Site hosted by Angelfire.com: Build your free website today!

GOLAHA BAARLAMAANKA SOMALILAND MA SHARCIBUU KU DHISAN YAHAY WAKHTIGAN

Faalo: Waxa soo diyaariyey Axmed Ali - UK

Liiskan hoos ku qorani waa magacyada xubnaha golaha baarlamaanka ee Somaliland iyo beelaha ay ka soo jeedaan. Xubnaha qaarkood waxay dhaxleen xubno **** oo geeriyooday.  Qaar kalena waxay dhaxleen xubno dibada usoo baxay oo fiisayaal dawlada la siiyay ku yimid Yurub iyo Maraykanka kadiban is dhiibay oo aan dib usoo laaban.

Waa kuwan magacyadii xunaha baarlamaku.

DHULBAHANTE

Ahmed mahamed aadan (qaybe)
C/qaadir jamac xaamud
C/risaaq warsame x**** (wuxuu dhaxlay faratoon)
Maxamed jaamac cabdi (dhaxal)
Yaasiin ismaaciil cali
Maxamed ahmed maxamed
Cali ismaaciil jaamac

ARAB
C/qaadir X. Ismaaciil Jirde
Cali Hassan Sheehkdoon
Jamaal Mahamed Nuur
Mahamed Adan Ahmed
Mahamed Kassan Kaahin
Ismaaciil mire Mahamed

HABAR AWAL

Maxamuud Jaamac Cilmi (wuxuu dhaxlay walaalkii)
Hassan Mahamed Jaamac (wuxuu dhaxlay A. yusuf)
Cabdi Muuse Kooshin (wuxuu dhaxlay Kaarshe)
Muxumed aw Cabdi Ismaaciil (sacad muuse)
Maxamed Muuse diiriye (sacad muuse)
Xuseen Cabdi Caamir (sacad muuse)
Maxamed Xuseen Yoonis (wuxuu dhaxlay aabihii)
Siciid Cilmi Rooble

HABAR YOONIS
Axmed Xirsi Caamir (reer wayd)
Ahmed xassan Dhunkaal (gadhweyn)
C/risaaq Maxamed Muuse (reer abokor)
Ing. Maxamed Cali Ciise (wuxuu dhaxlay faysal)
Maxamed Warsame Diiriye
Yuusuf Nuur Maxamed
Yuusuf Xirsi Galow

HABAR JECLO
Maxamed Aadan Jaamac (wuxuu dhaxlay aabihii)
Cali Maxamed Cali (m. abokor)
Cabdi Maxamuud Jaamac(reer doodi,dhaxal c/laahi salax
Xassan Maxamed Warsame (m. abokor)
Jaamac Ahmed Rooble (m.abokor)
Maxamuud Axmed Cali (sanbuur)
Maxamed Ahmed Sayidi (muuse abokor)
Maxamuud Ismaaciil Xassan (cimraan)
Ismaaciil Maxamed Xirsi (samane)
Maxamuud Xaashi Cabdi (muuse abokor)
Xassan Ahmed Ducaale (cimraan)
C/laahi Saleebaan Warsame (m. abokor)

CIIDA GALE
Baashe Yuusuf C/laahi (wuxuu dhaxlay Bidhaan)
Maxamed Muuse Abees
Cabdi Warsame Faarax (wuxuu dhaxlay walaalkii)
Maxamed Xuseen Dhamac
Rashiid Cige Xassan

TOLJECLE
Xassan Cabdi Xabad
Cumar Maxamuud Yuusuf (wuxuu dhaxlay aabihii)
Xuseen Cabdi (wuxuu dhaxlay walaalkii)

AYUUB
Cumar Cabdi Ismaaciil
Faysal Daahir Camuud (wuxuu dhaxlay walaalkii)

