ayaa waxa aad uga dhiidhiyey labad xisbi ee mucaaridka ah ururada bulshada, ururada qurbo jooga sida SDWO ( Somaliland Democracy Watch Organsiation), Somaliland Forum, Somaliland Society Europe oo dhamaantood warsaafaadeedyo ay arinkaas kaga soo horjeedaan soo saaray.
Culaysbadan ka dib waxa y xukuumadu go,aansatay in dhalinyaradaa sharcidarada lagu xidhay ay xoriyadoodii u soo celiso 26kii October. Hadaba waxa SDWO us suurto gashay inaanu waraysi la yeelano qaar ka mid ah dhaliyaradaas laga soo daayey xabsiga mandheera, Warysigiina waxa uu u dhacay sida tan:
SDWO: Markii u horeysay sababtii aad u mudahaardeen maxay ahayd?
Jawaab Ardaydii: Sababta aanu u mudaharaadnay waxay ahayd iyadoo la bixin waayay kiradii libarary ay ardaydu kulahayd magaalada gabilay badhtankeda sabobtoo,ah dugsiga sare ee laydihaahdo timacade(qalax) oo ah dugsisare magaalada wuxuu dibada uuga baxsan yahay shankilomitir 5km,markaa waxaanu soo raranay buugtii oo waxaanu dhiganay guri aanu ka kiraysan suuqa.
SDWO: Sidee la idiin soo qabqabtay, isla markaasna sidee baa ciidankii idin qabanayey idiinla dhaqmeen?
Jawaab: Intaan lana qabqaban ka hor waxaanu go’aansanay inaanu la xisaabtano maayirka magaalada maadaama ay dagmadayadu ka dakhli badan tahay 5 gobol ee kale marka laga reebo Saxil Berbera, nasiibdaro waanu waynay oo waxaanu jajabinay,muraayadihii iyo waxoogaa albaabo ah kadib waxaa lanoo dalbaday ciidan, kaasi oo habeenimadii noogu yimid guryahayaga, intiibaxsan karaysay ee baxsatayna waxaa magaalada gudeheeda lagu xidhay waalidiintooda, arinkayagiina waxaa loo badalay mucaaridad iyo kulmiye ayaa ka danbeyay.
SDWO: Markii la idin xukumay habeen madoow sidee ayaad dareenteen markii la idin xukumayey?
Jawaab: Marna kumaanu fikirin waxaa,la idin xukumi habeen saqdii dhexe waxaa gabilay oo aanu laba habeen ku xidhnayn 06/oct/05, afartii habeenimo gaadhi lanagu qaaday oo lanageeyay saldhiga kadibna anagoo katiinadaysan lanagu xukumay sanad xadhig ah
SDWO: Goormaa la idiin dhaadhiciyey Jeelka Mandheera ?
Jawaab: Waxaa lanoo dhaadhiciyay 9kii October 2005
SDWO: Intee baad ku jirteen jeelkaas iyo sidee se la idiinla dhaqmay, guud ahaan nolosha jeelka dhexdiisa bal ka warama?
Jawaab: waxaanu xidhnayn 9kii 0ctober - 26kii 0ctober 2005 qiyaas 17 cisho,runtii si fiican lanolama dhaqmin,nolosha guud waa mid liidata, dhinac walba runtii calooshaa nawad xanuuntay oo waxaa lasiin jiray qamadi qalayl ah, meeshasi nololi kadheer.
SDWO: Maadaama aad horey u maqasheen jeelka mandheera in Siyaad Bare ardayda ku cabudhin jirey maxaad idinku dareenteen markaad aragteen ardaydii hore sababtay SNM ta ugu biirtay oo marlabaad soo noqotay idinkana idinku dhacday?
Jawaab: Walaahi dadku iskuma wada jiraan qaar way naxaanaynayeen,qaarna waynoo hanjabayeen oo ma ilawno askari nagu yidhi Axmed Siilaanyo ha idin badbaadiyo askarigaasi wuxuu nagula kacay jidh dil qaarnaga mida.
SDWO: Goormaa la idin sii daayey, yaa se sii deeeyntiina ka danbeeyay se waxa shuruuda oo siideeyntiina lagu xidhay ma jirtaa?
Jawaab: Waxaa lanasii daayay 26oct,runtii waxaa noo orr,orrday waalidiintayada oo u tagay wasiirka waxbarashada, kadibna madaxwaynaha loo wada tagay waanu nacafiyay. shuruudaha lanagu xidhay waxaa kamid ahaa inaan aan la hadal oo aanan colaad danbe kula kicin Maxamed Cabaas oo ah mayirka magalada.
SDWO: Dadbadan iyo ururo ay ka mid yahiin SDWO ayaa arintiina aad uga dhiidhiyey oo warsaxaafadeedyo ka soo saaray, oo joornaalada iyo websiteyada iyo idaacada radio horyaalba lagu faafiyey, sideed u argteen in aad ahaydeen arday xadhigooda la danaynayey aadna loo diidanaa?
Jawaab: Runtii waanu dareenay markaanu dibad uga soo baxnay oo waxaa mahadleh,axsabta mucaaridka ah iyo ururuada bulshada
Axmed Maxamed Bookh, waa mulkiilaha aanu ka kiraysanay guriga, isna waa lanala xidhay,waxaana lagu yidhi adaa ka danbeeyay wuxuu kamid yahay dhalinyarada u ololaysa kulmiye.
Liiska 10 kamida 17kii arday ee la xidhay.
1. ZAYID MAXAMED CABDALA
2. MAXAMED DAA’UUD
3. AXMED ABIIB C/LAAHI
4. MUKHTAAR MAXAMED MUXUMED
5. C/RAXMAAN MUXUMED GUULEED RIRASH
6. MAXAMED CIRO BUUNI
7. C/SALAAM CABDI CALI
8. GUULEED XAASHI JAMAC
9. MAXAMED SALEEBAAN
10.ISMAACIIL XASAN KAAHIN
& Axmed Maxamed bookh oo aan ahayn arday ee ah mulkiilaha guriga
SDWO News Desk