WARSENGELI
C/qaadir Jaamac Cilmi ( dhaxal)
Cali Maxamed Aadan ( dhaxal)
Cabdi Faarax Ducaale (wuxuu dhaxlay Cali M. Tuur)
Cismaan Sharmaake Caamir (wuxuu dhaxlay walaalkii)
Jibriil Cali Salaad

GADABUURSI

Siciid Xassan Dhurde (waa dhaxal)
C/laahi Cabdi Siciid (habar carfaan)
Cumar Nuur Cismaan
Cali Obsiiye Diiriye
Aadan Yusuf Guuleed
Maxamuud Ahmed Bare
Maxamed Barkhad Miigane
Maxamed Colhaye Bare
Maxamed C/laahi Samaale
Xassan Cumar Colow]

CIISE
Cilmi Xirsi Cali
Ahmed Cabdi Kaahin
Cabdi Siciid Faahiye
Ibraahim Maxamed Warsame
Xassan Galab Duule

OTHERS
Ahmed C/laahi Bahal (tumaal)
C/waaxidC/qaadir C/raxmaan (fiqishini reer sool)
C/rashiid Maxamed Aadan (ogaadeen, jibraahiil)
Cabdi Jaamac Maxamed (weli ma hubo)
Cismaan Xuseen G

Dhamaan xubnaha geeriyooday iyo kuwa qurbaha u baxayba waxaa badalay qof walaalkii, inankiisii, ina adeerkii ama
cida ugu dhaw ah markaa. Golaha baarlamaanka ee Somaliland waxaa lagu soo doortay hab beeleed aan isku dheeli tirnayn oo ay cadaalad darro badani ka
muuqato. Laguma soo dooranin xubnaha baarlamaanka tiro food lagu helay ama hab degmooyin ama gobolo ku salaysan, waxaa lagu yimid oo kaliya reer hebel iyo beel heblaayo imisaynu siinaa. Lama eegin tayada, aqoonta, xirfada
iyo waayo- aragnimada qofku leeyahay. Raga baarlamaanka ku jiraana nooc walba waa leeyihiin. 

Qaar aqoon badan le iyo qaar aan taariihk waxbarasho lahaynba waa laga soo helayaa. Qaar aan weligood dawlad usoo shaqayn meel maamul lagu hadal hayana aan arag ayaa ka mida golaha barlamaanka. 

Haddaba dhibaato waxay ka joogtaa doorashada baarlamaanka ee soo socota iyo habka wax loo dooranayo. Hadii cod aqlabiyad ah wax lagu doorto iyo hadii degmo iyo
gobol wax lagu doortaba xubnaha baarlamaanka ee maanta jooga taasi dani uguma jirto. 

Sidaa darteed waxay ku dadaalayaan sidii sharciga doorashada baarlamaanka ee la samaynayaa iyaga uu ugu xaglin lahaa ama uu sida ay rabaan u noqon lahaa.

Dawladuna arrintaa aad bay ugu taageersan tahay
golaha baarlamaanka isla markaana waxay rabtaa sidii aqlabiyada baarlamaanku u noqon lahayd UDUB. Sidii arrintaa loo hirgeli lahaana hawsheedii hada ayay
dawladu si rasmiya u bilawday. Waxay ka bilawday inay iibsato xubnaha golaha dhexe ee KULMIYE iyo wakiilada kulmiye ee magaalooyinka iyo degmooyinka uu KULMIYE ka helay tirada badan. Iibsigaasi iyo laaluushku wuxuu
bilaabmay markii miisaaniyada qaranka la ansixiyay kadib. Waxaanay dawladu ugu talo gashay in xubnaha ay iibsatay uga hawl galaan isla markaana uga ololeeyaan
dawlada deegaanka iyo beesha ay ka soo jeedaan marka doorashada baarlamaanku si rasmiya u bilaabanto. Xubnihii ugu horeeyay waxaa laga iibsaday degmada gabilay. Hawshana waa mid socod doonta ilaa la waayayo cid kulmiye
taageerta.

haykali@hotmail.com

SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISTION - NEWS PAGE